Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,189
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    300

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Eebe ha caawiyo, ummadeena. Kenya would care less about them. Mar walba ee abaar qabato xuduud beenaaneedkaas ee ka gudbaan, toogtaan meeshii lagu samatabixi jiray ayaaba abaar ba'an ka jirtaa, jubbooyinka. Dowladii Soomaaliya caawin jirtay awalba ma jirto.
  2. And the point of this thread is? PS, wikipedia isn't a trusted source, and particulary this article mentioning him born in 'Ganaane.' Siyaad Barre was born in gobollada dhexe. There is no such place called Ganaane in Soomaaliya, but a former name for a particular river, now called Jubba. Or did they mean Luuq Ganaane?
  3. Originally posted by Mr. Jibis: Seeing as I only have 3 posts to go before I hit the big 1000, I fell I should "contribute" tonight. Welcome Odey Abdulle.....you sure you're not Odey Shirwac? Do you know who the really Odey C/lle is? Not this guy, but the name? It is a person equivalent of Rick Mercer's funny rants combined with Jim Carrey's antics. A well-known comedian in Soomaaliya.
  4. Baashi, Otaanga waa lagu soo jabay dheh. Aniga waligeey ma tagin, oo Neyroobi dhanka Gaarisa lee ka aaday. Dhuudhigii ka waran? Cijiyo baxay? Laakiin abkoo qaraabo dhan Otaanga ayee tagi jireen wixii 92-94 u dhaxeeye. Ar maxee kusoo jabeen. Waxaa maqlay qofka u qaabilsanaa arimaha dhoofka Mareykanka naag Pamela la dhihi jiray, Soomaalidana ugu wici jirtay Balbeelmo. Taloow ma jirtay taas? Abtigeey reerkiis ayaa ku soo dhacay interview-gii, markee kusoo noqdeen Neyroobi wiilkiis shan jirka ahaa ayaa dhihi jirnay, "Yaa kaa reebay Mareykanka?" "Balbeelmo. Uff waaye Balbeelmo." Shan jirkeena xataa waagaas Mareykanka muxuu jano mooday. Ar maxaa adduun la bartay gadaasheed.
  5. Yihooy waala soo dhacay. Mahaan mihii ma'aha, yihooy iska jir. Eeboow, soo dhawoow. Fiimto noo cab, jiimbaartana isku jimci.
  6. Originally posted by General Duke: ^^^ Horn nice post but I wonder why find it necessary to still hide behind the nom-degra Wind/Codetalker>? Jen., we thought this issue was publicly resolved and buried. Windtalker/Codetalker is NOT Hornafrique/Kashanre. I reiterate accusing others having other nicknames is against the rules now. It affects that person's character, as well as degenerating the quality of the forum. Anyone's posts accusing others will from now on be deleted. Should anyone be suspicious about a person having multiple pseudonyms on this forum, let the Admin. know.
  7. Salaan... Aqiyaarta, Soomaali jaahilnimada waa ka wada siman yihiin oo waa isma dhaanto iyo dhasheed. Aqri hoos. _________________ Jigjiga, Somalitribune (8/3/06) - Meelaha ugu siidaran ee sida xoogga leh loo xaalufiyay waxaa ka mid ah goobihii ay degganaayeen qaxootigii Soomaaliya ha ugu sii daraadeen Degmada Q/bayax, gaar ahaan magaalooyinka Q/bayax iyo H/Sheekha iyo Degmada Awbarre oo kayn ahaan jiray haddana lama degaan isu baddalay. Meelaha kale waxaa ka mid ah degmada Gaashaamo, Rabaso iyo Daroor gobolka Godey iyo agaarkeeda iyo Qalaafo. Aagaggaa oo muddo dheer oo ay ku sugnaayeen sida Q/bayax oo kumaankun oo qaxooti ahi degganaayeen dhirtii kaynta ahayd waxay ka yeeleen waxay shitaan, waxay xaabo iyo dhuxul ay magaalooyinka u iib geeyaan ka dhigtaan iyo waxay buulal ka dhistaan. Haddaba aagaggaa qaarkood dadaalo yar-yar oo ay dib u dhirayn ku sameyeen meelaha qaarkood hayado aan dawli ahayn oo ka damqamaya sida ba'an ee dhirta loo xaalufiyay loone dabarjaray, haya'daha aan dawliga ahayn ee dadaalka dib loogu dhiraynayo dhulka ay qaxootigu xoolifiyeen mudadi ay degganaayeen waxaa ka mid ah hayadda aan dawliga ahayn (NGOga) lagu magacaabo HOPE FOR THE HORN oo ah hayad waddani ah oo degaanka Soomaalida ka jirta kana hawlgasha. hayadda HFH waxaa u suurta gashay inay sannadihi la soo dhaafay dhirayso qoobihi qaxootiga Soomaaliya xaalufiyeen oo Degmooyinka Q/bayax, Awaare iyo Gaashamo ka kala tirsanaa, sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2005kii waxay ku beertay dhir gaadhaysa 250,000 oo geed degmooyinka Q/bayax, H/Sheekha balliyalay, Dulcad, Aboko, Rabaso, Daroor & Agagaarka Degmada Gaashaamo. sannadkan 2006 kana waxaa u qorshaysan inay goobahaa qaxootigu xaalufiyeen ka beerto dhir gaadhaysa illaa 350,000 oo geed oo lagu diyaariyay xarunta dhir diyaarinta ee Q/bayax. Waxaa kale oo dhir xaalufintaa barbar socotay shan iyo tobankii sano ee la soo dhaaqayna lagu hawlanaa olole kale oo dhirta qoyan dhuxul ahaan loo shidamayo taasoo si laxaad leh oo aan xad lahay loo dabar jaray dhirtii kaymaha ahayd, waxaa xusid mudan degmooyinka Q/bayax iyo Dhagaxbuur kayntii jiqda ahayd ee u dhaxaysay oo aad loo jaro, maalintii in ka badan toban baabuur oo waaweyn oo dhuxula laga raro, dhuxushaas waxaa loo kala iib-geeyaa Soomaali land oo la sheegay in la sii dhaafiyo dalalka carabtana looga sii dhaafiyo. Magaalada Jigjiga ee xaruunta Degaanka Soomaalidana waxaa saddexdii maalmoodba la soo galiyaa shan illaa toban baabuur oo dhuxushii oo aan jawaan ku jirin oo rasaysan ka buuxdo dhuxushaas oo la dhigo xaafada dhan oo suuq u noqday, dhuxushaa dhawrkii maalmoodna lagu soo dajiyo boqolaal kintaal oo oo dhuxul (eeg sawirrada la socda qoraalkan). Haddaba, dhirtaa sida sharci darrada loo jarayo xilligii Xukumaddii Dhargiga mamnuuc ayay ka ahayd, waana la dabagali jiray cid kastoo isku dayda inay dhirta jirto oo xaabo iyo dhuxul ay ka ganacsato ka dhigto sharciga ayaa lala tigsan jiray xafiiska beeraha ayaana arrintaa u xilsaarraa. Hasayeeshee, mudada 15 sannadooda ee ay dalka soo maamulayeen Xukumadaha Dimuqraadiga ah cid arrintaa qaabilsan oo ilaalisa dabagalna ku sameysaa ma jiro, dhul baallaadhan oo kaymo Jiq ah ahaa ayaana la xaalu fiyay, arrintaa dhir xaalufinta iyo dhuxusha xad dhaafka ah ee dalka iyo dibaddaba loo dhoofiyo ee degaanada Araarso ee Degmada Dhagax buur aad ugu badan, sababta loo eeganayo waxna looga qaban la'ayahay mar wax laga waydiiyay Madaxa Xafiiska Horumarinta Xoolaha iyo Kh/Dabiciga C/laahi Cabdi Aadan, Wuxuu sheegay inay arrintan hordhigi doonaan hayadda sharci dajinta oo ah Golaha Baarlamaanka Dawlada Deegaanka Soomaalida si sharci lagaga hortagayo xaalufinta dhirta laguna xaddidayo dhuxusha looga soo saaro. Arrintaas oo xasaasi ah dhibaato ba'anna ku haysa degaanka una horseeday dhulka la xaalufiyay carro guur dillaac iyo waraarro dhulkoodhan si deg-degsiiyo leh ugu fidaya dhul beereed badanna xanibay sidoo kale qorrax kulul, dabaylo aan kala joogsi lahayn, nabaadguur, dhaxan habeenkii ah iyo roobyaraan aanay lahaan jirin ayay xaalufinta dhirtu horseedday arrintaas oo la odhan karo waxay qayb ka tahay abaaraha joogtada ah ee degaankan la soo darsay sonnooyinkan dambe, waxaana lagaga gudbi karaa sidii xal deg-dega loogu heli lahaa xaalufinta dhurta muwaadin kasta oo degaanka u dhashay ku dalka gudihiisa ku sugan iyo ku dibadaha joogaba xil ayaa ka saran sidii uu uga dhiidhiyi lahaa ugana hortagi laha arintaa. Xigasho: Soomaalitribune.com __________________ Jaahiliintaan Eebe ha naga qabto.
  8. A Shirweynihii Saddexaad ee Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed (Somali Speaking Pen) ayaa ka furmay Aqalka Ummadda ee magaalada Jabuuti 26ki Febraayo 2006-da. Shirweynahani wuxuu ku soo beegmay si weyna u bilay Kulan-wene lagu magacaabay Toddobaadka Afka Hooyo, kaas ku aaddanaa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, 21/2. Kulan-weynahaas waxaa furay, khudbad dareen hilow dhaqan xanbaarsanna ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo aad ugu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo daryeelka iyo horumarinta afka hooyo oo uu ku tilmaamay halbowlaha nolosha iyo miftaaxa horumarka ummad kasta. Gabagabadii toddobaadkana madaxweynuhu wuxuu Naadiga PEN guddoosiinyey billad sharafta Dhaqanka, taas oo Naadiga PEN looga abaal-marinayo kaalinta firfircoon ee uu kaga jiro daryeelka afka hooyo, horumarinta suugaanta iyo faafinta aqoonta guud.; maamuuskaas oo aanu madaxweynaha uga celinayno mahad aad u ballaadhan. Isla billad-sharaftaas Dhaqanka wuxuu Madaxweynuhu ku maamuusay abwaanno iyo qorayaal ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Maxamed Daahir Afrax, Aw Jaamac Cumar Ciise, Maxamuud Dirir Geeddi iyo Gamaludin Redo. Naadiga PEN waxaa sharaf weyn u ah in ay xaggiisa ka timid fikradda qabanqaabinta kulanweynaha Toddobaadka lagu maamuusayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, taas oo hindiseheeda lagu qeexay qoraal uu diyaariyey Guddoomiyaha Naadigu. Hirgalinta Toddobaadkana waxaa hormuud ka ahayd Wasaaradda Dhaqanka iyo Warfaafinta Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana gacan ka geystey haya'do iyo shirkado ay ka mid yihiin Djibouti Telecom, Idaacadda iyo Televisionka Jabuuti, Daalo Shirkadda Daalo iyo haya'dda UNESCO; xubnaha PE-na safka hore ayay kaga jireen dadkii u guntaday fulinta barnaamijka. Shirweynaha Saddexaad ee Naadiga PEN waxaa ka soo qayb galay xubnihiisa Jabuuti ku sugan iyo ergooyin ka kala yimid qaybaha kala duwan ee Soomaaliya, Itoobiya, Sweden, iyo Dalka Ingiriiska. Waxaa iyana xusid mudan xafladdii lagu maamuusayey gunaanadka shirweynahan inay ka soo qayb galeen Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Itoobiya, Mudane Maxamuud Dirir iyo Agaasime Goboleedka 'UNESCO' ee Bariga Afrika, Mudane Awad El-Hassan.. Shirweynaha waxaa hawshiisa la guda galay 26/02/2006, iyadoo lagu bilaabay duco iyo tacsi lagu xasuusanayey xubnihii bahdan 'PEN' iyo suugaanta Soomaaliyeedba qiimaha weyn u lahaa ee dhawaan ka geeriyooday oo ay ka mid ahaayeen Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, Ibrahim Suleymaan Gadhle, Ilyaas Xasan, Maka Shirdoon iyo Aden Nuur Maxamed. Intaa ka dib waxaa la soo bandhigay lana ansixiyey Ajeendaha Shirweynaha, kaas oo ka koobnaa qodobbada hoos ku taxan: 1. Furitaan & Daqiiqad la xasuusto xubno geeriyooday: Yamyam, Ibrahim Gadhle iyo Adan Nuur 2. Ansixin ajendaha 3. Erayga Odayada Naadiga - Hadraawi 4. War-murtiyeedkii Shirweynihii hore - Riiraash 5. Warbixinta Guddoomiyaha 6. Warbixinaha Laamaha: a) Laanta Djibouti b) " K/Soomaaliya c) " Sweden d) " UK 6. Su'aalo iyo ka-faallootan warbixinihii la dhegeystay, 7. Warbixinta khasnajiga, 6. Dib-u-qiimayn dhismaha Laamaha, Guddiyada iyo hab-socodka hawlaha Naadiga, 7. Qiimayn fulinta qorshe-hawleedkii hore, 8. Amba-qaadka Qorshaha 2da sanee soo socota, 9. Go'aannada shirweynaha, 10. War-murtiyeed, 11. Doorashada Odayada Naadiga, 12. Doorashada Guddiga Fulinta Furitaanka Shirweynaha waxa ereygii ugu horreeyay halkaa ka soo jeediyay abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ku hadlayey magaca Odayada Naadiga. _________________ Faahfaahin dheeraad ah sii aqriso. Aad ayaan ugu faraxsanahay hadee dowlada Jabuuti ugu dambeyntii fahantay muhiimada ee leedahay qowmiyad walba afkooda hooyo. Taloow iskoolada in lagu dhigo ma bilaabi doonaan?
  9. LooooooooooooooooL. Maba ogeyn inay jirta qooleey.com. Soo check gareeyaba.
  10. Salaan... Oodweyne, dad waa weyn yaa kala celin karo mar walba, widaayoow? In la kala xishoodo dhaqankeena suuban waaye, siiba sida loo kala weyn yahay in la isku ixtiraamo. Yoonis, ixtiraamka ilaali, baliis.
  11. Daanyeer iyo Baashi, dhacdooyin la yaab aa dalka ka dhacay runtii. Siduu Daanyeer sheegay waa in la aruuriyaa, buugaag laga buuxiyaa. Jiilka soo koraayo waligiis iloowin. Dhacdo kale ayaa dhacday, oo uu ku jiro lakadkii ila dhashay. Waa isla sanadkii 1992. Xaafada markaas loo bixiye Bermuuda [qeybo weyn kamid ah Hodan, H/wadaag iyo Waaberi] oo reer aakhiraad ah, oo laga wada qaxay ka ahayn aabaheey iyo dhalinyaradii la joogtay, iyo walaasheey oo markii dambe looga cabsaday nafsadeed laga saaray markee bartay wax karis yaryar kuwii aabaheey la joogay. Marka xaafadaas markee Cali iyo Caydiid is lagdaayeen, habeenkii waxaa u talin jiray kuwa Cali Mahdi taageersan oo u badnaa Ciyaal Siigaale, awalba iyagoo hub qaadan iska dhib badnaa. Wixii aroortii ka bilowdana waxaa u talin jiray qeybta Caydiid, oo u badnaa kuwa ka imaaday gobollada dhexe. Saas markee tahay oo aabana diiday in uu ka baxo gurigiis, ayaa waxaa ka cabsi qabnay ciyaal gobol kuwaas maadaama ee kaseynin isaga inay balaayo ka dhigaan meesha. Marka maalintii intee qoraxda jirto mid iyaga kasoo jeedo ee isku jufo yihiin ayaa guriga la dhigi jiray maalintii intee qoraxda jirto, habeenkiina ka tagi jiray. Ciyaal Siigaale odeyga wee garanayeen, oo waaberigii intee kasii bixin xaafada -- oo kuwii kalaa soo socdee maadaama iyaga maalin xukumo -- inteena xaafada ka bixin ayee canjeerada ee mar mar karsadaan la cuni jireen [koleey waa iska baad], iyagoo ku kaftami jiray, "Odeygaan wuxuu gurigaan ugu jiro, ugu bixi la yahay saqafyada jileyga ka hooseeye ayaa wax ugu duugan, si kale ma'aha." Maalin maalmaha kamid ah Ciyaal Siigaale [mar mar waxee gurmad ka heli jireen Kaaraan iyo Madiino] ayaa qabsaday xaafada, markaas ka bacdina guriga usoo dhaceen. Handadaad iyo balaayo ayee isla markiiba bilaabeen, oo duqii ugu hanjabeen haduu sheegin wax uu ku haayo oo maal meesha ah inay wadan doonaan dhalinyarada la joogto ka bacdina dili doonaan. Wax meesha ma yaalo aa loogu sheegay oo runta ah, hadee rumeysanina ha baartaan guriga. Run dhab ayee aaminsanayeen in uu guriga wax yaalo, oo si kale ugu jirin duqa. [Kaligood ma qabin fikirkaan, kuwa kale maalintii xukumo iyanaga fikir saas camal ayaa ka dhaacdhacsanayd.] Ugu dambeyntii walaalkeey iyo mid kale la joogay markaas ayee wateen, iyagoo ugu hanjabaayo aabo in uu mar dambe arag saari doonin. Kaaga sii daranee, asagii aa ugu jawaabay, "Arag iska dhaafee, kabtooda ha isoo celin." Dhacdadaan markii dambe iyaga ka sheekeen doono, markuu ereyadaas dhahay wee la yaabeen. Odeygana xikmad kale uu duugnayd, oo wuu yaqaanay sida loola dhaqmo maryooleey. Intee kaxeysteen, ayee meel Suuq Miijiska u dhaw geeyeen. Isla markiiba waxaa gartay kuwii Ciyaal Siigaalaha dhabta ahaa. Maxaa dadkaan usoo qaxeyseen iyo muran ka bacdi, waala fasaxay. Fasax waa tahee, yaa bixi karo, oo xabada waa socotaa, inkastoo iska qaboobneed, sidaas daraadeed kuwa "sniper" ayaa jiro wax alaale wixii naf ee dhankooda kasoo horjeedo socdo shiisho. Iyagii ee la joogeen. Naga taga markii lagu dhahay, kii lakadka ahaa aa dhahay meel ma u socona, intee aadeynaa, xabadaa? Iyagii qosol. Markii dambe kii kale lala qafaashay oo cabsi weyn heysay ayaa dhahay naga wad kuwaan intee is badalin. Intee baxeen ayee guri kale ku sugeen intuu gabalka ka dhacaayo. Habeenkii ayee darbiga kasoo boodeen. Aabaheey inkastoo fiidkii iyo maalintiiba Qur'aan aqrin jiray, maalintaas Qur'aankiis waa dheere oo wuu duceysanaaye. Inkastoo uu quursan, wax walba waa ka suurodaa moor.yaan. Wuxuu aad iskula xanaaqsanaa nafsadiis ereyadii uu ku dhahay oo "kabtoodana ha isoo celin" ahaa. Duqa still lives there, with his house still intact. Dadka qaarkood weydiiba sababta gurigiis loo fiiqan maadaama xataa jileey yahay oo baraako ahayn [jileeyga ayaa laga jeclaa fujisada baraakada]. Sidee ahayd '92 xaafadaas, geesi geesi dhalay iyo mid naftiisa wada nacay ayaa ku hari karay bas.
  12. Reer Bay & Bakool are free to live where-ever they want in their home-country, waxaan lee yahay reer Reer Bay & Bakool ku soo dhowaada Laascaanood waa dalkiinii, waa magaladiinii, waa dadkiinii etc There is a very common misconception among some Soomaalis who only associate af Maay with Bakool and Baay gobolo. Not so. In fact, more speakers of Maay live outside these two gobolo than inside. I think majority live in Jubbooyinka and Shabeellada Hoose. Maay, contrary to what misinformed believe, is a multi-clan language spoken predominantly in Jubbooyinka, Shabeellada Hoose and Baay, Gedo and Bakool. All these "Soomaali Bantu" news laga maqlo lately af kale ma yaqaanaan ka ahayn af Maay, and all hail from Jubbooyinka, places such as Bu'aale, Dujuuma and Saakoow. The town of Afgooye in Shabeellada Hoose, across from Xamar, carries this name because that was traditionally where af Maay and af Maxaa-tiri met and separated. I believe kuwa now ku kala fariirsan geesaha Soomaaliya una qaxay are particularly reer Jubbooyinka and Baay, with some from Shabeellada Hoose.
  13. Stop your qujac qajacdaada, baliis. Codetalker informed us what happened to his other nick looooooong before your accusation who he himself is. Again, stop your the accusation, it is just against the rules. I am enforcing the rules. Should you have a problem about anything, including me, you've every right to send a word to Admin.
  14. Haye daanyeerka, meeqo isbaaro ayaa soo dhigan jirtay? Waxaanba soo xasuustay qiso. Waxee ahayd '92, oo degmada Madiino, dhanka Siliga Ameerikaanka aan usoo guurnay, oo xaafadeena Bermuuda markee noqotay. Darbigii wareegsanaa Siliga Ameeriikaan ayaa dhex laga jibiye si loogu luggeeyo u fudadaato oo dhanka Isbitaal Madiina marka laga imaado lasoo mari jiray, hadii kale wareeg dheer waaye. Marka kuwaa marmar isbaaro waxee dhigan jireen darbiga gadaashiid, ku ganbanaayo isla darbiga. Marka dadka soo socdo, oo dhexda soo maraayo ma arkaan. Qofka markuu darbiga soo dhaafo ayee lee yihiin soo leexo, meeshaas ku baaranayaan. Anaga oo gurigeyna ganjeelkiisa hortaagan caadi aan fiirsaneynay filinka meesha ka socday. Sidee fiirsashada noogu socotay, walaalkeena oo barxada Siliga soo socdo aan aragnay, oo dhanka isbaarada usoo socdo. Isla markiiba walwal aa na galay. Walwalka waxaaba nagu bilaabay waa ognahay inuu lakad lakad dhalay ahaa, oo maquusto ku darsaday. Anagoo wax aan sameyno la' ayuu meeshii isbaarada darbiga usoo dhawaaday. Ileen dadkii ka horeeye oo dhan hal mar istaagaayo cabsi daradeed, hadana gees gees u leexanaayo uu arkay, oo qof dirito ama toos u socdo jirin. Koleey shaki aa galay. Markuu soo dhawaaday hoosguntidiis intuu kor u qabsaday fakatax kamaa fatuuro ka daaye, oo xuruf roor kusoo dhaafay. Ooh, moor.yaantii isbaarada u taalay oo ahaa labo labada gees darbiga kala taagnaa oo dadkee heysteen ku mashquulsanaa waxee sameyaan ee garan waayeen. Orodkii uu guriga kusoo gaaray. Anagii mar ma qosolnaa, marna argagax oo inee xabad kasoo daba tuuraayaan aan u maleynay. Mar walba markaan xasuusto...
  15. Salaan... Ducaqabe, ma rumeysatay qoraalkaan? It is unsubstantiated warqad circulating around the net the last five or six years, widaayoow. It sure was written in diplomatically, but marxuumka in laga eed sheegto ma fiicno. I deeply have my suspicions about this letter. For one, Cigaal until to his grave was a staunch pro-unity nationalist Soomaali [he even accepted shirkii Carte lagu qabtay in lagu qabto Berbera or other small towns but changed his mind in the last minute because of a heated pressure within his rank and to keep his kursi, according to C/qaasin], and more reer Waqooyi Galbeed than waxa maanta goosasho rabo, oo u badan kuwii kacaanka guulwadaha u ahaa.
  16. Originally posted by Pi: There is Codetalker (aka windtalker) and Yencerie , same person. Then there is Mr. Oodweyne and Tolstoy , same person. Isnt it against the rules of the site to have multiple accounts? Lemme guess, they're not really the same person. They only happen to argue for the exact same caues, use the exact same arguments, use the exact same words. Nah, its just good ole coincidence, innit? :rolleyes: Stop accusing others. This accusation itself is AGAINST the rules. Admin. knows what is going on. If you you think you have a case or suspicions, PM the Admin.
  17. Salaan... I had to bring this thread back because shaleey yaa maqlaaye C/llaahi Yuusuf oo af Maay isku dhibaayo markuu la hadlaaye xildhibaanada qado sharaf loo sameeye? "Bil'aan ii magal, salaamantiin." Ahaahahaha....Reer Mudug af Maay ku hadlaayo, it isn't just compatible, but that was really funny. It was on Shabeellenews.com Check it out.
  18. Aaden Cabdille Cismaan [Eebe ha caafimaad siiyo, aamiin]
  19. About me I'm Farah Blue From MoccaTissue, KissMyOh, BeauSauceO, MollyLand, And the rest of Somalia's Finest, Somalia Farah Blue is a fresh qaxooti coming here as a failed militiamember. He was too nice and caring. How could he rob and kill his own people? Struggling with the language but he manages to keep his head above water. Still trying to find the right Halimo. Still eats Baasto with his mouth open. Still slurps Shaah like he's about to die. Still same old G. Daanyeer, abaaba kaas adiga miyaa? Former militiaman [aka moor.yaan]. Sheeko miyaa?
  20. Originally posted by Xarago: What a good anology. Thus these gives you the right to have denied a region which has volunteerely merged with you without any condition the basic needs of development. Since you are into statitics Maskiin you can probably furnish us with the difference rate of injecting development between the regions of North and South. And while you are at it would you be kind enough to note down what important government offices or branches were in the North. Where were the tertiary level education colleges based in huuno? To say the least. Accounting for the number of 'wasiiros' walalo does not answer the injustices suffered by a region... Abaayadiis, somebody wrote in initial posts that Waqooyi Galbeed only one wasiir ayaa loo qoondeeye in '60 Cabinet, and that madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka all hailed from Koonfurta in 1960. That was factually wrong. I thus was only refuting that part-- nothing more and nothing less. About 'injustices' suffered by certain regions [this was '60s, keep in mind, hokey], that needs its own thread.
  21. Originally posted by SOO MAAL: Can someone provide the list of somalia's first government (cabinet ministers)? You can find here the governments of '60s and their respective cabinet posts in each year. Though the 1960 cabinet link is broken [other links all work fine], here is a corrected link of 1960. [scroll down.] It is the same list like the 1961. I copy-paste the '60 cabinet list, plus the Afhayeenka Baarlamaanka: P resident: Aaden Cabdulle Cismaan Prime Minister: Cabdirashiid Cali Sharmaarke Deputy Prime Minister: Cabdi Xasan Booni Minister of Foreign Affairs: Cabdullaahi Ciise Max'uud Minister of Internal Affairs: C/risaaq Xaaji Xuseen Minister of Defence: Max'ed Xaaji Ibraahim Cigaal Minister of Justice: Max'uud Axmed Maxamed Aaden Minister of Information: Cali Max'ed Hiraabe Minister of Education: Cali Garaad Jaamac Minister of Health and Labour: Sheekh Cali Jimcaale Minister of Finance: C/qaadir Max'ed Aadan Soobe Minister of Public Works and Communications: Cabdinuur Max'ed Xuseen Minister of Industry and Trade: Sheekh Cabdullaahi Max'uud Minister of Agriculture: Axmed Xaaji Ducaale Minister of General Affairs: Cismaan Max'uud Ibraahim President of National Assembly: Jaamac C/llaahi Qaalib Two wasiiro, plus the Guddoomiyaha Baarlamaanka [i think he was from North]. Intaas ka badan miyaa la baray, considering there were only 14 ministries including the prime minister's office. What further complicated was Northern candidates had their own minority parties, such Soomaali National Congress. The members of dominating Soomaali Youth League [sYL] were obviously who had the most cabinet posts. They later realized if they wanted a piece of ministrial cake, joining SYL was waxa ka horeeyo. That was when crossing back and forth across the floor in Baarlamaanka became a joke of itself, those who didn't get official posts used to go back to their own originally [some defuncted even] parties, unless they were satisfied. That was the nature of politics these days, and it wasn't limited to reer Waqooyi Galbeed. Many created one-member-candidate -- they knew those they recruited had no chance of winning, only the party founder was a serious candidate -- parties to influence others or project themselves more important than they were.
  22. Salaan... Baashi, your political input is missed. Shaaha diyaar waaye, ee noo keen kaftan ka dhabeeye [i think I once saw a book called this name, I am not sure, though]. The latest twisting news is Qanyare/Yalaxoow/Finish/Xaaraan-kunaax imminent departure to Addis Ababa. Very interesting. It just tells you how little credibility they have left.
  23. Xoogsade, ha u bixin. Reer Koonfur kaliya ma'aha ee waa every conscious Soomaali wax dhibsanaayo in dalka la kala gooya. Damiirkeena ma aqbali karo. That seven-like beautiful country qaarad in la kala gooye wax la yeeli karo ma'aha. Kuwii maqnaa ayaa murugu nagu haayo sidii lagu soo celin lahaa, wacdala kuwii jiray in lasii kala gooye. Nasiibxumo ku dhacday reer Goosato waxee kusoo aadeen Midowga Soofiyeedi oo burburay iyo Dagaalkii Qaboobnaa oo dhamaaday. Hadee almiina declare gareyn lahayeen their secession in 1980s on official SNM declaration ku jiri lahayd, wax waa is badali lahaa, oo either labada quwad waagaas tartamaaye ayaa midkood ku hormari lahaa aqoonsigooda, even if they didn't rule a tuulo. Eebaba uma qadarin, maxaa yeelay Soomaalidii la siray oo dagaalkii jabhada ahaa Soomaali National Movement goosasho kuma jirin ajendahooda. [Haduu jirina oo u qarsoonaa Soomaali inay siraan damceen iyagaa isa siray.]
  24. You know, folks, it surprises me why a certain one-dimensional issue supporters always come to one another's side to support or cheerlead. Robotic behaviour? Why there isn't a 'public' disagreement, since I am sure they are plenty of out there 'dusted' under the carpet about political disagreement issues pertain to their region, as not openly shown on this forum. You know I am sure if tomorrow I registered a new nick name, and started supporting one-dimensional political issue on this particular board, these certain folks, -- one of them not surprisingly always comes out of lurking to hurrah what he perceives to be his cyber 'cousins' regardless how wrong or correct they are -- will surely welcome me among to be their few cherished "cousins." A little requirement would be to conform to their unwritten 'regional' conformity of ultimate group-speak -- literally. So, instead of writing 'qadhaadh,' if a person slips and writes 'qaraar,' as it was finely illustrated on this very board to a hapless new comer who received a reprimand straying from 'cousinity' group-speak. What they utterly failed to realize is the fact Soomaalis during pre-civil war grew up different regions with different dialects, regardless of that person's clan's associated region's dialect. Under their tribal telescope, however, everything is black and white, one-sided dimensional political issue being the foremost of them all. Hailing and backing up one another all the time indeed is tiresome, really. Diversity is what makes this world fully interesting -- a little at it does. Bring your individualistic political interests forward, no need to put them under the carpet on SOL, because others from groupthink may question your loyalty.
  25. Salaan... Soomaalida waxa maanta is dabayaacaayo are siyaasi ku sheeg, not a seasoned politicians who mastered the ultimate tricks of the game. Siyaasad waxeeda waa iska qaacinimo, laakiin maanta kuwa is daba rooraayo waxooda ka dareey waaye. However, Max'ed Dheere waxiis wee dhaaftay ka dareey, he is a league of his own -- at the bottom. Doesn't the guy have sumcad? War aawey the little sharaf the qabqable kaaga hartay? Having complete 180 degree [Qanyare ayaa dagaalka bilaabay/Qanyare ururka uu aasaasay ayaan ku biirayaa] different view in mere few hours. Even hadii dhagta wax laguugu soo sheego waala sugaa a couple more days, not a few hours. Waxaaga kaaga sii daran this isn't the first time he made a complete turnaround. It became his caado. His now seems taking the art of qabyaalad Soomaali politics into a shameless, unprecedented territory. ________________ GABALDAYE SIYAASADEED: MAXAA BEDELAY MAX'ED DHEERE? A Jahawareer siyaasadeed mararka qaarkood lagu qoslo, mararka qaarkoodna dadka ugu filan inay fadhi kudirir u noqoto ayaa ku soo kordhay xaaladda Soomaaliya kadib markii masraxa siyaasadda Soomaaliya ay jilayaal ka noqdeen Kookeyaal, Darawallo iyo Qamarjiyaal aan mabda’ lahayn oo had iyo jeer isaga hadla wixii ay markaas dhuuntooda ka dareemaan. Maba dheereyn xilligii Maxamed Dheere shafka u garaacday inuu dowladda Federaalka marti gelinayo, waa la ogaa mowqifkii uu ka istaagay taageerada madaxweynaha, wuxuuna qaatay go’aanadii ugu waaweynaa ee uu ku taageerayo dowladda Federaalka qeybtii Jowhar ku sugneyd, isagoo inta kale iyo xubnihii Muqdisho ku tilmaamay wax aan jirin heer uu xilka ka xayuubiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka. Wuxuu Maxamed Dheere shalay ka gudbay xadkii ugu danbeeyay ee isku xiri lahaa isaga iyo saaxiibkiisii hore C/llaahi Yuusuf, wuxuuna galay xerada hoggaamiye kooxeedyadii wasiirada noqday ee (MAYA & MADFACA) ku caan baxay, shirkii jaraa’id ee shalay uu qabtay waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ugu waaweynaa: = Inaan la qaadin Cunaqabateynta hubka = In C/llaahi Yuusuf Hub uu Yeman ka keenay uu siiyay ciidamo beeshiisa ah = Iyo inaysan ciidamada Koongo ku jira ahayn ciidamo Qaran, balse ay yihiin kuwo beeleed ama Qoys. Aan is weydiinnee Maxamed Dheere iminka wasiirna maaha xildhibaanna maaha, marka aragtidiisa waxba kama bedeli karto in xayiraadda hubka la qaado ama ay sii socoto,wuxuuna kala mid yahay Yuusuf Indha-cadde, waana arrin u taalla xitaa haddii la isku hayo Baarlamaanka oo leh go’aanka kala baxa sharci ahaan, sidaas darteed mowqifkiisa cusub wax qiime ah kuma fadhiyo oo aan ka ahayn murcaad ku noqoshada madaxweynaha. Tan labaad haddii Maxamed Dheere maanta sanad kadib qirayo in Hub Yeman laga keenay madaxweynaha uu siiyay Puntland, maxaa hore u diiday inuu uga hadlo hubkaas, mise wuxuu u sheegayaa isagoo qeyb uu ka rabay ka waayay?, waxaa kaloo is weydiin leh Hubka Maxamed Dheere Itoobiya ka soo qaato xilli waliba ee kii ugu danbeeyay dadna lagu dilay kuwana lagu qabtay ma ogol yahay inuu wax ka siiyo hoggaamiyeyaasha kale, Cunaqabateynta uu doonayo in la qaado maxay kaas u celin weyday?. Arrinta saddexaad Ciidamada Koongo ku sugan haddii aysan ciidamo qaran oo amar dowladeed ku yimid, maxay ahayd sababtii ay halkaasi ku yimaadeen, sidee ayuuse Maxamed ku ogolaaday inay ciidamo beeleed oo ka yimid Puntland yimaadaan Sh/Dhexe?!!, maba jirin cid tiri waa ciidamo qaran balse waxaa lagu sheegay asaaska ciidamada sidaas darteed Maxamed Dheere sow maaha in isaga is eedeynaya? Bal waa kaase adiguna faham dhaqanka Gabaldaye-nimada siyaasadeed ee Gelin kasta mowqifka cusub lala soo if baxaayo sida Duhurtii: Qanyare ayaa dagaalka ka mas’uul ah, Fiidkiina: Waxaan ku biirayaa isbaheysiga Qanyare. ______________ Xigasho: Yoobsan