Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,141
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    297

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Anigu horta Somaliland waxaan u arkaa dal dulman xuquuqdoodiina la duudsiyay xiligii taliskii Maxamed Siyaad Barre, waa dadkii horseeday midnimada iyo dawladnimada oo markii ay xoroobeen Muqdisho la yimid iyadoo ayna jirin cid u yeedhay , raggii iyaga ahaa waa la xumeeyay si xun baa loo galay dawladdii kacaanka ahayd ee Siyaad Barre ayaa fogeysey rag baa ka soo hor jeedey gooni isu taagga Somali land oo lahaa khalad weeyaan ... So, reer Baydhabo speaks like that? It is one thing to write an article, but is completely another when quoting others by using one's own standard dialect to attribute others. When one quotes, it should exactly be written the way the quoted person says. NB, Aadan Marguus wasn't a senior nor junior member of that defunct RRA organization. He was a just an individual businessman contributing funds to that organization, same as Shariifka did. Perhaps, Haatuf should also interview me if it desperately values every layman jaamac's or caasho's opinion regarding Waqooyi Galbeed.
  2. Jini dadka galo waa jiraa, wigaaygiis. Indhaheey aan ku arkay. Waliba masaajid ayee ahayd oo salaatul leyl oo saqda dhexe ayee ahayd oo Ramadaan lagu jiray. In middle of a recitation of a long suurad lagu jiro, he started yelling with a feminine voice. I first thought the voice was coming from upstairs, where the sisters were praying. But on a repeated yelling, I finally realized the voice was from the front row and belonged to a man! That single rakaca, which was the second and last, took twenty to twenty five minutes to finish. Markii salaada laga baxay ayaa la qaaday, still yelling with a weird voice. Kor ayaa la geeye, jiniga ku jiray who was a 'woman' lala hadlay. Waxee rabtay iyo meeshee kasoo raacday sheegtay, saying she is 'in love with him.' :eek: And that she will never leave him alone. The reason she was yelling when la tukanaaye she couldn't stand that particular suurada oo wey kululaaleynay, perhaps jinis know something we don't. Sida looga tumo dadka depends on qofka, dhaqanka iyo dadka tumaayo. Dad far yareyda ama farta index ee ka xiraan markaas ayee tumaan. Kuwa dhiig diiq or dooro ayee ku shubaan qofka. Recently in Soomaaliya, it was reported dadka jiniga qabo waxaa loogu saaraa a domesticated dhurwaa lasoo ijaarto ayaa la tusiyaa. Apparently those jinis did not like dhurwaa [or waraabe], and freak out upon seeing it.
  3. Ingiriis iyo Talyaani aa la kala xigsanaa mahaan, yaah. Bas waaye, aniga Jarmal aan u safanaa. Bakinbaawar, here I come. Roomaniiga, Matiyoos, Foolar, Kinismaan, here we go. Only Soomaalis. Laba gaal oo daba gaduudan, oo dano doon iyo gumeysidoon ahaa. And for odeyga geeriyooday, Soomaali ayaaba awal dhaheen nin dhintay kabtiisa ayaa dhaanto. Dambi yaala raadsan. Wixii tagay waa tageen oo Eebahooda aaday, kuwa na horboodaayo maanta yaa dhaamo?
  4. Daanka, sanboor daawo waxtar leh ma arkin. Aniga sanboor maalintaa dhashay ilaa hadaan qabo, oo waa mid kuwa ila dhashay dhan badankiis wada qabno; aabaheynaa aa laga keenay. Mid xun ayuu qabi jiray aabaheena xataa marmar neefta ku reebeyso, aniga xataa markaa yaraa aan kan neefta qabi jiray, oo daadawiis neefta igu buufin jiray, laakiin hada kan neefta waaka roonaaday. Aniga kan kuleelaha aan qabaa, oo summerkii ayaan dhib isku qabnaa meeshaan. Soomaaliya markii la joogay aad aan ugu dhiboon jiray, duhurkii markii la gaaro oo wax walba dhagdhag ahayeen, taqsina sanka kuu daba taagan. Anigoo iska ilooway sanadyo kahor aan ku noqday Soomaaliya, lee...Ar maxee igu soo noqotay. Maalmo dhan ayaa 'xadishoow' ku jiray. NB: Qofka kaa koreeye aad la hadleysid igaartoo waaye, ma'aha igaar. NB: Yaa daandaansataa? Hadaa daansi rabtid, sankeey taabo, adigaa arkeysid tii ka dhacdo.
  5. Hala kala saaro booranaha, saarka iyo kuwa kale. What you witnessed Qalaf is that mother was possessed by jini. Was she screaming with a complete new, unrecognizable voice when she was hit with dagger? "Somalis believe spirits reside within each individual. When the spirits become angry, illnesses such as fever, headache, dizziness and weakness can result. The cure involves a healing ceremony including reading from the Koran, eating special foods, and burning incense." They are confusing about the spirit (ruux), naf (soul) and jini possessions (what they still called 'spirit'). Ruux or spirit never becomes angry, since it is part of the individual. It is the malevolent jinis that possess humans, not spirit.
  6. Waa war lagu farxo. Gu'ga baa lagu jiraa. Laakiin waxaa i depress gareynooyo mustaqbalka soo socdo. Hadaa og tihiin dhuxusha laga dhoofiyo dekadaha Kismaayo iyo Baraawe, siiba tan Kismaayo oo aad u weyn, waa iska wada ooyn lahayn. Intaas geed la jaraayo, Jubbooyinkii iyo Shabeellada Hoose saxarada laga dhigooyo. Hadaan anaga is nacday, as Awkoombe said, roobna waana nici doonaa mar saas u dheereen.
  7. Anigana far sadexaad aa ii taagan. Is the huuno available? The Jawaahir[is] I had seen are always beautiful, somehow. This Jawaahir with its matching beautiful dirac, however, deserves a little
  8. Saaxiib, I mostly come here at night shifts, this time around. Wixii qabiil lagu dhigo meeshaan, ama aroor ha ahaato ama habeen, markaan imaado habeenkii ayaan fiiriyaa. Otherwise, Admin. does mararka kale. Your post didn't 'trigger' me to edit it. I edited all of them, wixii saaka ama galabta la qoray to now. Hadaa si kale u fasiratay, waan ka xumahay.
  9. Question: Why is it called Nugaal University? Isn't it in Sool and not Nugaal? I think it's confusing. Why not Sool Uni? Daanyeer, most current degmooyin of Sool, including Laascaanood, was part of Nugaal gobol as as recently as 1988 or '89. Sool was the last gobol la dhiso by dowladii dhacday.
  10. Stating qabiilo names explicitly will always be edited, aqiyaarta.
  11. Originally posted by Jamilah: quote:The wannabe journalists are men This is understandable as journalism requires alot of moving about and although I would love to travel its seems too unstable as an occupation. I think this sentiment would be shared among many other woman, although its difficult to attribute one factor as the single cause.'Journalists' aan aniga ka hadlaaye ma aadan fahmin ayaan u maleyna. I was referring to those who create personal webpages, while staying at their own homes or cafes and calling those personal pages 'news sites.' They watch and copy-paste from other equally personal pages or 'news sites,' altering few sentences here and there. Those you think are a bit more professional listen to news on the idaacadaha, quoting from those without attributing. That is Soomaali 'journalism' these days. No need to 'move around' by reporting from where the events take place. No need to investigate. No sources. Just it is their opinion masquerading as news. And most of those are men.
  12. Hidihii iyo haqankii wali waa taagan yahay. :cool: :cool: :cool: Qurux badanaa gabadha yar.
  13. Salaan... Since you started this thread, and you being a sister and bringing the interests of politics in gender, I have an own question: Why are there few sisters that take keen interest in politics, I mean in Soomaali siyaasad? Most have the outdated view of siyaasad being old man's hobby. It isn't. For a casual observor on this joint may have the wrong impression that jaamacs care more about their country than their caasho counterparts. It isn't only limited to this forum. It is on every Soomaali website. The web owners are faaraxs. The wannabe journalists are men. The vast majority of reporters are jaamacs. So are attention-seeking, spinning pseudo-opinion makers. Poorly educated commentators with badly written articles. So are corrupted, incompetent leaders. And the vast gacan-ku-dirirs, af-ku-dirirs, shabako-ku-dirirs and fadhi-ku-dirirs. What is going on here? The usual reasons of politics doesn't affect me or it doesn't attract appealingly more like shoes and purses [kidding, kidding ], these cannot be taken face-value excuses anymore. Despite Soomaali politics being qabyaalad dominated, I think I would like to see our sisters participating, since they are the majority of our nation now. I am not talking about participation on this forum, but overall. Since also most men-initiated conflicts back home affect our sisters and our children, who are mostly hapless in constant civil wars. Being silent outsider in this incessant, almost ritual wars by men -- it won't help you, nor does it help us jaamacs. We had seen what faaraxs did to our country. I for one would like to see what tricks our sisters have behind those guntiino and diracs. A complete way of thinking to handle our never-ending, ongoing crisis, which may or may not be short of revolution, is required and sought. This revolution may come from our wonderful sisters, who knows. Waiting the tired recycled ideas of faarax, we are tired of it and doomed by it. Come and rescue us.
  14. Better the Admin. to bring back the Teens section. Real fast.
  15. Salaan... I've my utmost respect for Max'ed Saxnuuni. His name was on the ears of many Muqdisho residents in early '90s, especially about his tireless effort to broke a deal between Caydiid and Cali Mahdi. Also it was his great lobbying that resulted Qaramada Midoobey to send peacemaking forces.
  16. Law=xeer Ever heard Xeerka Qosyka or Family Law? That controversial law enacted in 1974 by Kacaanka. Nameless Chick [or is it Magaclaawe Bajaq ], su'aal keen adiga. I am already kindly proud of you understanding waxaan qoro, because waa fahamtaa. I think dad badan ayaa dhaantaa meeshaan joogo. Learning your own language has nothing to do with age, believe me. I have this niece who is 10 years old now, born and bred in Denmark; I visited to her family when she was eight, I couldn't believe Soomaaligee ku hadleysay. Walaahi. She even used to correct me. She had this flawless, accentless Soomaali. She even wrote perfectly, and when I saw her chatting with her aunts and uncles on MSN, correcting them, yaabka waa iga dhamaaday.
  17. Hada maa soo toostay, abaayadiis? Ideas are kumi and taano, everyone has it. Waa laga daalay. Countless threads were devoted on this site alone, including the featured thread above this one. Actions or ficil, on the other hand, ... Soo dhawoow.
  18. Perhaps reer Mareykan finally realized where the soft power, including some brutal occupation of other deegaano, lies currently. They should have done their homework before ee aamineen Qanyare, Yalaxoow, Ilqeyre iyo Xaaraan-ku-neefsade. Haduu C/qaasin shirkaas ka qeyb galo, sharafta uu iska qaadaa. Markaas qabyaaladist birimo, sugunto, teerso uu noqonaa. Sad.
  19. Salaan... I thought meeshaan af Soomaali in lagu baranaaye. I was wrong. Shukaansi dilac bilaash ayaaba ka socdo. Perhaps, shukaansi 101 in la idiin dhigo waaye.
  20. Salaan... Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, walaashiis Nameless. Your dadaal waa wax lagu farxo. Remember, one's identity is very, very crucial to survive in this world. Only those who lack confidence in their own may laugh at their dhaqan, but you're one of a few. Baliis, keep and try hard learning. Never shy away. We all have learned, not born with. What you've listed, though, are consonants; vowels, which are separate from consonants in Soomaali, are A E I O U -- that is 'short' vowels; long ones being AA EE II OO UU. Also in your consonant, the last letters are H W Y, not W H Y. Again, keep endeavouring to learn your heritage, language being primarily. And ask us any question you have. Don't shy away. And kusoo dhawoow meeshaan.
  21. Sheydaanka meel Eebe keeno waa fadhiyaa. Waxaa la yiri, ninkii soo joog laga waayo, soo jiif aa laga helaa. Indhacadde pressure waa ku bilaabaty already, oo bambooyinka iyo wax kale ayaa ka qarxooyo in Marka. Bandoow kusoo rog ama wax kale keen, counting his days waa bilaabatay. Oppressed native people are finally fed up. I digress. On the topic: why am I seeing another invisible hand behind all of this again? Maxaa Tootoowgaas ka reebay this time, markii ee qabqabliyaasha ee isla jireyna asaga ugu wacnaa ama daradiis u kala go'een?
  22. In my last look at the situation, Mohamud Sayid Adden (minister of national assets and procurement and controller of the largest single militia in Gedo) and militiamen from as far away as Cabudwaq and Kismayo were threatening the venue. One question, though: Yaaka celinooyo? Sheeko baraleeyda living room naga dhaaf, widaayoow. In that same link, it reports: "Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Cabdiwaaxid Cilmi uu yahay xildhibaanka buxiyay dhamaan shuruudihii looga baahnaa uuna dhaariyay oo xubnaha beesha uu ka soo jeedo is rogrogga badan iska daayaan oo hadii ay midaysanyihiin uu Cabdiwaaxid Cilmi laftigiisa ka tanaasuli lahaa kursiga uu ku fadhiyo ee la isku haysto." Shariifka wuxuu u dhaariye one xildhibaan, and not not the other, is because waraaqo cadeys ah uu keensaday oo wada saxiixeen malaaqyada iyo qabqabliyaasha uu kasoo jeedo, including that character is waalwaalka badan called Siid Aaden. Even asagaa cadeeye, saying he signed it, but he changed his mind later. What or who does he think he is? Anyway, kursigaas laga geeriyooday qolada lahayd ayaaba isku raacsanayn oo kala jabay. Waxba Shariifka ha eedeynin mise C/llaahi Yuusuf. Iyagaa is dhigay meeshaas, oo huu iyo haa wado. Kuraas badan laga geeriyooday ayaa jirto oo la isku heystay, laakiin quuqdaan ma gaarin, oo ugu dambeyntii dadkooda isku raacay. Kuraastaas oo kamid ahaa xildhibaanadii geeriyooday Sakiya C/salaan, Xasan Cabdille Qalaad iyo Muunye. This young man needs to go back to Columbus.
  23. Sinus. Mise sinus allergies. Soona dhawoow.
  24. Odeyga finally is smiling. Laakiin waxaan 'deeq' miyaa mise waa deen, oo hadana ribadii baas ku koreyso? Deen iyo deeq ayaa isku qaladnaa.