All Activity

This stream auto-updates     

  1. Today
  2. The president just arrived in Djibouti received a warm welcome there
  3. Yesterday
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo maanta ka qayb-galay munaasabad ka dhacday degmada Dayniile ayaa si adag uga hadlay weerarada hoobiyeyaasha ee lagu garaaco magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo kordhay maalmihii lasoo dhaafay. Fartaag ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan degmooyinka ku yaalla cirifyada ‘ee mararka qaar laga soo tuuro madaafiicda, wuxuuna ka dalbaday inay ka shaqeeyaan amniga oo gacan saar la yeeshaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya “Waxaa la’idinka baahan yahay maadaama aa tihiin degmooyinka daafaha ku yaalla laga soo bilaabo Gubadley, Daarusalaam, Dayniile, Garasbaaley iyo Kaxda oo dariseen la leedihiin gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose inaad amniga ku fiirisaan indho dhow” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Dhanka kale, wuxuu reer Dayniile ku amaanay isku tashiga ay sameeyeen, isaga oo qiray in lixdii bildood ee lasoo dhaafay aan wax hoobiye ah laga soo tuurin gudaha degmadaasi. “Waxaan ku amaanayaa Dayniile lixdii bilood ee ugu dambeysay hal madfac oo laga soo tuuray kuma soo dhicin magaalada Muqdisho, waana dadaal aad muujiseen” ayuu raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo aroornimadii hore ee saaka tiro hoobiyaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kuwaas oo qaarkood ku dhaceen gudaha xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney maqleen ilaa afar jug oo is xig-xigay, kuwaas oo si gaar ah ugu dhacay agagaarka garoonka. Waxaana la tilmaamay in jugta hoobiyaashaas ay abuurayeen cabsi iyo dareen amni darro oo ku faaftay qeybo ka mid ah degmada. Daqiiqado kadib weerarka ayaa kooxda Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda, iyagoo fariin ku baahiyay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin, taasoo ay ku sheegeen iney iyagu fuliyeen weerarka lagu beegsaday xerada Xalane. Kooxda ayaa horey ugu caan baxday weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsado xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo horey u bartilmaameedsatay xeradan iyo dhismaha xarunta wayn ee madaxtooyada Soomaaliya. Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli amniga caasimadda soo hagaagayo, iyadoo la ogyahay in xerada Xalane ay tahay mid ka mid ah meelaha ugu amniga badan magaalada, maadaama ay hoy u tahay ciidamo badan oo ka socda Midowga Afrika iyo shaqaale caalami ah.
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in haatan shir deg-deg ah ay ku yeeshaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, iyaga oo ka arrisan doono xaaladda dalka iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa goordhow ka baxay magaalada Boosaaso, isaga oo u duulay Addis Ababa, kadibna uga sii gudbi doono magaalada Nairobi ee uu hadda ku sugan yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in labada madaxweyne ay is arki doonaan, kadibna ay yeelaan doonaan kulan u gaar ah oo ay uga hadli doonaan xiisadda taagan. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horay u kala tegay, wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya, waxaase haatan ay wajahaan xaalad isku mid ah, maadaama labada nin uu khilaaf culus kala dhexeeyo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in shirkooda ay diiradda ku saari doonaan sida loo wajahayo dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ay waddo Villa Soomaaliya oo ay ugu horreyso arrinta doorashada oo haatan banaanka ay ka joogaan maamullada Jubaland iyo Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe oo Axaddii iska xaadiriyay Nairobi ayaa halkaasi ka waday qorshe ka dhan ah dowladda federaalka, isaga oo la shiray wakiilada beesha caalamka iyo saraakiil ka kala tirsan dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo uu kala hadlay xiisadda taagan. Sidoo kale wuxuu la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee deggan magaaladaasi, iyaga iska xog wareystay xaaladda dalka. Haddii uu Deni tego Nairobi, isla markaana ay is arkaan Axmed Madoobe ayaa waxa ay u badan tahay in marka hore qorsheeyaan dhabaha cusub ee ay qaadayaan, maadaama ay yihiin saaxibo hore oo kala tegay, hadana ay isku keentay duruufta isku midka ah ee ay wajahayaan. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana is haya dowadda dhexe, Jubaland, Puntland iyo mucaarada, kadib markii ay isku fahmi waayeen dastuurka iyo doorashada.
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in la dilay madixii kooxda Daacish u qaabilsanaa arrimaha dibadda iyo keenista ajaanibta, kaas oo lagu magacaabo Axmed Muuse Siciid (Axmed Beeldaaje). Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in ninkan lagu dilay howlgal cir iyo dhul ah oo Khamiistii 15-kii bishan May ay qaadeen ciidamada difaaca maamulkaas, kaas oo ka dhacay deegaanka Gurya-samo ee buuraha Calmiskaad Cabdifitaax ayaa sheegay in maydka ay gacanta ku dhigeen, isla markaana ay xaqiijiyeen inuu yahay madixii Daacish u qaabilsanaa xiriirka arrimaha dibadda iyo keenista ajaanibta. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu ahaa nin halis badan oo ay muddo dheer ku raad-joogeen, maadaama uu qaabilsanaa keenista ajaanibta u dagaalanta kooxda Daacish. “Shaqadiisa ugu muhiimsan waxay ahayd xiriirinta iyo isku xirka argagixisada ajaanibta ah, iyo sidii dalkan gudihiisa ay u keeni lahaayeen dadka dagaalka nagula jiray” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu dilkiisa ka yiri “”Arrintan waxay marqaati cad ka tahay inaan cidna la cafin doonin oo sharciga la horkeeni doono”. Waxaa kale oo hoosta ka xariiqay in ciidamada Puntland ay sii wadi doonaan dagaalka, ayna si joogto ah u ugaarsan doonaan xubnaha ka tirsan kooxda ee ku sugan halkaasi. Hoggaamiyaha la dilay ee Axmed Beeldaaje ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland, gaar ahaan gobolka Bari, laakiin wuxuu wax kusoo barbaaray dalka Imaaraatka Carabta, halkaasi oo uu wax kusoo bartay, sidoo kalena uu ka abuurmay xiriirada uu la lahaa shabakado dibadeed, taasi oo ka dhigtay shakhsi aad muhiim ugu ahaa kooxda Daacish. Si kastaba, howlgallada culus ee haatan ka socda Puntand ayaa gabagabo ku dhow, waxayna ciidamadu ku xoreeyeen dhul ballaaran oo ka tirsan buuraleda gobolka Bari.
  7. Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku sugaan xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Ciidamada huwanta ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday maleeshiyada Al-Shabaab oo isku uruursanayeen halkaasi, waxayna gaarsiiyeen khasaare culus. Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen goobta ay isku uruursanayeen, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo qarxay, kaas oo socda illaa hadda. “Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa mar kale saakay weerar culus ku qaaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah ee dhaca dhulka howdka ah ee soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Cadowga Khawaarijta waxaa loogu galay goob ay isku uruursanayeen, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaal culus,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay weli kusii siqayaan dhulka hawdka ah ee dhexeeya labada gobol. Howlgallada ayaa waxaa barbar socda duqeymo lagu garaacayo Al-Shabaab ku sugan labada gobol, iyada oo illaa degmada Aadan Yabaal ay garaaceen diyaaraduhu. Duqeymaha qaar ayaa waxaa lala helay gaadiid ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo gurmad ahaan uga soo baxay deegaanka Ceel Cali Axmed, iyaga oo kusoo socday dhanka degmada Aadan Yabaal, si ay xoojiyaan Al-Shabaabka kale ee ku sugan halkaasi. Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dhacay dagaal la isku riiqmay, hoggaamiyihii ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda Xawaadle Cabdi Guumey ayaa ka mid ah geesiyaasha ku shahiiday dagaalkaas, sidoo kale tobanaan askari ayaa uga dhimatay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka. Kooxda Al-Shabaab oo la isugu daray weerarro toos ah, iska caabinta weerarro ay soo qaadeen iyo weerarro jid gal ah ayaa lagu laayey soohdinta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana hadda la isla gaaray aagga Al-kowsar iyo Aadan-yabaal oo caawa Al-Shabaab ka qaxayaan.
  8. Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa si adag u cadaadinaya Israel, isagoo uga digay in Maraykanku kala laabanayo taageerada muhiimka ah haddii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uusan joojin dagaalka Gaza, sida uu qoray wargeyska The Washington Post oo soo xiganaya ilo-wareed sir ah. “Dadka Trump waxay Israel si cad ugu sheegayaan, ‘Haddii aadan joojin dagaalkan, waannu idinka tegi doonaa,’” ayuu yiri qof xog-ogaal ah oo codsaday in aan la magacaabin maadaama uusan haysan oggolaansho uu ku faahfaahiyo wadahadallada diblomaasiyadeed ee xasaasiga ah. Sida la sheegay, cadaadiska Mareykanka ayaa sii kordhay maalmahan, xilli Israel ay dib u abaabulayso ciidamo keyd ah, isla markaana kordhisay duqeymaha cirka ee ka socda Gaza. Xigashada ayaa sheegtay in Netanyahu uu intii lagu guda jiray shirkii golaha wasiirrada ee Axaddii, dib u bilaabista gargaarka bani’aadannimo ee Gaza ku tilmaamay arrin “farsamo oo kaliya,” isagoo saraakiisha u sheegay in aysan wax siyaasad ah ka dambeynin. Inkasta oo uu haysto “aqlabiyad aad u ballaaran oo ka jirta Knesset-ka iyo guud ahaan bulshada Israel,” haddana ilaha xogta bixiyay ayaa sheegay in Netanyahu “uusan lahayn rabitaanka siyaasadeed ee lagu joojin karo dagaalka.” Netanyahu ayaa Axaddii ku dhawaaqay in Israel ay damacsan tahay “adeegsiga awood ciidan oo baaxad leh si ay ula wareegto dhammaan Marinka Gaza,” isaga oo isla markaa oggolaaday dib u bilaabista gargaarka bani’aadannimo ee uu ku sifeeyay mid “yar oo xadidan.” Wuxuu xusay in sawirro muujinaya macaluul baahsan ay noqon karaan “xadka cas ee diblomaasiyadeed” oo halis gelin kara taageerada istaraatijiyadeed ee Mareykanka. Netanyahu ayaa sheegay in uu la hadlay “saaxiibbada ugu dhow Israel ee caalamka,” oo ay ku jiraan siyaasiyiin Maraykan ah oo uu ku tilmaamay “dad si aan leexleexad lahayn u taageerayay Israel muddo tobanaan sano ah.” Sida uu sheegay, saaxiibbadaasi waxay ballanqaadeen in ay hub siiyaan Israel ayna difaacaan mowqifkeeda marka ay la timaado Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse waxay uga digeen “in aysan awoodin in ay wajahaan sawirro muujinaya dad macaluulsan.” “Sababo la xiriira arrimo dhanka amniga iyo diblomaasiyadda ah, ma ogolaan karno in xaaladdu gaarto heer macaluul baahsan,” ayuu Netanyahu ku yiri muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada. Warbixinta ayaa muujineysa xiisad sii xoogeysaneysa oo u dhexeysa maamulka Trump iyo dowladda Netanyahu, xilli Israel ay sii waddo dagaalka ba’an ee Gaza, halka caalamkana uu sare u kacayo walaaca laga qabo khasaaraha rayidka iyo burburka bani’aadannimo ee isa soo taraya.
  9. Jowhar (Caasimada Online) – Agaasimihii Waaxda Arrimaha Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowlad goboleedka HirShabelle, Dr. Maxamed Cabdi Cali (Dr. Gaalib) ayaa lagu khaarajiyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii Dr-ka ku dilay xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, iyadoo wararka ay sheegayaan in kooxdii falka ka dambeysay ay si deg-deg ah uga baxsadeen goobta. Dr. Gaalib ayaa ka mid ahaa dhalinyarada aqoonyahanka ah ee si weyn looga garanayo magaalada Jowhar, isagoo kasoo shaqeeyay meelo kala duwan oo la xiriira caafimaadka iyo arrimaha bulshada. Dilkiisa lama oga ciddii ka dambeysay, balse falkaasi wuxuu gilgilay bulshada deegaanka oo aad uga argagaxday dilka agaasimaha. Laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno ay ku raadinayaan gacan ku dhiigleyaasha dilka geystay, hase yeeshee ilaa iyo hadda lama shaacin cid loo qabtay ama si cad looga tuhmayo weerarka. Warbaahinta ayaa la xaqiijiyay in ay socdaan howlgallo lagu ogaanayo xogta ka dambeysa falkaasi naxdinta leh. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle, Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim (Cali Ciiley), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka, eheladiisa iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda. Wuxuu sidoo kale faray hay’adaha ammaanka in la dadajiyo baaritaanka isla markaana caddaaladda la horkeeno kuwii falkaasi geystay. War qoraal ah oo uu wasiirku soo saaray ayaa lagu muujiyay sida uu uga xun yahay geerida agaasimaha, isagoo ku tilmaamay shaqsi firfircoon oo kaalin mug leh ka qaatay arrimaha wacyigelinta bulshada iyo barnaamijyada horumarinta. Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Jowhar in ay garab siiyaan hay’adaha ammaanka si loosoo qabto dambiilayaasha. Dr. Gaalib ayaa maalmihii u dambeeyay ka shaqeynayay wacyigelin iyo baraarujin ku saabsan arrimaha bulshada, isagoo kulamo la yeeshay arday iyo macallimiin ku sugan iskuulo iyo jaamacado ku yaalla Jowhar. Dadaalladaas ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo bulshada loogu dhiirri-gelinayay iskaashi iyo ka hortagga kooxaha dhibaatada ku haya nabadda iyo horumarka deegaanka.
  10. Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guure Karoore, ayaa sheegay in ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka ay ku hareereysan yihiin degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wuxuu tilmaamay in howl-gal ballaaran uu haatan ka socdo nawaaxiga degmadaasi. Wasiirka ayaa xusay in ciidamada is kaashanaya ay saacadaha soo socda gudaha u gali doonaan Aadan Yabaal, taasoo muddooyinkii lasoo dhaafay ku jirtay gacanta kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in diyaar garowgii ugu dambeeyay la dhameystiray si magaalada looga xoreeyo kooxdaasi. Wasiir Cabdi Karoore ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka ka socda gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in hal beel oo kaliya ay haatan dagaalka kula jirto Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay in tani aysan ahayn mas’uuliyad hal qabiil saaran, balse loo baahan yahay in dhammaan beelaha deegaanka ay ka qayb qaataan dagaalka. Wasiir Karoore ayaa si gaar ah ugu baaqay beelaha kale ee ku dhaqan gobolka Hiiraan in ay garab istaagaan walaalahooda beesha dagaalka ku jirta, si loo suurtageliyo in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan gobolka. Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdi ballaaran oo isugu jiray heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaasoo shalay gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Socdaalkooda ayaa la xiriiray dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay hormuudka ka tahay beesha Xawaadle. Wafdigaasi ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka, Maxamed Cabdullaahi Cali Sambaloolshe, waxaana wehelinayay qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wafdigu waxa uu kulammo la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha dagaalka hoggaaminaya.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyaal ah oo aroornimadii hore ee saaka ayaa tiro hoobiyaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood ku dhaceen gudaha xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney maqleen ilaa afar jug oo is xig-xigay, kuwaas oo si gaar ah ugu dhacay agagaarka garoonka. Waxaana la tilmaamay in jugta hoobiyaashaas ay abuurayeen cabsi iyo dareen amni darro oo ku faaftay qeybo ka mid ah degmada. Tirada madaafiicda guud ayaa lagu qiyaasay lix, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn halka ay labo ka mid ah ku dhaceen. Ilaa iyo hadda lama hayo war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkaan, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay hey’adaha amniga ee dowladda Federaalka ama maamulka ciidamada AUSSOM ee halkaas ku sugan. Daqiiqado kadib weerarka ayaa kooxda Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda, iyagoo fariin ku baahiyay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin, taasoo ay ku sheegeen iney iyagu fuliyeen weerarka lagu beegsaday xerada Xalane. Kooxda ayaa horey ugu caan baxday weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsado xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo horey u bartilmaameedsatay xeradan. Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli amniga caasimadda soo hagaagayo, iyadoo la ogyahay in xerada Xalane ay tahay mid ka mid ah meelaha ugu amniga badan magaalada, maadaama ay hoy u tahay ciidamo badan oo ka socda Midowga Afrika iyo shaqaale caalami ah. Weerarka maanta ayaa qeyb ka ah weerarro dhowr ah oo Al-Shabaab ay sanadkaan gudihiisa ka fulisay gudaha Muqdisho, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado xarunta Xalane iyo nawaaxigeeda, taasoo muujineysa in halista amni ee magaalada ay weli tahay mid taagan.
  12. London (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Britain, France iyo Canada ayaa Isniintii si adag u cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen “falal xadgudub ah” oo Israel ka waddo Marinka Gaza, iyaga oo uga digay inay qaadi doonaan tallaabooyin mideysan haddii Israel aysan joojin weerarka milatari ee sii kordhaya iyo xayiraadda saaran gargaarka bani’aadannimo. Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa si gaar ah u cambaareeyay diidmada Israel ee gargaarka iyo hadallo ka soo yeeray wasiirro ka tirsan xukuumadda Netanyahu oo ku hanjabay in si ballaaran loo masaafuriyo dadka Falastiiniyiinta ah. “Ma eegi doonno iyadoo dowladda Netanyahu ay sii waddo falalkan xadgudubka ah. Haddii Israel aysan joojin weerarrada cusub iyo xayiraadda gargaarka, waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin dhab ah oo ka dhan ah,” ayay hoggaamiyeyaashu ku sheegeen bayaan wadajir ah. Inkasta oo aysan caddeyn nooca tallaabooyinka la qaadi doono, waxay intaas ku dareen: “Waxaan naga go’an in aan aqoonsanno dawlad Falastiini ah oo qeyb ka ah xalka laba-dowladood ah, waxaana diyaar u nahay in aan kala shaqeyno waddamada kale sidii loo xaqiijin lahaa arrintaas.” Bayaankan ayaa ku beegmay baaq kale oo ay si wadajir ah u soo saareen 22 dal—oo ay ku jiraan Britain, France iyo Canada—kaas oo Israel looga codsaday in ay si degdeg ah u fasaxdo “gargaarka buuxa ee Gaza,” iyada oo la xusay in shacabka ku nool Marinka Gaza ay wajahayaan “macaluul baahsan.” Israel ayaa Gaza ku haysay go’doon gargaar tan iyo 2-dii Maarso, balse Isniintii waxay sheegtay in ay oggolaan doonto tiro kooban oo gaadiid gargaar ah in ay gudaha galaan. Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in oggolaanshaha xadidan ee gargaarka uu yimid si looga hortago in “sawirrada muujinaya macaluul baahsan” ay dhaawacaan sharciyadda dagaalka uu dalkiisu wado. Bayaan ay wadajirka u soo saareen Britain, France iyo Canada ayaa si kulul u cambaareeyay diidmada Israel ee gargaar muhiim u ah dadka rayidka ah, taasoo ay ku tilmaameen mid aan la aqbali karin isla markaana laga yaabo inay jebiso xeerarka bini’aadannimo ee caalamiga ah. Sidoo kale, waxay cambaareeyeen “hadallada nacasnimo iyo naceybka leh” ee dhawaan kasoo yeeray qaar ka mid ah xubnaha dowladda Israel, kuwaas oo ku hanjabay in shacabka Gaza ay iyagu bilaabi doonaan barakac baahsan sababo la xiriira burburka dagaalka. Hoggaamiyeyaashu waxay caddeeyeen in “barakicinta qasab ah ee joogtada ah ay jebinayso sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo.” Netanyahu oo si caro leh uga jawaabay Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa si kulul uga falceliyay bayaanka kasoo baxay London, Paris iyo Ottawa, isagoo ku tilmaamay hadalkooda “abaal-marin weyn” oo la siiyay kooxda Hamas. “Marka hoggaamiyeyaasha London, Ottawa iyo Paris ay naga dalbanayaan in aan joojino dagaalka aan ku difaacayno jiritaankeena, isla markaana ay ku cadaadinayaan in la aqoonsado dawlad Falastiini ah, waxay abaal marin u fidinayaan weerarkii xasuuqa ahaa ee 7-dii October, waxayna dhiirrigelinayaan dambiyo kale oo la mid ah,” ayuu yiri Netanyahu, isagoo xusay weerarkii Hamas ee 2023 ee sababay dagaalka hadda socda. Netanyahu wuxuu ugu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha Yurub in ay ku daydaan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu ku tilmaamay mid si buuxda u garab istaagay Israel. “Dagaalku wuxuu dhammaan karaa berri haddii la sii daayo dhammaan la haysteyaasha, Hamas ay hubka dhigto, hoggaamiyeyaasheeda la musaafuriyo, Gaza-na laga dhigo deegaan aan milatari ahayn. Qaran kasta wuxuu xaq u leeyahay in uusan aqbalin wax ka yar intaas—Israel-na marnaba ma aqbali doonto,” ayuu yiri. “Dagaalkan waa dagaal u dhexeeya ilbaxnimo iyo arxandarro. Israel waxay sii wadi doontaa is-difaaceeda si sharciyeysan ilaa ay gaarto guul buuxda.” Milatariga Israel ayaa xoojiyay weerarrada ka socda Gaza, iyagoo weli ka falcelinaya weerarkii 7-dii October 2023 ee ay fulisay kooxda Hamas. Sida lagu sheegay tiro-koob uu sameeyay AFP oo ku saleysan xog rasmi ah, weerarkaasi wuxuu sababay dhimashada 1,218 qof oo u badan rayid. Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa Isniintii sheegtay in ugu yaraan 3,340 qof lagu dilay tan iyo markii Israel dib u billowday duqeymaha 18-kii Maarso, taasoo tirada guud ee dhimashada dagaalka ka dhigeysa 53,486.
  13. Moqokori (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa Sabtidii lagu dilay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii uu rasaas ku furay askari ka hooseeya, falkaas oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Marxuumka, Col. Cabdiraxmaan Hujaale, oo ahaa taliyaha guutada 26-aad ee qeybta 27-aad, ayaa lagu dilay isagoo ku guda jiray hawlihiisa hogaamineed ee safka hore. Askariga dilka geystay ayaa si lama filaan ah rasaas ugu furay taliyaha, iyadoo weli aan si rasmi ah loo caddeynin ujeedada ka dambeysay falkaasi. Dilka ayaa ka dhacay degmada Moqokori oo ka tirsan gobolka Hiiraan, gobol ka mid ah meelaha ay colaadaha iyo falalka argagixiso ee Al-Shabaab ay si joogto ah uga dhacaan. Sida ay sheegeen saraakiisha, askarigii falka gaystay ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababaha ka dambeeya dilka. Geerida Col. Hujaale ayaa ku soo beegmaysa dhowr toddobaad kadib dil la mid ah oo loo geystay Taliyihii ciidanka ee Nuur Faaray, kaas oo lagu toogtay meel u dhow degmada Afgooye. Labada sarkaal waxay ka mid ahaayeen saraakiisha hoggaaminayay dagaalka dowladda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo wali gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Falanqeeyeyaasha amniga ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay si hoose ugu dhex milmeen taliska Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo sheegay in xubno ka tirsan ciidanka ay si qarsoodi ah ugu shaqeeyaan danaha kooxda. Si kastaba, Caasimada Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karto sheegashooyinkaas. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda, iyadoo warar soo baxaya ay muujinayaan in qaar ka mid ah askarta dowladda ay si hoose ula shaqeeyaan kooxda, arrintaas oo si xilliyeed loogu eedeeyo siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore. Mas’uuliyiinta degmada Moqokori, oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmada, ayaan wali meesha ka saarin suurta-galnimada in Al-Shabaab ay ka dambeyso falka, hase yeeshee warbixin horudhac ah ayaa muujinaysa in askarigii dilka geystay uu u muuqday mid ku sugnaa xaalad maandooriye. Guddoomiyaha degmada ayaa sheegay in isticmaalka daroogada ee ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa ku sugan goobaha dagaalka, uu yahay dhibaato baahsan oo wiiqaysa anshaxa iyo awoodda shaqo ee ciidanka. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamadeedu ay xoojiyeen weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna dileen tiro ka mid ah dagaalyahannada kooxda. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa iyaduna sheegatay in ay dileen in ka badan 22 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda intii lagu jiray weerar aargudasho ah. Tiradaasi lama xaqiijin karo si madax-bannaan, maadaama kooxda ay caan ku tahay faafinta warar buunbuun ah oo u adeegaya ujeeddooyin dacaayadeed.
  14. There re a few resources of value. If you want to get the insight from outsiders' perspective, read the autobiographies of Erich Honecker, former Chancellor of East Germany, and Fidel Castro of Cuba, representing Warsaw, put in charge of ending the war. Both speak in great details of S Barre's frame of mind and follies. Here is an excerpt: https://digitalarchive.wilsoncenter.org/document/transcript-meeting-between-east-german-leader-erich-honecker-and-cuban-leader-fidel-castro From the US perspective, declassified papers at hte US Congress library details the beginning and ending of the war. From the Somali perspective, the BBC Somali Service has prepared a historical programme on the war, the like of Xaaji, Ducaale, Cawke and others participated in its narration. You could request it from the BBC. There are two very good interviews by Cali Samatar & A/llahi Yusuf discussing how the war evolved, early victories, and subsequent failures. Galaal also discussed it in interviews, but his take is marred in dishonesty and lack of clarity, besides he was a useful tool for S Barre, and not in the same class as other Sr military officials. Many of his claims had been refuted. Nor was he the sharpest tool in the shed. Find those works, and you will have a much clearer picture and better understanding of the war. Said interviews are on yt.
  15. She is the Lord Mayor (a ceremonial position), and not the Mayor (an elected position with Executive powers). Good nonetheless.
  16. Bosaso air & sea defence on guard.
  17. Last week
  18. City names first black, hijab-wearing Lord Mayor 4 hours ago Lucy Ashton BBC News, South Yorkshire political reporter Sheffield Council The new Lord Mayor of Sheffield Safiya Saeed The new Lord Mayor of Sheffield has made history as the first black woman wearing a hijab to be appointed to the role. Labour's Safiya Saeed was inaugurated as the city's 128th Lord Mayor at a council meeting on Monday. Members of her family travelled from her home country of Somaliland for the ceremony at Sheffield Town Hall. Saeed said: "I am honoured to be the first black woman wearing a hijab to take this role. I came to Sheffield in 1985, and this city has truly become my home, a place where I have always felt I belong." ADVERTISEMENT The single mother-of-five, who was first elected as councillor for Burngreave in 2021, founded Reach Up Youth, a community project supporting young people, particularly those from Black and ethnic minority backgrounds. In her speech to the meeting she said she wanted "every voice, no matter how quiet, to feel heard in the heart of this city". The role of Lord Mayor is purely ceremonial, they do not have any powers but act as an ambassador for the city. Sheffield Green Party Councillor Angela Argenzio is the new Green Party leader ADVERTISEMENT Meanwhile, politicians have also been selecting a new leader and two new party leaders. With 36 Labour councillors, 28 Liberal Democrats, 14 Green, five Sheffield Community Councillors and one independent the council is in no overall control. However, with the most councillors Labour's Tom Hunt was re-elected as council leader. After Shaffaq Mohammed stood down from the role , Martin Smith has been named as leader of the Liberal Democrats. Mohammed, who was nominated for a life peerage in the House of Lords in 2024, will remain as a councillor fo Ecclesall. In the Green Party, Angela Argenzio replaced Douglas Johnson as leader, with Johnson stepping back after six years at the helm.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda ugu sareysa dalka ayaa indhaha ka daboolaneysa hagar-daamada ay dowladda Imaaradka Carabtu ku heyso Soomaaliya, laakiin mararka qaar waxau u sheegaan si maldahan. Xalay oo ugu dambeysay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa muujiyey inay tuhmayaan inay jiraan dowlado shisheeye oo mucaaradka lacago soo siinaya, si ay qalalaase amni uga bilaabaan dalka. Horay Madaxweybe Xasan Sheekh ayaa u miijiyey walaaciisa tallaabooyinka ay qaadayaan Imaaraadka, hadana wuxuu hoosta ka xariiqay inay ixtiraamayaan oo hadda aysan diyaar u aheyn in dowlad sidaas saameyn u leh ay la kala dhintaan. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo yeertay xog sheegeysa in Imaaraadka ay lacag u soo dhiibayaan qaar kamid ah mucaaradka, kuwaas oo qorsheynaya inay ka hortagaan doorashada dadweynaha, dagaalka argagixisada, gudaha Muqdishana ka bilaabaan qalaalaase, ilaa xukuumadda lagu qasbo inay u soo laabato doorasho dadban. Xamse ayaa xalay yiri, “Waxaa jira dowlado aad idinkuba garaneysaan oo markii xiliyadaan oo kale la soo gaaro ay shaqadoodu tahay inay kala laaluushaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, iyagoo soo siiya lacago aan micno laheyn, kuwaas oo lagu yiraahdo orod waxaas diid, halkaas qarxi iyo waxaas hor istaag.” Ra’iisul Wasaraha ayaa intaas ku sii daray “Waxaan ogahay ragga dhahayana ay ogyihiin in hadallada qaar ay yihiin xisaab xir, waan fahmeynaa dhagartooda, dhaqaale yar oo dalkaan in lagu qaso lagu soo qaatay dadka Soomaaliyeed ma dhaafsa doonaan mustaqbalkooda.” Horay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowr bilood ka hor u sheegay in Imaaraadku ay Soomaaliya ula dhaqmaan siyaabo aan habooneyn, balse markii ugu dambeysay ay balan qaadeen inay joojinayaan ficiladooda xad-gudubka ah. Hadda waxaa la sheegay inay sameysteen dalaal rasmi ah oo ku jira madaxda dowlad goboleedyada, waxayna qorsheeyeen inay bilaabaan qalalaase aan horay loo arag oo ay uga hortegayaan qorshaha lagu qodayo shidaalka Soomaaliya oo Turkigu gacanta ku hayo. Mucaaradka ayaa la sheegay inay hubeynayaan, dagaalka Al_Shabaab ayaa sidoo kale la qorsheeyey in dowladda lagu fashiliyo, iyadoo ugu dambeyntiina gudaha Muqdisho lagu haminayo in ciidamo hubeysan lasoo geliyo, si talada dalka looga wareejiyo Xasan Sheekh ooh adda hal sano u dhiman tahay. Puntland iyo Jubbaland oo dowladda federaalka ay isku dhacsan yihiin ayuu saaxiibka koowaad ka dhigtay Imaaraadku, dhowaan waxaa la sheegay in safkooda u uku biiray Laftagareen, horay waxay si gaar ah ula macaamili jireen Somaliland, waxayna Soomaaliya ka jecelyihiin Itoobiya oo ay la safteen markii uu qarxay khilaafkii ka dhashay heshiiskii uu sanadkii hore Addis Ababa ku saxiixay Muuse Biixi.
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qaabilay Wufuud Caalami ah iyo Ciyaatoy-ga Caanka ah ee Kanu Nwankwo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wufuud heer Caalami ah oo ka kala socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland, kuwaasi oo u yimid ka qayb-galka Xuska Sannad-guurada 34-aad ee maalinta dib-ula-soo noqoshada Qarannimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Wufuuddan ayaa ka kala socotay Waddamada Boqortooyada Ingiriiska (UK), UAE, Kenya, Djibouti iyo Dawladda Deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya (DDSI), kuwaasi oo muujiyey taageeradooda iyo garab istaaggooda Shacabka iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Wufuuda uga mahad celiyey sida sharafta leh ee ay uga soo qayb galeen Munaasibadda Xuska18-ka May, isaga oo xusay in Somaliland ay si weyn u qadarinayso xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqaynta ay la leedahay Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka ay wufuuddu ka socdeen. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Ciyaartoy-ga Caanka ku ah Kubadda Cagta ee Kanu Nwankwo oo hore ugu safan jiray Xulka Qaranka Dalka Nigeria iyo Kooxaha Arsenal iyo Inter Milan oo isagu ka mid ahaa Marti Sharafta ka soo qayb gashay Xuska 18-ka May ee Sannadka 2025-ka. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si diirran u soo dhaweeyey Kanu, isaga oo uga mahad celiyey booqashada uu ku yimid Somaliland iyo doorka uu ka qaatay kor u qaadista sumcadda iyo muuqaalka wanaagsan ee Somaliland ku leedahay dunida. Munaasabidda Sannad-guurada 34-aad ee dib ula soo noqoshada Madax-bannaannida iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Sanadkan si gaar ah u ahayd mid heer Caalami ah, taas oo muujinaysa isbeddelka iyo horumarka la taaban karo ee ay Somaliland ku tallaabsatay muddada ay jirtay. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isbitaalka Demartino ee magaalada Muqdisho ku booqday Ciidamada Macawisleyda gobolka Hiiraan ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka ka socda gobolkaas ee lagu jebiyey argagixisada. Madaxweynaha oo u kuurgalay xaaladda caafimaad ee ciidamadaan geesiyaasha ah ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada, isagoo ka wareystay xaaladooda iyo baahiyaha caafimaad ee ay qabaan. Madaxweyne Xasan ayaa balan-qaaday in Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad ee geesiyaashaan ku soo dhaawacmay jihaad. Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay in dowladdu bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin dadka reer Hiiraan ee dagaalka adag kula jira argagixisada. “Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen, dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Intaas kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Demartino oo lagu dabiibayo dhaawacyada ugu badan ee ciidankii laga keenay Hiiraan iyo bukaano kale oo horay u yaallay. Madaxweynaha ayaa kormeer kadib warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka oo soo bandhigay adeegyada dadwayne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka. Madaxwaynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar.
  22. Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Demartino si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee Macawisleyda ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka ay kula jiraan AS. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada, isagoo carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad, kana go’an tahay inay bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin. “Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen. Dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Intaa kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Demartino, isagoo warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka oo soo bandhigay adeegyada dadwayne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka. Madaxwaynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar. Source: goobjoog.com
  23. War rasmi ah oo kasoo baxay masuuliyiinta amniga Puntland ayaa xaqiijiyay in howlgal milatari oo ay fuliyeen ciidanka dhulka iyo diyaarado duqeyn sameeyay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda ISIS ee ka howlgasha gudaha Soomaaliya. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ahmed Muuse Siciid, waxaana uu ahaa xiriiriyaha u dhexeeya hoggaanka ISIS iyo dagaalyahannada shisheeye. Ahmed Muuse Siciid wuxuu sidoo kale lafdhabar u ahaa kooxda, isagoo si gaar ah ugu dhawaa labada hogaamiye ee ugu sarreeya kooxda ISIS ee Soomaaliya: Sheekh Cabdulqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Fahiye. Wararka ayaa sheegaya in lagu beegsaday degaanka Guryasamo, oo ku teedsan bariga deegaanka Dhaadaar, kuna yaalla buuraleyda Cal Miskaad. Sawirro la baahiyay ayaa muujinayay meydka Ahmed Muuse Siciid iyo dagaalyahan kale oo la socday. Masuuliyiinta ammaanka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in goobtii lagu dilay sarkaalkaasi laga helay xog muhiim ah oo la xiriirta qorsheyaasha kooxda iyo xiriirkeeda dibadda. Source: goobjoog.com
  24. Nacasnimada iyo waallida Xasan Sheekh oo god ku ridday rajadii Soomaaliya Iyo xalka mushkiladda Soomaaliya Bal eega ninka aan 3km oo Muqdisho ah aan xukumin, ee Xalane aan geli karayn ilaa Ciidanka Midowga Afrika ay baadhaan oo ay hubiyaan in aannu khatar ku ahayn ajnebiga deggan xerada Xalane. Intaas oo safar ee uu galay saddexdii sanno ee u aha Madaxweynaha dalka fashilmay ee Soomaaliya (the failed state of Somalia), waxa lagu tilmaami karaa uun waalli cas. Waxa taas ka daran Xasan SM ma aha madaxa dawlad ku sheegga dalka ee Ra’iisal-wasaaraha ayaa ah sida distoorkoodu qorayo HSM waa madaxa dalka. Waxa uu la mid yahay Madaxweyneyaasha Talyaaniga, Itoobiya, Jarmalka iyo dawladaha ku dhaqma nidaamka baarlamaaniga (Parliamentary system). Sidaa darteed, waxa muuqata nacasnimada iyo waallida Xasan Sheekh oo god dheer ku riday rajadii dalka Soomaaliya ee caalamku tacabka badan geliyey. Eesh qiyaasak nacas waashay! Xalka mushkiladda Soomaaliya ee xaqiiqda ka tarjumaya (Reality in Ground): 1- In adduunku siiyo Jamhuuriyadda Somaliland ictiraafka ay xaqa u leedahay; 2- In Garoowe la siiyo maamul-goboleed hoose, inta Gobollada Dhexe iyo Koonfur-galbeed ee Soomaaliya la hagaajinayo; 3- In maamulka Gobollada Dhexe iyo Koonfur-galbeed la hoosgeeyo Qarammada Midoobay (UN trusteeship), Puntlandna la siiyo maamul-hoosaad. Siyaasi Faysal Cali Waraabe Qaran News
  25. Markab Raashin ah oo ay soo dirtay dowladda Imaaraatiga Carbeed ayaa maanta ku soo xirtay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Markabkan oo sida mucaawino ka kooban noocyada kala duwan ee Raashinka ayay dowladda Imaaraatiga u soo wakiilatay hay’adda Bisha Cas ee dalkaas ,taasi oo soo gaarsiisay dekedda magaalada Boosaaso. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo lagu wado in ay markabkan Raashinka ah kala wareegaan hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa laga soo xigtay in mucaawinada saaran ay ka kooban tahay 220 Ton oo qeybaha kala duwan ee Raashinka ah. Mucaawinadan Raashinka ah ee la keenay Boosaaso ayaa lagu wadaa in mas’uuliyiinta Puntland u qeybiyaan bulshada u baahan ee ku nool degaannada Puntland, gaar ahaanna dadkii uu saameeyay dagaalkii Calmiskaad ee ciribtirka argagixisada Daacish. PUNTLAND POST The post Dowladda Imaaraatiga Carbeed oo markab Raashin ah u soo dirtay Puntland appeared first on Puntland Post.
  26. Charles King has arrived in Mogadishu to assume his role as His Majesty’s Ambassador to the Federal Republic of Somalia. He will lead the British Embassy in Somalia, focusing on strengthening the partnership between the United Kingdom and Somalia across various sectors, including governance, development, security, and humanitarian efforts. Landing in Mogadishu, the new ambassador said: “It is an honour to serve as UK Ambassador to Somalia. I look forward to working closely with Somali partners to support peace, progress, and prosperity. Going far, together. Waad mahadsantihiin- aan horey u soconno wadajir.” The UK remains committed to its longstanding relationship with Somalia, supporting the country’s path towards stability and growth. Source: FCDO, UK The post New UK Ambassador Arrives in Mogadishu appeared first on Puntland Post.
  27. Muqdisho (Caasimada Online) – Jihaadiyaddu waa khatar si joogto ah isu beddesha—mar waa dhibaato maxalli ah, mar kalena waxay noqotaa hanjabaad caalami ah. Soomaaliya waxay ka reeban tahay xaaladdan rogroganta, iyadoo muddo labaatan sano ah ay kooxdu al-Shabaab—farac ka tirsan Al-Qaacida—si joogto ah u beegsatay dhammaan hay’adaha dowladda, xarumaha amniga, iyo hoteellada waaweyn ee Muqdisho. Bishii April, al-Shabaab waxay qabsatay magaalooyin muhiim ah oo qiyaastii 150 mayl u jira caasimadda, halkaas oo weli laga fuliyo weerarro miinooyin dhulka lagu aaso ah iyo hoobiyeyaal. Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa dhawaan shaaciyey inuu u baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah si uu u fuliyo waajibaadkiisa. In Soomaaliya ay noqoto meel lagu beero jihaadiyaddu waa masiibo taariikhi ah oo murugo leh. Islaamka Soomaalida wuxuu ka soo jeedaa dhaqan Suufinimo oo ruuxi ah, mana aha diinta laf-dhabarta kala qaybsanaanta bulshada Soomaaliyeed. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee sagaashamaadkii, dagaalladu waxay ahaayeen kuwo salka ku haya qabiil iyo gobol—ma ahayn kuwo diin ku saleysan. Si kastaba, marka nidaamyadii dowladeed burburaan, jihaadiyaddu waxay isu beddeshaa nidaam degaan u leh kooxaha hubeysan. Sida uu ii sheegay sarkaal sare oo Soomaali ah, al-Shabaab waxay dagaalka uga horreysay dowladda. Kooxda waxaa la aasaasay 2006, halka Ciidanka Xoogga Dalka dib loo dhisay 2008. Jihaadiyaddu waxay dad badan u tahay waddo looga baxo nidaamka qabiilka iyo qaab lagu raadsado aargoosi beeleed. Al-Shabaab waxay ciidamo badan ka heshaa beelaha la takooro, halka dowladda ay weli ku liidato in ay xooggeeda ku muujiso gudaha dalka. Tababarayaal maxalli ah iyo ajaanib, dalaaliin hub, iyo faafiyayaal xagjir ah ayaa si xornimo leh ugu howl gala Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa dagaalyahanadeeda siisa fursado ballaaran oo ay ku hantaan awood iyo dhaqaale, taas oo ka badan waxa laga helo dowladda ama hay’ad kale. Hase yeeshee, diintu qayb bay ka tahay colaadda. Waxaan wareystay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud gudaha Villa Somalia, dhisme amni adag leh oo ku yaalla xarunta dowladda. Madaxweynaha oo 69 jir ah, kana badbaaday weerar lagu qaaday kolonyadiisa bishii Maarso, ayaa sheegay in dowladda ay ku jirto “dagaal feker ah.” Wuxuu xusay aayad Qur’aan ah oo muujinaysa in Islaamku ixtiraamo karaamada aadamaha. “Al-Shabaab waa dad hal mar isugu yimaada si ay 1,000 qof u dilaan,” ayuu yiri. Dowladdu waxay bilaabaysaa telefishin cusub oo faafin doona aragtida Islaamka ee aan xagjirnimadu dhaawicin. Waxaana laba jeer la isugu yeeray in ka badan 300 culimo Soomaaliyeed si ay shirar ugu cambaareeyaan al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa qiray in kulamadan lagama maarmaan u ahaayeen sidii shacabka loogu qancin lahaa khatarta kooxda. “Marka siyaasi yiraahdo al-Shabaab waa xun tahay, dadku waxay u arkaan olole siyaasadeed… Laakiin marka sheekh weyn fatwo bixiyo oo yiraahdo arrin gaar ah waa diidmo Islaam ah, dadka ma aqbalaan.” Cabdulqaadir Macallin Nuur, siyaasi iyo imaam Suufi ah, ayaa sheegay in arrintaasi aysan ku filnayn. “Suufiyadu way is ururiyeen, fatwana way bixiyeen, laakiin yaa fulinaya? Madaxweynaha wuu dadaalay, laakiin waxaad u baahan tahay xoog.” Cabdulqaadir, oo horey saaxiib ula ahaa madaxweynaha balse hadda siyaasadda kaga soo horjeeda, ayaan xilliga aan la kulmayey wax ilaalo ah la socon. Waxaan kula kulmay masaajid furan oo uu hoggaamiyo, halkaas oo ay joogeen boqolaal arday iyo taageerayaal xiran dhar cad. Wuxuu madax ka yahay xisbi siyaasadeed Suufi ah oo cusub, wuxuuna horey u soo noqday wasiir iyo safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Ururka Iskaashiga Islaamka. Xilkaas ayuu iska casilay si uu ugu laabto siyaasadda. “Dabeecad ahaan, waxaan ahay hoggaamiye ruuxi ah, ma ahan siyaasi,” ayuu yiri. Cabdulqaadir, oo ah wiil uu dhalay wadaad caan ah, wuxuu dalka dib ugu soo laabtay 2009 kaddib sanado uu dibadda ku maqnaa. Waqtigaas, al-Shabaab waxay gacanta ku haysay qiyaastii 80% Muqdisho. Cabdulqaadir wuxuu abaabulay malleeshiyaad Suufi ah oo la dagaallama al-Shabaab. Kooxdiisa waxay waayeen in ka badan 200 dagaalyahan intii lagu jiray dagaalladaas, waxayna ku guuleysteen in ay kooxaha ku riixaan miyiga. Wixii intaa ka dambeeyay, al-Shabaab waxay dishay wiil uu dhalay iyo walaashiis. “Kahor dagaalkii sokeeye, hal qof oo jihaadi ah xitaa dalka kuma nooleyn,” ayuu yiri. “Suufinimo ayaa dalka hoggaaminaysay.” Tan iyo markaas, dhammaan hay’adihii dowladda iyo ilihii awoodda ee dalka ayaa burburay. Inta weli muuqata waxay salka ku haysaa diin ama qabiil. Haddii jihaadiyaddu tahay wax dibadda laga keenay, waxay u muuqan kartaa mid ay dadku u arkaan xal, maadaama dalku uu ka arradan yahay nidaam shaqeynaya. Fikirka xagjirka ah ee Islaamiyiintu wuxuu bixiyaa aragti cad, adag, isla markaana leh himilo caalami ah. Al-Shabaab waa urur jiritaankiisu dheer yahay, kana xooggan hay’adaha dowladda ee ay la dirirto. Dowladda weli ma awoodo inay si waara u keento beddel lagu kalsoonaan karo oo meesha ka saara argagixisada. Si kastaba, waxa laga yaabaa in asalka dibadda ee jihaadiyaddu uu sidoo kale yahay meel ay ka jilicsan tahay. Soomaaliya waxay xambaarsan tahay dareen qaranimo oo xooggan, xitaa iyadoo dagaallo sokeeye ay wiiqeen muddo dheer. Cabdulqaadir Macallin Nuur, oo fadhiyay roog maqaar ah oo si farshaxanimo leh loo sameeyay, wuxuu ii soo dhigay bun ku dhex jirta saliid kulul oo sisin ah, kuna jirta weel qoryo ah oo la xardhay—cunno dhaqameed lagu marti geliyo xafladaha ruuxiga ah ee Suufiyada. Waxaa laga yaabaa in jawaabta al-Shabaab lagu xallin karo Soomaalinimadaas gaarka ah—soo celinta aqoonsiga qaran iyo mid diineed oo awood u leh inuu maalin maalmaha ka mid ah ku darsado xataa kuwa hadda xagjirka ah. “Haddii al-Shabaab ay diyaar u yihiin inay aqoonsadaan Soomaaliya inay tahay dal leh xuduudo iyo calan buluug ah, waxaan ku martiqaadi lahaa halkan. Waa dadkeennii,” ayuu yiri Cabdulqaadir. “Haddii ay doonayaan awood, ha yimaadaan oo aan wada hadalno. Laakiin haddii ay rabaan in Soomaaliya laga tirtiro khariidadda adduunka, annagu maya baan leenahay.” Qalinkii: Armin Rosen, The Wall Street Journal
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up