All Activity

This stream auto-updates     

  1. Today
  2. They video has been removed. What was it about! Can you find another link?
  3. Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee Dowladda Faderalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la saadaalinayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba. Digniintan ay hay’addu soo saartay ayaa si gaar ah loogula dardaarmay dadka barakacayaasha ah iyo kuwa nugul ee ku dhaqan magaalooyinkaas, waxaana loogu baaqay inay ka foojignaadaan waxyeelada roobabkaas ka dhalan karta. Digniintan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Roobabka Gu’gu meelaha badan oo dalka kamid ah ka curteen, maalmaha soo socdana la filayo inay mahiigaanno Kale dalka ka hooraan. Source: goobjoog.com
  4. Waraysigani oo idaacada afka ee VOA- wasiirka la yeelatay hoos ka dhegayso 01000000-0aff-0242-e63b-08dc63b83f24_16k (1) Qaran News
  5. During the start of his second term, President Hassan Sheikh took on significant endeavors, one of which involved combating the terrorist organization al-Shabab. This led him to personally lead the campaign in the central region of Somalia, specifically in the state of Galmudug. Additionally, he made numerous trips abroad to ensure the country received the necessary support. Moreover, he successfully applied for membership in the East African Community (EAC). Source: Hiiraan Online
  6. Taliyaha Booliska Garoonka Aadan Cadde Cabdifataax Bashiir Cali ayaa looga yeeray maxkamada Gobolka Banaadir, waxaana lagu eedayay inuu Dhisma sharci daro ah ka wado dhul ku yaalla aagga Garoonka Adan Cadde. Sida ku cad warqad rasmi ah oo ka soo baxday maxkamada ayaa sarkaalkan ku hore ugu amartay inuu joojiyo dhismaha uu goobtaa ka wado, 16 beri ah gudohood ah, balse arrintaa wuu ka dhega adaygay. Goobta uu dhismuhu ka socdo ayaa la sheegay inay tahay dhul lagu muransanyahay, waxayna maxkamaddu Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed ka dalbatay inuu soo qabto sarkaalkan maadaama uu diidanyahay inuu ka jawaabo amarka maxkamada. Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe ku howlanayd qaadista kiisas la xariira musuqmaasuq iyo boob hanti dadweyne oo ay gaysteen xubno awoodda dowlnimo si qaldan ugu faa’iidaystay. Source: goobjoog.com
  7. Mogadishu (HOL) —The Invest Somalia and Expo conference, aimed at boosting investment opportunities and showcasing Somalia's economic potential, is currently taking place in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Government forces in the Middle Shabelle region's Hawadley area have thwarted a significant attack by Al-Shabaab militants, according to officials. Source: Hiiraan Online
  9. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Itoobiya dhaqtarad ku taqasuustay maqaarka oo ka howlgalaysay isbitaalka Debere Markos ee gobolka Amxaarada ayay ciidamada Federaalku toogteen, xilli ay ku sugnayd goobteeda shaqo. Dr. Elizabeth Teshome oo aheyd aqoonyahanad dhowaan ka qalin-jabisay waxabarashada sare ayaa shalay lagu dilay magaalada Debere Markos aagga Gojjam, kadib markii ciidamada maamulka Abiy Axmed ay toogteen. Bulshada ku nool gobolka Amxaarada oo ka gadooday falkaas ayaa ka codsaday hay’adaha xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay in baaris lagu sameeyo dilalka iyo xadgudbayada maamulka Abiy Axmed uu ka wado gobalka. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan gobolka amxaaradu rag hubeysan oo ka tirsan militari-ga dowlada Itoobiya ayaa rasaas ku furay dhaqtarada iyo dad kale oo ay ku eedeen inay taageersanyihiin ciidamada Jabhada Fano, waxaana ku geeriyootay Dr. Elizabeth Teshome in ay ahayd hooyo leh labo caruur ah. Gobolka Amxaarada ayaa kamida meelaha ay colaadaha hubaysani ka holcayaan, ayadoo ay jabhadda FANO dagaalka xooggan kula jirto ciidamada dowladda Abii Axmed. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – 100 maalmood ee soo aadan xasaasi ayay u tahay Soomaaliya. Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa jeexanaya qaabka ay madaxdooda usii wada ceeshi karaan ama u kala ciidan tagi karaan. Dowladda Itoobiya ayaa il gaar ah ku eegaysa xaaladaas. Intii la socotay warbixinadayadii ugu dambeeya dowladda Itoobiya waxay wada-hadallo hoose la wadaa madaxda laba kamid ah maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, si ay ugu xirmaan magaalada Addis Ababa. Tan iyo 1-dii bishii Janaayo ee sanadkaan dowladda Itoobiya waxay kala kulantay siyaasadda arrimaha dibadda guul-darro siyaasadeed iyo dharbaaxo aanay sanadahan arag. Shirkii u dambeeyay ee dalalka G7 si weyn ayaa Itoobiya loogu dhalleeceeyay duulaanka qaawan ee ay ku qaaday midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya. Waxaana kale oo la sawiray halista kala taga qarameed ee ay wajaheyso Itoobiya, iyada oo dalalka G7 taageero u muujiyeen midnimada Soomaaliya. Iyada oo loo jeedo mowqifka dalalka G7 ee xiisadda labada waddan, lana xasuusto dhibcihii diblumaasiyadeed ee ay Soomaaliya kasoo hoysay Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Jaamacadda Carabta iyo dhanka kale hoos u dhaca siyaasadeed ee gaaray Addis Ababa. Dadka Soomaalida waxay is-weydiinayaan madaxda maamul goboleedyada dalkooda ma u gacma qaban doonaan Itoobiya. Dhawaan Puntland ayaa ku xiratay Itoobiya, waxaana muuqata in aanay taageero badan uga helin Soomaalida dhexdeeda sababtuna waa in aanay dadka Soomaaliyeed sinaba ugu faraxsaneyn inay arkaan qarankooda oo loogaga adkaanayo fagaarayaasha caalamka. Itoobiya si ay uga jawaabto dharbaaxada uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga soo dhuftay dhanka siyaasadda arrimaha dibadda waxay ka shaqeynaysa inay ka hor keento maamul goboleedyadiisa oo ay halkaasi ka fuliso aargoosi. Cidda keliya oo riyadaasi u rumeyn karta Itoobiya waa maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya. Laba kamid ah madaxda maamullada ayaa hadda lagu qalqaalinaya inay tagaan magaalada Addis Ababa oo ay la kulmaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed, loona sameeyo soo dhaweyn u maqaam eeg sida qaran madax-banaan. Haddii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed taas ku guuleysto dharbaaxo culus ayay ku noqon doonta Soomaaliya laakiin waa mid ay isla Soomaali kale sababteeda qaadan doonto. Madaxda maamullada ee Itoobiya qal-qaalada ku wado waxaa haysta imtixaan culus oo ah sida ay iskaga badbaadin karaan inay dhaawacaan qarannimadooda. Si walba oo loo diidan yahay habka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku wado siyaasadda arrimaha gudaha, haddana majiro hoggaamiye Soomaali ah oo libin ku heli doona inuu raaco Itoobiya. Madaxda maamullada ee ka gadoodsan madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u haboon inay kula diriraan gudaha dalka, shirarka Golaha Wadatashiga Qaran iyo fagaarayaal ay Soomaali fadhiso, balse aanay sumcadooda siyaasadeed iyo qiimahooda shaqsiyadeedba ku burburin inay dalkooda usoo raacan dal kale, Abiy Axmed aanay ka dabcin culeyska uu kala kulmayo caalamka iyo gudaha dalkiisaba. Dowladda Itoobiya ayaa la fahamsan yahay inay wax walba ku bixin doonto inay madaxweyne Xasan Sheekh gudaha dagaal uga furto, si uu kaga mashquulo dagaalka uu waqtiga badan gelinayo ee siyaasadda arrimaha dibadda. Dadka Soomaalida waa inay si weyn oo foojigan isha ugu hayaan madaxda maamullada ee xilligaan isku dayaya inay raacan Itoobiya. The post Xujo weyn oo hortaalla madaxda maamullada xilli uu Abiy wado qorshe halis ah appeared first on Caasimada Online.
  11. the one they had in december last year
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumaddiisu dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadayaasha gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka, isaga oo xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, Tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan. Source: goobjoog.com
  13. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Falastiin ayaa soo dhoweysay go’aankii ay dowladda jameyka ugu aqoonsatay dowlad madax-bannaan, dalalka kale ee caalamkana ugu baaqday inay tallaabadaa oo kale qaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka Jameyka ee ah in ay aqoonsato Dowladda Falastiin, iyo in ay ku biirto dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee ku baaqaya in si wax ku ool ah loo fuliyo xalka labada dowladood oo kala madax-bannaan, iyo ixtiraamka xuquuqda dadka reer Falastiin ay u leeyihiin in ay si xor ah u noolaadaan”. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jameyka , Ms. Kamina Johnson Smith, ee uu dalalka caalamka ugu baaqay inau aqoonsadaan Falastiin si loo xalliyo dhibaatada haysata dadka reer falastiin, islamarkaana loo helo laba dowladood oo kala madax-bannaan. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jameyka ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay in dalkiisu uu si buuxda u aqoonsaday dowladnimada iyo madax-bannaanida Falastiin, wuxuuna dalalka kale ee dunida ugu baaqay inay tallaabo taa lamida qaadaan. Source: goobjoog.com
  14. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa qaabilay dhallinyaro ka soo jeeda magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley oo xisbiga WADDANI ku soo biiray. Guddoomiyaha ayaa si kal-furan xisbiga ugu soo dhaweeyay dhallinyarada oo u diyaar ah in dalka isbedel hoggaamineed ka dhaco. Qaran News
  15. Jowhar (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle lagu aasay Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ahaa Suldaanka beellaha Lixda Shiidlo, oo saaka waaberigii geeriyooday. Meydka Suldaan Axmed Rashiid ayaa Salaadda Janaasada lagula tukaday garoonka kubada cagta Xasey Kumaari ee magaalada Jowhar, ayada oo tukashada salaad ka qeyb-galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka HirShabelle iyo tan degmada. Suldaan Axmed Rashiid AUN ayaa kamid ahaa odey dhaqameedkii ka qeyb-galay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay dowladda Soomaaliya sanadkii 2000. Suldaanka ayaa kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xulista xildhibaannada reerkiisa ku matala barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, isaggoo kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan-gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe oo ka tacsiyadeeyay geerida Suldaanka ayaa waxa uu sheegay inuu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u adeegida shacabka HirShabelle. “Allaha u naxariistee Marxuum Suldaan Axmed Rashiid waxa uu kaalin wayn ka soo qaatay aasaaska iyo dowlad dhiska Hirshabeelle iyo sidoo kale dadaalada nabadeynta bulshada,” ayuu Cali Guudlaawe ku yiri qoraal uu kasoo saaray. Waxa uu intaas kusii daray “Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Qoyska, Ehelada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.” The post Suldaan kamid ahaa Salaadiin-tii qeybta ka aheyd shirkii Carta oo lagu aasay Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  16. talka have failed betweeen sl and the bunker
  17. https://www.youtube.com/watch?v=rQ_pa6fqbW
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka maalgashiga Soomaaliya. Shirkan oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas darteedna ay xukuumaddiisu dadaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiiri-gelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur. Sidoo kale waxa uu ku dhiiri-geliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka. Waxa uu si gaar ah u xusay in fursadaha jira ay sii dhiiri-gelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika. Iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan. 13-kii December ee sanadkii hore ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo dhabaha u xaareysa inay hesho maalgashi horleh. The post Kadib dayn-cafinta Soomaaliya shir muhiim ah oo maanta laga furay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  19. Maxaa ka qaldamay Madaxweyne Muuse Biixi Aan ku bilaabo’e: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxu uu saxeexay warqaddii ugu muhiimsanayd ee dhammaadka muddo xileedkiisa, waa warqaddii in doorasho loo dareero. Haaaaa, halkaa waxa ku soo dhammaanaya 7 sanadood oo Muuse hayey xukunka Somaliland. Saacadda madaxweyne saxeexo in doorasho loo dareero waa saacadda qiyaamuhu dhaco oo kale ee aan madaxweynayaasha xil iyo xoolo toona loo doonan, xitaa telefoonada aan laga qaban, dadkuna sida daruuraha u guur guuro. Taliyayaasha ciidamaduna iska xaadiriyaan xarumaha mucaaradka. Aan ku yara noqonno 2017kiiye, anigu Muuse imaatinkiisii baan wax ku lahaa, weliba hawl badani iga soo martay. Sababta oo ah waxan ka filayey in uu noqon karo geed weyn oo damal ah oo iska daa Soomaali e’ Afrika ka shaqeeya ururinteeda iyo midnimadeeda. Xilligii ololaha marka la’ i weydiiyo aragtida iyo hoggaaminta Muuse waxan cod bixiyayaasha ku odhan jirey “Muuse waa Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda oo kale, ninkaas uun buu ku bannaan yahay”. Si aan taa u xaqiijiyo bal aan inyar kula wadaago dhibtii aan u maray. Marka laga tago ololihii, marka laga tago wax ka dejintii qorshaha guusha, marka laga tago is barbar taaggii xilligii uu dhawrka qof haystay, marka laga tago dooddii iyo dirirtii aanu dad badan isku seegnay, marka aanan xusin safaradii dhaadheeraa ee maalin-gaalka iyo guuraha lahaa ee Sool, Sanaag illaa Awdal, xitaa kuwii qurbaha iyo qaboobaha. U codayntiisii oo keli ah saddex jeer baan England uga soo dhoofay. Saddexda jeer waxa ay kala ahaayeen: Kow; Is-diiwaan gelintii koowaad oo aan maalintii ugu dambaysay iska diiwaan geliyey tuulada Coodanle oo ka tirsan Degmada Buuhoodle. Laba; kaadh qaadashadii oo inta aan maalin Khamiis ah ka soo baxay London, flydubai subax hore ku imi Hargeisa, baabuur Landcruser ah ka kaxaystay, Jimcihii 4tii galabnimona aan noqday qofkii ugu dambaysay ee card kiisa ka qaata Qorulugud. Saddex: Codayntiina aniga oo 3 Habeen iyo 3 maalmood u soo jeeday ololihiisa, maalintii doorashada oo dhanna aan shaqaynayey, baan casar gaabkii tuulada Balli Calanle oo Burco u jirta 150km ka soo codeeyey, si aanu codkayga ugu dhicin, sababta oo ah Balli Calanle waa meeshii 2003 sanduuqii yaallay ee Siilaanyo codka u badan lahaa la kansal gareeyey, sidaasna uu ku waayey Madaxweyne-nimadii. 14 sanadood ayaa u dhaxaysay galabtaas iyo galabtan aan dul taaganahay sanduuqii Balli Calanle laftiisii. Habeenkaas waraaqaha codaynta la soo daad guraynayeyna intiisii badnayd waan soconayey oo baabuur baan waday, hawsha oo badnayd darteed, iyo in aan wax khilaaf ahi dhulkan oo ah dhulka gobolka Togdheer ugu cod badan aanu ka dhicin. Balli-dhiig illaa Burco ayaan marba tuullo tegeyey, aniga oo weliba inta badan hurda ayaan haddana baabuurka waday, waan xasuustaa si aan indhaha u kala qaado marba inta aan istaago baan caagad biyo ah madaxa iskaga shubayey. Waxan hubaa in ragga maanta Madaxweyne Muuse la jooga aanu ku jirin nin qudha oo intaa u maray doorashadiisii oo celcelis ahaan illaa Europe illaa Hawd 30,000 oo kiiloomitir u socday in uu Muuse noqdo madaxweyne. Sababtaas baan uga gaabsaday in aan Muuse Biixi iyo todobadiisii sanadood ee taariikhiga ahaa wax ka sheeg sheego oo aan marba fartayda dhinacyada ka eego. Maantana ku fogaan maayo ee si aanu madaxweynaha ka dambeeyaa ugu dhicin qaladaadkii oo kale ayaan u qorayaa dhawr qalad oo waaweyn oo Muuse ku dhacay. Waa cashar ee ma’aha siyaasad. Madaxweyne Muuse wuxu sameeyey qaladaad badan, fursado badanna wuu lumiyey. Xitaa waxa soo martay mar bilowgii 2020kii loo cumaamaday in uu noqdo boqorka 30ka malyuun ee Soomaaliyeed, oo ahayd meeshii aan la’ jeclaa, laakiin ay taladu seegtay oo uu qaadan kari waayey. Hadda kama hadlayo arrimahaas iyo qaladaadkii odaygu uu galay oo dhan oo ay ugu weynayd tii Laascaanood. Sidoo kale ka hadli maayo qaladaadkii maamul, maaliyadeed, milateri, cadaaladeed iyo horumarineed ee maalinlaha ahaa, inkasta oo aanay ahayn in ay dhacaan haddana way dhacaan, waana laga kabtaa. Laakiin qaladaadka laf jabka ah ee istaraatiijiga ahi waa jab iyo fashil. Halkan waxan kaga hadlayaa 4 qalad oo waaweyn oo gudaha Somaliland ah. Bal ila eeg 4 tan qalad oo ahaa kuwii dhalay wixii ka xumaaday oo dhan. 1.Qaladka Koowaad: Madaxweyne Muuse marnaba muu dhisan, mana uu lahayn “cabinet” ama Gole Wasiirro oo run ah todobadaas sanadoodba. December 2017kii ayuu dhisay Golaha Agaasimayaasha, 2022 kiina waabu ka maarmay agaasimayaashii. Madaxweyne Muuse, markii uu xukuumadda dhisay kaddib ayaa guddoomiye kamid ah xisbiyada mucaaradku weydiiyey wuxu ku falay dadkan uu ku sheegay wasiirada ee Muuse laftiisa haddii la’ weydiiyo aanu qaar badan oo uu wasiiro u magacaabay garanayn ba (illaa todoba kamid ah weligii muu arag, iyaguna weligood TV moojaane toos umay arag). Muuse wuxu ku yidhi guddoomiyahaas “waar ma rabo dad ila murma”. Taas waxaaba ii sii xaqiijiyey nin ku magacaaban wasiir laakiin ah agaasime wanaagsan baan maalin ku idhi waar maxaad u hadli weydeen ee madaxweynahan iyo xisbigan dhulka la jiidayo u difaaci weydeen, wuxu igu yidhi haddii aan hadlo madaxweynaha ayaa i xasuusanaya. Halka Madaxweyne Muuse soo dhisay xukuumaddaas aan la’ murmayn ee uu doorbiday in uu noqdo keli-jire, halkii uu ka noqon lahaa wadar-jire, waxan anigu goob joog u soo ahaa oo aan wada garanayaa dowladdihii ay soo dhiseen madaxweynayaashii Muuse ka horreeyey, illaa madaxweyne Cabdiraxman Tuur iyo xukuumaddiisii dhammayska ahayd. Bal mid kamid ah xukuumadahaas aan tusaale u soo qaato: Madaxweyne Cigaal 1997kii wuxu soo dhisay xukuumad ahayd mar la’arag. Wuxu golishiisa wasiirada isugu keenay madaxweynayaal, waxannu ku naanaysi jirnay xukuumaddii madaxweynayaasha. Daahir Riyaale ayuu markii koowaad-ba madaxweyne ku xigeen u xushay, Ambassador Fagadhe oo cilmiga diblomaasiyadda aqoon durugsan u lahaa, muddo dheerna kamid ahaa madaxda sare ee hay’adda ILO, Kofi Anan, Beutrous Qali, Isayas Afawerqi, Meles Zenawi iyo madaxda kale oo gobolkubana ay aad u dhegeysan jireen ayuu Wasaaradda Arimaha Dibadda u dhiibay. Axmed Yuusuf Ducaale oo 1967kii ahaa Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayuu Tacliinta u dhiibay, Madaxweyne Siilaanyo ayuu ka dhigay wasiirkiisa Maaliyadda, Dr Gaboose oo shirkii Cigaal lagu doortay guddoonkiisa iyo qabsoomiddiisaba lahaa ayuu Arimaha Gudaha iyo Amniga u dhiibay, Cabdillahi Darawal ayuu ka dhigay Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta, Dr Cabdi Aw Daahir caafimaadka, Prof Caynab Gaashaandhigga, liiska goluhu waa dheeraa Prof. Gees, Ambassador Abdullahi M Ducaale, Siyaasi Cali Warancadde, iyo xitaa aftahankii Jaamac Gaas Macaawiye oo 21 sano Wasiir ka soo ahaa dowladdii Maxamed Siyaad ayuu wasiiro ka dhigtay oo waaya aragnimadiisa ka maarmi waayey. Cigaal wuxu ahaa another level. Madaxweyne Muusena, Shukri Bandare oo 14 sano ku magacawnayd Wasiirka Environment ka oo intay daashay daashay boqol jeer ku tidhi in aan nasto baan rabaa ee i beddel ayuu dhegeysan waayey, oo beddeli waayey, iyada oo ay suuqa joogaan 100 siyaasi oo karti iyo aqoon leh oo reer Oodweyne ah, oo boqol meelood wax uga tari lahaa. Sacad oo ku magacaaban Wasiirka maaliyaddu 2 sano kahor ayuu codsaday shaqo ka tegis, laakiin Dowladi waxa ay ku shaqaysaa aqoonta, ilaalinta, kartida iyo xil kasnimada goleheeda wasiirada. Isku shaandhaynta iyo is beddelkeeduna waa sida saliidda olyada baabuurta ee ay waajibka tahay in muddadiiba mar la kala beddelo. Muuse adduunka wuxu ugu necbaa kelmadda isku shaandhayn, waxa laga sheegay “hebel ku beddel hebel maxay soo kordhinaysaa”. Dabcan, Dowladnimaduba waa hebel oo shaqayn waayey ku beddel hebel oo ka karti badan, laakiin waa marka shaqo la rabo. Qaladka Labaad: Madaxweyne Muuse wuxu bilowgiiba joojiyey wareeggii lacagta ee suuqa. Kelmaddii “Handaraab” ma ahayn kelmad u fiican dhaqaalaha, maalgashiga iyo wax kala iibsiga. Qofka yaqaanna inta ugu yar ee cilmiga dhaqaalaha wuu fahmayaa in haddii aad joojiso wareegga lacagta ay saamaynayso miisaaniyaddaada oo dakhliga iyo cashuurtuba ay hoos u dhacayaan, dadkuna aanay wax nafleh kala iibsanayn. Waa sidii qasabadda biyaha oo aad dhexda ka jartay, afkana ka sugayso in biyo kaaga soo dhacaan. Xukuumadaha Ingiriisku marka dhaqaaluhu yara liico waxa ay sii daayaan mashaariic badan si lacag fiicani suuqa u gasho oo wax loo kala iibsado. Haddaba handaraabkii Muuse, aafadii ka dhalatay waa tii Sheekh Aadan Siiro “Allah yarxamhu” inoo sharxi jirey ee odhan jirey “waa la soo ootay”, busaarad aawadeed. 2.Qaladka Saddexaad: Madaxweyne Muuse wuxu guurey geeddi qaldan. Dunida kale oo dhan qofka ku doorta waa la sharfaa oo la weyneeyaa, oo loo abaal gudaa, taladaa wax laga siiyaa, adiga oo isaga haysta ayaa la raadiyaa inta kaa maqan. Muuse dagaalkii koowaad wuxu ku qaaday xisbigiisii, taageerayaashii, u codeeyayaashiisii, iyo power base kiisii, weliba iyaga oo jecel, oo aan kursiga ku haysan, codkoodana mar walba ula diyaar ah. Bari illaa galbeed madaxweyne Muuse taageerayaashii xisbigiisa wuu tuuray, gaar ahaan boqolaalkii kun ee uga codeeyey Togdheer, Sool, Sanaag iyo Saaxil. Qoladii galbeedna muddo dheer ayay ahaayeen gacmo ku gabbad. Fartiinnaa eedeysaan waxay ahayd farriin ku cusub taariikhda siyaasadda adduunka, mana tirmayso weligeed. Nin reer Hargeisa ah oo aqoon durugsan u leh culuumta siyaasadda ayaan weydiiyey hal shay oo uu ku xusuusan doono madaxweyne Muuse. Ninkaas political scientist ka ahi wuxu igu yidhi: “Sidii David Axelrod u ahaa madixii ololaha madaxweyne Obama ayaa Muuse Biixi na todoba sanadood u ahaa madixii ololaha ee Cabdiraxman Cirro”. Arrintaas professor-ku waxay i xasuusisay qiso ku dhacday nin shiidaalka ka ganacsada, ninkaas oo kamid ahaa dadkii aad ugu ololeeyey Muuse Biixi ayaa bilowgii xukunka Muuse dalka keenay markab shiidaal. Markii shiidaalkii Berbera yimi ayuu Madaxweynuhu diiday in la shubo, 45 maalmood markii uu markabkii badda taagnaa ee ganaax ku socday ayaa waxa madaxtooyada tegey mid kamid ah dadkii ka codeeyey ee mucaaradka ahaa, markaas buu ku yidhi madaxweyne markabka ii sii daa waxbaan ku leeyahaye. Sorry buu yidhi waxan moodayey in ay leeyihiin qoladii kursiga i saartay. Sidii buu ku sii daayey markabkii oo dekedda berbera uu ugu ogolaaday. Waxa taa ka sii yaab badnaa sida uu u fogeeyey saddexdii ganacsade ee waaweynaa ee kala ahaa Maxamed Aw Siciid, Maxamed Siciid Ducaale iyo Axmed Cismaan Geelle, kuwaas oo saamayn aad u badan ku lahaa guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaannna u codeeyayaasha Kulmiye. Ganacsiga kale ee faraha badan ee ay lahaayeen dadkii doortay ee uu xannibay, qaarkoodna illaa maanta xanniban yihiin idinba waad wada ogtihiin. Waxa iyana la’ yaab ahayd oo waxaba ka sii darnayd maalintii ninkii Maxamuud Xaashi ee aanu weligii Muuse madaxweyne noqdeen la’aantii uu yidhi xisbiga Kulmiye ma’aha oo kama tirsana, dad badan baa yidhi oo haddaa yaa ah Kulmiye! Xilligii daraawiish ayaa wiil isku darsaday karti, geesinimo, cilmi, aftahanimo iyo akhlaaq, niman Sayidka la joogay ka masayreen. Kaddib aabihii bay ku yidhaahdeen wiilkaagu waa caasiyoobay oo sayidkii ayuu xukunka ku haystaa, ee intaanu xujoobin wax ka qabo. Odaygii waxba ma hubsane wiilkiisii oo iska hurda ayuu xabbad ku soo dhuftay. Kaddibna Sayidkii ayuu warkii kula soo kallahay oo ku yidhi wiilkaygii kugu caasiyey anigaa gacantayda ku soo dilay. Sayid Maxamed wuxu yidhi hadal taariikhda galay oo ahaa: Hebelow, haddii anigu aan wiilkaas oo kale dhali lahaa iskama dileen. Nin raba in dowladdiisu guuleysato Maxamuud Xaashi oo in badan diyaar u ahaa in uu la shaqeeyo ma dayriyeen, kumana beddesheen “waxba”. Kolley anigu, waa halkii Sayidka e’ iskama fogeeyeen Ina Xaashi oo kale. Ugu yaraan waxan is lahaa marka uu laba sano xilka hayo “midterm” kiisa marka xaalku ku adkaado ayuu sidii Raisal Wasaaraha Ingiriiska ee Rishi Sunak odhan doonaa “waar intii aan garanayey way dhaaftay ee ninkii gaadhigan wadi jirey ee David Cameron ii doona”. Runtii arrimahaas oo dhami may ahayn qaladaad siyaasadeed ee waxay ahaayeen strategic mistakes, weliba qalad istaraatiiji ah oo hoggaanka soo socda ee Kulmiye saamayn ku yeelan doona. 3.Qaladka 4aad: Jidkii qodxaha lahaa Madaxweyne Muuse wuxu 30 sano kahor indhaha siyaasadda ku kala qaaday Madaxweyne Cigaal. Kaddibna farsamo u shaqaysay Maxamed X Ibraahim Cigaal ayuu manaam iyo riyo ku arkay in isagana ay u shaqayn karto. Waxa hubaal ah haddii aanu dhici lahayn dagaalkii October 1994kii ee Jaamac Maxamed Qaalib hoggaaminayey in Cigaal kursiga waayi lahaa doorashadii dhici lahayd sannad kaddib 1995. Siilaanyo wuxu nagu yidhi “Jaamac Yare aad baan ula hadlay oo ku idhi haddii dagaal dhaco doorasho dhici mayso, haddii doorasho dhici weydana Cigaal baa joogaya oo kursigu bannaanaan maayo ee adigu Cigaal ha ka dhigin “President for life”Madaxweyne aan weligii dhicin”. Runtii sidii Siilaanyo sii saadaaliyey bay u dhacday. Dagaalkii wuu dhacay, waxaana ka dhashay madaxweynihii 6da bilood u hadhsanaayeen in uu kursiga ku sii fadhiyo 9 sanadood oo kale illaa uu ka geeryooday. Muuse Biiixi illaa bilowgiiba sawirkaas baa maskaxdiisii ku wareegayey, iyo sidii uu mar kale u ciyaari lahaa ciyaartaas duugga ah ee 30 jirka ah. Arrintaasina waqti badan, fikir badan iyo dhaqaale badan bay ka khasaarisay Madaxweyne Muuse. Laakiin wuxu qaldayey in isaguna aanu ahayn Cigaalkii 1994kii, mucaaradka maantuna aanu ahayn kii Salbalaar ee xaafadda Tarabuunka ee Xamar laga hoggaaminayey, isbahaysigii marya aloolka ee 1994/1995 na aanu maanta jirin, xitaa aanay suurtagal ahayn in la sameeyo, siyaasadda maanta ee gobolkuna aanay ahayn tii iska hurudday ee jirtay 30 sano kahor. Fikrikaas ku dayashada aan suurtagalka ahayni waxa ay i xasuusisay sheekadan: Bilowgii sagaashamaadkii ayaa waxa xaafadda Shola Manganaaya ee Addis Ababa noogu sheekeeyey ninkii ku dayday madaxweynihii Masar ee Jamaal Cabdinaasir. Ninkaasi wuxu ahaa nin weyn oo reer Cadmeedkii hore ahaa, wuxu yidhi sanadihii kontomaadkii waxan indhaha ku kala qaaday Jamaal Cabdinaasir oo ah hoggaamiyaha Carab ugu saamaynta badan, wuxu dhalinyarada carbeed u ahaa tusaale ay ku daydaan, waa run oo Mucammar Al Qaddaafigii Liibiyaba wuxu ku riyoon jirey in uu mar uun noqdo Jamaalkii yaraa ee carbeed. Xiligaas ayuu yidhi baa waxa nalooga sheekeeyey in Jamaal aqoon durugsan u leeyahay dabbaabaadka ama kaarayaasha, kaddibna waxan jeclaystay in aan barto dabbaabaadka si aan u noqdo Jamaalkii Soomaalida. Warqad dheer baan u qoray buu yidhi Madaxweyne Jamaal Abdulnaasir, xilligu waa 1958kii, Masar waxa ay Cadan ku lahayd xafiis sida qunsiliyadda u shaqeeya, warqaddii markii aan dhammeeyey waxaan geeyey buu yidhi qunsiliyaddii Masar ee Cadmeed si ay ugu gudbiyaan madaxweynahooda, maaddaama ay adag tahay in warqad caadi ah oo aan boosta ku diraa u tagto Madaxweyne Jamaal. Bil kaddib qunsuliyaddii waxay ii soo dirtay farriin ah in ay ii hayaan jawaab ka timi Qaahira. Aniga oo u qaadan la’ baan u tegey buu yidhi, waaba warqad ka timi Madaxtooyadii Masar. Madaxweyne Jamaal Abdinaasir wuu iiga soo mahad celiyey salaantii iyo ammaantii aan u diray, laakiin wuxu ii sheegay in Soomaaliya aanay xor ahayn, isla markaana lahayn dabaabado, laakiin Masar diyaar ula tahay in ay baraan culuumta kale ee uu rabo in uu barto. Haddaba, sidii ku dhacday ninkaa iska jibbooday ee Jamaal Cabdinaasir iskaga dayday ayaa Madaxweyne Muusena ku dhacday. Bilowgiiba waxay ahayd in Muuse Biixi aanu waxaas waqti iskaga lumin, sababta oo ah xilligan la joogo ee dunida uu hago social media-hu dagaalku waa sida kayn dab qabsaday oo aan la’ xakamayn karin, waad bilaabi kartaa laakiin ma joojin kartid, sidoo kale ma ogid haddii xabbadi dhacdo meesha ay ku dambayn doonto xabbadaasi. Xilliyadana in Somaliland dagaal ka dhaco waxa ku ducaysta xoogagga argagixisada ee Al Shabaab iyo Daacish, oo habeen iyo maalin ilaahay ka barya, iyaga oo ka dhex raadinaya fursad shaydaan oo ay ku xasuuqaan shacabkeeda, sida ay u xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed ee kaleba. Xilligana waxa ka hortaagan nabadda, maamulka dowliga ah oo iyaga hortood dhismay iyo shacabka oo iskaashaday ayaa maanta ka hortaagan soo dhex-galka bulshada. Sidaas darteed inta uu dagaal sokeeye fursad ka raadinayey waxa ay ahayd in Muuse uu shantiisa sano iyo labada suubbiska ah, 7dii saas sanadood si xasilloon oo xarrago iyo waxqabad leh u qaato, kaddibna 2024 Xisbigiisa Kulmiye ka soo sharraxo nin miisaan leh oo Galbeedka Burco ah. Isaguna maaddaama uu 2025 noqonayo 80 jir uu si sharaf leh u ritaayaro, oo xurmo iyo taariikh xasiloon oo lagu xusuusto ka tago. Sidiisaba, madaxweyne, dirham iyo diinnaar toona lagama dhaxlo oo kama tago, xitaa 30 sano kaddib guryaha aynu maanta ku jirno dadkii koowaad ee lahaa lama xasuusan doono, tan rasmiga ahina waxa ay tahay madaxweyne wuxu ka tagaa taariikh iyo legacy. Laakiin macal asaf, i am so sorry! hadda wax kastaa way talo xumaysteen, waqtigiina wuu dhammaaday. Ciilow ba’ay talo xumaan cudur ka weynayne. ii oggolow in qormadan aan ku soo afmeero beydad kamid ah maansadii Hadraawi ee Galangal ee soo baxday 1983kii oo aad mooddo in ay maanta taagan tahay. Hadraawina wuxu yidhi: Gebegebada sheekada Gabaygaygan kama wado Gaaxnuug la talintii Gabbal dhacay ka hadalkii Hadda galabta sheekada Waxan uga gol leeyahay Samihiyo is garabsiga Berri yaan la gees marin (Hadraawi, Galangal 1983) WQ: Senator Cismaan Dubbe Qaran News
  20. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyo waxyeelo ka soo gaartay shaqaaqo ka dhacday caasimadda Puntland ee Garoowe. Wasiir Cali Xoosh ayaa inta uu booqashada ku jiray waxaa uu warbixin la xiriirta xaaladda dhaawacyada ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka. Xog-waran kadib, wasiirka ayaa mid mid u dul tagay dhaawacyada oo xaaladooda caafimaad dhakhaatiirtu la tacaashay, sidoo kole wasiirka ayaa maamulka Isbitaalka faray in loo dhameystiro daryeelka ay u baahanyihiin bukaanada, wuxuuna Alle uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo. Source: goobjoog.com
  21. Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS S/Guuto C/laahi Sheikh ismaaciil (Fartaag) ayaa Gudoomiyey shirka wajiga Labaad ee mashruuca JPP ee Horumarinta Boliiska Soomaaliyeed, kaasi oo looga arrinsanayo sidii loo Horumarin lahaa Boliiska, Shirkan waxaa Goobjog ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Wasiirada Amniga Dowlada Goboleedyada Xubinta ka ah Dowlada FDS iyo deeqbixiyaasha. Ujeedka Shirkan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay ula falgalaan Bulshada Soomaaliyeed. Wasiir Fartaag oo shirka hadal ka jeediyey ayaa uga mahadceliyaya saaxiibada Caalamka ee Marwalba garab istaaga Boliiska Soomaaliya. Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa ka hadlay habka loo marayo mashruuca Hormarinta Boliiska Soomaaliya, kana mahaceliyay shqeynta wanaagsan ee saaxiibada caalanka ee garab istaagay Boliiska Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  22. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa guul wayn ka gaartay loolan loo galay doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Soomaaliya ayaa loolankan uga guuleysatay 39 waddan oo Afrikaan ah, isla markaana xubno ka mid ah Hay’adda African Risk Capacity ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (ARC). Sida ay lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay SoDMA waxaa saddexda sano ee soo socoto ururkan guddoomin doono Hay’adda Maareynta, waxaana matali doono Maxamed Cumar Macalin (Wayaki) Waa markii labaad ee ay Soomaaliya ku guuleysaneyso shir guddoonka uruurkan, tan iyo markii la saxiixay heshiiska uu ku dhisan yahay. “Hay’adda SoDMA ayaa ku guuleeysatay doorashada xubin ka mid ah xubnaha maamulka hay’adda ARC Saddexda sanno ee soo socota, taas oo uu ku matali doono Maxamed Cumar Macalin (Wayaki), waxaana xusid mudan in Soomaaliya markii labaad ay qabato shir guddoonka Ururkaan tan iyo markii ay saxiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sannadkii 2021” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda SoDMA. Dhinaca kale wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xarunta ururka midowga Afrika ee Magalaada Adis-Ababa uga qeybgalay kal-fadhigii 14-aad ee shir-weynaha sannadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha ka ah Hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan Maareeynta Khataraha Musiibooyinka. Shirkan oo ay ku kulmeen 39-ka dal ee xubnaha ka ah ururkaan qeeybtiisa farsamada waxaa gudoominayey Agaasimaha waaxda Maareeynta Khataraha Musiibooyinka SoDMA, Khadar sheekh Maxamed Nuur, waxaana shirka qeybtiisa farsamo lugu go’aamiyey go’aanno farsamo oo la hordhigayay madaxda hay’addaha wadamadda xubnaha ka ah oo uu doorkan guddoomiyey Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle. Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe bandhig cajiib ah ka sameyneysay fagaarayaasha caalamka, waxaana dhowaan ay ku guuleysatay ku biirista Dallada Bariga Afrika ee EAC, hadda waxa ay dooneysaa kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika oo ay u sharraxan tahay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horay usoo qabatay xilal kala duwan. The post Sawirro: Soomaaliya oo ka guuleysatay 39 waddan kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  23. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomalaiya ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka oo soo billowday 20-ka April. Warbixinta ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu qatar ugu jiro in uu fatahaado ka sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe si gaar ah degmada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm cabsida laga qabo billowga fatahada Wabiga Shabeelle, xilli meelaha qaar uu jabsaday haddana laga celiyay. Waxa kale oo suurta-gal ah ayaa la lagu yiri warbixintan in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ee nolosha cabsina laga qabo Xaddiga roobka la filayo inuu da’o ayaa u dhaxeyn doono 50% ilaa 60%, waxaana sidoo kale jira cabsida laga qabo duufaanta El-Nino oo sanadkii hore ku dhufatay inta gobollada dalka fatahaad bandanna laga dhaxlay, taas oo keentay in gobollada iyo magalooyinka qaar ay kala go’aan oo isku socodka uu istaago. Xaddiga kuleylka ayaa isna sii ahaan doona mid u dhaxeeya 32°-39° guud ahaan Soomaaliya, waxaana maalmihii ugu dambeeyay dalka laga dareemayay heer kula ad u sareeya, taas oo sabab u ah xaaladda jirta, waxaana cabsidaan sidoo kale ay ka jirtaa dalalka Bariga Afrika oo la tacaalaya daadad ku dhuftay. Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ay ku boorineyso dhamaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah oo ku aadan roobab ku soo food leh gobollada dalka. Source: goobjoog.com
  24. (ERGO) – The education of scores of children has been disrupted after families living in the central Somali town of Amara were forced to flee during the recent recapture of the town from government forces by Al-Shabab militia. Source: Hiiraan Online
  25. At least 16 people have died after a boat they were traveling in from Yemen capsized off the coast of Djibouti, the United Nations' International Organization for Migration said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up