Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    13,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Kheyre oo arrimaha doorashada kala hadlay Qoorqoor Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo haatan kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka. Ugu horreyn labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka 2020/2021 iyo kaalinta ay ku leedahay dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale Qoorqoor iyo Kheyre ayaa diirada saaray xaaladda maamulka Galmudug iyo howlaha horyaalla. “Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa.” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa horey ula kulmay xildhibaan Jawaari iyo sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Kheyre ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharrax Madaxweyne oo u taagan doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka. Xigasho
  2. Soomaaliya oo guddoomineysa shirka Golaha guud ee QM Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) oo dhowaan loo doortay gudoomiye ku xigeenka kulanka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay. Shirka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sanadkan 2020-ka inta badan ay madaxda caalamka uga qeyb-galeysaa habka Online-ka. Sidoo kale waxaa sanadkan shirka diiirada lagu saaray saamaynta uu cudurka Coivid-19 ku yeeshay bini’aadamka oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay. Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb-galay ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo warbixin golaha ka siiyey xaaladda dalka. Mahdi Guuleed ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan. Si kasabtaba ha’ahaatee Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan loo doortay inay ka mid noqoto 21-da Madaxweyne ku xigeen ee fadhiga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambaysay sanadkii 1979-kii. Xigasho
  3. Magaca tuugnimada meesha aad ku heysiin kala taga marka. Dhulka Soomaalida meesha ha ula bixina haddaa tihiin Soomaali diid.
  4. Kheyre oo Muqdisho ka wada kulamo siyaasadeed Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta hoygiisa uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kheyre oo qoraal kooban ka soo saaray kulankaas ayaa sheegay in guddoomiyaha uu uga mahad celinayo kaalinta uu ka qaatay xaalada kala guurka ah ee dalku ku jiro. “Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre. Kheyre iyo Cabdi Xaashi ayaa isku mowqif ka ahaa maareynta hanaanka doorasho ee Soomaaliya u jaheysaneyso, balse labaduba waxay dagaal siyaasadeed kala kulmeen xafiiska madaxweynaha. Wada-shaqeynta guddoomiye Cabdi Xaashi iyo madaxweyne Farmaajo ayaa haatan u muuqata mid aan wanaagsaneyn, halka Kheyre uu ku baxay khilaaf ka dhashay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa. Khilaafkan ayuu xoogiisu soo bilaawday intii aan la aadin shirarkii Dhuusamareeb ka dhacay, waxayna Kheyre iyo Cabdi Xaashi ka mideysnaayeen in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ka wada tashadaan sidii ay Soomaaliya doorasho uga dhici laheyd waqtigeeda. Hasa yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeysanayey in guddiga doorashooyinka loo daayo howshaas si doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga qabtaan, balse dhawaan ayuu ka tanaasulay taas, isagoo aqbalay in la aado doorasho dadban. Xigasho
  5. Faarax Eebbe ha u raxmado. Ninka kaliya Jaalle Siyaad hilfaha u qaadi jiray ayaa in the heyday of Kacaanka.
  6. Kanba meesha bilooyin ayuu sii fadhin doonaa wax kale ma jiree.
  7. Horta maxaa la caaytantaa sidii islaan dhoocil ah? Ra'iyaaga dhiibo without cheap qashin aflagaado. Anyway, baarlamaanka can and will make amendments, even though the Imaaraadka stooge you worship did not get anything in the current agreement, including trying to sideline baarlamaanka. All his useless Imaaraadka u soo dhiibay conditions and beesha caalamka u calaacal was null, not to mention being forced to come to Xamar and be a timid guest of Filla Soomaaliya. Anyway, wixii Soomaaliya hore u wadaayo, horumarinaayo waa dhaweyneynaa.
  8. Gooni, maxaa deg degaan? Wixii Dhuusamareeb lagu heshiiyey lee la toos toosiyey marka shirka Dhuusamareeb u dambeeyey kama soo horjeedinee. Shirkaas qof iyo cod kama soo bixin. Kuwii mucaaradka ku ahaa dowladda dhexe, kuna xujeynaaye in ra'iisul wasaare cusub la magacaaba marka koowaad, in baarlamaanka aan la geyn karin heshiiska ee gaareen, in gudiga doorashooyinka qaranka talo ku lahayn doorashada iyo in ciidamada qaranka in Gedo laga soo saaro. Intaasba ma dhicin oo lama yeelin.
  9. Waa kuma Maxamed Xuseen Rooble – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee DF Soomaaliya? Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Maxamed Xuseen Rooble ma ahayn nin ku lug leh siyaasadda Soomaaliya, ama aad loo yaqiin, wuxuuna inta badan la shaqeynayey hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan ururka shaqaalaha adduunka ee ILO. Maxamed Xuseen Rooble waxa uu bishii October 1963-kii ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Waxa uu reer ahaan kasoo jeedaa beesha *** ee ***. Waxa uu shahaadada heerka koowaad ee injineeriyadda ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale shahaadada labaad ee Masterka ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee magaalada Stockholm, Sweden, isaga oo bartay Environmental Engineering and Sustainable Infrastructure. Waxa uu si wanaagsan ugu haldaa luuqadaha Soomaaliga, Ingiriiska iyo Swedishka, isaga oo sidoo kalena wax ka yaqaan luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga. Ka sokow Soomaalinimada, waxa uu sidoo kale haystaa dhalashada dalka Sweden. Waa xaasle aabe ah oo leh oo shan caruur ah. Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu muddo 14 sano ah lasoo shaqeynayey ururka shaqaalaha adduunka ee ILO, oo uu ka qabtay xilal sare oo ay ka mid yihiin heer hoggaanka dalka Soomaaliya ah, isaga oo mudadaas maamulay mashruucyo ay ku kacday lacag ka badan laba boqol oo milyan oo dollar. Ma cadda cid uu si gaar ah ugu xiran yahay marka ay noqoto siyaasadda Soomaaliya, hase yeeshee CV-giisa codsiga shaqada ra’iisul wasaaraha waxaa ku qornaa saddex qof oo tixraac u ahaa, waxaana Soomaali ka ahaa kaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug. Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la magacaabay saacado un kadib markii heshiis laga gaaray arrimaha doorashada, taasi oo meesha ka saartay inuu wax kaalin ah ku yeesho go’aanada la xiriira doorashada, waxaana hadda u taal shaqo ah inuu soo dhiso xukuumad fuliso waxyaabihii lagu heshiiyey.
  10. Cali Buunoow Qorane: Shan dacwadood oo uu wajahayo Barasaabka Gaarisa Barasaabka Ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, Cali Bunow Qorane iyo afar sarkaal oo ka tirsan xafiiskiisa oo saakay la soo taagay Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo oogay eedeymo musuqmaasuq ah. Saraakiisha lala xidhay Qorane ayaa kala ah Ibrahim Nuur Malow, oo ah madaxa maareynta dhaqaalaha Ismaamulkaas, Maxamed Axmed Cabdullaahi, oo ah madaxa canshuuraha, Cabdi Shaale, oo ka tirsan waaxda fulinta ee dowladda hoose iyo Axmed Cabdullaahi Aadan, oo ah madaxa xisaabaadka dowladda hoose. Dhammaantood waxay beeniyeen inay musuqmaasuq ku kaceen. In kastoo kiiskan uu sii socon doono, haddana barasaabka Garissa waxaa lagu sii daayay lacag damaanad ah oo gaareysa $32 kun oo dollar, waxaana laga joojiyay shaqadii xafiiska ee ismaamulka Garissa. Xarigga mas'uuliyiintan waxaa amray dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji daba-yaaqada todobbaadkii la soo dhaafay kadib markii uu sheegay in ay ku tuhmayaan in si khaldan loo isticmaalay lacago loogu tala galay mashaariic horumarineed. Warqad kasoo baxday xafiiska Dacwad oogaha Kenya ayaa lagu soo bandhigay qodobbada loo cuskaday xarigga madaxdan iyo nooca ay yihiin dacwadaha lagu soo oogay. Nuuradiin Xaaji ayaa bayaankiisa ku sheegay in baadhitaan ay sameeyeen koox madax bannaan lagu ogaaday qodobbada soo socda. 1- In Ismaamulka Gaarisa loo qoondeeyay lacag dhan Kshs 233,505,000, oo qeyb ka ahayd dhaqaale loogu talagalay ismaamullada Kenya. Lacgtaas waxaa lagu qeybiyay qodobka dastuuriga ah ee qoondeynta dhaqaalaha ismaamul goboleedyada, waxayna ahayd miisaaniyad sanadeedkii 2018/2019 ee la siiyay Gaarisa. Waa mashruuca horumarinta magaalooyinka oo loo qeybiyay dhammaan ismaamullada, kana baxday Bangiga Dhexe ee Kenya. 2- In lacagta markii ugu horreysay ay ku timid deyn ay dowladda Kenya ka qaadatay Bangiga Adduunka, maamulka Gaarisana loo sii mariyay wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Ujeedadda lacagtaasina ay tahay horumarinta magaalooyinka. 3- In lacagta la sheegay ay ahayd mid si gaar ah loogu qoondeeyay saddex mashruuc oo kala ah: Dhismaha suuqa Qoraxey ee magaalada Gaarissa. Dib u habeynta iyo dayac tirka waddooyinka muhiimka ah ee Gaarisa. Iyo dhismaha iyo hagaajinta meelaha biyo mareenka ah iyo hareeraha wadooyinka. 4- In lacagtaas halkii lagu bixin lahaa mashaariicdaas gaarka ah laga weeciyay meelo kala duwan oo kalena loo isticmaalay intii u dhaxaysay February 2019-kii iyo September 2019-kii. 5- In howlaha sharcidarrada ah ee lacagtaas loo adeegsaday ay fududeeyeen Ibrahim Nuur Malow, oo ah madaxa maareynta dhaqaalaha Ismaamulkaas, Maxamed Axmed Cabdullaahi, oo ah madaxa canshuuraha, Cabdi Shaale, oo ka tirsan waaxda fulinta ee dowladda hoose iyo Axmed Cabdullaahi Aadan, oo ah madaxa xisaabaadka dowladda hoose. 6- In mudane Cali Bunow Qorane, oo ah barasaabka ismaamulka Garissa uu tan iyo 21-kii August 2017 yahay qofka mas'uulka ugu sarreeya ka ah dowlad goboleedkaas sida ku xusan qodobka 179 (4) ee dastuurka oo la meel mariyay sanadkii 2010-kii, waajibaadkiisuna yihiin inuu hoggaamiyo howlaha dowladda hoose, sidaas awgeedna ay tahay in lagula xisaabtamo maareynta mashaariicda ismaamulkaas. Xigasho
  11. A secessionist's wild inkaar haddee shaqeyn lahayd waa hore ayee shaqeyn lahayd. Habaarkooda adiga lee yuunan kugu soo noqon.
  12. Adeer-raali-ahoow-meeting: Maxay ka wada hadleen Kheyre iyo Jawaari? Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka mudane Maxamd Sh. Cusmaan Jawaari oo booqasho ugu yimid. Kheyre iyo Jawaari ayaa yeeshay Kulan saacado qaatay oo ay uga wada hadleen doorashooyinka, xaaladda kala guurka iyo Mustaqbalka dalka. Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kulanku socdsay waxuu ku celiyay muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda si looga baaqsado khalkhal dhinacya badan oo dalka ku yimaada. Khayre oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baneeyay July 25, 2020 kadib markii Madaxtooyadu ay qoonsatay aragtidiisii aheyd in la qabto doorasho la isku raacsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, ayaa dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha dalka. Musharax Maxaweyne Xasan Cali Kheyre oo noqday ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee xukuumad hoggaamiya buruburkii kadib ayaa intii uu ahaa wasiirka koowaad waxuu ku guuleystay dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Musuqmaasuqa. Xigasho
  13. Madax goboleedyada oo isku aragti ka noqday inta badan qodobada la isku hayo Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Muqdisho ka socda ayaa soo sheegaya in dhamaan Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka ay isku aragti ka noqdeen inta badan qodobada la xiriira. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulamo gaar ah oo ay dhinacyadu qaateen ay isku aragti ka noqdeen arrimaha doorashada waxaana aragti keli ah qaba madaxweyne Farmaajo, Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii Cumar Finish. Dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada dalka ayaa markaan isku fahmay in siyaasad mideysan ku qaabilaan Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ka fogaadeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo. Dhammaan qodobadan ayaa u muuqda kuwa hal ujeedo laga leeyahay oo ah in maamul goboleedyada ay doonayaan inay kaalin muuqata ku yeeshaan xildhibaanada cusub. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madax goboleedyada ay doonayaan in awood dheeri ah laga siiyo maamulka doorashada, halka dowladda ay dooneyso in loo madax baneeyo guddiga doorashada. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tani ay horseedi karto in Madaxweyne Farmaajo uu tanaasul badan sameeyo, six al loo gaaro.
  14. Xubno dheeri ah oo kusoo biiray shirka Farmaajo iyo madax goboleedyada Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya shirka Villa Somalia ee madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ayaa sheegaya inay kusoo biireen xubno kale oo dheeri ah. Wararka ayaa sheegaya in shirka oo xalay dib u billowday ay kusoo biireen guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Kusoo biirista Mahdi ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay inuu shirka ku matalo beelaha dega gobollada waqooyi oo aan lahayn maamul goboleed shirka u fariista, balse ma cadda sababta uu Mursal ugu soo biiray. Wararka qaar ayaa sheegaya in kusoo biirista Mursal ay muhiim tahay sababtoo ah heshiis kasta oo la gaaro waxaa la horgeyn doonaa baarlamanka, sidaas darteedna waxaa laga fursan waayey in Mursal uu talo ku yeesho qodobada lagu heshiinayo. Ku biirista Mursal iyo Mahdi ayaa sidoo kale taageero siin karta madaxweynaha, xilli ay muuqato in inta badan madax goboleedyada ay isku aragti ka nqodeen qodobada ugu xooggan ee la isku hayo. Wararka ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo. Dhammaan qodobadan ayaa u muuqda kuwa hal ujeedo laga leeyahay oo ah in maamul goboleedyada ay doonayaan inay kaalin muuqata ku yeeshaan xildhibaanada cusub.
  15. What is cooking in Filla Soomaaliya? Shirka Muqdisho oo galay maalintii labaad & wararkii u dambeeyey Shirka wadatashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii labaad. Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa gaaray xarunta madaxtooyada oo ah meesha uu shirku ka dhacayo. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo guda geli doono ajendeyaasha shirka, maadaama kulankii shalay uu ahaa furitaan iyo qado. Inta badan waxaa laga wada doodi doonaan heeshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, kaas oo aysan qeyb ka aheyn madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland. Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Deni ayaa miiska soo saaray qodobada qaar oo ay diidan yihiin, kuwaas oo ay doonayaan in markale dib loogu laabto. Waxaa sidoo kale xalay dhacay kulamo gaar gaar ah oo lagu gorfeeyey sida looga gudbi caqabadaha taagan, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka soo socda. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada ka soo baxda shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka oo saldhig u noqon doonto doorashada 2020/2021-ka
  16. Labaatan iyo shan sano ka badan ayee ka dhiibaayeen halyeydii JWXO gobollada Waqooyi Bari, Waqooyi Galbeed iyo gobollada dhexe. Isla kuwaas u sacabtumaaye kuwa dhiibaaye ayaa arrinta Qalbidhagax noo buun buuninaayo.
  17. Muuse Muqayil iyo tuugadiisa maafiyada ah tuugnimada kama weynaadaan miyaa.
  18. The stooge Imaaraadka u adeego iyo the sycophant Kiikuuyada amarkooda ku shaqeeyo maxee yihiin? At least sadexdaan dowladda dhexe qof Soomaali hoggaamiyo la safanyihiin. Shisheeye kalkaaliso wax ka xun ma leh.
  19. Xasan Cali Kheyre oo ku dhowaaqay inuu yahay musharax madaxweyne Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa si rasmi ah u shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Kheyre oo qoraalkan soo dhigay bartisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in mudadii uu hayey xilka ra’iisul wasaaraha dalka wax-badan uu qabtay waxna ka bartay. “Bismillah, Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Cali Kheyre. Qoraalka Kheyre ayaa intaas ku sii daray, “Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS.” Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in uu fahamsanyahay fursadaha caqabadaha la xiriira hoggaaminta dalka, islamarkaana uu ku hoggaamin doono karti, hufnaan iyo daacadnimo, hadii uu ka noqdo madaxweyne. “Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan mar kale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. 50-maalmood ayaa ka soo wareegatay markii xilka kulan buuq hareeyay looga qaaday Xasan Cali Kheyre, welina lama buuxin booskii uu ka baxay ee ra’iisul wasaaraha dalka. Kheyre ayaa waxaa xilka ka qaaday baarlamanka 25-kii July, kadib markii ay isaga iyo madaxweyne Farmaajo isku qabteen arrimaha doorashada oo uu kaga soo horjeestay madaxweynaha, taasi oo keentay in Villa Somalia ay ka abaabusho mooshin. Intii uu xilka hayey Kheyre, gaar ahaan muddooyinkii dambe, waxaa taageerayaasha madaxweynaha ay ku eedeyn jireen inuusan daacad u ahayn oo uu yahay musharax doonaya inuu xilka ka tuurto. Xigasho
  20. Qoorqoor oo ‘laba wajiilenimo ku eedeeyey’ Axmed Madoobe iyo Deni Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si dadban laba wajiilenimo ugu eedeeyey Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo uu sheegay in wixii ay ku diideen shirkii Dhuusamareeb 3, ay hadda Muqdisho joogaan ayaga oo aan helin. “Saaxiibadii naga maqnaa shirkii Dhuusamareeb-3, waad ogtihiin inay nooga maqnaayeen iyadoon Ra’iisul Wasaare la magacaabin meelna tagi meyno, laakiin hada Ra’iisul Wasaare lama magacaabin saaxiibadeena waa yimaadeene, ma waxay diidanaayeen Dhuusamareeb? Mise waxay qiran la’yihiin inay ilduufeen?,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay inay aaminsanyihiin in dalku xukuumadda ugu baahanyahay “Waliba waxaan leenahay deg deg haloo soo saaro, in la dhiso xukuumad ayaan sugeynaa lagamana maarmo,” ayuu yiri. Qoor Qoor ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay hada Muqdisho u yimaadeen ay tahay dhameystirka heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb-3, kaas oo uu tilmaamay inay ka soo baxeen go’aamo dhaxalgal ah. “Waxaad ogtihiin in gogoshii Dhuusamareeb-3 ay ku dhamaatay go’aamo dhaxalgal ah, fakar kasta oo la kala qabayna la isu tanaasulay, doorasho xalaal ah oo aan dhinac jirin inay kasoo baxday, waxaan sidoo kale halkaas ku caddeynay in walaalihii ka maqnaa ama walaal kasta oo talo haya inay taladiisu u furan tahay,” ayuu yiri. Madaxweyne Qoor Qoor oo hadalkan jeediyey intii aysan ka soo bixin Baydhaba oo ay shir gaar ah ku yeesheen isaga iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay u socdaan oo dhageysan doonaan aragtida madaxdii ka maqneyd shirkii Dhuusamareeb. Waxa uu sheegay in mar kasta lagu xanto inay aad ugu dhawyihiin madaxda dowladda federaalka, balse ay ku faanayaan “wax-fiicana ay u arkaan Soomaali is ogol.” “Anaga waxaa nala yiraahdaa dowladda ayey wadashaqeyn dhow la leeyihiin, waan ku faaneynaa in Soomaali wadashaqeyn leedahay, waxaan ku faraxsanahay inaan cid walba u dhownahay isna fahansan nahay,” ayuu yiri Qoor Qoor. Xigasho
  21. It is getting weirder. Cabdirisaaq Caato oo markale loo magacaabay xoghayaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Caato) ayaa markale loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kadib warqad ka soo baxday xafiiska ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale xil kii ka qaaday xoghayihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye oo xil kaasi hayey muddo 40 cisho ah, kadib markii la eryey Cabdirsaaq Caato oo hadane markii labaad loo soo magacaabay xil kan. Caato oo muddo todobaad ka yar hayey xil kaasi ayaa sababta markii hore looga qaaday waxa ay aheyd xad-gudub lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee la eryey, Mudane Xasan Cali Kheyre. Tan iyo markaasi waxaa jahwareer xoogan ka taagnaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo is-bedal deg-deg ah uu ku yimid markii la riday Khayre, waxaana isla habeenkii ku simaha loo magacaabay Mahdi Guuleed uu xil kii ka qaaday Axmed Nuur Maxamed Cabdi oo ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiskaasi. Sidoo kale waxaa shaqada ka tegay inta badan raggii aadka ugu dhowaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo uu ka mid ahaa Cali Nuur Salaad. Si kastaba ha’ahaatee lama oga sababta rasmiga ah ee hadda keentay in xafiiska Ra’iisul wasaaraha loogu celiyo Cabdirisaaq Caato, balse sida ay horey u baahisay Caasimada Online, Caato wax shaqo kuma laheyn amarka ahaa in baabuurta aan xabadda karin dib loo soo celiyo, islamarkaana uu bixiyey sii-hayaha ra’iisul wasaaraha. Xigasho