All Activity

This stream auto-updates     

  1. Today
  2. This is pure politics. When I was in Nairobi, I heard that Laftagareen will never accept the replacement of Ethiopian soldiers with Egyptians. They said it was a plan to subdue Laftagareen and take the Lower Shabeele. We were all waiting the removal of foreign soldiers from Somalia this coming December and HSM is asking the deployment of new foreign soldiers left and right. Is this guy losing his mend? . Why not just slow down and finish the task you have before you jump from one frying pan to another. Wadankiiba in uu Waashay ayaad Moodaa. He is looking more like a lame duck president who has nothing to lose. He called regional leaders Hogaamiye, passes that article in the parliament, and then reverses himself and calls them presidents in his own letter. He calls for national dialogue and no one shows up. These are the actions of a dithering leader .
  3. US awards $25 million construction contract to #Djiboutian businesses The United States Department of Defense has awarded a $25 million construction contract to five companies based in Djibouti. The contract, facilitated by the U.S. Naval Facilities Engineering Systems Command Europe Africa Central (NAVFAC EURAFCENT), is part of the “Africa First” initiative aimed at fostering economic growth and stability in the region. The multi-year contract will involve infrastructure enhancements at Camp Lemonnier and other U.S. military installations within Djibouti. It was awarded under the “Africa First” legislation, which gives procurement preference to local firms, promoting job creation and business development in the host nation. The contract has a five-year term with no extensions. U.S. Navy Capt. Eilis Cancel, commanding officer of Camp Lemonnier, emphasized the long-standing partnership between the United States and Djibouti, stating, “This enduring partnership underscores our shared regional security goals and positively contributes to the Djiboutian economy.” Qaran News
  4. Maxaa kala socotaa xogta Markabka Dekada Muqdisho ku xiran? – Idil News WWW.IDILNEWS.COM Dalal badan oo Somaliya ay ka mid tahay,ayuu isku mari doonaa siday Dowlada Turkigu saxaafada la wadaagtay. Ujeedka socdaalkiisu,waa xusitaanka xiriirka siyaasadeed ee 134-sano jirsaday ee ka dhexe… Ujeedka socdaalkiisu,waa xusitaanka xiriirka siyaasadeed ee 134-sano jirsaday ee ka dhexeeya Turkey iyo Japan. Safarkiisa, Jeddah Sa’udi Arabiya Jabuti Muqdisho, Maldives. Japan Waa igu sawir, turkigu danba ka ma lahan. Mediaha Turkiga wax ka hadlaya Markabkan Mogadisho jooga ma jiro. wadamada uu soo maray iyo kuwa uu sii mari doono wax madax ah oo intay markabka fuulaan isku sawiray ma jiro. shaqaalihii markabku waa yaaban yihiin. xagee nalookaga yimid
  5. Booliiska dalka maraykanka ayaa xiray daraasiin dad ah oo dibadbaxyo ay Falastiiniyiinta ku taageerayaan dhigayay, kuwaa soo isugu soo baxay afaafka hore ee Jaamacada Yale ee magaalada Connecticut iyo Jaamacadda New York ee Manhattan, iyadoo dadka ka caraysan dagaalka Qasa ay kacdoonno waaweyn ka wadaa gudaha Mareykanka. Rabshadahan ayaa yimid ka dib markii jaamacadda Columbia maalmo ka hor baajisay dhammaan xiisadihii ka socday, taas oo lagu sababeeyay bannaanbaxayaal aagga jaamacadda xirtay oo teendhooyin ka sameystay. Bannaan-baxayaashan cusub ee booliiska gacanta iskula tageen ayaa xannibay isu socodkii agagaarka xarunta jaamacadda Yale ee ku taal New Haven, Connecticut, iyagoo dalbanaya in la joojiyo taageerada hubka milatari iyo dhaqaalaha uu Mareykanku siiyo Israa’iil. Booliiska ayaa xiray in ka badan 45 mudaaharaadayaal ah, sida ay qortay warbaahinta Yale Daily News, waxaana la filayaa inay dibadbaxyo kale oo waaweyn ka dhacaan magaalooyin hor leh. Source: goobjoog.com
  6. My Geography teacher, Mr. Qadi, taught us the importance of strategic geographical location of Somalia and why since time immemorial, external powers have vied for the control of the Horn of Africa. But as a grade seven teenager, I was perhaps unable to fathom the critical relevance and importance of this valuable lesson. However, as I advanced in age, I realized that Somalia occupies a strategic location on the Horn of Africa shores of the Red Sea and the Indian Ocean which is one of the most crucial trade routes in the world. Because of its location, Somalia acted as a cultural and trade bridge between Africa and Arabian Gulf countries including Suadi Arabia, Kuwait, Oman, Qatar, Yamen, and the United Arab Emirates (UAE). Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal. Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya, sida ay sheegtay Madaxtooyada Villa Somalia. “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed”. Madaxweyne Xasan Sheelh oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal. Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya. “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.“Heshiiska aan la saxiixanay Soomaaliya wuxuu caalamka tusay in xiriirka walaaltinimo uu ahaan doono mid waligiis “Heshiiska aan la saxiixanay Soomaaliya wuxuu caalamka tusay in xiriirka walaaltinimo uu ahaan doono mid waligiis sii jiri doona. In markabkaan dagaal uu yimaado Soomaaliya waxay qeyb ka tahay heshiiskii difaaca Badda ee Soomaaliya iyo Turkiga ay galeen,” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya. Waxaana xusid in maalinta dhaqangalka heshiiskaan lagu soo beegay maalinta sanad-guurada 104-aad ee qarannimada Turkiga, taasi oo muujinaysa ahmiyadda heshiiskani u leeyahay labada dal walaalaha ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskani horseedi doono in la gaaro Soomaaliya ku filan difaaca iyo ilaalinta xeebaheeda oo hadda ay dhibaato ba’an ku hayaan Maraakiib shisheeye, kuwaas oo xeebaha dalka uga kaluumeysta si sharci darro ah, halka qaarkooda ay ku shubaan maadooyin sun ah oo halis ku ah noolaha ku jira Badda. Hoos ka daawo The post Daawo: Khudbadii Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe culus oo Turkiga iyo Somalia u bilowday appeared first on Caasimada Online.
  9. Wasiiir kuxigeenka Wasaarada gaashaandhiiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa kulan kula qaatay Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya Saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Difaaca Maraykanka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka kooxda Alshabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay sidii loo xoojin lahaa qalabaynta iyo tababarida ciidanka xoogga dalka ee hada ku jira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Wasiiir kuxigeenka Wasaarada gaashaandhiigga XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa asna dowladda Maraykanka uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay garab istaaga dowlada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka ayaa kamida dalalka Soomaaliya sida weyn u taageera, waxayna tababar iyo qalabayn u samaysaa ciidanka Danab oo kamida cutubyada ugu tayada wanaagsan Xoogga Dalka. Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal. Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya. “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo. Source: goobjoog.com
  11. Jabuuti (Caasimada Online) – Laanta Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa maanta sheegtay, in ugu yaraan 16 muhaajiriin ah ay ku dhinteen meel ka baxsan xeebaha Jabuuti dhawaan, kaddib marki ay la qallibantay dooni ay la socdeen. Hay’adda IOM waxay sheegtay in sidoo kale la la’yahay 28 kale oo ka mid ahaa 77 qof oo la socday doonta. Qoraal ay IOM ku daabacday barta X ayey ku sheegtay in dadka doonta saarnaa ay ku jiraan caruur. Shilkaan ayaa ah kii labaad oo ka dhaca aagaasi, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Ugu yaraan 38 qof oo ay ku jireen carruur ayaa ku dhintay masiibo laba todobaad ka hor ka dhacday meel u dhaw xeebaha Jabuuti, kaddib marki ay dagtay dooni ay saarreeyeen dad muhaajiriin ah. IOM ayaa sheegtay in xafiiskeeda Jabuuti uu ka qeyb-qaadanayo howlaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dhibanayaasha. VOA The post Wararkii ugu dambeeyay doon sidday muhaajiriin oo ku degtay xeebaha JABUUTI appeared first on Caasimada Online.
  12. Munasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo markab dagaal oo uu Turkigu Soomaaliya u soo diray ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadda ka qeyb galay madaxda ugu sareysa dowladda. Munasabadda waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Safiirka dalka Turkiga, iyo masuuliyiin kale oo dublumaasiyiin iyo xubno dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kala socda isugu jira. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay imaanshaha markabku uu caddayn u yahay mira-dhalka heshiishkii difaaca ee ay dhowaan Soomaaliya Turkiga la gashay, wuxuuna Madaxweynaha iyo shacabka Dalkaasba uga mahadceliyay taareerada iyo garab istaagga ay Soomaaliya u muujiyeen, isagoo intaa ku daray in mar kastoo ay Soomaaliya xaalad adag iyo duruufo soo wajahaan uu Turkiga degdeg ugu soo gurmado. Wuxuu sidoo kale tilmaamay inay walaalnimada iyo saaxiibtinimada labada xilli fog ka hor billaabatay, islamarkaana ay Turkigu kasbadeen kalgacaylka iyo walaalnimada ummadda soomaaliyeed, wuxuuna tacsi u diray ehelada Sama-fayaal Turki ah oo dhowaan qarax lagula eegtay muqdisho ku geeriyooday. Sidoo kale Wasiirka gaashaandhiga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tibaaxay in dowladda Turkigu ay muddadii koobnayd ee heshiisku jiray qaaday tillaabooyin waaweyn oo imaanshaha markabku kamid yahay, kuwo kalena ay dhowaan rajaynayaan inay dalka soo gaari doonaan. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa Sheegay inay ka go’antahay inay Soomaaliya ku garab istaagaan difaaca iyo ilaalinta madax-bannaanideeda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ammaanka Soomaaliya uu la midyahay midka Turkiga oo ay isku si u dhowri doonaan. Denjiruhu sidoo kale wuxuu carrabaabay in safaaradda ugu weyn ee uu Turkigu ku leeyahay dunidu ay midda Muqdisho, taase ay tusaale u tahay sida ay Soomaaliya u danaynayaan, islamarkaana ay uga go’antahay inay si hagar la’aan ah u garab istaagaan. Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya taageera, imaanshaha markabkanina wuxuu qeyb ka yahay heshiis ay dhowaan labada dhinac wada galeen oo ku saabsanaa difaaca badda iyo madax-bannaanida Soomaaliya ka dib markii ay Itoobiya ku soo xad-gubtay. Source: goobjoog.com
  13. Click here to read more about this article Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay tirada sii kordheysa ee abwaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi ee ku biiraya kooxda Shabaab, waxaana abaaankii ugu dambeeyay uu noqday Maxamed Maxamed Ibraahim (Jeesto). Abwaan Jeesto oo tegay Jilib, iskuna dhiibay kooxda Al-Shabaab ayaa kahor inta uusan aadin ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ku noolahaa muddooyinkii lasoo dhaafay Ninkan ayaa inta uu joogay Muqdisho ayaa waxaa horay u xiray hay’adda NISA, kadib tuhuno soo galay isaga oo loo haystay markaas inuu baraha bulshada ka taageeray kooxda Al-Shabaab, balse waxaa lagu sii daayay damiin, isaga oo ugu dambeyn aaday dhanka Jilib. Dhowr jeer ayay hor ayay dhacday in rag kasoo jeeda gobolada waqooyi ama Somaliland ay isku dhiibeen kooxda Al-Shabaab, waxaanaAbwaan Maxamuud Jeesto kasii horreeyay Abwaan Nageeye Khaliif, Sheekh Aadan Sunne, Cabbdiwaaxid Cali Gamaadiid iyo rag kale. Haddaba Maxay Abwaanada kasoo jeeda Somaliland ee ku biiray Shabaab uga duwan yihiin dadka kale? Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka falceliyay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ku kula duwaneyn shaqsiyaadka ku biiraya Al-Shabaab ha joogaan koonfur ama waqooyi, isaga oo sheegay in laga haboon yahay in deegaan loo tiiriyo qofka ku biiro kooxdaas. Waxaa kale oo uu tilmaamay in aan abwaan la oran karin qof tiriyay labo gabay ama saddex gabay, sida uu hadalka u dhigay. “Reer Koofurow qofkii laba ama saddex gabay tiriya waa abwaan ka daaya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Wiilkii AS ku biirana hayb tilmaamka halka degaan ah ka daaya, illeyn Koonfur waa looga biiraa degaankiisana ma sheegtaane”. Dhinaca kale qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay qodobkan arrintan xasaasiga ah. Maxamed Khadar “Abwaan, aqoonyahan, qoraa, suxufi waxaas dhan shakibaa iga galay, Koonfur meel cajib weeye “. Cabdiraxmaan Gurey ayaa falcelintiisa ku yidi”Abwaanimadii shaqo kale ayay noqotay hadda”. Guuleed Xuseen “Nin koonfur joogo ragaas waxee yihiin looma tilmamaayo midka waqooyi ka yimid mindhaa xiisa gooni ah ayaa haaya”. Maxamed Muuse “Magaca Abwaan aya Khalad laga galay, ninka timo deesta labdoo eray isku aadista Abwaan maaha”. The post Maxay Abwaannada kasoo jeeda Somaliland ee ku biiray Shabaab uga duwan yihiin dadka kale? appeared first on Caasimada Online.
  15. Xukuumada Somaliland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu amray dilka aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable oo Xamar lagu dilay bishii February ee sannadkan. Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Guddaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in dilka Cabdinaasir uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in uu adeegsaday saraakiil ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Sirdoonka ee NISA. Waxa uu sheegay in baadhis ay sameeyeen ay ku ogaadeen cida dilka gaysatay isaga oo sheegay in 7 nin oo budhcad ah loo adeegsaday dilka Dahable. “Madaxda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waxay leeyihiin dhaqan mujrim, waxa aynu ka warhayna in danbiilayaasha dadka laaya lasii daayo, kadibna dad kale oo masaakiin ah oo kasoo jeeda Baydhabo, Jilib ama Shabeelada Hoose ayaa la soo qabtaa oo lagaga hadliyaa” ayuu yidhi Wasiirku. Dhinaca kale, Waxa uu ka hadlay dhallinyaro 5 ah oo Muqdisho ugu xidhan dilka Dahable, kuwaasi oo dhawaan la sheegay in jidhdil loo gaystay, isaga oo sheegay si arxan daro ah loola dhaqmay. “Waxa aanu ogaanay in 5 tii inan ee Cabdinaasir la shaqaynayay in ay maalin walba xiniinyaha kalbad kaga qabanayaan, oo cidiyaha ka saarayaan, oo dhagaha kaga qabanayaan, oo ay figaynayaan” ayuu yidhi Wasiirku. Dowlada Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay baadhis ku hayso dilka dahable, iyada oo xabsiga la dhigay qaar kamid ah dhallinyaradii ay isku shaqada ahaayeen Dahable. Source
  16. Aan ku bilaabo’e: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxu 24 saacadood kahor saxeexay warqaddii ugu muhiimsanayd ee dhammaadka muddo xileedkiisa, waa warqaddii in doorasho loo dareero. Haaaaa, halkaa waxa ku soo dhammaanaya 7 sanadood oo Muuse hayey xukunka Somaliland. Saacadda madaxweyne saxeexo in doorasho loo dareero waa saacadda qiyaamuhu dhaco oo kale ee aan madaxweynayaasha xil iyo xoolo toona loo doonan, xitaa telefoonada aan laga qaban, dadkuna sida daruuraha u guur guuro. Taliyayaasha ciidamaduna iska xaadiriyaan xarumaha mucaaradka. Aan ku yara noqonno 2017kiiye, anigu Muuse imaatinkiisii baan wax ku lahaa, weliba hawl badani iga soo martay. Sababta oo ah waxan ka filayey in uu noqon karo geed weyn oo damal ah oo iska daa Soomaali e’ Afrika ka shaqeeya ururinteeda iyo midnimadeeda. Xilligii ololaha marka la’ i weydiiyo aragtida iyo hoggaaminta Muuse waxan cod bixiyayaasha ku odhan jirey “Muuse waa Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda oo kale, ninkaas uun buu ku bannaan yahay”. Si aan taa u xaqiijiyo bal aan inyar kula wadaago dhibtii aan u maray. Marka laga tago ololihii, marka laga tago wax ka dejintii qorshaha guusha, marka laga tago is barbar taaggii xilligii uu dhawrka qof haystay, marka laga tago dooddii iyo dirirtii aanu dad badan isku seegnay, marka aanan xusin safaradii dhaadheeraa ee maalin-gaalka iyo guuraha lahaa ee Sool, Sanaag illaa Awdal, xitaa kuwii qurbaha iyo qaboobaha. U codayntiisii oo keli ah saddex jeer baan England uga soo dhoofay. Saddexda jeer waxa ay kala ahaayeen: Kow; Is-diiwaan gelintii koowaad oo aan maalintii ugu dambaysay iska diiwaan geliyey tuulada Coodanle oo ka tirsan Degmada Buuhoodle. Laba; kaadh qaadashadii oo inta aan maalin Khamiis ah ka soo baxay London, flydubai subax hore ku imi Hargeisa, baabuur Landcruser ah ka kaxaystay, Jimcihii 4tii galabnimona aan noqday qofkii ugu dambaysay ee card kiisa ka qaata Qorulugud. Saddex: Codayntiina aniga oo 3 Habeen iyo 3 maalmood u soo jeeday ololihiisa, maalintii doorashada oo dhanna aan shaqaynayey, baan casar gaabkii tuulada Balli Calanle oo Burco u jirta 150km ka soo codeeyey, si aanu codkayga ugu dhicin, sababta oo ah Balli Calanle waa meeshii 2003 sanduuqii yaallay ee Siilaanyo codka u badan lahaa la kansal gareeyey, sidaasna uu ku waayey Madaxweyne-nimadii. 14 sanadood ayaa u dhaxaysay galabtaas iyo galabtan aan dul taaganahay sanduuqii Balli Calanle laftiisii. Habeenkaas waraaqaha codaynta la soo daad guraynayeyna intiisii badnayd waan soconayey oo baabuur baan waday, hawsha oo badnayd darteed, iyo in aan wax khilaaf ahi dhulkan oo ah dhulka gobolka Togdheer ugu cod badan aanu ka dhicin. Balli-dhiig illaa Burco ayaan marba tuullo tegeyey, aniga oo weliba inta badan hurda ayaan haddana baabuurka waday, waan xasuustaa si aan indhaha u kala qaado marba inta aan istaago baan caagad biyo ah madaxa iskaga shubayey. Waxan hubaa in ragga maanta Madaxweyne Muuse la jooga aanu ku jirin nin qudha oo intaa u maray doorashadiisii oo celcelis ahaan illaa Europe illaa Hawd 30,000 oo kiiloomitir u socday in uu Muuse noqdo madaxweyne. Sababtaas baan uga gaabsaday in aan Muuse Biixi iyo todobadiisii sanadood ee taariikhiga ahaa wax ka sheeg sheego oo aan marba fartayda dhinacyada ka eego. Maantana ku fogaan maayo ee si aanu madaxweynaha ka dambeeyaa ugu dhicin qaladaadkii oo kale ayaan u qorayaa dhawr qalad oo waaweyn oo Muuse ku dhacay. Waa cashar ee ma’aha siyaasad. Madaxweyne Muuse wuxu sameeyey qaladaad badan, fursado badanna wuu lumiyey. Xitaa waxa soo martay mar bilowgii 2020kii loo cumaamaday in uu noqdo boqorka 30ka malyuun ee Soomaaliyeed, oo ahayd meeshii aan la’ jeclaa, laakiin ay taladu seegtay oo uu qaadan kari waayey. Hadda kama hadlayo arrimahaas iyo qaladaadkii odaygu uu galay oo dhan oo ay ugu weynayd tii Laascaanood. Sidoo kale ka hadli maayo qaladaadkii maamul, maaliyadeed, milateri, cadaaladeed iyo horumarineed ee maalinlaha ahaa, inkasta oo aanay ahayn in ay dhacaan haddana way dhacaan, waana laga kabtaa. Laakiin qaladaadka laf jabka ah ee istaraatiijiga ahi waa jab iyo fashil. Halkan waxan kaga hadlayaa 4 qalad oo waaweyn oo gudaha Somaliland ah. Bal ila eeg 4 tan qalad oo ahaa kuwii dhalay wixii ka xumaaday oo dhan. 1.Qaladka Koowaad: Madaxweyne Muuse marnaba muu dhisan, mana uu lahayn “cabinet” ama Gole Wasiirro oo run ah todobadaas sanadoodba. December 2017kii ayuu dhisay Golaha Agaasimayaasha, 2022 kiina waabu ka maarmay agaasimayaashii. Madaxweyne Muuse, markii uu xukuumadda dhisay kaddib ayaa guddoomiye kamid ah xisbiyada mucaaradku weydiiyey wuxu ku falay dadkan uu ku sheegay wasiirada ee Muuse laftiisa haddii la’ weydiiyo aanu qaar badan oo uu wasiiro u magacaabay garanayn ba (illaa todoba kamid ah weligii muu arag, iyaguna weligood TV moojaane toos umay arag). Muuse wuxu ku yidhi guddoomiyahaas “waar ma rabo dad ila murma”. Taas waxaaba ii sii xaqiijiyey nin ku magacaaban wasiir laakiin ah agaasime wanaagsan baan maalin ku idhi waar maxaad u hadli weydeen ee madaxweynahan iyo xisbigan dhulka la jiidayo u difaaci weydeen, wuxu igu yidhi haddii aan hadlo madaxweynaha ayaa i xasuusanaya. Halka Madaxweyne Muuse soo dhisay xukuumaddaas aan la’ murmayn ee uu doorbiday in uu noqdo keli-jire, halkii uu ka noqon lahaa wadar-jire, waxan anigu goob joog u soo ahaa oo aan wada garanayaa dowladdihii ay soo dhiseen madaxweynayaashii Muuse ka horreeyey, illaa madaxweyne Cabdiraxman Tuur iyo xukuumaddiisii dhammayska ahayd. Bal mid kamid ah xukuumadahaas aan tusaale u soo qaato: Madaxweyne Cigaal 1997kii wuxu soo dhisay xukuumad ahayd mar la’arag. Wuxu golishiisa wasiirada isugu keenay madaxweynayaal, waxannu ku naanaysi jirnay xukuumaddii madaxweynayaasha. Daahir Riyaale ayuu markii koowaad-ba madaxweyne ku xigeen u xushay, Ambassador Fagadhe oo cilmiga diblomaasiyadda aqoon durugsan u lahaa, muddo dheerna kamid ahaa madaxda sare ee hay’adda ILO, Kofi Anan, Beutrous Qali, Isayas Afawerqi, Meles Zenawi iyo madaxda kale oo gobolkubana ay aad u dhegeysan jireen ayuu Wasaaradda Arimaha Dibadda u dhiibay. Axmed Yuusuf Ducaale oo 1967kii ahaa Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayuu Tacliinta u dhiibay, Madaxweyne Siilaanyo ayuu ka dhigay wasiirkiisa Maaliyadda, Dr Gaboose oo shirkii Cigaal lagu doortay guddoonkiisa iyo qabsoomiddiisaba lahaa ayuu Arimaha Gudaha iyo Amniga u dhiibay, Cabdillahi Darawal ayuu ka dhigay Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta, Dr Cabdi Aw Daahir caafimaadka, Prof Caynab Gaashaandhigga, liiska goluhu waa dheeraa Prof. Gees, Ambassador Abdullahi M Ducaale, Siyaasi Cali Warancadde, iyo xitaa aftahankii Jaamac Gaas Macaawiye oo 21 sano Wasiir ka soo ahaa dowladdii Maxamed Siyaad ayuu wasiiro ka dhigtay oo waaya aragnimadiisa ka maarmi waayey. Cigaal wuxu ahaa another level. Madaxweyne Muusena, Shukri Bandare oo 14 sano ku magacawnayd Wasiirka Environment ka oo intay daashay daashay boqol jeer ku tidhi in aan nasto baan rabaa ee i beddel ayuu dhegeysan waayey, oo beddeli waayey, iyada oo ay suuqa joogaan 100 siyaasi oo karti iyo aqoon leh oo reer Oodweyne ah, oo boqol meelood wax uga tari lahaa. Sacad oo ku magacaaban Wasiirka maaliyaddu 2 sano kahor ayuu codsaday shaqo ka tegis, laakiin Dowladi waxa ay ku shaqaysaa aqoonta, ilaalinta, kartida iyo xil kasnimada goleheeda wasiirada. Isku shaandhaynta iyo is beddelkeeduna waa sida saliidda olyada baabuurta ee ay waajibka tahay in muddadiiba mar la kala beddelo. Muuse adduunka wuxu ugu necbaa kelmadda isku shaandhayn, waxa laga sheegay “hebel ku beddel hebel maxay soo kordhinaysaa”. Dabcan, Dowladnimaduba waa hebel oo shaqayn waayey ku beddel hebel oo ka karti badan, laakiin waa marka shaqo la rabo. Qaladka Labaad: Madaxweyne Muuse wuxu bilowgiiba joojiyey wareeggii lacagta ee suuqa. Kelmaddii “Handaraab” ma ahayn kelmad u fiican dhaqaalaha, maalgashiga iyo wax kala iibsiga. Qofka yaqaanna inta ugu yar ee cilmiga dhaqaalaha wuu fahmayaa in haddii aad joojiso wareegga lacagta ay saamaynayso miisaaniyaddaada oo dakhliga iyo cashuurtuba ay hoos u dhacayaan, dadkuna aanay wax nafleh kala iibsanayn. Waa sidii qasabadda biyaha oo aad dhexda ka jartay, afkana ka sugayso in biyo kaaga soo dhacaan. Xukuumadaha Ingiriisku marka dhaqaaluhu yara liico waxa ay sii daayaan mashaariic badan si lacag fiicani suuqa u gasho oo wax loo kala iibsado. Haddaba handaraabkii Muuse, aafadii ka dhalatay waa tii Sheekh Aadan Siiro “Allah yarxamhu” inoo sharxi jirey ee odhan jirey “waa la soo ootay”, busaarad aawadeed. 2.Qaladka Saddexaad: Madaxweyne Muuse wuxu guurey geeddi qaldan. Dunida kale oo dhan qofka ku doorta waa la sharfaa oo la weyneeyaa, oo loo abaal gudaa, taladaa wax laga siiyaa, adiga oo isaga haysta ayaa la raadiyaa inta kaa maqan. Muuse dagaalkii koowaad wuxu ku qaaday xisbigiisii, taageerayaashii, u codeeyayaashiisii, iyo power base kiisii, weliba iyaga oo jecel, oo aan kursiga ku haysan, codkoodana mar walba ula diyaar ah. Bari illaa galbeed madaxweyne Muuse taageerayaashii xisbigiisa wuu tuuray, gaar ahaan boqolaalkii kun ee uga codeeyey Togdheer, Sool, Sanaag iyo Saaxil. Qoladii galbeedna muddo dheer ayay ahaayeen gacmo ku gabbad. Fartiinnaa eedeysaan waxay ahayd farriin ku cusub taariikhda siyaasadda adduunka, mana tirmayso weligeed. Nin reer Hargeisa ah oo aqoon durugsan u leh culuumta siyaasadda ayaan weydiiyey hal shay oo uu ku xusuusan doono madaxweyne Muuse. Ninkaas political scientist ka ahi wuxu igu yidhi: “Sidii David Axelrod u ahaa madixii ololaha madaxweyne Obama ayaa Muuse Biixi na todoba sanadood u ahaa madixii ololaha ee Cabdiraxman Cirro”. Arrintaas professor-ku waxay i xasuusisay qiso ku dhacday nin shiidaalka ka ganacsada, ninkaas oo kamid ahaa dadkii aad ugu ololeeyey Muuse Biixi ayaa bilowgii xukunka Muuse dalka keenay markab shiidaal. Markii shiidaalkii Berbera yimi ayuu Madaxweynuhu diiday in la shubo, 45 maalmood markii uu markabkii badda taagnaa ee ganaax ku socday ayaa waxa madaxtooyada tegey mid kamid ah dadkii ka codeeyey ee mucaaradka ahaa, markaas buu ku yidhi madaxweyne markabka ii sii daa waxbaan ku leeyahaye. Sorry buu yidhi waxan moodayey in ay leeyihiin qoladii kursiga i saartay. Sidii buu ku sii daayey markabkii oo dekedda berbera uu ugu ogolaaday. Waxa taa ka sii yaab badnaa sida uu u fogeeyey saddexdii ganacsade ee waaweynaa ee kala ahaa Maxamed Aw Siciid, Maxamed Siciid Ducaale iyo Axmed Cismaan Geelle, kuwaas oo saamayn aad u badan ku lahaa guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaannna u codeeyayaasha Kulmiye. Ganacsiga kale ee faraha badan ee ay lahaayeen dadkii doortay ee uu xannibay, qaarkoodna illaa maanta xanniban yihiin idinba waad wada ogtihiin. Waxa iyana la’ yaab ahayd oo waxaba ka sii darnayd maalintii ninkii Maxamuud Xaashi ee aanu weligii Muuse madaxweyne noqdeen la’aantii uu yidhi xisbiga Kulmiye ma’aha oo kama tirsana, dad badan baa yidhi oo haddaa yaa ah Kulmiye! Xilligii daraawiish ayaa wiil isku darsaday karti, geesinimo, cilmi, aftahanimo iyo akhlaaq, niman Sayidka la joogay ka masayreen. Kaddib aabihii bay ku yidhaahdeen wiilkaagu waa caasiyoobay oo sayidkii ayuu xukunka ku haystaa, ee intaanu xujoobin wax ka qabo. Odaygii waxba ma hubsane wiilkiisii oo iska hurda ayuu xabbad ku soo dhuftay. Kaddibna Sayidkii ayuu warkii kula soo kallahay oo ku yidhi wiilkaygii kugu caasiyey anigaa gacantayda ku soo dilay. Sayid Maxamed wuxu yidhi hadal taariikhda galay oo ahaa: Hebelow, haddii anigu aan wiilkaas oo kale dhali lahaa iskama dileen. Nin raba in dowladdiisu guuleysato Maxamuud Xaashi oo in badan diyaar u ahaa in uu la shaqeeyo ma dayriyeen, kumana beddesheen “waxba”. Kolley anigu, waa halkii Sayidka e’ iskama fogeeyeen Ina Xaashi oo kale. Ugu yaraan waxan is lahaa marka uu laba sano xilka hayo “midterm” kiisa marka xaalku ku adkaado ayuu sidii Raisal Wasaaraha Ingiriiska ee Rishi Sunak odhan doonaa “waar intii aan garanayey way dhaaftay ee ninkii gaadhigan wadi jirey ee David Cameron ii doona”. Runtii arrimahaas oo dhami may ahayn qaladaad siyaasadeed ee waxay ahaayeen strategic mistakes, weliba qalad istaraatiiji ah oo hoggaanka soo socda ee Kulmiye saamayn ku yeelan doona. 3.Qaladka 4aad: Jidkii qodxaha lahaa Madaxweyne Muuse wuxu 30 sano kahor indhaha siyaasadda ku kala qaaday Madaxweyne Cigaal. Kaddibna farsamo u shaqaysay Maxamed X Ibraahim Cigaal ayuu manaam iyo riyo ku arkay in isagana ay u shaqayn karto. Waxa hubaal ah haddii aanu dhici lahayn dagaalkii October 1994kii ee Jaamac Maxamed Qaalib hoggaaminayey in Cigaal kursiga waayi lahaa doorashadii dhici lahayd sannad kaddib 1995. Siilaanyo wuxu nagu yidhi “Jaamac Yare aad baan ula hadlay oo ku idhi haddii dagaal dhaco doorasho dhici mayso, haddii doorasho dhici weydana Cigaal baa joogaya oo kursigu bannaanaan maayo ee adigu Cigaal ha ka dhigin “President for life”Madaxweyne aan weligii dhicin”. Runtii sidii Siilaanyo sii saadaaliyey bay u dhacday. Dagaalkii wuu dhacay, waxaana ka dhashay madaxweynihii 6da bilood u hadhsanaayeen in uu kursiga ku sii fadhiyo 9 sanadood oo kale illaa uu ka geeryooday. Muuse Biiixi illaa bilowgiiba sawirkaas baa maskaxdiisii ku wareegayey, iyo sidii uu mar kale u ciyaari lahaa ciyaartaas duugga ah ee 30 jirka ah. Arrintaasina waqti badan, fikir badan iyo dhaqaale badan bay ka khasaarisay Madaxweyne Muuse. Laakiin wuxu qaldayey in isaguna aanu ahayn Cigaalkii 1994kii, mucaaradka maantuna aanu ahayn kii Salbalaar ee xaafadda Tarabuunka ee Xamar laga hoggaaminayey, isbahaysigii marya aloolka ee 1994/1995 na aanu maanta jirin, xitaa aanay suurtagal ahayn in la sameeyo, siyaasadda maanta ee gobolkuna aanay ahayn tii iska hurudday ee jirtay 30 sano kahor. Fikrikaas ku dayashada aan suurtagalka ahayni waxa ay i xasuusisay sheekadan: Bilowgii sagaashamaadkii ayaa waxa xaafadda Shola Manganaaya ee Addis Ababa noogu sheekeeyey ninkii ku dayday madaxweynihii Masar ee Jamaal Cabdinaasir. Ninkaasi wuxu ahaa nin weyn oo reer Cadmeedkii hore ahaa, wuxu yidhi sanadihii kontomaadkii waxan indhaha ku kala qaaday Jamaal Cabdinaasir oo ah hoggaamiyaha Carab ugu saamaynta badan, wuxu dhalinyarada carbeed u ahaa tusaale ay ku daydaan, waa run oo Mucammar Al Qaddaafigii Liibiyaba wuxu ku riyoon jirey in uu mar uun noqdo Jamaalkii yaraa ee carbeed. Xiligaas ayuu yidhi baa waxa nalooga sheekeeyey in Jamaal aqoon durugsan u leeyahay dabbaabaadka ama kaarayaasha, kaddibna waxan jeclaystay in aan barto dabbaabaadka si aan u noqdo Jamaalkii Soomaalida. Warqad dheer baan u qoray buu yidhi Madaxweyne Jamaal Abdulnaasir, xilligu waa 1958kii, Masar waxa ay Cadan ku lahayd xafiis sida qunsiliyadda u shaqeeya, warqaddii markii aan dhammeeyey waxaan geeyey buu yidhi qunsiliyaddii Masar ee Cadmeed si ay ugu gudbiyaan madaxweynahooda, maaddaama ay adag tahay in warqad caadi ah oo aan boosta ku diraa u tagto Madaxweyne Jamaal. Bil kaddib qunsuliyaddii waxay ii soo dirtay farriin ah in ay ii hayaan jawaab ka timi Qaahira. Aniga oo u qaadan la’ baan u tegey buu yidhi, waaba warqad ka timi Madaxtooyadii Masar. Madaxweyne Jamaal Abdinaasir wuu iiga soo mahad celiyey salaantii iyo ammaantii aan u diray, laakiin wuxu ii sheegay in Soomaaliya aanay xor ahayn, isla markaana lahayn dabaabado, laakiin Masar diyaar ula tahay in ay baraan culuumta kale ee uu rabo in uu barto. Haddaba, sidii ku dhacday ninkaa iska jibbooday ee Jamaal Cabdinaasir iskaga dayday ayaa Madaxweyne Muusena ku dhacday. Bilowgiiba waxay ahayd in Muuse Biixi aanu waxaas waqti iskaga lumin, sababta oo ah xilligan la joogo ee dunida uu hago social media-hu dagaalku waa sida kayn dab qabsaday oo aan la’ xakamayn karin, waad bilaabi kartaa laakiin ma joojin kartid, sidoo kale ma ogid haddii xabbadi dhacdo meesha ay ku dambayn doonto xabbadaasi. Xilliyadana in Somaliland dagaal ka dhaco waxa ku ducaysta xoogagga argagixisada ee Al Shabaab iyo Daacish, oo habeen iyo maalin ilaahay ka barya, iyaga oo ka dhex raadinaya fursad shaydaan oo ay ku xasuuqaan shacabkeeda, sida ay u xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed ee kaleba. Xilligana waxa ka hortaagan nabadda, maamulka dowliga ah oo iyaga hortood dhismay iyo shacabka oo iskaashaday ayaa maanta ka hortaagan soo dhex-galka bulshada. Sidaas darteed inta uu dagaal sokeeye fursad ka raadinayey waxa ay ahayd in Muuse uu shantiisa sano iyo labada suubbiska ah, 7dii saas sanadood si xasilloon oo xarrago iyo waxqabad leh u qaato, kaddibna 2024 Xisbigiisa Kulmiye ka soo sharraxo nin miisaan leh oo Galbeedka Burco ah. Isaguna maaddaama uu 2025 noqonayo 80 jir uu si sharaf leh u ritaayaro, oo xurmo iyo taariikh xasiloon oo lagu xusuusto ka tago. Sidiisaba, madaxweyne, dirham iyo diinnaar toona lagama dhaxlo oo kama tago, xitaa 30 sano kaddib guryaha aynu maanta ku jirno dadkii koowaad ee lahaa lama xasuusan doono, tan rasmiga ahina waxa ay tahay madaxweyne wuxu ka tagaa taariikh iyo legacy. Laakiin macal asaf, i am so sorry! hadda wax kastaa way talo xumaysteen, waqtigiina wuu dhammaaday. Ciilow ba’ay talo xumaan cudur ka weynayne. ii oggolow in qormadan aan ku soo afmeero beydad kamid ah maansadii Hadraawi ee Galangal ee soo baxday 1983kii oo aad mooddo in ay maanta taagan tahay. Hadraawina wuxu yidhi: Gebegebada sheekada Gabaygaygan kama wado Gaaxnuug la talintii Gabbal dhacay ka hadalkii Hadda galabta sheekada Waxan uga gol leeyahay Samihiyo is garabsiga Berri yaan la gees marin (Hadraawi, Galangal 1983) WQ: Senator Cismaan Dubbe Source
  17. Balcad (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Caki Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay maamulka Balcad iyo shacabka degmadaasi. Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray magaaladan oo ay halis ku hayaan Al-Shabaab kormeeray xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla halkaasi. Sidoo kale waxa uu la kulmay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo uu kala hadlay qorshaha amniga iyo ka hortegga weerarada Al-Shabaab ee magaaladaasi. Intaasi kadib Cali Guudlaawe ayaa daah-furay mashaariic muhiim ah, isla markaana ay waqti dheer ay sugayeen dadka deegaanka ee ku dhaqan aagga degmada Balcad. Waxaa kale oo uu xariga ka jaray garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo kaas oo horumar u ah dadka deegaanka. Madaxweynaha HirShabelle oo ka baxay Muqdisho ayaa safar dhulka ah ku gaaray Balcad, isaga oo maray laamiga dheer ee isku xira labada magaallo, kaas oo dib loo dhisay. Balcad ayaa ah magaallo dalxiiseed qurux badan, balse waxaa mararka qaar weeraro toos ah kusoo qaada Al-Shabaab oo ku sugan deegaano u dhow magaaladaasi. default The post Cali Guudlaawe oo tegay DEGMO ay halis ku hayaan Al-Shabaab, kadibna ka sameeyay… appeared first on Caasimada Online.
  18. Xunjuf, Oday dooda ku fiicna ayaa ahaan jirtay laakin baryahan Caay uun ayaa kasoo hadhay.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho, si shacabku u helaan koronto qiimo jaban, awood leh, la iskuna haleyn karo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan dalka, taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara korontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed. “Dawladdu waxa ay u dejisaa xeerarkaan iyo siyaasadahaan si loo abuuro nidaamka suuqa furan ee ganacsiyadu ku tartamaan tayeynta iyo baahinta adeeggooda, iyo yareynta khasaaraha, kuwaas oo dhammaantood horseeda isku-filnaansho dhaqaale iyo kobaca waxsoosaarka“. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Shirkadaha Korontada ka shaqeeya ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada, kuwaas oo had iyo jeer loo baahan yahay in laga helo koronto joogto ah. Heshiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha Xukuumadda F. Soomaaliya, ayaa waxaa kala saxiixday Banaadir Electric Company, BlueSky Energy iyo Mogadishu Supply. Source: goobjoog.com
  20. Ethiopia: Five civilians killed, 18 homes burned in clashes between Fano militants and government forces At least five civilians lost their lives, and 18 homes were burned down amid clashes between #Fano militants and government forces in the rural town of Agona, Estre District of South Gondar Zone, #Amhara Region, according to local residents and eyewitnesses who spoke with the BBC. The incident occurred on April 15, 2024, when Fano militants and government troops “unexpectedly encountered” each other on a road and exchanged gunfire, residents stated. Following this initial clash, the government forces allegedly attacked civilians in the area for allegedly supporting Fano. Eyewitnesses reported that the forces opened fire, killing a woman and four men they came across on roads and in the village. Among the deceased was a 22-year-old student who was also killed while taking shelter in a local pool house, according to a religious leader in the community. Residents identified the perpetrators as government defense forces based on their attire and vehicles. They cited a belief that the violence stemmed from the perception that they supported Fano. In addition to the casualties, residents claimed that 18 houses were set ablaze by government forces later in the day after they had initially left the area. Videos circulating online appeared to show burning houses, though their authenticity could not be independently verified. https://shorturl.at/bHZ39 Qaran News
  21. Wefdi ka socda Baarlamaanka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa loo sameeyay munaasabad sagootin ah oo si heer sare ah loo agaasimay. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka keenya iyo masuuliyiin kale oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay imaatinka wefdigani ay Soomaaliya muhiimad weyn u lahayd, islamarkaana ay ugu mahadcelinayaan booqashada ay dalka ku soo gaareen. Danjiraha Soomaaliya ee dalka keenya Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tilmaamay in xubnaha Barlamaanka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ay kolkii hore Soomaaliya ka aaminsanaayeen meel halis ah oo aan amni iyo hormar midna ka jirin, balse ay hadda wax badan ogaadeen oo ay Soomaaliya sawir qurxoon iyo aragti quman ka gudbin karaan. Sidoo kale wuxuu u mahadcelinayay guddoonka sare ee Barlamaanka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, wuxuuna ku bogaadiyay wefdiga ay Soomaaliya u soo direen iyo sida ay uga go’antahay inay Ururka xubin buuxda ka noqato. Soomaaliya oo dhowaan ku biirtay ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ayaa ku dadaalaysa in xubinnimada ururkaasi ay hormarro badan u horseedi doonto. Source: goobjoog.com
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up