Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,171
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    299

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Magaciisa oo saddexan waa Nimcaan Ibraahiim Bowdan, waxaa uu ku dhashay magaalada Hargeysa 10-kii bishii Octobar ee sannadkii 1988-kii, waxaa iska dhalay Aabbe Ingiriis ah iyo hooyo Soomaali ah, Aabihii waxaa la odhan jiray Bowdan Erick Pascal, waxana uu aabihiis markiisii hore ahaa nin haysta diinta Kirishtaankam hase yeeshee wuu soo Islaamay inta uusan guursan xaasas saddex ah oo Soomaali ah, wuxuu noqday markii dambe Injineer ka shaqeeya wakaaladda biyaha ee Hargeysa, markii dambena wuxuu ku soo biiray diinta Islaamka, waxaana loo bixiyey magaca Ibraahiim. Nimcaan Hooyadiis waxaa iyana la odhan jiray Ruun Aw-Daahir Max’ed, waxey aheyd xaaskii ugu dambeeyey ee Ibraahiim, iyadoo udhashay laba wiil oo kala ah Nimcaan iyo Nimcaale, waxeyna labadaasi wiil oo ku soo biiray qoyska Ibaraahim iyo Ruun, ahaayeen kuwo farxad galiyey nolosha reerkooda, Aabahood waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho sannadkii 1992-ki xilligaas oo ay bilow ahaayeen dagaalada sokeeyey isla mar ahaantaana la bar tilmaalmeedsanayey dadka ajaanibta ah. Hooyadoodna waxey geeriyootay Nimcaan oo 7-sano jir ah, sannadkii 1995-kii. Nimcaan intii aaney hooyadii dhiman waxey geysay Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Bashiir oo ku yaalla magaalada Hargeysa, lix bilood ka dibna waa uu isaga tagey kaddib markii ay hooyadii geeriyootay, reer abtigii ayaa waxey u wadeen Nimcaan miyiga, halkaasoo uu la qabsan waayey nolosha adag ee dadka miyiga, wuxuuna muddo gaaban kaddib ku soo laabtay waddooyinka magaalada Hargeysa, halkaasoo ka bilaabay noloshiisii iskoriska aheyd. Nimcaan waxaa uu ka mid noqday caruurta darbiya jiifka ah, {Street child}, â€Waxaan meel la seexan jiray caruurta isticmaasha xabagta, xashiiska, qaadka, iyo maandooriyaalka kale, waligeyna xabag {Koollo} ma isticmaalin†ayuu yiri, Nimcaan oo ka sheekeynayey bilowgii noloshiisa dhibka iyo silica badan, Nimcaan wuxuu baranayey muddo sideed bilood ah hawlaha dhismaha, isagoo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin Baalash, {Caseeye} hawlaha dhismaha iyo Kirishbooy, kuwaasi oo uu dhib badan kala soo kulmay. â€Nolosheyda waxaa iigu dhib badnaa markii habeen uu jiray qabow ba’an uu nin waalan naga qaatay buste dhaxameed uskak badan oo aan wada huwaneynay aniga iyo saaxiibkey kale oo darbi jiif ahaa, waxaana anagoo in badan wada hardameynay markii dambe nooga qaaday niman kale oo ku soo baxay cabaadkeena†Nimcaan oo noloshiisa adag kasii warbixinaya ayaa wuxuu leeyahay, â€Saddex jeer ayaa waxaan helay fursado aan ku aadi karay dalka dibaddiisa hase ahaatee waxaa fursadahaa idhaafiyey dad aan nolosheyda rabin, laba jeer waxaa i wadi rabay hay’adaha Qaramada Midoobey, marna dalxiisayaal Jarmal ah balse maxey kuugu taallaa garoonka ayaa la iga soo celinayey iyadoo la lahaa {kan yari wuu Gaaloobayaa}, aniguse waan jeclahay Diintayda Islaamka oo ma gaaloobeen. Nimcaale Ibraahim Bowdan oo ah wiilka kaliya ee ka weyn Nimcaan, wuxuu dhashay sannadkii 1986-kii, waxaana koriimadiisa dusha u ridatay ayeydiis oo la odhan jiray Aamina Aw Daahir Qaalib, oo xiligaa ku nooleyd magaalada Muqdisho, waxaana u suura gashay iney geyso Kuleej waxbarasho oo Talyaanigu gacanta ku hayey, waxaana uu nasiibkiisu noqday in markii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya uu sii xoogeystay uu ka mid noqdo dadkii ajnabiga ahaa ee safaaradda Talyaaniga ay ka daadgureysay Xamar, iyadoo sidaana Nimcaale lagu geeyey Talyaaniga. Nimcaan waxaa noloshiisa qodax ku soo taagnaatay muddo ku noqday nin hooyadiis ay qaraabo ahaayeen oo aad u cadaadin jiray sida uu isagu sheegay, â€Waxaa uu ibaday in aan dhib badan maro†ayuu Nimcaan si muruga leh u yiri, waxaa kale oo uu xusay in nin seedigii ah oo qabay walaashiis oo Ingiriiska ku nool uu kala kulmay cadaadis aanu ka fileyn, â€Waxaan kula kulmay Hargeysa, wuxuuna ila hadashiiyey walaashey, iyadana waxey kula dardaarantay inuu i ogaado, waxaan joojiyey markaa kaddib, kirishboynimadii oo waxaan is iri markan waxaad la mid tahay asaagaa, hase ahaatee, seedigey wuxuu la yimid isbedel isagoo canaan aanan galabsan ii joogteeyey, isla markaana walaashey ka dhaadhiciyey in aan ahay wax iskuma fale isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, markaas kaddib waxaan bilaabay inaan cuno qaadka, anigoo isla galabkaaba markii ugu horreysay soo qaatay qaad lana soo ag fariistay guriga hortiisa, dibna waxaan ugu laabtay noloshii aan lahaa waad ka baxday iyo riyadii beenowday ee aan runta u haystay. Wiilkan Nimcaan ah wuxuu leeyahay hiwaayado kala gadisan, â€Waxaan ku fikiraa in aan sameeyo hees luqadda Ingiriiska ah oo aan ugu magacdaray I am alone! oo macnaheedu yahay Waan cidloonayaa! taasoo aan uga hadlayo nolosha aan soo maray iyo tan aan haatan ku jiro, waxeyna qeexi doontaa heestaan waayihii aan soo maray†balse layaabka jira ayaa wuxuu yahay Nimcaan inuusan garaneyn luqadda Ingiriiska, marka laga reebo xoogaa yar oo badbaado, â€Aad baan u calool xumaadaa markaan is ogaado inaanan garanayen luqaddii aan u dhashay iyo markaan arko dad aan u dhalan Britain oo ugu hadlaya sidii dadkeena oo kale†ayuu yiri Nimcaan oo aad ka dareemayso sida uu uga xunyahay inaanu garnayen luqadda reer aabbihii, waxaase uu sheegay inuu ku talo jiro barashada af Ingiriisiga, â€Haddii aan helo maalinkii laba saac oo firaaqo ah muddo lix bilood ah waxaan ugu hadli doonaa luqadda Ingiriiska si isdaba joog ah oo cidna aysan cid kale iiga tarjumin†ayuu yiri Nimcaan oo nagula sii kaftamay â€Safarkiina dambe ee Hargeysa waxaad ii imaan doontaan aniga oo Tarjubaan ahâ€. Waxaa jira laba hablood oo ku aabbe ah oo ku nool dalka Ingiriiska kuwaas oo lagu kala magacaabo Shukri Ibraahim Bowdan iyo Iimaan Ibraahim Bowdan, in kastoo aanu la laheyn sida uu sheegay wax xiriir ah, Nimcaan waxa uu dareemaa inuu kaligii yahay mararka qaar, â€Marka la gaaro ciidaha oo aan arko ilmo waalidkood la socda oo suuqyada imaanaya, waxey ugu sii daran tahay marka aan maqlo iyagoo hooyooyinkood ku dhahay dharkaan ma rabo ee kuwaa kale ii iibi, runtii waxaan is iraahdaa haddii hooyadaa ay noolaan laheyd silacan iyo murugadaan subax noolba kuma waabariisateen†sidaa Nimcaan ayaa yiri isagoo sharaxaad ka bixinaya sida dareenkiisa isku badalo xilliyada qaar, waxaana uu gabdhaha la dhashay ka codsanayaa iney garab siiyaan oo ay la soo xiriiraan xaaladdiisana wax ka ogaadaan. La soco
  2. Is rasaasayntan ayaa waxay ka dhalatay muran abuurmay ka dib markii ay ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada oo rabay in ay galaan dukaan dharka lagu tolo (dawaarle) oo ku yaalla ka soo horjeedka Garaashka Iikoow ee agagaarka Hotel Gacanlibaax oo watay baabuur nooca Landcruiser ah ay soo ag mareen wiilal dhalinyaro ah oo ka tirsan ciidanka Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade", gaar ahaan maleeshiyooyin ka soo jeeda beesha [qabiil] oo meel fadhiyay. Markii uu dhaafay baabuurkii ay wateen ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada ayaa waxaa maleeshiyooyin ka tirsan ciidanka Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade" "gaaray dhoobo ka soo firdhatay baabuurka " sida ay sheegeen maadaama magaaladu uu roob ka da'ay maalmihii tagay. Maleeshiyooyinka ka tirsan ciidanka Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade " oo sida ay sheegeen ka caraysan dhoobada gaartay ayaa raasas ooda uga qaaday baabuurkii ay wateen ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada waxayna dhaawac gaarsiiyeen laba ka mid ah ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada oo mid ka mid ah uu dhawaciisu uu halis yahay. Sii wado qoraalka. ___________________ Reer baadiye hub qaatay, wax kale aan caabuddin ka ahayn qoriga caaradiis, dhiiqo yar kugu fariirto in maanta Aakee [AK-47] la iskugu jawaabo ee noqotay. Dhiiqaddaas hal qof aa ku dhintay, lix kalena ku dhaawacantay. Waxmagarato iyo damiirlaawe maxee dalkeena dowlad la'aanta ka faa'ideysteen.
  3. Aamiin Caamir still is a staunch pro-unity. Adiga ayaa tiri 'empty heehaws,' marka Riyaale oo u jirto Buuhoodle wax saas aan u dheeren can't go there, yet claims to be a head of an administration that governs that area. Only wanted you to show how 'heehaws' are equal in both sides, not that baarlamaanka isku-taga is any better.
  4. Umm, can Riyaale do anything about Laascaanood, Buuhoodle, and a whole junk of Sanaag? Ninba tiisa ayaa heysato.
  5. Dahir Abdulle ALasow Waagcusub Muqdisho Somalia I would rather believe any point Bush lecture me about Ciraaq than believe this shilin-maheysaa Calasoow. He is nothing but good at slandering, libelling, defaming others, serial plagiarist, and on the top of it all, a compiler of his wildest dreams as a story. He is an epitome of what is wrong with the whole aspect of Soomaali 'journalism.' Marax dhan ayaa website iska sameysto, then invent wildest stories.
  6. Salaan.... Baashi, nice to see you again, widaaygiis. One little correction, though. Indhamadoowe wasn't born in Marka nor any part of the entire Shabeelladda Hoose. His family abaartii Dabadheer ayaa keentay, by the benefit of the regime, to Shabeelladda, particularly to Qoryooleey. He was a bus driver to and fro Qoryooleey and Muqdisho markee dowladda dhaceysay.
  7. Dad baa riyoonaayo. I don't see any hope in such an endeavor. His clan, from historical records, is one of native clans in Kismayo, but i am against the alliance. This uneasiness about the unholy alliance stems from qabiil perspective, aha? You are against the presence of Seeraar and Goobaale in Kismaayo, but you have no qualms against the other third, transplanted reer Galgaduud in that area, Hiiraale? Lest you forgot Jubbooyinka consist laba Jubbo, Jubbada Dhexe and Jubbada Hoose. Jubbada Dhexe, which wasn't a gobol of its own at independence, consist such degmooyin as Bu'aale [the regional capital], Dujuuma, Jilib and Saakoow. Jubbada Hoose has following degmooyin: Kismaayo, Afmadoow, Baraare, and Jamaame. So, tell me, which 'historical records' does it mention the himself transplanted warlord's people live at any of these degmo? You feel about the people of Afmadoow, which should be applauded, but completely ignore the plight of other people who majorly settle other degmooyin in Jubbooyinka. Do not confuse about Jubbooyinka with Buuloxaawo or Garbaahareey. If a forceful occupation ay wax tareyso, heed that Moorgan ruled Jubbooyinka, even Gedo, for several years. Same with Gabyoow, who ruled part of Jubbooyinka. Same with Cumar Jees. Same with Caydiid Senior [who at one time ruled almost the entire South, from Mudug to Jilib], and later with his Jr., who ruled as late as 2001 part of Shabeelladda Hoose. Maanta meeshee dadkaas ku dambeeyeen waa aragtaa? Xaqdaro waligeed ma guuleysato.
  8. Dankis about wararka, saaxiib. I was expecting inaad odeyga soo siyaaradid nooh. NB, odeyga muuqaalkiisa iyo xataa qudbooyinkiisa waxaa laga dhansan karaa qof is badalay camal. I mean, toogtaan maba hadlo, oo dhif dhif uu hadlaa, markuu hadlana ereyaddii kulkulahaa wuu iska dhaafay, oo si degan u hadlaa.
  9. Bishta, ma ogeyn miyaa? Maraxoo aan isnaqaano ayaa markee heesta meeshaas mareyso i dhihi jiray ii turjun. Maxaa ka wadaa aan dhahaa? Afmaay uu ku heesoyaa ee ii turjun kulahaa. Kir iyo wid liki eri aan ku dhahay. Ereyo Afmaay wuu ku dardaraa, laakiin qeybtaas ma'aha aan u sheegay. Sida kuwaan camal: Beledkeena bur buray Basali lahaydee Dadkii shalbaheen Beled gaalo degeen Barbaartii halawdey Dhega bogsadeen Bil'aan isku dhaafeen Badi barshoow qabanee "Buuloow" ani dhali "Kuuleey" hada is baradaane Laakiin maraxaas wuxuu u maleyn jiray heesta dhan Maay inay tahay badankeeda.
  10. Salaan... Boqolsoon, Eebe ha u naxariistee, is above dirty tribal politics, whose consequence unfortunately killed him. Waxa maanta isdabayaacaayo wax gaaro ma jiro. Maanta 'wadaad' hubeysan surwaalka soo gaabsaday oo aqal xaaraan kasoo kacaayo aroortii, walaalkiisana beer daddoow dad leh xoog ku qabsaday, dadkii lahaana gumeysto, taas jirtana shib ka ah, kii ilmo adeerka yihiina isbaaro u taalo, hadeeba iyaga u yaalin isbaaradda naftirkeeda, masaakiinta abaar iyo dhibaato kale keentay magaaladana kasaareen meelihii dowladda lahayd ee kaga jireen nolol maalmeedkooda, sida Isbitaal Digfeer maalin dhawayd ugu dambeysay markee dhufeys ka dhigteen, oo masaakiinta laga saaray -- hadana isla wadaadadaan ayaa ku leh 'jihaad' ayaan ku jiraa, oo 'gaal' aan la dagaalameynaa. Adduunyo xaalkeed ahaa, hadana isla kuwaas ayaa dad taakuleynaayo, oo shabakooyinka la fadhiyo hii iyo hoo. Intii saas lagu jiro, oo xaaraan iyo xalaasha la kala saarin, xaqdaradda iyo xoognimada la kala soorin, waligeen Soomaali hadaan nahnay meel ma gaareyno.
  11. Magac maala isku heystaa? Actually, magaca Faarax Baluu[g] wariya Xamar caan ka ah ayaa la dhahaa, oo last time aan ku ogaa asagoo Hornafrik u shaqeynaayo. Sababta loogu wacay baluu[g] waxaa waaye the colour of his skin madoownimo wey dhaaftay oo baluugnimo ee gaartay.
  12. Codetalker, I don't know about him, but markuu yiri cunug Amxaar ayaa iiga sokeeyo kan Soomaaliga Koonfur jooga, aad aan ula yaabay. He was in Koronto two years ago, and a local Soomaali radio was interviewing him with open calls from the community. Someone cornered him, asking: "Why do you hate reer Koonfur?" He answered flatly, "I never hate reer Koonfur, oo ciyaalkeyga reer abtigood ayaaba reer Koonfur ah." I was surprised, oo haduuba xaas reer Koonfur qabo waxaas see ugu suurtowday. And hadeeba dhab ka tahay ereyadda uu sometimes uu ka dhaho Soomaalida kale ma dhaheen. Muraad, he is their version of Max'ed Dheere, even though, at least, this guy seems educated.
  13. Saaxiib, waa lagu salaamay horta. Labadaan bari the old man is staying in Landhan, ee wali ma u tagtay. Haddaa u tagtay, aqbaar nagasii. Siyaasaddiis intee mareysaa? Waxaan wararka ka arkaa everybody uu qaabilayaa this time, a huge change from wixii lagu bartay.
  14. Salaan... Horta qoraalkii kor ku qornaa caadooyinka si fiican uma faah faahin. For example, Dabshidka si fiican faah faahin ma ugu bixin. Marka I will add a few words. Dabshidka is our new year; it correspondences in late Luuliyo [July], between 20 and 25th of Luuliyo. Note, it happens at the end of spring, and where jiilaal starts. A kinda like baroordiiq for the just departed gu'ga [spring]. We share this with ancient Persians, present day Iiraan. They call it Neyruush [or Neyruus, as the folks up North call it their version of Dabshidka]. So, Dabshidka is our ancient fireworks, which we mastered long before the West realized it. For Istunka, the participants believe they need to do it, otherise upcoming year's harvest won't be that abundant. Note, it only happens where farming is possible, such as Shabeellaha Hoose. As opposed to Dabshidka, which is universal to Soomaalis, Istunka isn't. Getting ready for Istunka at Afgooye in Luuliyo, 2004.
  15. Muraad, LooooooooooooL. Macoow Awdiinle waaye yaa ogaado. Mise Xaaji Macoow Canjeero? Ma xasuusataa Xaaji Macoow Canjeero? Afisiyooni iyo Martiini agagarkaas uu ku lahaa biibito, nin laga dambeeyo uu ahaa aan maqlay. Mise koleey adiga Cismaan Sheekh Macoow aa xasuusataa deganaa Taleex. Widaaygiis, markaan Xamar '03 tagaaye, maalin ayaa kuwa aan horey isku ciyaal xaafad u ahayn ii waday Xamarjajab ee markaas deganayeen. Maadaama intii ka horeysay aan ku sugnaa Xamar aan ku arkin wax dhalaalaayo, waxaa islahaa Xamarjajab ee joogaan kuwii dhalaali jiray. Markaa taagay xaafaddaas, kuwa kasii daran ayaaba jidadka fafadhiyo. Makulaal madoow iga dheh.
  16. Soomaali maxaa lagu dhahaa 'sex'? Galmo? Wasmo? So let's visualize hooyo gabadheeda u wacdineyso. "Hooyo, kaalay wasmo aan ka hadalno."
  17. Ucid is a right-learning political party based in Waqooyi Galbeed. Founded and led by gaffe-laden Waraabe, the party name is a Soomaali acronym. My guestimate, though I'm not sure, being Urarka Cadaaladda Iyo Dimuqraadiga -- Democratic Justice Party. NB, kusoo dhawoow meeshaan, abaayadiis.
  18. Shaleey: "Wiilka ku dhashay Muqdisho waxaa iiga sokeeya wiilka ku dhashay Addis Ababa." Maanta: "Xisbiga UCID [Waraabe] wuxuu mar kasta ku waaninayaa dadka walaalihiis ah ee degan Muqdisho..." ________________ I yadoo hadda laga joogo in ka badan 15 sano markii xukunka laga ridey xukunkii keli taliska haa ee Siyaad Barre talada dalka ayaa misana waxaa muuqata in dhibaatooyin badani ka jiraan guud ahaan Gobolada koonfureed haba ugu sii darnaado gobolka Benaadir ee, waxayna keentey iney dhacaan dagaalo beeleedyo sababay dhimashooyin, dhaawac, barakac ku dhacayey dadka maatada ah iyadoo kolba dushooda ku hardamayeen kooxo doonaya iney dano gaar ah gaaraan kuwaas oo haba yaraatee u naxariisaneyn dadkooda ay dhibaatada ku habsatey. Dagaaladaas Gbolka Benaadir ka dhacayey heerar kala duwan beey soo marayeen, cid guul ka gaadheyna haba yaraatee ma jiri, cidda kaliya ee ka faaiideeysateyna waa kuwa dhiiga dadka daadiyaiyagoo aan rabin maamul inuu shaqeeyo. Waxaa la yaab leh in dadku weli aanay dareemin in dagaalada Xamar ku soo noq-noqonaya in ay ka danbeeyaan dad dano gaar ah leh oo aan jecleynin dadka degaanka Muqdisho ay nabad ku noolaadaan, waxayna weliba qaarkood rajaynayaan in dagaalada qabaa`ilka ****** ka dhex socdaahi ay dani ugu jirto oo ay xukun ay Soomaali xukumaan ku gaadhayaan. Xisbiga mucaaridka ah ee UCID wuxuu aad uga xun yahay dagaaladaa soo noq-noqonaya ee ka jira magaalada Muqdisho, wuxuuna aad uga walaacsan yahay dhiiladaan colaadeed ee hadda soo cusboonaatey isagoo u arka in dad aan rabin wanaaga beelaha dega Gobolka Benaadir ay ka danbeeyaan waxaaney ka dhigan yihiin sidii dhaawacii haadu dul heehaabeysey ee bakhtiga sugeysey. Reer Muqdishoow Cabdulaahi Yuusuf oo hamuun u qaba xukun sifo kasta oo ay ku kacdo waa idinku dhow yahay, wanaagiinan ma jecla oo wuxuu ku farxayaa is dilkiina, wuxuuna sugayaa intaad isku madhanaysaan isaga iyo ciddii la mid ah ee aan jecleyn wanaagiina. Waxaan idin kula talineynaa inaad dagaalka joojisaan oo caqligu uu shaqeeyo, innad isu tanasushaan oo aad ogaataan inaan dagaal cidina guul ku gaadheyn, ku dayda jidka aan nabadda u marney oo haddii ay dhab idinka tahay aad nabad ku gaadhi kartaan. Xisbiga UCID wuxuu mar kasta ku waaninayaa dadka walaalihiis ah ee degan Muqdisho iney ilaahooda usoo noqdaan oo dhiiga macna darada ku daadanaya ay joojiyaan, kana digtoonaadaancadowgooda shirqoolka la maaganee uu Cabdilaahi Yuusuf ugu horeeyo idinkoo welibana og inuu marar badan oo hore ku cel-celiyey in ciddii ka hortimaada uu abdda ku shubi doono, wuxuuna raadinayaa meeshii uu uga soo duuli lahaa Muqdisho. Wuxuu kolba fadhiisin ka dhiganayaa goob uu is leeyahay Xamar baad ku qabsan kartaa. Haddaba ma shaqayn doonaa caqligu oo ma garan doontaan dhagarta la idinla damacsan yahay ? mise dadkiina waxaad kula jiri doontaan hoog iyo baaba`a ? Uu danbeyn xisbiga UCID ee walaalihiin ah wuxuu idiin soo jeedinayaa inaad dagaalada joojisaan, wada hadal aad ku dhamaysaan xurgufta dhexdiina ka jirta oo aad ka digtoonaataan shirqoolka uu cadowgiinu idinla damacsan yahay. Baaq by Feysal Cali Waraabe
  19. Caaddo singular waaye, caaddooyinkana plural. Aniga singular aan iska qoray, laakiin si ahaan, yeah, caaddooyin should have been used since caaddo badan meesha ku qoran. Siyaaradda aad ka hadleysidna waxaan u maleynaa Biyooleey oo Bakool ku taalay oo ahayd siyaaraddii Sheekh Aweys iyo Sheekh C/qaadir Jeylaani. Ar maxaa geel lagu qalay. It used to happen bishaan lagu jiro oo ah Abriil. Bishka, caado iyo caaddo midka ah mid Soomaali ma hubto. Aniga caaddo aan u maleynaa inay saxsantahay.
  20. Soomaali waxba iskuma quuraan. Kaliya waxee fiiriyaan yuu yahay, not muxuu u qabtay Soomaalida. Aniga caawa Xaawo Taako aan dhahaa. Yaa eed ka qabo? I am sure dad Soomaali ayaa jiro oo dhihi doono she was a 'provocateur,' thus bordering 'terrorist.'
  21. Muraad, adiga marka sheeko 'mukulaal madoow' aa wadaa nooh. Labo reer Banaadiri markee maanta Xamar ku sheekeystaan, salaanta ka bacdi waxaa laga bilaabaa, "Aymaano, minankaa maloos soo dhuuntee maxaas ka jirana?" "Ayiisho, ma'ogid miyaana minanka inaas mukulaal madoow ii fadhiyo lamadaan bari, yaaba juuq iyo jaaq ii dhihi kare hee. Macaleesh."
  22. Originally posted by Cara: MMA: Very interesting stuff. Ciyaarta istunka ma dhalinyarada kiliyaa ka qayb gasha mise ragoo dhan? I think any able-bodied, healthy male with a reasonable age participates istunka. However, mostly dhalinyarada ayaa ciyaarto, while elders chant encouraging shirib. Ar maxaa hilfaha la isku qaadi jiray. As article above mentions, only one particular stick was allowed, which was from a particular tree. The stick must be flexible and bendable 180 degrees, thus not to break bones, but to make your body qiiq xanuun daraadiis. This stick also was used by macalimiinta dugsiyada Quraanka. There are a lot interesting stuff Soomaalida caaddo u ahaan jirtay. I suppose you've heard when Sulfa memorably sings "Geedi Shaamboow aa loo guurihaa... Geedi Shaamboow [he was also called Geedi Baaboow], the legend goes, was a man who slept every newly married bride at first night, before the husband even had a chance. He was even paid xoolo to sleep with her. He was paid to sleep brides. The guy must have been in heaven on Earth. Why did they do that? To only seek his 'blessing,' whatever it was. He was based what is now known Shabeellaha Hoose. His nothern counterpart was called Bucur Baceyr. Even their names are interesting. Who knows nusba Soomaalida inay iyaga faracmeen. One version of his name was 'baaboow.' Go figure. Saafir, adiga caaddo maa kugu dhacdo, saaxiib?
  23. Istunka: Waa ciyaar dhaqmeed ka dhacda Koonfurta dalka Soomaaliya waa ciyaar caan ah. Istunka waxaa inta badan lagu yaqaanaa in ay ka dhacaan gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan Afgooye iyo nawaaxigeeda. Marka ay dhacayaan ciyaarahaasi Istunka ayaa la isku adeegsadaa ulo ay isku qaracaan kooxo iska soo horjeeda ulaha la isku qaraaco ayaa waxaa loo qaqaan Usha Labeyda. Waxaana hore la isku garaaci jiray usha balka moordiga taas oo dhibaato badan gaysatay markii danbana waxaa sida aan xogta ku helay lay sheegay in ay odayaashii hore ku afar afareysteen Usha Labeyda. Ciyaartan ayaa waxa ay soo jirtay muddo hadda laga joogo 1019 sanol. Xiligii alifaadeeda waxaa sida uu warbixinta noo siiyay Qabiir aqoon buuxda u leh Ciyaar dhaqmeedka Istunka Muddo dheerna soo Ciyaaraayay iminkana da`ah noo sheegay in Odayaashii hore uu ka soo xigtay in ciyaartan alifaadeeda iyo ku dhaqankeeda uu sabab u haa waa ay Itoobiya ay dalka soo geli jirtay oo dadkana xoolaha ay ka dhici jirtay. Waxaa marka ugu horeysa loo galaa tabaabushaysi dheer ka hor inta ka dhiman mudada ciyaar dhaqameedkaasi caadada ah sida ay inta badan dadku ugu diyaar garoobaan Ciida oo kale. Marka ay ka dhiman tahay 7 maalmood waxaa dhacda in ay timaado kala jiidasho lagu samaynaayo laashamiinta shirbaysa kuwooda aftahanka ah ama murtida wanaagsan leh, waxaa loo sameeyaa casuumaadyo iyo balaanqaadyo si ay u noqdaan Cidda Istunka ka dib la hadalhayo wacdarooyinka ay soo bandhigeen Xagga Shiribka iyo gartida barbaar wanaagga. Ciiyaarta Istunka ayaa ah ciyaar looga kala yimaadaa dhamaan gobolada ku xeeran Sh/Hoose. Waxaa loo ciyaara Istunka Qaab Beeleed ah [qabiil] iyo [qabiil]. Saf ka saf ayaa la isku garaacaa ulo ciddiii dhinac loo riixo ayaa laga guuleystay. Dhaawacyo ayaa yimaada marmarna dhimasho, lakiin sida aan ka soo xiganay mid ka mid ah odayaasha deegaanka Afgooye ayaa noo sheegay ciddii ku dhaawacanta Istunka 3 illaa 4 maalmood hadduu ku bogsoon waayo in aysan ku dhicin Usha Labeyda ee lagu afar afareystay. Wuxuu noo sheegay in uu bogsoonaayo dhaqsi qofkii dhaawac ka soo gaaro ciyaar dhaqmeedkaasi, Istunka Istunka waxaa lagu soo bandhigaa ciyaaro hiddo dhaqameedyo ah iyo shirib marmarka qaar xambaarsan cey iyo aflagaado loo gaysanaayo beel. Shirta: Caadada kulanka shirta Banaadiriga waa caado dhaqameed soo jireen ah oo beelaha Banaadirga ay isugu soo baxaan sanad walba xiligan [Luuliyo/July] oo kale. Waxaa marka hore la sameeyaa ducooyin la xiriirta in uu Illaah sanadka sanadkiisa caafimaad iyo nabad horumar uu gaarsiiyo iyo xoolo qal dhiig bixin ah oo la sameynaayo. Waxaa dhacda galabta uu dhacaayo maalinteeda Shirta Banaadiriga in ay duhuradii guryo badan oo Reer Banaadiriga laga sameeyo duco Rabi tuug ah iyadoo subaxdii horena badda lagalaayo. Waxaa la isugu soo baxaa agagaar barxadda masaajidka jaamacadda ee deegaanka Xamarweyne. Sidoo kale waxaa jira dadweyne badan oo ka kala imaanaaya deegaanada Shingaani, Shibis Boondheere, C/casiis, Xamarjajab oo iyaga ka qeybqadanaaya Shirta, iyagoo ka soo shir bilaabaaya islamarkaana shirbaayo xaafadahooda illaa ay ka yimaadaan deegaanka Xamarweyne oo kulan weynahaasi loo qaqaano Shirta lagu qabto sanad walba. Waxaa iska horyimaada dad kooxo kooxo u shiraaya una shirbaayo iyagoo wata ulo iskuna dhufanaaya ulaha ay wataan oo kaliya iyagoo aan wax kale isku gaysanayn ama dhaawac aan ka soo gaareyn. Ciyaar dhaqmeedkaasi Shirta Reer Banaadiriga ay sameeyaan, qeybaha Shirta ka qeybgaalaya oo isugu jira odayaal iyo dhallinyaro yar iyo weyn iyo qeybo badan tirsan oo bulshada ka tirsan oo u soo daawasho tagaysa. Dadka ka qeybgalaaya kulankaasi Shirta ayaa waxaa ka mid ah siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Beelaha Banaadiriga astaamaha la xusi karo ayaa waxa ka mid ah in ay xiranayaan dharka hiddaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yahiin ee loo yaqaan sawaacilka iyo ulgunta looga xiraayo maro iyagoo madaxa ku soo duubanaaya shaash oo isagu astaan u ah. Waa caado dhaqameed soo jireen ah waxa ay dadka Banaadiriga ku caayaan shiribyo ciddii reer Banaadiri ah ee ka soo qeybgeli weysa kulan weynahaasi loo yaqaan Shirta. Badgalka: Caadooyin dhaqameedyada Dabshidka iyo Badgalka waxaa ay ka tirsan yahiin qeybaha hoostaga caadooyinka aan kor ku soo sheegnay waxaa aaminsan in badan oo Soomaali ah, iyagoo sheega in ay caadadaani tahay mid soo jireen ah oo ab ka ab ah ayna u tahay lagama maar maar in ay sameeyeen iyaguna ama susaan sanad walbo caadada. Inta aaminsan caadooyinkan ayaa waxaa ay sheegaan in hadaysan samayn ay tahay danbi ay galeen taasoo ay sabab uga dhigaayan in ay waalidiintooda hore ay dhaqanka maamuusi jireen waqti dheerna la soo sameyn jiray. Badgalka waxaa ay sheegaan Dadka sameeya caadadaasi ama Aaminsan in Badgalku yahay mid ay Iska meeraayaan Isha iyo waxa ay ku sheegeen xijaab dhibaatooyin. Dabshidka: Sidoo kale Dabshidka waa Caado soo jireen ah oo In badal gobolada Dalka ay dad badan oo Aaminsan ay ka sameeyan ama ay ka Xusaan iyagoo Dab ku shidanaaya guryahooda hortiisa isla markaana 3 mar ka boodaaya dabka ay shideen , waxaana Dadka aaminsan caadadaasi ay sheegaan in ay tahay Caado ka hortagaysa sanad abaareed iyo dhibaatohaday dhacaan yaraynaysa. Laga soo xigtay. _______________ Caaddooyinkaas kor ku xusan qaarkood diinta Islaamka kahor ayee jireen oo Soomaalidda ku dhaqmi jirtay, walina ku dhaqantaa. Qaarkood waxeeba la wadaagaan Fircooniintii, sida istunka camal. Hadda caaddo kale taqaanid ku dar. Istaaqfuroow is one such example.
  24. Villa Soomaaliya iyo Villa Baydhabo ayee isku qaldooyaan. Filla Soomaaliya Wardhiigleey ee ku taalay, oo kooxda Xuseen Max'ed Faarax Caydiid wali xukumo, oona beyniye warkaan. Filla Baydhabana degmadda Wadajir ee ku taalaa, aaga Isbitaal Madiino, waana meesha ee soo dageen xulafadda Cabdishukri. And whatever happened to him, that is Xuseen Caydiid? Waa ku wareeray siyaasadda qalifsan, I see. Xaa markii hore kasoo celiye Mareykanka.
  25. Nr 429 on the list of detainees is KHADR, OMAR AHMED: Somali holding a Canadian Nationality. Cumar Axmed Qadar Soomaali ma'aha. He is a Canadian-born teenager of Masaari descendant.