Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,171
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    299

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Salaan... Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, walaashiis Nameless. Your dadaal waa wax lagu farxo. Remember, one's identity is very, very crucial to survive in this world. Only those who lack confidence in their own may laugh at their dhaqan, but you're one of a few. Baliis, keep and try hard learning. Never shy away. We all have learned, not born with. What you've listed, though, are consonants; vowels, which are separate from consonants in Soomaali, are A E I O U -- that is 'short' vowels; long ones being AA EE II OO UU. Also in your consonant, the last letters are H W Y, not W H Y. Again, keep endeavouring to learn your heritage, language being primarily. And ask us any question you have. Don't shy away. And kusoo dhawoow meeshaan.
  2. Sheydaanka meel Eebe keeno waa fadhiyaa. Waxaa la yiri, ninkii soo joog laga waayo, soo jiif aa laga helaa. Indhacadde pressure waa ku bilaabaty already, oo bambooyinka iyo wax kale ayaa ka qarxooyo in Marka. Bandoow kusoo rog ama wax kale keen, counting his days waa bilaabatay. Oppressed native people are finally fed up. I digress. On the topic: why am I seeing another invisible hand behind all of this again? Maxaa Tootoowgaas ka reebay this time, markii ee qabqabliyaasha ee isla jireyna asaga ugu wacnaa ama daradiis u kala go'een?
  3. In my last look at the situation, Mohamud Sayid Adden (minister of national assets and procurement and controller of the largest single militia in Gedo) and militiamen from as far away as Cabudwaq and Kismayo were threatening the venue. One question, though: Yaaka celinooyo? Sheeko baraleeyda living room naga dhaaf, widaayoow. In that same link, it reports: "Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Cabdiwaaxid Cilmi uu yahay xildhibaanka buxiyay dhamaan shuruudihii looga baahnaa uuna dhaariyay oo xubnaha beesha uu ka soo jeedo is rogrogga badan iska daayaan oo hadii ay midaysanyihiin uu Cabdiwaaxid Cilmi laftigiisa ka tanaasuli lahaa kursiga uu ku fadhiyo ee la isku haysto." Shariifka wuxuu u dhaariye one xildhibaan, and not not the other, is because waraaqo cadeys ah uu keensaday oo wada saxiixeen malaaqyada iyo qabqabliyaasha uu kasoo jeedo, including that character is waalwaalka badan called Siid Aaden. Even asagaa cadeeye, saying he signed it, but he changed his mind later. What or who does he think he is? Anyway, kursigaas laga geeriyooday qolada lahayd ayaaba isku raacsanayn oo kala jabay. Waxba Shariifka ha eedeynin mise C/llaahi Yuusuf. Iyagaa is dhigay meeshaas, oo huu iyo haa wado. Kuraas badan laga geeriyooday ayaa jirto oo la isku heystay, laakiin quuqdaan ma gaarin, oo ugu dambeyntii dadkooda isku raacay. Kuraastaas oo kamid ahaa xildhibaanadii geeriyooday Sakiya C/salaan, Xasan Cabdille Qalaad iyo Muunye. This young man needs to go back to Columbus.
  4. Sinus. Mise sinus allergies. Soona dhawoow.
  5. Odeyga finally is smiling. Laakiin waxaan 'deeq' miyaa mise waa deen, oo hadana ribadii baas ku koreyso? Deen iyo deeq ayaa isku qaladnaa.
  6. Dhinaca kale waxaa jirtay in kursigii Baarlamaanka ee uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Xaashi Gaani ay isku haystaan Sharmaarke Maxamed Xaashi Gaani oo uu dhalay marxuumka iyo Cabdiwaaxid Cilmi Cumar waxaana maanta markii Cabdiwaaxid Cilmi Cumar uu soo xaadiray kulanka Baarlamaanka oo uu gudaha u galay ka daba yimid oo asagana isku dayay in uu galo Sharmaarke Maxamed Xaashi Gaani, waxaana abuurmay is-qabqabsi iyo muran balse waxaan hor is taagay Sharmaarke Maxamed Xaashi Gaani ciidanka ilaalada xarunta Baarlamaanka, wuxuuna Sharmaarke ku doodayay in asaga iyo Cabdiwaaxid Cilmi Cumar laga wada saaro xarunta Baarlamaanka laakiin waxaa taas ka diiday taliyaha ciidaanka nabadgelyada gobolka Baay Aadan Axmed Cabdi "Baariyiow", wuxuuna Sharmaarke bilaabay in uu gacan ka hadal sameeyo asagoo feer la dhacay qaar ka mid ah ilaalada xarunta Baarlamaanka waxaana markii danbe si xoog ah looga saaray agagaarka xarunta Baarlamaanka Sharmaarke Maxamed Xaashi Gaani. Xigasho iyo warkii oo dhameystiran. __________________ I believe this young man inuu ka tagay the comfort zone of Kulombus, Oohaayo, jago bilaash ahna naftiis in uu u quuro heerkaas gaarsiiye. Taloow meesha laaluush macna ku fadhiso ma yaalee, oo haduu laaluush doon ahaa, ee maxaa loogu sheekeeye igaarkaan, uu quursan la yahay?
  7. "In the case of Somalia, we were told that they were allergic to foreigners including us. That they preferred continued fratricide. I was not sure about the analysis." -Ugandan President Yoweri Museveni at the last IGAD meeting. [Maarso 20, 2006] "For the warlords to say that they are protecting the people and yet they have guns and are holding these people hostage is wrong. It is a shame for one of the ancient races in Africa to suffer for so long as we are looking on." -Museveni the 2005 IGAD meeting. [Maarso 13, 2005 ] ________________ Why is Museveni is so passionate about sending his troops to Soomaaliya? Is he really sincere to solve the conflict of "one of the ancient races in Africa" and cannot stand this race committing a "fratricide?" Since Museveni considers himself to be a Tutsi, one of the Tutsis of Uganda. This same personal consideration of his ethnicity prompted him to support the formerly oppressed Tutsis of Rwanda, who had established a base in Uganda before they came to power, which eventually overthrew Hutu regime in Rwanda. Does that same consideration prompting him in Soomaali case? Does he believe, as some Tutsis believe, that they originally moved from what is now known as Soomaaliya, thus their forefathers? Is that why he called Soomaalis "one of the ancient races in Africa?" Unlike respective governments of our neighbours Itoobiya and Kiinya whose ulterior and interior motives are apparent by sending their troops to Soomaaliya, Uganda always had a mutual relationship with Soomaaliya, especially during Iidi Aamiin regime. I am interested in this because Museveni is so enthusiastic about sending troops to Soomaaliya; he already trained some Soomaali police forces. Since Uganda and its president has no notable political interest in Soomaaliya, what really motives him then? Is Museveni genuinely interested to solve the prolonged Soomaali predicament? Is he just another so-called 'African statesman' seeking a name and prestige for himself?
  8. Horn, This latest flare-up, what is it about? I don't know. As I wrote on above post, no body is certain what it is really about, ka ahayn dad naxariistii ka tagtay oo dhiiga rayidka aanba u aaba yeelin. The fact remains, though, the so-called Maxkadamaha are supported by their fellow clan militias, who dagaal-oogiyaal and such. If I can guess, since the so-called 'court' were successful closing down Dayniile airstrip, the other openly remaining one was Cisaleey. It seems they are successful of shutting that one down as well. They also practically have isolated Bashiir Raage's natural port from Xamar. This will have a serious repercussion. The question is, though, will those airstrips remain closed, while the Lambar 50 freely is open. Resentment will build, and eventually clan card will enter. _____________ Jen., I don't know about C/qaasin. I don't see him. Is he quiet as far as we know from the media? Yes. Koleey Eebe ayaa og. And I see you've changed your perception of the 'courts.' You just realized it is just another power-seeking, clan-supported fanction. I didn't know why you hadn't seen that coming before. Hadee Islaanimo dhab ka tahay, Galgaduud iyo Mudug ayee shareecada kasoo bilaabi lahayeen. Korneel Aweys meeshuu gaaro hala arko, laakiin masaakiinta the masses sababta uu u siraayo aan garan waaye, hadana dagaal iyo ereyo kale dagaal dhalinaayo idaacadaha kaleh, kaaga sii daranee asagoo 'sheekh' sheeganaayo.
  9. Originally posted by The Notorious 1-8-7: ^^^Sxb, although you have a fair point, I think white on black racism is much more common than black on black. Apartheid? Slavery? MLK death? I care less what 'white' or 'grey' or 'yellow' or 'green' or 'black' thinks of me. I care about when my fellow Soomaali Muslim is predujiced against by another Soomaali, the victim being qof aan waxba galabsan. So-called 'black' and 'white' hawsheeda ma'aha. I neither identify each. And I don't feel it really affects me. As an abwaan once said before, Soomaali baan nahay, mana ogolaan waligeena inuu sanku-neefle [all that breathes, beast or not] naga sareeyo. PS. All these colour terms are nothing but.
  10. Originally posted by codetalker: HORN - Objectivity? Radio Shabelle? If you want objectivity from any of the Xamar-based radio stations, listen to Radio Banadir (MMA, I'm surprised you didn't mention Banadir along with Hiiraan + Midnimo). They don't have any interest vested in the victor of the ongoing conflict, which is more than I can say for Shabelle + HornAfrik. I didn't want to be repetitive because Midnimo.com and idaacada Banaadir are owned by same company. Idaacada Banaadir is very mature and responsible. They follow its slogan: Waxaad doonto ha sheegin; wixii aad aragto sheeg." Shabeelle waxaa kaaga sii daran, qoraaladooda is amateurish. Their writing reports seems like wey iska qoraan, oo dib looma fiiriyo. No editor. On the point of difference I belive there is some major differences between the traditional clan warlords such as Qaynyere, Sudi and Co and the Courts. For one the courts are made up of different clan groupings [dominated by one] if their supporters are to be belived they have several comanders who hail from outside Banadir. The argument here is that they are ideoloical driven but to weak for now to rid themselves of the Inda Cade's and other gangsters in their midst. In this conflict, all other armed courts [there are other unarmed courts such as the Jareerweyne one] but one are on the sidelines. Xararyaale [Qanyare's qolo] court opted out. Siinaay court [Muuse Suudi's qolo] sat out. Shibis court [bashiir Raage's qolo] is on the sideline. Warshada Caanaha/Huriwaa court [bootaan Ciise's qolo], too, opted out. All of them together held a joint news conference couple days ago, reiterating they neither support any group. What this latest flare-up is about -- no one is sure. Taas ayaaba kaaga sii daran. Dagaal ujeedo lahayn, meel u socdo iyo ka socdo aan la ogeyn. Land grabbing kuwa ayaa leh. Gardheere vs non-gardheere kuwa ayaa leh. Dekadaha ayaa la isku heystaa kuwa ayaa leh. Qabiil waaye kuwa ayaa leh. ________________ Sareeye Guute Galaal: "Maxkamaduhu waxay noqdeen xarun siyaasadeed, mid dagaal iyo xarun fidno, waana ka leexdeen Ujeedooyinkii loo dhisay ee ahaa in ay soo qabtaan Burcadda Beelahooda."
  11. If you read closely, that article was posted on Maarso 23. Heshiiska ee gaareen Maxkamadaha iyo Bootaan Ciise's qolo was yesterday, Maarso 24. Since aad Hornafrik ka heshid, inta ka aqriso. Meesha haduu qabiil jirin, maxaa Indhacadde geeye? Maxaa geeye Goobaale? Maxaa other freelance militias ku biiriye qabiil ahaan? Kuwaas maa wadaado kuu ah? Ilqeyre kaliya ayaa taakuleyn yar dhiibtay dhanka kale. Eebe ha qaboojiye dagaalka. Kuwa huu-haadana qurbo ka wado Eebe ha caafiyo. Aamiin labadaba.
  12. Raali ka ahaada aqiyaarta. That will never tolerated or repeated again. You know 24/7 ma joogni karno meeshaan, oo wixii dhacaba isla markii la tirtiri karo.
  13. Salaan... Hadii wax kala "qabsasho" wax tareyso, oo hiilis iyo wax kale loo joogin meesha lagu haayo, kii Cali iyo Caydiid ayee wax tari lahayd. Xamar qof wax kala qabsan karo ayaaba iska yar, especially since it is now perceived to be a very tribal wars. Caddaani, though reputedly being one of the most powerful man in Xamar, is increasingly becoming a parial in his clan, getting fighters from beesha ee Maxkamadaha u badan yihiin, including that Goobaale oo awalba Kismaayo iyo Baraawe dadka heysto kasoo direen and Indhacadde's militia oo asagana mar horeba galay. Xataa waxaa ku jiro freelancing militias oo qabiilnimo usoo galay, la jirina kuwa Maxkamadaha. Plus Bootaan Ciise's [Xaaraan Kunaax] qabiil's militia, oo SooS xukumay dhanka Huriwaa, waxey la heshiiyeen Maxkamadaha. Another subtle gesture in uu dagaalkaan si weyn qabiil iskugu balaarin doono. Max'ed Dheere asaga waaba la kasay oo mana is qarin, laakiin sababta uu Indhacadde isku qarinaayo ayaan la yaabay, as Shabeelle was reporting or trying to dissuade as a reporting, the other day. Maxaa la kala qabsanaa, ka ahayn another Xamar 'green line' cusub bilowdo. Wixii laga soo kabsan jiray dhan the last ten years is at risk. Isku socosho dambe ma jirto. Jidadkii ugu muhiimsanaa koonfurta ku yaalay, sida Jidka Tarbuunka; Jidka Wadnaha [kan Sanca kasoo baxo ilaa Isbitaal Digfeer tago, oo soo wada marana isgoysyada Siinaay, H/wadaag, Bakaaraha, Kaasa Balbalaare]; Jidka Sodonka; Jidka Warshadaha; jidadkii Xamarjajab iyo Xamarweyne wada aadaaye dhanka Lambar Afar markii laga tago oo Dekeda ku dhacaaye. Awalba jidadkaas qabiilo qaas oo Maxkamadaha u dhaw ayaa heystay, weyna ugu fududaatay inay Maxkamadaha jidgooyo dhigtaan. Codetalker, Shabeelle was always pro-Maxkamadaha, pro-Indhacadde. It is not ashamed to be pro-to-its-qabiil's owners. Hornafrik ayaaba sometimes dhaanto, being a little non-sensational sometimes. Shabeelle waxaan ka quursaday when it still kept calling Shaaweey the 'mayor' of Xamar or Firinbi the 'guddoomiyaha' of Xamar. Or vice versa. Dayniile.com waa aragtaa qeylada iyo huu-haada ka socoto. Ar maxee sanafsanyihiin. The only sites in Xamar that I can think of that can closely come to report facts truly are Hiiraan and Midnimo. Teeda kalena dagaalkaan dad badan bee fikradahee Xamar ka qabeen is badali doono, oo quursasho ugu dambeyn ka gaari doono. Xamar wey soo kabsaneysay, wixii tobankii sano dhan horumar lagu gaaray laba bilood ayee ku baabi'i doonaan, so far as it seems. Waxaasna waxaa ugu sii daran qaar ku jiro baaba 'Islaam' iyo 'jihaad' sheeganaayo. Waxaaba kasii daran dad inta ku jiro ayaaba fikradaas laga gaday. Taloow Soomaali iska aamin fududaa.
  14. Boon? Midgaan? Jareer? Gabooye? Tumaal? Yaxar? Yibir? Eeylo? Halooow, mala i maqlaayaa? Halooooooooooooooooow!!! Qashinkeena waa inaa soo qubnaa marka ugu horeyso, inta dad dadoow qashinkooda laga hadlin.
  15. Salaan... Marka 'suufiyada' wadaado ma'aha miyaa? Su'aal aan ku weydiiyee, yaa diinta kuu keenay? Su'aasha aan balaariyee: Yaa diinta noo fidiye, oo gees iyo gees gaarsiiye dhulka Soomaalida? Kuwa surwaalka soo gaabsaday baroon iyo dhashiike iyo hoobiye iyo madaafiic la ardaayo wato, awood raadis ah oo diinteena suuban ku ganbanaayo? Kuwa isbaaro u taalo? Kuwo waxee is qilaafaan hoo dabamiinshaarka ugu jawaabo, shacabkii ku dhexnoolaana dhiigooda qaatay? Waxba kama qabo hadaa 'suufi' aa tahay ama 'suufi' aad support gareysaa i dhahday, oo surwaalgaab suu' la ordaayo aadan igu darin. That is Eebbe's mahadiis. And nabarada igu aasan, aad baa u garatay. My nabaro are dadka Soomaalida rayidka ah oo waxba galabsan lagu kor dagaalamo, walaa wadaad ku sheeg or ganacsade ku sheeg or qabqable. Aniga equally ee ii dhibtaa, ee adiga?
  16. Soomaali aan waxba galabsan ayaa korkooda lagu kala gadanooyaa dhiigooda, sidii quraansho camalna u daadeen, and here we have dad afkooda leerinaaya, qosol dalac bilaashna ku darsaday. Maxaa la dhihi jiray? Afleershe? Apathy Soomaalida dhexdeeda ma heerkaan bee gaaray? Eebboow Xamar nabadeey. Dadka aan loo daganeen, iyagana aan deganeen magaaladaas ha iska qos qoslaan, koleey gartooda waaye. Taloow muxuu/maxee galabsatay? Taloow maanta waxaa la arkay dad Soomaali sheeganaayo hadana walaalahooda dhibaateysan aan loo aaba iyo hooyo yeelin ku jees jeesteenaayo.
  17. Salaan... Haduu Cali Mahdi mise Caydiid midkood quursan lahaa waxaan ma dhaceen. Isku barbardhig wixii waagaas jiray iyo waxa waayahaan socdo. Adduunyo xaalkeed. Meeqo qabqable ayaa jirtay in '91/'92? Waxaan ka hadlooyaa dhamaan dalka oo dhan. Hadaadan qaldamin, ma dhaafeynin shan mise lix. Xuseen Caydiid nafsadiis ayaa laga haayaa shirkii Qaahira ee '97 markii la joogay asagoo leh aan maanta heshiino intee kumanaan kale soo bixin. Yacni wuxuu ka waday, anigaa xataa maanta soo baxee [waagaas dhalinyaro u ahaa uguna yaraa], dadkeena is daba ordaayo yee sii badan. Koleey suu saadaalinaaye ayee noqday. Kontomeeyo ayaa soo baxday. Xataa lama kala garan karo yaa ah 'ganacsado,' yaa ah 'wadaad,' yaa ah 'sheekh,' yaa ah 'shariif' iyo yaa ah 'wadani.' Maanta meesha ugu dambeysay ayee taagan tahay xaalada Soomaaliya. Adduunweynaha toban sano uu dhabarka na aadinaaye, walina na aadinoyaa, laakiinse si qaloocan toogtan noo soo fiiriye, oo ah markii ugu horeysay wixii ka dambeeye 1995. Siyaad Barre maalintuu geeriyooday oo Been Been Sii laga maqlay, ayaa qof kamid ahaa dadkii dhageysanaaye yiri [waligeyna ma iloowaaye], "Maalin baa loo darsan doonaa Max'ed Siyaad." Dadkii wax is fiir fiiriyo iyo wax kale ee noqdeen. Koleey saadaashiis jawaabteeda wali wax ku qanci karo ma arkin.
  18. Salaan... Magacyadii Soomaalida aad iyo aad uu usii yaraanoyaa. Xataa jiilka cusub [jiilka cusubna waxaa ula jeedaa kuwa jiro 20-meeyo qaarkood] hadaa weydiisid magac Soomaali ah sheeg, oo ka reeban kuwa Carbeed. Kuwaa lasoo boodo, Hibo iyo Xamdi mise Feysal iyo Fu'aad. Hadee si walba iskugu deeyaan, magacyadii Soomaalida iyo kuwii Carabta ee kala saari karin. [Hadaa fikradeey aad moodid si kale, weydii jiilka qurbaha ku koray su'aashaas.] Aan ka gudubno intaas, qoraalka hoos ku qoran ila arag. Intaas aan shabakooyinka Soomaalida aqrinaaye, qoraalkaan hoos ku qoran kuwa ugu muhiimsan uu ku jiraa. Waxgarad bilaash loolama baxee, qoraalkaan waxgarad baa qoray. Eebe ha ugu mahadiyo walaalkeen. [Haduu maqaalka kugu dheeraado, adigoo raali eh isku deey inaad wada aqrisid. Mahadsanid.] ______________ Magac & Muuqaal: Mayricidda Hab-dhigaalka Magac Soomaaliga Magac waa eray ama tix, qof ama wax kale astaan looga dhigo oo loogu yeero; waa war wanaagsan oo qof ama ummad guud u meel mara; waa wax qof, ummad, dal ama dadyow ay caan ku yihiin oo lagu asteeyo. Magacu waa summad; waa baadisooc; waa astaan wax kala hagta oo muujisa sida dad, dalal, dhulal & ashyaa’i u kala soocan yihiin una kala gaar yihiin, wax waliba oo abbuurani adduun & aakhiraba waxay leeyihiin magac u khaas ah oo looga garto waxyaalaha kale. Intaa marka looga gudbo dulmaridda tafaasiisha erayga magac iyo xikmadda uu xambaarsan yahay, waxaa mudan in la xuso halka ay qotomaan magacyada Soomaalidu. Magacyadeenu sida ummadaha kale waa kuwo inaga inoo gaar ah ama aynu la wadaagno dadyow kale oo ay xadaarad, dhaqan ama caqiido isku kaaya toshay ayna naga dhexeeyaan dano gaar ahi ha badnaadaan ama ha yaraadaane. Magacyada ay Soomaalidu la baxdaa way noocyo badan yihiin waxaase ugu muhiimsan laba qaybood oo kala ah magac guri asal ah ‘dhalad’ oo ku abtirsada afka Soomaaliga sida (Samakaab, Dhool, Warsame, Diiriye, iwm) iyo kuwo noogu yimmid habab kale sida kuwa diinta ama dunida Carabta nooga soo gudbey oo aan ugu yeeri karno ‘magacyo dool ah oo ay dani keentay’ sida (Cabdiraxmaan, Cawad, Cali, Salmaan, Zuhayb, Maryan, iwm). Waa lagu doodi karaa in la yiraahdo magacyadan dambe waxay bara-kiciyeen kuwii dhaladka ahaa oo iyagaa maanta hoggaanka u haya sansaanka magac-bixinta Soomaalidda, marka dhulka Soomaalida laga eego dhanka kala qoqobnaanta uu saan-caddaalahu sababay waxaa la oran karaa magac Soomaaliga asalka ah wuxuu si xoog leh uga suulayaa intii laysku oran jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya halka uu meelaha kale sida Jibuuti, NFD & [soomaali Galbeed] ay kaga fiican yihiin xafididda la bixidda magacyaddii dhaladka ahaa, waxaana sabab u ah bay ila tahay arrimahan hoose: Aarradii iyo irabkii afkii hore ee asalka ahaa oo ka sii guraya dhanka Jamhuuriyadda halka uu ku sii xoogeysanayo dhanka mandaqadaha kale sababna ay u tahay isku xirnaanshaha jiilasha oo weli qiime sare ka leh gobolada ka baxsan dhulweynaha midoobey ee Soomaaliya. Dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dhanka dhulweynaha oo wiiqay in badan oo xikmaddii dhaqanka & afkaba ah abuurayna dib u dhac xaga beekhaaminta murtida ah. La bixidda magacyada qalaad oo u badan kuwa Carabta oo dad badan oo reer Soomaaliya ahi u arkaan mid barakaysan oo ka fadilan kuwa Soomaaliga ah iyagoon u aabba-deyin macnaha iyo taariikhda magaca ee u arka in magac walba oo Carbeed Islaamka ka turjumayo, taas oo aan xaqiiqatan run ahayn una baahan in laga feejignaado si loo kala barto kan diiniga ah iyo kan iska magac Carbeedka ah si looga digtoonaado muhiimad siinta magacyada shisheeye ee aan diinta dadka ku xirayn la bixidooduna ay geesaha ku riixayaan magac kale oo Soomaali ahaa kuna habboonaa in la xafido si aanu u dabar-go’in. Ogow magac walba oo dool ah lalana baxaa wuxuu booskiisii ka saarayaa mid isaga ka horeeyey oo dhalad ah. Magacyadeenu waa kuwo ku qotoma macnayaal aad u murti iyo qiimi badan waana kuwo aynu astaan ahaan ama summad ahaanba aan aad ugu faani karno, muujin karana dhaqankeena iyo dadnimadeenaba, ilamana ahan in ay jiraan magacyo ka wanaagsan oo booskooda inoo beddeli karaa laakiin waxaa foolxumadooda loo tegayaa marka loo dhaadhaco dhanka hab dhigaalka oo muujinaya sida aynu u dayacnay magacyadaas mudan daryeelka ahna astaanta ugu horeysa jiritaankeena ee aynu sharafka iyo muuqaalka dadnimaba ku leenahay. Astaanta ama summadu waa wax aan isbedelin inta badan waxayna ka dhigantahay wejiga qofka oo kale ama kaar aqoonsi oo kale oo haddii qof isku khaldo si sahlan dhegta loo soo qaban karo. Waxay Soomaalidu tiraahdaa “summad awoowiye sinji waa ma guuraan†taas oo muujinaysa sida ay astaamaha hidde-sidayaashu uga dhex muuqdaan dadka isku dhiigga ah oo layskugu soo sinji sooci karo inan iyo aabbihii ama inan iyo hooyadeed. Waxaa hubaal ah in haddii summdda awoowe uu sinji-guur ku dhaco in habkii sinji-sooca iyo is-aqoonsiguna halkaa uu ku baaba’ayo, astaantaas cirib-xumada leh ee magacyadeena ku dhacdayna waa mid maanta la arki karo lana milicsan karo inkasta oo dareenkeedu waa hore dadka qaarkii ku soo kordhay ayse weydey daryeelkii iyo habeyntii ay mudnayd. Sinjiguurka ku socda hab dhigaalka magacyadeena waxaa sabab u ah baa la oran karaa afar arrimood oo intooda badan ay bulshadeenu mas’uul ka tahay, inta soo hartayna ay ku qabsatay tahay, waxayna kala yihiin: Daahitaankii ay naga soo daahday far matasha oo xafidda dhigaalka afkeena oo aan jirin ka hor 1972kii. Saan-caddaalihii & dhul-mareenaddii kale ee shisheeyaha ahaa oo dalka yimid oo magacyadeena u hikaadiyey una qoray sidii ay carrabkooda iyo dhuuntooda uga dhex sanqarayeen dhegohooduna u maqlayeen. Inagoo aan ku baraarugin mushkiladdda ku dhacday hab dhigaalka magacyadeena goor hore oo markii farta la qoray la seegay fursad qaali ahayd ayna ahayd in fartii ugubka ahayd lagu dabbakho laguna sharciyeeyo hab dhigaalka magacyadeena halka la habaabay oo hab dhigaalkii qalaad ee la dhaxlay uun laga dhigtay dhaqan inkasta oo mas’uuliyad weyn gadaalse ka dhicisowdey la muujiyey. Iyo halka ugu daran oo ah in ay dadkeenii xilliyadaas aqoonta higsanayey iyo intii kale ee iyaga ku raad xigtayba ay carrab la’aantii saan-caddaalaha ay u sacabba tumeen ayna isticmaalkeedii ka dhigteen wax muqadas ah oo aan wax laga beddeli karin ayna tahay in lagu boggaadiyo loogana daydo iyaga taas oo dhaxalkeedii jiilal isdaba taxan uu marin habow ku ridey. Magaca turjumaad waa lagu sameyn karaa macnahiisa laakiin hab dhigaalkiisa oo la beddelaa waxay ka dhigan tahay tiiyoo inta ruux haraga kore laga fiiqay wejigiisa lagu dhejiyey ruux kale astaantiisii oo markaa ruuxaas la dhalanrogey uu kaga faraxsan yahay abbuurtiisii hore midda lagu kabay ee been abuurka ah. Bal aynu tusaale u soo qaadano toddoba nin oo magacyadooda Maxamed la wada yiraahdo oo mid waliba carrab is tirkiisu god la galay oo magacyadooda u kala hikaadiyey marka ay qorayaan: Mohamed, Mohammad, Mahammad, Muhammad, Muhammed, Muhamed, Muhamad ama Cali loo dhigay Ali ama ‘Ali, ma jiraa Soomaali carrabla’ oo aan karin xarafka ‘cayn’? Waxay ila tahay waa maya ama ma badna waxaase lagu qancinayaa caynka & xa’da carrabka laga maroojiyey qofka aj-nebiga ah. Way adagtahay in aad aragto qof magaciisa ‘George’ la yiraahdo oo si kale u hikaadinaya si uu u qanciyo qof aan isaga la qowmiyad ahayn, wuxuuse kugu khasbayaa in aad magaciisa si saxan u qorto oo aad weliba ugu dhawaaqdo; maxaa inaga laynookaga waayey dhiifoonaanta ninkaas oo kale? Caalimkii weynaa ee B. W Andrzejewski markii uu ka soo haajirey Poland ee uu carro England yimid waxaa caddeyd in magaciisu uu aad ugu dhib batay dadkii Anglo-Saxon-ka ahaa ee uu soo dhexgalay, laakiin magaciisii uma bah dilin hab qalliban si uu u qanciyo bulshadaas cusub ee inta sidiisii u daayey ayuu la baxay mid gaaban oo naynaas ah una sahlan dadkii uu la noolaa kaas oo ahaa (Gosh). Tusaale kale waa Arnold Schwarzenegger-ka immika guddoomiyaha ka ah gobolka California ee carrigan Mareykanka oo uu magaciisu ka soo jeedo Slavs-ka reer Austria oo aan isaguna magaciisa bah dilin si uu u qanciyo dadka uu la nool yahay ee aan asalkoodu ka iman bariga Yurub. U maleyn maayo in Cabdinuur & Cabdisalaam ay ka adag yihiin Schwarzenegger & Andrzejewski. Bal u fiirso Chinese-kan magaciisu yahay ‘Xiong’ oo hab dhigaalkaas aan waxba laga beddelin oo aan loo dhigayn magaciisa ‘Hiong’ si loogu qanciyo ummaddaha aan karin X-da xarafka H-da oo u sahlan halka inaga ‘Xasan’ uu ka noqday ‘Hassan’, waana hubaal in arrimahaas oo dhami ay mudan yihiin ku dayasho si loo badbaadiyo astaantaamaheena ayna tahay in magacyadeena loo qoro sida ay codadkeena ku yihiin dhegeheenana ay ugu dhacaan iyadoo aan cid kale loogu hiillinayn laguna qancinayn nabaad-guurka aynu gacmaheena ku sababayno ee aanu la beegsanayno summad-qowmiyadeedkeena. Bal aynu isla eegno waallida magacyadeena: Cabdiraxmaan (Abdirahman) Wacays (Wais) Xalan (Halan) Qamar (Kamar) Xareedo (Haredo) Geelle (Guelleh) Immika waxaan tusaale u qaadanay magacyada dadka laakiin dhammaan magacyada Soomaaliga ahi waxay qarka u saaran yihiin dabargo marka laga eego dhanka dhigaalka waayo midkoodna ma badbaadin oo carrab-la’aan aynu inagu buun-buuninay ayuu la liitaa, bal u fiirso kuwa magaalooyinkana sida: Muqdisho (Mogadisho) Gaalkacyo (Galcio) Burco (Buroa) Hargeysa (Hargeisa) Qardho (Kardo) Baydhabo (Baidoa) Haddaba gundhiggu wuxuu yahay in hab dhigaalka magacyada Soomaalida oo ah mid laga ilduufay agloolidooda intii goori goor ahayd dib loogu laabto looguna baraarugo xasilintooda iyadoo la kala araareynayo is hirdiga uu kula jiro afafka ka faca weyn iyo ummadaha carrabkooda loogu hiillinayo in summadeenii lagu sabaaliyo. Afku waa Soomaali, dhaqanku waa Soomaali, ummaddu waa Soomaali, magacuna waa summadoodii waana Soomaali ee waa in hab dhigaalkiisa lagu mayracaa maskax caafimaad qabta, digtoon oo ay indhaheedu arkaan marka hore waxa ay iyagu leeyihiin ka hor inta ayan u hanqal taagin waxa toobal-caarada ku ah. Magac waliba wuxuu leeyahay muuqaalka bulshadiisa; ummad walibana waxay u egtahay magaceeda! N.B. Si aad u fahamto xikmadda qormadan gaaban bal u fiirso magacyada Soomalida marka lagu dhigayo warqad af kale oo Latin ah ku qoran, sida marka la turjumayo waraaqaha dhalashada, kuwa socdaalka iyo kuwa dugsiyadaba; waxaad arkaysaa dhanka Soomaaliga oo soomaaliyeysan iyo dhanka afka kale lagu turjumay oo carrabla’! Ma qabo in ay jirto dood-cilmiyeed qabta in magaca dhigaal ahaan la turjumi karo, laakiin in xikmaddiisa iyo murtidiisa af kale lagu sheegaa waa biyo kama dhibcaan, haddii la doonayo in nuxurka magaca la fahamsiiyo cid kale oo aan Af-Soomaaliga ku fahmaynin! ________________ Anwar Max'ed Diiriye Soomaalitalk
  19. Marka adiga ma'aha miyaa sawirka? Ileen waxaa laga yaabaa dadka qaarkood inay sawirka yaqanaan qofka leh saasna kuu daba taagan yihiin, mise ogoow waagii hore ayee arkeen oo afar sano kahor kasoo wareegatay. Ogoowna adiga uguma horeysid qof soo saarto sawirkaas meesha. Occasionally marba qof aa iska soo saarto. Taloow su'aal aan ku weydiiye, maxaa ku jiro sawirkaas oo loogu dambeeyaa? Koleey aniga sawir caadi uu ila yahay.
  20. Salaan... Idinka sarcasticnimada naga yareeya, yaaqeey. Runtii is weydii su'aashaas, yaa soo barakacay? Barakac dhaqaalo mee ku xiran tahay? Barakac daarado waa weyn aadan lahayn maku xirno? Horta su'aasha ugu horeyso, maxee tahay barakac? Aniga saan u fasirtay, waxaan u maleyaa in laga wado dad meel kale kasoo kacay una soo kacay meel cusub, badanaa heysan hoy iyo meel kale oo XALAAL ah u diyaarsan. Sheekadaan aqri [sheekada waxaa lagu soo daabacay wargeyska Qaran, oo ah wargeysyadii ugu horeeye Xamar laga daabaco markee dhacday dowlada, oo ahayd 1991]: Xilligii kala yaaca 1991-dii ayaa nin ka cararay gurigiisii oo ku yaala magaalada Muqdisho arrimo qabiil dartood, intii uu sii muuqdana waxaa qabsaday qoys u hamuun qabay kuwaasoo sidaas isku yiri, ‘Guriga waad yeelateen.' Qoyska guriga qabsaday waxay guriga u maamusheen sidii wax ay leeyihiin iyagoo qaar ka mid ah qolalka guriga dagay, halka qaarka kalana ay ijaarteen sidaas ayeyna ahaayeen muddo sanadyo ah, war iyo wacaalna uma hayn gurigaan cidda iska leh iyo halkey ka baxeen. Ninka guriga iska lahaa oo isagu qaxooti muddo badan ku ahaa mid ka mid ah dalalka deriska ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ku ogaa gurigiisii hoyga u ahaa, wuxuuna soo dagay Hoteel ku yaala isla Muqdisho. Ninku wuxuu watay kaarto ama qorshe uu ku soo talo galay in uu gurigiisa ku soo gato tiiyoo laakiin uu ogaa in guriga ay gacanta ku hayaan koox ma naxayaal ah kuwaasoo hub la dhex fadhiya laakiin wuxuu sameeyey qaabkii u degsanaa inuu howlgeliyo. Wuxuu iska dhigay nin marti ah isla markaasna wuxuu u yimid xilli habeen ah kuwa guriga gacanta ku haya isagoo weliba madaxa cimaamad soo saartay si dadka deriska ah aysan u arag, wuxuuna weydiistay qoyskii guriga haystay qol ijaar ah maadaama uu u sheegay in uu daggan yahay Hoteel lacagtuna qaali ku noqotay. Reerkii waxay ninkii ka ijaareen qol, wuxuuna isla markii [baxshay ijaarkii], wuxuuse iska jiray in dadkii deriska ahaa arkaan isagoo waqtiga habeenkii guriga soo seexan jiray xilli dambe, subaxdiina bixi jiray aroorta hore. Markuu labo bilood sidaas wax ku waday ayuu haddana u sheegay kuwii guriga haystay in reerkiisii imaanayaan uuna doonayo guri ijaar ah isagoo lacagtana kor u qaaday si uu damac u geliyo qolada guriga haysata, reerkii oo showray ayaa ku heshiiyey in guriga ay ka guuraan dadka kalana ay ka saaraan si ay uga ijaaraan guriga dhammaantis ninkaan kaasoo ahaa ninkii dhistayba. Ninkii wuxuu helay fursad uu guriga ku wada maamulo, wuxuuna u sheegay reerkii in guriga inta uusan soo dagin uu shaqaale gelinayo, dayactirna ku suubinayo, taasna waa laga aqbalay, iyadoo rajada ugu darran ee qoyska gashay ay ahayd dayactirka oo ijaarku ka bannaan yahay. Ninkii guriga lahaa wuxuu dayactiray gurigii, maalmo kaddibna wuu iibsaday, sidaasna waxaa gurigii kula wareegay milkiilayaal kale, bishu markey dhammaatana qoladii guriga haysatay waxay soo doonteen ijaarkii, waxaana lagu yiri, ‘Raali ahaada waad soo wareerteene gurigaan waa la gatay, dukumintigiisiina waa kanaa.' ________________ Qaran
  21. What about your picture? And who is this guy? This guy who joined Somaliaonline in back early 2002, four years ago next month. You're either him or you are...[iska dhaaf]. Hadaad sawirkaas leedahay waala kasay, hadaadan lahayn, kuuma fiicno sawir dadoow inaad meesha suratid, not to mention it is against the SOL rules.
  22. Isla hadadaan aan qoraayo dagaal ayaa ka socdo duuleedka Waqooyiga Bari ee Xamar, kaasoo bilowday hiraabtii xiliga Muqdisho. _________________ Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalo culus ay saaka Waaberigii ka qarxeen duleedka Bari ee magaalaada Muqdisho gaar ahaan degaanka Galgalato iyadoo dagaalku dhex marayo laba maleeshiyo oo kala taabacsan labada ganacsade ee isku jufada ah Bashiir Raage Shiiraar & Abuukar Cumar Caddaan. Dagaalkan oo la isku adeegsanayo hubka waaweyn iyo kuwa fududba ayay iminka uun soo baxayaan qasaarihiisa oo u badan maleeshiyooyinka dagaalamaya maadaama goobta dagaalka ay tahay meel bannaan oo aanay dadka caadiga ah degaano ku lahayn. Isbitaalka Keysaney oo goobta u dhow ayaa xaqiijiyay in la geeyay dhaawac gaaraya 15 ruux oo qaarkood aad u culus yihiin, halka Isbitaalka Madiina isna la geeyay ilaa 7 ruux oo dhaawac ah. Faahfaahin badan lagama hayo dagaalka labadan ganacsade u dhaxeeya oo ah markii labaad oo ay degaanka Galgalato isaga hor yimaadaan, waxaana dagaalkoodii hore uu salka la galay laba isbaheysi oo soo kala horjeeda: Maxkamadaha iyo Isbaheysiga argagixiso la dirirka. Degaano ka mida: SOS, Suuqa xoolaha iyo Kaaraan ayay soo gaareen rasaasta ka imaaneysa goobta dagaalka, isbitaalka Keysaney ayaa dhaqaatiirta ku sugan ay sheegeen inaysan rasaas joogto ah ku soo dhaceyso isbitaalka iyo agagaarkeeda. Yoobsan.com _________________ Meeshaas lagu hardamaayo waan soo maray, oo xataa sawiro aan kasoo qaaday. Waaba hayaa, aan idin tusiyo. Meesha lagu hardamaayo maanta. Duurka hadee isku dagaalaan dhabtii gudaha wey dhaantaa, laakiin nasiibxumo labadaan ganacsato ku sheeg labadii qeyb oo horeey u hardamay ee ku kala jiraan, oo isbaheysi leh. Hiil iyo hoo inay ka helayaan ayaa ku xigto, iswarsasho maleh. Hadee kusoo biiraana waxaa dhab noqoneyso dagaalka in uu magaalada soo galaayo, markuu magaalada soo galana...waa iska og tahay. Eebboow naga qabo.
  23. Salaan... Daanyeer, kaftan ee kaa tahay, laakiin sawirada dhabta hadaa aragtid, adigaaba yaabeysid. Caqli xumaa. There is a thin between being geesi and a dabaal. Waxee wataan fiiri. Waxee la dagaalayaan. Doontooda sidii loo galay. Hubkii laga qaaday. Yaa wax u sheego in uu baasuuko iyo Aakee isbaaro uu wax ku taro, not against maraakiib hubeysan sheydhaan sameystay. Baasuuko eeyba la ordaayaan.
  24. Salaan... Since I think Baydhabo.com is least interested to take sides in this particular conflict, it thus reports: Siyaasiyiin isugu jira Wasiirro iyo xildhibaano ka soo jeeda beesha [qabiil] ayaa maanta shir saxaafadeed ku qabtay Baydhabo. Xildhibaan Cawad Axmed Casharo ayaa ku hadlayay magaca Xildhibaannada iyo Wasiirrada ka soo jeeda beesha [qabiil] asagoo horayna Wasiir ugu ahaan jiray dawlad goboleedka Puntland. Xildhibaan Caawad Axmed Cashara oo ay shir saxaafadeedka ku weheliyeen xildhibaanno ay ka mid ahayd Caasha Axmed Cabdalla ayaa wuxuu sheegay in beesha [qabiil] oo degta gobolka Sanaag deegaankeeda lagu soo xadgudbay oo si aan waafaqsanayn dastuurka federaalka loo "faramaroorsanayo" kheyraadka ku jira deegaanka beesha ka dib markii shirkado ajnabi ah qandaraas la xiriira macdan-baaris ay la saxiixdeen dawlad goboleeda Puntland. Xildhibaan Caawad Axmed Cashara ayaa intas raaciyay in khayaraadka dabiiciga ah, gaar ahaan macdanta dhex ceegaagta dhulka ay milkiyadeedu leedahay dawlada federaalka, sidaas daraadeedna maamul goboleeda Puntland uusan xaq u lahayn in shirkad ajnabi ah uu heshiis la galo oo weliba "qashin iyo sun lagu shubo" deegaanadan waa siduu hadalka u dhigaye. Shir saxaafadeedka ayaa yimid ka dib markii ciidamo u dhashay deeganka macdanta laga baarayo iyo ciidamo ka tirsan maamul goboleeda Puntland uu iska hor imaad ku dhex maray deegaano ka tirsan Dhalan iyo Majiyahan oo ku yaalla koonfurta Ceelaayo (Sanaag).
  25. Salaan... Waxaa idaacadaha, wargeysyada iyo shabakooyinkaba ka maqlaa ereygas mawduucaan ugu dhigay: Dadka soo baracay. Kuwa waaba kasii daraan, oo ugu daraan qaxootiga soo barakacay. Badankooda waxaa loo isticmaalaa dadka degan meelihii dowlada lahayd ee Xamar ku yaalo. Ma xumo, wey soo barakaceen. Qof diidan ma jirto. Waxa iga yaabiye waxee tahay, Xamar maanta yaa degan oo aanan soo barakicin? Hadaa fiirisid, Xamar dadka maanta wada degan boqolkiiba sagaashan ama ka badan waxee yihiin dad soo galay dagaalada sokeeye ka bacdi. Dadkaas oo dadba si ugu yeeraan, qaarkood yiraahdo soo galooti, kuwana sandhay ugu waco. Su'aasha mar labaad waxee tahay, dadkaas sooma soo barakicin? Mise weerada soo baracay kaliya waxa lagu koobay dadka degan dhismooyinkii, warshadihii ama iskooladii dowlada lahayd, oo laga reebay dadka degan guryaha xooga lagu heysto. Xamar kaliya kuma koobno, magaalooyinka waa weyn dhan ku wada siman yihiin, Xamar ha ugu horeysee. Su'aasha waxeeba keeneysaa, yaa daran labadooda? Kan degan dhul dowlad lahayd mise mid shaqsi loo lahaa oo xoog lagu degan yahay? Hadaan deganahay daarad aan lahayn, oo aan ijaar bixin, waxaan ahay miyaa dadkii hore u deganaa? Laakiin kii dhismaha dowlada degan, oo qaarkood lacag loogu qaato xataa, ka qaataan kuwii horey u heystay dhulkaas mise sheegto? Isku barbardhig, yaa soo barakacay labadaas? Yaanan soo barakicin?