Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,171
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    299

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. About me I'm Farah Blue From MoccaTissue, KissMyOh, BeauSauceO, MollyLand, And the rest of Somalia's Finest, Somalia Farah Blue is a fresh qaxooti coming here as a failed militiamember. He was too nice and caring. How could he rob and kill his own people? Struggling with the language but he manages to keep his head above water. Still trying to find the right Halimo. Still eats Baasto with his mouth open. Still slurps Shaah like he's about to die. Still same old G. Daanyeer, abaaba kaas adiga miyaa? Former militiaman [aka moor.yaan]. Sheeko miyaa?
  2. Originally posted by Xarago: What a good anology. Thus these gives you the right to have denied a region which has volunteerely merged with you without any condition the basic needs of development. Since you are into statitics Maskiin you can probably furnish us with the difference rate of injecting development between the regions of North and South. And while you are at it would you be kind enough to note down what important government offices or branches were in the North. Where were the tertiary level education colleges based in huuno? To say the least. Accounting for the number of 'wasiiros' walalo does not answer the injustices suffered by a region... Abaayadiis, somebody wrote in initial posts that Waqooyi Galbeed only one wasiir ayaa loo qoondeeye in '60 Cabinet, and that madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka all hailed from Koonfurta in 1960. That was factually wrong. I thus was only refuting that part-- nothing more and nothing less. About 'injustices' suffered by certain regions [this was '60s, keep in mind, hokey], that needs its own thread.
  3. Originally posted by SOO MAAL: Can someone provide the list of somalia's first government (cabinet ministers)? You can find here the governments of '60s and their respective cabinet posts in each year. Though the 1960 cabinet link is broken [other links all work fine], here is a corrected link of 1960. [scroll down.] It is the same list like the 1961. I copy-paste the '60 cabinet list, plus the Afhayeenka Baarlamaanka: P resident: Aaden Cabdulle Cismaan Prime Minister: Cabdirashiid Cali Sharmaarke Deputy Prime Minister: Cabdi Xasan Booni Minister of Foreign Affairs: Cabdullaahi Ciise Max'uud Minister of Internal Affairs: C/risaaq Xaaji Xuseen Minister of Defence: Max'ed Xaaji Ibraahim Cigaal Minister of Justice: Max'uud Axmed Maxamed Aaden Minister of Information: Cali Max'ed Hiraabe Minister of Education: Cali Garaad Jaamac Minister of Health and Labour: Sheekh Cali Jimcaale Minister of Finance: C/qaadir Max'ed Aadan Soobe Minister of Public Works and Communications: Cabdinuur Max'ed Xuseen Minister of Industry and Trade: Sheekh Cabdullaahi Max'uud Minister of Agriculture: Axmed Xaaji Ducaale Minister of General Affairs: Cismaan Max'uud Ibraahim President of National Assembly: Jaamac C/llaahi Qaalib Two wasiiro, plus the Guddoomiyaha Baarlamaanka [i think he was from North]. Intaas ka badan miyaa la baray, considering there were only 14 ministries including the prime minister's office. What further complicated was Northern candidates had their own minority parties, such Soomaali National Congress. The members of dominating Soomaali Youth League [sYL] were obviously who had the most cabinet posts. They later realized if they wanted a piece of ministrial cake, joining SYL was waxa ka horeeyo. That was when crossing back and forth across the floor in Baarlamaanka became a joke of itself, those who didn't get official posts used to go back to their own originally [some defuncted even] parties, unless they were satisfied. That was the nature of politics these days, and it wasn't limited to reer Waqooyi Galbeed. Many created one-member-candidate -- they knew those they recruited had no chance of winning, only the party founder was a serious candidate -- parties to influence others or project themselves more important than they were.
  4. Salaan... Baashi, your political input is missed. Shaaha diyaar waaye, ee noo keen kaftan ka dhabeeye [i think I once saw a book called this name, I am not sure, though]. The latest twisting news is Qanyare/Yalaxoow/Finish/Xaaraan-kunaax imminent departure to Addis Ababa. Very interesting. It just tells you how little credibility they have left.
  5. Xoogsade, ha u bixin. Reer Koonfur kaliya ma'aha ee waa every conscious Soomaali wax dhibsanaayo in dalka la kala gooya. Damiirkeena ma aqbali karo. That seven-like beautiful country qaarad in la kala gooye wax la yeeli karo ma'aha. Kuwii maqnaa ayaa murugu nagu haayo sidii lagu soo celin lahaa, wacdala kuwii jiray in lasii kala gooye. Nasiibxumo ku dhacday reer Goosato waxee kusoo aadeen Midowga Soofiyeedi oo burburay iyo Dagaalkii Qaboobnaa oo dhamaaday. Hadee almiina declare gareyn lahayeen their secession in 1980s on official SNM declaration ku jiri lahayd, wax waa is badali lahaa, oo either labada quwad waagaas tartamaaye ayaa midkood ku hormari lahaa aqoonsigooda, even if they didn't rule a tuulo. Eebaba uma qadarin, maxaa yeelay Soomaalidii la siray oo dagaalkii jabhada ahaa Soomaali National Movement goosasho kuma jirin ajendahooda. [Haduu jirina oo u qarsoonaa Soomaali inay siraan damceen iyagaa isa siray.]
  6. You know, folks, it surprises me why a certain one-dimensional issue supporters always come to one another's side to support or cheerlead. Robotic behaviour? Why there isn't a 'public' disagreement, since I am sure they are plenty of out there 'dusted' under the carpet about political disagreement issues pertain to their region, as not openly shown on this forum. You know I am sure if tomorrow I registered a new nick name, and started supporting one-dimensional political issue on this particular board, these certain folks, -- one of them not surprisingly always comes out of lurking to hurrah what he perceives to be his cyber 'cousins' regardless how wrong or correct they are -- will surely welcome me among to be their few cherished "cousins." A little requirement would be to conform to their unwritten 'regional' conformity of ultimate group-speak -- literally. So, instead of writing 'qadhaadh,' if a person slips and writes 'qaraar,' as it was finely illustrated on this very board to a hapless new comer who received a reprimand straying from 'cousinity' group-speak. What they utterly failed to realize is the fact Soomaalis during pre-civil war grew up different regions with different dialects, regardless of that person's clan's associated region's dialect. Under their tribal telescope, however, everything is black and white, one-sided dimensional political issue being the foremost of them all. Hailing and backing up one another all the time indeed is tiresome, really. Diversity is what makes this world fully interesting -- a little at it does. Bring your individualistic political interests forward, no need to put them under the carpet on SOL, because others from groupthink may question your loyalty.
  7. Salaan... Soomaalida waxa maanta is dabayaacaayo are siyaasi ku sheeg, not a seasoned politicians who mastered the ultimate tricks of the game. Siyaasad waxeeda waa iska qaacinimo, laakiin maanta kuwa is daba rooraayo waxooda ka dareey waaye. However, Max'ed Dheere waxiis wee dhaaftay ka dareey, he is a league of his own -- at the bottom. Doesn't the guy have sumcad? War aawey the little sharaf the qabqable kaaga hartay? Having complete 180 degree [Qanyare ayaa dagaalka bilaabay/Qanyare ururka uu aasaasay ayaan ku biirayaa] different view in mere few hours. Even hadii dhagta wax laguugu soo sheego waala sugaa a couple more days, not a few hours. Waxaaga kaaga sii daran this isn't the first time he made a complete turnaround. It became his caado. His now seems taking the art of qabyaalad Soomaali politics into a shameless, unprecedented territory. ________________ GABALDAYE SIYAASADEED: MAXAA BEDELAY MAX'ED DHEERE? A Jahawareer siyaasadeed mararka qaarkood lagu qoslo, mararka qaarkoodna dadka ugu filan inay fadhi kudirir u noqoto ayaa ku soo kordhay xaaladda Soomaaliya kadib markii masraxa siyaasadda Soomaaliya ay jilayaal ka noqdeen Kookeyaal, Darawallo iyo Qamarjiyaal aan mabda’ lahayn oo had iyo jeer isaga hadla wixii ay markaas dhuuntooda ka dareemaan. Maba dheereyn xilligii Maxamed Dheere shafka u garaacday inuu dowladda Federaalka marti gelinayo, waa la ogaa mowqifkii uu ka istaagay taageerada madaxweynaha, wuxuuna qaatay go’aanadii ugu waaweynaa ee uu ku taageerayo dowladda Federaalka qeybtii Jowhar ku sugneyd, isagoo inta kale iyo xubnihii Muqdisho ku tilmaamay wax aan jirin heer uu xilka ka xayuubiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka. Wuxuu Maxamed Dheere shalay ka gudbay xadkii ugu danbeeyay ee isku xiri lahaa isaga iyo saaxiibkiisii hore C/llaahi Yuusuf, wuxuuna galay xerada hoggaamiye kooxeedyadii wasiirada noqday ee (MAYA & MADFACA) ku caan baxay, shirkii jaraa’id ee shalay uu qabtay waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ugu waaweynaa: = Inaan la qaadin Cunaqabateynta hubka = In C/llaahi Yuusuf Hub uu Yeman ka keenay uu siiyay ciidamo beeshiisa ah = Iyo inaysan ciidamada Koongo ku jira ahayn ciidamo Qaran, balse ay yihiin kuwo beeleed ama Qoys. Aan is weydiinnee Maxamed Dheere iminka wasiirna maaha xildhibaanna maaha, marka aragtidiisa waxba kama bedeli karto in xayiraadda hubka la qaado ama ay sii socoto,wuxuuna kala mid yahay Yuusuf Indha-cadde, waana arrin u taalla xitaa haddii la isku hayo Baarlamaanka oo leh go’aanka kala baxa sharci ahaan, sidaas darteed mowqifkiisa cusub wax qiime ah kuma fadhiyo oo aan ka ahayn murcaad ku noqoshada madaxweynaha. Tan labaad haddii Maxamed Dheere maanta sanad kadib qirayo in Hub Yeman laga keenay madaxweynaha uu siiyay Puntland, maxaa hore u diiday inuu uga hadlo hubkaas, mise wuxuu u sheegayaa isagoo qeyb uu ka rabay ka waayay?, waxaa kaloo is weydiin leh Hubka Maxamed Dheere Itoobiya ka soo qaato xilli waliba ee kii ugu danbeeyay dadna lagu dilay kuwana lagu qabtay ma ogol yahay inuu wax ka siiyo hoggaamiyeyaasha kale, Cunaqabateynta uu doonayo in la qaado maxay kaas u celin weyday?. Arrinta saddexaad Ciidamada Koongo ku sugan haddii aysan ciidamo qaran oo amar dowladeed ku yimid, maxay ahayd sababtii ay halkaasi ku yimaadeen, sidee ayuuse Maxamed ku ogolaaday inay ciidamo beeleed oo ka yimid Puntland yimaadaan Sh/Dhexe?!!, maba jirin cid tiri waa ciidamo qaran balse waxaa lagu sheegay asaaska ciidamada sidaas darteed Maxamed Dheere sow maaha in isaga is eedeynaya? Bal waa kaase adiguna faham dhaqanka Gabaldaye-nimada siyaasadeed ee Gelin kasta mowqifka cusub lala soo if baxaayo sida Duhurtii: Qanyare ayaa dagaalka ka mas’uul ah, Fiidkiina: Waxaan ku biirayaa isbaheysiga Qanyare. ______________ Xigasho: Yoobsan
  8. Salaan... Saafir, waligeey ma maqlin indha galuus. Ma hubtaa? I kinda like qooleey-style shukaansi. Very persistent, always endeavouring. He never eats, always pursuing her on his waq-waq-kurukukuu. Eventually, she gets tired of it, and sits down. Humans should take a leaf from that qooleey-style shukaansi book. It bothers stalking, I agree; laakiinse runtii waa xariif qooleeyda. I still sometimes observe for minutes, always amazed this kinda of shukaansi. I think I better jot them down from now on, and eventually make it a researched paper. Al doobs out there, rejoice, this thorough researched paper will be published soon.
  9. Dekedda Baraawe Oo Noqotay Meesha Ugu Badan Ee Dhuxusha Dibadda Looga Saaro Maarso 1, 2006 Dekedda degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa iyadu ah midda ugu mashquulsan ee sida ba`an iminka looga saaro dibadda dhuxusha ama geedaha dhirta la jaro ee la dhigto xaabada , Xeebta dekadda Baraawe ayaa waxa aad ku arkaysaa dhuxul aad u tiro badan oo Jawaano ku raseesan oo kumanaan kun gaaraaya kuwaas oo u diyaarsan in la saaro markab badda yaalay oo ka diiwaan gashan sida somaliweyn loo sheegay dalka Korea magaciisana yahay Chong Chong Game . Dhallinyaro aad u tiro badan oo ka xamaashta dekadda ayaa aad u buux dhaafiya aroortii hore dekadda si ay u daabulaan dhuxul loo raraayo dalka dibaddiisa , waxaan u guuragalay sida ay u socdaan howlaha daabulidda dhuxusha, run ahaantii waxaan la yaabay sida ay tiro badan dhuxusha la raraayo iyadoo saacadba saacaddii ka danbaysa ay soo kordhayso gawaari soo galaaya dekedda oo wada dhuxul aad u tiro badan , waxaan wax ka weydiiyay mid ka mid ah howl wadeenada meeshaasi joogay oo iga codsaday in aan magaciisa xusin isagoo somaliweyn u sheegay meelaha dhuxushaasi laga soo guray oo uu yiri waa dhul hood ah u dhaxaysaa Baraawe Guntuwaareey iyo Jilib balaciisuna yahay 180km, wuxuu noo sheegay in la adeegsado qalab fududeeya jaridda geedaha oo Machine- ah isla markaana jari kara saacadiiba dhowr geedo. Wuxuu intaasi raaciyay in dhulkaasi ay ka dhaceen markii dhir faro badan laga jaray nabaadguur soo jiidatay abaar iyadoo xoolo dhaqatadiina ay halkaasi isaga soo hayaameen . Ma'aha oo kaliya dekadda Baraawe meelaha laga dhoofiyo dhirta geedaha laga jaro ee dhuxusha laga dhigay, balse waxaa lagu tilmaamaa dekadda Baraawe in ay tahay midda ugu badan ee laga dhoofiyo dhuxusha inkastoo ay jiraan dekedo ay ka mid yahiin dakadda Kismaayo iyo tan dekadda dabiiciga ee Ceel Cadde oo iyaguna laga dhoofiyo dhuxusha . Si kasta ha ahaatee dadka daabulaaya dhuxushaasi ayaa kuu sheegaaya in aysan jeclayn in dhirta la jaro isla markaana la dhoofiyo , balse waxay sheegayaan inay ku kaliftay daruufo la xiriira dhinaca nolosha . Dhirta oo la jaro ayaa waxay dhibaato ku tahay dhinaca degaanka oo noqda mid nabaadguur ku dhaca isla markaana ay soo jiidato abaar ba`an iyo roob la`aan ka dhacda meelaha la nabaadguuriyay ee dhirta laga jaray iyadoo sidaas si la mid ah xoolaha ay ka mid yahiin Geela ay halkaasi dhibaato ka soo gaarto ka dib markii la waayo wax uu daaqo. Ma jiraan cid u taagan xiligan inay wax ka qabato xaalufinta lagu haayo dhirta iyadoo ganacsatada ku howlan daabulidda dhuxusha ay u jeedaan oo kaliya xoogaaga yar ee lacagta doolarka ah iyagoo aan eegayn dhibaatada ka imaan karta xaalufin loo gaysto geedaha dhirta. Xigasho: Soomaaliweyn.com
  10. Salaan... Boobka, qooyeelaasha ayaaba isoo xasuusisay. Anaga saan aa u naqaanay, laakiin maadaama aad adig ciyaal Kismaayo tahay kuwa kalaa jiraa laga yaabaa. Saan anaga u kala kaseynay: Boor dambas [greyga] Sharax [madoow iyo cadaan isku jiro] Baliil [wada cad] Baal gaduud [garbaha ka gaduudan] Uul [madoownimo dhaafay/tay] Waxaan xasuustaa qooleey guryihii Afrikaan Filej [African Village] buuxi jiray, oo dad lahaan jirin. Maalin aan aadnay guriga habaryarteena oo meesha ku yaalay ayaan bac kusoo xaabinay. Caqli xumo meelba bacda maka daloolin, oo markii gurigii la imaaday, masaakiintii oo wada dhintay ayaa aragtay. Ciil iyo ka naxid. Proper burial aan u sameynay, oo "kafan" aa ku xirnay xataa. Ciyaal ciyaal iga dheh, waayo waayo. Qooleey waa shimbir yaab ah, maxee waqti naga dhumisay. Maxaa dool tifnay intaa baaf u dhignay ku qabanay siriq ahaan, ka bacdina sacfaraan la mariye hadhoow dadkii lahaa see u kasin. I still loof qooleey. Fond memories.
  11. Lets try it again: according to your personal opinion what is the Purpose of Life? Is it intrinsic or extrinsic? Waala ogyahay inaad su'aashaan dan kale ka leedahay. Hadaadan diin lahayn, adigee ku jirtaa. Boqolkiiba sagaashan iyo sagaal dadka meeshaan ku jiro waa Muslim, oo diintooda raaca. Diinteena ayaa dhigeyso inaan Eebbaheena caabudno. Wax la yiraahdo "personal" ma jirto. Originally posted by Socod_badne: quote: The purpose of life is to worship the lord that created you. That is the purpose of life whether you believe it or not, accept it or not. How sad! Now you're left with spitting cosmic debris? Waala ogaa inaad diinlaawe ahayd, oo wax badan ayaa is qarisay, oo shib lagaa ahaa. Golaha kale [other Soomaali forums] ee Soomaalida ayaa ka qaraabataa adigoo Rabigeena iyo Nabigeena caay, aflagaado iyo wixii lamid ah ku haayo. [Hadaadan ismoodin in lagula socon, think again.] Intaas dhan waala soconay. Oo intaa banaanka isa soo dhigeysay ayaa la sugaaye. Maanta adigaa barxada isku soo dhigtay to humble, unsuspecting SOL forumers aad isku qarin jirtay. Inaadan diin lahayn waxaas kor ku qoran ayaa dhigaayo. Waxaaba la yaabi jiray kuwa inta ku jiro waligood sidii qof "Muslim" camal kula dhaqmi jiray, adigoo sidii jees jees camalna Rabigooda iyo Kitaabkiis ugu jeesteen jirtay mar walba. Finally, Eebbe mahadiis hadaaba banaanka iskeentay oo wixii kuu qarsanaa soo bandhigtay. Diinta waaka baxdee, adigoo raali ah, inoo daa diinteena aad ku tumaneysid. Anagaa ku qanacsan wax walba ee na fasho, including Eebaheena aan caabudno oo aad ugu wacday "how sad!" and "spitting cosmic debris" whatever it means.
  12. Alleubaahne, kamoon, duqa; walaashaa saas haku dhihin. Fikrad kala duwanaasho waa dhacdaa, ee xoog ma jiro.
  13. Xoogsade, waa lagu salaamay horta. I will address this for you once and all, because waxaaga ku celcelis waaye. Quote-kaan hoos ku qoran aan ku bilaabaa: It was Qanyare who put an organization together, sought union with the like-minded ignorants, and wrote a manifest about his intension. You lack the decency to even mention such plans on Qanyare's part but were wantonly interested and still are in defaming others. Max'ed Qanyare Afrax wuxuu yahay waala wada og yahay. Maba loo baahno in la sharxo. No sane person would defend him. Dwelling his bogus "terrorist" labels qof aamino oo fiyoow ayaa iska yar. Qabqable dagaal oo 15 sano ku dhex jiray wuu yahay. Dagaal ooge kasii daran ah. Sababta aan hawshooda aan u daba galin waxee tahay waxooda waa cad yihiin [as he himself said a week ago], oo waaba duli dadka ku ah. Marka waxee sameyeen wax aan ku daro mahaayo, oo waligeey aan mucaarad ku ahaa. Intaas oo tahay, waxaan u adkeysan waaye in kuwa iyaga lamid ah oo wadaado isku sheeg ah in meeshaan laga dhigo dad 'saviour' Soomaalida u ah, oo loo soo diray, oo ka samatabixinaayo. Kuwaan diinta ku gambanaayo ayaan runtooda banaanka soo dhigaaye, weyna cadaatay waxee yihiin. Qanyare iyo xulufadiis waxee yihiinba waala wada og yahay, kuwaan shaati diinta ku gambanaayo oo jihaad iyo wax kale ha lala galo ah ayaa kasii darnaan karto maadaama ee dadkeena oo awalba iska aamin badnaa been cusub loo dhigaayo. Teeda kale yaa bilaabay dagaalka? Adiga oo ku celcelineysid xulufada wadaadada kasoo horjeeda aa bilaabay aan arkay, ee isweydii yaa bilaabay? Dagaalka wadaada isku sheegaan aa bilaabay markee weerar ku qaadeen Kuliyadii Jaalle Siyaad uu Tarbuunka iyo Dayniile u dhaxeyso. Markaas ka bacdi ayaa la aas aasay ururkaas boguska ah ee la "dagaalanka argagaxisada." Adiga waxaa igu heysataa wadaada isku sheegaan sababta aan u taageeri waaye miyaa? Aniga wadaado uma arko, Soomaalidiina maalmihii u horeeye la siray waa arkeen waxee yihiin. Iyaga iyo Indhacadde waa isku xuluf, sidee Muuse Suudi iyo Qanyare u yihiin. Hadaa u maleysid Indhacadde uu wadaad yahay, marka waxaan ka hadalno maleh. Hadee wadaadnimo dhab ka tahay, ilmo adeerkood Indhacadde ah ayee run u sheegi lahayeen, oo masaakiintaas xooga ku heysto oo waxee cunaan la' walina canshuur kasii qaadaayo. Kii kasoo horjeedana karbaash ku wado. Beenteey miyaa? Mar ayaa i tiri Xamar goormaa kugu dambeysay, hadee dhici lahayd inay igu dambeysay 1991 waan ogaan lahaa inaad dismissal sameyn lahayd, oo dhihi lahayd waxba kama ogid maadaama aadan tagin. Laakiin indhaheey ayaan kusoo arkay waxa meesha ka dhacaayo. Bashir raage when he shaved a poor man's beard and told him to not come around Shibis and Boondheere because the man is supposedly who they want to fight against, terrorists. I have no business defending a questionable businessman and semi-warlord, but the fact is they denied. PS, you can call me any names you want. Opportunist. Hypocrite. Sick-minded. Munaafiq. All this because I don't support or recognize what you call wadaado. Ogoow laakiin waxaas dhan qofka kasoo yeero ee wax ka dhahaan, instead of qofka lagu address gareeyo, particularly qof wadaad supportgareynaayo, ogoowna diinteena suuban aflagaado kuma jirto. [Mise seef laboodka maanta isdaba yaacaayo aa tahay. No wonder then. ] Hadee dhabta jirto ku dhibeyso, so soori, adigee ku jirtaa. Truth will, and shall, always prevail --wadaad ku sheeg or not. Waxee yihiin iyagaa banaanka iskeenay, aniga makeenin. I hope inaan si fiican isku fahanay toogtaan. Nabadeey.
  14. Salaan... Noo, it is impossible "Sheekh" Yuusuf Indhacadde ka suurowdo waxaas. He is halyeey, oo jihaad ku jiro oo waa wadaad, dalkiis gaalada ka haayo. Waxaan waa iska dacaayad micno daro iska ah, oo haduu dhuxul dhoofiyana waa ganacsi caalamka dhan ka jiro.
  15. Madaxweyne Yuusuf oo guri weyn looga diyaariyay magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu wadaa shir jaraa’id in uu ku qabto magaalada Baydhabo, kaasoo uu uga hadlayo socdaalkiisa uu kutagay Baydhabo oo ah kii ugu horreeyay oo uu ku tago tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynanimada Soomaaliya,iyadoo maantana magaalada uu roob ka da'ay. I thought he was there exactly a year ago in early Maarso, 2005. Anyway, I am glad roob haduu ka dago dhulalkii abaarta ku dheeraatay. Usually roobka gu'ga wuxuu biloowdaa in Abriil. Gobolada kale taloow maka da'ay?
  16. Salaan... You folks are surprised this is a clan war now? "Maxmakadaha Islaamka" always was a cover clan name, and it officially is now since Maxkamada Xararyaale opted out, which was created by Qanyare's clan. Now, both groups are getting reinforcements from their respective clan members/supporters. Seeraar already sent his militias, stationed at Garoonka Ciyaaraha; Indhacadde is sitting at Lafoole in Afgooye, waiting the first whistle of xabad. Qanyare already got a reinforcement from Ceelbuur. Does this seem like a déjà vu, scripted film all over again? You bet. The early '90s version, re-updated this time with some old proponents mixed with newcomers flexing their newly adorned baroono muscles. Always masaakiinta ayaa lose gareynaayo. Neither side will ever win in this war, just as the old movie, which played for four months constinuously, finely demonstrated. I had an utmost respect for C/qaasin Salaad Xasan, but lately sidee odeyga wax ka noqotay ma ogi. Why is he silent? He has influencial voice, and Maxkamadaha iyo Indhacadde wuxuu ku yiraahdaba kama diidaan. Odeyga ma ogi see wax ka noqdeen. Korkiis hoobiye lagu kala gamaayo, and he still is tolerating. Ma inta ee minankiis Lambar Afar ku yaalo ugu soo dhaceyso ayuu sugoyaa?
  17. Acuudu bilaahi mina sheydhaani rajiim. Dadka waxee yihiin ayee ku moodaan. Maxaa Baydhabo danaheeda i geeye? Ma saasee qabyaalad kuu heysaa? Meeshaas maa ka gubanee? Bisinka. For your information, not a single soul related to me lives in Baydhabo, and I care exactly what happens in there as what happens in Kismaayo. I always was anti bogus "wadaado" group, as I was anti-warlord. Nothing new. This new conflict is very personal to me; it affects my OWN family, who live meesha hoobiyaasha la iskugu gamaayo. Sad, sad sidee dadka qaarkood qabyaalad u qaaday. Heed me, though: Qabyaalada iyo ficilnimo ain't no good. Iska dhaaf waa kaa naxaa, baliis. Otherwise, dhiig kar ayaa ka qaadee, my young man. And speaking about wadaad, you are the last to correct others about anything relating to Islaam. You are the one who calls a warlord "respected, honoured, god-like..." Qof saas ah waala og yahay wuxuu caabudo. Mac salaama. Waa kaaga baxay.
  18. 1. Horta waa maxay bayesaano? Kelmada bayesaano waa kelmad asalkeedu talyaani yahay. Waxaa loo qoraa "paesano", run ahaantina kelmada saxda ah waa "compaesano" oo macnaheedu yahay waxaan nahay isku waddan, ama isku beled, ama isku tuulo. Waxaa aad u isticmali jiray talyaaniga ka imaan jiray jasiiradda Sishilya (Sicily) marka ay qurbaha muddo ku raagaan. Waxay ahayd kelmad talyaaniga qurbuhu isku garto, iskuguna walaashado. Kaddib markii la soomaaliyeeyay bayesaano waxaa macnaheedu noqday "reer magaal", waxayna aad u caan baxday sagaashankii wixi ka dambeeyay. Bayesaano waxaa isla ah dad muddo dheer meel magaalo ah ka wada noolaa, iyagoo nabad qaba ayna ka dhexeyso xusuus wanaagsan iyo is ixtiraam saayid ah. Is ixtiraamkaas iyo isqaddarintaas oo dhashay walaaltinimo dhab ah oo qof walboo uu qofka kale u hayo kalgacayl iyo wanaag, haba yaraateena uusan wax xumaan ah u quurin. Bayesaano waxaa ah dadkii caruurnimadoodi deris ahaa, ama dugsi wada dhigan jiray, ama isku xaafad ahaa oo isku meel ku cayaari jiray. Dadka la tilmaamayo waa adiga iyo saaxiibkaa, ama saaxiibkaa saaxiibkii, ama hooyadaa iyo aabaha saaxibadood caruurtooda oo aad markaad yaryareydeen isku meel ku soo korteen. Waxaa bayesaano kula ah dadki aad cayaartoyda isla ahaan jirteen, ama aad meel ka wada shaqeyn jirteen ama aad isku koox difaaci jirteen. Dadki xaafadda ama magaalada aad iskaga hor imaan jirteen oo aadan xittaa si fiican isu aqoon jirin. Dadkaas waxaad ku kulmi jirteen shineemooyinka,garoomada, masaajidyada,golaha murtida iyo maaweelada, makhaayadaha , suuqyada iyo meelaha kale oo dadka ka dhexeysa. Bayesaano waa qof jecel oo qaddariya asaxaabtiisa iyo macaruufadiisa (lab iyo dheddig), kana jecel, ayna uga dhow yihiin, kuwa ay ku mideysan yihiin abtirsiinyo oo loo yaqaano qaraabo qansax. Hadii laga reebo walaalahiis iyo wixi la mid ah, bayesaano ma fahamsana isku xirka beesha iyo abtirsiinyaha. Isaga ama iyadu ma kala jecla inuu/inay ka soo jeedo beel weyn ama mid yar, beel la ciseeyo iyo mid la xaqiro. Bayesaano asaxaabitiisa uma kala doorto asalkooda ee wuxuu u kala doortaa dhaqankooda iyo dabeecaddooda. Bayesaano waxay ka mideysan yihiin ku wareeridda hab beeleedka soomaaliyeed oo sidii basashii oo kale aan meelna ku dhammaaneynin. macnana uma sameyneyso reer hebel ayaan isku nahay. Bayesaano waa qof aan guud ahaan dadka ku xadgudbin, gaar ahaanna qofna ku gardarreysanin beesha uu ka dhashay awgeed. Wuxuu la yaabaa dadka isaga arrima beeleedsidaas ku maaga (action), wuxuuna ka fekeraa hadduu xaq u leeyahay inuu isaguna si kharaar ugu jawaabo (reaction) qofkii ku qabsada dhalasho Alle u qaddaray oo uusan asagu go'aankeeda lahayn. Bayesaano waxaa lagu yaqaan inuu ku hadlo af dhexdhexaad ah. Ma yaqaano lahjad gaar ah oo lagu garan karo asalkiisa. Markay isla la hadlaan, durbadiiba wey is gartaan, xittaa haddii aysan hore isu aqoon jirin. Dadka magacaan wadaaga oo isu garta inay baesano yihiin waxay og yihiin in afkaas ay ku hadlaan oo dhexdhexaadka ah lagu dhaleeceeyay, dembina looga dhigay. Waxaa marar badan loo muujiyay inuu yahay qof caqli gaaban oo aan garaad sidaas u fog lahayn, kana tegay lahjaddii awoowayaashiis uu ka dhaxlay. Baesano waxaa ah kuwii dagaalki sokeeye is badbaadiyay oo naftooda iyo maalkooda u huray si ay saaxiibbadood iyo eheladooda gacan u siiyaan marki masiibadu nagu dhacday. Baesano waxaa ah qofkii qof ay isaqoon jireen oo markuu u jeeday ka baqday, gacmo furan ku soo dhoweeyay, kaddibna naftiisa u huray ama u biimeeyay si aan qofkaas wax u gaarin. Baesano waxaa ah qof dibadda tegay oo saaxiibkii oo dalka jooga oo aysan isku beel ahayn viso u sameeyay, ama lacag u ku dhoofo u soo diray. 2. Bayesaanow dagaalki sokeeye maxaad ka dhaxashay? Dagaalki sokeeye wuxuu dukun daakun ka dhigay dalkii, wuxuuna burburiyay 30 sannadood oo qaranimo ah. Wuxuu galaaftay naf iyo maal aan cadad iyo xisaab midna lahayn. Wuxuu sababy qax iyo barakac iyo in lagu heshiin waayo 15 sannadood kaddib in dalka loo dhiso dawlad dhexe oo shaqeysa oo ummaddaa soomaaliyeed dulliga ka saarta. Waxaa loo kala qaxay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Dalka gudihiisa waxaa abuurmay khadad cagaaran oo magaalooyinka dhex yaala iyo kuwo gobol gobol u kala go'ay. Dadki dalka joogay waxay ku kala qoqobmeen xuduudo beeleed, lagu kala xannibmay. Xuduuha runta ah waxaa ka daran kuwa khayaaliga ah oo maskaxda dhexdeed ku calaameysan, kuwaasoo keenay in qof walbo qofka kale ka baqdo, gobol walbana gobolka kale ka shakiyo. Kala qixiddi dhibna waa dhashay, faa'iidana waa yeelatay. Faa'iidada ay yeelatay aan soo hormariyee, waxaa soo noolaaday oo camirmay magaalooyin ay dawladdi hore dayacday iyo kuwo hubki ummadda soomaaliyeed lagu burburiyay. Dhibna wey yeelatay oo bayesaano waa is waayay. Bayesaanihi dantu ku khasabtay inuu u qaxo ama ku haro dhulki awoowashiis lagu tilmaami jiray, wuxuu la kulmay dhibaatooyin macnawi ah oo fara badan. markuu dadkiisi ugu tegay degaankoodi, meeshuu soo dhoweyn iyo kalgacaltooyo ka sugaayay, wuxuu la kulmay xin iyo dagaal hoosaad aad moodo in loola jeedo maxaa halkaan ku keenay. Kuwii ku haray iyaguna dhulki lagu sheegi jiray awoowayaashood waxaa loola dhaqmay sidi jajnabi aan dhulka wax ku lahayn dadkana ka mid ahayn. Waxaaba leyska xalaaleystay maalkooda iyo naftooda. Waxay labada kooxood ee dalka ku haray la kulmeen in hadalkoodi lagu qoslo, xikmaddoodi lagu jeesjeeso, cilmigoodina hal bacaad lagu lisay laga dhigo. Marki loo xaqiijiyay inaysan dalka gudihiisa waxba ka ahayn, waxa socdana aysan waxba ka fahamsanayn ayaa waxaa lagu bilaabay hanuunin iyo wacyi gelin cusub oo ku saleysan qabyaalad: Waxaa loogu celceliayay in beeshoodu ugu tiro badan, ugu caqli badan tahay, ugu xaqaanisan tahay, ugu xoog iyo xoolo badan tahay, war iyo dhammantiis in beeshoodu ay tahay lafta geela badha oo qaarkood aysan xittaa macnaheeda si wanaagsan u fahamsaneyn. Intaas looguma ekeynin ee waxa la isku deyay in laga dhadhiciyo in beelaha kale ee soomaaliyeed ay yihiin eber iyo waxaan jirin. Muddada maxkax dhaqiddu socoto, bayesaano kuma qanacsanayn jaamacad beeleedka loogu tala galay inuu ka soo qalin jebiyo. Wuxuu gaashaank ku dhuftay islaweynida iyo faanka beesha oo aan cilmiga ku dhisneyn iyo cayda iyo xaqiraada aan sal iyo baar toona lahayn ee ummadda inteeda kale loo geysanayo. Bayesaano wuxuu si cilmi ah ugu dooday in beel beel ka fiicani aysan jirin, ee uu jiro shakhsi shaksi ka fiican.Wuxuu isku deyay inuu macneeyo in dabiicadda iyo cilmiguba sheegayaan in dadka badidoodu ay isku hal yihiin. Dad yar ayaa fiicanaantooda ama xumaantoodu ay siyaado tahay. Wuxuu bayesaano ku soo gebagabeeyay inay xikmad Alle tahay in beel kasta ay ku jiraan dad fiican iyo dad xun labadaba. Qof kasta oo isu garta inuu yahay bayesaano wuxuu ogyahay in tolkiis ku canaanteen: war horta adigu yaad la jirtaa? Maxaad markaan hadalnaba noogu soo booddaa oo aad cadawgeena u difaacdaa? Walllaahi waad lunsan tahay waadse ka shallaayi doontaa!! Kuwaad u hiillineysid oo aan ka joog ku leenahay, ogow waa kuwa middida kuu afeysana, si ay qoorta kaaga gooyaan. Labadi bayesaano oo dalka gudihiisa lagu kala qoqobay waxay isla dareemeen shaki iyo khalkhal ku saleysan jiritaankooda. Waxay iyagoo aan isla joogin is weydiin, waa yaabe yaan run ahaanti ahay? Waa cajaa'ibe xagee leyga rabaa oo aan ka tirsanahay? Ayagoo jaha wareerkaas maskaxeed ku jiraa, ayaa waxaa soo food saaray dhaka faar run ah oo hinaaso iyo quuriwaa ku saleysan. Haddii shaqo yar meel lagu sheego, ama derejo yar meel ka soo iftiinto, bambadi ugu weyneyd ayaa bayesaano ku qarxaneysa. Isla markaaba waxaa toban jibbarmaya dadka isaga luggoynaya. Waxaa lagu furayaa dacaayad ka dhan ah oo tilmaameysa inuusan beesha danaheeda difaacin, gobolka iyo deegaankana waxba u qabanin. Waxaa magaalada lagu faafinaya inuu shayaadiin aan la garaneyn u shaqeeyo, oo wixii manaafacaad ah oo isaga soo gala uusan tolku waxa ku dheefeynin. Intaas haddii wax looga qaadi waayo, waxaa la soo qodayaa taariikhdi awoowayaashiis iyo beel hoosaadkiisa wixi dembi boqol sano ka hor ay galeen. Waxaa lagu andacoonaya in beel hoosaadkiisu yar tahay, ama aysan dagalladi sokeeye qayb firfircoon ka qaadanin, inaysan maanta xoog lahayn oo aysan hogaamiye kooxeed lahayn ama aysan hubka waaweyn ee wax gumaada lahayn. Waxaaba dhacday in loo dilay aano qabiil oo 30 sano ka hor dhacday. Intaas haddii wax looga tari waayo, waxa lagu soo dalbanayaa saqajaamada beesha iyo kuwa ay dad isu xigaan si ay u carqaladeeyaan oo ay uga ciideeyaan wax allaale wixii uu heli lahaa, iyagoo cuskana mabada'a aad u caan baxay oo hadda socda lana yiraahdo ku qabso ku qadi meyside. Bayesaano markuu dhowr sano silic iyo saxariis ku jiray wuxuu ku wareeray xaaladda guud ee dalka, wuxuu garan waayay cid uu yahay iyo meel uu ka tirsan yahay. Markuu xisaabtamay waxaa u soo baxay in dadkiisi asaga la da'da ama la jeelka ahaa inay dalka ka guureen. Wuxuu go'aansanayaa inuu iyaga ka daba guuro intuusan maskaxda luminin oo aysan waalli run ah ku dhicin. 3. Bayesaano iyo qurbe Sii aqriso _________________ Qore: Maryam Cariif Qaasim
  19. Originally posted by Ahura: Incidently, I just found out that I will be seeing him along with Damien Marley on Saturday 4th March at the Brixton Academy (I'A). That Athena is blessed - she managed to get tickets even tho the show is sold out! You "buy" tickets to see Keynaan? Dhaq dhaq dhaq/kish kish kish/kud kud kud/gaw gaw gaw. War ninkaas maalin walba uu jidadkaan Koronto iska taag taagan yahay, with his "entourage." I can ship him for you, shipping and handled included.
  20. Salaan... Para., widaayoow, I personally follow the old, classic definition of wadaad and waranle. You can either be one, not both at the same time. Thus, in this simplistic definition --and I agree it is a narrow definition-- wadaad always was the antithesis of waranle. For one, wadaado in those old days were nabadoono, not the warmongers. About the allegation of who murdered brother Cabdiqaadir Yaxye, the victim's own oori did make this allegation few months after his murder. She was the only other person in that room Yaxye was murdered in besides the murderers. She named the orchestrator Ceyroow, an Afghan war veteran and commander in this new war. [The website that reported escapes me now, though I think it was midnimo.com.] As far as the attribution finger going to Qanyare's door, it doesn't logically seem so. For one, he was at his duug as other dagaal oogiyaasha, sincerely condemning. Secondly, warlords that hijacked the capital, Muqdisho, for 15 years. In those years, they confronted their enemies maalin cadeey oo is qaris ahna jirin. In those 15 years, clandestine political assasinations in Xamar were unheard of. It "coincidently" coincides with this new Maxkamado group. Thirdly, C/qaadir Yaxye kaligiis lama dilin. Ciidamo fara badan ayaa la dilay, some who were close to the warlords themselves. Fourthly, C/qaadir Yaxye had very close relationship with Americans and other Westerners. His organization was funded by Western NGOs. He advocated a lasting, peaceful solution; then a permanent democratic institutions in dalka laga dhiiri galiyo. Waala ogyahay dadka neceb those ideas. Fifthly, the killing of BBC reporter by a sniper who just arrived a year ago this month in Xamar. Sixthly, the amateurishly assembled bomb attached on to an old motorcycle that prematurely weft off on the route that was expected to use by an international assessment team. This is a first. Remote-controlled bombs waligood Soomaali maqal lee ku ogaayeen. Seventhly, the two bombs had targeted Geedi. After the first one at the stadium, which was hand thrown bomb, the second was a bit more sophisticated being motion-controlled, which targeted his delagation from Cisaleey airport to Xamar. Eightly, qabuurihii Talyaaniga lasoo faagay. No "wadaad" Muslim goes after long dead qabuuro, be it gaalo or Muslim. Even the pagan, barbarian Qureyshtii, the arch-enemies of Nabiga [scw], resisted trying that. Marka you can connect the dots. These aren't all isolated, coincident events. There is a very organized group at hand, harbouring even more sinister agenda. Waaka baxay this debate since dagaalkaan u leexatay a qabyaalad one. It no longer is "wadaad" vs. warlord.
  21. They are "sheekhs" for you. I don't call them "sheekhs." I hope inaan is fahamnay. You talk about outsourcing wadaado. What about the countless assasinations that took [still taking] place in the capital the last two years? What about that? When C/qaadir Yaxye's own wife says her husband's murder was orchestrated by a man by the name of Ceyroow, a high-ranking Maxkamadaha official, will you call a murderer a "sheekh?" For you information, that reclusive man has yet to deny that. BS, outsourcing wadaado is nothing new. Bashiir Raage's make-shift airport of Cisaleey is the most infamous one of them all. Lambar Konton [N.50] in Shabeelada Hoose too does that. So is the one in Jowhar by Max'ed Dheere. And whatever happened to your lamentation of closing airports. I remember you protesting out aloud when C/llaahi Yuusuf and Geedi tried to shut down Dayniile airport that they were going to sabotage the Muqdisho citizens, and isolate the capital from international flights. Whatever happened to this now? Aren't these "sheekhyo" sabotaging the citizens of Xamar by shutting down that airport?
  22. Yes, Dayniile [scroll down], Xararyaale, Qaranimo have all reported. It isn't confirmed, though, and since those sites supposedly support Qanyare, we cannot fully believe them. [Edited] However, Midnimo is reporting Indhacadde denying sending his militias, and at the same time vowing to contribute if the war continues. Both Seeraar and Indhacadde militias are interchangeable sometimes. Seeraar has some militias based in Afgooye. [seeraar's displeasure about the new formed group was also reported by somalitalk.com.] Also this by Shabeele ultimately proves officially it is a tribal war now. By the way, why are you very interested whether Seeraar's or Indhacadde's militias enter this war? Oh, that thing alliance. I forgot it. What was it called? Oh, yea, "Jubba Valley Alliance."
  23. Wadaadka caanka ah ee Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isagu shalay dalka dib ugu soo laabtay gaar ahaana magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la sii wado isla markaana la sii xoojiyo dagaalada lagala hor jeedo kooxo uu ku sheegay Diin la dirir, isagoo sheegay in dagaalka xilligan dhex maraya maxkadaha iyo hogaamiye kooxeedyada inuu filayay. There you have it. Utter discard for civilian casualties and deaths. Only looking at his future political interests. His chance ee u noqotay. And some call him "sheekh" and his war "jihaad." Soomaalida iska naive-sanaa.
  24. Salaan... Guute, religious ideology wars is nothing new to Soomaalis. Dariiqyadii suufiyada ahaa waligood ayee is dagaali jireen, albeit not like this major ones. Gaashaan, falaar iyo wax kalee iskula tagi jireen. Dariiqyada such as Qaadariya iyo Saalixiya. Laakiin, at the end of the day, they mutually used to live side by side, peacefully. The new group we have in this war is a complete breed new to Soomalis. "Wahaabism" is a pejorative and offensive term, and no Muslim should use it. Nonetheless, the religous ideologies these Maxkamado espouse is very, very dangerous. When that semi-warlord, full-time businessman Bashiir Raage says these ideologies are "imported," I partially agree with him. They are intolerant breed, to begin with. Theirs is always my way or the highway. Or face the seefta [hoobiyaha this time]. Nothing between.
  25. Salaan... Neat. Admin., I used to like this old frame from the earliest days: The light blue one matches with flag, instead of new red or the blank white currently in use. And those who are suggesting the Admin. doesn't listen others' opinion, isn't this whole new facelift the result of suggestions on this forum? History, Postcast, Articles, Photo Albums and others were all suggested on this forum.