All Activity

This stream auto-updates     

  1. Past hour
  2. G7 Foreign Ministers Meeting Statement on MoU 3. Horn of Africa We reaffirm our strong commitment to promoting peace, security, and stability in the Horn of Africa. We continue to provide humanitarian support to those most affected by food insecurity, widespread poverty, armed violence, the impact of extreme weather events and displacement. We express our concern regarding the Memorandum of Understanding between Ethiopia and the Somaliland region of Somalia announced in January 2024. We encourage both the Ethiopian and the Federal Government of Somalia to keep all channels of dialogue open to prevent further escalation, working with regional partners, in the framework of the African Union and through bilateral contacts, in accordance with international law and the principles of sovereignty and territorial integrity as enshrined in the UN Charter. Source: G7 Italy 2024
  3. Today
  4. Marxuum Tuur (bidix) iyo Marxuum Qaalib (midig) aqoon durugsan ayay u lahaayeen siyaasadda Waqooyi Bari Afrika oo ilaa hadda quwadaha waaweyni ku loollamayaan. Muqdisho (Faallo) — Soddon sano ayaa laga joogaa markuu marxuum Cabdiramaan Axmed Cali (Tuur) yimid Muqdisho kuna baaqay in hab federaal uu yahay kan Soomaaliya dib loogu soo dhisi karo burburkii dowladdii dhexe kaddib. Tuur wuxuu la dhashay marxuum Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabbaha waxbarashada Soomaalida gaar ahaan gobollada Waqooyi. Xilligaas suurtaggal ma ahayn in hab federaal uu Soomaaliya uga hirgalo hab Waqooyi iyo Koofur waayo Muqdisho laba qeyb ayay u kala qeybsanayd; Cabdiraxmaan Tuur wuxuu la jiray Jeneraal Caydiid. Hadalkisii waxaa lagu tilmaamaay inuu colaad ka aloosay waqooyiga gaar ahaan beelihii taageeri jiray ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement). Mowqifka midnimada Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Tuur wuxuu ku qotomay aqoonta uu u lahaa xiriirka caalamiga ah. Isagu muu la dhacsanayn go’aankii degdegga ahaa lagaga dhawaaqay Burco Maajo 18, 1991, kaasoo lagu shaaciyay in Waqooyiga Soomaaliya uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale. Wuu ogaa in go’aankaas kala goynta Soomaaliya aan la isku raacsanayn, uu xitaa ka hor imanayayay dastuurkii ururka SNM oo si cad u taageerayay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib isaguna si la mid sidaas ayuu midnimada u aamminsanaa. Wuxuu aqoon u lahaa siyaasadda Geeska Afrika. Wuxuu qoray buug ku saabsan Soomaali Galbeed, oo uu ku soo bandhigay xogo aan hore loogu adeegsanin qoraallo taariikheed, ku saabsan sida had iyo jeer Xabashidu uga dadaadili jirtay in la tirtiro jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Buug ka mid ah buugagga uu qoray marxuum Jaamac Maxamed Qaalib. Qaalib iyo Tuur waxay u soo taagnaayeen xilli Xayle Salaase doonayay in Waqooyiga Soomaaliya lagu biiriyo Itoobiya. Tuur danjire ayuu ahaa; Qaalib madax sirdoon dowladdii rayidka ayuu noqday; xilligii dowladdii kacaanka taliyaha ciidanka booliska iyo wasiirkii horumarinta miyiga ayuu soo noqday. Wargeysyadii ka soo bixi jiray Hargeysa kontomaadkii qarnigii 20aad ayaa gaashaanka u duruuray himiladii gurracnayd ee Xayle Salaase. Indheergaradka siyaasadeed ee Hargeysa xilligaas waxay lahaayeen garasho siyaasadeed oo aad u sarreysa kaddib markii Ingriisku ku ballan-furay beelihii Soomaaliyeed uu heshiiska ilaalinta la saxiixday. Ingiriisku wuxuu dhul Soomaalidu ku nooshahay 1954kii si sharcidarro ah ugu wareejiyay Xabashida (Imbradooriyaddii Itoobiya), oo waxaa laga qoray buugag sida The Betrayal of Somalis iyo The Somali Dispute. Buug laga qoray taariikh nololeedkii marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali. Waxyaabaha Tuur iyo Qaalib ogaayeen waxaa ka mid ah in qarannimadu tahay tiir adag oo ilaaliya xuquuqda shucuubta. Tan labaad taageerada ay u muujiyeen qarannimada iyo midnimada Soomaaliyed waxay ku salaysanayd taageerista xaqa qofka Soomaaliyeed u leeyahay dhowrista naftiisa iyo hantidiisa iyo inuu dalkiisa hooyo meeshuu doono kaga noolaan karo. Intaas haddii la waayo ma jirayso qarannimo Soomaaliyeed oo laga hadlayo: haddii qof sheegto inuu magaalo qof kale oo Soomaaliyeed kaga awood-badan yahay, wuxuu doono samayn karo oo aan lala xisaabtami karin, fursadaha dhaqaalaha ka hor istaagi karo qof kale, maleeshiyo beeleed ugu awood-sheegan karo qof kale oo Soomaali ah xaaladdu kama duwana gumeysigii oo kabo loo tolay (Soomaalida ayaa ku maahmaahda waa kudkii oo kabo loo tolay markay arkaan wax ka sii daran wax kale). Soddon sano kaddib Soomaalidu waxay isa su’aalaysaa sababaha weli isu awood-sheegasho maleeshiyo beeled iyo ciidamo dhinac-ka-raran ay weli halis ugu yihiin xuquuqda qofka Soomaaliyeed. Ma siyaasiyiita Soomaaliyeed ayaa sidan ku heshiiyay mise aamusnaantooda ayaa mas’uul ka ah in sooyaalkii qabqablayaasha aan weli xiddida loo siibin? 2024 sidii 1994 Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka taagan colaado u loogi kara dhulka Soomaaliyeed cadaw muddo u hanqal-taagayay. Marxuum Tuur iyo Marxuum Qaalib way ogaayeen in haybta siyaasadeed ee Soomaalida (the Somali political identity) aan la hoosgeyn karin hayb beeleed. Qaranka Soomaaliyeed ilaalintiisa naf iyo maal baa loo huray. Wax hunguri la siisan karo ma aha. © Puntland Post, 2024 The post Cabdiraxmaan Tuur, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Muqdisho 1994kii appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Qoorqoor ayaa xallinta khilaaf ku saabsan dhulka dab-damiska oo ay dad danyar ihi degganyihiin,islamarkaana ay Booliiska Soomaaliya amar ku bixiyeen in degdeg looga guuro. Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay khilaaf halkaa ka jiraahi uu is faham ku dhammaan doono, islamarkaana wuxuu dadka dhulkaa deggan ka codsaday inay is dejiyaan asagoo u ballan qaaday wax walba si fudud loo xallin doono. Wuxuu intaa ku daray in ay dhulka dowladdu leedahay, dowladdana ay dadku leeyihiin aan loo baahnayn in dad dhibaato gaarto, dowladduna aanay sidii damacsanayn. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu arrintaa madaxda qaranka iyo taliska Booliska Soomaaliyeed kala hadli doono, islamarkaana aanay dhici doonin in dadka halkaa deggan xoog looga raro. Muranka dhulkan ayaa muddo soo jiitamaysay, ayadoo Booliska Soomaaliyana ay dhowr soo saareen amarro ku saabsan la banneeyo si looga dhiso xarun dab-dhis oo bulshada looga adeego, balse dadka halkaa deggan ayaa sheegay inaanay garanayn meel kale oo ay u guuraan. Source: goobjoog.com
  6. Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramilitary troops to national army, sadly, escalated into a violent conflict, resulting in widespread bloodshed, devastation, and disaster. Neither the national army nor the Rapid Support Force has been able to claim victory as they continue, till today, to battle for the control of key cities and critical infrastructures. Source: Hiiraan Online
  7. Somalia is at a pivotal moment in its quest for progress. It is facing challenges that demand fresh perspectives and innovative solutions. While Western interventions have played a significant role in shaping global development policies, Somalia, much like many African nations, still struggles with enduring issues despite these efforts. As we step into the 21st century, Somalia recognizes the urgent need to explore new avenues for development, and it believes forging stronger ties with economic powerhouses like China and other Asian giants could be the game-changer it has been searching for. Source: Hiiraan Online
  8. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka socdo shirka xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ka qeyb galay shirar muhiim u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo kulamo doceedyo miro-dhalay oo looga arrinsaday horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka Maaliyadda Xukumadda federal ka Soomaaliya Md. Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo Anne Beathe Tvinnereim oo qeyb ka aheyd wafdiga ka soo qayb galay shirka xili-dhaxaad ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa uga mahadceliyay Wasiiradda, doorkii ay Dowladeeda Norway ka cayaartay hannanka deyn cafinta iyo habkii ay uga qeyb qaateen dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo soo martay heerar kala duwan, taas oo sababtay in ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa. dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeenka Xoghaya Joogtada ah ee Xafiiska Horumarinta Arrimaha Dibadda Mr. Nick Dyer. Kulanka labada masuul ayaa looga wada hadlay heerka uu taagan yahay dhaqaalaha Soomaaliya, wadashaqaynta ku saleysan sare u qaadidda dakhliga iyo maalgalinka xiliga isbaddalka cimilada oo saameyn ku leh gudaha Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda UK xiriirkeeda Saaxibtinimo iyo taageeradeeda, iyadoo Dowladda UK ay dhawaan ku dhawaaqday in ay tirtirtay oo ay cafisay Deymihii ay Dowladda Soomaaliya ku laheyd taas oo aheyd Cafin Boqol kiiba Boqol ah. Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee ku sugan Washington ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka u qaalbilsan Dalalka Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Aasiya Mr. Jihad Azour. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa kala hadlay Mr. Jihad, qorshayaasha IMF ee Soomaaliya ee dib-u-eegista Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Sideeda Sano ee soo socota. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona helilahaa maalgalin dhameystiran oo Soomaaliya gaarsiin karta heerka isku filnaashaha maaliyadeed, maadaama laga cafiyay deymihii cuslaynayay hannaanka Dowliga ah ee dalka. Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta la kulmay odayaashii ka hor yimid amarka dowladda ee diiday inay ka guuraan dhulka dabdemiska ee ku yaalla degmada Hodan. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in berri aan la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS. “Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaan aysan xaq u laheyn in la dhaho iska guura, isla markaana arrintaan uu kala hadli doono madaxda ugu sareysa dalka. Qoor Qoor ayaa duray dad uu sheegay in dano gaar ah oo dhaqaale ay ka dhex raadinayaan arrinta dhulka dabdemiska, isagoo yiri “iimaanka allaha u soo celiyo ayaan leenahay dadkaas” inkastoo uusan xusin magacyada dad gaar ah. “Berri waa dii deganaa doontaan halkaan cid idiin imaaneysana ma jirto anigaa la hadlaya booliska iyo hey’adaha kale ee amniga sida wasaaradda amniga, marka is dejiya, cid awood inku rari karta ma jirtee,” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa qoysaska degan dhulka dabdemiska ka dalbaday inay soo xulaan guddi lagala xaajoodo arrintaan oo taladu ay ka go’do, maadaama kiiskaan ay u gudbinayaan madaxda ugu sareysa dalka. Sabtiga Berri ayuu Booliska Soomaaliya dalbaday inay qoysaska degan ka guuraan dhulkii dabdemiska ciidanka booliska oo ku yaalla xaafadda Seybiyaano, balse dadka degan ayaa ka biyo diiday amarkaas. Qoysaska degan halkaas uu u badan beesha Sacad ayaa si cad u diiday amarkaas, iyagoo ku goodiyey inay dagaalami doonaan, ciidamo hubeysan ayaa lagu arkayaa aagga Seybiyaano, waxaana beri ka go’an inay booliska la dagaalamaan. Hoos ka daawo hadalka Qoor Qoor The post Daawo: Qoor Qoor oo qaaday tallaabo cajiib ah kuna guuleystay baajinta dagaalkii Seybiyaano appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleeceeyay diidmada qayaxan ee Maraykanku ku hor istaagay codsigii Falastiin ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kaasoo ahaa inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay in Mareykanka uu garab taagan yahay Israa’iil. Erdogan oo ka jawaabayay su’aalo ay warfiyeenku weydiiyeen salaaddii jimcaha ka dib ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay inuu Mareykanku la safto Israa’iil, asagoo indha ka dadbanaya xasuuqa maalin laha ah ee ku socda dadka reer falastiin. Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa imaanaya xilli ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Talaadadii ka doodeen ajande ah in Falastiin laga dhigo xubin buuxda oo ka tirsan Qaramada Midoobay, islamarkaana uu Maraykanku diidmada qayaxan ku hor istaagay. Source: goobjoog.com
  11. PRESS RELEASE Africa’s Downstream Opportunities Take the Forefront as African Refiners and Distributors Association (ARDA) Executive Secretary Joins African Energy Week (AEW) 2024 AEW: Invest in African Energy will streamline investment towards Africa’s downstream industry as countries move to make energy poverty history by 2030 Access Multimedia Content CAPE TOWN, South Africa, April 19, 2024/ — The Executive Secretary of the African Refiners and Distributors Association (ARDA), Anibor Kragha, will speak at the African Energy Week (AEW): Invest in African Energy conference – taking place from November 4–8 in Cape Town. Kragha’s return to the conference will not only improve the understanding of the state of play of Africa’s downstream industry but draw insight into strategies for addressing challenges to the sector’s development. Africa is advancing its downstream infrastructure under efforts to scale-up energy security continent-wide. As the sole pan-African organization representing the African downstream sector, ARDA is at the forefront of this expansion, advocating for increased investment in infrastructure development and modernization and promoting greater participation by local companies. With African petroleum demand set to increase from current estimates of 4.1 million barrels per day (bpd) to over 5.3 million bpd by 2040, strengthening refining capacity and distribution is critical. During AEW: Invest in African Energy, Kragha will outline investment opportunities in this area. AEW: Invest in African Energy is the platform of choice for project operators, financiers, technology providers and government, and has emerged as the official place to sign deals in African energy. Visit www.AECWeek.com for more information about this exciting event. Across the continent, efforts to bolster refining capacity to meet rising demand for petroleum are leading to new developments taking off across the downstream sector. In Nigeria, the Dangote Refinery – Africa’s largest refining facility – started producing diesel and aviation fuel in January 2024. The 650,000-bpd facility will cater to Nigeria’s domestic energy requirements while positioning the country as a key exporter upon full operational capacity – likely expected in mid-2025. The Nigerian National Petroleum Corporation, an ARDA member, is also advancing the upgrading of the Port Harcourt refinery, with operations slated to commence in 2024 following the receipt of crude oil shipments from Shell in February. Meanwhile, the first phase of Sentuo Oil Refinery Limited’s 120,000-bpd refinery in Ghana started operations in January 2024. The facility will process two million tons per annum of crude oil in the first phase and five million tons in the second phase, supporting the country’s industrialization efforts. While in Gabon, plans are underway to expand the processing capacity of the Port Gentil refinery to meet the rising demand for diesel and butane. In Angola, national oil company (NOC) Sonangol – an ARDA member – awarded a project management contract for the 200,000 bpd Lobito Refinery to engineering firm KBR in April 2024. The contract advances the construction of the $6 billion facility. Once operational, the facility will be Angola’s largest refinery, increasing the country’s oil processing capacity by 200%. Angola is also developing several other refinery projects, including the 60,000 bpd Cabinda and 100,000 bpd Soyo facilities – all of which aim to bolster regional energy security by leveraging Angolan oil and gas resources. Progress is underway to modernize the existing Luanda Refinery which is responsible for 20% of the country’s demand. In addition to refining, African countries are investing heavily in oil and gas storage capacity. Notably, Botswana Oil Limited, a member of ARDA and the country’s NOC, is seeking proposals for the Tshele Hills Oil Storage Development project, furthering Botswana’s fuel storage infrastructure for enhanced energy security. A tender was issued in November 2023, offering a strategic opportunity for downstream investors. The Kenya Pipeline Company is also committed to increasing storage capacity in the country, acquiring the now-defunct Kenya Petroleum Refineries Ltd’s assets in 2023. With the acquisition, the company has assumed management of 45 storage tanks with a capacity of 484 million liters, as well as the new Kipevu Oil Terminal 2 – which will double the country’s handling capacity from 35,000 tons. “Meeting the growing demand for petroleum across Africa requires significant investments across the downstream sector. ARDA is spearheading both the rollout of new facilities as well as the modernization of existing downstream infrastructure to meet the continent’s needs. The association will continue to be instrumental in ensuring Africa meets its goal of making energy poverty history by 2030,” stated NJ Ayuk, the Executive Chairman of the African Energy Chamber. Boasting a membership of 74 African oil refiners, importers, terminal operators, energy marketers, distributors and regulators, ARDA facilitates the exchange of technical and commercial best practices, advancing the growth of Africa’s downstream industry. At AEW: Invest in African Energy 2024, Kragha will engage in high-level panel discussions, spotlighting Africa’s downstream project pipeline and attractive investment opportunities. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
  12. Everyone is involved! And Jigjiga for the first time is ignoring the calls from Addis Ababa to stop the war or return the forces to its original posts. I am not sure what changed. I agree they should mobilize the whole region. The only way to survive in Ethiopia is thru brute.
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa durba billowday gaar ula macaamilka caalamka, kadib markii ay dhawaan ku dhawaaqday inay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka. Puntland ayaa markaas madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub. Maamulka Garoowe oo go’aankaasi ka duulaya ayaa waxay magaalada Nairobi uga qeyb-gashay shir u dhaxeeya Puntland iyo beesha caalamka, kaasi oo heer wasiir ah. Kulankan oo uu shir-guddoomiyey wasiirka qorsheynta Puntland Daa’uud Maxamed Cumar ayaa qeyb ka ah macaamilka gaarka ah ee Puntland ay sida tooska ah ula yeelaneyso caalamka. Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta, iyadoo wafdigu la wadaagay beesha caalamka buuga qorshaha dowladda, ayada oo shirku kusoo dhammaaday jawi wanaagsan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maamulka Puntland. Wakiillada beesha caalamka ka socday ee shirka ka qeyb-galay ayaa waxaa kamid ah USA, UK, EU, Norway, Sweden, Denmark, Switzerland, Netherlands iyo SSF. Halka dhinaca maamulka Puntland uu kulanka uga qeyb-galay wasiirka beeraha, wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada, wasiirka kalluumeysiga, agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo xubno kamid ah guddiga ganacsiga Puntland. Si kastaba, Maamulka Puntland iyo dowladda federaalka oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan u dhaxeeyay ayaa dhawaan sii kala furtay kadib markii maamulka uu meel adag iska taagtay wax ka beddelka dastuurka ee meel-marka noqday. The post Puntland ‘oo gaar ula macaamileysa’ caalamka – Maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) — Tensions between the Somali government and residents residing in the fire brigade headquarters in Mogadishu have escalated, with fears of a clash looming on Saturday as civilians refuse to comply with the government's order to vacate the land. Source: Hiiraan Online
  15. Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wefdigan oo ay qeyb ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ushaaka ku soo dhaweeyay maamulka iyo bulshada reer Gaalkacyo. Duqa magaalada Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay soo dhoweynta wefdiga, wuxuuna sheegay inay u yimaadeen sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen nabadaynta beelo walaalo ah oo muddooyinkii dambe ku dagaalayay deegaanno ka tirsan gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi oo ahna ka hadlay ujeedada socdaalkooda ayaa tibaaxay inay ka xoojinayaan nabadayn ay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolku ku hawlanyihiin. Wefdigan ayaa la filayaa inay kulamo la yeelan doonaan maamulada gobolka ee Puntland iyo Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo xalliyo shaqaaqooyin dhowaan halkaa ka dhacay. Source: goobjoog.com
  16. Booliiska magaalada Yew York ee dalka Mareykanka ayaa xiray in ka badan 100 dibadbaxayaal ah, kuwaasoo dhigayay bannaanbax lagu oo taageerayay Falastiin. sidoo kalena looga soo horjeeday taageerada Mareykanka ee Israel u siinayo dagaalka Gaza. Dibad-baxayaasha ayaa tan iyo Arbacadii ina dhaaftay fadhiyay teendhooyin ku yaalla jaamacadda Columbia ayagoo dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Marinka Qasa, lana joojiyo kaalmada milateri ee Maraykanku siiyo Israa’iil. Guddoomiyaha jaamacadda Nemat Minouche Shafik ayaa u oggolaaday booliiska in ay gudaha u galaan teendhooyinka dibad-baxayaasha ka dib markii ay dhaleeceyn kala kulantay Aqalka Congress-ka ee Maraykanka, oo ay ku eedeeyeen Yuhuud naceyb. Dagaalka Qasa ayaa bishii 7-aad socda ayadoo ay Israa’iil sii waddo duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee ay dadka rayidka ah ku hayso, islamarkaana uu maraykankuna taageeraha ugu weyn ee hub iyo dhaqaaleba hagar la’aanta u siiya maamulka Israa’iil. Source: goobjoog.com
  17. Borama (Qaran news)-Siyaasi Cawaale Shirwac oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa saluug ka muujiyay lacagta halka milyan ee doolar ee xukuumadda Muuse Biixi u qoondaysay dhisida dekada Lughaya, waxana uu nasiib daro ku sheegay in madaxweynahii hore ee Somaliland uu lacagtaasi ka aqbalo xukuumadda oo uu la shir miyaado gobolka Awdal. Hadaba Awaale Shirwac oo hore wasiir uga soo noqday xukuumadda Muuse Biixi ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa X ee ahaan jirtay Twitter waxa uu u dhignaa. Waa ayaan darro in Madaxweyne Riyaale aqbaley inuu fariintan gaadhsiiyo Deegaanka Awdal. Hal Million$ #Hal #Milyan oo Doolar waa kharashkii ay dawladu ku bixisay biyo xidheenka yar ee mid ka mid ah tuulooyinka SOMALILAND. Kani maahan tilmaan dhab ah, waa # KHAYR LA’AANTA ugu yar ….. Awale.I.Shirwa. @Awale11 It is unfortunate that President Rayaale has accepted to convey this message to Awdal Constituency. #OneMillionGate$ #One #million dollar is the cost government paid for small Dam in one of the SOMALILAND villages. This is NOT a genuine GESTURE, it’s #DISRESPECT the least Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka taagan xaruntii hore ee Dab-demiska ee magaalada Muqdisho. Dhulkan oo ay amartay dowladda in laga guuro ayaa waxay adka degan qaarkood si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu qasab ku raro dadka shacabka ah ee degan dhulkaasi maalinta berri ah ee Sabtida. Thaabit Cabdi ayaa dowladda usoo jeediyay in aysan qasab uga rarin dhulkaasi shacabka degan, isaggoo ku taliyay in xiisadda taagan lagu dayo saddex arrin midkood, si xal-waara loo helo. Hoos ka aqriso qoraalka Thaabit; Haddii dhulka dantaguud dowladdu leedahay, dowladnimaduna soo shacabku ma lahan? Hay’addaha kala duwan ee Dowladda dhul danguud ah wey u baahan karaan si loogu adeego shacabka balse waxaa loo maraa nidaam madani amma rayit ah si xal-waara loo helo oo ah sida soo socota: 1. In isla dhulka dantaguud loogu baahday laga cabiro dhul loo isticmaalo dantaguud dadkana lagu deegaameeyo dhulka kale ee soo hara. Sow Boolisku ma ahan saaxiibka iyo ilaaliyaha shacabka?. 2. Haddii uusan dhulka qaybsami karin, in dhul kale shacabka meesha dagan lagu deegaameeyo. 3. Haddii la waayo labbada xal ee 1 & 2 in shacabka meesha dagan la siiyo magdhaw maangal ah si shacabka aysan isla magaaladoodii la-barakiciyayaal ugu noqon. Waxaan rabaa inaan si dareen leh u xusuusiyo madaxdka dalka dhaqaale xumida guud ee caalamka ka jirta, haddana shacabkeena badankii waxay maanta la daalaa-dhacayaan dhaqaalo xumi aad u daran, kuleylka bisha April-na u sii dheer tahay ee aan ahmiyad weyn siinno bad-qabka iyo daryeelka shacabkeena. The post Thaabit oo saddex arrin midkood kula taliyay dowladda inay ku xaliso xiisadda taagan appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) — Türkiye is poised to embark on a significant offshore oil exploration venture in Somalia, planning to commence deep-sea drilling in 2025, Turkish Energy and Natural Resources Minister Alparslan Bayraktar announced on Friday. This initiative follows a strategic bilateral agreement to bolster their partnership through energy development. Source: Hiiraan Online
  20. Goojacadde duhurnimadii 25/8/2023. Sanadkii 2004 dagaal ayaa ciidammada Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray Adhicaddeeye. Dagaalkaas wuu joogsaday kaddib markii labada dhinac la dhexdhexaadiyay. Dagaalkii Kalshaale sidoo kale wuxuu ahaa mid Somaliland u sahlay inay ciidankeeda iskugu geyso Kalshaale iyadoo aan innaba ka cabsanaynin in dagaal uu kaga furmo Laascaanood ama duleedkeeda Bari iyo Galbeed. Kala qeybsanaantu waxay ahayd awood ay Somaliland ku joogtay Laascaanood, laakiin markii Janaayo 2023 dadka Laascaanood kacdoon sameeyeen Somaliland si fudud ayaa looga saaray Laascaanood, kaddibna waxay ciidammadeeda ka guratay Tukaraq iyadoo ka cabsatay in weerar uu kaga yimaado Puntland. Talada ugu badan uu Muuse Biixi helayay waxay ka imanaysay caaglayaal markii dambe is dhiibay. Cabsida ugu weyn soo foodsaartay ciidanka Somaliland waa iska caabbinta ay kala kulmeen dadka Laascaanood oo diyaar u ahaa inay ku dhex dagaallamaan magaalada. Somaliland waxay dooratay istaraajiyad duqeyn ah. Muuse Biixi intii uu dagaalkii Laascaanood socday wuxuu qaatay mowqifyo kala duduwan oo ku salaysanaa xogo qaldan oo uu ka kala helayay dad aan xaaladda dagaalka si dhab ah ula soconin. Nin Muuse Biixi ugu tagay hoygiisa kana mid ahaa raggii ka soo qaxay Muqdisho 1991 ayaa ku yiri: “USC dhowr degmo oo keliya ma qabsanin markay Muqdisho soo galeen Diseembar 30, 1990. Waxay haysteen Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduuud iyo qeyb ka mid ah Mudug. Sidaas darteed dib u gurasho iyo xal siyaasadeed baa u bannaan Somaliland haddii kale colaad sokeeye oo aan la mahadinin baa dhici doonta.” Biixi wuxuu taladaas kaga jawaabay mowqifkisii caanbaxay : “Furaha nabadda aniga ayaa haya”. Intaas waxaa dheereyd inuu dunida u sheegay in Al-shabaab ay Laascaanood ku sugan tahay. Dagaalkii Goojacadde kaddib Muuse Biixi wuxuu si cad u taageeray in ciidan beeleed Togdheer laga abaabulo isaga oo og in tallaabadaasi tahay hurin colaadeed ka sii daran mowqifkii uu beesha caalamka u sheegay markii diblomaasiyiintu ka codsadeen inuu joojiyo duqeynta Laascaanood: “Xal laba dal uun baa keeni kara in Somaliland ay joojiso duqeynta Laascaanood.” Dagaal cusub oo Muuse Biixi ku soo qaado dhulka SSC-Khaatumo wuu ka duwanaan doonaa kii 2004 iyo kii 2023. Labadaas dagaal hal furin bay ka socden. Dagaal gardarro oo Muuse Biixi iyo ciidan beeleedkiisu soo qaadaan wuxuu si ballaaran uga dhici doonaa Togdher, Sool, iyo Sanaag. Ciidammada SSC-Khaatumo may weerarin dhulka beelaha maamulka Somaliland taageera markii uu dagaalkii Laascaanood socday. Waajib saaran ayuu ahaaa oo ay guteen inay colaaddu heerkaas gaarin. Haddii ciidammada Somaliland iyo kuwa u abaabulan hab beeleed ay dagaal soo qaadaan waa inay Somaliland u caddahay in dhabbahaasi yahay mid ay dhiigga iyo hantida dad Soomaaliyeed ku bannaysanayaan. Wuu ka duwanaan doonaa dagaalladii hore waayo dadka la soo weeraro ayaa xaqa ku taagan oo naftooda iyo hantidooda difaacaya. W.Q. Siciid M. Sheekh Cali, Laascaanood The post Sidee dagaal 2024 Dhexmara SSC-Khaatumo iyo Somaliland Uga Duwanaan Karaa Dagaalkii 2004? appeared first on Puntland Post.
  21. Mogadishu (HOL) — The Federal Government of Somalia is urging an immediate stop to the tribal conflicts in the South West, which have recently escalated, causing significant losses of life and property. Source: Hiiraan Online
  22. Saddex carruur ah ayaa ku naf waayey daad kasoo rogmaday Roobab xoogan oo ka dayey deeganka xididaalay ee Degmada Laasciidle ee Gobolka Saaxil. Roobabka ayaa gelinkii dambe shalay iyo habeenimadii xalay ka dayey deegaankaasi Gudoomiyaha degmada laasciidle Aadan Cumar Cali ayaa noo sheegay inay daadkan oo kasoo rogmaday buuralayda koonfurta laasciidle inay sababeen dhimashada 3 caruur oo ku suganaa gurigooda oo kuyaalay baadiyaha deeganka xididaalay , sidoo kale waxaa sheegay inay doodku qaateen xoolihii oo kujiraan Awrtii la raran-jiray . Waxa uu intaasi raaciyey inay daadkan ka badbaadeen ilaa shan qof oo kale oo ay qaateen , gudoomiyuhu waxaa sheegay inay wadaan tira koob ku saabsan khasaaraha roobabku u gaysteen dadka reer guuraga ah ee deeganadaasi. Source
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up