gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. It is,, saxiib waa xoriyadii koonfurta iyo is raacii koonfur iyo waqooyi waa maalin laba jeer qiimo u lahayd shacabka xalaashaa Baryahanse waxaa nagusoo batay casaabad jecel kala qoqob iyo heeso aan nuxur lahayn saynta ha la ruxo igu dayo iyo calanyahow cagaarani iyo biti biti aan kala go'lahayn wax macnaana samaynayn.
  2. marka mesha umu tagin in uu dhufeys noqdo asaga ba danihiisa u tagay Waa runtaa indho u rooney, asagaa danihiisa u tagay balse meeshu waa qaab beeleed maahan qaab aqooneed waxa isku meel fadhiisanaya asaga iyo sakiin labadana waardiyahoodu UN,kaa mushaar siiya marka arintu saa tahay waa isku aqoon Hadaba si aan aqoonyahanka loo fashilin mid dalkiisa jecel sida labada shariif in loo soo xulo ayay iila muuqataa.
  3. Wuu yahay adeer lakiin dad aqoonta saa'idkaa leh kayd baa laga dhigtaa dhufayska lama geeyo.
  4. Aqoon kastuu leeyahay bari baad maqlaysaa adiga iyo sakiin isa soo raaca iyo nairobi si degdega waa shaqaale UN Tan kale intaas oo shahaada ninka wata see walaalheen puntland muqdisho ugu aamineen?
  5. Tahniyad iga gudoon eebow,,markaad koofiyadii tuurtay yaan dareemay inaad wax damacsatahay awlaad suuban iyo caafimaad bi'idni laah
  6. Waa war wanaagsan kii guryaheenii nagu celiya allaha ka dhigo
  7. Godkii kalshaale hadii la aasay maxay tahay nabadaan faraha badan oon loo kala hadhin gogasha widh widh iyo tan kalabaydh tan tuko raq? xagee buraashadu ka daloshaa?
  8. Sakiin doqon maahan saxiib,, wuxuu doonayaa nin wax iibin kara sida ruug cadaagii cabdi shakuur iyo ibi cabdi wali batrool haka baadi doono puntland haduu mutacalin yahay
  9. Shacabka somaaliyeed waxaa la gudboonaan lahaa siday u muujiyeen midnimo inay kusii wadaan ilaa wadanku xor noqonayo iskana tuuraan labada madaxweyne iyo barka iyo golahan afrikaanka u xiran.
  10. waardiye la'aan saaxiib labo habeyn bilaa waardiyuu seexday
  11. Somaalidu sanadahan danbe waxay la mid yihiin ninkii waalaa oo la yiri war aqalka ha gubin oo ku jawaabay hadaadba ii sheegteen nin habar iibiyay baa mid oday iibiyay ku qoslaya!!
  12. out of the four in 4.5, Two clans compete for the presidency, which ever wins appoints the other as prime minister. sir naxar labadan reer waa koonfur hal boos waa inay qaataan mar hadaan buradii iska goynay dad diin fiican isku raaci waayay qabiil isku raaci maayaan taas looma fadhiyo Waxay iigu muuqataa si dadka wanaagsan ee reer waqooyigu dhabankooda ciidda uga tiraan in loo magacaabo pm ugana kaaftoono in ugandha waardiye u noqoto
  13. Awood qaybsigii soomaalida loogu taliyay kursigaan farmaajo iyo puntland iskama lahayn markii horaba labadu waxay hoos tagaan koonfurta madax weynahooduna waa sheekh shariif walaalaheen waqooyi galbeed ayay ahyad in loo magacaabo qof karti u leh si koonfurtu jeclaysiga faraha badan uga gudubto dawladu waa naaso badan tahay hadii istiqraar iyo nabad la helo
  14. Damac siyaasadeed waa tan sheekhii iimaamka ka dhiganay meshaas dhigtay cabdi kariin iyo farmaajan waa la mid siyaasadu tol ma leh waase qayb cusub oo nagusoo koradhay ninkii wax un dhaqaajiya ha la taageero adigoon u firinayn xukunka awoowgay baa laga dhaxlay iyo reer mooge kursiga yaan la dhaafin, dadku waa sinmaa la kala hormaraa hadana lakala danbeeyaa. waxaa kaliya oo ceeb ah kursi qaran ku fadhisso adigoo been ku dhaartay
  15. allaha u naxariisto inaalilaah wa ina ileyhi raajucuun sourse voa news
  16. Waa arin aad loogu farxo runtii inaad aragto shacab taageeraya ninkii ay u arkeen inuu wax u qabtay oo qabiil ka gudbay mashaa allah sawiradaas rajo fiican baa ka muuqata Tan kale qurba joogtu wakhtiga hadda lagu jiro pm kama noqon karaan somalia aragtidayda, waayo? Isma keeni karaan dad ka aqoon badan oo wax kusoo bartay somaaliya 20kii sano ee lasoo dhaafay, meeshu waa soomaaliya maahan australia dimocaracy iyo resign lagama yaqaan qaybta saxanka saaran waa 4.5 intaad qaado raadinayso baa rag gacanta uga dhargi!! Sharci dajintuna waa is baaradii shacabka 20kii sano ee lasoo dhaafay 550 aan mushaar qaadan dhawr bilood iyo cashier koodii, ajandaha ay ka doodaana waa owood qaybsi iyo dabar goynta shacabka. waxaan sugnaaba waa pm cusub aqoon fiican leh wadanka dibadiisana aan ka iman si loo helo siyaasad dheeli tiran. Akhuukum fillaah gooni, wabilaahi towfiiq.
  17. Guurku waa daawo xididada dareenka u fura si firfircoon marka laga bilaabo kan xanaaqa ilaa kan farxadda luqmaan al-xakiim waatuu wiilkiisa kula dardaarmay inuu dumarka guursado waxaa lagaa reebay inaad guursato sagaal dumara oo kaliya Inta kale hadaad ka dareento wadnahaaga wax qabow markaad aragto isku day inaad iska hubsato oodan markiiba go'aan ku gaarin inaad xuurto goyso. Imaanka ugu hor mari sokeeye iyo shisheeyaba,ku dooro dhawrsanaanta iyo amaana dhawrka asluubta iyo xishoodka waa xagga inanta. Wiilkana sidoo kale waa inuu sharuudo badan kasoo baxaa, ina adeertaa haddaad nalka u shido wax dhiba kuma jirto inkastoo hadaad soo wada dhaqanteen inay suurto gal tahay inay kugu qososho markaad shaarka la baxdo halka tan kale xishood iyo cabsi kugu sooryaynayso
  18. Snm ciidanka ka dhintay waa reer laas caanood puntland waa sidoo kale xaabsade iyo ina cali shiraa isu dhaartay, afar iyo tobanka garaad may shacabka u taliyaan? mise maalin walba inay janaaso ku tukadaan bay ka door bideen?
  19. faroole haduu ka tagey rajo ma leh,,,, bal tan xigtana aan eegno!
  20. Alla maxaan isla yaabnay,, ina adeer nin dun fiican oo soomaaliya inay tahay waa kaa muuqataa balse dhibka jiraa wuxuu yahay dadkii fiicnaa sidaadoo kale waa la marin habaabiyay wax yar baa kasii danbeeya waxaa loo akhriyay inay somaliland yihiin kana duwan yihiin kuwa madmadow oo koonfurta ku nool makula quman tahay in hargaysa iyo garoowe laga xuso dhalshadii tigreega waliba kugu amraan inaad afkooda ku heesto si ay u qoslaan. geesigii reer w/galbeed 77 dhulkiisa iyo dadkiisa u geeriyooday eed soo xustayna cidina ogayn walow aad tahay qofkii ugu horeeyay oo xataa soo hadal qaada
  21. salaan ka dib Aragtidayda waxaa ila quman guurka fog tan sokeeyaha waxaa laga yaabaa inay kugu fiririqlayso ama walaal kaa dhigato ama sidoo kale xagga ninka Guurka shisheeyaha inkastoo soomaali oo dhan sokeeye tahay waxaa idinka dhexeeya caqid ama heshiis inaad nolasha qaybsataan kaliya hadii ilaahay awlaad keenana ayada ama asaga ayaa sokeeye isu ah.
  22. Qudbado dheer oo ku saabsanaa xiriirada Itoobiya iyo dalalka geeska, kaddib ayaa guddoomiyaha barlaaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamuud Xirsi wuxuuna aad ugu bogaadiyay Dowlada Itoobiya hormarka ay gareen 20-kii sano ee lasoo dhaafay . puntland markaas ma dalalka geeska afrika ee dariska la ah ethopia bay ka mid tahay? may sida walaalahood waqooyi ayana isaga dhawaaqaan jamhuuriyad yaroo fooxa iska shidata hadayba siyaasad dibadeed gaara leeyihiin Waa shacab loo tashaday markuu tashan waayay malez qaarna ha laayo qaarna hees tigree ha baro
  23. Hadii laysku dayo in la heshiisiiyo inta is magac beena taqaan, waa arin wanaagsan lakiin gogosha yakoyako ha laga dhigo si marti soor fiican loo helo.
  24. Runtii waxaa wax laga xishoodo ah,wax laga naxo,wax aan la qaadan Karin ah in Somaliland ay Shirkaas ka qayb gasho,kagana qayb gasho meeqaam la mid ah kan Galmudug –Puntland –Xibin iyo Xeeb iyo Ehlu-Sunna –Wa Jamaaca. Waxaa la yaab,amakaag iyo Afkalaqaad ku noqotay Shacabka reer Somaliland,gudaha iyo dibada in iyagoo weli ku guda jira dabaaldegii 20 guuradii ka soo wareegtay gooni isu taaga Somaliland Inay hor fadhiisato:D,,20 sano ka badan dadku foosta daloosha biyo kuma shubi karaan!! garashada shacabku wey soo noqonaysaa si tartiib tartiiba.
  25. Dib ugu noqo dulucda threadka anagoon is xiijin hana lakala gar qaato Dadkii lagu xasuuqay dila qabuurahoodii snm waxay ku talisay in xaflada 18ka may lagu kor qabto casaabadii xasuuqdayna faataxada ha loo maro waa mujaahidiin somaali kasoo go'daye,,arin gara maahan caadifad yaysan idin qalin daarin.