gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. alxamdulilaah indeed war miyiga roob maka daáy roob magaalo ku hooray ramaas sooma baxshee laamiguu ku raftaa soomaadan maqlin jirin
  2. gooni

    Garowe town

    nabaddu wax fiican bay dhashaa iyo hurumar
  3. khudaartaba saxaraa lagu kor abuuraa;)
  4. Gobolka banaadir wuxuu ka koobnaa ilaa 13 degmo sidaad doontaan u xasuusta xataa xasuuso dariskaagii inaba qabiil waa ka fogeyd,markaad guri iibsanayso yaa dana xaafadaan waligaa maadan maqal markii qabiil yeeshayna waxay noqotay caasimadda ug fool xun aduunka uguna sumacadda xun waa inaan arintaas daris nagu filan ka qaadanaa,,,kow Muqdisho waa dhul saxo fiican xagga hawada waa barwaaqo wax kasta oo jeebkaaga ku jira waxbaad ku cuni kartaa,waxaa ku xeeran gobolla qeyb ka qaata barwaaqadda taalla xamar sida shabeelada hoose iyo sh/dhexe oo aad garan kartaan nimcada taala Kii gurigisa ka qaxay asagoo caga cad baa barwaaqadii la tagey wuxuu la'aaday xeryaha qaxootiga kenya,sababtoo ah walaalkiis waa u dhadhami weyday nimcadii uu ka cayrsaday wuxuu yiri aleylahe barwaaqo waxay taala kaakuma meeshaan baas isaga carar wuu ka daba yimid asagoo asna caruurtii wata garaamkii qaxootigaa daris lagu noqday mar kale mashaa allah Caasimaddii quruxda badnayd geedo booc iyo cali garoob baa is qabsaday bahala cigooda la garan waayay baa fiidkii ka qayliya ama ka ciya taasu waxay ku tusinaysaa inaan qabiil qaran noqon karin waligiis 13 degmana kaligiis ku noolaan karin hadda waa xamar oo kaliya ogow hadaba su'aashu waxay tahay ninkii xamar deeqi weyday see kismaayo u deeqi kartaa? ninkii jowhar deeqi weyday see baydhaba u deeqi kartaa?anaa iska leh maxay macnaa oo samaynaysaa hadaadba qaxooti ka tahay? su'aalahaas geel jire badan baa is weydiiyay waxayna go'aansadeen inaysan qabiil iyo dhul isku dilin mar danbe dhibku wuxuu ku haray mutacalin qaxooti ah.
  5. Waxaan idiin hayaa mid azania iyo bazania dhaanta yaa dhalin yaro waa fikir alle ogyahay inuu iga dhab yahay iy in kale:D dhulkan nin walba 2mitir buu ku leeyahay meeshuu doono aduunka hakaga yaalee. Waxaan kaloo soo arkay dad wabi iyo geedo waaweyn hoos fadhiyi jiray oo hadda aan u baahnayn barwaaqo aan nabad lahayn oo ka doortay bac UN ku ugu deeqay iyo qorax aad u kulul. haddii caqligeenu ka bixi waayo in cid walba meel meegaarato qabuuraan kor fadhiyaynaa waligeen caruurtana ayagoon la afgaranayn baa yamen ama talyaaniga lagu waraysan ayagoo diif leh,waa hadayba nabad tagaan!!! Waxa kaliya oo arintaas ku heli karnaa dawlad adag iyo daacadnimo si aad u kala doorato meeshaad kaga noolaan lahayd dalka ilaahay kaa siiyay aduunka adigoon meelnaba qariib ku ahyn tusaale,,, qabiilkaygu meelo badan buu ka dagaa somaaliya, kaan qabiilkaaga ahyna sidoo kale, su aashu waxay tahay see u egyahay qabiilkaygu? luuqadee ku hadlaa? maku nabad galayaa asaga dhexdiisa? siday iila muuqato ha la'isu tanaasulo waxeenana aan isku walaaqano.
  6. Waxaan filayaa in afka maygu inuu yahay af soomaali fac weyn mana akhrin maqaal may ah ama sheeko dheer oo erayada mayga ku qoran. hadda ka hor maqaal uu qoray nin soomaali ah oo aan akhriyay ayaa wuxuu yiri berigii ololahii reer miyiga ayaan tagey tuulo xoogaa durugsan oo dhaxaysa buur hakaba iyo baydhabo wuxuu maqaalkiisa ku sheegay inuu tuuladii cid ka af garan waayay oo uu markii danbe helay nin oday ah oo af carabi fusxi ah ay isku af garteen, runtii ma rumaysnayn in heerkaa lahjada mayga loo garan waayo Waxaan kale oo aan doonayay inaan ku darsado mowduucan kobcinta afka soomaaliga magacyada raggii hore ee soomaalidu la bixi jireen oo la yaableh markaad u fiirsato waayo wax kasta oo dhaqaaqa oo noole ah waa loogu magac dari jiray duur joog kuwo xamaarta kuwa duula kuwa aan dhiigga lahayn dabeecadda geedaha hakal reebin wax kasta,,, Carabtu inta badan waxay isugu magac daraan xayawaanka quruxda badan ama dilaaga ah sida Fahad,nimir,saqar,asad qasaali iwm,oo la mida haramcad,shabeel,glayr,libaax,deero iwm. U fiirso somaalida magacyadooda Waraabe, good, shabeel, kaneeco, dhuurcas, jirac, dabay,l rooble, maygaag, xoor, baarqab, abees, malow, kaluun, iyo kuwa kaloo aan inaba lasoo koobi karin,waxaa kasii cajaa'ib badan intaas oo magac luuqadeena magac la dhibsado kuma jiro haduusan ku qotomim noole diinteenu xaraamaysay, iyo dameerka oo aan garan waayay waxa lagu maagay ahna noole qiimo badan xagga samirka ama dulqaadka daki nimada garashada oo kama lumo gurigiisa iyo dariiqiisaba aadna u manaafacaad badan,,,,intaasu waa qayb yar oo aan u fiirsaday dhaqankeena guunka ah. salaam
  7. ilaahay ha u naxariisto,,,,, tan in geed la harsadaba la isuma ogola!!! duq iyo sheekh iyo aqoonyahan,bir amgeydaadaaba ugu horaysa wax la dilo
  8. :D,,,,, jacaylbaro waa nin soo gubtay
  9. waxaa la yaab leh raggaas meesha ku sawiran nin kheyr loogu duceeyo ku leh umadiisa kuma jiro, marka laga reebo nin kaliya oo aysan ahayn inuu ku sawiroba meeshaas!
  10. SNM haday ka fursan weday inay cid xusaan waxay ahayd inay xusaan USC odoyaashaan masaakiinta ah alaha u naxariistee inaysan dal xorayn wey ogyihiin. Ma markii caasimaddi somaaliya gacanta ka baxday baa mujaahidiintii lasoo ururiyay? wakhti fog oo lagu wareeraba maahan.,,, W aa talo wanaagsan hadii taariikhda kufsiga laga daayo:)
  11. Soomaaliya dadka waalan iyo dadka fiyow makala soocna dhakhtarka xagee ku yaal? hadda ka hor baan nin waalan laygu yiri ninkaasu dad buu laayay dhabarka surwaalka ku wata. sanad ka dib baan magaaladii ku noqdaymaraasuu isoo ag fariistay asagoo qori wata oo la yiri waa la quraan saaray hadda waa roon yahay shaahiiba waa iga dagi waayay!!! intii wax ku noqotay allaha u fududeeyo
  12. warar hoose yaan ku maqlay in mahiiga doonayay markii horaba in shirku ka dhaco hargeysa lagana dhigo shir wadanka gudihiisa ka dhacay kii ugu tayada fiicnaa balse jamhuuruyadda riyadu dhexdooda wax ka si noqdeen,,, maxaad kala socotaa arintaas hadayba jirto?
  13. shirku haduu wada tashi yahay faroole iyo siilaanyo sow kuma filna ayaga mushaarkooda ma sacuudigaa bixiya? mar hadii tfg dagaal ku furan yahay sow ma ahayn in loo kaadiyo?
  14. Toloow Farmaajo yaa la taliya? Not that I support Maamul-goboleedyo, balse waxay runtu tahay Ximan iyo Xeebo controls more than he does. Therefore inuu la fariisto muxuu ku diidey? maxaa dhacaya haduusan ka qayb galin shirkaas? yaase lagu heshiisanayaa aragtidaada? maxaase kasoo bixi kara? abwaanku waakii wax odoresee! mar haday QM dawlad soomaaliya dawlad u dhiseen sow xaq uma laha inay arimahooda u madax banaanaadan ugu yaraan ilaa xad mise arinku waa cidii dhakh ogol halala dhakh leeyo?sida indho jacaylba noo sheegay.
  15. maraykanku wixii amini qowmigooda ay uga baqaan kumanaan mayl bey dad riyada ku xasuuqaan weyna ogyihiin in hadii kaynta libaax laga waayo dawaco wax maamulanayso.
  16. Aan qaato qaybtii geel jiraha maadaama aan kaligay ka joogo Ragga doonaya in la qayb qaybsamo waa kuwa aan waxba ka aqoon somaaliya. waa nin aan baydhabo ku dhaxamoon canabna ka cunin waa nin aan harsan geediihii gedo gaarina kula silitayn. waa nin aan kismaayo shirinbis ama ganbari ama rubiyaan loogu shiilin waa nin aan xeebtii liido ku dabaalan iyo abaay dhaxan waa nin aan hiiraan geedihii baarta ahaa qoone ka tuuryaysan waa nin aan mudug subag idaad ka kaban waa nin aan daawan fardihii nugaaleed oo banaan daaqaya waa nin aan bari maraq kaluun dhidid ka keenin waa nin aan buurtii daalo dusha uga baxin waa nin aan sayladii burco rati ku gadan waa nin aan hargaysa ku qayalin markuu marqaaman mujaahidow loogu yeerin waa nin aan boorame wax ku baran jeebka korana qalin gashan dadnimadu waxay ku jirtaa midnimo cadowgeenuna waa midnimo diide. waxba macna ah samayn mayso laan laan snm lagasoo min guuriyay.
  17. QUOTE]Waad i tidhi, you even brought that in-love old man with you On a serious note, I don't follow a person(Shariikfa in this case) for ever! How about you? ;) Saaxiib mr SACK gabadha dadnimaa ku jirta ragna ookiyaalay u gelisay kuwii ugu dheerdheerana daaqaday ka tuurtay,jacaylkaygu waakaas un:D tan kale nin saas u weyn ma ahi waagii carabtu xamar ka baxaysay 91kii nin yar baan ahaa oo gacanta lahayo reer mudug nimadaydu yaysan kula tagin.
  18. Afka maygu waxaan maqlay inuu yahay asalkii oo kasoo unkumay afka maxaad tirigu. Waxaase nagu filan in uusan ahayn af meel kale ka yimid oo yahay afkeenii hooyo oo un lahjada kalmadaan isku day inaad maxaad tiri u fasirto. wala adi sheegte garadow wali ani sheege may in garodi wayti
  19. Taleexi abtiyasha na diday inad weel wax kula cuntiid , tolka na waad diiday inad marakibta calaamka la so wiishdhacdiid. war yanay haraadku taleex kugu dilin eeh meel uun raac. Anigu uun ba ka naxaya eeh :D,,, hadaadan soomaali diid ahayn waa la hubaa inaad wax wada cuni lahaydeen,,faraska har gee talexow xiligu waa abaare.
  20. fanaanku/ fanaanadu miyaanay ahaan jirin kuwii nabada iyo wanaaga ka talia, ee umada isku keena. Ma'ahaan jirin kuwii dadka isu keena hadaysan hadda ka dib noqon weligoodna qabiil kama aysan lug bixin tusaale m'ed mooge hadraawi cabdi qays sangub magool intii dhimatay allaha u naxariiisto lakiin guubaabada qabiilka mar walba waa jiri jirtay.
  21. Reer barigu markay xanaaqaan waxay oran jireen boowe sagaar ma haysaa:D Somalina nin ingiriis yaqaan inuu iga hor jeclaanayo waan ogaa!!
  22. Cilmi alaha u naxariistee waxaa ku dhacay cudur aad u adag oo ilaa iyo hadda ay adag tahay in laga dhaadhiciyo dadka in loo geeriyoodo jacayl. Sababtana waxaa keentay baan oran lahaa in dadka rumayn waayaan, meesha dhabta ah oo xanuunku hayo oo aan la garanayn iyo cid kale oo jacayl u geeriyootay cilmi gadaashii oo aan la'arag,kolay buug kale laguma qorin xataa haduu jiro. Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo Oo qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane Waxaan filayaa in cilmi ishuusu wedkiisii ku dhacday mar hore oo uusan daawo lahayn markuu tixdaa mariyay. Hadii maanta nin isoo hor fariisto aniga qudhayda oo yiraahdo nin yahow jacayl baan la il daranahay waxaan oran lahaa dadaal nin yahow gabadhaas aad jeclaatay allaha ku sahlee haduu igusoo noqdo oo yiraahdo nin yahaw waan u caal waayay waxaan oran lahaa dadkaaga dhinac ka raac maaliyiin gabdhood oo soomaaliyeed oo lugaha dhulka ku jiidaya waayi mayside,haduu mar sadaxaad igusoo noqdo waan garan lahaa in wedkiisu galay. Cabdi gahayr gabaygiisu waxa uu kasoo miiray af soomaali qani ah, habka uu wax u tusayana waa luuqad kale oo aan sahal lagu baran karin. Erayada waaweyn ee ku jira gabaygiisa waxaa ka mida 1-gaygayn 2-gasiin 3-gudgude 4-gufaaco 5-gufays 6-gibil Noo soo fiiriya erayadan markaad wakhti heshaan. towfiiq bi'idnilah
  23. wali waa Geel-Jire adeer geel jire cay maahan waxaa cay ah ninkaan geel lahayn oo caydh ka doortay:D
  24. Sideedaba soomaalidu weligeed dhib kasto oo ay soo marto darsi kuma qaadato waana sheyga kaliya oo aan aduunka uga duwanahay aragtidayda intii wiilal dhalin yaro ah god loo laalaadiyay abaabul qabiil bey ku dhinteen magtoodiina hay adaha sama falka waa laga waayay. Magaaladan waxaa la yiraahdaa qabuuro badan professorka waxaa u roon inuu dowlad wax ka raadiyo qabiilna ka fogaado sida ugu dhakhsaha badan waa nin taariikhda bartay wax ka weyna laga sugayo,haduu goday ku dhashay iyo hadduu kismaayo ku dhashay waa isku mid waa dhul somaali, kii xorta ahaana soomaali ha isku disho kii gumaysigu haystayna dhaanto ha loo ciyaaro wax meesha qabta maahan,,,bataatan bey tiraahdaa carabtu:D