gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. War Xaajiga ha la daayo.... Abtigaa nin fog maahan lakiin marmar baad arkaysaa asogoo kabihiisi ceelka la dhex galay.
  2. gooni

    Awdal state

    Gudiga Qaban Qaabada Maamulka Awdal State Cumar Ismacil Maxamed oo dagan Dalka Canada. Xidhiidhiyaha ayaa war bixin buuxda naga siiyay halka ay marayso qaban qaabda Xaflad loogu diyaar garoobayo Mamaulka u gooni ah Gobolada Awdal Iyo Salal. Mudane Cumar ayaa ku nuux nuux saday sida maanta ay Shacabka Awdaliyo Salal baahi ugu qabaan inay helaan Maamul ay iyagu u madax banaan yihiin. Mudane Cumar ayaa noo xaqiijiyay in Xafladan Balaadhan ay ka dhici doonto inta badan daafaha aduunka . Dadkii dalka lahaa waxay doonayaan inay tashadaan.
  3. anigoo ka dhigtay cuwaafo aan jidka ku sii maro. Erayga cuwaafo oo aadan ku darin kuwaad calaamadisay baa igu cusbaa macalin inta kale waan qiyaasi lahaa:) cuwaafo markaas ma sahay bay u taagantahay?
  4. Ilama ahan inay reer sool qori u qaadanayaan ay ku laayaan shacabkooda laga yaabee in balwadu dhanka waqooyi tusto ayagoo nus jawaan jaada cunaya, qiiq badana afka kasii daynaya sidii doon dhuxul wada ,,, si kastaba dhaqanku waa is geyaa!!!
  5. la socodsiinayaan budhcad badeeda iyo argagaxisada isku uruursaday gobolada bariga ee somalia oo ku gabanaya isirnimo si ay u wax yeeleeyaan nabadgalayada Geeska Afrika sida somaliland iyo Ethiopia Ina mitchel waa nin tol ah codsi fiicana waa loo gudbiyay.
  6. Ana waxaan u malaynayaa in ereyaduna sidan yihiin 1-mayraq,,, waa seedda isku xirta jeegaada ama qadaadka oo dhabarka ku teedsan ilaa misikta 2-musanow baroor dareen (laa samaxalah) 3-miscilil waxaan filaayaa inuu yahay ooda kore oo xoolaha markii la xareeyo iridda hore afka laga saaro. 4-magool waa marka dhirtu ubixiso ama ubuxu wada dilaaco 5-mir iyo mahiigaan waa laba eray oo kala macnaa sidan filayo kow, mir waxaad u isticmaali kartaa labo macne,waxaana kala saara hadba santaniska ama oraahda aad u isticmaasho b- miro geed ku yaala ayaan mir kaliya ka goostay (waa hal mir ). t- tan gashay mir iyo mahiigaan waa roob xoog leh oo si is daba jooga habeenkii ku miray mudo badana da'. Hadaba ereygaan mir waa macno badan yahay waxaa kaloo loo isticmaalaa marka xooluha lasoo xareeyo habeenkii qaar ka mida xooluhu wali ay sidii u sii daaqaan ama sii mirtaan. Afka soomaaligu waa hodan aan laga dhargi karin waana luuqad adag barashadeeda sida ay sheegeen dadkii bartay waxaana intiisa badan lagasoo min guuriyay dhaqankii reer guuraaga, beeralayda, iyo reer xeebeedka, lagamana sal gaari karo mid ka mida. Tusaale kale erayga kal-fadhi waa laba eray oo isku dhagan hal macnona sameeyay kal=masagada lagu tumo kal iyo mooye waa macno kale. hadaba (kal fadhi) waxaa lagasoo min guuriyay marka xoolaha xiligii ay biyaha cabi jireen la gaaro ayaa la yidhaahdaa xooluhu wey kallan yihiin oo waqtigii la aroorin jiray ayaa la gaaray,,, waana tan ay kasoo aroortay kal fadhi macnaha fadhi lagu balansanaa.,,bal wax ila tootoosi adana.
  7. Shacabka Somaliland uma codeyn midowgaas way ku gacansaydheen marka midowgi Somaliland iyo Somalia mid sharciyeysan ba ma ahayn xaji xurjuf:) wax garadka waqooyi galbeed somaaliya wey og yihiin in 200km inaysan ku filnayn inay qaadato jamhuuriyad yaroo iska qayisha,,, qalbigoodana uma fiicna in markay burco soo dhaafaan in la yiraahdo xuduudkii somaaliya ayaad iminka gasheen. waxaa kuusoo haray oday axmed diiriye haduu oday soomaaliyeed yahay wuxuu odhan lahaa dagaalka buuhoodle yaan loo isticmaalin sadaqada gaalada, ee wuxuu oran lahaa dabkaan ay walaalaheen snm noo dhiibeen si aan u damino aqoon weynay ee gogol ha noo fidiyeen hogaana ha noo noqdeen, si aan kala dambeyn u helno somaali oo dhana dib u midowdo.
  8. Xaji xurjuf waa runtaa sadaqada gaalada waxaa loogu tala galay in dadka baahan wax loogu qabto ma'aysan oran xududihii 1884kii ha lagusoo celiyo. waqooyi iyo koonfur ayagoo 80 sano kala maqnaa bay goosteen inay midoobaan maalinkaas ayaa xuduud gaaleedkii tirtirmay kan hadda la doonayo waa fitno dadka lagu gumaadayo waxaana loo adeegsaday snm oo cadow shisheeya ka shidaal qaadata,, mar walbana isku howsha xataa koonfurtaas holcaysa inay kaadi ku damiso.
  9. Allaha u naxariisto sheekhnaa calaama cumar faaruuq
  10. in dhaqaalahaasi uu haatan meel Fican ku baxayo dhaqaalahaas dagaal kale ayaa lagu huriyay oo xaduudo aan jirin baa lagu baadi goobay Tan kale haduu axmed diiriye dowlad wax ka yaqaan ma yiraahdeen,,,, hade adeer hadii ilaahay kuu sama ogolyahay gabadhaan labaatan jirka waxay iigu dhalatay shiirkole miyaysan xaq u lahayn inay ku guursato,,snm meel walba naf bay ka raadinaysaa!!
  11. waa sidaad iigu toosisay waana isku mid sidaad u sheegtayba. Maxay somaalidu ula jeedaa laxow iyo lax meel ma wada galaan?
  12. Qof labaad oo dumar ah oo Ciidamada Somaliland caawa ku dileen Magaalada Laascaanood. Posted: March 7/2011, 6:12 pm Qof labaad oo dumar ah oo Ciidamada Somaliland caawa ku dileen Magaalada Laascaanood. Gabadhan ayaa si bareer ah xabad loogu furay kadib markii ay ishortaag ku sameysay 2 nin oo ciidamada Somaliland si ula kac ah xabad ugu fureen. dhimashada ayaa hada maraysa 2 qof oo mid dumar yahay, halka nin dhaawac ah lagu daweynayo farmasi ku yaal magaalada. Qof dhaawacmay ayaan la geyn cusbitaalka magaalada Sababtoo ah socodka magaalada dhexdeeda oo aan macquul ahayn
  13. Soomaali caddaalad ku dhaq way ku yeelayaane, qabyaalada iska daaya ha waydiisan kama helayside. Mar haday qabyaalad doorteen cadaaladna kaa yeeli maayaan talexow waxaase ku haboon meeshaas qabiil iska daa kaa yeeli maayaan waayo qabiilku waxba ma dhibohadaan la qabyaaladayn si kastaba maandeeq waxaa ka dhalin kara doctor magaciisa la yidhaahdo midnimo iyo laba kalkaaliye oo lagu magucaabo cadaalad iyo sinaan. Sunna wal jameeca qabyaaladdu way gali kartaa waana u sahlan yihiin tfg weyba ku dhisan tahay alshabaabna caalamka yaan lala macaamilin xooladohooduna waa xaaraan bay ku caan baxeen. su aashu waxay tahay xagee 3daas fayo dhowr laga heli karaa?
  14. caydiid allaha u naxariistee xukun doon buu ahaa taladaa ka xumaatay mooyee sida snmta gaalo fadhiga uguma heesin.
  15. waxba isla waayi mayno hadaba cilmiga shinbiraha:),,,,,, maxaa farqi ah oo u dhaxeeya sedaxdaan magac shinbirood 1- fiin 2-gallow 3-dhabbad
  16. Odoyaasha iyo curyaamada aan kici karin dhufayska hore baa la siiyaa xeeladaha dagaalka qaabka xun,wiilasha yaryarna markay yiraahdaan adeer ciid kulul baa igu daadatay orod oo is qarxi hadaba baa la yiraahdaa,,, qurbahana waa fadhi ku dirir iyo dhalo ku dirir:) mar dhaw baad hadana maqlaysaa ciidamadii dawladda oo isku xabadeeyay suuqa bakaaraha iyo alshabaab oo villa so. u jira 3km,,, waa ha iska daba wareegto.
  17. Somalia goormay hoogan ka baxaysa? waa su'aal u taalla jiilka adiga kaa danbeeya kuwa kasii danbeeya. Markii laga baxo is xayndaabka ku salaysan qabiilka wax lawada yeesho qiblada si dhaba loogu wada jeesto la is nabad galiyo raggu doorkiisa raganimo qaato dumarkuna doorkeeda barbarineed qaadato somali somali noqdo,,cuqdad hore iyo wax dhacayba laga heshiiyo ciyaalka hargeysa iyo kuwa baydhabo isku manhaj noqdaan bar waaqo iyo khayr waa la gaari insha allah.
  18. geellu wuxuu soo laabaa labadiisa dhagood si qumaati ahna u toosiyaa haduu dareemo libaax ama rag inta kale shaqo kuma lahan sida waraabaha, dawacada, ama dacawada hadba sida aad u taqaan iyo waliba dumarka iwm. ma iga gadatay mise waad igu diiday;)
  19. culimadii way noo soo soctaa insha allah,,,, waxaanse ka dhagaystay muxaadaro sheekh caraba uu qabtay hadda ka hor in wax kasta oo salaadda ku dhaafiya ay tahay xaraam ama kubad ha ahaato ama internet ama sheeko iwm, dharkana hadii uu buumaha ama daba gaabku jilbaha u joogo cawro kama muuqata ragga sidan qiyaasayo,, allahu aclam.
  20. ^^^Rag culus iga dheh ma misaankoodaad ula jeedaa.:confused:
  21. waxba maadan hanbayn toosiyow warkaagu waa mid nuxur leh
  22. Mowliidku waa xasuus wanaagsan siday culimaduba u sheegeen,mar hadii arimuhu diin ku taxaluqaan cilmi baa looga jawaabaa waxay ila tahay masoo gasho, lakiin tasarufka ama sida loo dhaqmo ayaa keenaysa in laysku dhaco khaasatan dadka aan carabta ahyn oo somaalidu ka mid tahay. In tusbax aad uweyn qoorta la gashado subagna la mariyo biilkii islaamaha loo soo diray lagasoo ururiyo luguna yiraahdo ilaahaybaad ugu dhawaanaysaa ee bixiya,xoolo la qasho lays dhex boodo. hadii wadaad fiican ilaahay u keeno oo u sheego dariiq fiican oo lagu xasuusto dhalashadii nabigeena suubban n/n/korkiisa ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inay yiraahdaan waa bidci oo dhiigiisaba la banaysto taasna waa aqoon la'aanta luuqadda carabiga naga haysata laga yaabee in qaarkood joornaal carabi ah kitaab saxa u haystaan!!
  23. Ninkaasu somali oo dhan buu danbi ka galay aad u foolxun SNMna gaal cad u tuuray lama hadli karaan.
  24. Nimankan geedahaa u dhaqdhaqaaqaya ethopia tol ma noqdee may godkay kalshaale ka qodeen iska aasaan,laanta cagaarana foodda ka jartaan ayagoo nabada dhulkoodana jooga. Reer ssc waa dad isku filan cidna waxba ugama baahna nin xaq iyo somali jacayl ku dhimanaya oo dhulkii uu ku dhashay jooga cadow ma lagdo habarna warkeeda iska daa:)
  25. s/land,, iyo puntland labaduba markay siyaad barre maqlaan quluubtooda is jacayl baa kusoo dagta inay midoobaana waxba uma jirto:p