gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Laba macalin ma wada noqon kornee aan wax kula celceliyo dhaqanka miyigana waxbaan ka bowsadaye Ka waran erayga (HAMUUN) waa runtaa waa gaajo ama baahi balse ka duwan gaajada caadigaa tusaale Hadaan inta makhaayad soo galo xili habeyna iraahdo hamuun baa i haysee maxaad raashin haysaan? ama Hadaaan idhaaho gaajo ama baahi baa i haysee maxaad raashin haysaan? Ka waran hadaan iraahdo masoo hamuun tiran saakay? ama Ka waran waan ku doonayoo waan kuu hamuun qabay?
  2. Salaan ka dib macalin erayga JAAN waxaan moodayay inay tahay kabta inta hoose cagtana ma noqon kartaa? tusaale jaantay isla heleen sanqadha ay bixiso kabuhu oo mar qudha isku si u dhawaaqay. Raali ahow waagaan yaraa baanan macalinka waxba weydiin jirine
  3. Reer awdal qabiil qaran isku magacaabay ayay wax ku darsadeen xaq bay u leeyihiin inay xaroobaan,iskana tuuraan maradaas cagaaran oo karfanta looga dhigay.
  4. waan gartay awoowe wixii dhintay allaha u naxariisto waxaa igu maqala in kenyaatigu ka baqeen dhiiqada roobka,marka ciidanka loo soo diray koonfurta ma reer faarax macalinbaa?.
  5. Qabiilka lama diidana yuunisow hadaad agtiisa qoryaha ka jajabsato, wiilkana carabkaa ka boobaye ha dacweyn laga yaabee inaad asagii u dacwootaye, tan kale gedo affrikaankii xagee ka joogaa duqaynta cirka mooyee?
  6. i fahmi maysid seedi intaad indhaha buluugga kor u taagayso
  7. Ragga hubaysanoo dhan sow ciidanka qaranka maahan? ma markaad ingriiska noqon jirtaa la gaaray?
  8. Dumarka loo bixiyo godob reebka ama in dhalasho laysugu daro dadkii wax kala gaareen wuxuu ahaa dhaqan somaaliyeed oo aad u wanaagsan in kastooy adagtahay in laga dhaadhiciyo dadka reer galbeedka la koray Aritan SNM tu waa ku gabasho dhaqan waliba qaawan marxuunkiina waxaa dilay ciidanka qaranka walaashiisna ha la guursado daawo keeni mayso aragtidayda
  9. warkaas waxbaa u dhiman jamhuuriyad yaroo iska qayisha aduunkana laga yaqaan maxay aqoonsi uga doonan shariif sakiin?!
  10. kuunto iyo maharago ma cunto la cunaa?
  11. Hadiiba calanka somaaliya koreeyo waa taalo qurux badan, balse waxay khatar u tahay inayba soo dhacdo oo dad waxyeelayso
  12. allaha u naxarissto intii dhimatay,lakiin qabuuraha faagida halaga daayo iyo garooba tirinta si aan u midowno
  13. Shacabka gaajada u dhintay allaha u naxariisto lakiin arintaanu waa horumar siyaasadeed intii la odhan lahaa madaxweynihii somalia ayaa diyaaradii ka tagtay ama gaari gacan ha loo soo kireeyo waa in la helaa farqi u dhaxeeya madaxweyne gobaleed iyo madaxweyne dhexe,kow Waa in la helaa diyaarad calankii somaaliya wadata haba iska tayo liidate, oo meel un ka muuqata,.
  14. Xogaa boor isku qrina mooyee nina adeerkiis meel cidlaa uga tagi maayo,oba ragiisa sheeduu kola socdaa Ma fududa is dhiibida aweys arigtidayda
  15. Axsanta nabad doonow Mar hadii arinku dhaqqaale yahay gabadha dhaqaalaha leh diyadeedu boqol ma gaarsayaa? sharci ahaan? Bal aqoontaada ajar maqbuula ku badelo insha allah.
  16. soomaali waa reer daba musmaar maxay isu dhaawacayaan haday isu qoslayaan?!!
  17. Bal waxay nagu caawiyaan aan eegno ilaahow jaad haka dhigin
  18. Allaha u sahlo reer sool cida dhimatay ama dhawaacmayna waxaan filayaa inay dadkoodii yihiin, raggii miinada xidhayna waa madax qaran darin cas baa dhulka loo goglay.
  19. General indho cade dagaalka si fiican buu uga qaybqaatay wax dalacaada ma usoo baxday?
  20. Uunrays aa kuday asaan ka daba kuday asow igusoo kuday asaan ka kuday
  21. Mahadsanid akhi kariim, iskuma khaldin diyada iyo dhaxalka aanse kuu jilciyo Matalan hadii qof dil u gaysto qof kale waa in loo qisaasaa ama diyadii laysiiyaa dadkii dhibku gaaray lamana kala saarin lab iyo dhadig Hadaba sidaan maqlay waxaa diyada ninka looga dhigay boqol maahan inuu ka qaali sanyahay gabadha ee waxaa sharci ahaan la fiiriyay xagga dhaqaalaha oo ninku wuxuu qaabilsanaa quudinta qoyska sidaa daraadeed wuxuu noqday boqol Arintii sidii hore maahan,dumarkii waxay isku darsadeen dhaqaale iyo dhaqan, oo markaad fiiriso mujtamaca soomaaliyeed waad garan kartaa qaybta dumarku ka qaateen,hadii dhimasho ku timaado sharcigu boqol ma u ogolyahay? mise arin kale oon jaahil ka ahay baa jirta? ,,jisa kalahu khayr.
  22. Salaamu calaykum marka ugu horaysa dhamaan muslinko oo dhan mubaarak calaykumu shahar. Waxaan jeclaan lahaa inaan idin weydiiyo maxaa dumarka looga dhigay diyadooda ama magtooda nus ama badh halka ragga lag dhigay boqol? maxay tahay xigmada ku jirta? salaamu calaykum
  23. farmara horta soo dhawaw barasha wanaagsan waa gooni guure Lascanod waa dhulkii darwiishka, waa taariikh waa asal, cid somaaliya u malaynmaayo inay qaxooti ku noqonayso Waxaa kaloo jirta xataa hargaysa inaysan qaxooti ku ahayn waa bara kacayaal meeshii ay nabad bidaan nolol u raadsada Markii qaadirada la gaaro ayay qaxooti ugu yeedhaan, wax saas u sii fogna maahan.
  24. it is not a emotional my cute friend,qolo marbaa ilaahay marshada u galinayaa xanjada iska tuf oo si fiican wax u fiiri
  25. bilowgii 87dii in qaxooti maydan ahayn xero laydinku xareeyana balcad kuma oolin Mise arintu waa gabadhii ilmaha dhabta loo saaray ku ilowday xanuunkii ay soo martay.