gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Huuno ilaahay nama nebcee diinta islaamka si fiican u baro inta calaacalka iska daysid,. dadna aduuunkaa looga gooyaa waxay geysteen waana kuwa khayrka badan kuwana dib baa loogu dhigaa xisaabta alle waana kuwa dhibka badan
  2. Anigu hadaan fikirkayga oo hufan dhiibto dadka soomaaliyeed wax ka dhexeeya majiraaniin,ama ma jiro marka laga reebo madax weynayaasha qabiilka Soomaali cusub waxaa lagu heli karaa in meesha bugta la gooyo mar hadii daawadii la waayay su'aashu waxay tahay dhakhtarkee goyn kara? waa diin aqoon waa midnimo,waa kala dambayn waa israac waa dhaqan wanaagsan waa dadnimo,iyo dhakhaatiir kaloo fara badan maahan inaan dhawrano kuwa ubadkeena cuqdad iyo taariikh aan waxba ka jirin ku ababinaya,ugana tagno aduunka ayagoo weli is neceb,dhaxalkooduna noqdo qarax land iyo xuduudkaygu xagee maraa.?!
  3. Dhaawac la daweeyay waa laa shukri calaa waa jib meeshaycarabtu ka tiraahdo wax ka weynbaa looga fadhiyaa siiba ururka haweenka puntland ee gaal kacyo.
  4. Horta allaha naga qaboojiyo dagaal sokeeye wixii dhintayna naxariis Waxaan xasuustaa hargeysa oo la seexan waayay dhagax tuur dumarkii iyo caruurtii sameeyeen,markii hoos loo waraystayna ay dawladii ka gar heleen kuna andocoodeen ragoodii aysan mudo dheer arag meel loo raadiyana la garan waayay,cafis badan idaacadaha laga sheegay oodweyne wuxuu leeyahay stenger baan diyaarado kusoo daadinay hargeysa dhexdeeda war taariikhda camcamiska ha laga daayo Buhoodle wiilal danbe ha usoo dirana waa dagaal xaq daro ah culumo aan snm ahayn wediiya
  5. Taleexi;780172 wrote: Red Sea is headed to the gates of hell. Anna waxaan leeyahay war ka joog..... Xitaa wuxuu naga dhaadhiciyaa Illaahna waa secessionist Somalilander ah. Aragaanee meesha geedigu ku furto. soo adigii lahaa waa abtigay wadaada ma dhaawacbaa burco la geeyay?
  6. Waligay waxaan ku ducaysan jiray ilaahow cagta caqli iigu dar,, aamiin Hadaan profossor taageerayo maxaan ghandi ku diidi asagaaba xuduudka u dhow isku dayna sameeyay Shakhsiyan reer miyi baan ahay siyaasada soomaaliyana waxaan u aqaan haan ratigayga saaran oo la yiraahdo dhagaatiyo xun Macno samayn mayso inaan ka doodno aqoonyahan 20sano idaacad mucaarad ka ahaa,aakhirkiina lasoo shir tagay qaran baan u hiilinayaa,.
  7. ma xorowday? masaajidkii weynaa suuligiisii albaabadii ma loo sameeyay?
  8. Prafossorku waa nin aad u xishooda markay runta tagto Idaacadahana ka sakow,awoodna uma laha inuu inta hor fadhiisto u fasiro macnaha hiil qaran ardada jaamacada camuud,, naftiisa ha u hiiliyo marka hore.
  9. NAA NAMA GAYDIDE GAYAANKAAGA RAADSO) WAAR NAGA SAARA XAMARAAWIYIINTA WAA IYAGA WAXA WAX QARXINAYA. WAR GEELA YAA LA JOOGA .. EE MARKII UU WAAYAY WAX U JAWABA HADANA YIRI MAXAAN CID KALE UGU YEERAA SOW ANIGAN LA JOOGA MAAHA) TAADA KULA LIHI TAYDANA ANAA ISKA LEH XAMARLAGUUMA SHEEGAN EE HA SHEEGAN WQ: Abdiaziiz A. Mohamed aziizxg@hotmail.com Qoraaga qiimaha badan muqdisho ma waa horaa ugu danbaysay mise hurdo dheer baa la tagatay.??
  10. War ileen sool rag khatara ku jira oo barafosorka siyaasad ay isla soo qaadeen aqoonyahan cilmi diin iyo mid maadiba yaqaan wax ku aamin waligaa,waa aqqon yahan looma qaato cid kasta. koonfurta aadbuu uga hadlaa hadalka badana xikmaduu dadka ka qaadaa hadda ko horna tv baan ka daawaday asagoo snm hor fadhiya oo aad u hadal gaaban.
  11. Nninkii xamar lahaa waa ina soomaali, laamigii waa fuqsaday, korontadiina waa diiray si maar looga helo, waa dhoofiyay ataartii ama taalooyinkii muhiimka ahaa markii meeshii banaan noqotay wuxuu usoo fariistay xildhibaanimo iyo in xil loo dhiibo waan ka yeelay waayo waa muwaadin soo halgamay,waa geesi taariikh fiican,waa afar xniinyood qabiilka magac usoo jiiday, waa nin loo mashaxarado sidii inuu hadda dhashay,marnaba lama waydiin xagee kursiga kuu dhignaa? calaa kuli su'aasha yaanan sii adkayn wixii dhacay waa dhaceen miro barde duuduub baa lagu liqaa ama lama fatasho miraha bardaha markaad cunayso. Waxaan xog waraystay qiimaha guryaha xamar ay ka joogaan waqtiga la joogo waxaana la ii sheegay sidan markaad doonayso inaad guri ka iibsato xaafad reer kaliya degen yahay waa qiimo aad u hooseeya ama bilaasha Xaafadaha lawada dagan yahay waa qaali khiyaali ah oo aadan mararka qaar is leedahay lacagtaanu lacag guri ka badan halkaas waxaa ku cad in hadii xamar reer la siiyo qiimaha caasimadu hoos u dhacayso ama ay u ekaanayso dudun waxaro ku ciyaaraan. Su'aasha wareerka nagu riday waxa weeyaan magaalo madax dad noocee ah ayaa yeelan kara? jawaabtu su'aashaas fahamkeeda ayay ka danbaysaa?
  12. Waa dad is yaqaan ilaa qarni hore caqligu haduu shaqayn waayo wadnahaa shaqayn,waxaan la yaabaa markay yiraahdaan ciidanka qaranka?
  13. Somaalida dhaqankeedu waa cajiib ninka ugu taariikhda fiican waa ninka dilaagga ah tusaale waxaa kuugu filan taariikhdii cadde muuse meelna lagumasoo qaado xataa wiilashii qurbaha waa saameeyay dhaqankaasu. Reer mudugu wuxuu yiraahdaa waa ninka kaliya oo wax naga dilla
  14. The Hermet;776264 wrote: saxib alxamdulilah ilahay waligan gajo imu tusin..qarankayga mu tusin..inti somalia an ka mid ahayn moyaan...so if it works out mashallah enjoy..but realistically speaking without the refineries and other stuff its just a whole in the ground...but if it does work out all the best to you... Waa runtaa adeer soomaaliya gaajo ma taalo maahan sida reer galbeedka waa un naanays naloo qariyo Khayraadka wadanka waa la wada leeyahay ha lla ilaashado meeshuu doono haku jiree waa intaas un.
  15. Meshaan xaasidnimo kuma qorna yaa detoore xoogaa yaroo milaxana waa iska caadi Balse odayaasha markay buffet furan kasoo casheeyaan hadii gaalku yiraahdo how is the test sure they say good waan in aqoonyahanku ku xisaabtamaa khayraadkiis ogyahayna waxa meesha ka socda,puntland iyo somaaliya oo dhan hadii aad airport deeda kalasoo dagto madax dad ama aad ka dhoofiso way adagtahay inay ogaadaan ama xoogaa hoos ka tuura, La soco xaaladda hoose hadii kale nin gaajaysan oo casho la siiyay baad noqon.
  16. Waa warbixin talo ah, macquulna na noqon karta Horumar dhaqaale oo dalka usoo kordha waa noo wada faa'ido waxaanse ka shaki sanahay gaaladaan degdega wax ku qodaysa inay meesha macdan aanan aqoon u lahayn ku ******** intaan riigga fiirsanayno xoolo badan meesha lagala baxo hadhowna yidhaahdaan meesha dhagax aan dhaafi wenay baa ku jira ama nabad galyadeenaan u baqnay, aqoonyahanada dhulaka hoostiisa waa ku yar yahiin somaaliya
  17. Waxba makala lihin gacaliso waan is leenahay dhulkaaga iyo dhulkaygu waa isku mid waxaa kaliya oon sheegay in dadkaa cadcad ukuntoodii la jabiyay burburkii ka dib xataa qaar baan mudug ku arkay biyihii cabi waayay, kolay hadda dooni maayaan inay xamar yeeshaan sidaan filayo.
  18. War ciidan qaran meesha ma joogo wiilashaasaa idmanayd inay ciidda dhunkadaan, dadkoodii samir allaha ugu badalo.
  19. See dad cad cad u yeeshay muqdisho unukoo joogna(kaftan24) Si kastaba waa muwaadiniin aan tiro badnayn hubaysnayn inta badan suuqa dahabka agtiisa ku sheekaysta ama ku shaaheeya Aqlibiyaddu ama tirada badanu waa inay hogaamisaa aqaliyadda ama tirada yar, waa sidada caadada u ah dunida 3aad iyo xataa tan kaleba si cadaalad iyo sinaana waa hadiiba alle garansiiyo. Wakhtiga hadda la joogo dadkii caanaha keeni jiray xamar iyo kuwii loo keeni jiray waa xidideen ama waxay noqdeen wiil iyo seedigii walaalo is jecel xamarna waa wada leeyihiin waagii fooqa la saarnaa waa lagasoo gudbay.
  20. Ciidanka qaranka snm waxay xaq u leeyihiin inay guryahooda joogaan habrahana ka oohisiin inta aqoonsiga adna keenayso Reer buuhoodlana waxay xaq u leeyihiin inay gurigooda difaacdaana, cid kalana aysan ku duulin, hadii casaabad hubaysan usoo gashana iska celiyaan waa ehlu khayr waana difaacu nafsi culumaduna aadbay u amaantay,.
  21. Dadkii dhulka lahaa haduu israacay waa guul weyn Ama snm ha is casisho ama baraanbur badan ha la tiriyo.
  22. Marka hore waan idin salaamay marka xigtana waa inaan isla garanaa inaan duur joog ama xoolo dhaqato nahay oo aanan waxba ka aqoon caasimadaha iyo sida loogu noolaado tusaale. Geelaygiibaa shalay soo arooray bali ama haro ama jidhaan hadba saad u taqaano biyo ku jiraan buu soo tuurtay, geelii oon wali cabin baa qolo tiri meesha anagaa dagna, biyahana geelu cabi maayo, xabadaa is daba martay, dhowr dhimashaa iyo dhaawac awr lagu wado ayaa lala kala caray,sheekadaasu waa tan caasimadaha somaaliya ka dhacda. Waxaa kuusoo haray caasimadeenii quruxda badnayd oo guryaha reer magaalka laga ka dhisay wixaa ku dhacday arintii geelayga ku dhacday hadii la yiraahdo reer ha qaato caasimad noqon mayso tijaabo nagu filana waan soo marnay reerkii xoraystay afartan jifo yuu usii kala baxay ilaa birtii canjeelada la waayay ALMULKU LILAAH Horta wax kasta ilaahaybaa leh, hadana qowmiyad isku diina, isku afa, isku midaba, isku dhaqana, caasimadna aan wada yeelan karin waa arin la yaab leh!!!. Waxaa laga yaabaa in muqdisho markeedii hore shiinuhu lahaa, bortaqiisna ka dhacay, boortaqiiskuna ku wareejiyay cumaan, ilaa ugandha loo yeero, meel soomaali shaqo ku lehba aysan ahayn. Waa arigtidayda walaalkiin,gooni guure.
  23. Haday arintu saas tahay oo koonfurta oday iyo talo la'aan baahsan ka jirto aaway kuwaad lahayd waa dhaamaan maxay saminaar ugu qaban waayeen? sow aqlibiyada ayagu malaha? buul qurxoon oo tadhase dhex jiifo oday hortaagan qudhiisa ma nuur badna samaalow. Anigu waxaan qabaa inaysan soomaalidu waxba is dhaamin kuwii marshada ilaahay u galiyo oo istiqraar hela ma yaqaanaan sida loogu shukriyo iyo waxa la gudboon, macawistay ilkaha kuwada haystaan mid faani karaana kuma jiro inaba, intay hashoodu kici la'dahay. Waan maqlay intii burburku dhacay kufsi iyo tacaddi dhacay balse ma maqlin in odoyaal quraan saareen.
  24. Gacaliye samaalle odoyaasha waqooyigu la mid maahan kuwa koonfurta waayo aroortiibay khudaar cunaan xalkana uma daahaan kuwa barigu kaluunbaa maskaxdoodooda koriyay xalna il uma marmartaan, kuwa soomaali galbeekana sayidkiibaa u duceeyay in ilaahay caqli badan iyo geelba siiyo ayaguna xalka uma luqludaan. Koonfurtu ilaahaybay leedahay intaasu waa kaftan iyo xog waran Gabar la kufsaday waa muraayad jabtay u malaynmayo in afar faataxo ka ansaxayso nin wax kufsaday, taasna soo hubi buugaad ka akhrisay adiga see kuula muuqdaa in dawo loogu heli karo boogtaas dawadeeda lala'yahay?
  25. chelle horta diric baad yahay macnaha nin karmeed Waxaan u malaynayaa inaad i fahmi weyday ama aad noqotay sagaaradii tuuryada la kulantay Aan kusoo koobo puntland ha ducayso intay mashxarad iyo sacab dhagaha ku xanuunjin lahayd mujaahidiinta taleex Ssc inaysan dib u fiirin wixii tagay kana midoobaan wixii khilaafa iskana diidaan warqadaa xuduud iyo kala qaybinta ah oo afka cibraha ka qoran.