gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Markii Raage minweyntiisii caanka ahayd libaaxu ka qaaday ayaa sidii caaddadu ahayd waxaa loogu xigsiisamay gabadh da' yar oo ay haweenaydaa hore eedo u ahayd oo la odhan jiray Xaliimo. Minweyntii hore waxay ahayd mid aad ugu roon Raage oo xushmaysa, gaarinimo iyo marwanimana isku darsatay. Wuxuu Raage dareemay inaan siddii hore xaalku ahayn labada qabdhoodna in kastooy qaraabo yihiin haddana ay kala duwan yihiin. Markaa ayuu tiriyey gabay aan ka hayno tuducyadan hoose: Wuxuu yidhi: Illeyn caano way kala xidhmaan, dhayda iyo xoortu Illeyn xabbagta geedaha ku taal, gabal xadhaadh weeye Illeyn seeddigaa kuma xiltiro, xile haddaad weydo Allahayow xadhaadhaa anfaco, xalayto la siiyey Naa soo Xaliimoy Xaddiya, xaalna kama raacdid Naa soo dharkaagoon xumayn, xidhan aqoon maysid Naa soo tolkuba waa xurmee, kaba xishoon meysid Naa soo dabkuba wuu xudhmaaye, xaabo lama saaro Naa soo xalliin laguma dayo, xeedhadiyo weelka Naa soo ardaageer xunka ah, waana lama xaadho toosiyow horta waa taariikh aad u fog wakhtigii raage noolaa AUN gabaygana ma mar sadexaad baa oo uu saluugay gabdhahaas walaalaha?
  2. Masha allah reer awdal intaas ka badan afduub ugama maqnaan karaan walaalahood waa dad aan laga maarmin taariikhdooda iyo aqoontooda iyo halgankoodiii wadani nimo siiba wakhtigan adag ee soomaaliya ku jirto. waana lagu yaqaanay weligood inaysan ahayn dad si sahala loo marqaamin karo.
  3. Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye (soo maroo, na waa la akhriyey) Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye Nin abkii somaali yahoo aarsan baan ahaye Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye raage ugaas gabayadiisa wax badan lagama hayo sida la sheegay wuxuuna ka mid ahaa ragga ugu horeeya gabayada iyo afka somaaliga bal isku daya inaad erayadan noo fasirtaan haddii alle idmo
  4. saliid iskasoo burqata lama arage amay kaadi geel tahay
  5. Warar kale ayaa sheegaya in saraakiisha Ahlu ay sheegeen inay dhaliileen sida loo akhriyo Quraanka oo ah “Qiraa’ada Tajwiidka” oo dugsiyadaasi carruurta lagu bari jir tajwiidku waa qiraa'o aad u wanaagsan. markii loo fiiriyo dariiqadii suufiyadana, qirraa'o kala saaran ma'ahayn hadii arintaasu sax tahayna waxay ila tahay nimankanu waa dhib kaloo soo kordhay
  6. Mar hadii saadaba ka heestay xogaagayga xawilaadda tolkaan la raadsanayaa,boycot caanaha denishka iyo cococolada ha la iska ogoodo sidoo kale
  7. Ragu dumarka lamana xishoodo kamana xishoodo,,saado dagaalkeedu waa hees:D
  8. QUOTE]Siyadasada Shabaab wala badali kara wa in meel dhexe la iskugu imaado , Dawlad Shabaab way raban laakin dawlad nooca TFG ayayse rabin Xaajiga halasii qodqodo warar badan oon reer koonfurku ogayn buu hayaa!
  9. Tuhun hadii u yimid xaqiiq dhaba waa in la helaa waayo xoolahan somaali buu ka shaqeystay inuu ku gubana maahan. Shakiga kalana waa nin dhiig soo shiilay see dahab u shiilay hadana?
  10. Nabad ninkii jiif looga kiciyay oo wiil dhabta loo saaray inta raashinka loo soo gurayo baa yaqaan, Snm baroor dumarbaa marqaan jabisay,,, towbada allese mar walba waa furantahay.
  11. in lasoo jabsado laguna soo qorayo Warar been ah waa Tuugtii Cadawda ahaa ayaa inagu dhex jirta. ;),,nimankanu waa fan,suugaantiina waayahan wey iloobeen
  12. Mayd lamana caayo lamana jiido hadii kale jiir haan kuweynaaday baad noqonaysaa oon aan dhaqan lahayn,,waa la ustaraa kuwa kalena la tusaa inaadan meyd la xisaabtamin ee kuwa nool dagaal idinka dhaxeeyo.
  13. Ethiopia,, somaali badan baa u shaqaysa qaarna jacaylku waa ka dhab qaarna waa ka xiiso.
  14. 1-Qabbabaalihii 2-'Hoor' 3-Qataabsadye 4-Qambaruursi 5-Danuunacaye 6-Qoorqabkii 7-Qummud 8-Qudraba. Erayadan ma sahlanaan lahayn inaad kaligood oo mutaxan fasirto hadaysan araah raacsanayn, tan kale gabaygaan wuxuu ku jiraa gabayada quruxda badan oo taabanaya mar haduusan xuseen dhiqle joogin madaxtooyadii taleex sayidkiina iska dabaayshaday in la iska maamusha naado oo ahyd sayidka walaashiis sidaan filayo
  15. Iyo meelo keleba ,, ,,, nin 81kii macalin ahaa wadnuhu ma dhaglayee bal dhiig kar iska baadh weyre maanta sacuudiga ma jimcaa laga tukaday?
  16. Hadda ko hor baa labo oday oo reer waqooyi ah qurbaha jooga mid baa wuxuu weydiiyay kii kale war ninyahow odaygii hebel ahaa xagee jiraa beryahan maárage mid kaloo saaxiibkooda,,, naw',, war ninkii dalkii buu jiraa oo inana yar buu aroosay,,, markaasu inta qoslay yiri ma hebel,,, haayoo waliba qayladeedaa dariskii la yaabeen,,, in tuu sii qoslay buu yiri oo muxuu ku sameeyay miyuu qaniinay:D
  17. Siilaanyo oo Markuu ku hungoobay qorshihiisii dagaal Culumada Somaliland iyo kuwa SSC foodsaaro ka soo dhigtay Kadib markii ciidamada Gobolka Cayn ay u jilib dhigeen Ciidamadii Somaliland ee uu soo abaabulay Siilaanyo, islamarkaana ay afka ciida u dareen hamigii Siilaanyo ee ahaa qabsashada Buuhoodle iyo kala Goynta Somaliya, ayaa waxaa Siilaanyo iyo la taliyeyaashiisu xaqiiqsadeen in qorshahoodii dumay, islamarkaana ay u kala dhamaatay Somaliland iyo beesha ku dhaqan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Markii Dagaalkii lagu jebiyey Maleeshiyadii Somaliland, islamarkaana beesha caalamka ay cadaadis xoogle kala kulmeen, aduunweynahana ay u cadaatay in gooni isutaaga ay Somaliland sheeganayso aan shacabka SSC raali ka ahayn ayaa waxaa taladii ka qayb qaatay bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan. Dadka Siilaanyo talada kala qayb galay waxaa ka mid ahaa koox sheegatay Culumada Somaliland oo uu ugu horeeyo ninka layidhaado Shiikh Aadan Siiro uu af labadii yeedhay isagoo is haynkari waayey kadib markuu qabtay muxaadaro uu si qalad ah u fasiray oo yidhi somaliland waxay lamid tahay xiligii dawladii muslinku dhalatay oo kale oo ay kasoo horjeesteen gaaladii nabiguna csw wuu iska laaluushi jiray sidaa daraadeed waxaa looga baahan yahay dawlada soomaaliland inay sidaas oo kale samayso oo raga wada dagaalka kalshaale ay laalushaan
  18. salah si fiican wax u baro si aan uga kaaftoono macaawino dibada,,, get good education we don't need any help from outside insha allah
  19. Geel jire maxaa la dhahaana:D waa ku salaamay saxiib sadexda arimood ood soo bandhigtay horta waa xikmat aragtidayda waxay ku soo aroortay hadaadan arimahaas 3da ah qof la marin ma'aadan baran weli waana mihiim qofka aad doonayso inaad barato inaad sifahaas mid ka mida la marto,, kow Inaad jabad la gasho waa sarbeeb waa inaad gabar islaameed guursato nolasha la qaybsato ka dibana barasho cajiiba idin dhex marto Inaad jid la marto waxay ka mid tahay barashada aan wax la kala qarsan karin dabeecad, deeq,, geesi fulay, bakhayl, deeqsinimo, iwm. Tan 3aad ee kuugu muhiimsan aragtidayda jadiin waxaan u aqaan wax kasta oo dhuunta ama hunguriga sii mara una socda caloosha,raashin biyo caano iwm dad badana jadiin waxay u yaqaanaa hunguriga qudhiisa tusaale (jadiinkaa ii qalalay) ama (jadiinkiisa waxba ma marin biyo madowna haku ahaatee) marka jadiin la wadaag waa hunguri la wadaag wax wada cuna caba si aad isu barataan. toosiyana waa kuu haray,.
  20. Waa sax toosiyow waa kala macne sidaad u sheegtay maan waa qaybta garashada ee maskaxda ku dhex jirta (maan dooriye=garasho la'an) tusaale wuu maan doorsoonaa markuu arimahaas ku kacayey,,,ama garasho ma lahayn. fiiro gaara macalinku waa arday wax bartay sidaada,,, towfiiq insha allah.
  21. gooni

    Awdal state

    Dadka reer awdal waa dad magacweyn ku leh umadda somaaliyeed qorigana qalinkay ka jecel yihiin,xaq bey u leyihiin inay af duubka diidaan iyo tafaraaruqa. daahir riyaalana asagoo weysa qaba oo aan dhiig badan ku daadan gobalada waqooyi ayuu isaga tagey nidaamka dhiiga ku marqaama. si kastaba taranku laba qof buu ka bilowdaa snm qudheeda laba oday oo sucuudigu ciqaamad u diiday baa asaastay waadna aragtaa inay leeyihiin heesta qaranka ha la qaado dad ka cilmi badana hanoo afduubnaado.
  22. B]Hambabara[/b]y.(waa marka hurdo ku dhaafiso danahaggi tasarufkaad bixiso markaad toosto) Maankaygu (maskaxdaydu ) Foognaa (waxaan filayaa inuu yahay erayada cusub waxuuse halkaan u taagan yahay ku wajahnaa) Damman (moog ama aan sahal wax ku garan,tusale doqonu hadal kama damana) Like (waa geed hoose oo dhulka sida bataatiga hoos ugu baxa ama kasoo fooca 4gees u dilaacamarkuu bislaado lana cuno) Rays (waa marka roobku da'o ciidda qoyan) Sarmaan (waa geed qodaxdiisu salka ka buudhan tahay foorina samayso mar dabayshu ku dhacdo) Wadiiqadii (wadadii,jidkii) Reen (taah uu bixiyo xooluhu siiba riyaha markay fariistaan) Higlo (waa geed weyn geedaha cimriga dheeraada ku jira) Jabad (xerada laga guuray waa hore oo sii baaba'day) Cayo (geed hoosaad biyoole ah sida khudrada dabiicina u baxa) Rifaya (fooda ka jaraya ama goynaya) Afar qaadlayn (sida ay u ordaan xayawaanka afarta adin leh) DHukusay (waxaan filayaa inay u taagan tahay gaatamay) Geedogoostaa (sixir ama fal waxayna tiraahdaa soomaalidu waxaa xayawaanka ugu geedo goosasho badan saangurta ama kabsasta) Raad tiranaya (si aan raadkaag loo arag ama loosoo raacin) DHaglaqabto lahayn (iska fiiri eraygan macnihiisa iyo oraahdiisa isma leh,soo xiimay orod aan gabasho ku jirin) Duryamaya (guryamaya cod hoose oo aan la garan karin) Cartamay (xanaaq kii ugu danbeeyay oo xataa geedaha burburiya, xayraan waa xanaaq aan cartan gaarin) Xiimaya (orod aad u dheer) Ufo (dabayl yaroo istaagta oo xawaare sare ku socota) Daryaamay (sawaxan cod aad u weyn oo meel fog laga maqlo) Jixinjixin (u beer nuglaan u baqan ) DHuraaqiyay (waraabuhu qaarka danbe ayuu u gaaban yahay saa darteed baa dhuruqaa somaalidu ugu bixisay qaabka socodkiisa) Liiqa (marka qoraxdu gaabato walina aysan baalka dhigan) Dusha uga baxay (iska fiiri eraygaan magaciisa iyo macnuhuu samaynayo isma laha dusha sare geedka ka fuulay ama uga baxay) Rako (waa geedka dushiisa laamo isku baxay sidii sariirtiina u samaystay ama dad ha sameeyo waa rako) Aflabdii yeeray (iska fiiri eraygaan qaylo aad u dheer afka la taagay)