-
Content Count
2,407 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
52
-
Adeero... dagaalka gooje cadde waa nasiib daro iyo magac xumo duriyaddu masuuliyadiisa ay qaadanayso Balse duriyadda waa lala gobonimo diriray xaqiiqdii ayagoo daalimiin ah yaa si fiican loo hagaajiyay. Bal ka warran hadaad xaaskaaga usc ugusoo carari lahayd? Dhakhaatiirtu waxay oran lahaayeen dhawr bateri yaa ku fogaaday wadankana waxba loogama qaban karo Iminkana gaari baa laguusoo saaray ayadoo dhar cusub loo gaday Jooga dalkiina dulumkana iska daaya waa wax laga qalbi jabo wiil soomaaliyeed oo mayd wiil kaloo soomaaliyeed kor taagan.
-
Haaruun macruuf Ma garan karo in qof kastaa akhrin karo, midabkiisa saxdaa Dhacdooyinkaas waa wayn wuxuu kasoo qaatay kuliyadii jaalle siyaad oo uu ka dhigayo daciif, ama dhacdooyin soo dhici jiray oo iska caadi ah Munaafaqu gaalka waa kaga hooseeyaa naarta. Ilaahow hanagu dilin munaafaqnimo.
-
Waxaa la yiri, juxa ninkii la oran jiray yaa dameer soo kiraystay si uu hawlihiisa ugu qabsado. Dameerkii markuu kooraystay ana fuulay, yuu marna koonfur ula cararaa marna bari marna galbeed...way ku adkaatay xataa inuu istaajiyo, dhidid iyo juhdi wuu ka dhamaaday. Dadkii yaqaanay, qofkii ka horyimaadaba wuxuu waydiiyaa...war juxa xagee u socotaa? Wuxuu ugu jawaabaa meesha dameerku u socdo. Soomaaliya waxay ku socotaa meesha dameerku u socdo.
-
Hamse wuxuu la mid yahay ninkii sheekha fadwada waydiiyay oo ku yiri... Sheekhow waxaan ka shaqeeyaa makhaayad khamarada lagu gado, laakiin anigu qaybta cuntada yaan joogaa ee macaashkaygu ma xalaalbaa? Fahad yaasiin waxaan kula talin lahaa mayd waa loo duceeyaa balse wax looma sheego.
-
Ra'iisul wasaare position is being replaced
gooni replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kursiga la tuurayo reer gaar ugu qoran ma jiro,waana caqabad in la wada taliyo oo aan lakala dambayn. Dr. Deni wuu ogyahay qabiilkuu u dhashay inaysan soomaaliya degin, dal iyo qabiil midna dan kama leh. Beri, reer usc yaa qayb u heli kara, laakiin waa in dadku garanayo sharcigu inuu umadda u sinaado oo lakala dambeeyo, bisaylkaasna aad baan uga fogbahay. Madaxweynuhu tol-beelay geel ciidanka ha loo qalo yuu ku yimid intii geela keentayna xukunkuu u dhiibay, waa adag tahay in laga rumaysto guri barwaaqo inuu soomaaliya u raro. Tan kale Usc ayagoo raysl- wasaare farmaajo ka xoog badan haysta yaa la aamusin waayay ka waran ayagoo beri qayb u helay raysul wasaare ama madaxweyne ku xigeen daciifa? Wadanku wuxuu u baahan yahay ciidan adag iyo maxkamad adag oo qabyaalad iyo qabiilaysi ka madax banaan Taasna waxay ku imaan kartaa inqilaab ciidan barakaysan oo aan mar kale u heesno, anagu tagnaye caruurta noo badbaadiya. Wax kale oo isu keeni kara reer daba musmaar anigu ma garanayo. -
Munduloodka garoowe wuxuu rabo yaa shaqaynaya walaalayaal, Faroole wuxuu u taagan yahay badbaado qaran si uu uga hortago geedi injir leh.
-
Exactly ma jiro tusaale ka fiican midkaa aad keentay Rooble uxuu ahaa ciyaal maamo tolkiis iyo deni oo iska dhex ordayaya ka dhigeen faas af badan oo darmaajo lagu tuuro. Xamse iyo deni waxay heshiis ku ahaayeen dulumkii caanka noqday ee doorashadii kismaayo 3 oday ii keen aan midkaan doono kala baxee, soo sidaa ulama socotid? Power sharing laguu sheegayo waa dad isku duuban hadii nin kaligiis meel istaago ciduu matalaa ma jirto. Waxaa la rabaa aragtidayda puntland inaysan kala jeclaan booska qabiilaka la siiyay haduu jufadeeda kasoo jeedo iyo hadii kalaba, waxaa uga macno badan inay awoodooda gobol ku taageeraan R/W xafiis iyo sharafna ku yeesho garoowe. Balse hadii uu yiraahda ma kiibaa hadlay... ii dhiiba makarafoonka aan jawaabee gabdhaha mashxaradda yaqaanana ha la soo toosiyo waa daciifnimo aad u wayn aragtidaada Tan dagaalka laas-caanood Shacabku ayagaa is xilqaamay oo walaalahood garab istaagay, dawlad maysan jiheen, markuu arkay inuu meel cidla ah taagan yahay, yuu dhidid been ah iska keenay, waana dhidid siyaasadaysan, waayo horay waligiis kalmad caadifad tolnimo kuma difaacin SSC.
-
Maakhir saxiib Sheeko carbeed oo dhiganta tan Deni iyo HSM yaan kuu sheegi Dawaco yaa laf dhuunta uga istaagtay hadda ka hor, aad bay u xanuunsatay, waxay dhex martay habar dugaag oo dhan cid wax la qabata way wayday. Ayadoo luudaysa yaa waxaa ko hor yimid cantalaa ama qalowle lahjadda koonfurta Wuxuu ku yiri dawaco maxaa kugu dhacay ood aad la ciiraysaa? waxay ku tiri war ninyahow laf baa dhuunta iiga taagan, habar dugaagna waan ka waayay cid hadiyad iga qaadata oo lafta igasoo bixisa. Wuxuu ku yiri afka aad u kala taag, markay kala taagtayna luquntiisii dheereed yuu afkeeda geliyay ka dibna kasoo saaray laftii. Markay xoogaa nasatay buu cantalaagii ku yiri aaway hadiyadii aad balan qaaday? Intay jeesjees ugu qososhay bay waxay ku tiri hadii madaxaagii oo bed qaba kasoo noqday dawaco afkeed, maxay tahay hadiyadda kuu dhiman oo aad doonaysid? Lafu waa farmaajo, xasan sheekna waa dawaco Denina waa cantalaa, waa sida wax u dhaceen. HSM makala jecla farmaajo iyo Deni waa isugu mid, laakiin wuxuu u isticmaalay si foolxun oo ah hadii madaxaagii kuu nabad qabo jagadaadii waad haysataa. Waxaa kuusoo haray arrinta xamse. Xamse waa agoon halka maamul oo dhisan oo garab istaagi kara waa puntland Jubaland ayadaa rafaadsan, talo xumada cagdheer darteed. Deni intuu garoowe ugu yeero geed hoostii la fariisto ma'oran go'aanahayn sida isu dhaan oo faas u noqo maslaxadda awood qaybsiga mar hadaan daacad shaqo meesha oolin. Usc markay cid rabta iyo cid lahadlaysa inaysan jirin bay iska maamusheen shaqadiisii. Xamse HSM buu u tagay markuu wuxuu qabto garan waayay wuxuu ku yiri mudane xajkaan rabaa inaan aado HSM wuxuu ugu jawaabay war xaj lama gaarine orodoo cimrada aad, markuu soo noqdayna waxay ku yiraahdeen hawshii inteedii badnayd anagaa qabsanaye orodoo shaaha dabka saar. Hamse beeshiisaa bahdishay walaale, wuxuuna la nool yahay madaxweyne qabiilayste ah oo aan cid kale wax u ogolayn Dhibku waa puntland oo afartii sano halmar madaxweyne buuran soo xusha, shardiga kaliya oo laga rabo waa inuu madax banooni ah leeyahay.
-
Reer abtigaa waa 8 malyan, soomaalida kale haday soo dhex- galaan, ajaanib bay isu haystaan, waa fiigsan-yihiin markay godkooda kasoo baxaan. Mushkiladdu waa puntland madaxdeeda Hamse wuxuu matalaa puntland, waa 4.5 dhaqanka meesha yaala. Waxay ahayd, markay arkaan in hamse jilicsan- yahay, inay ag fariistaan, si dhaxantu uga ba'do oo uu baalal u yeesho, talo iyo tusaale gaara siitaan, garoowe kusoo dhaweeyaan. Hadiise Deni uu ugasoo jawaabo xamse 100 dumara hortood, maxaa diidaya in USC cimrada u diraan ka dibna shaaha dabka saar dhahaan, shaqadiisana ergay u magacawdaan. Yaa diciifiyay?? Daciifnimadu puntland bay ka timid mar waa faanayaan marna way oynayaan, baqdinta ugu wayn oo hadda ay soo kordhiyeen waa jufada fiqi oo baraxley deggan. War sida usu dhaama reer puntlaanow oo dadka wax la qaybsada shar khayr labadaba. Halasoo caro celiyo aan dalqad dhacaysaa jirin abid laguma jiri karo, soomaaliya kamana go'i kartaan kumana jiri kartaan caqli ma'ahan, mana sugi karno wiil hadda ka dib calool geli doona.
-
Ninbaa waa dhintay, maydkiisii yaa lasii raacay, nin saluugsanaa marxuumka dhintay markuu noolaa yaa yiri ashahaadadiina waa naga dhamaatay godkana nin uma wadno. Ninka dadka hortiisa ka cabaadaya soo Deni ma'aha? Wiil 10 jir ah yaa ka caqli badan, aragtidayda. Shacabka reer puntland, walaalayaal Xshm anagaa kursiga saarnay waana nagu abaal furay Ethiopiankii villa Somalia dhexseeday waxaad nooga dhigteen inay dawladnimada soomaaliya dhiseen, ayadana waan qaadanay. Deni ma socodsiin kartaan lugo iyo gacmo ma leh, xataa ma xamaaran karo. Hadii laydinku sheego shacab xadaarad fog leh oo soo jireen ilbax gaamray ah waa run....laakiin ninkaan caruurta iyo dumarka ka hor dhaqaajiya Nin fiican sida farmaajo wuu diiday Tuugana wax lama cuni yaqaan. Maxaa idiin talo ah marka? soo laydinkama gar joogo.
-
Xamse siyaasadda uu usc la dhex yimid waa mid cawaaqib xun wadata Lagama yaabo usc inay Rw cid kale kasoo doorato wixii hadda ka dambeeya, RW waxay dhaxaltooyo usiin doonaan cg-dheer. Waa nimanka kaliya oo ogol inay dambaska usc wax ku karsadeen iska ag fariistaan. Sayid cabdille xasan asagoon xoriyad arag yaa alle oofsaday.
-
Madaxweynaha hankii waa la nacsiiyay N.N yaa hankii sheegatay oo la tagtay. Haduu isku dayo xasan sheekh inuu "han" yeesho, waxaa la oranayaa wuxuu ku dayanayaa farmaajo, sidaa daraadeed waa inuu is gaabiyaa meel walba uu tago si uga duwaanaado dawladii ka horaysay. Taageerayaashiisu waxay ku sheegayaan tawaaduc kibir la'aan dhoola cadayn syaado ah, si uu uga tarjumo shacabkiisa oo aduunku u yaqaan dad aan karaamo badnayn oo aan tuugsigu ceeb la ahayn. Xasan sheekh waa madaxweyneheena allaha noo daayo. Farmaajo wuxuu ahaa madaxweynihii dadkii hore wayna adkayd shaqadiisu aad baa loo soo dhibtooday.
-
Soomaalida waxaa laga dilayay karaamada dhawr iyo sodon sano yaa la quudinayay si ay u dhintaan ayagoo nool. Guri hadii hay'ad u dhisto waxay waydiinayaan suuli banaanka ku yaal. Ceel hadii loo qodo waxay waydiinayaan weelkii ay ku cabi lahaayeen. Naag haduu guursado sariitii tolkaa laga rabaa uu kala seexan gabadha. Imtixaan arday hooyo federaal kaligeed kuma filna waxaa loo baahan yahay aabihii federaalka ama hay'ad dhaqaale bixisa. Waa umad iska nool, Sadex wadan yaan transit ku noqday markaan airport muqdisho ja degay yaan ogaaday inaanan jinsiyad lahayn, boorsadaydiina "ey" baa leefay.
-
Walaale Bisha Ramadaanka 10 hore 10 dambe iyo 10 dhexe waa isku mid waa bishii quraanka iyo dambi dhaafka allaha naga aqbalo dhamaanteen. Waxyaabaha soonka jabiya runtu kuma jirto. Waxaa kaliya oo aan la ogolayn munaafaqda naartana ayagaa ugu hooseeya ilaahay dhamaanteen hanaga koriyo. Adeer Deni oo ilaa boosaaso ilaa gaalkacyo dad aan waxba galabsan dhiigooda daadinaya oo waliba cashiiradiisii ah, 10ka dambe ee ramadaan yaan ku ilaashanayaa wax soconaya ma'ahan alle u noqo oo ka istaaqfurulayso. Farmaajo niman dhididsan oo qori iyo geel ay qashaan wato yuu u tanaasulay waana fulay dhiig daata bad baadiyay, asaga ka ducayso hadaad xaq taqaan waxba uma dhimin reer puntland iyo somaali midna. Tan reer baadiyanimada aniga waa ii amaan iyo wanaag aad qirayso inaan asal leeyahay.
-
Khaadimka gurigaaga ka shaqeeya hadaad dhoofayso waa la ixtiraamaa waxaa la siiyaa mushaarkiisa waxaana loo sheegaa inaad dhoofayso asna uu guriga sii ilaaliyo intaad kasoo noqonayso. Laakiin wax horay u dhacay ma'ahan telefishinka ka fiirso meeshaan aadayo wasiirka maaliyaddana la xiriir hadaad su'aal qabto. Axmad karaash waxba uma arkaan wazan ama culays laga baqo ma lahan, waa ushaada ninkaad ka qaadan karti yaa loo dhiibtaa Tolkiis snm buu raacay waa kaligiis iyo xoogaa kale oo ayaguna shaqaale ah. Waxaan kula talin lahaa hadii xoogaa loo soo diro buuqa ka dib, inuu is dejiyo hadaan loo soo dirina uusan saxankiisa iska ciidayn. Dr.Deni madaxtinimo xamar uma raadsan wuxuu sheegay inuu u aaday kaliya inuu usc farmaajo la tuuro, ka dibna puntland kusoo noqon doono. Usc farmaajo oo ugu jilicsan reer gedo iskama celin karto ayagoo isku duuban waa xaqiiq arintaasu. Puntland nuur cadde alaha u naxariistee oo ugu jilicsanaa usc ayagana iskama celin karaan. Sababtu maxay tahay marka? Aragtidayda waa sahal Farmaajo qabyaalad ma aaminsana, adeerkii siyaad barrena sidaasuu ahaa asaguna soomaalidu dhimashadiisii ka dib bay garteen. Cid wax jale ku dari karta miyaa jirta arintaas?