gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Aduunkoo dhan haduu noo ooyo markuu arko ilmaha aan duqsiga ka ceshan weynay waxba badeli mayso ilaa aan towbad keeno
  2. Gabayga ugu horeeya ee ninka thread ku keenay wuxuu ku saabsanyahay arimaha bulshada meeshaad wax ka weydiin lahaydeen macalinka jacaylka yaad gabayadii ismaaciil mire soo qufteen war ileen ciyaal waa ciyaal!
  3. Mujaahidkiinana allaha u naxariisto dadka kale mujaahidkoodana llaha u naxariisto(qabuurihiina ku heshiin weynay) allaha noo naxariisto
  4. Waa hagaag xaaji sidaa waa ula soconayaa,adna la soco meeshaan ciidan shisheeye joogin oo dhulka soomaaliya ka mida inuusan xoriyad u baahnayn.
  5. Allaha u naxariisto qoyskiisana samir iyo iimaan
  6. Indho jacaylow ciyaalkana u faa'iidan maysid hablihii sheeko iyo shaahna canjeeladii iyo madax shubkii isla garan weyde bal wax un sheeg. XXjuf saaxiib ilaahay waa aqoonsaday somaaliya umuduhuu abuurtay bay ka mid yihiin ruwanda iyo afrikaan haday aqoonsatana wax macnaa soo kordhin mayso Afrika ayadaa looga taag la'ayahay siday dhiisha faqriga u tuuri lahayd si dadkeedu uga badbaado badaha,gaajada iyo cudurada, codkooda iyo codkaagu waa isku mid hadaad tiraahdo waa is aqoonsaday iyo haday yiraahdaan waa ku aqoonsanay waa faqri fowda ah. South sudan waa dagaal daba dheeraaaday socdayna in ka badan nus qarni sidaan horay kuugu sheegay waana laba qowmiyadood oo midab diin iyo af ku kala duwan, dhulkooduna aad u balaaran yahay, caalamkana ula muuqatay in la kala gooyo si nabad loo helo Haday calankii s/land sudheen maahan inaad jidhiidhicooto ama ilmo kugusoo istaagto amaba aad aflabadi yeerto,waa caadifad yaroo cabashadiinu keentay. Masaaridu uma muuqato talis kastoo yimaada kala goynta soomaaliya,is badalkaan carabta ku yimidna waa ka qowmiyad fiican yahay kuwii horay u talin jiray siady iigu muuqato, amaba dad badani ila qabaan. Maslaxadda wabiga nil waa heshiis waa hore ay dhigteen dawladaha uu maro ayagayna u taalaa siday ugu heshiin lahaayeen somaaliya meelna kama soo gasho marka lag reebo sheekeeyinki hore qayilaada Maalin ama habeen wanaadsan saxiib.
  7. Inta aan ka fahmay hadalakaaga waxaa ugu muhiimsan in somalia kuula siman tahay etheopia oo labaduba jaar kula yihiin kii shalay saxiibkaa ahaa maanta cadow kuu noqon karo. Waxaan kaloo ka fahmay in afrikaanka iyo ingirisku aad kuula dhacsan yihiin soona dhaweyn lahaayeen aqoosiga s/land hadii masaarida ok laga helo. Tan jaarka wali dawlad u dhaxaysa etheopia iyo somaaliya maadan naqon,lamana gaarin xiligeedii. Afrikaanka hadii uu ogolaado in banghazi libiya ay dawlad noqota tuulo walba oo afrikaana gaarkeeday u faniinaysaa waase caqli fiican inay idin maaweliyaan Ingriisku ma doonayo in qaxootiga u safra hargaysa ay kusoo noqdaan ayagoo shabaaba,wuxuuna ka fakarayaa aminigiisa qawmiga ama gaarka, marqaanku yuusan ooda ku jiirsiin. Masaarida waa xafiiska jaamacada carabta wxaana yaala kursi qudha iyo calankii somaaliya suurta galna maahan inay somaaliya labo ama sadex u qaybiso waa waajib masuuliyadeed oo saaran in haday somaaliya dayaceen, ay ku fara adaygaan calankaas, iimana muuqato inay somaali jaad ku ilka beeshay ciidan uga baahan yihiin.
  8. Cadowga sokeeye waa ethopia kan shisheeyana waa soomaaliya siday wax ku socdaan, taariikhda aqoonsiga lagu doonayana waa siday qorayso saxiib. Suáasha kaliya oo caalamka hortaagan si laídiin aqoonsada waxay tahay! ma muslinbaa? ma somaalibaa? maxaa dana oo reer galbeedka ugu jira in inta lakala qaybiyo hadana mid walba gaarkeeda loo masruufo iyo kuwo kaloo badan oo aan aqoonsiga soo dadajinayn,waa siday iigu muuqato.
  9. XXjufow,,,waxaad u jeedo lama dareemo, Ma ii sheegi kartaa inta sano ood cadow shisheeye iska dhowdeeen? iyo inta sano ood cadow sokeeye iska dhowdeeen? bal inaan lahjada jabuuti isku af garano.
  10. masha allah waa sawir rajo fiican ka muuqato,waa la xoroobayaa dhawaan hadii alle idmo
  11. Markaad tv ka daawato somaaligaa gaajaysan maxaad dareentaa?ma inaad soomaali tahay mise somaliland? Saxiibkay wuxuu yidhi gow,,, war anaga unbaa iskala qaad qaadeenee yaa na yaqaan:D
  12. Jacaylow,,,is difaaci maayo dalka waa layga eryey sidaad adiguba xarshin u tagtay,waa dagaal sokeeye iyo caadadiis. Waan ogaa cidda i caydhsanaysay inay igu dad yihiin wax badana iga danbaynayn dhaqanka muuqday awgiis. Makula qumanaan lahayd inaan sida reer hargaysa anaguna talyaaniga u tagno soona bandhigno lafaheenii si naloogu garaabo. Meeshaas wixii ka dhacay hargeysa kama dhicin, xataa dadbaan ka maqlay dumarbaa tooshkoodii batari lagu guray,wali waa dagaal sokeeye saxiib Hadaba noo sheeg sharuudaha aqoonsiga iyo waxa ay isaga mid yihiin hargeysa iyo jubba,codkii wankana naga daa si aan kaaga faa'iidaysano.
  13. B]Zack[/b],, ogdenya waa qadiyadda kowaad ee somaaliya halgan dheerna soo maray sharuudahana wey kasoo bexeen marka laga reebo labada gaalka ugu muhiimsan. geedkaasu waa geed mirood hadaad ruxdo wax wanaagsan kaaga soo go'ayaan ogowna inay reer afgaab ka weyn tahay,ilana haboontahay in wakhtigeeda la sugo Aqoonsiga hargaysa u galgalnayso mid taariikh iyo halgan leh maahan waa mid ku kooban 87dii dhagaxtuur baa bilowday ka dibna diyaaradaa na kor maray, 90kiina burcaan gacanta ku dhignay, waxaana loo aqoonsaday dagaal sokeeye oo fowdo keenay xxunjuf iyo indho jacaylba waa joogeen hadaysan na maaweelinayn. koonfurta suudaan 19 58 dii ayuu dagaalku bilowday waxaa ku dhintay in ka badan 2'malyan oo muslin iyo gaala, waa dhul aad u weyn oo qowmiyada badan, la maal gashan karo, fetikaankuna raali ka yahay,calan saarkiina waxaa soomaaliya uga qayb galay sadex madaxweyne oo casuumad ka helay mehiga.
  14. Waxaa la arki jiray madax ka cudurdaarata inay dhoofaan ama soo af jara hadii ay dibada ku maqnaayeen markii ay dalkooda lasoo gudboonaato xaalad degdeg ah, lana qaybsada dhibaatada dadka ay matalaan. Kuwaanu damiir waa ka aradmeen mana ahayn inay ciridka kabarka ka rogaan meelaha laysugu yimaado.
  15. 1- Dalkee ka go’aysaa? Sababta? 2- Dal dhaqaale leh ma yahay? waxna laga faaiidi karo? 3- Dal gaalada jecel ma yahay? kaniisadse maku taal? 4- Dal dad badan ma yahay?imisa af bayse ku hadlaan? 5- Dal balaaran ma yahay?waa imisa dherer iyo baaxad?
  16. Kow ducada alle tan labaadna jeebka gacanta ha la gasho qof walba awoodiis,,.reer SOL,waa hurmuud waligood
  17. Dr.cadi wali soomaali oo dhan baa u hanweyn dad badan oon mara kaneeco haysan baa wax qabad ka sugaya Faroolana awood qaybsi buu ka dalbaday iyo in wasiiro tayo leh laga keeno puntland si hormuudka beesha aan mar danbe dhabarka looga toogan
  18. XX,,;) xunjufow geel jirihii hore wuxuu oran jiray qofka laguma yiraahdo waad khaldantahay waxaa ku haboon isku si wax uma aragno marnaba ku odhan maayo waad khaldantahay W/gabeed somaaliya waa somaaliya turkiga xuduud lama lahan mar hadaanu aduunku ku aqoonsan lagama rafto waxa waaqiciga ah ama jira hadaan heshiin weynay maahan inaad tiraahdo dhulkaan anigaa gaar u leh xayndaabkaasna ingiriibaan dhaxal uga helay,ku xisaabtan dalka aad goynayso in dad badan oon dagin w/galbeed ay usoo halgameen una dhinteen dhulka 2mitir baad ku leedahay oodan garanay meeshuu ka qodan yahay Usoo noqo khudbadii madaxwenaha sida muuqata khibrad la'aanta hadalka wuxuusan soo hadal qaadin marnaba ciidamadii qalabka siday oo naftooda u waayay inaan dhulka soomaaliyeed marnaba kala go'in, xataa muusan arag maydka gaari gacanka saaran oo suuqa xamar dhex yaal wakhtiga uu qudbanayo!!!
  19. XX,, Wadaad berigii maxkamadaha ayuu ahaa iminka waa madaxweynaha somaaliya waa inaad siisaa ixtiraam cidina ku odhan mayso sawirkiisa sudh dukaanka hargaysa ku yaala,balse niyada ku hay inuu ku hadli karo magaca soomaaliya oo dhan waxaana soo doortay qaramada midoobay ka dib markaan kala caroonay taasu waa taas, tan kale,,,sheekadaa iskala martaye shacabka w/gabeed raali galin uma baahna waa buskoodeen marka laga reebo in yar oo snm maskaxda ka dhaqday
  20. XX, anigu shacabkaas dhiban baan ka mid ahay adiguna ila mid baad tahay saan filayo hadaadan marqaanka isku ilowsiinayn cid aan raali galiyo oon wax u dhimayna ma garanayo Ma xuma in madaxweynuhu xasuusto shacabkii iyo ciidankii qaranka soomaaliyeed oo waqooyiga naftooda ku waayay lakiin wakhtigeedii lama joogo aragtidayda.
  21. Kuwa suuqa xamar ku dhintay doraad yaa raali galin ka bixiyay mise jordan waa ka qaali santahay carabta kale? Inta madixiisu ciidda yaalo inuu iska aamusay ahayd.
  22. Dabcan saxiib,, hadaan wada xalaal nahay sow intaan qiblada u jeesano hal iimaam ma yelaneen iyo dal iyo dad mida?