gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Hadiiba ay dhacday inuu hadlay ictiraafna ka hadlay shirkaas walaalheen w/galbeed waa ku fashileen,hadii ay ka amuuseen aduunku dib ayuu u waraysan doonaa sababta ay la aamuseen iyo waxay tabanayaan taasaana sharaf badan aragtidayda sheekh shariif aragtidayda hadalkiisu nuxur ma leh sadex arimood oo ku caanbaxay darteed kow waa sheekh hadana cahdi ma leh cadowgiisii shalay maanta waa walaalkiis tusaale cabdilaahi yuusuf asagoo ethopia jecel ilaa mudo aad u dheer ayuu somaaliya ka dhoofay marnaba isma badalin waa cahdi Labo ma yaqaan cida uu madaxweynaha u yahay inay soomaali oo dhan tahay, hadaladiisana hargaysa laga dhagaysto in ka badan siilaanyo, manaba soo hadal qaado qiimaha wadaniyada iyo midnimadu leedahay, xataa gobolada ogol ilaa mahiiga uga hor maro ma booqdo Tan sadexaad intuu wadanka ka dhoofo way ka badan tahay intuu joogo waxayna u egtahay inuu markii horoba doonayay inuu dibada iska dhiibo
  2. xaaji hargaysa waa magaalo somaaliyeed ma oran dal kale magaalo ku taala caasimad somaali ha noqoto siyaasi waa beenlow laakiin waa inuu noqdaa beenlow wadaniyad leh hadii aad siyaasi intaas ka hesho codkaaga sii Miyay kula hagaagsantahay nin oday ah siyaasi somaaliyeed ah soo arkay qaran dhisan lasoo shaqeeyay ku luga baxsaday 3000km, wax kastaba ka dib ha dhaceene, inuu dad baahan oo somaaliyeed oo meel shir loogu qabtay,inta soo hor istaago yiraahdo saxankayga gooni wax ha laygu rido?
  3. Haduu madaxda aduunkoo dhan ka socota hortooda soo istaago muxuu oran lahaa baad is leedihiin 1- kala danbaybaan smaysanay amaan mudan ee hogaan soomaaliya aan u noqono hargaysana caasimad ha laga dhigo 2- 21 sano baan ictiraaf u heesnay oo u ooynay wax noo riyaaqa iyo wax noo istaaga midna mahayno maxay tahay sababtu?
  4. Samafal;792849 wrote: Meesha miyaa la is shuushaaminayaa mise waa la doodayaa Samafalku waa fiican yahay awoowe waana la doodi hadana la is khilaafi balse meelo fog baan ka nimid godinlabe iyo ka kor yaan la isugu kaayo tagin hadii alle idmo Arinta wariyaasha maqaal dheer baan ka akhriyay waliba gabadhu aad bay u dacwootay waxaa ila haboonayd inay u tagaan odoyaasha dhaqanka siiba islaanka gaaban
  5. odaygaas libaaxa nool sanka ka taabtay wuu la hadlay barbaarta odoyaasha kale ee soomaaliya ka yimid halasoo dhaweeyo si qalbi furan
  6. Madaxwene aan diyaaradba ka dageyn meel laga cussuumana ugu jecel hotel biyo qabow shalayna diiday ethopia maantana jecel, kuna andacoonaya waa walaaleheen dalka noo xoraynaya iyo dagaal ooge la socda amxaar maxaad u kala fadalaysaa enginere?
  7. madaxda khaliijka caruurtooda lama hor istaago markay dibadda ku noqdaan human right watch ha u dacwoodeen siduu genaralku sheegay meeshu waa garoowe minisota maahan!
  8. Dhagdheer dhimatay miyaa sheekadu geedka ha lagasoo dego marka aaway xaabsade iyo hiiraale? sow dadkooda inay maamul u sameeyaan maahan eegga?
  9. Gabayo waxaa jira aan macnaha ay ku fadhiyaan inaba ha yaraatee la sharixi karin sida kan kor ku xusan iyo midaan u malaynayo inuu tiriyay nin soomaaliga baaliq ku ahaa runtiina gabyaa ahaa filayana inuu boorame ku dhashay hadaanan khaldanayn magiciisii waan iska liqaye bal tixdan fiiri Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye Dhashaadeey sugtaa xaajadaad dhawrtaa abide Bal u fiirso gobanimadaa qotada dheer oo ninkaas ku duugnayd iyo kuwa shirarka nooga qayb galaya farqiga u dhaxeeya
  10. Reer koonfurku ma wada niikiyo saaxiib ha noqon kii reer waqooyiga ahaa ee marka tagay oo gowdii jowdii ka hormariyay
  11. Taleexi;782027 wrote: I can read and write Osmania. It has some strengths compared to Somali. For instance, inan(Boy) and inan(girl) are totally written distinct ways! Inan waa gabar gashaantiya ama qaan gaartay afka qoran, lahjadda waqooyiga somaaliyana lama kala garto waayo isku si bay ugu dhawaaqaan una qoraan wiil iyo gabar inan iyo innan. Waxaa isku khaldan xoogaa dameer iyo dameerka muunka ah daanyeer iyo daanyeerka muunka ah haday kali qormaan waxaa kaloo jira erayo badan oo dibada laga keenay sida carabta hadana aan macno kale u samaynay ama labkii dhadig ka dhignay tusaale FARAS carabiga waa GEENYO ama dhadig soomaaligana waa lab (faras..dhadig iyo xusaan..lab, carabi)(faras..lab iyo geenyo..dhadig,somaali) Cusmaaniyadu waxaa adkaatay in la helo teeb u gaara dhaqaale badana waa loo baahday,xataa qoridoodu waxay u egtahay in xarafkii kaliya qoriduusu wakhti u baahanyahay waa sawir gacmeed oo kale.
  12. Wadaad dagaal ku furan yahay baa hadana habar iyo ciyaalkeedii boobay waa sheeko cajiiba ama waa mid farsamaysan islaanku waa qabaa hadaad naagtaada furto in nin kale guursado hadaad masruufi weydo inay is furto hadaad caajisto ama qorigu dhici waayo iwm,waa basic islaankoo dhan ogyahay Intaas waxaa soo raaca wadaad xume iyo kuwo ka dhaadhiciya dumarka in markii hore meherku khaldanaa oo wadaad cusub bisinka u qabto kitaabkana ka raacato, ama asaga qudhiisa handada kuna yiraahda saxiib waxaa lasoo sheegay inaad inta fariisato hadana iska istaagto oodan wax salaada isku dayin ka waran hadaad mujaahidiinta ka mid noqoto ood towbad keento haduu tahriibo sow in reerka loo sii hayo gar noqon mayso.?
  13. gabadha haloo duceeyo in ilaahay hadeeyo sini muraahiqu ama da'da caqligu kala guuro aad buu u khalad badan yahay waxaa laga yaabaa inay is lahayd meeshaad ka qurux badan tahay saaxiibkaa tus,sida ugu dhaqsaha badan haloo guursado inta gacanta laga qaado meeshay saarantahay i hope you catch me
  14. Koley kuwo aan meel wada joogno hargabku kama baxo waana faan badan yihiin!!
  15. waxba kama khaldana kalmadaas laakiin ilmuhu waxay ugu qurux badan yihiin markay socod baradka yihiin hadana socodkooda ku qoslaan
  16. Somaalidu waa dad u naxariista ubadka, ilaahay ha daayee Digaaga masaakiinta ah iyo ariga maxaa loo qashaa hadana loo cunaa? mar hadii diintu ogolaatay ka dood ma leh,balse waxaa loo raadin karaa adilla in qaruumihii waayadii hore ka saxo iyo jir weynaayeen kuwan kiimikada ku nool Tan kale ilama aha in guri loogu geeyo hadana la yiraahdo ha taaban waalidkii bixiyay gabadhooda wey og yihiin inuusan macalin dugsi quraan ahayn
  17. Faroole wuxuu jeclaan lahaa inuu si fiican u hadlo noqdo madaxweynaha goboladoo dhan hadana ma yaqaan wadada sida qodxaha looga guro reer barigu asagoo kale waxay yiraahdaan boowe aa iska soo orday.
  18. Allaha u naxariistee qofkii xasuusta asagoo yar oo nabad kusoo toosay hooyo soo dhunkatay iskool yimid saf galay faataxada akhriyay heesta calankana ku xijiyay taariikhdii siyaad barre uma baahna inuu akhriyo wuxuu u baahan yahay inuu ducada aduunku u ducaynayo ka qayb qaato in alle u naxariisto Da'da yar oon wali timo kale usoo bixin wax dawlada oo soomaaliya leedahayna arag wey u baahan yahiin inay ogaadaan akhriyaana buugaas
  19. Xagee ceeb looga dhintaa xaajiyow sookaa siilaanyo u dhoofaya danaha qaranka maahan!!
  20. Samatar daciif cafis snm uga baahan maahan waa sareeye guud qarankiisa usoo halgamay, Dacwadu ma waxay ku saabsantahay dagaalkii ethopia mise wax kalaa jira? dagaaladii sokeeyena kama qayb galin ragii ka qayb galayna waa madaxda hadda somaaliya hogaamisa,nimanka dacwada furay aragtidayda si khaldanbay u marqaameen.
  21. Gaal kacyo waa magaalo somaaliyoo dhan laga helo labo maamulna kama jiree ilaa shan maamul baa ka jira sadex curdan ah iyo labo uniform xiran Dagaal lama jecli bugcad soomaaliya ka mida hadaan heli karo,waa meel u baahan wax ka qabad dhab ah siday hadda ku socotana si maahan Qoraxda sacab laguma qarin karo nin labisan dharka ciidank ayaa nabadoon toogtay lamana hayo iyo dhakhtar naag dhalaysaa u jiifto ayaa saaka xafiiskiisa lagu toogtay labada maamulna waxay isu qaban qaabinayaan shirka ka dhacaya london Adeer waxaas maamul laguma sheego waxaa la yiraahdaa laandheere.
  22. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;784654 wrote: Uma jawaabin miyaa habartaas? Taas camal axsaan iyo xishmad midba ma istaahisho. Maya saxiib laakiin saaxiibkay wuxuu ku taliyay inaanan habar danbe oo carab ah kursi uga kicin ana waxaan ku taliyay inaysan islaantu wax danbi ah lahayn waayo ma'aysan joogin meeshii adoonta lagu xoreeyay mana aysan maqal waxayna u akayd inay baadiye fog ka timid
  23. Dumarka af somaali waxaa lagu yiraahdaa nugul (naacim afka carabiga) haday saf kaa hormartayna xaq bay u leedahay waayo somaali baad tahay dhaqan iyo diin fiican Odayguna marku weynaado kaarka jaaluhuu wataa asagana lalama hadlo dhaqankeena wiilka dhalinyarada haka yeelin Waxaan xasuustaa hadda ka hor ayaan islaan duqowday oo carab ah kursi uga kacnay,markaasay inta fariisatay meeshay ka oran lahayd khyr allaha idin siiyo dadkii kale oo carabta ahaa la hadashay waxayna ku tiri xataa adoontii baa idinka garasho fiican oo kursi iiga kacday aad baa naloogu qoslay waayo si fiicanbaan u labisnayn
  24. Waad ku saxantahay carafaadow in magaalo hal maamul yeelato hadii la waayana in wada shaqayn dhab ahi ka dhaxayso si dadka wax ku oolka ah loo badbaadiyo ilaahaybaa wax babaadiyee,shakina kuma jiro in magaaladu qabiil dartiis u kala oodan tahay Hadii abwaan iyo oday dhaqameed dhanka shishe lagu dilay dhanka sokana waa in diktoor lagu dilaa waayo waa labo reeroo is dhalay Generalku maadaama uu yahay siyaasi ruug cadaa ah ama general soo shaqeeyay waxaa laga yaabaa inuu u jeedo wax aan dadka caadiga ah u jeedin Waan kula qabaa fikradaada ama meel waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa
  25. Gaalkacyo dad badan baa ku dhinta, hadana subixii markaad soo kacdo waxaad moodaa inaysan waxba ka dhicin haday nabad fiican heshana siday ahaan jirtay shaneemadeeda xataa oodkac ama muqmad baad ka heli Hada sida xaalku yahay waa laba maamul oon awood u lahayn inay xataa gacan ku dhiiglaha u baxsada dhanka kale isu soo qabtaan si ay labada dhinacba nabad loogu noolaado, waa is dhalnay macno samayn mayso aa baa loo kala duwan yahay wakhtiga hadda la joogo xataa isku si loogama adimo,qaybna waxay tiraahdaa allahu akbar qaybta kalana allahu ekbar, allaha u naxariisto marxuumka