Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,668
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Inta sheekadaas qeybteeda labaad soo socoto, tan sii aqrista. ------------- Istacmaalka Chatinka Paltalk faa'iidada iyo Qasaaraha uu u leeyahay Qoysaska isqaba Xaliima Sheekh: "Wax la qariyo Ma fiicna aniga ayaa ka mid ah Dadka ugu Guriga ka dumiyay Chatinka Paltalk, Marka waxaan Haweenka Soomaliyeed Kula Dar daarmayaa in ay iska ilaaliyaan Waxyaabaha Dhalin kara Kala Taga Qoyska." Paltalka waa aalad maqal iyo muuqaal leh, sidoo kale waxaa ay leedahay qayb qoraal ah oo prevet ah, oo hadalka laguu soo qoro uu yahay mid kuu gaar ah, waxaa kale oo uu leeyahay Qol weyn oo ka dhaxeysa Dhamaan Mujatamaca soo galo, oo Qoraal lagu soo Qorana uu Qof waliba ka qaybqaadan karo, Faa'iidada ugu weyn ee laga helay Paltalka Qaybta Soomaalida waxay tahay, in Qol la sameeyay Habeen Habeenada ka mid ah kaas oo ay Sameeyeen Dhalinyarada Reer Maanoboliyo, in ay ku kulmeen Wiil iyo Hooyadii is la'aa Muddo Todobo Sano ah . Halkaas oo Habeenkaas looga hadlayey Qiimaha Jacaylka. Dhanka kale Paltalka waxa uu Door lama ilaawaan ah ka qaataa is dhexgalka Bulshada, ma yara inta Reer lagu Dhisay Paltalka, hadana waxa uu dumiyay Reero hore u dhisnaa,bal iminka ha inoogu sheekeyso Falxad Sheekh oo degan Magaalada denhaag ee Dalka Holand.sida loo isticmaalo Paltolka. "Waxaa jirta in Paltolka uu leeyahay Sedex Qaybood oo kala ah: Qayb Siyaasadda ah, Qayb looga hadlo Arimaha isbarashada iyo jacaylka iyo Qayb Diiniyan ah, waa inta ugu Muhiimsan oo ay isticmasho Soomaalida.hadaba marka aan hal hal u kala dhigo Qaybta Siyaasadda,waxa isticmaalo Dadka Da,dooda ay Hore u badatay, Qaybta Diinta waxaa isticmaalo Dad waa weyn iyo Dad yar yar,ayaga oo ku xiran Muxaadarooyin Diini ah oo Live ah,halka Qaybta is barashada iyo Faaqidaada Arimaha Jacaylka waxaa soo galo Hablo iyo wiilal isugu jira kuwii hore iyo Kuwii maanta. Waxayna u badanyihiin inta badan Dad calaf doon ah. Qolka Faaqidaada Arimaha Jacaylka waxaa soo galo hablo iyo Wiilal Magac aad u Sareeya ku leh, Marka ay soo galaan Qolka Dhexdiisa, waxaa ay la kulmaan inta badan Ereyo ay ka mid yihiin (Salaan Sare ugaaso iyo Salaan sare Ugaas,iyo Umaaac Baby) iyo Kuwo kale; Qofka la salaamo waxay ku qaadataa in uu Radiyo Salaanta ugu yaraan Hal Saac iyo wax ka badan. Inta badan Wiilashaas iyo Gabdhahaas waxay ku muteysteen Magacyadaas Bulshada ay taqaano in ay yihiin Dadki ugu horeeyay ee isticmaalo ayaga oo ahaay Dadka kaliya ee laga soo gaaray sida loo isticmaalo tiknoljiyada Casriga ah,ay Soomaalida isticmaasho dadkii Baray, isbarashadaas oo soo martay Heerba heer, anaga hadii aan nahay Hablaha Soomaaliyeed ayey Tiri Falxad Sheekh waxaan ka shakin jirnay Wiilasha Soomaaliyeed in ay Ragga iyo Wiilasha is dhaxgalaana waxay ahayd mid dhib badan, isdhaxgalka iyo Wiilasha iyo Gabdhana waxaa ka shaqeeyay Mahadi ha gaartee Wiil aan Magaciisa aan Dhaafi Karin Labumba Degenaayne Magaalada Oslo ee Dalka Norway. Labumba waxa uu ahaay Ninkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo la tar tama reer Galbeed asaga oo waxa uu ka soo Faa,ida u soo Gudbin jiray Bulshada inteeda kale,Labumba waxaa lagu Xasuustaa in uu lahaay Qol la Yirahdo,La Baashaal Ku Baashaal,inkastoo Qolkaas aan lagu sameyni Cridt Card hadana waxa uu qaadi jiray Laba Boqol Qofood,waxa uuna isku dayi jiray in uu bulshada dhan wada qanciyo Labumba waxaa lagu xasuustaa in uu Dadka is wada barto is wada maqlo hadana is wada arko, ayaga oo Dadka ku kala sugan Qaarado kal fog oo Aduunka ah,taasna waxay sameysan in ay Dad badani ay manta isyaqaanaan." Falxad mar aan weydiiyay Su'aal ku saabsaneyd Qaabka ay u dhacdo Habka isguursiga Dhalada Maadaama ay Barashada tahay mid ku eg Dhalada Computerka, Falxad waa ay Qososhay waxayna tiri, "Maantay Habka aan isticmaalno waa mid Casri, internekana waxa uu Qayb Libaax leh ka qaataa, isbarashada Hablaha iyo wiilasha, waa ay jiran Hablo iyo wiilal Tiro badan oo iska Guursada, aniga Saygayga oo aan iminka ku faraxsanhay waxaan isku baranay Paltalka Maantana waa Caruurteyda Aabahood. Marka kii aad Live u barato iyo aad Dhalato ka barato Soomaali waa isla Soomaali." Waxan weydiiyay Falxad Sababaha keenay in Hablo badan ay Luuqooda xirtaan ayaga oo madax banaana si aanan loola hadllin Taasi maxaa dhaliyay ayaan weydiiyay, waxayna Falxad oo Arintaan ka war celineysa waxay tiri: "Sideeda banaana Badeeco waa tii Banaan Taalo, Qofka marka uu Balan galo inta badan waxa uu sameeyaa si uusan Saxiibkeeda ugu Caroonin waa in ay Xirata Luuqa, Dadka ugu badan oo ay daneyneysana waxay Geshataa ad me listi oo ah in ay la hadki karto Dadka ay rabta Qof kalena uusan la hadli Karin, inkastoo taasi Ragga Qaarkiisa aysan jeclayn." C/laahi Jaamac Cali waxa uu Deganyahay Magaalada Qaahira, Xaafada ugu ilbaxsan Qaahira oo ah Ardi luwa, waxaana wax ka weydiiyay Qaabka loo Isticmaalo Qolalka Siyaasadda waxa uuna yiri: "Aniga waxaan Bilaabay Paltolka Sanadki 2000 waligeyna waxaan ku dhex jiray Qolal Siyaasadda, Qaybta Siyaasadda Waxaa looga hadlaa Hadba Siyaasada Maalintaas Meesha ay Taagantahay, Dadka Isticmaala Qolalka Siyaasadda Da'dooda kama yara 35 ilaa iyo waxii ka badan, waxaana wada qaybsana Mica waxaana iskugu jirnaa Qolo Xiligaas waxa socda Diidan iyo Qolo Taageersan. Inta badan waxaa jirto Murano Fara badan oo ku Saleysan Dimuqraadiyadda oo kala Fikir ah, inkastoo mararka qaar ay na dhibaan Caruur yar oo Qurbaha ku dhashay Waalidkoodana ay rabaan in ay Bartaan Afsoomaaliga. Iska soo qabsada micga iyaga oo ku jira Saf ku waas oo loo adeegsado in laga tuuro Qolalka,waayo Micga waa mid kaliya waxaana laga rabaa Qofba mar in uu Qabsado." Mar aan C/laahi weydiiyay Dadka istacmaalo Qolalka Siyaasada uu wax guur ah dhex maro, maadaama ay yihiin dad kala fakir duwan Siyaasiyiina ah waxa uu ii sheegay in ay jirto haddii la wada sheekeesto uu Guur yimaado, laakiin inta badan waxaa isguursada Dadka isku Fikirka ah, inta badan dadka Siyaasiyiinta ah waa ay kala shakiyaan, waxayna ka baqaan Qofka uu la hadlaayo ay isku Qaarad ay joogaan Maadama uu CVgiisa uu wax badan kala Socdo, laakiin anaga waxa nasiib wanaag inoo ah, in Haweenka Qaahira ay Boqolkiiba toban %10 isticmaalaan Paltolka, marka sas baan kaga badbaadnaa, hadana qofka lama aamino ilaa qofka uu kaa siiyo Telefankiisa, dabadeed ay Timaado is fahan guud." Xigasho ------------- Meeshaas wax ka jiro in aan soo arka waaye, weyba naga bad badiyeen. Hal maraa 2000 mar galay iguna dambeysay meeshaas.
  2. Paltalk waa mucjisa [ Qeybtii koowaad ] Waa galab, guriga oo dhan waa laga kala tagay, hal gabar iyo kombuyutarkeedii oo kale ah ayaa iskula soo haray. Aabaheed masaajidka ayuu aaday markuu shaqadiisii ka yimid kadib, hooyadeed iyo labadii yaryaraana waxeey aadeen meesha ay ilmahu ku dheelaan, oo halkaas ayaa ilmo badan oo Soomaali ah iyo hooyooyin Soomaali ah iskugu imaanaayaan galabkaan, walaalkeed ka weeyna banooni ayuu aaday. Sidaas daraadeed ayeey kaligeed guriga ku tahay inkasto ay saacadu hada tahay oo kale ah afarti galabnimo, hadane banaanku waa mugdi, oo baraf iyo ciiryaamo ayaa dabooshay, laga yaabee in roob yimaado ama baraf cusub. Fadhigay hada ku fiirsaneeysay filinka loogana kala tagay ayeey dhex fadhisaa weli. Filinkii waa dhamaaday, kuwa kale ayeey raadsatay, wax nah lehna waa ka weeysay. Waa ogtahay in hooyadeed si fiican kaga dardaarantay in ay shaqooyinkii laga adeejiyay sameeyso inta aysan bixin ka hor, sidaad daraadeed ayeey u kacday si ay iskaga kala hagaajiso guriga dhan, waxeey casho ka dhigi laheydna ka sii fekerto, oo in ay sii diyaariso ayeey rabtaa. Gabadhaan galabta gabar sida lagu yaqaanay ayeey u dhaqmeysaa, waxaana cad in hooyadeed markay soo laabato, ay u mahadcelin doonto inbadane shaqsiyada wanaagsan ee gabadheeda Maariya yariisey amaane doonto. Maxaayeelay si qurux badan ayeey guriga u hagaajisay, mushqusha u dhaqday, qolalka jiifka, kushiinka nal ayeey ka dhigtay, xataa dariishadahii tirtiritaankooda oo ay markasta hooyadeed ku canaanay jirtay galabta ayadaaba soo xasuusatay. Dabcan waa weeynaatay, aqli ayaana u siyaaday, laakiin maahan gabdhaha howsha jecel, raashin karis wilka ka yar ayaa kaga fiican, oo gurigaan raashinkiisa laga jecelyahay. Inkastoo asna ceebtiisu tahay inuu kushiinka alaabta taalo dhan wada wasaqeeynaa, waxaasna hooyadiis madax xanuun ayeey ka qaadaa, oo kushiin iyo alaab wasaq ah oo meelaha taaltaalo maba arki karto. Dabeecadaas gabadheeda yar ayaa ka raacday, laakiin labada waa weeyn in ay yihiin kuwa qasaaray oo wasaqda deris la ah ayeey u aragtaa. Maariya galabta calaamadahii hooyadeed jecleed sida in ay buug ku qorin jirtay oo aqrisay oo kale ayeey u buuxisay, waana sugi la'adahay inta hooyadeed ka imaaneeyso, oo sida ay ugu farxi doonto shaqada ay qabatay ayeey isku sawiri kartaa ayadaba. Shaqadii hooyadeed ka dardaarantay durbadiiba waa tan dhamaatay saasta ay tahay reerkiina sooma dhawo waqtiga dhimanna waa badanyahay in ay kaligeed halkaan fadhidane waa wax aysan ogolaanin weli. Balsa ma rabto in ay banaanka aado, ama talefanka ka wacdo saaxiibteed oo ay ka balan qaaday in ay soo weci doonto markay iskuulka ku soo kala tagaayeen maantay. Fadhiga ayeey marka dhinac ka fiirisay, kombiyuutarka ayeey indhaha ku dhufatay, hadane waa tan is dharbaxday, oo is tiri:" Maxaad ka ag sheegee kombiyuutarna saacadaan, wax falan aad tahee!" Markiiba qolkeeda ayeey gashay oo ka soo raadisay wax uun hagaajis kaga baahan, waa tan tinteedii sameeysay ugu dhaqaaqday, jirkeeda iyo wajigeedii fiirfiiris u gashay, aadna isku cajabisay, sina markay u fiiriso suniyaheeda ay ka weeysay isla sinma, waa isku xanaaqdaa. Laakiin aad ayeey iskugu qanacsantahay, ineey qurux badantahay xaafada in looga sheekeeysto waa ka warheeysaa. Mobiilkeeda ayaa soo dhacay, dhegaha ayeey ka qabsatay, ma rabto ineey saacadaan war gasho, galabtaan ayada iyo nafteeda ayaa kaligood ahaan doono! Markii hal saac laga soo wareegay, oo ay weli qolkeedii ku dhex jirto, oo ay wixii dhar u yaalay banaanka soo dhigtay, sida ay midba mar iskugu fiirineysay inkastoo aysan asbuucaan u soconin xaflad, hadane meel aan la aqoonin ayeey labiskaan u diyaarinee, sida ay u labisan laheeydna ugu sii fekeree. Waa ku war la'aantaaas gabareey. Qolkii waa ku dhex caajistay, waxeeyna niyada u sheegtay in aysan si kastaba banaanka u soconin, sidaas darteedna waxeey ku soo laabatay fadhigii, oo kombiyuutarkii indhaha ku dhufatay marlabaad, waa tan ku soo oroday, qadka MSN horay ka furtay, markay cabbaar ku jirtayna, gabar ay saaxiibo yihiin u sheegtay in ay ku jirto Paltalk oo la iskugu tagay sidaas darteed ay caawin ka rabto, ayadane si degdeg ah ayeey ku gashay qolkii ay saaxiibteed ugu jirtay Paltalka, oo caaytan iyo aflagaado kaga bilawday wiilkii ay saaxiibadeeda ka sheegatay. Waxyar kadib ayaa qoraal shaqsi ah (Privet) ah u yimid gabadhii kombiyuutarka kas la'aanta ku soo gashay. waa fiirisay, waa magac wiil, waa la sheekeeysatay, magacaa iyo inteed degentahay, kadibna ciwaanada MSNka ayaa la is dhaafsaday. Waxyar kadib waa soo galay, waa la isla sheekeystay, si fiican ayaa la isku bartay, in isku magaalo la joogo ayaa la wada ogaaday. Gabadhaan qofkaan aysan hubin wiil iyo gabar waxa uu yahay, warka uu sheegaayo mid mid ayeey u rumeysatay, aad ayeeyna u xiiseeysay sheekadiisa maalinkii koowaadba. Gabadhaan cashadii ay saacado ka hor diyaarisay xataa ma taqaano wax sameeyay, goor ay hooyadeed timid, ilmahii la kala seexiyay, walaalkeed iyo aabaheed yimidiin uun haday qosolkooda ku soo baraarugtay. Markay aragtay dadkii oo wada fadhiya fadhiga wax aan la aqbali karin ayeey la noqotay, oo tan ku tiri inkastoo la maraa hada sagaalkii habeenimo:" Waraa Amiin goormaad imaateena? waad soo dhaqsateene?" Amiin iyo labadii waalid qosol ayeey isku dhufteen, oo Amiin ayaa ku jawaabay asigoo duqeynaayo walaashiis:" Aabe waan kuu sheegay markii aad keeneeysay kombiyuutarkaan in Mariya ay waalan doonto, oo miirka ay ka qaadi doonaan nimanka adiga kaa waa weeyn oo howla la'aanta ku dhex heeyso kombiyuutarkaan." Waa la wada qoslay, oo hooyadeed ku tiri Maariya:" OO hooyo macaanto yaa baas oo aad ku maqneed, markii aan imaanaayay oo cashada sameeynaayay? hadii aad ku soo baraarugi weysay qayladii iyo ooyintii Caamir oo ay dhab kaa tahay in aadna la soconin mar aan soo galnay guriga walee wax waa ka jiraan warka Amiin!" Waa la is fiirshay, qosol ayaa mar labaad lagu dhuftay, inkastoo ay wiilka iyo waalidiintiisaba foorjo ka wadaan, hadane Maariya inta xanaaqday ayeey qolkeedii horay u gashay ayadoonan u jawaabin. Riyadii macaaneed ayeeyba ka qaseen, maantay nin ay la so hadashay hadii ay aqoon u lahaan lahaayiin meey warkaas sheegi lahaayeen ayeey istiri. Maariyo feker iyo riyo ayeey gashay, midba mid ka sii macaan u dhiibtay, is tustay in qofka ay maantay la soo sheekeeysatay mustaqbalkeeda wax ka bedeli doono si uu kaga bedelaba!! Waa cajaaiib sideee ninkaan marka xigta loola kulmi doonaa? intay ku dhamaan doontaa sheekadiisa? aqriste ha iska hilmaamin qaybta labaad ee sheekadaan, asbuuca danbe aqris wanaagsan!! Mahadsanid inbadan aqristaha qaaliga ah. Aqriste soo celi wixii dhaliil iyo suaalo ah adoo mahadsan marwalba!! Qoraalkaan xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga qoray, amar La`aana lama daabacan Karo, lamana qaadan karo, sidoo kale wax mala'awaal ah waa ka macnuun in laga sameeyso, ilaa ogolaasho laga helo Qoraaga sheekada qoray. Kala soo xariirka ciwaanka hoos ku yaala. Waxaa qortay Ifraax Y. Axmed ( Ifka ) [ La soco qeybta dambe .]
  3. Well, well, it is about time. After two toddobaad of forcibly being off air, it is back, beybi. Shabeelle is back. Idaacadda Shabeelle oo maanta dib ugu soo laabatay hawada Shabakadda warbaahinta Shabeelle ayaa maanta dib ugu soo laabatay hawada 15 maalmood ka dib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay soo weerareen xarunta idaacadda oo albaabada ay isugu dhufteen. Idaacadda Shabeelle ayaa maanta abaaro 12:00 Pm hawada dib ugu soo laabatay, iyadoo dhageystayaasheeda iyo aqristayaasheeda bogga Internetka ay ugu bishaareyneyso in ay si toos ah ugala socon doonan wararka iyo barnaamijyadii ay uga barteen idaacadda. Dib u soo hawa galidda idaacadda Shabeelle ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamadii xanibay howlaha idaacadda ay ka guureen wadooyinka soo gala xarunta idaacadda. Idaacadda Shabeelle oo ka mid ah idaacadaha madaxa banaan ee ka howl-gala gudaha dalka Somalia ayaa waxa ay u taagan tahay soo gudbinta warar ku saleysan xaqiiqda, dhex dhexaadnimo. Maamulka shabakadda warbaahinta Shabeelle ayaa sheegay in aysan waxba u dhimi doonin howlaha idaacadda mudadii ay xanibeen. 18 kii bishii September ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ay weerar toos ah ku soo qaadeen xarunta idaacadda, iyagoo rasaas la beegsaday dhismaha xarunta iyo dariishadaha, taasina ay sababtay in idaacadda ay hawada ka baxdo. Rasaastii lala beegsaday xarunta ayaa waxa ay sababtay qasaaro soo gaaray qalabka iyo dhismaha idaacadda oo qiimo ahaan lagu qiyaasay in ku dhow 50 kun oo dollar. Shabeelle.net
  4. How can any sane people read those hatred sites, been maalin cad loo jeedo fabricate? Ma niyadda ayaa lagu dhistaa. I am not talking about this site only, kuligood labadda dhinacba. Ka biloow, and being a few examples, idamaale.com, carmooyin.com to hadhwanaag.com to qarannews.com to radiolaascaanood.com to widhwidh.com. Qashinka ayaa dhaamo reports like this and any bogus lies they fabricate as a report, a waste of bandwidth iyo been been dhaaftay. For the sake of your own sanity and healthy mind, stop reading those sites and many of its ilks. Or otherwise haddaa saan ku socotiin waa ku dhufan doontiin.
  5. Originally posted by Tuujiyee: Waraa Meeshaan Ogaa qabowgeedi aa dagneed meeshaan qaboowgeeda uma daaheysid saaxiid.... Is better than shiiiiiiiiiiiiidh place we lived at bro.. come check it out but don't come here with out letting me know... But only if your for real and want a good future come here not if you want baashaalka aad ku Heysay Building yada Alta Vista waraa Wareer Badanaa!!! Ee meeshaa ii maleysid inaa deganahay waligeey ma degin. Saraha Alta Vista dhowr jeer oo badan aan booqday maadaama habaryarteey iyo ilmahabreedkeey deganayeen meesha, kor iyo hoos ka kala deganayeen sarahaas, oo si fiican aaba u kala aqaanaa. Meeshaas Galbeedka waa qaboowdahay ninyahoow. Wey ii faa faaliyeen, imoow, imoow ku haayo kuwa. Inaa soo arkaa rabaa meesha waxee ku haayaan maryooleey.
  6. Cabdiqaadir Nadaara iyo Xasan Cadde oo soo gaaray London kadib markii ay kasoo carareen Muqdisho 01 Oktoobar, 2007 - Waxaa Magaaladda London ee xarunta dalkan Britain soo gaaray labo Wariye oo kamid ah Wariyayaashii ugu caansanaa Magaaladda Caasimadda ee Muqdishu kadib markii ay la kulmeen hanjabaado iyo xadgudubyo ay sheegeen in ay kala kulmayeen dhinacyada Siyaasadda isku haya ee soomaaliyeed. Labadan wariye oo kala ah Cabdiqaadir Caashir Nadaara oo u shaqaynayay Taleefishinka Universal ee Muqdisho iyo Xasan Sheekh Axmed "xasan Cadde" ayaa u sheegay Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ah Tafatiraha Warbaahinta Onkod News Agency in ay ka soo carareen dalkaasi Soomaaliya kadib markii ay la kulmeen hanjabaado isla markaana lagu dilay Muqdishu Madaxii Idaacadda HornAfrik cali Iimaan Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi isla markaana lagu dhaawacay wariyayaal kale. Cabdiqaadir Nadaara oo soo gaaray London maalmo ka hor waxaa uu sidoo kale uu kamid ahaa wariyayaal lagu xiray Muqdishu mudooyinkii ay shaqooyinka warbaahineed ka wadeen dalka, Waxaa uu intaasi ku daray in ay adagtahay in la amaan galiyo howsha warbaahineed xiligan. Cabdiqaadir Nadaara oo isagu lagu xasuusan karo barnaamishyadiisi dhiiri galinta in ay dadka ku soo labataan dhulkiisa hooyo isagoona lagu xasuusan karo barnaamishkii ku dalxiis Xeebta jasiira. Xasan Sheekh Axmed Cadde ayaa sidoo kale isna London jooga Muddo kooban, waxaana uu isaga soo cararay Muqdisho kadib markii lagu dilay Magaaladaasi Mas'uulkii uu u shaqaynayay iyo mid kamid ah Wariyayaashii ay ka wada shaqaynayeen HornAfrik. Dadka ka soo cararay ee wariyaasha ah ee Muqdisho kuma eka labadooda ee waxaa jira wariyaal badan oo soo cararay sida madaxii Dayniile iyo Qaranimo ee Muqdisho Cabdishakuur Cilmi Xasan oo isagu xiligaan ku sugan Dalka Holond Soomaaliya waxaa ay kamid tahay goobaha sida wayn loogu ugaarsado wariyayaasha ka howlgala hadii ay yihiin Soomaali iyo Ajnabi intaba , waxaana sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya Muqdishu lagu dilay 7 wariye oo labo kamid ah ay ahaayeen Ajaanib u dhashay dalalka Europe. Xigasho ------------- That is what the stooges want. An information vacuum, their atrocities unreported. It is day 15th now.
  7. Caanogeel, I will try to email them and give a piece of my mind. In the meantime, here is their email: letters@newvision.co.ug.
  8. Do we have an example in this leader? The Fox News TV (US) asked the Iranian President Mahmoud Ahmadinejad; ” When you look into the mirror in the morning what do you say to yourself”? He answered: I see the person in the mirror and tells him ” Remember, you are no more than a small servant, ahead of you today is the heavy responsibility, and that is to serve the Iranian nation”. And this was how the broadcaster introduced him. Mahmoud Ahmadinejad, the Iranian President who astonished many when he first reached to the office of the Presidency by donating all the high valued Iranian carpets to one of the mosques in Tehran by replacing them with the low cost ordinary carpets. He observed that there was a huge extravagant langue for receiving and welcoming the VIPs and he ordered it to be closed and asked the protocol office to arrange for an ordinary room instead with the wooden chairs, though more impressive in fact! On many instances he joins the cleaning staff of the municipality for cleaning the streets in the area where his home and the Presidency office locates. Under his authority whenever he appoints any minister to his post he gets a signed document from him with many points, particularly highlighting that he shall remain poor and that his personal and his relatives accounts will be watched and the day he leaves the ministry shall be with dignity, and therefore it is not lawful for him or his relatives to take any advantage of his office. Mahmoud Ahmadinejad was born on October 28, 1956. He is the 6th and current president of the Islamic Republic of Iran. He became president on 6 August 2005 after winning the 2005 presidential election. Ahmadinejad’s current term will end in August, 2009, but he will be eligible to run for one more term in office in 2009 presidential elections. Before becoming president, he was the Mayor of Tehran. First of all he declared himself all the “Big” wealth and property he owned was a Peugeot 504 car, model 1977, an old small house inherited from his father forty years ago in one of the poorest zones in Tehran. His accounts with a zero balance and the only money comes in to his a/c was from his salary from the university as a lecturer with an amount of US $250 only. For your information the President still lives in that same house. This is all what he owns; the president of one of the world’s important countries; strategically, economically, politically and with regard to its oil and defense. He even doesn’t take his personal salary with the argument that all the wealth belongs to the nation and he is the safeguard over it. One of the things that impressed the staff at the presidency is the bag the president brings with him every day, which contains his breakfast; some sandwiches or bread with olive oil and cheese prepared by his wife and eats and enjoys it with all happiness, While he stopped all the deliveries of the special food used to come for the president. One of the other things he changed was his personal carrier “The President’s Aircraft” to a cargo aircraft in order to save the spending from the public treasury and he ordered that he will be flying with the ordinary airline in the economic class. He organizes meetings every now and then with all the ministers to know their activities and efficiency and he closed down the office of the manager of the president and any minister can enter to his office without any permission. He also stopped the welcome ceremonies like the red carpet, the photo session or any personal advertisement or respect of any kind while visiting any place in the country. Whenever he has to stay in any of the hotels he asks them to make sure not to give him a room with any big bed because he doesn’t like to sleep on beds but rather likes to sleep on the ground on a simple mattress with a blanket. Does any of such manners and practices shows any disrespect for the high post of the president? The Iranian president is sleeping in the guest room of his house after getting away from his special guards who follow him wherever he goes and photo is taken by his small brother according to the Wifaq Newspaper which published this photo and the next day the photo was published in most of the world’s newspapers and magazines and particularly the Americans. Blog
  9. Ciidamo Itoobiyaan ah oo Nin rayid ah ku dilay, Tiro kale oo Dad ahna ka kaxeystay Xaafadda Towfiiq Axad, Siteember 30, 2007 - Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxay dil u geysteen Nin Rayid ah oo ku sugnaa Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyagoo sidoo kalena halkaas ka kaxeystay Dad 20 Ruux ku dhawaa. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa ninka rayidka ah dilay kadib markii Ciidamadaas oo marayay Xaafadda Towfiiq lagu tuuray waxyaabo qarxa, iyadoo kadibna ay ceyrsadeen Ninka ay dileen oo sida la sheegay ka cararay Qaraxa dhacay, kaasi oo ay ku dhex dileen guri uu galay. Falis Maxamed Cali oo ehello la ah ninka la dilay ayaa sheegtay in markii qaraxa dhacay kadib uu guriga u soo galay marxuumka oo ay ceyrsanayeen Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo marxuumka ku dilay sariir uu hoos galay. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa sidoo kale waxay dad tiradooda ku dhowdahay 20 ruux saaka ka kaxeysteen Xaafadda Towfiiq, gaar ahaan halkii ay qaraxa loogu geystay, ilaa iyo haatanna lama oga meeshii ay dadkaas la aadeen, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dadkaas lagu hayo gudaha Garoonka Kubadda Muqdisho Stadium. Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa mar kasta oo weerar lagu qaado ama qaraxyo lala beegsado waxay si naxariis la’aan ah ula dhaqmaan dadka degan xaafadaha lagu weeraro, iyagoo aan dadka u kala soocin Dad dembi leh iyo kuwo aan xitaa dembiyo laga maleysan karin oo biri-ma-geydo ah. Xigasho
  10. Dagaalkaan aan loo baahneena oo aan dhamaadka lahayn aad ayaan ugu xumahay soo noq noqshadiis. Dhiig Soomaaliyeed ku daadanaayo. Hanti Soomaaliyeed ku baaba'eyso. Wax uu faa'ido u leeyahay ummadda Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed haba yaraatee ma jirto.
  11. Originally posted by Tahliil: quote:Originally posted by Fahiye: but ******* troops with SNM will pay sooner than later man. Moderators were in a high gear, crackin down pple misusing the forum left and right in the past few months...I have no idea how u will get away with this deliberate reference to Qabiil names...am rooting for u by the way We are not here 24/7 on this forum. Some offensive posts can stay a few hours unnoticed. It would have been better if you reported that post to us as well since it helps.
  12. Abaaba Butus Baanjar la bax aan ku dhahay, iska dhaaf waxaanee. Mise Taltaliini. Ciyaal jaaba jaabiyaashaan iyo kuni kunigaan xee ka yaqaanaan waxaas?
  13. Hooyada should not politicize her son's plight. Plus unnecessary accusations against other Muslims would not help her either. The media will only use it as a shot against Muslim community. Eebba ha u gar gaaro, wiilkeeda nabad qabana usoo celiyo, hadduu noolyahay.
  14. You are going to vote the very party of Mike Harris, the one who probably created his ideology itself, because of single issue? Do you have some siblings going to private schools? Most of us have or had nieces or nephews going to Islamic schools. But voting one that far-right, anti-immigrant for a single issue only -- that borders ridiculousness. Where do you honestly think John Tory will take the revenues from to enlarge private schools into public-like? Of course, it will drain from the healthcare, public school and other socially-funded programs. John Tory is a millionaire, a spoon-fed rich man since he was born, from a wealthy family. He cares less about the plight of public schools since probably his children [if he has any] attend or attended private, poshy schools. Max'ed Qaasin, the Soomaali Tory candidate, should have lobbied the NDP party to nominate him in Etobicoke North riding, which he might have had a chance to make a historical MP for Soomaaalis, instead of taking that opportunity of being Conservative candidate. Not many Soomaalis are going to vote a party of Mike Harris. That man wrecked the province of Ontario from late '90s to early '00s. Ontario has yet to recover to what he did to it.
  15. Tuujka, duqa, iga dhaaf Carabtaan iyo hinaasigooda ee iiga waran Galbeedka. Meeshaas badar badan aa lagu sheegay, oo many friends moved to, ee inaa anigana soo taab taabto waaye yaaqeey. Laakiin qaboowgaas aan ka cabsanoyaa. Aniga koolba'aariyo.org aan ka cararoyaa maadama meeshaas qaboowga ka jiro yahay kii qalalnaa oo waliba jirkaaga dhagax gaduudan ka dhigaaye. Meel bilooyin lagu noolan karo miyaa, koley sanadooyin ma rabee?
  16. It is two full weeks now that idaacadda Shabeelle being off air. If these Xabashi stooges can shut Shabeelle, then imagine if they had the power, the puppets would even try to shut SOL! That is what is at stake: The complete freedom of information. They are taking tricks from their Xabashi master of abusing warbaahinta, after they abused, murdered, committed genocide against shacabka iyo masaakiinta. I am glad and am comforted by a fact that they will never last. Let the Xabashi traitors and stooges enjoy for now of abusing masaakiinta with the perceived Xabashi power.
  17. Caanogeel, exactly, brother. That crap piece is far from journalism. I wanted to email to that site, then I realized that paper's editors do not even know what slander and libel are, let alone publishing a sheer xenophobic article. It is too erroneous piece too, doted with little facts misrepresented, including a complete misunderstanding or, worse, distortion of xawilaadda system by the reporter and the few he interviewed. "Money laundering" kulahaa. What the ... It seems they cannot believe those "poor, slum-dwelling refugees, immigrants" are doing well and much better than the average citizens of their country. Even google could have answered his basic questions. Heck, I bet the reporter did not even hear one of the largest suuqs in East Africa -- Islii district of Nairobi. I even bet he never heard the true industriuos spirit of Soomaalida when it comes to business and enterprising.
  18. One more reason you married sisters out there should appreciate nimankiina inay yihiin jaamacyaal. Otherwise, tan camal ayaa idinku dhici lahayd. No watching of Conan O'Brien or Jay Leno. Waxaas ayaa maseer la dhahaa inta kale been.
  19. Wife divorced for watching male TV host RIYADH: A Saudi man divorced his wife for watching alone a television programme presented by a male, an act he deemed immoral, the Al Shams newspaper reported on Saturday. The man, whom the paper did not identify, ended his marriage on the grounds his wife was effectively alone with an unrelated man, which is forbidden under the strict Islamic law enforced in the ultra-conservative kingdom, the paper said. Men in Saudi Arabia have the authority to divorce their wives without resort to the courts. Xigasho
  20. Waraa butus baanjar, tan adoo Rabigaaga balaq kaa dhigay xee "bajaqa" kugu wacoysaa? Iska dhici nooh. Hal sabaaxad sii yaaqeey. Intee kor ku maqantahayna sabaaxada sida Jeekeey Jaan camal shaafto usii diyaari, haku taraaraxdee. Bishimahaas ee taagoyso mar dambe makuu taagi lahayn runtii. Butus Baanjar.
  21. Yes, SOL waxaa ka geeriyooday walaalkeen Maxamed Ismaaciil, who did in fact pass away just a few short days after meeting many SOLers at a gathering in London. I was at that dinner night as well. That was really shocking. There was that healthy, out-going, funny, down-to-earth person that you just met a few nights ago and suddenly hearing his sudden geeri a few days later. His brother is a known SOLer as well. Eebba ha u naxariisto walaalkeen Max'ed Ismaaciil -- aamiin, aamiin.
  22. Originally posted by Khayr: I heard that at Columbia, he made a comment to the effect that the Holocost did happen but what does that have to do with the Palestenian people??? (in reference to Palestenians paying for the suffering of the jews by having their home invaded!) If anyone can post that quote, it would be appreciated. "MR. COATSWORTH: A further set of questions challenge your view of the Holocaust. Since the evidence that this occurred in Europe in the 1940s as a result of the actions of the German Nazi government, since that -- those facts are well-documented, why are you calling for additional research? There seems to be no purpose in doing so, other than to question whether the Holocaust actually occurred as an historical fact. Can you explain why you believe more research is needed into the facts of what are -- what is incontrovertible? PRESIDENT AHMADINEJAD: Thank you very much for your question. I am an academic, and you are as well. Can you argue that researching a phenomenon is finished forever, done? Can we close the books for good on a historical event? There are different perspectives that come to light after every research is done. Why should we stop research at all? Why should we stop the progress of science and knowledge? You shouldn't ask me why I'm asking questions. You should ask yourselves why you think that it's questionable. Why do you want to stop the progress of science and research? Do you ever take what's known as absolute in physics? We had principles in mathematics that were granted to be absolute in mathematics for over 800 years, but new science has gotten rid of those absolutism, gotten -- forward other different logics of looking at mathematics, and sort of turned the way we look at it as a science altogether after 800 years. So we must allow researchers, scholars to investigate into everything, every phenomenon -- God, universe, human beings, history, and civilization. Why should we stop that? I'm not saying that it didn't happen at all. This is not (the ?) judgment that I'm passing here. I said in my second question, granted this happened, what does it have to do with the Palestinian people? This is a serious question. They're two dimension. In the first question, I --" Full speech and questions and answers.
  23. This might also interest you. I am sure you've already read it.
  24. Soomaalida, as historically being an oral community, badanaa waaka dhumeyn taariiqdooda, siiba kuwii pre-Islaamka ahaa. Kuwa dhif ayaa kasoo jeedo ama ka haray. Still kuwaan, the few historical deities haray, some do not like it since it basically wipes out to the dust the bogus and mythical, unsubstantiated childhood stories they believe. The few following names, which I believe you already know dated pre-Islaam: Wacad [basically can be defined as an oath, like "wacad aan ku maray" or wacdale, which the latter is equivalent 'walaahi'] Waaq [a pre-Islaam deity] Wad ["Lord of Death(?)" Or "Angel of Death(?)" The basic definition is death, e.g. wadkaaga baa soo galay. Also the word 'wadaad' has its root to this word.] Eebba [We share this with many Semitic and Cushitic groups. It is the equivalent of being Rabi. There are more that aanan xasuusan now. I will be the first to buy your book, Daa'uud. Keep the good work up, walaaloow. NB - Completely unrelated, laakiin do you know the word "biyo" that we share with Greeks? Yea, same meaning of being water. The Greek word, of course, is "bio," [or bios] which, in Greek's sense, also means life since there is no life as we know without water. Thus the many Greek terms in English based on this word: Biology, biography ...
  25. Kuusha, you might need the lawyer mentioned the following article one day. NB - Ileen you are one of those who are anti-Soomaali when it comes Soomaalis being professional. I have a friend whose car once ka halaaway and I asked him why don't you take it to Soomaali makaanik. He laughed. His laughing gave me the answer. -------------- A game of khat and mouse Stewart Bell National Post September 29, 2007 TORONTO - The shop was empty. The shelves behind the glass display counter were bare, no one was playing at the pool table. But the storekeeper, a woman in traditional Somali dress, was remarkably busy for someone who looked to have nothing for sale. One after another, customers entered her tiny corner store and left carrying small plastic bags containing foot-long plant stems sprouting dark green leaves. Another shipment of "khat" had arrived. Khat is a shrub that grows only in East Africa and the Arabian Peninsula, and it has suddenly joined the ranks of Canada's most problematic illicit drugs. Seventeen tonnes were seized last year in crackdowns in Newfoundland, Quebec, Ontario and Alberta. Police now seize more khat than cocaine, heroin, opium, crack, meth and Ecstasy combined. That's partly because it's a bulky drug. Still, there were almost 900 seizures in 2006. A National Post investigation has found that, despite a crackdown at the border and police probes of the major smuggling rings, shipments are still arriving regularly at Canadian distribution points such as restaurants and coffee shops, where it is sold from backroom counters. The Post found khat being openly bought, sold and consumed in Toronto. Khat is also the topic of an emerging debate in Canada, one that touches on thorny issues, from the rights of immigrants to the limits of multiculturalism and the influence of Islamist extremists. "It'll never be stopped," said a young Somali shopping for khat at an Etobicoke strip mall, who gave his name as Mohamed but like the others did not want to give his full name for fear of arrest. "People are coming up with new ideas to bring it in every day. It's going to be the same as Prohibition times. "It's the best business to get into." The reason it is such a good business is that there is a steady market in Canada, mostly in Somali neighbourhoods such as the Dixon Road area of Etobicoke. In Somalia, chewing khat is a daily ritual that dates back hundreds of years. Men gather in the baking afternoons to sit, chew and talk. Khat sessions can last all night. "It makes you relaxed and more hyperactive, but you don't lose your head like alcohol," one chewer said, in the alley outside a restaurant that sells khat at a back-room counter. "It's like having three coffees, so you are awake all day." When civil war erupted in the late 1980s, and Somali refugees scattered around the world, khat followed them. Canada responded by banning the plant, formally known as catha edulis, under the Controlled Drugs and Substance Act. "It is an offence to possess, to traffic, to import," said Inspector Lise Crouch, officer in charge of the RCMP's Drugs and Organized Crime Awareness Service. "It's an illegal drug." But Canada's khat law is a sore point within the Canadian Somali community, which numbers about 150,000, one of the largest in the world. Khat users complain it has criminalized part of their culture and that it was a result of lobbying by Saudi-educated imams who want to impose their austere codes of conduct on the entire community. "Khat is part of Somali life," said Toronto lawyer Mohamed Doli. "It is entrenched in the Somali communities. It is the way people come together and express themselves, just like you calling a friend and saying, 'Can you join me for a drink today?' " Mr. Doli's law office on Lawrence Avenue West is only a few blocks from the strip mall where khat is sold at three secret counters. An ethnic Somali, he represents clients who have been charged with khat smuggling and possession. The anti-khat law has not stopped Somalis from chewing, only pushed the industry underground, he said. The price also jumped when it was outlawed, from $15 to $20 a bundle to $60 to $80. "It is coming in at the same rate as it used to, it's only that it's more expensive. So in terms of preventing khat from reaching Canada, we are not successful. But we are successful to enrich those who bring it in the black market." Moreover, Mr. Doli said he believes the law is unconstitutional. "Every community in Canada has something that is special to their culture," he said. "Khat is specific to the Somali and Yemeni communities. So when khat is criminalized, in essence you have criminalized the culture of these communities. "Any law that affects specifically a group of people to the exclusion of other Canadians is a direct violation of the Charter," he said. The law was only enacted because of pressure by radical Muslim clerics, he said, echoing a view held by many Somali-Canadians. "What's most painful is, the whole thing is born from a very myopic-thinking people who just see the whole world in a very narrow slant." Mr. Doli is not the only one who thinks the law violates the Charter of Rights. Ed Morgan, who teaches law at the University of Toronto, thinks it should be struck down. "In Somalia, khat is not like drugs in Western culture," said Mr. Morgan, former president of the Canadian Jewish Congress. "It's a very open part of the culture." Mr. Morgan has already filed a constitutional challenge on behalf of one of Mr. Doli's clients, but it died when the Crown stayed the charges. The basis of the challenge: the law unfairly targets Somalis and is unjustified, since there is insufficient proof khat is harmful. As many Canadian chewers are quick to point out, khat is not illegal in Britain. As a result, a bundle of khat that costs $80 in Toronto sells for about $5 in London. Some Canadian Somalis travel to London to bring back khat, or simply for khat holidays. "People fly to U.K. now to chew and come back," one Toronto khat dealer said. "It's cheaper that way." Khat must be consumed fresh, so it usually arrives in Canada aboard commercial airlines. Smugglers bundle it in moistened newspapers or banana leaves and stuff it in suitcases and parcels. Most of the khat that reaches Canada comes via the United Kingdom, but it also arrives from the Netherlands and elsewhere. As customs officers have cracked down, the smugglers have adapted. Importers will now send non-Somalis on free holidays to London, the catch being they must bring back a suitcase full of khat. One load of khat was found hidden in a shipment of fresh cut flowers. "We have a lot of experience with black market," one chewer said. "We come from Africa. Everything is black market." Few issues divide Somali-Canadians like khat. Depending on whom you ask, it is either a harmless pastime comparable to drinking coffee or eating peanuts, or a menace that makes those who chew it lazy and broke. At the Country Style coffee shop on Dixon Road, in the heart of Toronto's Little Mogadishu, heated arguments broke out when a reporter asked about khat. Hussein Duale, 70, said he had chewed khat all his life without consequence. "It makes you awake and happy," he said. "I never had a problem chewing the khat." As for the Canadian law banning khat, "That is totally wrong. The only time you have problems chewing khat is if you over chew, like everything else." But Gaal Yacqub said it causes economic and family hardships. "If you drink alcohol, you can work tomorrow. If you chew khat, you can't work. You can drive today, but you can't work." Mohamud Abdi said husbands and wives are always fighting over khat, mostly because of the cost to families that can ill afford to spend $80 three times a week. "Most people in the Somali community, they don't like khat," he said. It causes "health problems, financial problems and the person, he can't work. He like to sleep 24 hours." Some Muslim clerics have declared khat haraam, or forbidden by Islamic law. Aden Esse, a Somali community leader who helped found the Khalid mosque in Etobicoke, said khat is not specifically mentioned in the Koran, but it is prohibited because of the damage it causes families, health and wealth. "There are a number of ways that it is haraam," he said. At a strip mall near Lawrence Avenue West and Weston Road, there was anticipation. It had been days since the last shipment of khat and the men were getting anxious. They cruised the parking lot in their cars, looking for the dealers. In an alley behind a restaurant, men sat at tables playing cards. Dried twigs littered the ground -- the refuse of the last shipment. Those too desperate to wait resorted to chewing graba, dried khat leaves that are considered a poor substitute for the fresh stuff, but that will do in a pinch. A few days later, a shipment arrived via the Netherlands. It was a variety of khat known as mira, named after the region in Kenya where it grows. (Ethiopian khat is called herere.) An elderly man took his bag behind the restaurant, sat down and began to chew. He said khat helps his diabetes. "It makes me feel happy and I have pressure before I chew but now the pressure is going down. I feel relief." An SUV pulled up and someone said the men inside were dealers, but they denied it. The driver said he was already facing criminal charges after police searched his car last winter and found khat. He said he was released on the condition that he not use a cellphone or be around khat. But when the Post talked to him he had a cellphone in his hand and a bundle of khat in his front seat. Like many Somalis, he wants the Canadian government to stop what he considers the futile fight to ban khat. "It should be legalized," he said. "Why not?" A man emerged from the back door of a coffee shop and opened his plastic bag, showing the half-bundle of khat he had just purchased for $40. Asked how much he had earned at work that day, he looked embarrassed. "Seventy-two dollars," he said.