Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,171
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    299

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu dilay Jimco, Maajo 18 , 2007 - Alle ha u naxariistee G/lle sare Axmed Siyaad Cabdulle oo ka mid ahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu dilay Xaafadda Baar Ubax ee Degmada Howlwadaag. Wiil dhalinyaro ah oo Bastoolad ku hubeysnaa ayaa geystay dilka Sarkaalka, sida ay dad goob-joogaal ah u sheegeen HOL, kaasi oo markii uu dilka geystay kadib baxsaday, iyadoo dabadeedna ay meydka marxuumka wadada ka soo qaadeen dad aqoonsaday. C/naasir Axmed Siyaad oo ah Wiil uu dhalay Marxuumka ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay geerida Aabahood, xili uu marxuumka gurigiisa wax yar ka sii maqan yahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo sheegay in uu dilka Aabihiis geystay Wiil Dhalinyaro ah oo baxsaday isagoo aan xitaa la aqoonsan. C/naasir waxaa uu sheegay in Aabihiis oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Madaafiicda Goobta uu muddooyinkan dambe ahaa nin Nabad-doon ah oo aan howlaha Ciidamada ku dhex jirin . Magaalada Muqdisho ayaa beryahan waxay noqotay mid la ugaarsado Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana shalay iyo dorraad lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo ku guda jiray sugidda Ammaanka Suuqa. Sanadkii 2005 ayay ahayd markii Saraakiil badan oo ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya lagu dilay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ka dambeysay dilkooda, marka laga reebo in loo bar tilmaameedsaday in ay Ciidamo hore ahaayeen. Xigasho
  2. Dumar iyo timo jiidjiid markee dagaalamaan ayaaba isku nacay. Ayaandaro kale waaye hadduu warkaan runyahay. Laakiin is our baradar Badgaduudoow hokey? Perhaps basayuulka madaxa xiiran ka muuqdo waaye, isku fiirsanaayo dagaalka gabdhaha. Xaasidsanaa.
  3. Magac Soomaaliyeed u bixi, they are "Islamic" too oo yaa u diiday. Magacyadaan qaabka daran Carabta xataa la bixin maalmahaan la isla dhexwareego ayaanba la yaabaa. Soomaalidii kalsoonidii maa ka dhuntay? Unique or not, u bixi Soomaali. Magacyada sida Ilsan, Falsan, Filsan Aragsan, Maansan ... [ereyga 'san' ayaa qurxiyo magacyada, oo wada wado 'good'], haddaa kuwa 'san' wax ka weysidna tan 'deeq' ka raadi, sida Maandeeq, Indhadeeq, Deeqo, Deeqsan [waaba labada la isku kabay]. Haddaadan kuwaas u bogin, u bixi the beautiful, common ones: Falis, Hodan, Haboon, Ayaan, Kaaha, Ladan, Idil, Sagal, etc. Another unique one is Qani Intaas waa gabdhihii. Wiilashana haddaa mid 'unique' rabtid waxaa ula bixi kartaa, just reinventing, you know: Deeqsade, Mahaddoon, Guuldoon, Samaandoon, Xumaandiid, Saxardiid, Qamaan, Looyaan, Sooyaan, Abyaan ... Ama the usual caanka ah, Hanad, Liibaan, Guuleed, Mahad, Kaafi, Kaahin, Kaahiye, Bootaan, Raabi. Just name them any Soomaali name. We've had enough of Carabi names.
  4. Haddaa qoraal qoreysid -- ha ahaado buug, warqad, maqaal, iwm -- waa laga maarmaan xirfadaha hoos ku qoran inaad ogaatid. Xirfadaas oo kala ah: Tusmada buugga = table of contents Tusmo = contents Muujiye = index Gogoldhig = preface Hordhac = introduction Afeef = disclaimer Gogoldhig = foreword Mahadnaq = acknowledge Tixraax = source Lifaaq = appendix Maraajic = reference Raadraac = bibliography Xigasho = source Cududaar = apology Qaamuusyare = glossary Daabacaad = publication Gunaanad [qatin] = epilogue Kahorbilaaw = prologue [erey uma helin u dhigmo kan. Kahorbilaaw ka warama?] Hakad = comma Hakaddhibicle = semicolon Joogsi = period [full stop] Labadhibicle = colon Hamso = apostrophe Jiitinweyne = dash Jiitinyare = hyphen Qooys [not 'qoys] = bracket Calaamadyaab = exclamation mark Calaamadsu'aal = question mark Calaamadxidig = asterisk Baraakad = quotation mark Astaamayn = punctuation Soogaabiye = abbreviations/acronym Labadhibcood = umlaut [ä] N.B. = PS [postscript] Jaldi = cover Cutub = chapter Cinwaan = title Bog = page Tuduc = paragraph Weer = sentence Erey = word Xaraf = letter Kaladurkin [banaan] = space
  5. Nuune, haye, "Venus" maxaa ka maqashay? Buuggii loogu magacdaray "Bajaqyaasha waxee ka yimaadeen Venus, Maraxyaashana Mars" maa aqrisay, oo meeshaas inaa wax kale siyaado kasoo dabato maala rabaa hee. Sida loo sharxay aaba i dishay. Magac Soomaali in uu wato horey aan u maqlay, inkastoo aanan xasuusan hadda; marka magacaas shuhuura miyaa? Xidigta Waaberi iyadana ma xumo. Ereyga aan ugu jeclahay ku saabsan waxaas waa Dayacgacmeed. Qofkii isku kabay labadaas erey waxyaabo badan ayuu alifi lahaa runtii.
  6. Gobollada iyo degmooyinka Soomaali Galbeed saan ayee u kala baxaan. Waa sagaal gobol iyo ku dhawaad konton degmo [badanaa waa tuulooyin, inkastoo degmo la leeyahay]. Gobolka Afdheer: Baareey Ceelkari Codcusbo [ ] Hargeele Jarati Gobolka Dhagaxbuur: Dhagaxbuur Dhagaxmadoow Gaashaamo Awaare Gobolka Dooloow: Danood Booq Galadi Qoriile Wardheer Gobolka Godey: Cadaadle Abaaqaroow Dhanaan Feerfeer Godey Iimeeyda Labaad Qalaafe Mustaxiil Gobolka Jigjiga: Jigjiga Dhagaxle Gursum Awbarre Wajaal Xarshin Qabribayax Gobolka Liibaan: Dooloow Mooyaale Filtu Nageyle Gobolka Nogob: Fiiq Iimeey Salaxaad Xamaro Sagag Gobolka Qoraxey: Qabridahare Dhoobweyn Shaygoosh Shilaabo Gobolka Shiniile: Dirirdhaba Dawaanle Xarar Shiniile Ayshica Casbuli -------------- Next leyli, the occupied NFD.
  7. Talyaaniga waa dad yaqaano Soomaalida, aad iyo aad. Inkastoo dantooda leeyihiin, haddana waligood waxee u taaganyihiin midnimada Soomaaliya, which I agree with them vehemently. Without Talyaaniga in Midowga Yurub and Masar in Jaamacadda Carabta and Midowga Afrika, Soomaaliya mar horaa la kala goyn goyn lahaa. Mar hore. It was only last year shirkii Midowga Afrika ee lagu qabtay Gaambiya when a representive from Waqooyi was there, to lobby, until Masar threatened to either withdraw or Soomaaliya unity being a sacred and the representives from other parts must kicked out. What was more interesting in that shir was Geedi, the junior stooge in dowlad ku sheeg, himself was present, not barely even uttering an obligatory lip-service of sacredness, integrity of national unity he claims. Well, qof Xabasho xukunto maxaa laga sugaaye awalba. We also appreciate Sacuudiya iyo Suuriya, another two giants that always stand Soomaali unity in Jaamacadda Carabta.
  8. So the resistance and heroic efforts of Siid Max'ed Cabdille Xasan [Eebba janadiis haka waraabiyee] were futile before they even got started because some waxmagarado Soomaalis supported the then "great powers" [Talyaaniga and Ingiriiska] and Xabashadda? His struggle was a 'lost cause?' Perhaps Soomaaliya should not have erected a beautiful statue dedicated to him since his struggles and himself was a futile attempt resisting then great powers, no? Perhaps the sacrifice of a third of population of that region -- Darawiishta -- were indeed justified since their resistence, to begin with, were utterly, utterly frivolous? They should have saved their blood, maal and naf instead of their little, silly struggles with mightily powers, no? Perhaps Siidka should have gone, humiliated himself and sat down with colonial rulers at the "dirin" with a defeatist attitude because his and himself was a 'lost cause,' no? Sheekh Xasan Barsame qof isqasaariye ayuu ahaa by fruitlessly resisting in a small-scale resistence the Talyaani gumeysidoonkii because they were all great "powers" and some Soomaalis were with them? The Sheekh should have instead minded his dugsi and pupils, no? Or perhaps should have come to "dirinta" and recite in the opening some motivating Qur'aanic verses and leave, no? The founders of SYL were useless since it was a lost cause before it started because some Soomaalis were with colonials, with all their mighty "powers," no? I am a nonviolent person, and I am the last to advocate violence, but I, without any hint of irony or abashed, despise Xabasho regime. My nationalist blood cannot stand them occupying my land, never will tolerate and never will be silent. Nabiga [NNKH] ayaa laga wariye qof hadduu wax xun arko waa in uu kaga soo horjeystaa wuxuu awooda, including afka, wadnaha iyo laabta. As long as ay nagu jirto naf iyo dhiig dalnimo, Xabash iskuma dhiibeyno. And if you think Xabashi are going to leave voluntarily after suffering Eebbe knows what calamities, a severe shock is awaiting for you. If there is no resistance, they are bound to stay and build bases. Xabasho are not going to abandon this "gold" venture gacantooda ugu jirto, waana baddaas dheer Soomaaliya ku taalo. Even if they fool others to say that they are leaving, they will install a puppet, client regime. Xabasho did not go and occupy today Soomaaliya while bearing some romantic roses to Soomaali people. No. They did not venture to that land because they have the interest of Soomaalis at heart. No. No. No. Xabasho waa cadowgeena soo jiro, jirana maanta. They already have had occupied dhul Soomaliyeed oo waxba ku kordhin ka ahayn inay wax u dhimaan ma'ahee. They are not some perceived, hypothetical cadow, they are a real, historical cadow. Taas yaala iska indhtirin. Xabasho waa cadow Soomaaliyeed, cadow Soomaalinimo. Taas yaala iska maantirin. Si walba u sugarcoat gareya, si walba u macmacaaneey, si walba ugu cabsii dadka, still waa cadow, axsaanimana uma imaan dalkeena ay qabsatay; they came there to occupy, and minimally install a client, proxy state. Xabashi regime is not some iron-steel superpower and divine supernatural. Xagasha regime are a fourth-rated regime that cannot feed its citizens adequately. It is one of dalalka adduunka ugu saboolsan haba yaratee wax ay noo soo kordhineyso ayaa iska yar, xataa haddee Uncle Sam dabadda ka taaganyahay with financial, military and logistical assistance. Xabasho cannot stand a prolonged resistance, xataa ku dhufo ka dhaqaaq. Anoo Soomaali ah Xabashi iskuma dhiibaaye, ee wax kale la imoow. Axmed Gurey, Siidka, dagaalyanadii halganka usoo dhintay ee both '64 and '77 Xabasho iskuma dhiibin, bilaashna uma halgamin, dhiigooda iyo naftoodana u hurin bilaash because jiilkooda future imaan doono inay isku dhiibaan Xabasho. Xalane Xabashi uu isku dhiibo iska dhaafee, xataa calankeena ayuu u quuri waaye inay gacantooda u galo. There is two crystal, clear, unequivocal, unambiguous choice today: Xabashi isku dhiib and let them occupy you the next hundred generations and finally annex the land of Soomaaliya, and erase any trace of Soomaali people. Or resist them, by whatever means. By af, by gacan, by maal, by maankaaga, by uurkaaga, by ... No sane, living dalkiisa jecel Xabashi isku dhiibaayo. Eebbe forbid even entertaining that thoughts. As long as Xabashi are guarding and owning the so-called "dirin," no sane daljecel Soomaali meesha imaanaayo, umana soo socdo.
  9. Badgaduudoow, su'aalo. Maxaa loogu diidaa the likes of Sifir, Jaamac Yare, Kaluun, Maareeye, Cabdalle Boos, Cabdalle Xaaji, Yuusuf Dheeg, Buubaa and practically kuwa la fikrad ah inay ka degaan Hargeysa and appear publically? [They can go there privately, and few of them do occasionally.] Haddee goosashada lagu kalsoonyahay, maxaa loogu diidaa inay fikradooda si xor ah kaga dhiibtaan iyagoo joogo Hargeysa? Haddee yihiin dad yar "farakutiris" ah, maxaa keenay cabsida weyn laga qabo inay ka degaan deegaankooda ay u dhasheen, kuna dhasheen xaqna u leeyihiin inay tagaan? Haddee maamulka xagaas ka jiro leeyahay meesha "dimuqraadiyad" ayaa ka jirto, maxaa keenay in laga rookeeyo dadka fikirka midnimo aaminsan?
  10. Me, xantaan maxaa waaye? Ceeb waaye waxaas, duqa. Qofta Eebbe ayaa abuuray, ee iyada iskama dhigin. Teeda kalena meel ay ka qaabdarantahay ma u jeedi, perhaps romantically associating with that dude, yea, I can understand. [she looks like Carab, yet has a Persian name. Are you people sure she is Carab horta?] About the topic, I would have liked and pleased if the whole World Bank -- and its sister organization, IMF -- dissolved and disbanded itself as a governmental organization. Haba yaratee wax ee adduunka kusoo kordhiyeen ayaa iska yar ka ahayn making poor nations more poorer, lending them stupendous funds with Eebbe knows how much usury and other "free-market" policies attached, that cannot be afforded back , unless the country disintegrates economically. It is a chain, a modern way of slavery to always have poorer nations in their place. It claims to have most of the independent nations as members, and yet its president is always an American. Same with IMF, whose top leadership is always European. They talk and preach others about democracy and reform, yet most international institutions had not been reformed since their creation in 1940s. Another so-called "international" organization is United Nations whose real power is controlled by a few nations that does not absolutely reflect the current world. If it was as democratic as it claims, then Jabaan, Jarmalka, Hindiya, Koonfur Afrika, Barasiil, Nayjeeriya, Koonfurta Kuuriya, Bakistaan, Indoneesiya, Arjentiin should all have a permanent seat at the table in Golaha Ammaanka [security Council]. [i will not add Kanada, Talyaaniga and Australia since they have their interests already represented there.]
  11. Originally posted by Che-Guevara: Thanks Uma....Iam still mastering Malawax. Malawax raashinka aan ugu jeclahay uu kamidyahay. Sodan xabo xataa oo malawax kuleel haddaan cuno, caloosha waa iska sideyda. Ar maxaa ka dambeyaa, siiba mid malab lagu daro asagoo kulul.
  12. Originally posted by Castro: The third time will be the charm. Geedi is one of those people who will not die of natural causes. Tan ayaaba third time ah. So, the next will be the fourth. First one was Isbartiibadda, next ku xigtay qarixii loo dhigay baabuurtii waday at near Suuqa Xoolaha, dhanka kontoroolka and now this. Waxaa la dhihi jiray, cagtii joogsan weysay mar ayee la kulantaa ..., you can finish it nooh. Since magaciisaba yahay Geedi, kuwaas dabasocdo mardhaw ayee la heli doonaan.
  13. Dhowr todobbaad kahor ayaan yar u socdaalay deegaankaas Bari iiga warbixinaaye, oo ka yaabay waxyaabaha uu ii sheegaaye. He was alleging every facet maamulkaas iyo wax u shaqeeyo inay noqdeen corrupt; corrupt as in sida ay Nayroobi iyo Keenyaba wada ahayd. Wax walba ii dhiib iyo ii taabo iyo shaah bixi ayee noqdeen uu lahaa, shaking his head, recalling a little episode when he went to Dekedda Boosaaso to take some pictures. The guy irida horey fadhiye, he said, at first refused even taking pictures from the front main gate. But seeing that he was a dibadjooga ka yimid dibadda, he told him should he want to go in, xitaa in the sensitive security area, waa in uu kistoo bixiyaa. My friend said he refused, only saying he needed to take pictures from the gates. Then there was dadka guryaha meel alla meeshee rabaan ka dhisanaayo, sharcidaro iyo wanaagdaraba midkood aan xishmeyn the common sense laws and so-called local laws. They do this affront blatant acts breaking planning zones because laaluush ayee bixiyaan or have some higher connection. Qof juuq iyo jaaq u leh ma jirto. Those were not the only episodes he recited where a little things xataa noqdeen saas. I can understand Koonfurta waxaas camal ka dhacaayo, but Koonfurta maamul kama dhisna, kamana jiro. Gobolka Bari claims inay maamul ka jiraan. Isla kuwaas maamul sheeganaayo, hal iskool ma maamulaan, hal isbitaal iska dhaaf xataa hal sheybaar ay maamulaan ama dhaqaalogiliyaan ma jirto, jid ay dhiseena iskaba iloow. The same yarka i lahaa lacagta yar kasoo gisho dekeddaas -- waana meesha kaliya ugu roon dhaqaalaha yar laga helo -- straight waxee ku dhacdaa a few pockets that directly deposit to some accounts based in Imaaraadka, which we can only presume in lagu tunto those public funds.
  14. Haye, Caashaqbaro, noo sheeg, meeqo mar adigana banaan laguu soo dhigay tuutahaaga, oo laguugu soo daadiye? [biyo qaboob perhaps. ]
  15. Originally posted by Kreepy Kid: yeah the anoymity of the net is kinda wierd *thinking to herself while posting on a forum* I mean the amount of 40-something year old men that pretend to be 19 year old lesbians is kinda staggering and the amount of prebuscent kids that pretend to be 20 something is kinda frightening! So, tell me, Kid, are you another preteen 12-year-old? Not that there is anything wrong being that. Just kidding.
  16. Nuune, dad ayaa u dabasocdo liiskaas walaalkeen and Eebbe ha idmee wuu kasoo bixi doonaa godkaas ay Xabashadda giliyeen, una horseeday Soomaali waxmagarado ku sheeg ah. Teeda kale dowladaan Kanada xiligaan kuwa macangag ah aan u rooneen soogalootiga ayaa maamulo, oo dan ay ka leeyihiin ayaa iska yar. Saas ee tahay dadaalo ayaa socdo, oo garyaqaan caan ah ayaa u doodo. Sababta ay Xabasha ku heystaan waxee tahay awoowgiis ayaa jabhadii ugu horeysay ka aasaasaay Soomaali Galbeed, waana markee 1964 markee ahayd, waana dhaqdhaqaaqii ugu horeeyo Soomaaliya oo dal jirto oo ciidan leh dagaal la galay Xabashada. Wargeysa New York Times ayaa ka qoray baragaraafkaan hoos ku qoran ka qaray sanadka markuu ahaa 1964. Somali Guerrilla Chief Says He'll Ignore a Truce The New York Times March 28, 1964 MOGADISCIO, Somalia March 27 -- The key man in the border conflict between Somalia and Ethiopia is Muktal Dahir , leader of 12,000 Somali guerrillas who have been waging a war against the Ethiopian Army. New York Times Garaad Makhtal Daahir waa Bashiir awoowgiis.
  17. Horta idinkaba maalin Eebbe keeno afaaraha dalka dhan, ha kasoo biloow Raaskambooni ilaa Eebbe knows where waaka hadashiin, ee maxaa u diidaayo dadka kale markee ka hadlaan Waqooyi Galbeed. Haddaa ilowdeen mise isa ilowsiiseen, well take a note again: Waqooyi Galbeed is part and parcel of Soomaaliya. The residents there still are in Soomaaliya and are Soomaali; they still use the green, old Soomaali baasaboor, most notably to Xajka and other countries. They also use the still surviving, strong Soomaali shilin. Waa dhul Soomaaliyeed iyo dad Soomaaliyeed, and every Soomaali has a right to talk and comment about it, as any other Soomaali has a right to comment about any other issue that concerns about dhulkooda, dadkooda, dalkooda iyo diintoodaba.
  18. Kaastaro, ka dhaaf yaaqeey dhibka. Soomaag, though you hadn't wrote that requisite word for anyone seeking some help required from -- 'baliis'-- let me try to translate, as best as I can, and not in a formal, businesslike. Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobile waxay dhammaan dadweynaha iyo macaamiisheeda sharafta mudan ugu soo gudbineysaa shaxdan hoos ku cad, furayaasha gobollada dalka iyo qiimaha daqiiqaddii ee dirsashada taleefanka gudaha iyo dibaddaba, waana sidan hoos ku cad "The Telcom Somalia [Telsom Mobile] Company would like to give a notice to its regarded customers and the general public the following clear points: Area codes for each region in the country, and the domestic and international prices each per minute call, which are the following ..."
  19. I'm sure ciyaalkeena back then would not have uttered those words if we knew the ominous meaning behind it. We'd have never wished our sweet Xamar ku dhacaan waxaas. But that also tells you we knew, as nonetheless young innocent boys as we were, what was happening in Hargeysa.
  20. Magaceeda maba aqrin qashinkaas first sentence markaa arkay la yaabay, oo marax in uu qoray u qaatay.
  21. "There is no one more westernised than me. I was born and educated in Glasgow and have never been to Pakistan. "I prefer Spain for my holidays, I drink and I don’t go to the mosque. "Do I sound like a Muslim fanatic who supports terrorism? "We all have Scottish nicknames. I am called Tony, Naim is called Jamie and Asid is called Sid. Hakaa saarto. Kugu fiicanaa. Laakiin maraxa su'aasha uu isweydiin lahaa waxee tahay: Did being "westernized, drinking [qamri supposedly], non-masaajid going, changing to Christian names" help you? Daciif kaas camal ayaa jiro, wuuba u qalmaa in lagu haayo saldhig.
  22. Max'ed Dheere iyo wax lamid ahba wanaag maka sugeynin, laakiinse tan waa ku raacsanahay. Qashintaas ganacsinimo sheeganaayo dadkii, dalkii, duurkii dhameeye iyo baddiina sumeeye, geedihiina wada jaray, hadana usoo dhigtay dugaagii yaryarayd ka fakan la'. Libaaxyadii, shabeelooyinkii iyo duurjoogta kale ayee kor hore dhameeyeen, hadana diidiintii ayeeba usoo dhigteen. Waxmagarado aan mustaqbal dhaw iyo shishaba ka fikireynin, oo u cad calooshooda. Taloow jiilkooda iyo waxee sii dhalaan meeshee ku nool lahayeen maka fikiraan miyaa kuwaan, haddeeba dhulkii wax walba oo wax u tar ah ay wada gooyaan, wada tirtiraan, wada beec ka dhigo, wada iibiyaan.
  23. Soomaalida maxee ugu wici jireen qofkaan camal? Reminds me that man, Eebbe ha u naxariistee, oo wasiir ahaan jiray. His name? Laxwase?
  24. Originally posted by Stealth: How come no one replied? hmmm.. SYL did a great job, may Allah bless their soul. Already several threads is dedicated to this topic. Mar labaad aan ku celiyo, sawiradaan waa laga maarmaan ah. I hope soon they will be archived properly.