-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Originally posted by Dabshid: what abt UAE? Is Shooli still in Dubeey horta? I don't think half of those singers will show...Are you kidding me? Most of them if they are not getting paid, they ain't coming...Waa la arki doonaa...Sabti usba koodaase... Why not? They used to do this in early '90s for Bishacas and Laanqeyrtacas; I know this because I had watched videos from that time, oo iyagoo dhan kuwa kor ku xusan ku wada jiro, plus waliba ku jireen Khadra Daahir, Cabdi Dige, Sheegoow Band and the now defunct Guul Band.
-
War Khaalidoow, manooleedna? Xaalka iiga waran, widaayoow. Bash bash iyo barwaaqo iyo barbaar ii dheh. Yaaba ku arko. Saa u joogtid ayaa hal mar fud soo dhahee. Nafiis aaba ku dhaanto mar mar nasoo salaanto. Sugba aan cajalka fiiriyee.
-
Saas haddeeba tahay, anigana waa soo socdaa. Booska iiga baneey, Soomaali saas isku jecel waa yaraadeen labadaan bari. Wali qaboobga gobolkaas ma arki aa tiri, maskiin hee maadaama qaboowgooda yaa u adkeysan karo, balaayo qalafsan oo qalalsan waaye. Haye meeshaada Eebba ha kugu badbaadiyo. Haa, hooyo ayaa kuu duceysay, iridaha waa kuu furmeen, laakiin amaaba kii la sheegaaye camal noqotay oo markuu diyaaradda ka tagay iridii ugu horeysay markee isfurtay [yacni 'automatic' ahaan], ducadii hooyadiis soo xasuustay, oo sajuud galay asagoo mahadnaqaayo.
-
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in haddii aaney Xukuumadda Federaalka kalsooni weydiisan Baarlamaanka meesha lagu kala tegi doono Isniin, Oktoobar 22, 2007 - Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku goodiyay in haddii aaney Xukuumadda Federaalka kalsooni weydiisan Baarlamaanka ay Dowladda burburi doonto, isla markaana meesha lagu kala tegi doono. Xildhibaan Xaabsade waxaa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka uu ka dhamaaday waqtigii loo qabtay in ay ku soo diyaariso Dastuurka Federaalka, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay kalsooni weydiisato baarlamaanka. “Xildhibaannada qaarkood ayaa sheega in aaney jirin cid mooshin ka keentay Xukuumadda, waxaan leeyahay Axdiga KMG ah ayaa mooshin ka keenay Xukuumadda, waana in ay codka kalsoonida weydiisataa Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan Xaabsade. Xildhibaanka ayaa dhawaan wuxuu ka sheegay Magaalada Baydhabo in uu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Tiknikada iyo Ciidamada ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna aan Tikniko iyo Ciidamo wax lagu qaadi doonin. Xildhibaanka ma sheegin cidda ciidamo iyo Tikniko wax ku dooneysa ee ku xambaartay in uu farriintaas si dadban ugu diro. Sidoo kalena, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay 8 bilood ka hor aragtay qaladaad ay ku socotay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xiligaas oo ay iska casishay xil ay ka heysay Wasaaradda Warfaafinta, waxayna caddeysay in ay qabto in Xukuumadda Federaalka ay tahay in ay Kalsooni weydiisato Baarlamaanka bacdamaa sida ay tiri aysan waxba qaban mudadii ay jirtay. Xildhibaanadda oo sii hadleysay waxaa ay sheegtay in mar kasta oo la doonayo in Baarlamaanka hortiisa lagula xisaabtamo Xukuumadda ay soo baxaan Xildhibaanno sida ay tiri ku rafta Beelo iyo 4.5, iyadoo xustay in haddii qof meesha ku yimid afar beelood iyo bar uu meesha baneeyo ay beeshiisa booska soo buuxineyso, hayeeshee aysan arrintu ahayn in qofkaas weligiis iska joogo. Xigasho --------------- Wuxuu u qeylinaayo jagadaas -- "madaxweyne goboleedka" -- aan jirin ayuuba aaminsanyahay inay usoo socoto. Ar muxuu riyoonoyaa.
-
Originally posted by Mslm: Red Sea: Isn't this the Xaabsade from Sool? This is an old warlord, oo la dhaho Max'ed Ibraahim Xaabsade; the other, a newcomer to the warlordism, is Axmed Cabdi Xaabsade. I don't know Ayuub wuxuu arkay, maba isku eko, ka ahayn garkooda wada cad iyo bidaartooda. Max'ed Ibraahim Xaabsade Axmed Cabdi Xaabsade
-
Our friend Baddacase used to be a qunyarsocod. Laakiinse suu ugu soo noqday Soomaaliya, ninkii waa isa soo badalay? Waraa Badda, see camaleeto. Maxaa laguugu soo siiyeen goofkaas? Saar maa lagu soo saaray? Waxaan caano gaal soo cabid ka badan waayee.
-
Originally posted by Kool_Kat: ^^Alla maxaa isku camirtay...Reer South ka weyku gaabiyaan kuyeh...Sheeko... War ani waxaan ka waday, reer northka uunsi fiican ee sameyaan, not iney nooga fiican yihiin shidashadiisa... Adigaa banooniga u salaxday qof awalba ficil raadis ahaa. Maanta ayaaba minanka naloola yimid, la dhahoyaa Reer Koonfur oo malaayiin qof ka kooban inay ka ur badanyihiin, oo ka shiir badanyihiin kuwa kale. Awal ayee Soomaali dhaheen geel indhakuul maxaas ka kasaa. Ka waran kan malmalka ismariyo? Mise maba la iska warqabo?
-
Xuubsireed is Balling Big Time
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
Soomaalida qaarkood waa shameless, wax walba ugu sareeya qabiilkooda "alle" ka dhigteen, oo ay caabudaan. Maxee kasoo dhaweysanayaan ninkaan maalin walba aflagaada, caay iyo afxumo usoo taagnaa? Eebboow xishoodka ha naga qaadin. Fuleynimo iyo dhaawacii yaraa soo gaaray ayuu Xamar naftiis ugula soo cararay. Fuleygaa taacun maxaa dhahaa. -
Aawey kuwii lahaa muufo waligeena ma arkin, oo ma cunin? There you go, the first picture. Lazygirl, Xamdi si fiican u dacaayadeey, oo dhulka ku jiid jiid, oo haddaa rabtid xataa fiiq fiiq, shuqulkeey ma'aha. Share aa ku leedahay kulahaa. I like Xamdi because the services and food it provides, this coming from a guy who practically tasted what every Soomaali restaurant provided in Koronto the last seven years, a dozen restaurants: From the now closed ones of Mahad [located at Dundas and Scarlett area] to Wagad [Weston/Lawrence] to Iimaan [Weston/Lawrence] and others aan magacyadooda xasuusan to now still operating Banaadir, Xamarweyne, Alcuruba, Afgooye, Karuur and the ones at downtown. About Xamdi, once a while ayaaba tagaa, oo meel aan ku badanahay maba aha. Too much buuqa by always being busy ku nacay, especially with non-Soomaalis.
-
Xasan Aadan Samatar, C/qaadir Jubba, Dalays iyo Fannaaniin kale oo Hobolada Waaberi ka tirsanaan jireen iyo kuwa cusub oo Lacag u ururinaya dadka ku dhibaataysan Soomaaliya Dhawr Fannaaniin ah oo magaca ku leh Bulshada Soomaaliyed haatana ku nool dibadda ayaa markii ugu horeysay waxay ka qeyb qaadanayaan taageerada loo fidinayo dadka Soomaaliyed ee dhibaatada ku haysata gudaha Soomaaliya. Fannaaniintan oo uu ka mid yahay Hobolka Soomaalida ugu heesaha badan Xasan Aadan Samatar, waxaa la aaminsan yahay inuu fannaankan iyo kooxda la socota wax badan ka caawin karaan dadka Soomaaliyed ee dhibaatada ku haysata Soomaaliya,iyagoo soo bandhigaya rawaayado goos goos ah waxay lacagtii ka soo gasha ku caawin doonaan Soomaalida dhibaataysan. Al-Fannaan Xasan Aadan Samatar, waxaa uu soomaaliya ku leeyahay Sumcad ballaaran oo dhinaca Fanka, aad baa loo tixgeliyaa, dadka ka faalooda arrimaha Fanka ee Soomaaliya waxay fannaankan codka Miisaanka leh ku tilmaamayaan inuu yahay kan ugu heesaha badan qaada Soomaaliya marka la baaray Fannaaniinta Soomaaliyed mid walba heesaha uu qaado. Hobalada reer Toronto oo dhan ayaa soo bandhigi doono fan goos goos ah oo ay u dhanyihiin, Samatar, Dalays, Nakruma, Jubba, Al-Khaliji, Saynab, Lula, iyo fanaanin fara badan oo hidaha iyo dhaqanka. Waxaa ka mid ah heesaha ay qaadi doonaan kuwa wadaniga iyo jacayl, majaajilo, gabayo, iyo ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka (Kabeebay, Saylici, Dhanto, Beeray iyo kuwa badan). Qiimaha Fankaas lagu daawan doona ayaa waxay tahay Lacag dhan -$30.00 Waa gorma: Sabti October 27, 2007 Sacadda: 6:00 PM - 2:00 AM Waa halkee: North Albion CI, 2580 Kipling Avenue, Toronto, Ontario Sida la sheegay dhamaan wixii Lacag ah oo Rawaayadahan ka soo gala waxay ugu deeqi doonaan dadka Soomaaliyed ee dhibaatada haysata, waxaana habeenkaas la filayaa in Gabadha caanka ah Dalays, qaadi doonto heesteeda caanka ah ANII LUNDHAWAAYE ABUURSHE LAHAA. Xigasho
-
Aad bee ugu mahadsanyihiin fanaaniinta hoos ku qoran, oo isku xilsaaray inay u gargaaraan walaalahooda ku dhibaateysan dalkeena hooyo. The fanaaniin certainly waaka gaabsadeen lately about helping their misfortunate and destitute brothers and sisters in dalkeena, unlike how they were in early '90s. Xaflad loogu gargaarayo Soomaalida tabaaleysan ee dalka Soomaaliya Waa xaflad aad loo soo diyarshay oo loogu tabarucayo dadka Somaliyeed ee dhibataysan. Hobalada reer Toronto oo dhan ayaa soo bandhigi doono goos goos ay u dhanyihiin. Xasan Aaden Samatar Dalays Nakruuma C/qaadir Jubba C/jibaar Alkhaliiji Seynab Labadhagax Luula Liima C/llaahi Boqol Liibaan Caliyoos Biikolo Caruus Iyo fanaaniin fara badan oo hidaha iyo dhaqanka. Waxaa ka mid ah heeso wadani iyo jacayl, majaajilo, gabayo, iyo ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka (Kabeebay, Saylici, Dhaanto, Beeraay iyo kuwa badan). Ha u dayma la’aanin qima waa $30.00. Waa goorma: Sabti October 27, 2007 Saacadda: 6:00 PM - 2:00 AM Waa halkee: North Albion CI 2580 Kipling Avenue, Toronto, Ontario Faah faahin dheeraad: (647)-436-1827 ama (647)-338-6215
-
Maxaa jirina Laascaanood inaa kusoo damaashaadeysid aan moodee? "Xuduudkii" masoo fiirineysid adoo calankaaga jiideysid, see camalna. Mise saas aa fuley u tahay, u naf jeceshahay.
-
I am not following some long departed shisheeye white man did to my land. You are. In fact, you are advocating and cheerfully want to shed innocent Soomaali blood for it. I am not following that dead man's unsolicited xariijin because I do believe in Soomaaliweyn, are you? How dare can he come to my land, divide and separate into many colonized colonies when he, in fact, tries everything under his trick to keep united in his old island called "United Kingdom." Should he have xariijin and caleemasaar anywhere, it should have been the boundary between Northern Ireland, Wales and Scotland. He annexed those lands under some bogus laws and has yet to give up. Same with Talyaaniga, where the political word 'irredentism' originated from -- from Italia irredenta. When they were in fact colonizing my land, they were advocated the complete unity -- be it force or not -- of their land, Talyaaniga. First read their history before you believe and practice their crap. Our awoowiyaal and aaboyaal struggled [some massacred with air bombardment] to undone what they did, intaa meeshaas kasii wadi lahayn ayaa gadaal u socotaa.
-
Waxaan damaashaad ma'ahee tartiibso. Mar horaa kuu sheegay do not read those wacky sites, lest they unexpectedly make you a one. Degmo la kala qabsaday tan ma ugu horeynin, ee tartiibso mar labaad, igaarka. Dhiiga Soomaaliyeed meesha ku daadan doono, oo soo socdo ayaa ka naxsanahay because some cockamamie old white man meel uu xariijiye and said this is my "international" border. Believing this crap and even more worse, shedding unnecassary innocent Soomaali blood for this, a hundred years and more after the fact and when, in fact, our aabooyin and awoowiyaal, in their wisdom, eradicated once and for all that ludicrous divided calaamad set by a long gone white man from another continent. All this in maanta loo noqdo. It is just pathetically ridiculous and if it was not so tragic, bordering beyond farce.
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo oo cabasho ka muujiyay ciidamadda Nabadsugidda Baydhabo oo dadka ka wata goobaha fadhi ku diriryada Khamiis, October 18, 2007 - Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Ciidamada Nabadsugidda ee Magaalada Baydhabo oo ay ku sheegeen in ay Dadka isaga qab qabtaan Goobaha fadhi kudirirka iyo sidoo kale goobaha lagu kulmo. Sidoo kale waxa ay sheegeen Shacabka ku dhaqan Baydhabo in Ciidamada Nabadsugida ay inta badan iska kaxeystaan dad aanu waxba ka gelin waxa ay ku tuhmayaan dadka ay xilliyadaasi baadogoobka ugu jiraan. Waxay sababtay arrintani in inta badan Shacabka ay kala cararaan marka ay ku arkaan Magaalada Baydhabo qof ay uga shakiyaan in uu katirsan yahay Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Federaalka. Cabashadani ayaa waxa ay soo baxday kadib markii Dad aad u fara badan oo kudhaqan Magaalada Baydhabo laga qab qabtay goboobaha fadhi kudirirka kuwaasi oo illaa iyo iminka aanan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan. Dhinaca kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Dhinaca Ciidamada Nabadsugidda ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo ay kaga hadlayaan Cabashadani ay Shacabka Reer Baydhabo kasoo gudbiyeen Ciidamada Nabadsugidda. Xigasho
-
The most beautiful buraanbur
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Originally posted by Nephthys: Isku dhiig ma nihin malaha. Waxba dhiiga ima kicin. Islaantu waa pro Yeey. Waxay u dan lahayd, wadaadada. Qayladeeda horay ha ii dhaafto. Labadaan bari accusationka aad jeebkaaga kasoo baxsatay xee tahay? Kan Barawaani waaye, Soomaali ma'aha [as though Reer Baraawe Soomaali ahayn]; heblaayo C/llaahi Yuusuf ayee la safantahay. Ma caddeyn aanan anaga ogeyn ayaa heysaa mise iska dheh dheh waaye? What we have here is her buraanbur, and if one interprets, it actually against anything C/llaahi Yuusuf and his lackey xulafadiis stand for. The following verses can clearly show it: "Haddaan qiimeeno nimanka hadeer qabsaday Qabuuro iney badshaan qasadkooda yahay Qabiila hoggaamintii qaranima u qabo" Anyway, this buraanbur, it seems, in la duubay sometime in 2005, a bit before wadaadadda aad leedahay ay ugu dan leedahay soo shaac baxeen. It is against the then warlords marauding the country, including, yes, C/laahi Yuusuf. -
Sanad kahor ayaan fiirsaday, oo xaadda aad ii kacday. Qof walba oo Soomaali buraanburkaan dhageysto ama fiirsado oo aanan xaadda kicin damiir Soomaaliyeed kuma jirto marka. Mar labaad aan caawa fiirsaday, isla sidii ayee xaadda ii kacday. Eebboow. Inta ka buraanburka. Buraanburkaan waa in la duubaa, la daabacaa, oo meel alle Soomaali degto lagu faafiyaa. Maxaa diideen, maxaa dalkeeni dayacay Maxaa dooneyseen waa idinka cidlada dagay Damiir xumadiina qarankii ka dhigay daleel Haddaa dal shisheeye joogtaan damiir la'aan Oo aad ku doodaan nabad baan u nahay diyaar Misane diidaan waxii daawi dhali lahaaa War yaa dabibaaya qarankaan dugaaga helay Qaranka Soomaali dad badan baa qabriga u galay Rag baa qaadan waayey gumeysiga quursigii Rag baa ka qawaafay asagaa qabaan u noqo Rag baa soo qaaday calankeena qaaliga ah Rag baa qalin dahaba taariiqda loogu qoray Haddaan qiimeeno nimanka hadeer qabsaday Qabuuro iney badshaan qasadkooda yahay Qabiila hoggaamintii qaranima u qabo Haddeyna qashoocin towxiidka aysen qirin Amase qoomaameynin qaladkii horey galeen Qamuuska adduunka maxaa loogu qorayaa
-
Originally posted by Kool_Kat: MMA, war maxeytahay waxaan qalalan aa meesha lasoo istaagtay...BTW, try Karuur Restraurant, it is great...They serve cunto qurxoon oola cunikaro, unlike Xamdi oo bariiskooda kufiirinaayo... Ar Karuur ha igu soo qaadin since my friend ku nacay meeshaas. Maqaayad ayaa la aadaa markuu maqlo, Karuur ayuu lasoo boodaa. Ma xumo meesha, in fact I like their mashed potatoes and sabaayad. Laakiin meesha cidlo waaye, oo foorineyso nooh. During the summer time ayee fiicantahay, oo patio ku cunteynee. Maxee ugu soo guureen meeshii hore Scarlett iyo Dixon taloow? Xamdi iyo Macmacaanka Xamarweyne ayee isdhexgaliyeen. Not an easy loctaion considering those two established restaurants ay ku dhex jiraan. Kan leh aa qaraabo tihiin yaah? Yar fiican waaye. Lazygirl, Xamdi uma baahno Soomaalida no more. Shisheeye iyo ajnabi ayaa meesha cariiri ka dhigay, ee even if the whole community boycotts waxba uma dhimeyso. Teeda kale people prefer Xamdi for much of its cleanliness. They established that early, to distinguish it from the then existing Soomaali restaurants. They acquired for that a wide following, who brought the shisheeye and now the shisheeye themselves are bringing other shisheeyes. Their food ma xumo too, especially as you mentioned their chicken. They have now gone a franchise one. Two restaurants in Koronto, another two in Minnesota, one in Atlanta and another coming in Edmonton. Shrewd, business-oriented people iga dheh.
-
Looking for info about Imaam Maxamuud Imaan Cumar
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Armchair Politician's topic in General
Soomaalis being an oral society much of their history and Soomaali people's history infused with this orally, you have to know the crap from the authentic in Soomaali history. He is an iimaam of a large confederated clan -- though lately his title becoming more associated with one of the clans that united for a political reason during the eras you mentioned -- and a very respected and among the few well-known of the traditional Soomaali leaders. He is, yes, alive and doing well. Iimaam Max'uud Iimaam Cumar. -
Soo noqosho wacan, Fidel. The Somalis, who like fighting as much as voting, were not too perturbed. As Prime Minister Shermarke observed: "We can teach Ethiopia that democracy can be practiced while people defend their soil." May Eebbe's ultimate mercy be on his restful soul, Cabdirashiid Cali Sharmaarke. A true, principled daljecel.
-
MMA, why aren't you doing your job. Ninyahow, I can't stand you for turning your back while others have a say and tune in whenever some individuals speak, its because of you that Jay isn't here anymore, and don't think I have forgotten. Iisi, sister, iisi. It was an absolutely sarcastic post, made clearly even more by whom was addressed, Geeljire, who is not remotely close to what was accused to him. I don't know how you missed the plain irony.
-
SOOL latest:: Gen Cade Muse puts on the uniform, PICS
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Mslm: Red Sea: How shameful is it when a whole president of a state comes on BBC and lies by saying that the ICU was fighting along side SL and then to top it off says he has proofs?!!!! It's okay days go by and makes each man smile once, but he didn't have to lie sxb. now he seems less credible and Puntland seems less credible over all. I hadn't listened Biibiisii since Itoobiyaan invasion of Soomaaliya, but I did this week. Did you listen that so-called "foreign minister" of Waqooyi adminstration's interview? I don't remember his name and don't want to, but his answers hunqaaco ayaa igu qabatay about masaakiinta Soomaalida Xabashadda laga gadaayo ama loo tarxiilo, to be tortured and Eebbe knows what else. Runtii, Soomaali saas u hadlaayo waligeey waa maqleysaa isma lahayn. It was beyond disgusting, nauseating. All the badows ayaa so-called leaders u ah Soomaalida maanta, waana see Xabashadda rabtay, marka waxba ha blame gareyn ninkaan maankiis suu u madoowyahay u madoow Caddaawe la dhaho, waa another xoolo hoggaamiye ku sheeg. I blame the supposedly 'educated' who follow and digest easily their vile diatribes.