Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,187
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    300

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. “Run ahaantii sababta aan xilligan go’aanada u soo saarnay waxay tahay dhibaatadiibaa na taabatay, Bani’aadamkuna wuxuu damqadaa marka xanuunku si dhab ah u taabto, maxaa yeelay baarlamaankiibaa howlgabay, baarlamaankiibaa Gunadiisii iyo mushaarkiisiiba waayay, guddoomiyiibaa maqan, guddoomiye kuxigeenadiibaa muddo 10 bilood ah maqan oo meel ay joogaan aanaan aqoon oo Boqore ayaa ugu dambeeyey isagoon na kala fasixin ayuu iska tegay” ayuu ku cowday xildhibaan Jinniboqor. Meesha meel lagu leersado waaye. Qofba markuu rabo iska baxaayo, markuu rabana imaanaayo. Baahi aa dishay masaakiinta oo Qaramadda Midooway ka jartay waxee siin jirtay since Shariifka ka tagay meesha. Dalxaa asagana Mareykanka uu ku baashaalooyaa bilihii u dambeeye. Iska baashaal dheh igaarkaas. Boqorka Jabuuti muu iska aaday asagana, oo qoyskiis degan xagaas? Kii madoowaa Madoowe la dhahaaye asagana meesha been loogu dhiibay Nayroobi muu iska fariistay? Magac baarlamaan maxee ku ciyaareen kuwaan.
  2. Duqa, maqaadayaha dhan badanaa waa wada xirnaayeen, oo straight from that tournament ayaa ka nimid. Oo marti ila socotay. We had three choices: Either Alcuruba's casarii [which we got tired of eating xalwo and sambuus] or Banaadir or a fast food joint. Kaligeenana ma ahayn as I said dad badan ka yimid ciyaarahaas, including the players cunaaye. I am sure iyagana laabjeexa ila qabeen. By the way, these -- Soomaali United -- are kuwa beat gareeye North London. I can't believe their back centre defender -- the one who carries Maldini's number #5 camal -- is indhayar. An indhayar that knows how to play, though. Their goalkeeper, whom I had casually played against some years back, is really good. One of the other London teams, London Stars. Not the North London.
  3. I actually was there last night after 11 p.m. since all other good Soomaali restaurants were closed, being holiday and such. Bariis qalalan oo aroortii la kariye ayee nasoo hordhigeen iyo hilib u eg wax adiga ku cuni karo. Laabjeex [heartburn] aan ka qaaday waligeey igu dhicin. Couldn't sleep walaahi. You have a point. They too were there eating like dad abaar dishay. I mean dhalintaas Landhan ka yimid.
  4. This dude does not think so. Read on. Are Somali's mentally stable? I know this may offend some out there....but enough with the PC crap. Somali's need to be asked some hard questions....e.g are the mentally fit? One question to these people...when the eff do y'all plan to stop fighting each other....10,000 A.D??!! or will that be a century to early for you? honestly if i hear one more thing about the situation in somalia i'll puke! you guys need to just give your country to someone else to run it. we have many people in kenya who can run an effective country for you. Somalia..seriously why are you such a pain to Africa? If you want to give a piece of you mind to that Keenyaati poster, here it is. Meantime, another poster responding to the original poster: "ehehehe quite funny though....Ur choice of words is quite offensive to somalis, i swear if this was a face to face argument some irate walallo would have stabbed u instantly while screaming vernacular curses,..." Oh, yea. I guess.
  5. Uganda: Open Letter to AU Chairman On Somalia DEAR Mr. Chairman, I have been trying to reach you in vain. I am happy though that I finally got this space to reach out to you. The Ugandan contingent you sent to the African Union (AU) mission in Somalia reached safely. As I write to you, we are now fully established as you may have read in the media. Our base camp is well set. We also took over the security of the airport, the seaport, the presidential palace and that spot commonly known as Km 4 from the Ethiopian forces that we found in the mission area. Africa 2007 If you can recall, the Ethiopian army wanted to pull out in two weeks after dislodging the insurgents. You however asked them to stay until you fully deploy. Had they not listened to you, their going would have been catastrophic to this mission. In the four months we have been here, we have managed to distribute clean drinking water to thousands of internally displaced persons (IDPs) who urgently need humanitarian assistance. We also extended medical treatment to about 1,200 civilians who were suffering from different infections including cholera. This assistance also benefited 530 children. Through these activities, we managed to win the support of the Somali people. However, this intervention cannot be sustained because of our limited capacity and as such we request that you appeal to world humanitarian agencies to come and help in this area. We also request that you fast track the process of contributing troops from the troop contributing countries (TCCs) that pledged to deploy to help the Somali people. For us on the ground, we will help to secure their entry as well as helping them to reach where they will deploy. I have been reading opinions from some scholars alluding that Africa cannot manage to raise troops for this mission. I do not want to believe them because I have faith in your capacity to mobilise. For now, I can say that the Ugandan troops on the ground cannot stretch any further . As you may recall, we lost some Ugandan peacekeepers when a roadside bomb hit their vehicle in May. The Ethiopians, as you know, cannot stay here forever. So the earlier you deploy, the more you will be helping the situation. Hoping for your reply soonest. Yours truly, Capt Paddy Ankunda. Capt Paddy Ankunda Spokesman of AMISOM Xigasho I have nothing against those poor Ugandans. I believe they are misguided, though having the best intention. I hope they realize peacekeeping for Soomaaliya is not the option currently, particularly under Itoobiyan occupation.
  6. Warheedha haya, wuxu yar yaraa...I went to Weston/Lawrence just the other day, and all I saw was these little guys, I could've sworn they were not older than 16 or 17yrs...And someone tells me that they are here for the Soccer Tournament...WHAATTTT!!!!!!! They have parked themselves at Banaadir restaurant. Meeshaas ayee wada dhoowanyihiin all teams ka yimid dibadda, qaas ahaa the four teams from Landhan. Free baaraxi bariis food ayee ka helaan, I guess.
  7. Dadka, especially the youths, aan waxba galabsan la leynaayo continues. Ciidamada Xukuumada Itoobiya Oo Dad Rayid Ah Ku Xasuuqay Xarun Internetka Laga Isticmaalo Juun 30, 2007 - Ciidamada xukuumada Itoobiya ee ku sugan magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa ku diley dhalinyaro ku jiray xarun internetka laga isticmaalo oo ku taala agagaarka ex-cantarol [dhanka Suuqa Xoolaha]. Ilaa ku dhowaad 3-nin oo dhalinyaro ah ayaa waxaa ciidamada Itoobiya ku dileen meel ganacsi oo laga isticmaalo internetka, halkaasoo ay u gaysteen jidhdil xoogan islamarkaana rasaas madaxa kala beegsadeen, arintan oo ka dhalatay markii uu halkaasii kolonyo baabuur ah oo maraysay oo wateen ciidamada Itoobiya uu ku qarxay goobtaas islamarkaana uu halkaas ku gubtay gaari nooca ciidamada qaada ee loo yaqaano Uralka. Baabuurkan oo ay ku qaraxday miinada la hago ayaa sida ay sheegeen dad xog ogaal ahi waxaa ciidamadaasi ka daateen baabuurtii ay wateen islamarkaana waxay ku faafeen agagaarka xaafadaasi halkaasoo ay galeen xaruntan ganacsi ee laga isticmaalo internetka taasoo ay ku dileen 3-da wiil ee dhalinyarada ahaa sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo magacooda qariyey. Ciidamada Itoobiya ayaa badanaaba ka aargoosta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan marka ay ay xoogaga kasoo horjeeda joogitaankooda ay waxyaalaha qarxa u dhigaan ama iska hor imaad dhaco. Ma'aha markii ugu horaysay ee sidan oo kale ay ku xasuuqaan dad rayid ah ciidamada Itoobiya, bishaan bartamaheeda ayay ahayd markii ay ku dileen sadex wiil oo walaalo ah agagaarka ex-kuliyadii ciidamada ee Jaalle Siyaad, kadib markii halkaasi ay gaari nooca Uralka ah miino kula qaraxday. Tixraac
  8. Ibraahiim Diiriye Mire: Aabbe Ciidamada Itoobiya ka dileen Saddex Wiil oo uu dhaley Waxaa maalintii shalay ahayd xafiiska nagu soo booqday Ibraahim Diiriye Mire oo dhalay saddex wiil oo 19/6/2007 ciidamada Itoobiya ku dileen agagaarka Kulliyaddii hore ee Jaale Siyaad. Wiilasha oo magacyadoodu kala ahaayeen C/qaadir Ibraahim Diiriye oo 20-jir ahaa, Sharmaake Ibraahim Diiriye oo 18 jir ah, iyo Jaamac Ibraahim Diiriye 16 jir ah . Dilkaas ayaa waxa uu yimid mar Ciidamada Itoobiya gaari ay saarnaayeen halkaasi qarax loogu gaystay, waxaana dhacday in Ciidamada Itoobiya markiiba ku yaaceen xaafadihii halkaasi ku dhawaa, waxayna hal guri ka soo wateen lix qofood oo ay ku jireen saddex wiil oo walaalo ah, wiil saaxiibkood ah iyo labo oo guri dhiseesay oo farsamo yaqaano ah ah. Ibraahim oo ah Aabbaha dhalay wiilashaasi xiligaasi waa uu ka maqnaa guriga, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri: " Anigoo ku sugan Magaalada ayaa la igu soo wargeliyey in carruurtii ay ka kaxeysteen ciidamada Itoobiya guriga , waxaana i gashay cabsi iyo rajo ah in la sii deyn doono, markiiba waan soo cararay" ayuu yiri Ibraahim Diiriye oo intaa raaciyey, " Haddana Taleefan ayaa ii soo dhacay waxaana la igu yiri saddexdii wiil ciidamada Itoobiya way dileen, waxaana la ii daba dhigay in labo nin oo farsamo yaqaano ah oo ka shaqeenayey guriga iyo wiil isna wiilasheyda saaxiib la ahaa iyana la dilay maydkoodana wadada uu yaalo , waxaana la dhaqaaqi waayey naxdin." Ibraahim oo markaan wareysanayey ilini ay ka socotay ayaa waxa uu ii sheegay in wiilasha qaarkood ay dhameeyeen Dugsiga sare midka weyna uu dhawaan shaqo bilaabi lahaa, ibraahim waxa uu dhacdadaani ku tilmaamay mid naxdin leh oo laga murugoodo, isagoo sheegay in aysan ka hadlin ilaa iyo haatan Hay�adaha xaquuqda Aadanaha, sidoo kalana aysan ka hadlin Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya. "Waa xoog aan ku baxsan lahaa, waayo waxay joogeen xiligii lagu nacfin lahaa, hase yeeshee taasi ma dhicin, oo waxaa maalin cad si bareer ah loogu toogtay wadada dhexdeeda" ayuu sii raaciyey hadalkiida Aabbe Ibraahim Diiriye oo isagu u mahadceliyey dadka deriska ahaa ee gacanta ka gaystay duugista carruurtiisa, wuxuu kale oo uu intaa sii raaciyey, " Anigu wax shaqo ma hayo maanta, waxaanse fiirsanayey saddexda wiil xoogooda, hase yeeshee qadarta alle ayaa ku dhacday, laakiin gacan ka gardaran ayaa dishay ." ----------- Aabbe Ibraahim Diiriye wuxuu u baahan yahay Gargaar, waa aabbe ay carruurtiisii ka dileen ciidamada Itoobiya, wixii gargaar ah ugu soo hagaaji. Amiin Yuusuf Khasaaro Email: amiinkhasaaro@hotmail.com Tel: 002521-552494 Xigasho Samir iyo iimaan, Ibraahim Diiriye Mire. Maalin maalintee ahaataba xaqooda loo aargudi doonaa. Gacan ka gardaran ayaa dishay.
  9. Xaflad Balaaran oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu weyneynayo munaasabadda 1da Luuliyo oo qudbad uu ka jeediyay Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf ayaa xalay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, iyadoo xafladdaasi dadkii ka qeybgalay ay u badnaayeen ehelada madaxweynaha . SNIP Wariye Shabelle ka tirsan oo joogey munaasabaddaasi xaley, ayaa waxaa uu sheegey in munaasabadaasi loo diidey in wax dhaq dhaqaaq ah sameeyaan dadkii ka soo qeyb galey oo ay ku jiraan wariyayaashii ka soo qeyb galey munaasabaddaas. Markii la gaarey saqdii dhexe ee xaley, xilliga calan saarka ayuu ku waramey wariyahaasi in madaxda qaar ay sheegeen in uu keliya dibadda u baxaayo madaxweyne Yuusuf si uu u soo saaro calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, dadkii kalena loo diidey in ay dhaqaaq sameeyaan oo ay xitaa istaagaan, arrimahaasi ayaa waxaa u cuntami waayey guddoomiyaha G/ka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere oo markiiba istaagey misena ku amrey dadkii ka soo qeyb galey in ay wada istaagaan calankuna uu yahay mid Soomaali oo idil ka dhexeeyo hasa yeeshee aan la heyn dad gaar ah, hadalkaasoo wariyahayaga uu soo sheegey in dadkii ay la riyaaqeen islamarkaasina ay u istaageen iyagoo mashxaradaya . Shabeelle
  10. If our current divisiveness (Somaliland, Puntland, Jubbaland…..) continues, we will fall the schemes of our enemies. We must rise up above tribalism and I against my brother and step up to the plate and liberate our people once and for all and make Somalia the best country to live in the world. Saas ayaa la rabaa. Gooni gooni iyo kala goosasho wax ee soo kordhineyso ayaa iska yar. Soomaali haddaan nahnay dhibaatadda kaliya waxaa ugu bixi karnaa, oo aan xal ku heli karnaa: Midnimo, isku duubni, iskaashi, isbiirsi, isbaheysi iyo caddaalad iyo sinnaan walaaltinimo.
  11. WaaaaaaaaaW. Qurux badanaa barbaarta. Crowds celebrate Somali festival LEWISTON - The city's Multi-Purpose Center seemed to be transformed into a colorful, joyous, distance place Saturday night as the fifth annual Somali-American independence festival was celebrated. Festival coordinator Omar Ahmed explained the festival is held every year to celebrate Somali's July 1 independence from Italy and the United Kingdom, and the U.S.' July 4 independence. The festival encourages "the two communities to come together so that we can have the best of time," Ahmed said as African music played in the background. The two communities are immigrants and nonimmigrants. The event also appreciates diversity, and this year is celebrating Lewiston winning the All-American City award. "It's very happy, very fun," Ahmed said. Margaret Main of Lisbon Falls, who was sitting in the bleachers waiting for the entertainment to begin, said this was the first Somali festival she's attended. She came with her husband, who works for the city of Lewiston. "I just want to learn a little bit of understanding about the culture Somalis have," she said. Near to her was Fadumo Tahlil of Portland, who was there to read poetry. Tahlil said the day was not to worry. Most Somalis have family and friends still in war-torn Somalia who weigh heavy on their minds every day. Saturday was a time to not to think about the suffering, but to celebrate the culture, Tahlil said. Asked what she likes best about the Somali culture, Tahlil immediately said "the clothing." In her flowing Somali dresses, scarves and wraps, "I feel more like a woman," she said with a smile. Within minutes, four dancers seemed to illustrate her point. The Rwandan dancers moved to the center of the room, two dressed in red, two in white. With smiles and grace, they captured everyone's attention as they swayed. Asha Wilson, 3, of Lewiston, laughed as she dashed out and momentarily danced with the woman before running back to her mother. As in most events, there were speeches and tributes. Behind the stage was a large American flag and a blue-and-white Somali flag. The "Star-Spangled Banner" was played, then the Somali national anthem was sung. A few boys wore white shirts with the Somali national logo of blue and a white star. In his speech Ismail Ahmad, who works as a cultural skills trainer, said that in Lewiston, Somalis have for their children "blessed peace," security, shelter and food. "This we could not guarantee in refugee camps and in our country." He asked festivalgoers to think of those who could not be there with them. It's not easy to journey from Somalia to the United States, but they have done it. "We proudly call Lewiston our home, to the amazement of many," Ahmad said. They consider Maine their "home sweet home." Lewiston Mayor Laurent Gilbert began his remarks by offering a few greetings in the Somali language. His effort made the faces of several light up as they applauded. Gilbert said the addition of Somalis and other immigrants to Lewiston "have added to the fabric of our city. It is with your help we've become an All-America City." After the speeches, more dancing brought out more smiles. A group of young girls wearing identical pink-and-black dresses showed off Somali moves. After a group of boys, wearing matching striped shirts, performed a different style of Somali dance. Meanwhile a young men's dance group, wearing white shirts that read Somali, were waiting their turn to perform. They came to Lewiston from Connecticut. Sitting together taking in the celebration was Terry Waite, in typical American clothes, and her young Somali friend, wearing a brightly colored long dress and head scarf. Waite works at Lewiston High School. She came after being invited by the Somali girl. Admiring her young friend's outfit, Waite said Somali girls at Lewiston High School always look so feminine. The festival is sponsored by the African Immigrants Association. Festival coordinator Ahmed was pleased with the attendance. People were slowly filling the center, and more were walking down Birch Street. Each year more come, Ahmed said. Maine Sun Journal There is something about this image. LoL. Very cute.
  12. There were several teams here from London area, and one of them played tonight against Soomaali United [a well-regarded, disciplined Koronto-based team]. Shame on North London team. Shame on them. Their captain, whom I had met at Banaadir restaurant a week ago that if I had known his team were like that runtaa u sheegi lahaa. Meeshaan vacation ayee u imaadeen, ee ciyaar uma imaan. 3:0 ayaa la diray; actually, the score should have said 7:0. Next time, reer North London, isa soo dhisa. Balaayo aan ordi karin oo lafo lafo iyo xiito xiito ah, iskaba dhaaf inay wax ciyaaraan.
  13. Ninka isboonsar uu kaa balanqaaday muu kuu waday xee tahay ka dabasocodkaan aa dabasocotid? Let him enjoy his vacation. Wah. PS - Maan, Xasan Aaden Samatar iyo C/qaadir Jubba ayaa tumaayo caawa for a Kowda Luulyo celebration. And here I am ,just got back from outside and sitting infront of this mirror. I should have heeded my friends and gone to chill there since it is holiday tomorrow. But the darn place is at Scarborough?!?! Why, oh, why. Why not the usual places at the West.
  14. Originally posted by Cara: What plays did he write? Were any performed in Somalia? The man arguably wrote the most famous plays Soomaalis have had known. He is an abwaan and a playwriter. He wrote many songs as an abwaan, and numerous plays as a playwriter. Most famous ones being the nationalist plays in the 1970s Soomaali Galbeed war, such as Waa maadays adduunyada, dadkuna way matalayaan and Gari makaa baxdaa. He also wrote, I don't know which ruwaayad it was in, for that '70s war that well-regarded xaad ku kicineyso daljecel song: Dhulka soo anigu malihi? [Haa, haa] Dalka [dadka] soo anigu malihi? [Haa, haa] Ninkii dhoof ku yimid bee geerida dhibeysaa Waqtigii dhamaayo Wuu dhaqaaqi doonaa. And of course the most well-known and well-liked of them all: Qabrigii Jaceylka. He both wrote the play, which the song includes, in the '70s. And last being the post-civil war plays he wrote at dibadda where he resides now, for and about dibadjooga, including labadii lala dhacay Qabyo and Qabyo II.
  15. Waa markii lixaad iyo sanadkii shanaad u dabaaldega xoriyadaan iyo qolkaan. Inkastoo kusoo aaday sanadkaan sanadkii ugu murugadda xumaa Soomaali haddii la yahay maadaama dalkeena gacanta u galay cadowgeena soo jiritaanka ahaa, laakiin wali ma iloowi karno muhiimka ay Kowda Luulyo noo leedahay. Luulyo wacan oo wanaagsan.
  16. Originally posted by Kamalu Diin: Maskiin Macruuf Aqiyaa Qowmida ku dhaqan Shabeelaha Hoose hada diyaar uma aha in ay talada deegaankooda ay gacanta ku dhigaan maxaa yeelay Somalia wali waxaa ka shaqeeya xabada sidaas darteeda diyaar uma aha. Sidaas dardeeda ayaa TFG abaal ugu dhigatay kooxdii indha madoobe. I am sadden by this development. My stand so called TFG is diminishing day by day. Every alternative I come under dis-appointed me thus far. I seeking the next good thing for Somalia. Besides those in Eriteria I can't stand by. Reer Indha-Madoobe hadii maxkamada laga adkaadey waxaa ay doorbideen waxii ay wax ku noqdeen oo ugu horeyso Shabeelaha Hoose in aysan marnaba dhumin. Sidaas dardeeda ayay taasi ku fara adeegeen iyaguba. therefore there was a meeting of the minds between the two munaafiqiin. Nin ayee ka jibjibiyeen. Haddaa wax wanaag ka sugeysay wax Xabashi u adeego markii horeba adaa qaldanayd.
  17. Soomaaliyeey toosoo Toosoo isku tiirsadda ee Hadba kiina taagdaranee Taageera waligiinee Idinkaa isku tooqaayoo Idinkaa isku taamahayee Aadamuhu tacliin barayoo Wadankiisa taam yeelyoo Arligiina taako ahoo Sharcigaa isku kiin tolayoo Luuqaddaa tuwaaxid ahoo Kuma kala tegeysaanee Tiro ariyo dhaxalaa Sidiin laydin soo tubiyoo Ninba toban la meel marayoo Cadowgiina idiin taliyee Tuldo geela oo dhacanbaad Toogasho u bareeraan Oo ma dhilkaa dhan ee tageybaan Nina dhagax u tuuraynee Qarankan hubkuu tumayoo Toorayad dhaafaynee Oon taar samaysan karayn Uurkutaalo weynaayee Hadba waxaan la taahaayoo Toggaga ugu gayshaayoo Nin dalkiisii cadow taaboo U tol waayey baan ahayee Hadba waxan la ooyaayoo Ilmadu iiga gubataayoo Ikhtiyaar nin loo diidoo La addoonsadaan ahayee Soomaaliyeey toosoo Toosoo isku tiirsada ee Hadba kiina taag daranee Taageera weligiinee
  18. Wan meeshuu isdhiga lagu gowracaa. Soomaali haddaan nahnay anagaa isdhignay. Daaf ka daaf wareegeyno, duul ka duul wareegeyno adduunweynaha. Dalkeenana dhisan la', ku heshiin la'. Dool dhumay ayaa iska noqonay, oo awood lahayn, qola walba ku istaageyso. Eebba meeshooda ha ugu gargaaro masaakiintaas walaalaheena ah lagu dhibaateynaayo meel ay nabad u raadsadeen.
  19. Koolkat, that is qaraami? Qaraami/qaaci waxaa laga wadaa heesaha tumidooda laga soo deensaday Carabta, siiba Reer Yeman. Waana tee qaadi/garaaci jireen Axmed Naaji iyo Cumar Dhoole [Eebba ha u naxariistee] camal, oo kataaradda kaliya ah, oo aanan electrical instruments ku jirin. Not my kind isbarmuuto, though. Heestaas laakiin heersaro waaye, yaraanteey ayaan jeclaa, even ilaa hadda marmar anoo iska qaadaayo ayaan isarkaa. Aad ayaan ugu xumahay Binti Gacal xanuunka haayo sanadahaan. Hal lug curyaan ka noqotay, waana barartay. Maskiinta Eebba ha u gargaaro.
  20. Aawey waardiyaashii. Every looj hortiisa after midnight waardiyaal ayaa fariisto oo garuun iyo bud isku wato. Ooh, meesha qori ayaa ka socdo miyaa, masaakiintaas waa inay ishubeyaan iyagana. Waxaan xasuustaa waardiyaha Hoteel Ilsan oo markii la gaaro 11 p.m. irida hore quful weyn dhakab ku dhajin jiray, oo boorso jaad ah iyo bud weyn agtiisa isa soo dhigi jiray. He doesn't care waxa ku jiro oo marti ah hoteelka ama kuwa ka maqan. Habeen aan kusoo daahay guriga ayeeydeey, oo hooyadeey markaas kusoo degtayna oo ku dhagan hoteelka igu xiray. Markuu furayna lahaa, "War meeqo saac baa socotaa ..." Wah, 11:30 fiidnimo lee waaye ku dhahay.
  21. [quoteThe bed ridden guy's nickname Is more famous than his real name. You know what they call Him? You cant believe but its normal, for Reer Burco are so good at such art of Naming Individuals . By The way They call him NABICADHEEYE They say he never talks good about no one in his lifetime thus the NIcnamed him that way. Wuxuuba jiro sariirta ula koray habaarka dadka maala aqbalay? Nabicareeye? Nabiga muxuu ka kasbaday caradda keenay?
  22. A very emotional and subdued Soomaali legends singing the full version of Soomaaliyeey Toosoo. It is very touching, ee marka fiirso. The legends such as Xasan Aaden Samatar, Khadro Daahir iyo Cabdiqaadir Jubba are all lined up, and joined on the stage by other notables: Nakruuma, Cabdi Dige, C/jabaar Khaliiji and the then upcoming Sheegoow Band. The show, which was a fundraising event for Red Cresent, happened in early '90s in Koronto. [Two well-known former Waaberi (and whom I personally know) guitarists are in too: Cabdicasiis Dhoore and Cali Atoore. Seeing C/casiis Dhoore oo la boodboodaayo kataaradiis, who had since become wadaad, was priceless.]
  23. Xabiibi [haa, haa, hoo, hoo] Xiddigeygii ayaad tahayee Xareed ii dadee Xeebtii Xamar adigaan Kasoo xushee Wixii la xaraaaaaaar Wixii la xaraar igu haayo Xiisahaaga waayee Hay xoorinee Xabadka i saaree Xabiibi, [haa, haa, hoo, hoo, haa, haa, hoo, hoo] Xabbadii jaceylkaaga Aan la xanuunsadee Intii aan xabaal galin Xaasil ii imoow Wixii la xaraaaaaaar Wixii xaraar igu haayo Xiisahaaga waayee Hay xoorinee Xabadka i saaree Xabiibi [haa, haa, hoo, hoo, haa, haa, hoo, hoo] Xiligaan dhexdiisa Intaan xaashi kuu dhigee Xisaab laguma gaari karee Waa xaq la'aanee Wixii la xaraaaaar Wixii la xaraar igu haayo Xiisahaaga waayee Hay xoorinee Xabadka i saaree Xabiibi, xabiiiiiiibi [Haaaaaaa, haaaaaa, xabiibi, haaaaaa, haaaaa, hoo, hoo] Alla yaa cisag. Yaa salaam. Waxaas ayaa la dhahaa hees jaceyl inta kale been. You can watch a classic video of it on here by the one and the only feynuuska fanka Faadumo Qaasin Hilowle.
  24. Shacabka gobolka Shabeelaha Hoose si carro leh iyo walaac xun ka muujiyen talaabadii xaqdarrada iyo xadgudubta axdiqarameedka iyo dastuurka federaalka oo saldhig iyo tiirka asaasiga dowladda u ah in Madaxweynaha DFKS si bareer sharciga qaranka aan waafaqsanayniin ugu xalaalaye beelo ka soo duulay Galgaduud iyo Mudug xoogna ku qabsade deegaano dad kale leeyihiin. Shacabka gobolka waxaa madaxweynaha ku la talinaayan in ragan gacan ku dhigleyaasha dambi ka galay shacabka masaakiinta waxba galabsanin 16 sano, laaye ama barakiciyey dad ku dhow 85.000 qof gobolka Shabeelaha Hoose, si naxariis darro beerahoodi iyo hantidoodi maguurte xog ku qabsaday, maxkamad “HAGUE” la soo taago ayagoo lagu soo oogayo dacwad xasuuq, kufsiga, dilka dadka masaakiinta intii masuuliyad maamul loo dhiibi lahaa oo aan waafaqsanayn dastuurka federaaliga oo awooda siinaaya dadka deegaanka u dhashay (indigenous people) in iskooda ismaamulan. Waa wax lagu danqado caqliga suubani diidaayo, qarniga maanta la joogo meel adoonsi ka dhacay Shabeelaha Hoose ayaa jirtay. Bulshadii ku nooleydi gobolka sidii la doono ayaa laga yeelay nin la dilay oo xaaskiis, gurigiis, hantidiis iyo beertiis la dhaxlay Shabeelaha Hoose bey ka dhacday. Dad beero lagu fasho, dhabarkooda bilaash lagu rarto, biyihii webiga laga gado, maatadii laga faraxumeeyo, hablaha xoog lagu dareersado dib dambena la arag,gobolada dhexe iyo meel ka fog inta la geeyo waxaa ka dhacay gobolkan oo xoog lagu aabsaday 16 sano. Waa marag madoonto waxaa gobolkan ka dhacay kufsiga, dhaca, dilka iyo xadgudubyada kale lidi ku ah xuquul insaanka shareecada Islaamka xeerka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaaliyed, axdiga dowladda federaalka Soomaaliyed iyo qawaaniinta caalamiga. Masiibadanii ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose qoraal laguma soo koobi karo, masuulkeeda waxaa iska leh raga xoog ku qabsadey oo madaxweynaha dfks ku magacowday in markale madax ka sii noqdan gobolka dambi ka galen. Ragaan madaxweynaha soo magacoday gobolka Shabeelaha Hoose waxaa masuul ka yihiin nolol aad u adag, adoonsi, faqri, macluul, barakac xaddhaaf taariikhda wadanka Soomaaliya xer la mid ah reer Falastiin oo dhulkooda iyo beerahooda gumeysiga Yahuudda xoog ku qabsaday iyo Afrika Koonfureed xilligii midabtakoorka cadaanka yar wadanka gumeysan jireen oo beerahii iyo dhulkii tiro yar cadaan xoog ku maquuniye. Mudane Cabdullahi Yuusuf waa madaxweynahii ugu horeyo taariikhda aduunka soo magacaabo “dad dambiile ah isla goobtii dambiga ka galeen madax-maamul ka noqdan” kaas aan u aragno sharaf dhac,xaqiraad iyo yasid loo maleeqaayo shacabka nabadda jacel ee [qabiil] oo aan ka qeyb qaadan burburinta qaranka Soomaaliyed. Falsafada gobolkaygi anaa leh- kaaga waan kuula qeybsanaa- nama qancinayso, sababta loo diday rag ka tirsa [qabiil] in maamulka gobolka Banaadir loogu daro ayagoo weli xaq ay ku leeyihiin ama gobolka Puntland iyo gobolada kale ee wadanka marka gobolkooda Shabeelaha Hoose si caddaalad darro iyo qaaynuunka ka baxsan loo faragelinayo. Jaale Madaxweyne arin xaq uma aragno koox ama qabiil xasilooni diid,dhibka iyo shiddowadayaal doonaynin nidaam iyo kala dambayn oo xoog ku haysto guryo dowladeed,dad gaar ay leeyihiin iyo hantida qaranka kale oo u diidan soomali aayaheeda ka tashato lagu abaalmariyo jagooyin gobol aan u dhalan xoog ku joogan dastuurka federaaliga waafaqsanaynin. Taariikh madoob iyo niyad jab weyn ayaa la gudbonaate shacabka gobolka oo ka rajeynaayan dowladda federaalka is bedel ku dhisan cadaalad iyo sinnaan ee waafaqsan nidaamka federaaliga. Dowladda federaalka waxaa aan ka codsanaynaa in arintan ay dib u noqdan oo ayna u dhaqman si dowladnimo oo ay shacabkooda ula dhaqman si ku dhisan cadaaladda iyo sinaan. Waxaa aan ka codsanaynaa mudane Sheekh Aadan Madoobe asago ah culumaudiin ku barbaare gobolkan kana tirsan madaxda [qabiil] iyo asagoo ah guddomiyaha golaha barlamaanka federaaliga k. Soomaaliyed kuna fadhiyo kursiga qoomiyadda [qabiil] shaqsiyyan in hormuud ka noqdo talaabadan lagu soo celinaayo sharafta iyo karaamada iyo jiritaanka shacabka gobolka Shabeelaha Hoose muddo dheer ku noolayd cadaalad darro iyo dulmi. Waxaa kale aan ka codsanaynaa xildhibaanada [qabiil] wakiilka ka ah gobolkan hurdada ka toosan codkoodana la maglo, si degdeg ahna ka shiran arintan murugta leh khatar gelinaaya jiritaanka iyo mustaqbalka gobolka. Aqonyahaanada gobolka Shabeelaha Hoose waxaa aan ka codsanaynaa in ay bilaaban dagaal diblomasiyadeed (resistenza passiva) si caalamka oo dhan loga dhaadhicin lahaa khatarta ku sugan shacabka ku nool gobolka. Waxaa kale ka codsanaynaa beelaha kale ee soomaaliyed ee nabadda jacel in nala garab istaagan si xuquuqdeeni, sharafteeni iyo maamulka gobolkeeni dib u soo ceshan laheeni. Waa waajib muqaddas ah in shacabka soomaaliyed u istaagan dhibaatada lagu haayo shacabkii aan hubeysnayn. 1. Suldaan Maxamed Cabdalle Maxamed 2. Nabadoon Cabdiqaadir Maanuur Aamiyoow 3. Dr. Xaaji Cabaas J. Maxamed. 4. Caaqil Shariif Hamsa Suufi 5. Nabadoon Aweys Xaaji Marwaale 6. Gaashaanle Cabdiqaadir Xaaji Maxamed 7. Nabadoon Baaba Abuusheekh Cismaan 10.Nabadoon Maxamed Muuse 11.Nabadoon Calaawi Xaaji. 12.Dr Maxamed Axmed Qaasin 13.Nabadoon Sheekh Macallin 14.Nabadoon Rashiidi Xaaji Nuur 15.Nabadoon Jeylaani Sayid Sanadi FIIRO GAAR:Inta damiirka leh ee ka damqanaysa dhibaatada dadka tabarta daran iyo dulmiga DFKS ka wado Gobolka Shabeelaha Hoose Fadlan kala xiriir Email: dulmigadfks@yahoo.co.uk Xigasho [NB - Edited for clarification and grammar.]
  25. A call to stop installation of an illegal adminstration ROCHESTER, MN- Southern Somali Union expresses its deep concern over the returning systematic victimization of our unarm[ed] population of Lower Shebelle, Jubas, Gedo and coast of Banadir residence who have suffered excessively during the past sixteen years under the brutal warlords. We call and urge Somalia’s Transitional Federal government authority to stop its clandestine hostility covered under the name of Administration building, favoring former oppressors of Southern Somali citizens to control and dominate recently launched administration for these regions. We are deeply troubled by the official announcement in print out of the Transitional Federal government office in Mogadishu relating to published activities to bring back a remnant of former notorious warlord Yusuf Indhacade’s men who have perpetuated unimaginable crimes against the local people over a decade now. Any consideration given to incorporate these know criminals into the fold of a genuine administration building process desired by the people of these localities will bring back grievances related to the past abuses and injustice that has not been resolved. We call on the President to do the right thing and ask his administration to take back these nominations of criminal intent. We also make a similar call and request to the Members of Transitional Federal Parliament to show some courage and nullify this unjust decision. It is least to say, we are utterly disappointed these men can even be considered to administer a place they had ransack for many years, and are under direct implication of being partially if not fully responsible of delegating their militia-men from central Somalia to murder, gang rape, arrest and deport innocent civilians out of their homes. They had forcefully confiscated many fertile farmlands belonging to these victims, and in the process cut off their source of food and shelter creating total dependency and starvation. Henceforth, we the Southern Somali Union believe that Somalia needs effective political and administrative government institutions were the Federal Charter is used as medium to safeguard any confusion that can stem from its application. The Transitional Charter specifies a decentralized federal government where everyone is entrusted to peacefully govern their region without any fear of criminal intruders being rewarded to score political pointers. Therefore, we call on the Transitional Federal Government and Members of Parliament to uphold and abide by the Federal Charter and correct any mistakes that was made in this process as soon as possible. Sheekh Nuur Abuukar Qaasin Chairman of International Affairs Southern Somali Union sheiknor@gmail.com Dowlad ku sheeg aan awood lahayn iyo caddaalad ka dheer ayeeba jawaab ka sugayaan.