Che -Guevara

Nomad
  • Content Count

    29,788
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    272

Everything posted by Che -Guevara

  1. Wasiiradii Xukuumadii C/wali Gaas oo caawa Muqdisho ku shiray, Maxay ka hadleen (Sawirro) Waxaa caawa kulan xasaasi isugu yimid naadiga Badbaado oo ay ku midaysan yihiin xubnihii hore ee golahii wasiirada ee xukuumadii kumeel gaarka ahayd ee uu raysal wasaaraha ahaa Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee Badbaado Qaran. Kulankan oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha naadiga Badbaado Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” wasiirkii hore ee warfaafinta Boosaha iyo Isgaarsiinta waxaana kulankan looga hadlay arimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaalada haatan dalku ku sugan yahay. Inta uu kulankan socday ayaa waxaa la isla soo qaaday oo laga dooday marxalada haatan dalku uu marayo, iyadoo lawada ogsoon yahay in khilaaf baaxad wayni uu u dhaxeeyo Madaxda dalka ugu sareeya gaar ahaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”. Madashan uu kulankan ka dhacayay ayaa hadalo kala duwan waxa ka jeediyay qaar kamida xubnaha Naadigan Badbaado. “Waxa aan ka xunahay khilaafka xiligan taagan iyadoo dowladu jirtay mudo sanad ah dibna loogu laabto is qab-qabsigii jiray wakhtiyadii kumeel gaarka. anagoo ka sugaynay dowlada federaalku inay hore u sii wado hanaanka dowladinmo” sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” oo ahaa shirgudoonka . Kulan ayaa waxaa si wayn loogu lafa guray arimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka,waxaana ugu danbayntii ka soo baxay war murtiyeed ka kooban Saddex qodob, waxana ka mid ahaa 1. Inay aad ugu xun yihiin khilaafaadka ka dhex taagan madaxda ugu saraysa dowlada gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha. 2. In si deg dega loo xaliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, mudnaanta xalinta khilaafaadkana waxa iska leh madaxda sare ee dalka si gaar ah, iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 3. In guddi 7-qof ka kooban laga soo xulay xubnaha Badbaado kuwaasi oo si deg dega ula kulmi doona Madaxwayanaha. Naadiga Badbaado ayaa ku bahoobay xubnihii xukuumaddii Badbaado Qaran waxayna ka kooban yihiin xildhibaano kor u dhaafaya 30 Mudane iyo siyaasiyiin si wayn dalka looga yaqaano, waxayna kulamo joogta ah ku yeeshaan dalka gudahiisa, iyagoona ku falanqeeya xaaladaha dalka gaar ahaan arimaha Amniga,Siyaasada iyo dhaqaalaha. Badbaado ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen in dalku uu ka baxo marxaladii kumeel gaarka ahayd yeeshana dowlad rasmiya. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2136
  2. Ra'iisul Wasaare Saacid "Xalka dalka waxaa uu ku jiraa Dastuurka inoo qoran oo la raaco" Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa fariintii labaad uu ku muujinayo mowqifkiisa khilaafka isaga iyo Madaxweynaha waxaa uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay. Mr Saacid ayaa wali ku adkeysanaya in aanu casili doonin, isla markaana uu ku qanacsan yahay in Baarlamaanka Federaalka uu soo dhex galo khilaafka. "Xalka dalka waxaa uu ku jiraa dastuurka inoo qoran oo la raaco" ayuu Ra'iisul Wasaare Saacid ku qoray Bogiisa Facebooka. Shalay ayay aheyd markii Ra'iisul Wasaaruhu war kooban uu soo dhigay barta Facebook ugu baaqay taageerayaashiida Muqdisho inay is dejiyaan. War saxaafadeedka uu shalay soo saaray Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa waxaa uu kalsooni ku muujiyay in Baarlamaanka lagu kala baxo, isaga iyo Madaxweynahana ay isku hayaan arrin Dastuuri ah oo aan siyaasad aheyd. Warkan kooban ee uu soo dhigay Ra'iisul Wasaare Saacid barta Facebook ayaa ku soo aaday, saacado kadib markii Xafiiskiisa ay ugu tageen ilaa labaatan Wasiiro, kuwaasoo ka dalbaday inuu is casilo. Balse fariintan ayaa la dhihi karaa inay jawaab u tahay Wasiiradiisa u yimid ee kula taliyay inuu is casilo, si uu tanaasul ugu muujiyo danta qaranka. Si kastaba ha ahaatee khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa la ogeyn halka uu ku dambeyn doono Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
  3. What you doing might fall under HIPAA violation? lol@Apo maybe it was flooded.
  4. You care too much about others think of you. Live for yourself and not defined by others.
  5. DEG DEG: Wasiiro kula taliyay Ra'iisul Wasaare Saacid inuu is casilo Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in ilaa 20-Wasiiro oo maanta shir gaar ah yeeshay ay Ra'iisul Wasaaraha kula taliyeen inuu is casilo, si uu ugu tanaasulo danta qaranka. Wararka ayaa sheegaya in Wasiiradan ay u tageen Ra'iisul Wasaaraha, kadib markii ay shir ku yeesheen qeyb ka mid ah Madaxtooyada. Ilo wareedyada oo aan dooneyn in la magacaabo ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in 20-ka Wasiir ay yihiin 15 ka mid ah Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal, halka shanta kale ay yihiin Wasiiro. Wasiirada u tagay Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa hogaaminayay Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadam, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Kheyraadka, iyo Wasiirka Garsoorka. Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra'iisul Wasaaraha uu weydiistay Wasiiradan u soo jeediyay inuu is casilo waqti uu kaga soo fikiro. Sidoo kale warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaruhu uu ku wargeliyay Wasiirada in wax walba Dastuurka ka weyn yahay. Tallaabadan ay qaadeen wasiirada ayaa u muuqda mid culeyska ku sii kordhineysa Ra'iisul Wasaaraha, tan iyo markii isaga iyo Madaxweynaha ay is khilaafeen, isla markaana khilaafka uu si xoog leh u soo shaac baxay. Waxaa jiray warar suuqeedyo sheegayay in Wasiiro ka mid ah Xukuumada ay is casili rabaan, taasna ay caqabad ku noqoneyso jiritaanka Ra'iisul Wasaaraha. Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa shalay sheegay in isaga iyo Madaxweynaha aysan isku khilaafsaneyn siyaasad, balse ay isku hayaan arrimo dastuuri ah, isagoo ka dhawaajiyay in is-maandhaafka isaga iyo Madaxweynaha xalkiisa noqonayo Golaha shacabka. Lama oga sida ay xaalada ku dambeyn doonto iyo go'aanka xiga uu qaadan doono Ra'iisul Wasaaraha, waxaana saacadihiiu dambeeyay Madaxtooyada ka jiray kulamo siyaasadeedyo hoose oo aad u ballaarnaa, waxaana xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ka jiray saxmad aad u weyn. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
  6. lol@Nuune this is what we are dealing with. Tallaabo. usheeg. What does this thread has to do Xamar anyway?
  7. ^I am talking about Somalis...If you don't want to be associated with Somalis, then I suggest you call yourself something else.
  8. Xaaji Xunjuf;985721 wrote: Who on earth wanted to hurt Muhammad kahin one of Somaliland prominent freedom fighters. Who knows why Somalis kill each other.
  9. ^Only God and sensible creatures are on their side:)
  10. Those who were protesting yesterday are now welcoming them? Anyway, a truly viable Somali army can defeat Al-Shabab, not these ever increasing foreign forces.
  11. Aw Xiin, I no longer call Boston home and I don't know people yet in my new city, but I will personally contribute whatever I can.
  12. 12 Nofeembar 2013 Wargalin Ra’iisul Wasaaraha ee ku Socota Ummadda Soomaaliyeed Waxaa xusid mudan in bishaan November 2013, ay tahay sanadguuradii kowaad ee dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Inkastoo marxalad adag iyo caqabado badan ay jireen hadana muddada kooban ee halka sano aheyd oo ay dawladdeena dhisneyd waxay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga dawladda, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm. Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wadashaqeyn waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii kowaad, anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka. Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaliyeed iney ku kalsoonaadaan Madaxdooda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayagu leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan. Ugu dambeyn, maadaama ay horyaalaan wadanka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa hay’adaha dawladda oo dhan in ay wataan howshooda qaran, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahoodaa. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkoodi ku aadanaa wadaninimada, nabadda, iyo hormarka dalka. DHAMAAD Ahmed Adan Warbaahinta Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Muqdisho - Soomaaliya http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2113
  13. Sawirro: Ra'iisul Wasaaraha oo aad u careysan, iyadoo Madaxweynaha shir gudoominayo Kulanka Amniga http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2112
  14. You can change the name of the post within 'advanced editing'. I think he just find out that function.
  15. Safferz;985544 wrote: What was this thread about? How to pick up girls.
  16. If you have nothing useful to contribute, please see yourself out.
  17. Solers, does anyone know if any relief effort is in progress and where we could donate, preferably Somali organizations on the ground. Admin, is there any Somali organization you could point?
  18. Dr Cali Khaliif "Ra'iisul Wasaaraha baan aniga is aragnay, Madaxweynaha wuxuu ku yiri orodoo is casil" Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya dalabka Madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay Ra'iisul Wasaaraha inuu is casilo, isagoo wal wal ka muujiyo in dowladda Soomaaliya dib ugu laabato khilaafaadyadii horay u ragaadiyay dowladihii hore. Wareysi uu siiyay laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in isaga uu xalay la kulmay Ra'iisul Wasaare Saacid, isla markaana u sheegay in Madaxweynaha uu ku yiri inuu is casilo oo uu keeno warqad istiqaalad ah. "Warka soo baxay oo ah Madaxweynihii iyo Ra'iisul Wasaarihii baa is arkay, iyagii baa dooday, warka labada dhinac ka socda waxa weeye Madaxweynaha wuxuu warsaday Ra'iisul Wasaaraha inuu is casilo, Ra'iisul Wasaaraha markaas jawaab ma bixin shalay galab ilaa xalay buu jawaab rasmi ah dhiibay oo yidhi isma casilayo"ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr. Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay aheyd in siyaasidihii horay u jiray in laga koro, balse aanay aheyn in gadaal loo laabto, waxaana uu ku tilmaamay khilaafkaas in dhibaato weyn ku yahay shacabka Soomaaliyeed iyo danaheeda. "Aniga Madaxweynaha ma arkin, laakiin Ra'iisul Wasaarahaayaa arkay xalay mida uu nagu yiri waxay aheyd, Madaxweynaha iyo aniga kalsooni buuxda isku qabnay, waxaa ku tala jiray dowlada in la shaandheeyo, waxaa madaxweynaha u gudbiyay liis dowladda cusbeyd ah, wuxuu ku yiri liiska iyo dowladda sheegeysay halkan naga dhig arrinta kale ee is casil, wuxuu ii sheegay in Madaxweynuhu ku yiri xushmo iyo kalsooni badan baa ku tusay inaan ku magacaabo hadana waxa jeclaan lahaa inaad keento is casilaada"ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ahaa Xildhibaanadii la kulmay Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid. Mar uu ka hadlayay waayo aragnimada uu u leeyahay khilaafyadii horay dalka u soo maray markii uu Ra'iisul Wasaaraha soo noqday ayuu sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay yihiin kuwo sharciga kala haga, isagoo xalka sheegay inuu ku jiro madaxda dhexdooda oo ay is daayaan. Waxaa uu sheegay in inta lagu dhisayo dowladda ay waqti qaadaneyso, gaar ahaan in la raadiyo Ra'iisul Wasaare iyo in kalsooni looga raadiyo Baarlamaanka ay labadaba waqti qaadaneyso, isagoo tilmaamay in dowladda ay hada dhisan tahay sanad iyo bar wax ku dhow sida uu hadalka u dhigay. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa mudadii sanadka aheyd aan is khilaafin, iyadoo mudadaas loo arkayay in dowlad rasmi tahay, isla markaana ay kaga duwan tahay dowladihii hore inay KMG aheyd, marka ay is qaban jireen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. Hase ahaatee arrintan ayaa noqon karta mid siyaasada dowladda ay saameyn ku yeelato, isla markaana uu horseedo xiisado siyaasadeed oo la dega dowladda Soomaaliya, taasna ay keento xalka in wadamada daneeya Soomaaliya ay soo fara geliyaan xaalka. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
  19. Dr Cali Khaliif "Ra'iisul Wasaaraha baan aniga is aragnay, Madaxweynaha wuxuu ku yiri orodoo is casil" Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya dalabka Madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay Ra'iisul Wasaaraha inuu is casilo, isagoo wal wal ka muujiyo in dowladda Soomaaliya dib ugu laabato khilaafaadyadii horay u ragaadiyay dowladihii hore. Wareysi uu siiyay laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in isaga uu xalay la kulmay Ra'iisul Wasaare Saacid, isla markaana u sheegay in Madaxweynaha uu ku yiri inuu is casilo oo uu keeno warqad istiqaalad ah. "Warka soo baxay oo ah Madaxweynihii iyo Ra'iisul Wasaarihii baa is arkay, iyagii baa dooday, warka labada dhinac ka socda waxa weeye Madaxweynaha wuxuu warsaday Ra'iisul Wasaaraha inuu is casilo, Ra'iisul Wasaaraha markaas jawaab ma bixin shalay galab ilaa xalay buu jawaab rasmi ah dhiibay oo yidhi isma casilayo"ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr. Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay aheyd in siyaasidihii horay u jiray in laga koro, balse aanay aheyn in gadaal loo laabto, waxaana uu ku tilmaamay khilaafkaas in dhibaato weyn ku yahay shacabka Soomaaliyeed iyo danaheeda. "Aniga Madaxweynaha ma arkin, laakiin Ra'iisul Wasaarahaayaa arkay xalay mida uu nagu yiri waxay aheyd, Madaxweynaha iyo aniga kalsooni buuxda isku qabnay, waxaa ku tala jiray dowlada in la shaandheeyo, waxaa madaxweynaha u gudbiyay liis dowladda cusbeyd ah, wuxuu ku yiri liiska iyo dowladda sheegeysay halkan naga dhig arrinta kale ee is casil, wuxuu ii sheegay in Madaxweynuhu ku yiri xushmo iyo kalsooni badan baa ku tusay inaan ku magacaabo hadana waxa jeclaan lahaa inaad keento is casilaada"ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ahaa Xildhibaanadii la kulmay Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid. Mar uu ka hadlayay waayo aragnimada uu u leeyahay khilaafyadii horay dalka u soo maray markii uu Ra'iisul Wasaaraha soo noqday ayuu sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay yihiin kuwo sharciga kala haga, isagoo xalka sheegay inuu ku jiro madaxda dhexdooda oo ay is daayaan. Waxaa uu sheegay in inta lagu dhisayo dowladda ay waqti qaadaneyso, gaar ahaan in la raadiyo Ra'iisul Wasaare iyo in kalsooni looga raadiyo Baarlamaanka ay labadaba waqti qaadaneyso, isagoo tilmaamay in dowladda ay hada dhisan tahay sanad iyo bar wax ku dhow sida uu hadalka u dhigay. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa mudadii sanadka aheyd aan is khilaafin, iyadoo mudadaas loo arkayay in dowlad rasmi tahay, isla markaana ay kaga duwan tahay dowladihii hore inay KMG aheyd, marka ay is qaban jireen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. Hase ahaatee arrintan ayaa noqon karta mid siyaasada dowladda ay saameyn ku yeelato, isla markaana uu horseedo xiisado siyaasadeed oo la dega dowladda Soomaaliya, taasna ay keento xalka in wadamada daneeya Soomaaliya ay soo fara geliyaan xaalka. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com