-
Content Count
29,724 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
269
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Che -Guevara
-
We will wait for Mooge's confirmation:D
-
DEG DEG: Mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaaraha oo abaabulkiisa si xowle ku socdo iyo Shariif Xasan oo qeyb ka ah Mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa abaabulkiisa si xoog leh uga socdaa Madaxtooyada, Hotelada qaar ee Muqdisho iyo guryo ay degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Abaabulkan ayaa waxaa uu xalay ka bilowday Hoyga Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mahad Axmed Cawad oo arrintan aad u wada, iyadoo in ka badan sodon xildhibaan ay wax ka saxiixeen. Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in abaabulkan ay qeyb ka yihiin Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana qorshayaal Xildhibaanada looga gedayo abaabulkan, balan-qaadyo loogu sameynayo ka socdaa Hotelada City Palace iyo Naasahablood 2. Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Axmed Cawad ayaa arrintan door weyn ka ciyaaraya, isagoo doonaya in kulanka uga soo horeeyo ee mooshinka looga keenayo Ra'iisul Wasaaraha uu shir gudoominayo, maadaama dalka ay ka maqan yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo Gudoomiye kuxigeenka labaad Jeylaani Nuur Iikar oo kala aaday Itoobiya iyo Kuwait. Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho oo maanta booqday Hoteladaas ayaa soo sheegaya in abaabulka si xoog leh u socdo, isla markaana Mudanayaasha si gaar gaar ah ay ula kulmayeen Gudiyo ololahan wada oo isugu jira Xildhibaano, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada. Sidoo kale waxaa uu abaabulkan ka socdaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo laga furay xafiis lagu diiwaan gelinayo Xildhibaanada halkaas ku sugan iyo xildhibaanada dibada ku maqan, iyadoo fariin SMS iyo Email loogu dirayo. Wararka ayaa intaa ku daraya in saacadihii u dambeeyay Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra'iisul Wasaaraha uu galay xaalad mashquulo ah iyo kulamo is daba joog ah oo lagu kala jiidanayo Mudanayaasha baarlamaanka. Qorshaha koowaad ayaa ah in todobaadkan gudihiis lagu kala baxo baarlamaanka, iyadoo labada mas'uul ee is haya ay u muuqdaan kuwo si aad ah ugu dagaalamaya taageerada Baarlamaanka dhexdiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha labaad uu yahay in Baarlamaanka uu soo afjaro khilaafkan ka hor inta uusan dalka ku soo laaban Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo shir uga qeyb galaya dalka Kuwai Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa Khamiistii uga digay mudanayaasha baarlamaanka in aanay u ololeyn khilaafka iyo Madaxweynaha, isla markaana aanay warbaahinta ka hadlin, iyadoo ay muuqato in mudanayaasha aanay warkiisa dhag jalaq u siin. Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa doonaya inay ku kala baxaan Baarlamaanka, kadib markii ay adkaatay in khilaafkood lagu dhameeyo sulux. Guuxa ugu weyn ee Muqdisho ka socda ayaa waxaa uu yahay loolanka loogu jiro kasbashada Xildhibaanada, iyadoo aanay ka marneyn balan-qaadyo xilal iyo mid lacageed cidii guushu dhinac raacdo oo ay u sameyneyso midba midka kale ee taageerada raadsanaya. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Deg-Deg: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo gaar gaar ah leh ururada bulshada iyo xildhibaanada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dowlada federalka Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la leh xubnaha baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wararka ugu dambeeya ee ka imanaya madaxtoyada ayaa sheegaya in ra’iisula wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu kulan la leeyahay xubno ka socda baarlamaanka ee ka soo jeeda beelaha *******, sidoo kale madaxweye Xasan Sheekh ayaa waxa uu kulamo la leeyahay siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Labada mas’uul ayaa waxa ay wadaan dadaalo kala gaar gaar iyadoo wararku ay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlayo xildhibaanada baarlamaanka in arrinkan uusan ahayn in la geeyo baarlamaan balse uu yahay mid ku salaysan arrimo siyaasadeed, halka uu ra’iisul wasaare Saacid uu doonayo in arrinka lagu kala baxo baarlamaanka, iyadoo guuxa Muqdisho la isla dhex marayo in ra’iisul wasaare Saacid uu haysto xubno badan oo baarlamaanka ka tirsan oo taageeraya marka loo eego madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo galay toddobaadkii labaad ayaa u muuqda mid si xowli ah ku socda iyadoo labada mas’uul uu mid walba uu aad ugu dadaalayo in uu helo taageero badan. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Oodweyne. I think you sometimes look at the southern politics with too much of northern sensibility. See unlike your folks in the North, no tribe in the South no matter how much they hate or disagree with 'enemy' tribe can rally around a cause for too long, in other words it is unlikely the H-block will ever be a unified political and military force that can subdue Al-Shabab or even ensure their own can be detached from Al-Shabab. The same goes to D-Block, there will never be a day where reer Puntland and Gedo will agree on anything. And you also need to mindful, a good percentage of Al-Shabab soldiers and leadership are from 'minority' tribes, all of whom are under Al-Shabab subjugation, but ironically they have been empowered enough to stand up to more ruthless tribe (Biyamaal and HG fight in Marka area is prime example and Tunni in Barawe will be the next stage). Capturing Al-Shabab's base in the Lower Shabele, Jubbas, and Bay/Bakool areas are fraught with opportunities and pitfalls. The Government in Mogadishu can not simply send militias to these areas where the locals have been armed and now are ready to defend themselves. The deep south will be the petri dish for your theory, I very much doubt a well organized force from Xamar can manage to deliver this region without everybody's consent.
-
Not available in my country
-
Madaxweynaha Soomaaliya oo beel beel ula kulmaya Xildhibaanada Baarlamaanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali ku adkeysanaya in Ra'iisul Wasaaraha is casilo, kadib markii uu diiday talooyin iyo xal ay u geeyeen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo mas'uuliyiin horay xilal u soo qabtay oo uu 24-kii saac ee la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaatay. Madaxweynaha ayaa shalay la kulmay Gudi 7-xubnood ka koobnaa oo ahaa Wasiiradii Xukuumadii Ra'iisul Wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas, kuwaasoo doonayay inay xal ka gaaraan khilaafka sii xoogeystay ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. Qaar ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa ii xaqiijiyay inuu ka diiday dalabka ah in khilaafkan lagu dhameeyo sulux, hase ahaatee uu Madaxweynaha ku adkeystay inuu xafiiska ka tago Ra'iisul Wasaaraha. Madaxweynaha ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaadanayay Xildhibaanada Baarlamaanka oo beel walba uu si gaar ah u qaabilayay, isagoo kala hadlayay sidii Ra'iisul Wasaaraha uu istiqaalada u keeni lahaa. Waxaa jiray Xildhibaano u tagay Ra'iisul Wasaaraha oo ka dalbaday inuu is casilo, hase ahaatee uu ka diiday, waxaana xildhibaanadan u badnaayeen kuwo xal ka raadinayay is casilaada Ra'iisul Wasaaraha si aanay arrinta u sii cusleyn. Warar la helayo ayaa sheegaya in Ra'iisul wasaaraha ay saaran yihiin cadaadis xoogan oo la sheegay in xubno beesha caalamka ku saarayaan inuu is casilo, maadaama isaga iyo Madaxweynaha aanay wada shaqeyn karin. Ilo wareedyo muhiim ayaa u sheegay Jowhar.com in Madaxweynaha uu ka soo horjeedo in arrinta Baarlamaanka lagu kala baxo, si aanay xiisada ugu sii xoogeysan baarlamaanka gudihiisa, oo uusan dhicin loolan iyo kala jiidasho xaga xildhibaanada ah. Maanta oo Jimco ah ayaa waxaa halkeeda ka sii socon doona kulamada gaar gaarka ah ee Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra'iisul Wasaaraha ka dhacaya, iyadoo marka la eego Xafiisyada labada dhinac ay aad mashquul u yihiin, kulamadana aanay kala joogsi aheyn. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Oodweyne. Your Pashtun analogy falls flat in that strategy itself is being tested in Afghanistan as the West departs and there is no guarantee Pashtun will keep the lid on the Taliban on either side of the border. Even for the sake of argument, we say this strategy works, there is no credible elite with enough depth and understanding among the "Pashtun" and if we are honest with ourselves among ALL Somalis that could deliver what the West wishes for Somalia. Thefuture. I don't mean...
-
^hehe I am surprised you thought there is hope to begin with.
-
I don't know about his sense of determination in executing his constitutional duty, however one thing is clear, it looks like he is the ONLY person that understands how institutions and government in general work.
-
Oodweyne. Your Pashtun analogy is lost on me?
-
What a shame!
-
DEG DEG: Golaha Wasiirada oo xilligan shir u socda, iyadoo Wasiiro dhowr ah ay ka maqan yihiin Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxaa uu xilligan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada, iyadoo dhowr Wasiiro ay ka maqan yihiin madasha. Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in ilaa Labo wasiir kaliya ay soo xaadireen kulanka iyo 7-kuxigeeno iyo wasiiro, taasoo ah kooram ahaan mid suura galay inuu shirka ku furmo. Kulanka oo uu shir gudoominayo Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada, Wasiirka Kheyraadka, halka Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi oo yimid xafiiska uu ka soo tagay mar dambe, lama oga inuu fasax weydiistay Ra'iisul Wasaaraha iyo inuu iskiis u baxay. Wararka ayaa intaa ku daraya in Wasiirada maqan ay ka mid yihiin Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna wasiirada Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiiro la sheegay inay safaro shaqo dibada ugu maqan yihiin. Sidoo kale waxaa kulanka Golaha Wasiirada soo xaadirin Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir oo la sheego inay dhif iyo naadir yihiin ka qeyb galka kulamada ay yeeshaan Golaha Wasiirada. Inkastoo oo uu shirka haatan socdo ayaa la filayaa in sidii caadada aheyd laga soo saaro war saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlayay, hase ahaatee shirka maanta ayaa ku soo aadaya, iyadoo wali khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Wasiiru u tagay Ra'iisul Wasaaraha oo ka dalbaday inuu is casilo, iyadoo wasiiradaas badankood ay yihiin kuwo ku xiran Madaxweynaha. Goor sii horeysay ayaa waxaa soo baxayay shaki laga qabay inuu baaqdo Kulanka Golaha Wasiirada oo ay la xiriirto arrinta khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, iyo in kooram la'aan uu ku furmi waayo, maadaama inta badan Wasiirada ay dhinaca Madaxweynaha la safan yihiin. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco Jowhar.com Insha Allah Somali news leader www.jowhar.com j owharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligan la shirsan Wasiiradii u tagay Ra'iisul Wasaaraha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan oo saacada geeska Afrika tahay 9:30 fiidnimo waxaa uu shir albaabada u xiran uu la leeyahay inta badan xubnaha Golaha Wasiirada. Ilo wareedyo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in xubnaha Wasiirada ee la shiran Madaxweynaha ay yihiin Wasiiradii maanta u tagay Ra'iisul Wasaaraha ee ka dalbaday inuu is casilo, isla markaana uu tanaasul sameeyo. Xubnahan Wasiirada ayaa ku mowqif ah Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadlayaan, hase ahaatee waxaa jirta cabsi laga qabo in is casilaad ay bilaabaan. Lama oga tallaabada xigi karta kulankan, waxaase laga yaabaa in saacadaha soo socda ay wax kasta dhacaan, maadaama xiisadaha u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay sii xoogeysanayaan. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaruhu uu heysto Tiro wasiiro ah oo taageersan, isla markaana uu wali ku adkeysanayo in aanu is casili doonin. Kulamada iyo shirarka siyaasadeed ee ka socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa ah kuwo wali aan loo kala kicin, isla markaana dhinac walbana uu ku howlan yahay sidii uu taageero uga kasban lahaa Wasiirada. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu dastuurka siinayaa oo uu xaq u leeyahay inuu soo magacaabo Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo wasiir dowlayaal, sidoo kale waxaa uu awood u leeyahay inuu xilka ka qaado. Midna lama saadaalin karo hadii Wasiiro is casilaan in Ra'iisul Wasaaruhu soo magacaabo doono wasiiro iyo in kale, sidoo kale hadii ay timaado in Ra'iisul Wasaaraha Gole wasiiro soo magacaabo wuxuu kalsooni uga baahnaan doonaa Baarlamaanka oo u muuqata mida ugu dambeysa ee lagu kala bixi doono. Si kastaba ha ahaatee hadii Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay gabalka ugu dhaceen shirar gaar gaar ah, waxaa la sugaba waa is bedelka xigi doono iyo waxa natiijo ka soo bixi doonta kulamadooda, inkastoo wali nin walba uu halkiisa seefta ka sii afeysanayo. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Wasiiradii Xukuumadii C/wali Gaas oo caawa Muqdisho ku shiray, Maxay ka hadleen (Sawirro) Waxaa caawa kulan xasaasi isugu yimid naadiga Badbaado oo ay ku midaysan yihiin xubnihii hore ee golahii wasiirada ee xukuumadii kumeel gaarka ahayd ee uu raysal wasaaraha ahaa Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee Badbaado Qaran. Kulankan oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha naadiga Badbaado Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” wasiirkii hore ee warfaafinta Boosaha iyo Isgaarsiinta waxaana kulankan looga hadlay arimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaalada haatan dalku ku sugan yahay. Inta uu kulankan socday ayaa waxaa la isla soo qaaday oo laga dooday marxalada haatan dalku uu marayo, iyadoo lawada ogsoon yahay in khilaaf baaxad wayni uu u dhaxeeyo Madaxda dalka ugu sareeya gaar ahaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”. Madashan uu kulankan ka dhacayay ayaa hadalo kala duwan waxa ka jeediyay qaar kamida xubnaha Naadigan Badbaado. “Waxa aan ka xunahay khilaafka xiligan taagan iyadoo dowladu jirtay mudo sanad ah dibna loogu laabto is qab-qabsigii jiray wakhtiyadii kumeel gaarka. anagoo ka sugaynay dowlada federaalku inay hore u sii wado hanaanka dowladinmo” sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” oo ahaa shirgudoonka . Kulan ayaa waxaa si wayn loogu lafa guray arimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka,waxaana ugu danbayntii ka soo baxay war murtiyeed ka kooban Saddex qodob, waxana ka mid ahaa 1. Inay aad ugu xun yihiin khilaafaadka ka dhex taagan madaxda ugu saraysa dowlada gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha. 2. In si deg dega loo xaliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, mudnaanta xalinta khilaafaadkana waxa iska leh madaxda sare ee dalka si gaar ah, iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 3. In guddi 7-qof ka kooban laga soo xulay xubnaha Badbaado kuwaasi oo si deg dega ula kulmi doona Madaxwayanaha. Naadiga Badbaado ayaa ku bahoobay xubnihii xukuumaddii Badbaado Qaran waxayna ka kooban yihiin xildhibaano kor u dhaafaya 30 Mudane iyo siyaasiyiin si wayn dalka looga yaqaano, waxayna kulamo joogta ah ku yeeshaan dalka gudahiisa, iyagoona ku falanqeeya xaaladaha dalka gaar ahaan arimaha Amniga,Siyaasada iyo dhaqaalaha. Badbaado ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen in dalku uu ka baxo marxaladii kumeel gaarka ahayd yeeshana dowlad rasmiya. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2136
-
d/p
-
Ra'iisul Wasaare Saacid "Xalka dalka waxaa uu ku jiraa Dastuurka inoo qoran oo la raaco" Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa fariintii labaad uu ku muujinayo mowqifkiisa khilaafka isaga iyo Madaxweynaha waxaa uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay. Mr Saacid ayaa wali ku adkeysanaya in aanu casili doonin, isla markaana uu ku qanacsan yahay in Baarlamaanka Federaalka uu soo dhex galo khilaafka. "Xalka dalka waxaa uu ku jiraa dastuurka inoo qoran oo la raaco" ayuu Ra'iisul Wasaare Saacid ku qoray Bogiisa Facebooka. Shalay ayay aheyd markii Ra'iisul Wasaaruhu war kooban uu soo dhigay barta Facebook ugu baaqay taageerayaashiida Muqdisho inay is dejiyaan. War saxaafadeedka uu shalay soo saaray Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa waxaa uu kalsooni ku muujiyay in Baarlamaanka lagu kala baxo, isaga iyo Madaxweynahana ay isku hayaan arrin Dastuuri ah oo aan siyaasad aheyd. Warkan kooban ee uu soo dhigay Ra'iisul Wasaare Saacid barta Facebook ayaa ku soo aaday, saacado kadib markii Xafiiskiisa ay ugu tageen ilaa labaatan Wasiiro, kuwaasoo ka dalbaday inuu is casilo. Balse fariintan ayaa la dhihi karaa inay jawaab u tahay Wasiiradiisa u yimid ee kula taliyay inuu is casilo, si uu tanaasul ugu muujiyo danta qaranka. Si kastaba ha ahaatee khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa la ogeyn halka uu ku dambeyn doono Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
DEG DEG: Wasiiro kula taliyay Ra'iisul Wasaare Saacid inuu is casilo Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in ilaa 20-Wasiiro oo maanta shir gaar ah yeeshay ay Ra'iisul Wasaaraha kula taliyeen inuu is casilo, si uu ugu tanaasulo danta qaranka. Wararka ayaa sheegaya in Wasiiradan ay u tageen Ra'iisul Wasaaraha, kadib markii ay shir ku yeesheen qeyb ka mid ah Madaxtooyada. Ilo wareedyada oo aan dooneyn in la magacaabo ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in 20-ka Wasiir ay yihiin 15 ka mid ah Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal, halka shanta kale ay yihiin Wasiiro. Wasiirada u tagay Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa hogaaminayay Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadam, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Kheyraadka, iyo Wasiirka Garsoorka. Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra'iisul Wasaaraha uu weydiistay Wasiiradan u soo jeediyay inuu is casilo waqti uu kaga soo fikiro. Sidoo kale warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaruhu uu ku wargeliyay Wasiirada in wax walba Dastuurka ka weyn yahay. Tallaabadan ay qaadeen wasiirada ayaa u muuqda mid culeyska ku sii kordhineysa Ra'iisul Wasaaraha, tan iyo markii isaga iyo Madaxweynaha ay is khilaafeen, isla markaana khilaafka uu si xoog leh u soo shaac baxay. Waxaa jiray warar suuqeedyo sheegayay in Wasiiro ka mid ah Xukuumada ay is casili rabaan, taasna ay caqabad ku noqoneyso jiritaanka Ra'iisul Wasaaraha. Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa shalay sheegay in isaga iyo Madaxweynaha aysan isku khilaafsaneyn siyaasad, balse ay isku hayaan arrimo dastuuri ah, isagoo ka dhawaajiyay in is-maandhaafka isaga iyo Madaxweynaha xalkiisa noqonayo Golaha shacabka. Lama oga sida ay xaalada ku dambeyn doonto iyo go'aanka xiga uu qaadan doono Ra'iisul Wasaaraha, waxaana saacadihiiu dambeeyay Madaxtooyada ka jiray kulamo siyaasadeedyo hoose oo aad u ballaarnaa, waxaana xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ka jiray saxmad aad u weyn. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
-
Mr. Mohamed Kahin almost got assassinated in Somaliland
Che -Guevara replied to AfricaOwn's topic in Politics
lol@Nuune this is what we are dealing with. Tallaabo. usheeg. What does this thread has to do Xamar anyway? -
A loss for the people.
-
Mr. Mohamed Kahin almost got assassinated in Somaliland
Che -Guevara replied to AfricaOwn's topic in Politics
^I am talking about Somalis...If you don't want to be associated with Somalis, then I suggest you call yourself something else. -
Mr. Mohamed Kahin almost got assassinated in Somaliland
Che -Guevara replied to AfricaOwn's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;985721 wrote: Who on earth wanted to hurt Muhammad kahin one of Somaliland prominent freedom fighters. Who knows why Somalis kill each other. -
Cyclone Hits Puntland of Somalia Over 300 feared dead
Che -Guevara replied to xiinfaniin's topic in Politics
^You will be added to that list:p -
^Only God and sensible creatures are on their side:)