gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Suldaan Waxaad qiyaastaa adigoo Australia jooga oo wax qabaw koob ku shubtay, iyo adigoo soo kor istaagay wiil tuutaha snm labisan, xuduud qabiil kale kusoo dhaawacmay, isbitaalkiina ka buuxsamay oo hooyadii geed hoostiis dhareerka uga tirayso, bal qiyaas labadaas intaad koobka miiska saarto.
  2. Mucaaradka puntland waa indho la'yahay, maqalka dhagihiisuna ma fiicna Dawlad waxaa la mucaaradaa markaad wax dhisto oo aad dadka wax isugu darto. Dawladda farmaajo puntland dawlad uma aha markaad ka cabir qaadato hab dhaqankooda Farmaajo wuxuu doonayaa in afar sano loogu daro si uu meesha uga saaro foolxumada puntland iyo jubaland umadda ku hayso. Siyaasiyiinta muqdisho waxaa kaliya oo u muuqda siday hanti gaara u samaysan lahaayeen gobolka banaadirna u helo xaquuq gaara oo lagu abaal mariyo beeshii dumisay. garaadkoodu "wadan" ma gaaro intii nasoo martay ilaa iyo hada, kuwa dhashayna cimri isku gaari mayno. Puntland labo wasiir koowaad iyo madaxweyne bay federaalka kasoo noqdeen, haday daacad ka yihiin hor u socod siyaasadeed, wax badan bay badeli kareen wakhti ku filana way haysteen, iskaa daa wax wayne. afartan wiil oo reer puntland ah iyo afartan reer koonfur ah ciidan kuma midayn mushaar iyo saxan isku egna raashin kuma siin. Senetorka iyo baarlamaaniga reer puntland oo fedaraalka ku jira waa cadaw marka laga reebo faroole oo wax duminaya. Dr. Cabdi wali waa nin ku cusub xaliimo yarey doorashadana ka baqsan in dib loo dhigo
  3. Waxba kama aqaan nolosha reer galbeedka, balse aduunka oo dhan ma jiro mujtamac jacayl kuwada nool. Cadaanka waxaa la noolaan kara "ey" waafi u ah oo sayntiisa ka tusa jacaylka uu u hayo way dhunkadaan isku saxana waxbay ku cunaan iyo mujtanac caqli iyo maskax isaga celiya oo gacan ka hadal tuugada ka xishooda. Labadaas nin madaw ah ma noqon karo, macno samayn mayso buuq iyo bililiqo. Intee afrikaan yaa badaha ku dhinta maalin walba siday dhul cadaan leeyahay u tegi lahaayeen? Soomaalida waxaan kula talin lahaa qaxooti baad tihiin wax kasta lama rumaysto wax barta caqiidadiina ilaaliya ayadaa wax walba oo xumaan ah idinka reebaysa.
  4. Nimankaanu mabda' maleh waligoodna ma yeelan. Madoobe iyo ayagu waxay isku qabteen qabiil ma'ahayn, waa doorasho khaldan oo aan sharciga waafaqsanayn, in badana way ku doodeen ayagoo beesha caalamka hor taagan. doorashadii lama sixin, waxaa kaliya oo ay saxeen in jufadu hal nin u dayso ku tumashada sharciga. Waa hadal sax ah waxa gudoomiye madeira sheegay wax ugasoo noqon karaa iima muuqato aragtidayda. Hadii ay qabiil ugu tanaasuleen walaalkood waxay ahayd inaysan mujtamaca soo hor istaagin mar danbe oo xoogaaga ay qaateen ku ganacsadaan. Nasiib daro garashadaas ma leh waxay u haystaan madoobe sharciguu ku xad-gudbay inuu beeshooda kaliya khuseeyay ama ayaga gaar ahaantooda taladii jubaland uu ka dhacay. Tan kukuyada Kuukuyadu waligood waxay isu keeni jireen warlord iyo qabiilo is haysta wax cusub kuma aha in soomaalidu uunsiga u shido. kaliya inay kismaayo ku joogaan rabsho la'aan inta la helayo madaxweyne soomaaliyeed oo ka wanaagsan farmaajo dacwadiina dib ulasoo noqda hadafkoodu waa cad yahay waa xagal toosan. Waxaa jira saxiix ay hore uga faa'iideen oo ina cigaal nfd ugu xalaaleeyay asagoo ku sheegay (memorandum of understanding) Shakhsiyadda xidig waxaan ka xasuustaa dawladii xasan shekh, yuu wuxuu ku noqday mucaarad microphone' kii kor loo taagaba qabsada. Waa markii ugu horaysay aragtidayda oo uu xasan shekh la taliye fiican helo, wuxuu u dhiibay ama madax uga dhigay gudi qaybiya raashinka barakacayaasha oo aan filayo inuu khibrad hore lahaa, hadal dambe maalinkii xilka loo dhiibay yaa ugu dambaysay. Waa dadka hungurigooda hadalka ku qooya wax principle malaha.
  5. Maamuladii puntland oo lagu dhex jiro kaliya yaa kasoo haray weeye hadalkiisu, hadaan tagana snm iga dambayn mayso, ha lays kaashado intaan gabalku dhicin. Mataano godkooda waa lays le'akaysiyaa. Aaway goboladii ssc oo laga sugayay inuu xoreeyo?
  6. Ciyaal dawladu koriso, wax barto, gacanta ku hayso, la ilaaliyo caafimaadka maskaxdooda iyo jirkooda, loo sameeyo meelo u gaara oo ay ku farxaan entertainment.waxaa samayn karay oo qudha kacaankii barakaysnaa. Waa maxay ubixii kacaanka? Ubixii kacaanka waa qof kasta oo yaraantiisii kacaankii wax soo baray xataa haduu qoys ladan ka dhashay. Waxaa la safi jiray Iskoolka hortiisa ayadoo caruurtu nadiif yihiin faqiir iyo qani aan lakala aqoon. Waxaa la qaadi jiray kow faataxada oo dhiganta oo u dhiganta magaca (allaah). Labo waxaa la qaadi jiray heesta calanka oo dhiganta (waddan) Sadex waxaa la qaadi jiray heestii guul-wadaw siyaad oo dhiganta (aabihii umadda) Waligiin xaqiir hadalkiis ha dhagaysan. Dhalintii kacaanka waa kuwii dayaca loo diiday sida dhalintii kacaanka ee lafoole oo u badnaa agoon, afgooye iwm. Laakiin maamuladaan maanta jooga oo mijinta jaadka ah isku haysta ma buuxin karaan kaalin dawladnimo haba yaraatee. Hadii maalinta ciidda kaliya loo qubeeyo oo funaanad cusub lagu sawiro isla caawa yuu darbigii la gal galan asagoo dhaxamaysan, farxadiisu waa maalinta ciidda gelinkeeda hore. Hargaysa oo gobolada kale ugu faanta qaran baan nahay iyo aqoonsigii wax yar baa nooga haray, been idiin sheegi maayee waa magaalada ugu darbi jiifka badan ee soomaaliya ku taal maanta. Waa markii iigu horaysay oo aan ogaado, in nabadda la dayaco ka darbi jiif badan tahay meelaha colaaduhu ka jiraan. Gidaarka qudhiisa nabadbaa lagu seexdaa, ee hanalagu aqoosado weeye shacaarka snm aqoonsiga ku doonayso.
  7. Waa taariikh ay doonayaan inay ubadka kusii ababiyaan, waana dhaxalkii awoowe caydiid iyo cali mahdi.
  8. Mr. Deni waa nin xanaaq dhaw oo dulqaadkiisu yar yahay. Wuxuu doonayaa nin markuu soo socdo akhrin kara oo asagu salaanta la doonta, haduu salaanta ridiyana markuu qaboobo albaabka xafiiskiisa tartiib u garaaca asagoo is gaabinaya. Dhaqan iyo dastuur labaduba waxay ku shaqeeyaan wada tashi iyo towfiiq. Balse u malayn maayo inuu mr.deni reer ssc dhaqanka zanzibar bari karo.
  9. Mahad salaad. Mar kasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay Xukuumadda dhaliilaan ama Madaxweyne Farmaajo u soo jeediyaan arrimo jawaab uga baahan, waxaa si halhaleel ah ugu jawaaba siyaasiin ay isku hayb yihiin sida Salaad Cali Jeelle iyo kuwo kale. Marka waxaan iswaydiiyay waxaani dheef ka badan ee maxaa ku qasbaya siyaasiintaas in ay alalaas iyo ammaan ka daba sidaan Madaxweyne Farmaajo, walaalahoodna maalin walba la daba joogaan ceebeyn iyo canbaareyn aan loo meel dayin?! Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “habeenkii waxaa kortagga fogeeya qofkii og in waagu beryayo” kolley annaga ayaa qabashadiina leh ee walaaloyaaloow wax iskula hara oo haldoorkiinana hadimada iyo haadaamaha aad ku tuuraysaan ka daaya. WAANA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON. Hon. Mahad Salad Waa xildhibaan mucaarada waxa sidaa u fekeraya. Maalintii usc loo ducaynayay goob joog baan ahaa.
  10. Waxa ugu qaalisan oo reer galbeedku maanta hadiyad u bixiyo waa toilet paper coronavirus dartiis. Waxaysan aqoon dhaqankeena, in markaan toilet'ka galno biyo isticmaalno. Markaan makhaayadaha ka qadaynana joornaalka new York times afka iska marino.
  11. Buuhoodle waa meel sadex geesooda oo u baahan inay helaan wax tar badan oo dhan kastaa masha-alaah. Gobolada SSC iyo dadka degan waa dad aad u muhiima, waana in fiiro fiican oo wax wanaajinaysa loo yeesho. Waa dad somalinimo iyo cashiiro labadaba ku fiican kuuguna istaagaya. Mushkiladda ugu wayn waxay ku dhacday markay puntland tolnimo ku raaceen. Puntland, tolnimo ma taqaan markay dhaqaale iyo hogaan noqoto. Jawaanka markay jiitaan wixii ka daata kaliya bay ogol yihiin, dhinaca dhaqaalaha iyo wax wada cunka. Markay hogaan noqotana sadexdaas ilmo maxamud midkii doorķa leh doorta kursigaas aad ku fadhidaana dhulka haku jiidina, su'aalna yaan nala waydiin. Snm way ka duwantahay ssc cashiiro lama wadaagaan, soomaalina way diideen waxayna u yaqaanaan faqash. Balse markay jawaanka soo dejiyaan ayagoon jiidan bay waxooda u gooyaan wax wada cun bay leeyihiin. Waa intaa kaliya waxa ina koore snm'ta xagjirkaa, kasii xagjirsiiyay. Qoraagu wuxuu ku leeyahay siyaad barre uma qaban waxay puntland u qabatay reer buuhoodle ! Siyaad barre dekad iyo wado dhaxal gal ah yuu reer buuhoodle boosaaso uga dhisay, oo lagu wada liibaanay aaway xaqoodii? Waxaan ku talin lahaa. Reer buuhoodle talaal xniinyahooda halaga qaado oo ha lagu duro kuwa kale. Waligaa meeshaad ku dhalatay yaan beel kuugu talin hadii soomaalinimo la waayo.
  12. Qoraagu waa mahadsanyahay. Wuxuu u egyahay nin godod badan ka boodaya si uu u salaamo saaxibadiis. Taariikhda saxdaa waa furaha aad ku kasban karto akhristayaal adigoo caadifad ka fog. Ama taariikh saxa yaa la qoraa Ama aragti aqoonyahan oo qanac leh. Hadiise mala awaal aad run u ekaysiiso wax yar ka dib way iska baabi'. SYL layskuma hayo inay ahaayeen urur dhalinyaro ah oo qiimo badan, waxay lahaayeen cadaw ku diir iyo diin ah oo shisheeyaha la shaqeeya. Maamulka villa somalia hada ka jira yaa ugu dhaw wax shabaha uma u eg taariikhdaan soo marnay markaad ka cabir qaadato qabiilaysi iyo qabyaaladii nasoo daashaday. Waxaa u fiican inuu qoraalkiisa kaydsado wakhtiga ku haboona la sugo aragtidayda. Iminka waxaa qoraal u baahan killinka 5aad oo uu kasoo jeedo dhib badana ka jiro. Taariikhda uu ka been-sheegay waxaa ka mida. W/galbeed xasuuqbaa ka dhacay W/galbeed xasuuq kama dhicin, waa lagu dhex dagaalamay shacabkana dhib wuu gaaray, wayna qaxeen. layskama hor boodo dad taariikh ay samaysteen ayagoo og xaqiiqda, balse ku doonaya aqoonsi. Waa ceeb nin aqoonyahan sheeganaya inuu kursi jaban reero islaameed hor dhigto. Dagaaladii sokeeye waxaa laga qaxay. G/kacyo, burco, muqdisho iyo meel kasta, dadku qaylo iyo cod aad u dheer kama qaxin, waxay ka qaxeen xabad. Tan qalbi dhagax waa laga xaal marin soomaali oo dhan haduu meel ku sheego halgankii ONLF meeshuu ku dambeeyay. Allahuma Aslax Axwaalnaa Jamiican.
  13. Tobanka u dambeeya ramadaan qaadka waa fasaxnay walaalayaal, wasiirka caafinaadka puntland.
  14. Puntland waxay ka kooban tahay beelo sabur badan oo maamul iyo nabad jecel. Dani haduu isku wadi waayo, ciidan uma dhisi karo cid u dhisaysana ma jirto. Xaduudka kenya dawladu qabiil uma dirin xag-jir iyo cadawna beel kaliya kuma filna. Asagana waxaa ku waajiba sidoo kale inuu gal-gala ku ilaaliyo ciidan soomaaliyeed oo isku dhafan. Puntland Wax haka dhisto xoog soomaali leedahay oo naga wada dhaxeeya. Ama beelaha kale oon kursiga sare loo ogolayn dulumka haka daayaan ugu yaraan. wixii intaa kasoo hara waa khatar aan calaacal lugu dawayn karin. Puntland iyo maamulada kaleba waxay u baahanyihiin in loo tababaro ciidan police iyo nabad sugid si fiican loo sugay. Military qaranka oo dhan ilaaliyana wadajir loo dhiso. Hadii maamul walba military loo dhiso federaal ma'ahan waa jamhuuriyado kala gaara iyo ha lasii kala fogaado codka diidmada qayaxana ha sii socdo waligiis.
  15. Booso iyo hobyo labadaba way ka muhiimsan yihiin dhinaca suuq gaynta Booso aad ba uga fogtahay killinka iyo gobolada dhexe badeecaduna way ka jabnaan doontaa iyo dhawaanshaha labadaba Hobyo uma bisla tartan dhaqaale kala dambayn iyo horumar dadka fiican waxaa ka badan inta isbaarada jecel. Mashruuc shacab dhisay ma wayna balse waxay na tuseen kartidooda. Allaha garab galo.
  16. Allaha u naxariisto. Ka mid baan ahaa dadka aaminsan inay caqiido u dagaalayaan ilaa aan arkay 7 jir iyo 5 jir hilibkii hooyadood kortoon ku ururinaya xasuuqii soobe iyo kuwo kale oo arxan daro ah.
  17. Horay yaa loogusii sheegay inta beri oo ay joojin karaan, go'aanku Ethiopia yuu ka go'aa.
  18. Xaaji Jaahil ma'ahayn, ninkii ilaa lowyo cado, cirifka bari ugu dambeeya, ilaa raas-kanboni, in sharciga iyo dalku mid ahaado, dadka maamulayana kala beel ahaadaan 21 sano nagusoo maamulayay. CV'ga ugu fiican oo aan cid kastaa heli karin waa lasoo shaqayntii kacaankii barakaysnaa. Ka bilaw adeero biixi iyo xusbiyada gooni-goosadkaa. Aaway intii ka dambaysay dadkii wax bartay?, afar digaaga laguma halayn karo. Waan soo halganay qof aan wax barnay oo magac dal la yaqaano leh gacantiisa kor uma taagi karno 30 sano weeyaan jaahilnimada dhabtaa. Ilaa iyo iminka siyaad barre sadaqo jaariya, baa meel kasta uga socota xataa snm'ta caqliga leh way u duceeyaan anaa la kulma maalin kasta. Waxaa la waydiiyay siyaad barre, beri hore quruxda dhismaha nairobi iyo muqdisho farqiga u dhaxeeya iyo sababta Wuxuu ku jawaabay muqdisho anagaa iska leh, jawaab kale ma bixin. Macnaha ku jira waa guri nin kale dhistay ha isku hor sawirin isku tasho. Opo Morgan haduu siyaad barre godkii kasoo saaray kubeertadiisa sharafta badan hadii wax kasoo hareen la huwo, intaas naf ka dhigo mar hadii la waayay wax cabdille xasan ka dambeeya.
  19. Siyaad barre allaha u naxariisto waa madaxweynaha kaliya oo soomaali ka samri wayday. Sinaan, cadaalad, horumar, sharaf iyo magac, intaba ayagoon jeebkiisa kala bixin bay aaseen. Shimbiraha tukaha ugu aqli badan asaguna maalinkii uu dhintay buu codkiisii badelay.
  20. Allaha u naxariisto kaliya u daaya marxuumka qoyskiisiina samir haka siiyo. Mujaahidnimo sharuudo badan bay leedahay mid ka midana snm kuma sifoobin.
  21. Difeeto wayn oo xagga maskaxdaa yaa haysata xag-jirka snm. FAO maxay diyaaradda si gaara ugu gayn wayday? Aragtidayda FAO wayba u gayn lahayd haday dadaalkeeda leeyihiin, balse waxoodu waa ayaxu ha i cuno intaan marqaan jabayo. Dawladnimo wahmi laguma dhisi karo.
  22. Safar saalaama allaha ku xifdiyo.
  23. Reer guuraagu waa dad caafimaad iyo socod badan Waxay qabaan labo dhibaato kaliya Hubka oo ay si xad dhaafa u haystaan Dabar goynta dhirta oo ay dhulkii xaalufiyeen. Labadaa arimood hadii xal loo helo way faa'iidayaan waana laga faa'iidi Beeraleydu hilibku waa u lagama maarmaan. Xoolo dhaqataduna galaydu iyo digirtu waa u lagama maarmaan. Kaluumaysatadu waa sidoo kle Ilaha dhaqaalaha mid walbaa ahmiyad gaara bay leedahay waana loo wada baahan-yahay. Nasiib darada jirta waxay tahay aqoonyahankoodii siyaasad wax dumisa un bay barteen, ama waaba ajnabi qoraxdu dhibayso oo guri gaal marti ku ah.
  24. Siyaad barre guri dawladu leedahay yuu ka deganaa soomaaliya, waligiis guri kama dhisan. Nadaamkiisii, beel hanti gaar u lahayd ma jirin iyo kuwo laga dhacay midnaba. Reer burco yuu abaartii daba dheer kuntur-waaray, beeraley kor dejiyay si ay biyo iyo baad u helaan, hadaadan taas ula jeedin cid kale lama arag.
  25. Suldaan Walaal rajo beel ma muuqato waa indhahaaga oo qalbiga lagaa badelay, been u sheegay. Soomaaliya maanta aragtidayda waa markay ugu fiicnayd, bur-burkii ka dib. Waa markii ugu horaysay oo aan maqalno dawladu maxay wax uga qaban wayday fatahaada wabiyada. Maxay wax uga qaban wayday cudurada iyo barakacayaasha. Maxay wax uga qaban wayday xaduudkeeda iyo hawadeeda. Maxay dhaqaalaha u kobcin wayday Intaas oo eedayn ah waligeen ma aanan helin iyo cid aan eedayno midnaba. Maanta snm wada hadal bay baryaysaa intaan koonfurtu wada hagaagin si ay ajandaheedii guracnaa usii wadato. Dekadeheedii yaa loo bad-baadiyay si aa raqiis loogu boobin ayadoo sharciga la raacayo. Xoolihii soomaaliya oo dhan yaa loo sharciyeeyay inay berbara ka dhoofaan ayadoo la fiirinayo maslaxada guud ee dalka. Caruurtii soomaaliyeed oo jeelasha ku jiray yaa loo sheegay in safiirkii soomaaliya banaanka ku sugayo. Intaasoo rajo ah see kuugu muuqan wayday? Maxaa kaa indho tiray? Soo ma ogid shaqada soomaaliya taala markaad inta dabeecadu keentay kaliya ku eedayso farmaajo inaad amaantay? Waxa aad jahwareerka u aragto waa islaax iyo hagaajin walaal. Allahuma aslax axwaalnaa jamiican.