gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. allaha u naxariisto qoyskiisana samir iyo imaan ha ugu badelo.
  2. Abuukarayga puntland yaa mar kale xanaaqaya haduu ka jawaabo su'aashaas adag waxaa haboonayd aragtidayda inuu dhaho hooyo macaan yaan soo waydiinayaa dhinaca qalbigeedu jiro puntland iyo snm, ka dibna aan isu soo noqono
  3. Waxaan filayaa inuu ka shaki qabo xildhibaanada lagasoo dooran doono baydhabo iyo kuwa waqooyiga meeshay u liici doonaan. Mirihii uu abuuray way u muuqdaan ayagoo bislaaday, laakiin wuxuusan garanayn macaan iyo kharaar mid ay noqon doonaan.
  4. Xaaji Maqaarsaar ma'ahan waa nin dhinac walba ku fiican haday noqoto u shaqaynta dalka iyo tolka labadaba. Ceeb ha u qaadan tolka macnihiisu waa awood qaybsiga beelaha oo dastuurka soomaaliya waafaqsan. Waa nin shaqo iyo dhaqan yaqaan ah. Meesha mushkiladu ka jirto waxaa weeye Qabiilada lays raaciyay yaan isku qabiil ahayn waxba isu ogolayn oo gudohooda kala didsan. Waana mida keenaysa in meeshii soomaalida lagu dabray ay waligood fadhiyaan, nin kastoo qiimo leh waxba ma noqon karo. Tanaasulka wuxuu ahaa sida saxdaa aragtidayda Dadka soo fiicnaanaya oo waqooyiga ku nool ama duriyadda oo xanuun gaara sheeganaysa aan dhaho, in lala simo koonfurta oo dhan ayadoo qabiilka lagu badalayo talyaani iyo ingiriis. Waxaan qabaa arintaas inay qalbigooda yara maydhi lahayd, markay ingiriis iyo talyaani maqlaan. Ninkaan cusub oo la magacaabay khayrkiisa allaha na siiyo kii dalka iyo cibaadka anfacana ka dhigo. Haduu "shar" yahayna allaha na dhinac mariyo. Miskiin Gololay allaha u naxariisto nin adag buu ahaa.
  5. Maakhir Waxaan u malaynayaa in ay la fool xumaatay in gaal farta ku taago asagoo dhex fadhiya shir soomaaliyeed. Laakiinse wuxuusan ogayn in shisheeyuhuu diidan yahay hor fadhiyaan ayagoo madaw oo af soomaali ku hadlaya. Nimanka lugaha isaga maray waa kali taliyayaal, shisheeye kalkaal, qabiilaystayaal ah oo aan wax arxan ah u hayn haybad soomaali yeelato abid. Intaas markaad ogtahay tanaasul kuuma furna, hadii aad tanaasusho waxaad luminaysaa haybadii dalka iyo dadka ka muuqatay ama noo iftiintay waana arrin nagu qaali ah inteena horu socodkaa.
  6. Gololey wuxuu yiri qabiil waxaan nacay markii iljeex wax laygu daray. Aniguna qabiil waxaan nacay markii mahdi guuleed khadar la yiri xilka ha wareejiyo, hadii kale reerihii booska lahaa yaa caroonaya "guri ba'ay" Nimankiinan passport'da ajnabi ga wata wadanka khatar badan baad ku tihiin waa arrin aad u khatar badan xaqiiqdii. Afar luuqadood buu ku hadlaa waxaa ka fiican soomaali kaliya yuu ka hadlaa.
  7. M.macruuf. Farmaajo wuxuu noo ahaa nin daacada oo xoriyad maskax iyo qab soomaali ku jiray. Waxyaabaha qaar si sahlan loogama tanaasuli karo siiba markay timaado arrimaha qowmiga ah. Ama si kale hadaan u dhigo markii dhabarka dhaawac aad u dhimanayso kaa gaaro waa la gur-guurtaa ilaa aad tagto meesha ugu dhaw oo hoos iyo doog leh si aad ugu naf baxdo. Xashiish korkiis laguma dhinto, macnaha magucu waa qaali caruurtaadu sii wadi doonto. Nimanka uu la shirayo waa shisheeye kalkaal wixii farxad geliya waa ajande shisheeye ma'ahan mid beeleed iyo mid soomaàliyed labadaba. Waxaan diidayo waa niman sharci daro wax ku marooqsaday aadna u neceb in dadku xoriyad helo, inuu umad dhan oo wanaagsan hoos geeyo masiirkooda kuna takri falaan xoriyadooda doorasho oo shakhsigaa. Tusaale sahlan Farmaajo ku darsasho yuu doonayaa waana kaligii talis waa eedooda ama nuxurka doodooda. Hagaag Madoobe 8 sano yuu kukuyada la joogaa kismaayo sifo aan aan sharci ahayn iyo iska daba wareeg. Dr. Deni oo jufadiisaa dhaxal u siisay kursiga puntland waa ku simaha doorka kale ee ina adeerkiis. Nimanka noocaas ku yimid oo farmaajo ku leh waa kaligii taliye dadkoodiina in yar nalka u shiday miyaa lagu raaci waxay ku qoslaan? Aragtidayda waa maya. Ilmo burtinle Sidii habar wax lagdatay ha u hadlina farmaajo haduu jeebka idiin galay qosolka yareeya.
  8. Haduu ku guul daraystay doorasho qof iyo cod ah cidna ka yeeli mayso inuu dad karaamadooda difaacanaya u gumeeyo shisheeye kal-kaal. Maxay shisheeye kal-kaalku ku diideen qof iyo cod? Dhagayso dhoobo-daareed. 4.5 wuxuu la mid yahay inaad u dabranaato beel kale oo aad ku hoos jirtaa. Taas macnaheedu waxaa weeye .5'ka cabanaya yaa kaa fiican oo kaligiis meel taagan, asagoo saxankiisa wata, halka aysan garanayn reer maakhir iyo reer gedo waxa deni iyo madoobe oo aan sharci ku iman usoo taagi doonaan. Farmaajo nalkii casaa wuu soo dhaafay hadaanan ilaahay nagu bad-baadin mukhtaar iyo muudey.
  9. Master. Walaal gacaliye ha iska dhigin nin duurka Amazon ku nool, mowduuca qalbi dhagax buugiisa ha la laaba, inta goori-goor tahay. Qalbi dhagax wuxuu xirnaa in yar oo kooban si kastaba haku dhaco xarigiisu. Asagoo labisan oo soomaalida ugu caansan yuu xabsiga kasoo baxay. Sumacadaasna waxaa siiyay farmaajo oo aysan ahayn dal uu xukumo in muwaadin soomaaliyeed shisheeye ka qaato. Is waydii su'aashaan.... (Maxaa looga waayay qof caan noqda sida qalbi-dgagax, dadkii boqolaalka ahaa oo siyaasiyiinta reer tolkaa dhoofiyeen? Dadkaas la dhiibay waxaa ugu badnaa cid dhiibta siyaasiyiinta puntland waxaana ugu dambeeyay cid dhiibta siyaasiyiinta reer gurceel. Maantana waa labada siyaasi oo sida gaarka ah ugu ooya qalbi-dhagax meel walboo lagu shiro faataxada ka hor magiciisa soo qaata. Intaas waxaa dheer beeshii uu ka dhashay qalbi dhagax oo markay arkaanba ilmadu soo dhaafayso sidii inaan waligood wiil dheer ka dhiman. Qabiilayste ma ahi saaxiib qabiil waan aqaan wuxuu galo iyo wuxuu gudo labadaba. Deni iyo madoobe farmaajo yaa tol is jecel ka dhigay ha moodin inay isku reer yihiin, qabiilku waa basal qayba mar harto. Hadaad doonto waxaad dhahdaa odaygii carabka ahaa inta garoowe degan kaliya buu dhalay, kuwa kale waa nalagusoo dhex tuuray.
  10. Mujaahidiintii iyo agoontii snm, niman dhacay oo habrihii ka oohiyay, odayaal koonfur ka yimid u joojin maayaan. Nabad galyadu waa shabaq ay ku kaluumaystaan, buurahooda iyo dekadahooda oo dhan waa wada iib. Qaraabo kasta haday doonaan, haday ergoodaan, maxkamad haday aadaan, bac iyo xanjo haday gubaan, lagama yaabo inay snm dhul u ogolaato. Waligood ku dili maayaan sidaad garsoore marqaansan uga daba wareegayso markii kabuhu kaa dhamaadaan oo caruurtaadu korto bay ku dhihi xogaa yaa laguu ogolaaday ee ma qaadan. Mise warqad cusub yaad soo daabacan garsoorsyaashii hore mid ka fiican yaa iminka jooge. Warqada markaad daabacayso way yaqaanaan waxaa ku qoran inaad Siyaad Barre Supporter tahay macnaheedana kaligood baa yaqaan umana jeedid meeshay ku qorantahay. Odoyaashaan wixii loo ogolaado ha iska qaateen intaysan daruuftu dabrin.
  11. Arinta qalbi dhagax Farmaajo macno wayn bay u samaynaysaa sida dadka qaarkii nabarka uga dhigayaan ma'ahan. Sidee farmaajo oo madaxweyne ah muwaadin soomaaliyeed Ethiopia loogu dhiibay? Waa su'aal aan marnaba duugoobayn. Aragtidayda waa sumucad wanaagsan, qaybna ka qaadan karta mustaqbalkiisa hogaamineed. Sababtu maxay tahay? Waxaa lawada ognahay in dad badan oo rag iyo dumar isugu jira ayagoo qaawan tigreega loogu dhiibay Garoowe iyo qaybta waqooyi gaal kacyo, raq iyo ruuxna ilaa maanta laga hayn meel la geeyay wax badana ka qiimo badnaa qalbi dhagax. Waligiin reer caano qaste waxaan amaan ahayn miyaad ka maqasheen iyo walaalkeen faroole iyo faro-nuug? Adeer farmaajo lagama qaateen muwaadin haduusan dal fowda ah xukumin, oo waliba cadawgiisu walaalkaa yahay. Usoo noqo mowduuca Sadexda maamul goboleed maskaxdooda shisheeye kuma adeegto waa niman xor ah oo garanaya farmaajo ama ha tago ama ha joogo inay dalka leeyihiin waana daahiro fiican oo baryahan dambe soo baxday Khayrka allaha na waafajiyo.
  12. Gedo waxaa ka hadlay adeer deni oo yiri soomaali cid kow geli karta ma jirto imtixaanka puntland first. Walaalayaal hanka puntland waa wasiirka koowaad asaguna marsadii yarayd oo adeer siyaad dhisay buu idinka aasay. Sida halaga wanaajiyo reer puntland uma qalmaan shacab cadiim ah hogaamiye dhidid iyo xanaaq dhaw.
  13. Ha iga raali noqdo qofkii siyaasad bartay waa un aragtidayda. Farmaajo wuxuu dadka soomaaliyeed ku yiri soomaaliyey nin iga hawl-karsan yaan shaqadii idinku dhiibay asagaana u madax banaan. Taa macnaheedu waxaa weeye shinbirtu hal baal kuma duuli karto gadaal baan kaa joogiye horay u dhaqaaji dalka. Khayre kalmadaas waxay gelisay damac aad u wayn saacadihii ugu dambaysay buu "salad" ukun uu is lahaa waa fuunto soo ag dhigay saaxiibkiis farmaajo. Aragtidayda hankiisu ma xuma waa nin karmeed laakiin wuxuu quruurixii shaxda gurtay ayadoon la aqoon meesha godkeeda laga qodi doono. Ma xibiyaa? Ma is garab istaagii hore oo kalaa? Farmaajo dadkuu soo hor istaajiyay madaxdoo dhan waxa dalku rabana asaga akhri ku yiri wuuna saxiixay sacab ka dib. Hadii uusan xusbi ahayn, kuna dhawaaqay inuu musharax yahay macbaheedu waa faham la'aan. Waxaa kale deg-deg ku jiray ku dhawaaqistii doorasho dadban oo uu surprise uga dhigay shacabka. Shacabkana uma fasirin ilaa iyo hadda sababtii uu ugu guul daraystay doorasho qof iyo cod ah inuu ka shaqeeyo oo macno taariikhi ah u samayn lahayd. Kalmadiisii ugu dambaysay waxay ahayd anigoo"og" waxaan filayaa inuu ogyahay waxaanan la ogayn. Si kastaba guul baan u rajaynayaa haduu ka madax banaanaado shisheeye.
  14. Master. Gedo waxay ku taalaa meesha ay qoraxdu u dhacdo Gobolka bari oo uu ku dhashay deni waxuu ku yaalaa meesha qoraxdu kasoo baxdo. Cidii soo dooratay may waydiyaan maxaa halkaas fog ku geeyay? Adeer puntland cidda ay dooranayso waa inay taqaano in soomaaliya la wada leeyahay dhiiri gelin iyo xanaf la'aana umadda lasoo hor istaagtaa. Hadii ay ku adkaato arintaasna waa inuu ugu yaraan yaqaan wuxuu gaarka u leeyahay. Tolmooge Farmaajo insha-allah ha tago. Nin kale unbaa imaan. Ninkaas imaan doona puntland ama waa jeclaan ama waa necbaan waa un labadaas waxa laga sugaa mar walba.
  15. Maya walaal, kuma khafiifin puntland wax wayna ima hayaan. Mowduuca waxaa puntland soo geliyay adeerkaa deni oo xaqiray wiil da'yar oo dadaalay kuna sheegay inuusan istaahilin guushaas. Ogowna mawduuca uu xamar u joogo wax barasho ma'ahan waa in doorasho wakhtigeeda ku dhacdo. Ma qabo meel ka hoosaysa oo nin fariisto inay jirto, aad baana uga xumahay inuu reer puntland matalo. Taasu waa mid... Waxaan hubaa haduusan caruurta soomaaliyeed kala soocin manhajkoodana mideeyo in kuwa puntland ugu horayn lahaayeen, waan soo joogay wakhtiyo ay dhacday sananadihii hore. Adiga waxaa kula gudboon inaad maskaxda ka xorowdo dalku wakhtiguu joogo dhaqanka loo baxsadaa. Doorashada soo socota puntland wax ha laga badelo. Waa in dadku doortaan nin aan microphone'ka ku midab ahayn cahdi ama balan leh. Dadkana ku dhiig ah oo masuul soomaaliyeed u qalma.
  16. Intaan ogahay iyo intaan naqlay lama sheegin taariikhda muqdisho oo ku guulaysta kaalinta koowaad. Maxay tahay sababtu? Aragtidayda muqdisho waxaa ku badan entertainment'ga ama xiiso gelinta dhalinyarada. Wakhtigaygii hore ma jirin social media dadka hoos u foorariya, laakiin waxaa jiray waxyaabo kale oo wakhtiga la joogay la mid ahaa. Tusaale Waxaan xasuustaa ciyaalnimadii muqdisho, intaan iskoolka dharkiisa soo xirino hadana aan garab marno oo meelo fog-fog "qooley" kasoo dayna, reerkiina iskool inaan aadnay bay nagu ogaayeen. Goboladu ayagaa mar walba qaadi jiray kaalinta koowaad wax kale oo lagu madhquulo na lahayn Hadii macalimiintu yaraato waxaa booska koowaad geli jiray kuwa kaalimaha sare ka gala maadooyinka qaarkood siiba kuwa adag, waxayna u noqon jirtay labada sano ee shaqada qarranka. Layaab. Reer puntland waa dad qiimo badan kuna horayn jiray wax barashada siiba gobolka bari iyo mudug. Wixii sagaashankii ka dambeeyay is badel wayn baa ku dhacay xagga wax-barashada, dhaqanka, iyo siyaasadda. Dhanka wax barashada waxaa wax lagu noqon karaan markaad jamhuuriyad wayn aad manhaj la wadaagto meel gaara baa lagu ootay. Dhanka dhaqanka taariikhda lama sheegin ilmo aan qaan-gaarin ayadoo lagu kufsado goboladooda. Dhanka siyaasadda waxay hogaan ka dhigan jireen nin ay yaqaanaan dhiig ahaan iyo asal ahaan meeshuu kasoo jeedo haduu doono ha madax adkaado. "arri-joog" lagama hayo waana khatarta maanta ka muuqata maamulkooda.
  17. Sheekadii 3 maan-laawe. Farmaajo Deni,Madoobe. Qasadu waxay ahayd nin 100 geela xoola ka haysta yaa gabar qalbigiisa isku balaarisay. Aabaheed wuxuu ku xiray inuu 100'ka geela ah oo uu haysto yarad uga siiyo gabadha. Wuu ka yeelay ayadoo sawir hoose qalbigiisa ruxayso. Mudo kooban yaa gabadhii iyo ninkii guurasaday faqri lasoo darsay oo waxay cunaan waayeen. Gabadhii oo diif ka muuqato yaa waxaa bariiday ugaarsade biro wata. Wuxuu u sheegay inuu ugaarsi tagayo oo gaajo tiri doono taas badelkeedana ay af garato markay hilibka sagaarada cunto oo gogol gaara siiso. Waxay ugu jawaabtay inaysan waxba ka qabin oo uu gaajada ka bi'iyo marka hore. Ayadoo sugaysa ugaarsadihii yaa waxaa u yimid ninkeedii oo asna diifaysan. Qorax dhicii yaa waxaa u yimid aabaheed oo geelii uu yaradka u qaatay laga dhacay oo gacan madaw kuna fekeraya bal inuu wax un kale ka helo wiilkuu sodagga u yahay. Ayadoo xaajadu halkaas marayso yaa waxaa yimid ugaarsadihii oo atoor sagaaro soo dilay kuna qariyay aqalka muskiisa sida sharuudihii ka dhaxeeyay asaga iyo gabadha u fulaan Markay sadexdii nin is bariidiyeen ka dib Bay gabadhii ku tiri waxaad tihiin sadex maan-laawe. Kow Aabahay waa maan laawe oo ninkii uu ka qaatay wuxuu xoolo haystay oo faqri ah yuu xoolo kale usoo doontay. Labo Waa ninkayga oo garan waayay xoolaha wax ka reebo aqal madaw gabar ha gayne. Sadex Waa ugaarsadaha sagaaro wax uga doonaya gabar 100 halaad laga bixiyay. Sadexdaas waxaa la mida Kow Farmaajo inuu sharaf madaxweyne siiyo niman qudaaca dariiqa oo aan jid iyo jaho u ogolayn 15milyan. Labo Deni oo carab ka iibiyay ishii yarayd abaar iyo gaajana ka qaaday xaqul qalinkii carabta laga cunay. Sadex Ugaarsadaha waxaa lamida axmed madoobe, oo ku doonaya lug sagaaro gobolka gedo in lagu hoos geeyo. Talo ku socota farmaajo Ninka ragga ah magac buu ka tagaa. Geesinimadu waa darajada labaad oo fulayga ku xigta. Jaaniskiisa yuusan dhaafin labada qudaacu dariiq muqdisho haku xiro maxkamad ka dibna samadiidoow ha la qaado. Meeshu waa 4.5 waa jaanis aan cid heli kartaa jirin shareecadu waa ogoshahay inaad wiilkaaga disho haduu qudaacu dariiq noqdo. Wayshuna qosolka way dayn lahayd qabrigaagana siyaad barre agtiisa yaa laga wodi lahaa ilaa iyo hadda ducadu ku socoto.
  18. Meeshaada joog waxaa ka faa'iido badan is dhex-galka oo daawo badan ku jirto. Berigii hore hadaad dhado D.M yaa dhuuso mareeb ugaas ku doortay lama fahmi karin ujeedada ka dambaysa. Maantana waa arrin cajiib ah, waxaana loo fahmayaa inay beel kale iyo dal kale la joogaan. Xaaji Reer galbeedka aad la joogto waxay kuu maal galinayaan "dad kama daro" adigoon waxba la wadaagin diin,dhaqan iyo midab. Maxaad ku diidaysaa muwaadin kula mida difaaca dhulkana kula wadaaga?
  19. Waa arrin aad u wanaagsan, laakiin waxaad ogaataan inay sida sacuudiga iyo south Africa oo kale uga shaqaystaan gobolada kale. Ma dhex galaan dadka meesha degan, guri kama iibsadaan, reerahooda iyo caruurtooda ma keenaan. 24'ka saac telefon bay ku hadlayaan sidii dad qurbo jooga waana dad aad u yaqaan ganacsiga hoose iyo dhexe, ka bilaw iibinta tusbaxa ilaa dukaanka dharka.
  20. Jubaland waa maamul sin jaban, magac ahaan in loo ilaaliyo waa waajib federaali ah oo dastuurka waafaqsan. Codka jubaland waa daciif suga inta puntland hadlayso ama ayadaaba u hadasha inta badan waana gar wadcigu ku keenay. Farmaajo waxay ku haystaan albaabka gaaban aan ka hoos dusno hadaan beesha kore isku nahay, waana ka gar leeyihiin markaad fiiriso shirarka wax garadka dhaqanka ee usc. Farmaajo wuxuu doonayaa inuu furo albaab qaranimo oo furihii lagu furi lahaa uu daxalaystay, waa isku day fiican waxaana oran lahaa qabiil waxba kuu tari maayee horay u soco jaalle. Puntland waxay maamulada kale kaga duwantahay waa kala dambaynta masha-allaah. Waxay doortaan jufo aan cid ka xanaajin karta jirin afartii sanoba mar. Hadii ninka ay doortaan hurdo seexdo dhamaantood way la seexan. Hadii uu caroodana dhamaantood way la caroon. Waa arrin cajaa'ib ah in umad dhan nin kaligiis lagu gawraco iyo ra'yigiisa. Dhawr iyo labaatankii sano oo ay soo jirtay waxay masiirkii reer puntland la hoos gashay maamul curdan ah oo 5 bilood ka hor la xaar-xaaray. Soo ceeb ma'ahan inaan daawano hooyo qaawan? Khayr allaha siiyo qoor-qoor waa nin wax gal ah. Hadaba walaalaheen puntland dhaqan dumarka iyo halasoo caro celiyo siyaasad ma'ahan gaal ha laygu yeerana waa kasii liidataa. Furihii miiska yuu kor saaran yahay inay wax ku qabsato iyo inay wax diido labadaba waa u banaantahay. Waan door qiimo badan oo magaca puntland kor u qaadi kara. Talo ku socota odayaasha iyo inta wax galka ah ee reer puntland. Walaalayaal geedka soo fariista oo salka dhulka dhigga, gaal ma yaqaan sida geed loo hoos fariisto. Garwaaxiidsada sidii laydinku aqoon jiray oo hadalka fura sidii curad lagu yaqaabay. Wiilkiina Mr.deni, hadaad korsateen waa wiilkiinii xaqbuu u leeyahay inuu idin hogaamiyo Laakiin xaq uma laha inuu dhaxalka wax ku yeesho. Hadaad dhasheen oo dhaxalka uu wax ku leeyahayna u sheega inuusan dhaqankiinii fiicnaa meelna kasoo gelin xanaaq dhaw iyo is macnays. u sheega midabada nalalka gawaarida haga midka ugu fiican inuu yahay casaanka ama guduudka. Labadaa arrimood inaad kala saartaan yaa laydinka fadhiyaa waxa lagu wada hadlayo oo loo fadhiyo waa masiir soomaaliyeed oo fadhiyo oo aan xabad iyo cunfi lahayn. Waxaan taladaas u diri lahaa boqorada, beel-daaje,garaadada,iyo naakhuudayaasha oo dhan. Walaalkiin gooni guure.
  21. Markii adeer biixi kabihiisa iloobo oo uu ku tilmaamo filan waa, orodna ku tago Ethiopia waa arrin soo dhawayn mudan. Markay farmaajo diyaarad wada raacaana wuxuu la mid yahay gabar yar oo layska wato waa nin jeclaysi. Adeer meesha bahdilku ku jiro ma garan kartid waa dhaqan fog oo maxmiyadii ingiriiska laga dhaxlay.
  22. Madaxweyne koonfureed ma ogola inuu Ethiopian oo ay ka jecelyihiin soo raacana ma ogola. Waa rag wanaagsan laakiin wakhtigaa bah-dilay.
  23. Dadkan media'ha siyaabo khaldan bay wax noogu sheegaan inta badan, haduu qofka ay wax nooga sheegayaan dhimirka la'yahayna waaba kasii xag jiraa. Hadii ay run tahay wuxuu ka mid yahay 15'ka milyan oo gebi ahaanva xanuunsan oo ku nool soomaaliya. Waxaa ku jira xoogaa caadifad ah aragtidayda. Wuxuu dhulka soomaalida ugusoo hor maray hargaysa oo aan laga ogolayn maro buluug ah, xataa hadii gabar ninkeeda u gogosho. Waa nasiib daro xanuunka kusii kordhin karta hadaan lagasoo kaxayn sida ugu dhakhsaha badan. Wuxuu u baahan yahay in la hoos fariisiyo calankii buluugga ahaa haba iska dayacnaadee inta noloshiisa uga hartay.
  24. Ethiopia waxay aqoonsatahay midnimada soomaaliyeed snm ma jirto dawlad aqoonsan oo dunida ku taal Haduu doono eray munaafaqadaysan ha noqdo Snm waxay iska dhigaysaa inay hurudo aydoo ogol in la qaawiyo markay Ethiopia jawaabteedu ku timaado.