gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. La yaab malaha wariye aan shaqo ahaan usoo baran shaqadiisa iyo TV lagu furay ma ii jeedaa iyo nalka igusoo jeedi. Waxaa kaliya oo layaab leh nin aaminsan in soomaaliya aysan lahayn (Country sovereignty ) hadana xusbi siyaasadeed furtay macnihiisu wuxuu yahay?!! Hadii aad aaminsantahay in wadanka xalane laga xukumo ayna dhici karto in wax ka jiraan hadalkiisa soo ma'ahayn inuu dalkiisa ama qalin ku xoreeyo ama qori muxuu xusbi u furtay asagoo aaminsan in dalku gumaysi ku jiro? Su'aashaas jawaabteeda waxaa weeye markii aan madaxweynaha si un ku diido dalka waa la gumaystaa. Hadii aan si un ku raacana xor baan nahay xaqna ma ahan in nala fara geliyo. Munaafaqnimadan waxaa ka fiican In qabiilaysi loo wada tukado intaan alle la hor istaagi lahayn garbo isku qabasho been ah.
  2. Aragtidayda. Khayre wuxuu qaatay shaqadii oo dhan, asagoo sii qaatay tii madaxweynaha tii baarlanaanka iyo tii xukuumadiisa, cidnaba waxba uma reebin. lugta jeeniga waa la dhawayn karaa laakiin lama dhaafin karo. Booskii baarlamaanka wuxuu ku badelay maamul goboleedyada oo la hoos geeyay wax kastoo aan sharci ahayn asagoo isticmaalaya nadaamka ZOOM'ka ama fogaan aragga cusub. Farmaajo wuxuu isu ekaysiiyay oday dhaqameed shirkii dhuuso-mareeb markuu arkay in furayaashii oo dhan la xaday. Waxa deg-degga keenay waa arrintaas aragtidayda waa dab-demis. Macno malaha ku darsasho kooban oo qof iyo cod lagu gaaro, samirkeedana lama waayin, laakiin waxaa u muuqatay fursad ama cantuugo fiican oo ku dhex jirta kala fogaanshaha dawadaha soomaaliya ka dhisan. Arrintaan xusbiyada. Waxaa la arki jiray, xusbi doona qof iyo cod una shaqo taga siday shacbiyad badan dalka oo dhan uga samaysan lahaayeen Balse xusbi doonaya doorasho dadban nacnihiisu waa doorkeena 4.5 ku yuu na dhaafin, wayna garanayaan inaysan cod shacab waligood kusoo baxayn sida odorusku u muuqdo. Tan beesha caalamka Waxaa gadaal ka riixaya dawladaha diidan turkiga oo waayar ku talaashay reer yurub. Waa shaqo soomalidu magac ahaan un ugu dhex jirto.
  3. Miskiin Odaygaan da'ahaan waa ka wayn yahay siyaad barre wuuna lasoo shaqeeyay dawladihii hore waa waayo arag xigmad la'aan ku khaatumo seegay. Wuxuu u qaabilsan yahay snm madaxa golaha guurtida oo aan waligood dhicin.
  4. Odweyne Dhaqanka soomaalidu waa isku mid mid gaar u ah waqooyi ma jiro. Hadalkku Mar waa oraah Mar waa sarbeeb Mar waa kaftan Mar waa sheeko Mar waa waano Mar waa murti Mar waa maaweelo Mar waa wacdi Waa ilaa maashaa-alaah lamasoo loobi karo. Odayga hadalkiisa kaftan buu adiga kula yahay si aad adeer u ag fariisato. Hadalka odayga nuxurkiisu waxa weeye, wax un ha la sameeyo si jar iska xoornimo ah oo aduunku noogusoo jeesto Hadaan doono carabta aan lasii murano ha lays waydiiyo maxay kuwani Shiibaha aan la dagaalno si loo dhaho snm dad baa uga dhintay dagaalkii shiinaha. Aakhirka hadaan doon aan dhar dhigano si loo dhaho dad baa aqoonsi u waashay Ma intaas yaad ka akhrin wayday adeerkaa saleebaan gaal?
  5. Waa mushkilad wayn hadii oday hadalka kala iloobaya loo sacabiyo
  6. Maamul goboleedku wuxuu doonayaa barlamaan muqdusha iska jooga oo aan wax ilko ah lahayn. Hadii cod la qaado oo aqlibiyad lagu kala baxo ma ogola go'aankooda, waligoodna ma yeelin, mana khuseeyo. Sharciga ay jabinayaan bay hadana asagii dacwo ka yihiin numberkiisa 54aad. Waa la ogyahay in baarlamaanka laqdamo badan ka buuxdo, laakiin waa inaan la inkirin inuu yahay hooyada dhasha madaxda la eedaynayo. Madoobe oo ugu liita yaa baarlamaan ku dhistay sadex odoy ii keena midkaan jeclahay baan kala bixiye. Puntland sadexda jufo yaa door ku kala sugta afartii sano mar, baarlamaankuna waa ma hadle aan indhaha si fiican wax uga arkin. Hir-shabeele gudoomiyaha baladwenye haday badesho dhiig badan yaa ku daata ama waaba ka owood badan yahay odayga loo dhiibay. Gal-mudug waa gobol iyo nus bil gudaheed toban shaati oo kala midab ah tolan kara. Koonfur galbeed waa gobolo aad u wayn ayagoon kala aqoon intay xukumaan yaa wakhtigoodu baydhabo ku dhamaadaa. Shacabkeenu waa xanuunsanyahay, cudurkiisana gudaha dalka waxba loogama qaban karo.
  7. Nabadoon xaad hal kalmada lagama maqal inta wiilkooda khayre u joogay 4 sano ku dhawaad. Berigii hore maalin kama soomi jirin siyaasadda xalay saqdii dhexe buu siyaasadii u saxuurtay mar kale Khayre soomaalida cusub wuxuu u yahay halyay qaran. Oday dhaqameedkana wuxuu u fadhiyaa booskii qanyare.
  8. Politics in the end is a drama of collision of wills احمد خالد Aragtidayda Siyaasada ra'yi mooyee waxba kama aqaan Khayre layskuma hayo inuu shaqo fiican qabtay mustaqbal fiicana ku leeyagay dalka. Waxaan u malaynayaa inuu mar qudha wareejiyay giraanta doonta laga wado, gaar ahaan markuu kasoo noqday Qatar. Waxay ahayd wakhtiga kala guurka inuu talaabadiisa qiyaaso xataa haduu doonayo inuu goonidiisa u istaago. Si kastaba waxaan u rajaynayaa nasiib wanaagsan maantay waa siyaasi khibrad badan.
  9. Hadii 80 jirka hadlaya uuna waligiis arag labada beelood oo wax kala galeen. Waxay ahayd inay reer laas-caanood madax dhiibtaan sababtoo xeer fiican baa ka dhaxeeyay. Ma naqaan xaqiiqda laakiin dhinaca hadlay warkoodu waa gar waana cad yahay. Dilka waxaa lagu fuliyaa jufada hoose sababtoo ah lama kala saari karo hadii dhiig dhex maro. Magta waxaa kala qaata beelaha kala fog sababtoo ah magta waxaa qayila beeshoo dhan, ka dibna waxay raadiyaan nin ay dilaan si beesha kale markeeda u qayisho.
  10. Dadka laga tirada badan yahay waa la dulmay runtii, xataa waxaan arkay qaar baal shimbireed madaxa ku xirtay ciil dartiis. Si kastaba, in gabar loo gacan qaado dhaqan ma'ahan, baryahaan waxaa soo batay dumarka lagu xad gudbayo. Mujtamac hadaad doonayso inaad aragto quruxdiisa waxaa la eegaa dumarka iyo caruurta waana labada snm laga celin la'yahay.
  11. Waqooyiga soomaaliya gacanka khaliijka carabta kuma jiro. kamana hodansana koonfurta, macluumaadka ha layska saxo marka hore. Waa dhul nabadeed oo dad wanaagsan dego qof kastoo soomaali ah uu si gaara u tagi karo. Markaad tagto waxa snm idin dhex mari kara waa un hadal, hadii hadalku dhib kuu keenayo dantaada yaa laga raacdaa. Qof dawlad la jooga iyo qof beel kale dhulkeeda jooga isku hadal ma noqon karo siiba hadii beeshu xanuun gaara tirsanayso. Waxaa hadalkayga markhaati ka noqon kara tahdiidka Dr.oodweyne oo snm ugu aqoon badan uu faqashta hargaysa iyo burca joogta ku hayo. Reer SSC miyaan lagu dhex dhuuman karin mise qudhoodu waa marti?
  12. Gabadhu waa xusbiga kulmiye sida ay sheegayso, waliba Europe ugusoo dhaxamootay aqoonsi doon dartiis, gaar ahaan ku xigeenka garabka u fadhiya Sweden. Mujaahid yaa ka dhintay mid kalena haday u dhexdaa ama xaaskiisa tahay. Intaas oo titles ah iyo dhaqankii suubanaa labadaba way ku baxsan wayday. Waa hablihii soomaaliyeed oo dhabankooda labeenta laga tiri jiray waxa snm sidaa u bahdilayso. Si kastaba, xayraanku mar hore yuu soo bilawday wax cusub ma'ahan. Hadaad aragto dumar jir-dilkooda ookiyaale ku qarinaya saxaafadana ka xushoonaya. Ama ciyaal shaati buluug ah kala dhuumanaya, goobihii kubada lagu ciyaari jiray. Aqoonsi laga doono dal aan la aqoonsan. Xaalka snm ma fiicna hadaan aragti qiyaasay, waa gaba-gabo.
  13. Reer bariga arimahooda lamasii baar baaro waa miro barde oo kale saaxiib.
  14. Taariikhdu waa sadex aragtidayda Mid fog oo dadkii joogay aysan qofna ka noolayn, ama maqal ahaan laysaga dhaxlay. Mid dhexe oo dadkii joogay wax laga heli karo iyo qoraaladoodii. Mid dambe oo inteena badan aan joognay, marka laga reebo ciyaalkan hada ilkaha cusub usoo baxeen. Mushkiladda snm, mushkilad fudud ma'ahan sida dad badan qabaan. Waxay ku wajahantahay dhinac kasta taariikhda, kala fogaynta, dhaqanka iyo suugaanta iwm. Hadii aad dhagaysato markay ka hadlayaan, waxay maah-maah iyo xigmad ka doonaan beeshooda qudha. Salaan carrabey wuxuu yidhi Xasan ganey wuxuu yidhi Heestii mujaahid mooge ee cabdi qays waxaa ku jidhay iwm, lagama yaabo inay xeradooda dhaafaan. Culumadoodu waa mujaahid Fanaankoodu waa cod macaane. Abwaankoodu caadi ma'ahan Aqoonyahankoodu waa PhD iyo wixii ka koreeya. Dhinaca dagaalada waligood lagama guulaysan hadana oohintoodu waa raganimo. Morgan waxay ku sheegaan inay kabihii uu ka cararay wali hayaan, hadana sawirkiisa lama tusi karo. Mudanayaal Morgan wakhtigiisii layskuma hayo inuu ciyaal-zio ahaa liido iyo 54 night club looma ogolayn (take away) qudha yaa loo ogolaa. Guriga uu ku qayilo hargaysuu ku yaalay waana kan iminka ay snm ku shirto. Mooge snm yaa u bixisay taariikh aan fogayn markay arkeen asagoo iska gunti furan dagaaladii sokeeye. Gaalada been u sheega laakiin soomaali is taqaan beenta ka daaya walaalayaal.
  15. Gafuur taagga, meeshuu ku bartay waa la yaqaan. Balse dabeecad xumada meel fog buu kala yimid.
  16. Baarlamaan dhexe looma baahna hadii shirkooda wax kasoo baxo ama ay wax un ku heshiiyaan. Waa in mushaarka xildhibaabada dugsiyo quraan iyo mid maadi ah loogu dhisaa caruurta dayacan. Mar kastoo doorasho la gaarana shanta madaxweyne laysu keenaa si ay u doortaan kan shanaad oo xamar joogi doona afarta sano ee soo socota. Sharci dejin gobolada matala hadana aan qiimo lahayn waa wax ceeb ku ah dawladnimada soomaaliya. xataa masuulkii ka dhinta waa in lagu duubaa calan ay gaar u samaysteen oo ka qiimo badnaaday kii aan kor u fiirin jirnay oo buluugga ahaa. Mar hadaan dastuur ka dhaxayn, calan ka dhaxayn, ciidan ka dhaxayn, canshuur ka dhaxayn, wax barasho ka dhaxayn. Maxay hantida qaranka ugu cayaarayaan oo diyaaradaha bajaaj uga dhigayaan?
  17. Masar waa dawlad soo jireena waxay xiriir la lahayd soomaaliya 7000 sano. Sodonkii sano oo soomaaliya burburka ku jirtay maslaxadeedu marnaba ugama muuqan soomaaliya. Waa safaaradda kaliya oo aan muqdisho ka bixin burburkii inkastoo maqlay in ganacsi madaw ku hoos jiray. Maanta dhaqaale nafteeda ku filan ma hayso, iska daa mid ay maslaxad ku doontee. Batroolka laga isticmaalo masar waxaa qaaraan ku siiya dawlaha khaliijka oo xulufada dhaw la ah nin la quudiyo lagama quuto. Ethiopia waa dal qowmiyado kala duwan ka kooban laakiin ogol inay dal qudha ahaadaan wax kastoo ka dhaxeeya ilaashada amnigooda qowmiga. Soomaaliya waa dal qowmiyad qudha ah. laakiin, aan ogolayn inay dal qudha ahaadaan. Khatarta snm meeshaas bay ku jirtaa, darisku adoo hurda habeenkii gurigaaga dab waa ku tuuri karaa dabdamisna soomaaliyoo dhan lagama helo.
  18. Odweyne Saaxiib is bar-bar dhig gobalada soomaaliya ma'ahan mowduucu Cabashada dadkuna wax wayn ma'ahan ayaduna markaad sii fiiriso, waa shacab aan ogayn waxa lakala macaashayo. Casaabada meesha gaysay carabka qudhoodu waxaa ugu dambaysay maalinkii ay geeyeen buurta waa sadex sano iyo siyaado. Maxaa buurta ku jira marka hore waa shaqo aqoonyahan Maxaa dadka locals ah qofna looga shaqo gayn waayay waa su'aasha ugu wayn mowduuca. Waa arrinta snm dawladda federaalka soomaaliya kula colowday waana dhawrista hantida ma guurtada ah ee alle ku manaystay dalka soomaaliyeed. Hadaanan caqli aan leenahay kulasoo bixi kari waynay macnaheedu ma'ahan inaan mijin jaada siisano. Aqoonyahan markaad tahay kala saar rag iska celinta sokeeye iyo dayaca afmariskaa oo snm ku xaraashayso hantidii jiilka soo socda oo wiilkaaga wiilkiisu owoow u noqon lahaa. Arrintu waa intaa walaale adigoon gabay iyo baraanbur isku dhex darin.
  19. Allaha u naxariisto Nin dalkiisa iyo dadkiisa usoo kifaaxay buu ahaa.
  20. لا حوله ولا قوة الا بالله Koonfurtu waa dad nool inay ayagu is dhacaan mooyee shisheeye ma dhici karo. Waqooyiga qaad baa gunti furay shacabkana waxay ku dhahaan nabadda ilaashada. Macdanta waxaa laga qodaa buurahooda kontenerka dhoofayana looma ogola inay furaan. Waa maamul koonfurta un u faana, hadana shisheeye u dulaysan
  21. Aragtidayda Masar waxay ku jirtaa wakhti adag oo dhaqaale xumo iyo haybad la'aan isugu darsantay. Snm waxay u egtahay bahalkii dabka iftiinka moodi jiray oo markuu ku dhaco qaraxa khafiifkaa samayn jiray. Ethiopia, biyo xireenkeedu waa amni qowmi ay xaq u leedahay inay ka faa'iido nimcada dalkeeda. Masar waa u geeri aan nolol dambe lahayn, hadii biyuhu ka yaraadaan gacanka suways iyo beeraha dhulka saciid. Dadkeedu waa boqol malyan oo dhalinyaro u badan sidoo kale Ethiopia. Waa wax lagu qoslo in snm qadiyadda sidaa u adag ayadoo curdana oo habaw ah dhex istaagto. Khatarta Ethiopia uga imaan karta yaa ka halis badan sawirka ay masar la galayaan.
  22. Mushkiladu garoon ciyaareed ma'ahan aragtidayda way ka wayn tahay. Noloshooda ma'aysan maqal wax ka badalan waxa maalin walba maqlaan ama arkaan oo ah dalab aqoonsi baa noo maqan. Buugay akhriyaan cuqdad baa ku qoran, xataa looma ogola. indhahoodu inay qabtaan colour buluug ah. Dhalinyaranimadu baqdin ma taqaan, waa ubax biyaha aan nadiifka ahayn ka dilindiloodo mar walbana qurxoon haday helaan jiho sax ah. Waxay rabaan inay arkaan dalkooda oo kumanaan km ah iyo kala duwaanaashaha qaab hadalka, ciyaaraha, dhulka, cimilada, labiska iwm. Inteena waa wayn waan kusoo raaxaysanay, ayagiina waan u diidanahay waa silsiladda ay rabaan inay jebiyaan goor aan fogayn.
  23. Maxamed faatax raximulaah wuu ka iibsaday kaniisada asagoo awoodi karay inuusan iibsan, waxaana lagu tukanayay 500 sano. Muslinku ma ogola in meelaha cibaadada xoog laysaga saaro waa dulum laga digay. Sheekhaan wuxuu leeyahay matxaf yaa masaajid loo badelay ee kaniisad masjid looma badelin. Dhanka kale ilaa iyo hadda waxaa turkiga ku taal, ku dhawaad 400 ilaa 500 macbud oo aan waligood la taaban. Halka wixii taariikh iyo masaajid muslinku ku lahaa Europe aan waxba laga reebin wax kaniisad laga dhigay iyo qayb nightclub loo badelay. Wuxuu sheegay in dalalka carabtu ay kala saari waayaan arrimaha diinta iyo siyaasadda kala dhaxaysa Erdogan.