gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Tolmooge Galin dambe wali lama gaarin ha degdegin ina aabo Alxamdulilah hadii puntland farxad hadlayso, waa arrin noo wanaagsan khaas ahaan iyo guud ahaan. Baqdinta iigu wayn waxay iga haysay in puntland gooni u go'do oo aan kaligay agoon koriyo.
  2. gooni

    Gaalkacyo

    Puntland Dadka dil iyo waa cabsanaayeen laysugumo daro. Hadii la dhaho waa xag-jir sidii 2011 Way socon lahayd mudo kooban sababtoo ah beeshaan waxay u badan tahay salafi muctadil ah ama dhexdhexaad waa ganacsato dhaqan fiican meelna iskamasoo galaan maandooriye. Allaha qaboojiyo dadka dhiigooda yaan la banaysan si fudud.
  3. Xaalku jiq ma'ahan beel daaje. Meel fiican buu wadanku marayaa sug cayaartu ha kululaatee.
  4. Tolmooge Farmaajo boqorka Japan ma'ahan waa la badeli karaa. Farmaajo wuxuu kaliya oo ka hor yimid in garoowe layska ag fadhiyo malaayacni, oo hooyo aan irmaanayn ilmo aysan korin karin la ag seexiyo. Ayadoo la rabay inay jiifka kacdo oo sida isu dhaanto bay waxay tiri labo cunug oo kale yaan dhalay ee ha layla koriyo. Waxayna u bixiyay garoowe one iyo garoowe two, kii sadexaadna haday riman tahay. Hadii maxkamad dastuur la sameeyo ma u malaynaysaa in hooyadii federaalku u hogaansami doonto go'aanadeeda? Mise waa in shardi looga dhigaa inay xarunteedu qardho noqoto? Soo ma ogid in hadii codka laga helo xildhibaanada ku matala puntland federaalka dhexe ay ka hor imaanayso rabitaanka beesha iyo dastuurka garoowe yaala. Walaale Puntland sinaan waa ogol yihiin waa dad fiican. Sarayna waa ogolyihiin waa boqortooyo. Hoosayn ma ogolaan karaan. Waa xigmad aan ka helay aqoonyahan ku abtirsada puntland oo okiyaale tir-tiranayay. Waxaan ku iri walaale. Sinaan wax laguma xukumo,waa in kala dambay la helaa. Sarayna heli maysid, ilaa aad hoosayn ogolaato. Beesha caalamka arrinteeda dawladaan hada joogta waa soo af jartay ilaa xad. Aragtidayda puntland toosh sii damaya bay salka ka garaacayaan.
  5. Gabaygu booskiisii mahaysto mudane.
  6. Odweyne Clipka mujaahidiinta dhagayso adigoo mahadsan. Inta indhaha madaw koonfurta way habaaraan Inta ilkaha la'na koonfurta way caayaan Awoodda snm waligeed intaasay ahayd. I hope you agree with me. Usoo noqo mowduuca Mikiin Macruuf. Sheekh mukhtaar wuxuu ahaa nin fiican oo saalax ah sidaan maqlay allaha u naxariisto. Carabtu waxay ku maa-maahdaa xanta wanaagsan waa qalimada ilaahay. Reer koonfurkuna waxay ku ducaystaan masagadii kal iyo mooye dhexdeeda ku barida allaha kaa dhigo. Golihii kacaanka arrintoodu waxay ahayd qooru ama 'qoodh' xero kuma heshiiso, in lakala baqo waa dimuquraadiyadda afrika. Kala dambayn la'aan ama kala baqid la'aan sodon sano oo khibrada bay soomaalidu haysaa. Hadii mahdi ama caydiid midkood samo diidow loo qaadi lahaa, waxaa ka dambayn lahaa nolo wanaagsan. Sadex malyan oo dhimasho ah iyo sodon sanoo magac xuma ah ma dhacdeen.
  7. Ilaahay aadanaha makala fadilin (ilaa bitaqwa) taqwada mooyee, mana fiiriyo muuqaalkooda sida xoogga, qabiilka, quruxda, maalka iwm. Wuxuu fiiriyaa quluubtooda iyo alle ka cabsigoodu intuu le'egyahay. Ninkaan iminka hadlaya, haduu balaayada asagu gacanta ku hayn lahaa waxba kama reebeen koonfurta. Allaha soo hadeeyo. Su'aashu waxay tahay waan tagay waqooyi xataa miyiga tuulo iyo meel kasta wali kuma arag dad sidaa u calool xun, karam,deeq iyo dhaqanba waan ku arkay. Miyay qarsadaan oo xasuustaa ka lunta markay microphone soo hor istaagaan? Ma inta saxaafadda la hadashaa mise waa dhamaantood? Maxaa u diiday samirka mowtida Iyo inay ilaahay xisaabtiisa, ay faraha kala baxaan? Ma jilicsan yihiin oo qalbiga dumarkaa ku jira? Ma aqoosigaa ku xiran in aysan xumaantu joogsan oo waa heshiis hoose oo aan la ogaan karin. Ma sheekadii alif layl wa laylbaa oo gabadha carbeed baryaha ku noolayd? Waa su'aalo aysan cid walba ka jawaabi karin (الى من رحم ربى ) Dagaal soomaaliya ka dhaca kii ugu fududaa yaa ka dhacay waqooyiga waa xaqiiq warkaygu. Gaajo ma lahayn, cudur ma lahayn kufsi ma lahayn biyo la'aan ma jirin walaalahood Ethiopia yaa wax walba l garab taagnaa si ay gurigooda u gubaan. I have no idea what so ever, almost three decades what's called this disease in eglish?
  8. Ra'yigayga Doorashada waxaa fiican inay wakhtigeeda ku dhacdo,gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa. Farmaajo waxaa la tartami kara dawladiisa oo kii soo baxaba anfac laga heli karo. Ma qabo madasha xisbiyadu inay doorasho kusoo bixi karaan toos iyo mid dadban labadaba Waxaa dhici karta sababta madasha xusbiyada, puntland, iyo jubaland fadhiga u diideen ama soo jeedku ugu batay ay tahay balan qaad carbeed oo kusii tiirsan midawga yurub oo dhinac turkiga ka diidan.
  9. Cadnaan. Meel fiican baad ka timid caqligana allaha kuu barakeeyo. Ma jiro qof, qof kale u jawaabi kara asagoon aqoon beeshiisa. Aragtidaada shakhsiga ah, qofna kama jawaabi karo si toos ah, waxay u aadayaan beesha ay kugu malaynayaan inaad kasoo jeedo. Waa iska caadi dhaqan ahaan laakiin sidaad sheegtay cayda mutaxan waa laga fiican yahay, sababtoo dadku waa rixim iyo casabo ama adeer iyo abti. Waxaa laga yaabaa inaad wiilkaaga hooyadii caydo ama gabadha aad dhashay wiilkeeda ama abtigaa hooyadiis soomaalidu waa dun isku fur-furatay. Hadii xaal ku qabto dhawr jeer waxaa xumaanaya qiimaha hadalkaaga sida oodweyne oo kale. Snm inta ka joogta SOL akhyaar bay u badan yihiin xoogaa cuqdad ah waa isaga jirtaa, ayadana allaha ka saaro. Marmar waa laga xanaajiyaa adigoo iska ilaalinaya dhaqanka hadalka, lama wado fiicnaado si aysan u dhihin kursi waan ka maaranay.
  10. Aragtidayda, waa un aragti, siyaasad shaqo kuma lihi, sidaa darteed ii ogolaada inaan idin la wadaago adinkoo mahadsan. Waxay ila tahay in snm sii habawday intii hore in kasii badan. Sodon sano ka dib haday Taiwan iyo Gambia xaalkoodu joogo dad soo dhaw ma'ahan. Rajo fiican yaa u muuqan karta dadka aragtida dheer leh oo midnimada jecel, wayna iskasoo noqon ayagoo daal badan ka muuqdo aakhirka hadaan alle oofsan. Falanqeeyaha siyaasadda waxaa wax laga waydiiyaa odoros oo ah waxa imaan kara. Waa shaqadiisa maalin laha ah inuu odoroso waxa soo socda asagoo ka qiyaas qaadanaya waxa jooga iyo wixii lasoo maray. Asal ahaan erayga "odoros" waa malo rumowda alle idankiis, waa hadii qof khibradeeda leh la waydiiyo. Tusaale Hadii nin waligiis miyi joogay la waydiiso hebolow roobkaas xagee ku aadan yahay, wuxuu kuu sheegi karaa inuu roobkaas dhawr meelood ku aadan yahay ama meel kaliya, asagoo kuu magacaabaya si fudud. Waxaad kale oo aad sii waydiin kartaa wakhtiga iyo inaad ka gaari karto meeshaad rabtay iyo in kale, waa markaad ka baqayso inuu dhex kugu helo roob xooggan. Siyaasaddu waa la mid aragtidayda. Snm siyaasad ahaan way gawracantahay lama garanayo cid gawracday runtii, taa macnaheedu ma ahan inay wali naf baxeen, naf baxa waxaa ka horeeya rafasho badan. Waxay raadinayaan geedkii nasashada ee ugu dambeeyay oo iminka u muuqda.
  11. Timo cadde I am trying to save you honesly. Snm will never show you where is the green on this earth. This old man. he enjoyed his life already and he loses all his teeth in a marfish.do not fellow his footsteps, that will take you in a dark house writing front door (the past) Tell me did you ever been south, east and west somalia or they told you stay with mama, i mean your still young? Waryaa oodweyne wiilashu ayagoo adeerkood yaqaana bay yimaadeen meesha.uma baahna inaad dadka kusii dirto.
  12. Tima cadde Don't listen this sick old man.get your own knowledge and freedom of mind. Diyaarada hargaysa laga dhex taagay dhalintaa loogu tala galay inay madaxa ugasoo dhacdo ayagoo mugdi dhex fadhiya.
  13. Ma jiro xildhibaan matala gobolkii lagasoo doortay dhamaantood marka laysku daro kumana noqon karaan gobolada ay matalaan. Balse waxaa jira xildhibaano qabiiladooda si xun ugu matala baarlamaanka ama kula fadhi dirara beelo kale sida, puntland, jubaland iyo banadirland iwm. maslaxada guudna ka jecel tan gaarka loo leeyahay. Si kale hadii loo dhigo kuligood waa isku nadaam ama hooyooyikii gooni isu taagga iyo kala firdhadka. Waqooyiga waa ku jiraan undercover u adeega danaha xagjirka snm oo fitno ka shaqeeya, laakiin waxaa qariya dhibkooda inta qalbiga fiican oo shaqadooda ka adag khayaanada dalkoodana neceb.
  14. Waa bilaabatay uncle tim is back.
  15. Suldaan. Dawladuhu intay habeen riyoodaan dawlado kale goboladooda iskama dhisaan. Mahad celin iyo maslaxad labo dal bay dhex martaa, gobol soomaaliya ka mida cidna waxba ma waydiin karin samankii siyaad barre. Qoondada mashaariicda iyo maaraynta canshuuraha dawladaa ka masuula. Intaas wax aqoonyahan fahmi waayay ma'ahan laakiin rag iska celin yaa ku madax martay. Tan abu dabai corridor aad ku sheegaysaan deeq ma'ahan waa heshiis. heshiisna wuxuu dhex maraa labo dal oo xor ah. Waa baadil iyo fara gelin, faa'iido laga doonayo waana xadgudub dal xor ah arimihiisa gudaha lagu fara galiyay. Waajibka saaran madaxweyne kastoo soomaaliya waa inuu dalkiisa wuxuu ku difaaci karo sameeyo asagoo raacaya sharuucda aduunka u taal. Ma qabo in carab snm ka jeceshahay Yemen. Waxaa gacanta kugu dhagan ma'ahan cadaw sidaad hadalka u dhigaysaan waa gacal aad beri inkiri doontaan abaalkiisa sidii siyaad barre allaha u naxariisto.
  16. Ruush iyo maraykan iyo imaaraad intuba waa joogaan 30 sano oo aad nabad haysaan maxay idiin daawanayaan? Maal-gelintuna waa sadaqo sidaad sheegaysaan, maxay u joojiyeen siyaad barre ka dib? Waa jawaab sahlan laakiin caruurta rafaadin karta. Maslaxadda dal jira baa laga yashaa bilaash ma'ahan, dad meel ku oodan lagama yeesho very simple. Siyaad barre intuu waqooyi u qabtay 100 sano ku keeni maysaan. Ajarka dadka safra yaa laga helaa ama wax dhoofsada snm iyo caruurta la habawday lagama rabo. Wax qabashadu ma'ahan inuu jeebkiisa lacag ka bixiyo waa maslaxado dawlado xor ah dhex mara. Hogaamiye aan tuug ahayn oo dalkiisa iyo dadkiisu u kala sokayn yaa qaban kara intaas iyo ka badan. Arrinta dadka kasoo jeeda ssc oo ku nool hargaysa waxay la mid yihiin qof kastoo soomaali ah oo jooga hargaysa. Qofkii ganacsanaya iyo kii aroosaya cidna wax u sheegan mayso, qawaaniinta xagjirka snm un iska ilaali. Hadii aad sadex xaas ku yeelato xoogaa lacagana hesho masaajidkaa loo badnaadaa, ciyaalkana abtiyaashood yaa loo daayaa afka ha la qaloociyeene inan layaal baad mar walba tahay. Reer gedo laas-caanood amuurahooda ma fara-geliyaan intaan ogahay, wayna kala fog-yihiin dhul ahaan, ilaa gabaygu u furmayo cidna kuma dhago hadli karto wax wanaagsan ma'ahan.
  17. Reer puntland waa dad 5-jir, ku caqliyaysta, 10 jirna ku hana qaada, adiga muxuu kula yahay hadalka ccshakur ustaad tolmooge? Aniga aragtidayda ninkaanu waa reer mudug waa nin codkar ah wax badana dumar been usoo sheegay. Maqaamka muqdisho oo puntland ku sigatay inay soomaali uga baxdo wuxuu ka dhigay waxaan macno ku fadhiyin oo ah is tus doorasho lagu doonayo. Wuxuu kula taliyay siyaasiyiinta puntland inaysan wax aan jirin godob kaga gelin walaalahood usc. Halkaa waxa ka cad in "rag" turub bartay. puntland baa siyaasad taqaanana been noqotay. Hadaba su'aahu waxay tahay taladaas fiican siyaasiyiinta puntland ma qaadan doonaan mise UN 'kay garoowe ku sugi doonaan?
  18. Xamar Waxaa iigu dambaysay 87'kii bushii 3aad, kuma dhalan sida gabadhu sheegtay. Balse waan ku caqliyastay dugsi hoose, sare ilaa shaqo qaran. Waxaan transit ku noqday wax ka yar saacad 2013 airport'ka muqdisho waxaan taagnaa diyaarada hoosteeda anigoo indhahayga marnaba ka leexin waayay badda oo midabkeedu ahaa buluug "tiq" ah. Ma fiirinayn quruxdeeda lakiin waxaan galay xasuus yaraantaydii igasoo martay meesha indhahaygu markaas hayaan oo ahayd jabal ama "jamal" aan kasoo boodi jirnay si aan biyaha hoose ugasoo noqono si dabaal xirfadaysan ku jirto. Waxaan ku imaan jirnay aniga iyo caruur kale si aad u dhib badan. Waxaan kasoo dusi jirnay siligga anagoo godkii muuri lugaha kusoo qoynay intaan hawada iska fiirino in wax diyaarada kusoo jirto yaan si dhaqso ah dhabaheeda orad ku goyn jirnay. Saacadaas waxaa i dawayn lahaa ingoo maqla guuxeeda balse nasiib daro buuqaa badnaa. Gabadhaan warkeeda beel hebel baa boondheere bar ka degenayd waxba kama jiraan. Cid qabiil daris ku ahayd muqdisho ma jirin haba yaraatee, xataa gobolada meeshii aabahaa shaqo loogu badelo yuu ku ilmo dhali jiray gurina ka dhisan jiray. Xamar waxay ahayd 13- degmo. Waxaa sanadahaas dhul bixin ka socotay xaafad bacaad ku taala oo gubadley la oran jiray oo xeebta xigtay, ma hubo inay kaaraan hoos tagaysay iyo laga doonayay xaafad gaara laakiin waxay ku socotay qorshe sax ah iyo dhulbixin dawladeed ah. Waxaan maqlay midiina markii la dhaafo tabakaayo madaw waxaa degay beel aan dawladu maamulin oo iskeed u qaramawday waxaa loo bixiyay kaxda. Waxaan kaloo maqlay xeryihii ciidanada iyo dhulkii isbitaalka xoogga ka dambeeyay waxay noqotay xaafad beelu degtay oo aan dawladu maamulin waxaa loo bixiyay dayniile. Ma garanayo degmada 16-aad meeshay ka sameeyeen. Muqdisho hadii la abaal marinayo xaqiiqdii way istaahishaa lakiin waxaa lagu abaal marin karaa inaysan beel gaar u yeelan hadiise dalkii beelo kala goosteen oo siligga aan laga dusi karin dad caadila oo ka dhashay dadkii loogu yimid asalkeedii hore gacanta ha loo geliyo. Haday inta bisleeyaan oo lawada faraxasho waxa mar walba faa'iidaya waa reer banaadir. Haday reer garoowe wax ka siiyaana dadka faa'iidaya waa reer banaadir dadku waa dhaqaale meeshii dad joogo yaa dhaqaale laga sameeyaa waa lasoo jiitaa oo waliba kursiga looga kacaa.
  19. Tolmoge Hooyo ayadaa sheegatay anigu uma bixin. Waxay ku curatay siday sheegeen federaal waxay ku xijisay 4.5 Ma'ahayn markay dhalmo daysay inay caruurteeda inkirto. Siyaasiyiinta puntland intaa ka badan yaysan ceebayn shacabka soo jireenka ah oo qiimaha badan. Markay sharci iyo dastuur ka hadlayaan waxaa ku matala golaha shacabka xildhibaano kasoo jeeda puntland. Hadii ay u codeeyaan MAYA kuligood shaqadii loo igmaday way guteen. Hadii cod looga adkaado waa inay ixtiraamaan sharciga ay la wadaagaan soomaalida kale waana inay u hambalyeeyaan walaalahood. Laakiin geedka timirka aan hoos fariisano inta UN'ku noo imaanayo talo ma'ahan. Farmaajo asagaa matala puntland wuuna garanayaa waxa maslaxadda guud ku jirto iska adkaysta inta bad-xiranka lagu jiro. "Qab" aan daarada guriga dhaafayn macno samayn maayo ogolaada in laydiin taliyo si aad u talisaan. Siyaasiga puntland waxaad waydiisaa hadii laga gudbo 4.5 ma gobolaan gaar u haystaa baa lagu dooran doonaa oo maanta isbaarada u eg? mise wax wada yeelasho deeq iyo dadnimo uu qof kastoo soomaali ah ka iibiyo yaa lagu dooran doonaa?
  20. Waa nìn yar oo dhiiri galin u baahan cid walba layskama xiro