gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Mr. Galbeedi Odweyne wakhti hore bay doodaanu na dhex-martay nin gar qaadashada yaqaan ma'ahan, waxaan u malaynayaa waxa uu cabo inay casiir ka duwan yihiin. Fikirkiisu wuxuu ka bilawdaa, kuna dhamaadaa inuu is bar-bar dhigo beel ama labo goboloo soomaaliyeed. Sodon-sano oo waqooyigu nabad iyo horumar haystay, waxaa ka faa'iido batay sadexda sano oo farmaajo talada hayay oo waliba lugaha lagu dhegan yahay. Lagama yaabo inay kuu markhaati furaan. Ciyaalka cadhadu ku gashay liibiya iyo gabdhaha soomaaliyeed oo ku qaawan ayagoo irmaan oo jeelasha ka buuxa, badankoodu waxay ka yimaadeen burco iyo hargaysa, waana gob aan qarsan waxa ay soo mareen. Hogaanka snm xataa hooyooyinkood umasoo celin karaan ciyaalkaas. Waxay kaala doodayaan reer gedo anagaa ka fiican gabdhahooda xoog baa lagu kufsadaa afrikaan yaa ku neefsada, kuweenuna ayagaa kufsiga doonta oo saxaraha bay noo joogaan ceebna ma'ahan. Hadaad tiraahdo war waan wada lunay ee sida aan isu dhaano waxay ku jawaabayaan... Waa in gaalo nagu dhex jirto markaan wada hadlayno sababtoo ah, labo jamhuuriyadood oo isku darsamay baan ahayn ingiriiska ka dib. Markii gabadha soomaaliyeed ay yurub tagto oo timaha la kala baxdo, gaalna gacanta qabsato waxaa kaliya oo ay daahir ku noqon kartaa inay aqoonsiga raadiso. Beri haduu mid reer koonfura helo codkuu habeenkii ka maqlo yuu subixii ku hadli Gaal gabdho nagu kala jeclaan maayo ee allaha nawada asturo.
  2. Tolmooge Adeer c/laahi, allaha u naxariisto waa naga wada dhintay. Siyaad Barre kulama uu dagaalamin inuu shuuciyad ka celiyo, oo soomaaliya dimuquraadiyad u horseedo. Wuxuu ula dagaalamay inuu ku fariisto kursigii adeer sharmaake ka dhintay. Waxayna rumays-naayeen in cid kale aysan gayin waa sida puntland maanta ku dhisantahay oo kale. Dhagayso clip'ka yar asagaaba kuu sheegaya waxa halgakiisu ahaa. Hadaad doonayso, inaad adeer c/laahi ku faanto taariikhdiisa Waxaad tiraahdaa waa ninkii ugu horeey oo qirta inuu dilay walaalkiis asagoo amxaar la socda inta kalena ku dayatay sida snm usc ssssss. Ama waxaad kaloo ku faantaa waa madaxweynihii ugu horeeyay oo Ethiopia keena villa soomaaliya ama wadnaha dalka. Mar haduu ahaa asaasihii puntland oo dhibkaad aragtay soomaaliya ku haysa qalbigaan uga wada ducaynaynaa.
  3. Hargaysa haday yimaadaan waa lagu xidhayaa iyo bitbiti macno samayn mayso, kuwa aan waligood ka bixin yaa lagu xidhaa wax dambi ahna aan cidna ka gelin. Nimankan muqdisho jooga oo kasoo jeeda waqooyi jaaniskii ugu fiicnaa bay haystaan oo ah marka quluubta shacabka soomaaliyeed isu soo dhawaato wayna ka muuqataa meel walba. Balse haday ag fariistaan xasan sheekh iyo sheekh shariif, oo mundul qaran ku sheegaya way ku khaatumo seegayaan aragtidayda.
  4. Qofku markuu dhinto mar walba ilaahay waxaa loo waydiiyaa naxariis, sababtoo ah, waa wax gacantiisa kaliya ku jirta, adigana raxmadiisu inay wayn tahay ku xasuusinaya. Hadaad waydiiso tolkiis ka warama c/laahi yuusuf? Waxay kuu sheegayaan inuu ahaa indhihii iyo dhagihii beeshu lahayd, maalinkuu dhintayna ay indho iyo maqal beeleen. Waana aasaasihii dawladda puntland oo uu halganka dheer usoo galay. Beel walba mujrim ay xusaan baa ka dhintay, albaabada guryahoodoona waa nimankii sababta u ahaa inay kala jeediyaan.
  5. Vote for trump, he is great president Labo gaal midka kuu sheega inuu ku necebyahay u codee.
  6. Qof kasta wuu akhrin karaa in madaxdeenii hore mustaqbalkoodii siyaasadeed uu mugdi galay, waana mida keentay inay mundul dib ugu noqdaa iyo qabiilaysi. Siyaasiyiinta waqooyiga kasoo waxaa u badan rag macquula oo wax ukala saaran yihiin waxaana ceeb ku noqotay sidaan filayo banaanka nagu suga inta shir beeleedkeenu socdo. Siyaasadda mar walba maslaxadu kama harto waxaa kaloo lagama maarmaan u ah inaad in badan akhriso afkaarta shacabka wax laga iibsanayo. Waxaa ila fiican inay xisbi waqooyiga soomaaliya u badan samaystaan oo duriyad ciida-gale iyo waxba aysan ku qornayn waraaqahooda, mar hadii lagasii baxayo hanaanka 4.5 Waan hubaa inay shacbiyad badan heli karaan waana meesha kaliya oo aan soomaalidu tijaabin ilaa maalintii calanka la qaatay.
  7. #Coronavirus cases in GCC: Kuwait 56 Bahrain 49 UAE 21 Oman 12 Qatar 8 Saudi Arabia 1
  8. Dr.odweyne Afsoomaaliga waa taqaan laakiin hanfadanimadu waa soo jireen waa hore yaan xantaas maqli jiray. Shacabka soomaaliyeed oo aan ka hadlayo waxay joogaan oodweyne, hargaysa, burco, garoowe, aadan yabaal, bur-koosaar, wadaamo'goo ceel-juqow, qoryooley baraawe luuq buur-hakaba buuhoodle mandheera iwm. Waxaa mideeyay (principle المبدأ) waxaana ka go'an inaysan dhagaysan been aan lasoo af meeri karin oo mar arkaan dal iyo dad midaysan. Intaas maku sugi kartaa meel fiican oo aad ku xaajooto mise gaariga waa laguu istaajiyaa?
  9. Suldaan Saaxiib waxaan rabaa inaan kuu sheego waxaad ogtahay oo munaafaqadu ku dhinac marinayso. Farmaajo waxaa loo doortay madaxweynaha federaalka soomaaliya Wadanka waxaa haystay 6 madaxweyne oo kala masaalix ah, mid walbana wauxuu isbuuciiba mar lasoo shiri jiray raysul-wasaarihii Ethiopia. Adeer biixi baa ugu horeeyay wax Ethiopia u yeerto 3 sano ka dib asagana waad maqlaysay hadaladii farxadu ka keentay oo dadkoo dhan ka yaabisay. Ninka dalka noocaas ah madaxweyne u noqday oo aan haysan dad soomaaliyeed oo is haysta iyo ciidan dhisan maxaa la gudboon? Ma inuu sidii madaxdii ka horaysay hoos fiiriyo mise inuu wax un isku dayo? Dhagayso walaal adigoo mahadsan Ethiopia iyo kenya labaduba dal iyo dad baa naga jira, waana mustaxiil inay ku gacan qabtaan markaad kufto. Wakhtiga la joogo Ethiopia kamasoo hor-jeedo dawladda soomaaliya fara-gelintii badnaydna way ka daysay waa wax muuqda oo aan muran lahayn. Waxaan rabaa inaan usoo dego Ciidanka soomaaliya lama dagaalami karo xag jir ayadoo madaxdoodii laguha lagu dhagan yahay, way ku khasban yihiin ciidanku inay madaxdoo dariishadda u furaan si ay naacaw iyo degenaan u helaan. Dhuuso mareeb qabiil waxba waa ka tari waayay runtayna taabteen. Balad xaawo sidoo kale, taas waxay muujinaysaa rajadii iigu fiicnayd oo aan arko 30 sano waa aragtidayda. Hubka farmaajo oo kaadida idinka dhameeyay baan kuu sheegi adiga iyo yaroo dibu-socodkaa waa shacabka soomaalida oo meel kasta jooga, oo ku daalay kala qoqob iyo nifaaqad beena oo aan horay u wadayn waligood.
  10. Dagaalka balad-xaawo waxaa ugu muhiimsan, waa markii ugu horaysay taariikhda ku dhawaad sodon sano, oo la aaso askari somaaliyeed. Laguna aaso dagaal xaq ahna ku dhintay asagoo difaacaya xuduudka dalkiisa iyo dadkiisa oo aan qabiilaysi ku dhiman iyo iska daba wareeg. Shahaadadiisuna fii jano insha-allah. Inta dabo-dhilifka u ah kenya waxaan kula talin lahaa dhabarka yaysan xabadu idinkaga dhicin adinkoo nadiifinaya xniinyo nin kale. Geeri waa mid, waxaa kala saaran qaabka loo dhinto. Hadii qabiilaysi iyo iska dabo wareeg la aado xataa, waxaa kale oo dagaalkan yaab ku leeyahay. Kismaayo waxaa jooga sadex madax-weyne oo ilmo adeera oo aan is dilayn shaaha wada cabaya, amaankooda guudna kenya korka ka ilaaliso. Maxay janan,iyo ina sayid aadan uga doorteen madoobe labada kale, oo hooyadood ugu dilayaan balad xaawo? May marka hore kismaayo u xoreeyaan madaxweynahooda ay jecelyihiin?
  11. Waryaa tolmooge reer puntland ma kaligaa baa ka haray, guri ba'ay Shacabkii qiimaha badnaa oo dumarka noo xafidi jiray xagee kufsigu ugu yimid?
  12. Suufiyada waligood waxaa caqligoodu soo noqdaa markii ay habeenkii subag cunaan oo subuxii qoraxdu kululayso. Muxuu u tanaasuli waayay intaan hal wiil oo soomaaliyeed maala yacni ku dhiman.
  13. Puntland xuduudka ay federaalka la leeyihiin waxaa u jooga SHABEEL. Kan ay snm la leeyihiina waxaa u jooga dawaco.
  14. Cudurkaan soomaaliya waxaa looga yaqaan (kuududiye) Hadii daawo ama cirbbad loo dhaweeyo qofku horay buu ka dhimanayaa. Aduunku dadka waayo aragga ah, ha waraysato oo cudur walba kasoo daalay.
  15. Waan jeclaan lahaa inaan garta idin siiyo hadii aad taqaanaan sida loo kala gar qaato Kun jeer ka badan intaan idiin sheegay in koonfurta shisheeye ka taliyo oo aysan masiirkooda u madax banaanayn. Doorashooyinka qarashka ku baxaya beesha caalamka yaa laga rabaa iyo nooca doorasho oo ay doonayaan soomaaliya oo dhan. Taas ma'ahan waxa muranku ka taagan-yahay. Gumaysigu waa labo nooc Mid xoog iyo dhaqaale lagugu haysto sida kan koonfurta Iyo mid damiirka iyo dadnimda lagaa haysto sida kan snm. Hadii reer yurub la fariistaan 15 daqiiqo muuse biixi oo ku dhahaan meeshaad fadhido haka kicin si laguu aqoonsado. Ma u malaynaysaan inuu dhihi lahaa ii ogolaada xoogaa inaan yara istaago, markaan daalo? Suldaan Sadexda nin oo snm kasoo jeeda oo hadana beesha reer yurub ku qabiilka ah ma Australia joogaan? Adeer waxa gaalku ku kala dhex jiro waa sadexdii habrood oo is aamini la' maxaad dadka indhaha uga xanjaynaysaa? Dhagayso adeer faysal maalin ka hor intaan gaalku imaan..
  16. Dr oodweyne Intaadan duurka aadin maydka wax kaga tuko. Sodon sano yaad soomaali la hor taagnaydeen waan is dooran karnaa oo faankiina laga joogi waayay Ma taqaan sababta aad isu dooran jirteen? Gaal cad baa idinku yiri sidaas sameeya oo is doorta si aan idiin aqoonsano. Ma rabtaa inaad warkayga xaqiiqsato shalay intuusan iman u qaybsanaha Europe ee soomaaliya, dhàgayso hadalkooda waxaan aad xisbiyada ku sheegaysaan. Labo saacaadood yuu midba mar la qaatay kulan gaara ka dibna arintii ina riyo-raac waa xaliyeen waana loo mashxaraday. Waliba wuxaa lagu heshiiyay in sadex gaal ku kala dhex-jirto marka sadexda habrood is doorsnayaan. Adeer wax iga gar qaata yaan waayay meesha waxba kuma haysaan Koonfurta oo kun qabiila yaa rajo fiican ka muuqataa, ayada iska suga intaad gaal sugi lahaydeen.
  17. Tani waxay soo af-jaraysaa koonfurtaa shisheeye u taliyaa iyo waan isku filanahay bitibiti aan qaydhiin lagu daynayn. Gudi doorasho bay waxay isku haysteen dhawr sano ina riyo-raac ha lagu badelo ina ido-keen. Waxaase hubaala waligayna aan maqli jiray, ilaa sayidkii iyo gabayadiisa, snm inay wax ka maqlayso nin gaala oo cad oo hadana indho buluuga leh, haduu doono kuwa ragga guursada ha ahaado. Dhagayso xisbiyada hadalkoodii shalay iyo kan maanta.
  18. Jabhadihii Ethiopia la socday oo dalkooda iyo dadkooda kusoo duulay waxay la baxeen mujaahidiin Markaad aragto dad dafiraya dambiyadii ay galeen oo goob joog loo wada ahaa, xaq been abuura waligood heli maayaan, siday u qayilayaan bay gumaysi geli ama qiyaamuhi ku dhici Reer awdal bay dil ku bilaabeen qaxootigii iyo dadkii ganacsatada ahaa oo magaalada iska joogay intaba waa laayeen, qoxootigii ay xasuuqeen ilaa iyo hada aataartii way taalaa. C/laahi yuusuf oo reerkiisa ugu sheekaynaya waxaan ka xanaaqay markaan arkay amxaaro calan soomaaliyeed ka dejinaysa balanbale iyo goldogob waana la i xiray War soomaalidu xaqa ay dadkooda iyo dalkooda ka galeen waxaa ka daran beenta ay godka la galeen.
  19. Che He is promoting a fake citizenship. Beel dhan oo ka magac iyo maamuus fog, yuu leeyahay caruurtay gabdhahoodu dhalaan, jinsiyad baan siinaynaa, koonfuna anagaa kula xididayna. Waa macno aad u foolxun oo inuu raali gelin ka bixiyo mudan. Xagee taalaa dhalashada somaliland uu sheegayo?
  20. Snm waxaa mar walba farxad geliya wixii kala fogeeya ama dumiya koonfurta, taas cid walba way ogtahay aqoonsina kuma helin 30 sano oo ay benzen la agtaagnaayeen dabka koonfurta. Carte qaalib wuxaan maqlay inuu yiri usc waa matoor snm shiday oo meel laga damiyo lahayn. Tan cali mahadi iyo adeeradiis Islaantii yaanyada ku iibinaysay muqdisho maanta waxay ka sheekaynaysaa frox-exchange iyo sarifka caalamku meeshuu marayo Faas af beelay oo qabiilaysi waxba kuma jari karaan. Haduu qowmiyad balaaran yahay dagaalkii caydiid qolof qare, kaaraan kuma karsadeen.
  21. Mowduucu aad noo furtay waa khudbadii adeer biixi. Farmaajo waa la gartay oo diyaaraduu u saaran yahay sidii la doonaba haloo qoro. Muxuu adeer biixi u leeyahay filan waa iyo hambabar yaan ka qaaday yeeritaankii abbey ahmed, waana jabi gaaray, halhaleel yaana ku gaaray Addis? Intaa kaliya oo ah inta ugu muhiimsan khudbadiisa noo fasir mudane suldaan adigoo mahadsan. Muxuu jacaylkiisu u gaax-dilaacay mar qudha?
  22. Markii uu ii yeeray abbey ahmed oo ku guulaysta biladda nabada aduunka ahna dawladda 2aad ee afrika ugu xoogga badan Halhaleel yaan sariirtii ugasoo booday waana filan waayay runtii, dhawr saacadood gudohood yaana ku gaaray Ethiopia. Taa markii qof wayn fasiro waxay ka dhignantahay asagoon is ogayn yuu farmaajo salaamay oo maskaxdiisu joogin.