gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Suldaanow Wax halayn looma bixiyo shaqada adag oo ku wajahan in sharcigu sareeyo. Fartaag waa shaqaale madoobe u shaqeeya waana nimanka gabalkoodu sii dhacayo oo xunbada cantoobsaday. Ma "mayd" uu u ooyo yuu gedo ka waayay? Xuduudka dadbaa ku shahiiday, qaar baa biyo baxo u dhintay baardheere iyo doolow. Marxuumka tolkiis ethiopia iyo kenya bay joogaan, meeshay doonaan haku aasteen, maxaa asaga daba dhigay? Doodiisa waxay ku fiicnayd inuu saxaafadda isugu yeero oo dawladda dhexe ku eedeeyo inaysan wax badan iyo sidii la rabay waxba ugu qaban fatahaada gedo Mucaaradnimada waxaa lagu bislaystaa quluubta dadkii aad matashay. Laakiin nin mayd xukumo waa ceeb inuu reer gedo matalo sinaba. Raali ahaw suldaan Arrintan maysan ahayn inaan xag-jirka snm kala sheekaysto, laakiin daruuftaa marmar kula galaysa.
  2. Aqoonsiga ingriis baan maxmiyad u ahaan jirnay makeeni karto waa 2020kii, nasashadu waxay ka bilaabataa in kabaha layska bixiyo. Reer galbeedku, waxay ka fekerayaan, hadii gobol la gooyo, kuwa kalena dhib baa kaa imaanaya, waa intaas sababta ay midnimadu muqadas uga tahay arigtida reer galbeedka. 5 madax weyne oo isku beela yaa sadex xusbi oo isku jufo ah soo dooratay, waa nadaamka puntlad, iyo jubaland looga dhaqmo, federaalka dhexena ma ogola sidoo kale, waa jamhuuriyado kale. Maxaa u diidaya inay aqoonsi doontaan? Mushkilada snm dheer tahay gobolada kale aratidayda waa xoriyad la'aanta iyo caburinta shacabka qofkii heesa, kii geeraara, kii hadla kii dhoofa iwm. Waxay doonayaan nin sodon jir ah oo tahriib kasoo noqday wax shaqo haysan inay ku qanciyaan guriga agtiisa joog inta nala aqoonsanayo. Yamamoto waa shaqadiisa inuu ka fekero, dad habaabay sidii loosoo heli lahaa. Allahuma aslax axwaalnaa jamiican.
  3. Gawaaridaas ay buufiyeen oo dadka ka dhaceen bay qaadka ku keenayaan. Askari gaari maamulka wata oo qaad lagu qabtay waligiin arki maysaan. Waa casaabad madaxdu la marqaanto.
  4. Suldaan Meeshaan kaluun kuma jiro. Baahida soomaaliya allaa ku filan asagaana daboolaya inshaa -allaah waagii beryaba baahidu, waa kadis lagusoo tooso. Waa kan senator'kii gedo metelayay oo u ooyaya in laga reebay mayd jig-jiga lasoo dhaafiyay.
  5. Ignore wax macnaa samayn mayso mar hadaad akhrinayso waxaan qoro oo run u badan. Waad ku khasbantahay inaad runta cay ugu jawaabto, waa hore yaan ku tijaabiyay Dr. Odweyne.
  6. Suldaan Ma jiri karto, sabab ay snm askari ethiopian ah oo gudaha soomaaliya jooga wax uga sheegto, ama ku mucaarado maamul ahaan, waa hadii aad ka cabir qaadanayso maamulka hargaysa oo lawada yaqaan. Kilinka shanaad iyo snm waa isugu mid ethiopia ayagaaba sii daacadsan oo dhankii loo rogaba diidayn. Hal eray oo aan amaan ahayn ma oran karaan, waligoodna lagama maqal,waa intay goonida noqdeen berigii hore way yara dhaameen sidan. Jamhuuriyad aamusan oo aan cidina aqoonsanayn wax macnaa ma leh. Arrinta magta waxaa ka wada xaalaya kenya iyo ethiopia oo aan kasoo kala jeedno sidaad sheegtay. Muxuu yahay dhibka gaarka idiin haysta marka,hadaysan arrin soomaalida u taalaba ahayn? Mise waa arrin mooshin ka abuuri karta koonfurta? Usoo noqo mowduuca guntiiss Kenya waxay xaq u leedahay inay soomaaliya waydiiso sababta keentay in diyaarad ogolaasha haysata loogusoo rido dalka soomaaliya. Hadiise ay kenya ethiopia toos u aaday macno kale bay samaynaysaa aragtidayda Kenya waxay ula jeedaa in labada dal ee ethiopia iyo kenya isku af gartaan arimaha soomaaliya, maadaama dadka dhintay ay soomaali yihiin mid walbaan cantuugadiisa rabo. Fiiro gaar ah. Sujuu, killinka, waqooyi galbeed, intaba soomaali la gumaysto baan u aqaan. Koonfurta dhib haka jiro laakiin calankay ku hoos dhasheen wali ma tuurin.
  7. Sidaad horay noogu sheegteen dadka ku dhintay allaha u naxariistee iyo diyaaradaba waxaa iska lahaa dad asal ahaan kasoo jeeda snm Maxay snm ethiopia u canbaarayn waayeen? Miyaysan dhiig lahayn? Maxaa keenay inaad tacsidiina ku qosashaan?
  8. Galbeedi Xog ogaalnimadu intaad akhriso kaliya ma'ahan walaale. Sidaad ogtahay hir-shabeele waa gobolada ugu qanisan geyiga soomaalida dhanka beeraha iyo xoolaha nool labadaba. Gobolada dhexe, bari, ilaa gabilay, khudradoodu way gaartaa. Maantay baabuurtii baladweyne ma imaan suuqii khudrad waa lagasoo waayay soo kamaadan maqal suuqyada waqooyi? Mushkiladu waa maamul xumo iyo maarayn la'aan, ayagaa loo baahnaa inay gobolada kale u gurmadaan. Dawladda dhexe iyo jabuuti labaduba way bixiyeen lacagtii meelna laguma sheegi karo maanta. Reer koonfurku waxay ku maah maahaan (gol ey baa lagu tijaabiyaa) Aaway intii yarayd maxay ku qabteen? 30 sano yaan dhiganaynay jaamacadda boobka, ribada iyo wax is daba marinta. Xataa kuwanu ma yaqaanaan inay dhagax meel dhigaan, gacmahana kor u taagaan si loogu sacabiyo. Tan igu sawir Hadaysan madaxda qaranku isku sawirin yaa ka fool-xumayd aragtidayda, carabtu waxay u taqanaa arrintaas (رفع المعنويات ) Ama niyad dhis, waa la booqdaa dadka xanuunsan wax wayn bay u tahay ayaga, waana nala faray. Suldaan. Dadka reer hiiraan waxay fariin u dirayaan federaalka dhexe, oo ay ku lafo garaacanayaan, meelna snm kamasoo gasho, xataa hadii magacooda lasoo hadal qaado. Sadaqada warkeeda waxaa la xiraa maalinkay jeebkaaga ka baxdo muxsinkii bixiyay aakhiro iyo hor alle yuu ula baxay. Saliid, siyaasadda lagu shiilo sadaqada lagama dhigo. Tan cuqdada Wax cuqdada ma qabo dariska gurayga ku xiga waxaan jeclaan lahaa inuu noqdo soomaali wanaagsan oo aanan beel isku raacin. Allahuma aslax axwaalnaa jamiican.
  9. Waraabe yaa waxaa laga hayaa hadaan xoolaha habraha, xoolaha kale ka aqaan waligay ma cuneen. Reer "land" sadaqadooda wax wayn baa ka'si ah. Hiiraan cid walba waa u mana-sheeganaysaa. 400,000, ma dawladda soomaaliya iyo dawlada jabuuti bay kula tartamayeen, mise sadaqa shacabka waqooyi la baxeen bay ahayd? Kuwa sadaqada qaatayna waa inay eegaan kuwa aan xataa munaafaqad waxba ku helin oo ilaahay uga mahad celiyaan. Allahuma aslax axwaalnaa jamiican.
  10. Siyaad barre iyo senior' kii kacaanka markoodii hore waxay ku heshiiyeen inuu siyaad barre hogaamiyo noqdo da'da iyo khibrada labadaba iyo asagoo ahaa taliyihii ciidamada. Balse shirkii ugu horeeyay bay kala sxiixdeen, inaysan ayagu is inqilaabin wixii towrada hub kala hor yimaadana la tookto. Inqilaabkii ugu horeeyay waxaa abaabulay madaxdii dalka la qabatay oo ay ugu horeeyeen caynaanshe gabayre. Kacaankii aan dhiiggu ku daadan wuxuu noqday in dhiig lagu ilaaliyo oo qof walbaa naftiisa u baqo wixii maalintaa ka dambeeyay. Allaha u naxariisto dhamaantood. Waxaa aad u muhiim ah in la fahmo inqilaabka sidiisuba xaq ma ahaa mise xaq ma ahayn? Ayadoo shacabku kusoo daalay dawladihii rayidka ahaa oo musuq maasuq iyo qabiilaysi iyo is daba mar looga maaro waayay, bay timid dhimashadii madaxweyne sharmaarke allaha u naxariisto. Ka dib waxaa dhacay in baarlamaankii madaxa isla galo oo jid iyo jaho laga waayo dalkiina khal khal dhan kasta ah galo. Markaas ka dib yaa towradii barakaysnayd dhalatay 21'oc 1969. Waa la shanlaystay waa la sinaaday, waxabaa lawada qabsaday, qabiil baa la aasay, wax barashaa la aaday, kala sarayn waa la waayay iyo gabar reer boqora yaa soo socota. Inqilaabkii labaad yaa dhib badnaa ee c/laahi yuusuf iyo cirro. Arragtidayda waa hooyadii burburka ee soomaaliya. Dadkii waxaa la baray inay qabiil u kala baxaan, inay Ethiopia la dumiso qabiilada soomaaliyeed dalkooda hooyo. Way ka guulaysteen siyaad barre aakhirkiina xukunkii way ka tuureen, laakiin meel cidla ah bay isku waraysteen lagama sheekayn jaro waa sheeko dheer laga wada dharagsanyahay. Hadaba dagaalkii 90'kii ka dib wax faa'iido ah malaga helay? Khasaaraha in bada yaa layska waraystay laakiin faa'iido muhiim ah yaa ku jirtay. Aragtidayda faa'iidada laga helay, waxaa ugu waynaa... Beelo badan yaa berigii hore waxaa ka dhaadhacsanaa mana talin kartaan qabiil kalena kama adkaan kartaan caqliga wayn dacaayadda lama gelin karo way kasoo noqotaa buufis yaa lagu riday intaasoo sano. Nasiib wanaag labadiiba way dhacday oo maalinkaas bay kor fiiriyeen. USC' way adkaatay. Snm' way talisay. Laakiin mushkiladda jirta waxay tahay wali qalbigoodu sidii la rabay uma buskoon. Tusaale waxaad usoo qaadata farmaajo. Markay arkeen maamul hufan waxay bilaabeen oohintii 90kii ka hor, waqooyi iyo koonfurba asagoon beeshiisii la joogin wax gaarana u hayn. Warka markii lasoo koobo meel hoose waa laga talin karaa Qabiil ahaana waa looga adkaan karaa qabiil kale. Balse buurta meesha ugu saraysa waxaa kaliya oo ku gayn kara daacadnimo iyo xasad la'aan. Allahuma aslax axwaalnaa jamiican.
  11. Galbeediyow Ciyaalkan aad tilmaamayso inantaas qiimaha badan laguma halayn karo nin culus bay u baahantahay. Tanu odayaasha qudhooda bay sii kala reebaysaa. Ma u malaynaysaa oodweyne inuu agteeda istaagi karo?
  12. Gabdhaha waxaa isugu darsamay dibad jacayl iyo faqri, doqon kastoo dibadda ka yimid, waa ka biyo cabbi karaa, hakala saarin meel kastoo soomaali degto waa isku mid waqooyigaaba soo dhawayn fiican.
  13. Ma doonayn inaan professor'da snm ka xanaajiyo laakiin waxaa ka hadlyo waa waaqiciga jira ama aan indhahayga ku arkay. Waa sax military iyo police in dharkoodii wax u eg loo tolay Laakiin shaqada ay qabtaan way kala duwan tahay. Kuwa shacabka lagu dhex daray waxay raacaan shacabka jeebkiisa, inay xiraan dad aan dambi lahayn, islaan uur leh dhirbaaxaan ilmo yar funaanadii buluugga kala baxaan iwm. Kuwa milateriga loo ekaysiiyay ma kala celin karaan labo jufo oo reer miyi ah sababtoo ah ayagaa kasoo kala jeeda labadaa jufo oo is dilaya. Waxaasu ciidan ma'ahan walaalayaal. Xuduudka ay ku qayilaana waa xuduud khaldan, macnaha qabiil kale oo soomaaliyeed bay ka dhigeen dawlad kale oo cadaw ku ah marfish macmala. Markii lasoo koobo Askarigu labo arimood yuu askari sax ah ku noqon karaa Inuu leeyahay anshax khasab ku ah oo uu askari kale sharcigiisa ilaaliyo. Inuu qaato mushaar ku filan markiisii horana akhlaaq lagusoo xushay kana baqo inuu shaqadiisa waayo. Wixii intaa kasoo hara ciidan ma'ahan ciyaalka dharkooda ha u daayeen.
  14. Sawirka qurxoon inta badan Camara kore yaa lagu qaada gudaha hadaad gasho waa waji kale. Daami waxaa degan dadka farsamadooda lagu hayb sooco, xaafadaha ku dhawna magicii way ka badeleen si aysan magaca daami ula wadaagin. Xataa sadexda xusbi isku xaafado ma degaan, kuwaan qurbaha aqoonsiga nagu wareeriyay lagama yaabo inuu guri ka iibsado xaafad aysan jufadiisu deganayn ama uusan inan layaal ku ahayn macnaha gabadhu ku khasbin, (gabadh) waxay u yaqaanaan xaaska. Waa magaalo aad u wayn oo biyo macaan haba ku yaraadeene, aadna u jawi fiican xaqiiqdii. Balse isku dhaca qabiilada ee tuulooyinka iyo baadiyaha yaa jufooyin usii kala saaray, waana sababta aan loo aqoonsanayn xataa haday afka guduudsadaan.
  15. Reer Daami Waa dad la dulmay, shaqadoodii snm waxay kula walaalowday Ethiopian oo lagu wareejiyay, gacantooda waxba kulama soo baxaan. Raashinkoodiina 15 kaas kaar kaliya bay kasoo reebeen. Kama guursadaan, mana ag degaan, waxay u bixiyeen somalilander xaafada A iyo B aan loogu gelin. Talo kuma laha dadkooda loomana ogola inay wax ka ogaadaan masiirkooda. Xaquuqda dumarka snm waa la ogol yahay in la doono oo laga wada hadlo, ayaga lamasoo hadal qaado. Allahuma aslax axwaalnaa jamiican.
  16. Suldaan. Waxaad doonayso waa la akhrin karaa aragti durugsana ma'ahan. Waa in cidii hantida lahayd toos gobol walba u gayso sidii berigii hore maamul kastaana markuu gaal gacanta ku dhunkado dawlad gaara iska dhigo oo lays barbar ordo. Adeer arintu sidii hore ma'ahan dawlad lala macaamilo waa tii ugu fiicnayd oo nasoo marta, rootiga iyo sharafta lama kala reebo (waa baahanahay bakhti looma cuno) waa niman yaqaan system'ka aduunku u shaqeeyo. Kiintaal bur ah dadkeena laguma kala fogayn karo. Hay'aduha iyo saaxiibku waa inay dalka dawladda matasha la macaamilaan, mahad celintana ayaga ka helaan. Wixii intaa ka dambeeya hantida ay bixiyeen dawladaa iska leh ama odayga reerka yaa baahida qoyskiisa yaqaan. Sax ma'ahan inaad nagu qanciso reerkaaga nin kale macaawino haku maamulo inta ku gacan dhaafo. Cid walba way qoondayn kartaa hadal aqoonyahan ma'ahan ee buugtii dib ugu noqo.
  17. Suldaan Dawladda soomaaliya beero ay wax ka kaydsato oo dadkeeda ku filaada malaha iyo wax soo saar waa la gaari maalin ay noqotaba Waxa lagu wada socdaa wàa UN iyo dalal saaxiib ah wixii laga helo. Arrinta fahamkeedu kugu adag yahay waa qoondaynta, dawladda waa inay hay'adaha la socoto una gudbiso sida dalku u kala baahi badan yahay leexsasho la'aan. Waa arrintaa amaanta dawladda wixii dawladda dhexe kaaga yimaadana waa qoondayn uga mahad celi. Man laa yashkuri-naas, laa yashkuri-laah.
  18. Ciidanka snm hadii labo jufo isku dhacdo guryahooda kamasoo bixi karaan. Ilmo yar oo kubad funaanad buluugga ku ciyaara iyo naag suuqa lagu dhirbaaxo un bay ka adagyihiin. Askarta waxay ka dileen qaymkii ciidanka caruurta iyo gabdhaha haka fogaanina yaa lagusoo tababaray. Mushaar naf leh ma siiyaan dadka dhex gala yaa lagulasoo dar-daarmay. Hada ka hor yaa mid darawal ahaa siiyay askari bir ka qaaday hal warqad oo buluug ah waa waxay lacag ku sheegeen oo faraha kaaga dhagaya. Markaasaan waydiiyay waxa ay u goyso? Wuxuu iigu jawaabay waxba ma goyso iminka laakiin gawaarida oo dhan wuxuu ka helo yaa wax u goyn doona. Koonfurta waxaan ku arkay magaalo aadan malayn karin oo bartamaha soomaaliya ku taal mid ku dhegsaday marada cagaaran ee snm oo aad u wayn dukaaka wejigiisa kore. Waxaan waydiiyay sababta si kaftana, wuxuu iigu jawaabay waan taageersanahay gooni goosadka snm inay aqoonsi helaan. Dadkoo dhan waa xor laakiin hadaysan isku kalsoonayn waa gun.
  19. Waa kibir hadal adeer wax maydka ku kor qosla soomaali baa ka jirta aduunka.
  20. Coldoon waa wariye samafal oo saalax ah. Nimankan tabliiqa iyo darawalkooda iska dhigaya bisha ramadaan, cudur gefi maayo hadaysan cibaadka alle dulumka ka dayn.
  21. Xilka qaranku ma'ahan shaqo qof iska leeyahay, waa shaqo mar walba qabyo ah, oo qof sii wada u baahan, laga bilaabo madax-weyne ilaa agaasime waaxeed. Warkaanu malaha tix-raac iyo shaabaddii dawladda ee waa ku tiri ku teen. Hadii ay dhacdo in shaqada laga badelo, labo wajiba way u furan-tahay, wax mushkilada ma leh aragtidayda Inuu snm ku noqdo oo sidii caadada ahayd towbad keeno asagoo ula jeeda inuu reerkiisa iyo gobolkiisa ku noolaado. Inuu masuul xil laga qaaday noqdo oo mucaaradka dhinac kaga biiro, asagoo muqdisho jooga CV iyo khibradna helay, labadaas wajiba way u furan yihiin. Haday hargaysa, burco iyo gabilay ka yimaadaan, la oran maayo meeshii loo dhiibo yaan laga qaadin si aysan dib ugu noqon snm, gobolada waqooyi ceel lagu dhaco ma'ahan wali soomaaliya kama go'in. Tan in badan aan ka maqalno snm oo ay leeyihiin dadka xamar jooga nama matalaan waa runtood. Sababtu maxay tahay marka? Ma jiro senatooro iyo xildhibaano matala goboladii ay kasoo jeedeen ama shacabku karti ugu codeeyeen waa guud ahaan wadankoo dhan. Nadaamkaanu waa 4.5 loogu tala galay inay qabiilada muraayad u noqdaan, shaqadooduna aysan intaas dhaafin. Reer hebel intee senator iyo xildhibaan bay leeyihiin waa wax iska ramsi ah oo hargaysa iyo meel kastaba looga xisaabtamo. Hadaba maxaa la gudboon snm? Aragtidayda koonfutu waxay dooratay inay madixii soomaaliya noqoto, waxaana isugu yimid qabiilo badan oo soomaaliyeed. Snm waa inay kartidooda daacadnimadooda, nasiibkooda, iyo codkarnimadooda, dalkooda wax ugu qabtaan, hankoodana gaarsiiyaan ilaa madaxweynaha soomaaliya. Marnaba yaysan dhihin anagu xaad baan leenahay oo dadka kale uma ekin, ama marti wax la siiyay ha naloo ekaysiiyo. Meesha shaqa aad u adag yaa taala wakhtigii tiyaartarka la aadi lahaa lama gaarin wali. Hadii kale waxay la mid noqonayaan wax tabar daran oo aan misaan lahayn, ama shimbirtii dibigga geesihiisa saarnayd maalintii oo dhan asagoon dareemin, oo casarkii ku tiri waan iska caraabayaaye nabad galyo.
  22. Shinida boqoradda waa loo ilaaliyaa....waa kaftan, dadku waa isku mid qof walbana waxaan alle u qorin cuni maayo Allahuma aslax axwaalnaa jamiican.
  23. Waxaan u malaynayaa in dhibku yahay labo arimood 1- doorashadii hir- shabeelle oo soo dhaw taasoo mar walba dhiigga kululaysa. 2- dhaqaale ma sameeyo maamulku, intii loogu tala galay oo lakala dhacsanayo. Waa sida kan kismaayo oo kale hadaad maqasho xal baa la gaaray macnaheedu waa waxbaa lakala goostay. Hadaad maqasho waa lays haystaana waxa laysku haystaa waa dhaqaalihii lakala goosan lahaa, marnaba shacab iyo horumar fekerkeedu meesha ma yaalo. Mabda'u qof kasta ma galo waa curadkii iimaanka alle bixiyo.