gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Baraawe Waxaan jeclaan lahaa inay noqoto caasimadda soomaaliya. Waa magaalada kaliya ee soomaaliya ku taal oo cumaamad qudha garabka laga saarto nabad jacayl iyo xadaaradna isku darsatay.
  2. Cadnaan Waxba kuma xumayn karaan ee dadkii caqli xumadu soo dhoofisay yaa meel dhexe ku xinimay, waxayna balan qaadeen inay meel dugsoon ku ilaalin doonaan. Cahdigii way ka baxeen, dadkii soo degay, bay jeeb baarteen qaar waxay ku dhaheen nala qayila Kuwii jabuuti u socdana ha aadeen. Puntland iyo waqooyi galbeed waa shacab qalbi fiican mujrim kasta wuu u talin karaa Soo sidaas ulama socotid mise dadka ma kala taqaanid?
  3. Buur hadaad fuulayso kor fiiri marnaba hoos soo eegin. Ma jirto dawlad wax isku dayda oo ka fiican midda hadda jiirta, 30 sano hadaan ku qaan gaari waynay 60 ku gaari mayno. Way dhic kartaa inay kuu muuqato in dadka qaar faraha subag ku leeyihiin adeerana ka qalaleen. Sabur huuno.
  4. Snm haday horay u guulaysatay hadal rageed yaa loogu imaan lahaa 30 sano. Aqoontaadana British ugu abtiri si aysan kaaga qiimo dhicin.
  5. Walaalayaal, snm brothers. Taxile wuxuu raadsadaa aqoonyahan wadooyinka is dhaaf-dhaafaya ku anbaday waa shaqo kaligiis uu gaar u leeyahay. 7-jir qurbaha ku dhashay yaad ku caqli noqoteen anigoon ixtiraamkiina luminayn. Xogta hoose ee duulimaadyada ma heli kartaan aduunkii oo dhan waa soo oodmay waana kala oodmay. Snm waa maamul wakhtigiisii soo dhamaanayo sida muuqata, waana mida keenaytay inay bilaabaan boobka guryaha danyarta iyo haweenka laga dhintay. Hawada soomaaliya qayb bay ka xukumaan hadal sax ah ma'ahan waxbay ka xukumaan waa ixtiraam dooda toosin karta. Clip'ka cadnaan si fiican u dhagaysta. Waa waxa ay la kulmeen dadkii soo degay oo meesha lagu daadiyay. Soo ma dareemi kartaan inta khatar ka imaan karta, wiilkii hotel'ka joogay oo qaabilay dadkii yimid asagoon wax protection ah wadan inta ay le'egtahay? Hotelka ma khasnajiga iyo adeegaha yaa loogu talo galay inay ku qaabilaan mise dad gaara oo aqoon u leh baarista caafimaad? Maxay hawada ugu dagaalamayaan ayagoon awoodin basics ay ku qaabilaan dadka imaanaya? Talo ku socota aqoonyahanka soomaalida. Aqoontu waa warqad jeebka laguu geliyay waxaa loogu talo galay inaad caruurtaada ku masruufato Ha isku dayin inaad dadka soomaaliyeed wax ugu qabato way nasii kala fogaynaysaa waxna noo tari mayso Hadii aad doonayso inaad wax noo qabataan dadka dhex-gala adinkoo qabiil iyo caadufad ka fog. La imaada tawaaduc ama dabacsanaan aad dadka xogtiisa dhabta ah ku ogaan kartaan. Ama maantoo dhan aan ku daalno khiyaali iyo hees aqoonsi oo jini curiyay.
  6. Hawada soomaaliya labo dal lagama xukumo walaalayaal. Xisaabtan waa mid aadnan ka shaqayn karin waxaad kala socotaana way iska yar-tahay sida muuqata. Waxaa la rabaa inaad fahamtaan marka ugu horaysa dadka diyaaradda la socda inay soomaali yihiin. Maamulkahargaysa jooga gacan kuma hayo imkaaniyaad iyo caqli marqaan ka madax banaan. Dawladda dhexe waxay u diyaarisay 5 milyan oo wax looga qabto cudurkaan saf-markaa waa tabarteeda. Waa qorshe dalkoo dhan ah sidii loo kala ilaalin lahaa dibad joogta iyo dal joogta. Dawladda dhexe uma diidi karto dad soomaaliyeed dhulkoodii hooyo iyo hawadoodii labadaba balse waxa ay ka fekerayso waa bad qabka shacabka soomaaliyeed oo dhan, intaas markaad fahamtaan wax badan yaa idiin kala baxaya. Dadka qurbo joogta ah: Waxaan kula talin lahaa inaysan dalkoodii ku noqon wakhtigan la joogo si ay u badbaadiyaan dan-yarta aan saabuun gacmaha lagu dhaqdo iibsan karin Waxay joogaan dalal oxcagin haysta oo hadii neeftu ku dhegto ka caawinaya. Sax ma'ahan inay soomaaliya u cararaan markii cudur aan daawo lahayn uu ku dhaco, marka kalena surwaalka iyo diraca dhoobada ka ilaaliyaan. Waa waajib diini ah inaysan ka bixin dal cudurku ka jiro. Xaalkoodu yuusan noqon ninkii qaniinyada maska habeen madaw saaxiibkii qodaxda ugu sheegay U hiili dadkaaga iyo dalkaaga waa ka ilaali wax kastoo dhibaya.
  7. #Coronavirus Confirmed cases in GCC so far: 1 #Saudi Arabia 767 2 #Qatar 501 3 #Bahrain 390 4 #UAE 248 5 #Kuwait 191 6 #Oman 84
  8. Puntland siyaasadii way ka waalatay sida muuqata. Qofku markuu xanuun dhimarkaa ka buskoodo hadaladiisii hore iyo kuwiisa cusub isma waafaqaan inta badan lamana sii waalo waa la dhagaystaa. Wuxuu u dhiibay warqad dheer afhayeenkiisii hal eray oo wax dhisayana kuma qornayn. Xamar ma waxuu la tageyaa waxa uu sheegay waxaan ahayn?! Puntland waxaa matala dad ugu jira baarlamaanka federaalka, laakiin uu sharaftii iyo karaamadii ka qaaday kanasoo qaaday dad aan matali karin oo caruurta la mida. Sharciyadii lasoo saaray wuxuu kasoo qaaday waxaan shaqayn karin markii labadii baarlamaan iyo madax weynihii saxiixeen. Taa macnaheedu waa aqlibayadii baarlamaanka dhexe ee faderaalka wuxuu fadhiyaa garoowe waxaysan ogolayna ma shaqaynayo. Maamul goboleedyadii wuxuu kasoo qaaday maamulo aan jirin, mar hadaysan puntland shahaado kasoo qaadan. Soomaalidii oo dhan wuxuu kasoo qaaday dad aan indho lahayn oo u baahan inay usha u qabato puntlad Intaas shir jaraa'id ku sheeg mudane juxaa, anigana boorsada ii keen waa waali siyaasadeed iyo dhib hor leh aragtidayda. Puntland haday qabiil wax ku xalinayso gudaheeda ha hagaajiso dadkana hogaanka ha u sinto si cadaalad ah ka dibna hooyo ha u sheegato qabiilada kale. Haday soomaalinimo wax ku xalisnaysana ha ixtiraamto dadka ku matala barlamaanka dhexe, sharcigii aqlibiyad ku meel marana, laad halagu dhufto iyo kibirka ha iska dayso. Hadii kale buul dab qabsado waxaa ugu liita, kii markiisii horaba caws laga dhisay, oo aan cadaaladu abidkiis dhex seexan.
  9. Puntland Waa inay wax halaysaa oo ayadana la raali geliyo, ka dibna na shirisaa oo noo sheegtaa jahada soomaaliya naga jirto. Hadana wax halaysaa, dibna noo shirisaa markii la kala tagana tabasho cusub lasoo baxdaa. Waxaasoo dhiba waxa keenaya waa madax salaaxa iyo waa hooyo agoon wadatee ha layska daayo. Waxay leeyihiin federaalka iyo maamul gobaleedyada oo wada socda hanoo yimaadeen anagaa shir gudoominaynee !! Ogow waxa meeshaa isla jooga waa beel yar oo laamiga teel teel u degan, inta badan indhaha isku haysata markay hadlayaan.
  10. Waligaa ma tagtay shabeelada hoose baraawe shalaanbood xeebtii sanbuusi? Dhulkaas waa dhul xeebeed aad u qurux badan, balse wuxuu leeyahay bacaad aad u tiro badan oo in gawaan la gaaro ay aad u adag tahay. Sidaa daraadeed anigu waxaan qabaa in laga dhigo mee adag oo diyaaradu ku degi karto u baahantahay qarash badan. Alxamdulilah habartii odaygu ka yara caajisay oo mar wax isku dayay waxay tiri kala fadhi waa dhaantaa Maanta waa gawaan berina waa laami waa horumar noosoo kordhay.
  11. Anigu waxaan uga baqayo shirka walaalaheen waan sheegay waana uga duceeyay. Dumar yaa beri hore ka shiray inay ragga iska reebaan dhibkooda. waxay shir gudoomiyihii ku talisay in cadka raggu kusoo raacayo layska gooyo gebigiisaba. Markii loo sacabiyay oo shirkii lasoo xiri lahaa yaa mid kale tiri hadii la gooyo waxba is badeli maayaan waa isla meeshii, tiina waa loo sacabiyay. Puntland makala jecla adeer madoobe iyo ahlu-suna. Waa caro tuur ay farmaajo ka qodonayaan intaas waa inaad fahamtaa intaanay da'daadu sii waynaan.
  12. Afar malyan ma lacag badanbaa? Afrika afar habrood yaa ku quraacda.
  13. Cadka nalagusoo raacayo ma iska goynaa ilaahow haka dhigin. Guul baan u rajaynaynaa walaalaheen puntland.
  14. My dear brother Arabs never hate somalis,and when it comes prayer he knows if he has discrimination in his heart, his salad not acceptable, so why he waste his time in a mosque? There is everywhere discriminations, wealth,colour,different religions, education,culture,power, and even if you drive an old car. There is condition when you lead the prayers First... You shoud know yourself more taqwa. May be there is one man in the back line who is better than you, so look the people and ask who can be lead the prayers, this time your not looking white colour black or yellow we all stand front of allah with all colours. Our back home we have more discrimination than arabs normal life. Let me know if your don't understand my little eglish i will try another language.
  15. Markay gaal iyo muslin magaca somaalida la hor istaagtay bay hadana dharka hortooda nooga siibtay. Gaalku geedkuu abuurtay mirihiisii yuu muudsanayaa eed ma leh. Ayadana waxaan oran lahaa allaha soo hadeeyo sagaa quluubta ku shaqo leh. Ninkii qabi jiray ama ay xaaska u ahayd ee soomaaliga ahaan waxaan u dirayaa tacsi alle waxaan uga rajaynayaa inaysan caruurtiisu ka fitnoobin. Soomaalida waxaan u diri lahaa talo casharka waxbaa laga bartaa si aad imtixaanka dambe uga lug baxdaan. Horta codkii aad siiseen waa laydiin haystaa yomul xisaab ee in badan ka istaaqfurulaysta. Waxaadna barataan in ilaahay shaqada u qaybiyay rag iyo dumar oo uusan waxba isugu darin Xagga nolosha aabuhu waa walaaya ama ababiye ama taba bare haday noqoto hogaanka wayn ababinta ubadka dhaqanka suuban Waana masuuliyad lugala xisaabtamayo dhimasho ka dib. Naagahan lugta layskala boodayo hadafku ma'ahan walaalayaal. Hooyaduna waa "xadaana" ama ilaaliso, waa dhakhtar rabaaniya tusaale hadii ilmuhu sadex bilood jira ooyo way garanaysaa meesha laga hayo. Dhulka gaalada kasoo noqda sida ugu dhakhsaha badan waa talo kal iyo laaba. Hadii ay idinku adkaato marwo muslina haday idiin timaado codkiina ha siinina, waxba idiin qaban mayso inay ceeb idiin keento mooyee, Codka waxaa siiya inta badan gaalada ayagoo leh xaquuq baa ka maqan dumarka muslinka ah si ay shabaqoodu u gasho. Caqliga ha la kaakiciyo walaalayaal xoogaa meel qoraxa ku orda. Waxay la mid tahay adinkoo rag iyo dumarba dabaal aqoon inaad gabadhii sharks ama libaax badeed u tuurtaan.
  16. Remove firimajo,who has 1000 pilots in afrika?
  17. Hawada cid kale hanaloogu dhiibo ciidan yaan noloo samayn. Cadow aan doqon ahayn, wuxuu ka fiican yahay, doqon quraanka yaqaan. Horumar ma leh hiigsi ma leh han ma leh kiintaal dhuxula ha la'ag fadhiyo oo dhirteenii ku dabar go'day wuxuu awoodi la'yahay xataa inuu beeshiisa si xor ah ula tartamo.
  18. Odweyne Waxba kalama socotid arimaha mujtamaca soomaalida waqooyiga Guryahaas jiirku ka buuxo ee london, isagasoo tag oo dadkaaga dhex gal si aad wax badan u ogaatid Snm'tii xag jirka ahayd waa sii dhamaanayaan, wax yar baa ka haray oo aad ku jirto. Dadku xoolo ma'ahan meel lagu xarayn karo, aqoonsibaa soo socdana way ogyihiin inaysan waxba ka jirin laakiin daruufta yaa ku khasabtay inay been mashxaradaan. Mushkiladda waxay ka jirtaa koonfurta oo jacaylka xukunku ku batay ayagoon nabadna haysan, waa intaa kaliya waxa labada shacab oo walaalaha ah kala hortaagan. Taas been kama sheegayo anigaa kaaga xog ogaalsan, ama rag iska celin yaa ku been legaday. Mida kale Adigoon qofna caayin iyo beel wax ma sheegi kartaa? mise waa caado aan laga maarmi karin?
  19. gooni

    Caasho Badhi

    Dad iska haajiraya oo mulucoodu dahab ka qaalisan yahay waa la yaabka aduunka. Waxaan fahmi la'ahay markii la dhoofiyo oo xabadii 100$ laga bixiyo waxa ay daawada u tahay caasho badhidu? ! Cid magac kale u taqaan ii iga caawisa ma heli karaa? Mise waqooyiga kaliya yaa laga helaa aan u dhoofnee?
  20. Maakhir Madaxdu waxay ku fiican tahay markay xilka ugu sareeya soo qabtaan inay is ilaaliyaan kana fogaadaan inay meelaha hoose fariistaan. Nimankan waa looga nixiyay madaxtinmada "sas" iyo filanwaa bayna ka qaadeen, ilaa iyo hadana waxay isu haystaan inay xilkii wali hayaan. Waligaa cabdi qaasim salaad waxaan talo ahayn maka maqashay? Ma taqaan sababta? Haybada degdeg laguma samayn karo waa wax wakhti dheer u baahan. Saaxiib erayga 'Mamid' soo garan maysid? Laga yaabee soomaalidu way kala dhul fogtahaye, inaad eray kale u taqaano. "Mamid" (Mamay) waxaa loo isticmaalaa dadka iyo noolaha kale, labadaba. Waxaa la "Mamaa" markii oon ama haraad iyo gaajo isugu kaa darsanto oo biyihii laguu dhiibo. Tusaale Markii haraadku kaa bato gaajada waad ilowdaa biyahana iskama qaban kartid inaad heshid qof kaa naxa oo kaa qabto mooyee. Bahalada dilaaga ah waa sidoo kale, hadii ay neef dilaan marka hore dhiigay ku mamaan, waxaana laga yaabaa inuu indhaha isku qabsado xataa hadaad waran la kor taagan tahay, lagama fujin karo. Nimankaan waxay ku mameen dhaqaale iyo mansib lagamana yaabo inay nastaan, ama xataa xusbiyada ay isku darsadeen qof cusub uga tanaasulaan oo ay meel fariistaan Ma garan karaan in lasoo tijaabiyay inay macno wayn ku fadhido.
  21. Galbeedi Soomaalidu libinta waxay siiyaan "beel" ee qowmiyad ma siiso, waana nadaam aan kusoo jirnay mudo aad u dheer, sidaa daraadeed waligaa haka filan inay qowmiyad ahaan u arkaan guul kastoo la gaaro. Hadii aad tiraahdo war gaalka ha raacin, waxa duulaanka lagu yahay waa daĺkeenii hooyo, wuxuu ku jawaabayaa si fudud adba beeshiinu shalay bay la socotay ee ma maantaad muslin noqotay, beri markii la gaaro waa sidoo oo kale. Waa nadaamkii keenay in wiilkii soomaaliyeed ee galbeedka ku lumay uu gaal lugaha u leefo odaygiina uu afrikaan la uunsado. Ma jiro dad dhaqankaas leh koonka aan ku noolahay markii ay noqoto "wadan" ama dal. Wadiniyadoodu waa caadifad ficilkooduna waa qabiilaysi aniguna ka mid baan ahay mucjisada lagu arkay umadda soomaaliyeed. Usoo noqo mowduuca Waxaan ku raacsanahay tigreega OO. Gaalada uu maraykanku ugu horeeyo waxay ugu talo gashay inay soomaaliya la dagaalanto xag-jirka agagaarka shabeelada hoose kaliya, nin kastoo la doortana wabigaas ma dhaafi karo, xaduudkana ay u daayaan beesha caalamka iyo shaqaalahooda ilmo reer "land". Ma jiraa qof ku kalsoonaan kara jubaland yaa xaduud noo ilaalinaysa? Jawaabtu waa maya haduusan dhimirka ka xsnuunsanayn. Kenya waxaa lagula taliyay in farmaajo laga takhuliso doono doorashada dambe inta ka horaysana ay gacanta kasii dhunkato waa takhdiid afrikaanka lagu kala seexiyo. Mushkilada ay wajahayaan oo ku cusub waxay tahay aragtidayda Ciidan soomaaliyeed oo hal calan garabkiisa ku dhegan yahay oo dalkooda ka amar qaata, hadana ilaalinaya xaduudkooda waa xisaab aysan waligood ka shaqayn iskuna darsan.
  22. Khadafi Walaal ra'yigaaga alaha kuu barakeeyo waa siday kula tahay. Xasan shekh nin fiican oo maamul goboloodyadu jecel yihiin buu ahaa taas layskuma hayo Asaguna dantiisa gaarka yuu ku qaabili jiray asagoo dhoola cadaynaya ayaguna sidoo kale. Wanaagga dhinacaas lagama fiiriyo waxaa laga fiiriyaa gaariga uu samaynayo taayiradii uu ku dhaqaajin lahaa iyo taarikadiisii aaway? Somaaliya dad badan baa waxay ku doodaan dawladaan intay la dagaalamayso federaalka maxay xagjirka afgooye jooga ula dagaalami wayday? Cadàwga koowaad xag-jirka ma'ahan aragtidayda, ee waa federaalka loo ekaysiiyay kali talis gaara oo madaxa loo waynayay. Suuro gal ma'aha inaad jid qodax leh ku lagayso oo aad xag-jir la dagaalanto,adigoon qodaxda iska wareejin. Ma jirto sharaf ka wayn askari dhufays uga jira xaduudka baled xaawo oo gabar reer baadiya ah caano u keenayso ayadoon aqoon qabiilkuu kasoo jeedo iyo meeshuu ku dhashay midna. Hadda wax yar baa haray gaarigii sadex taayir waa loosoo helay ilaahay mahadi. Waxaa harsan hal mid ah iyo kii isbeerka ahaa, una malayn maayo midka harayna in baraanbur iyo shir lagu difaaci karo.