gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Meesha waxa yaala waa dhaqan siyaasadeed. Waa maxay dhaqan siyaasadeed? Dhaqan siyaasadeed waa yaan horay loo socon ha layska daba wareego. Wax kala goyntu waa arrin khatarteeda leh laalkiin waa inaad geesinamadeeda leedahay. Puntland waa hooyo aan doonayn in caruurteedu guriga banaanka uga baxaan. Taariikhda muqdisho in beel yeelato puntland yaa u sabab ahayd, waa markay soomaalida u kala saareen beelo anagoo barwaaqo ku jirna qabyaaladna ka raysanay. Maantana ayagaa diidan inay miraha iska mayraan. 91kii yaa muqdisho lagu kala adkaaday dadkii ku adkaaday abaal marin bay rabaan dastuurkaa u ogol in wadanka beel walba meeshay joogto ka taliso. Guryaheenii niman sodon jir ah yaa deggan oo aan garanayn caasimadda iyo waxa laga hadlayo midnaba. Xoog hadii la waayo waa in xeel la helaa si wadanku horay ugu socdo. Usc 13 kursi yaa la siiyay inay muqdisho ku matalaan waa guul ayaga kaligood usoo hoyatay. Waxay la mid tahay adigoo gabar ka doonay reer usc, oo sooryo u siiyay 13 dhagax oo dahab ah. Haday wax kasoo celiyaan waa dhaqankii soomaalida lagu aqoon jiray, waana arrin wanaagsan. haday la aamusaan, ayagaa iska leh adiguna gabadha iska barakayso ayadaa barako badan. Puntland cidna u afduubnaan mayso intaas ka badan walaalayaal meelna nooma wadaan. Waan ka sharaf badnaan lahayn sidaan nahay maanta, hadii usc dhinac kastaba u adkaan lahaayeen, magaca waxa sameeya beel ma'ahan waa dal cidii doonta ha hogaamiso.
  2. Puntland waxaa alle siiyay shacab wanaagsan waligayna waan amaani intaan noolahay. Siyaasigooda, yaa mar walba khariban waana nasiib isku beegmay. Qoor'qoor way tijaabinayaan inuu sidii "xaaf" qaraab u baahanyahay iyo in kale waxayna miiska saaraan mar walba keychain calanka carabtu ku sawiran-yahay. Waxay hoy siiyeen sun-wa jameeca oo ilaa iyo hadda dhib ka dhex wada gobolada dhexe. Macnaha puntland waxay badeshay Ethiopia oo dalka laga burburin jiray wayna soo dhawaynayaan mucaarad kastoi hubaysan. Gobolada dhexe waxaa laga rabaa inay wax fahmaan oo iska daayaan isbaarada fikirka iyo tan jidka labadaba, dadkooda iyo dalkoodana u shaqeeyaan.
  3. Sheekha khayr allaha siiyo, inuu nabad qaato wuu asiibay oo dhib intaa ka badan aan loo sii gaysan dadkiisa. Laakiin inuu snm halgan ku sheego waa meel ka dhac aan culamada u wanaagsanayn.
  4. Waa hadal qiimo badan oo sax ah. Laakiin carabtaa waxay ku maah maahda من يقع في خطأ فهو إنسان ومن يصرعليه فهو شيطان Qofkii khalad ku dhaca waa bini-aadam balse qofkii kusii socda waa shaydaan. Walaalayaal, walaalo yaan nahay snm ma daawayn karto. Aduunka dad is dila waxaa ugu horeeyay haabiil iyo qaabiil samirkana waxaa baray "tuke" waa shinbir. Hadii qof ka dhintana 30 sano bay miiska oohin ka tir-tirayaan oo samirkeeda ma'leh. Hadaad dhahdo xaal qaado oo qowmiyadoo dhan hogaami iskuma kalsoona. Hadaad dhahdo siyaasadda geeska afrika bay ka hor imaanaysaa in la idin aqoonsado mana shaqaynayso,waxay oranayaan adinku na hor fariista oo noo geeya beesha calamka, si aan shacabka been ugusii sheegno. Aragtidayda waxaan qabaa in fanaaniintooda la maal geliyo ayagaa aakhirka noo keeni doona.
  5. No need war anymore my friend,if we unite again we will be the best nation on earth. We got enough experience.
  6. Amaantu haday xadka dhaafto waxaa laga yaabaa inay kusoo baxdo lacag uu lunsaday.
  7. Wax walba oo wanaag ka iftiimo waxaa alle looga rajeeyaa inuu waafijiyo wixii khayr ku jiro. Mudug waxaa ku nool dadka soomaaliya ugu caqli badan siday ayagu aaminsanyihiin, waxaana xukumi kara nin ka caqli yar. Hadaan sii fasiro nin ayaga dhagaysta wax isku wadi kara dulqaad leh inuu geesi yahayna qarsan kara.
  8. Maakhir Farmaajo wuxuu ogyahay in shacabku u af-duuban yahay mujaahidiin been abuura, waana tan keentay inuu qodabadiisa tiir uga dhigo is dhex-galka bulshada. Ninkan ay tacsidiisa diidayaan waa wiriye aqoonyahan iyo qoraa allaha u naxariisto waana nin wax kasoo asaasay snm. Xog ogaal yaa wax kula wadaagi kara miisaami kara meeshii dani ku jirto. Kala-taggu waa muqadas xal ma'ahan iminkaba ma wada joogno waana isku dhibanahay. Xag-jirka snm waxay guul ka dhigayaan beesha caalamka yaa na hor fariisatay. Beesha caalamku soomaaliya waxay u baratay beelo ahaan, uma yaqaanaan dhul ahaan. Snm waxay 30 sano ku fahmi waayeen 3 sano kuma fahmi karaan.
  9. Adam barre waa nin kenyati ah kenyati,keenyaati kale lagu badelayna wax wayn ma'ahan. Laakiin arrinta soomaalida isaga qasan waxay tahay luuqadda soomaaliga waxaa ku hadla dadka aan wax mansib ah meelna ka hayn sida anigoo kale, adigoo kale iwm. Soomaali meel loo dhiibay oo aan "master" ama "sayid" lahayn labo sadex kama badna taariikhda inta la hayo. Tusaale Aadan barre wuxuu codsaday in maraakiib dagaal kenya kula wareegto badda laysku haysto asagoo ku hadlaya luuqadda soomaaliga. Weli waa nin tol ah oo la jecelyahay oo dadkiisa dhinac uga jira. Killinka 5aad waa la mid Ina iley wuxuu calankooda ka saaray qaybtii yarayd ee buluugga ahayd si dadku ugu abtirsado xabashi qofkii diidana madaxuu ka gooyay Wali waa nin tol ah oo la jecelyahay xaqdarana ku xiran. Faratoon wuxuu ku hadlayaa luuqadda snm wuxuuna caalamka ka codsanayaa in soomaaliya lakala gooyo. ardada laas-caanoodna wuxuu ku amray inay tuute gashadaan si ay qaranimada snm u ilaaliyaan. Waa nin tol leh marada uu meesha suray cid kor u fiirin karta ma jirto. Sidaa daraadeed walaalayaal huunooyin Iska daaya caadifadda nin aan dal kula wadaagin tol kuu noqon maayo.
  10. Nin yaa beri sakaaraday, markaasaa islaantiisii rogi wayday nin kale oo dariskeeda aha bay oran jirtay ila rog-rog Maalinkii uu dhintay yaa mid kale usoo dhawaaday tacsi ka dibna si sarbeeb ah ugu sheegay inay ka war hayso asayda ka dib. Waxay ku tiri mid kale yaa ila rogrogi jiray marxuumka intuu xanuunsanaa. Edna dhakhtar hal eray lagama qorin berigii kacaanka odaygii cigaalna tacsi uma samayn waxayna ahayd liberal xor ah ama gabar soomaaliyeed wanaagsan. Maanta markay waynaatay waxay ahayd inay cuqdada ciyaalka kala dhex bexdo si ay u helaan noloshii ay kusoo raaxaysatay oo kale.
  11. Waxaan aad uga xumahay inaadnan fahmi karin garaadka hadalkiisa. Ujeedka hadalkiisu waa cumaamad waxba laguma xoreeyo, cumaamadu "rag"bay rabtaa. Aragtidayda waa hadal garaad Wuxuuna u sheegaya dadkiisa inay muwaafaqa yeeshaan oo aysan noqon gaadiid reer u rarran.
  12. Gabadha carabtaa warkeed maxaa ka jira marka meeshu xadaaradna ma leh nololna ma le?
  13. Cadnaan Aqoonsi ma'ahan walaal kuligeen waan aqoonsanahay inaan cidna is khasbi karin. Waxa ku dheggan koonfurta ma'ahan waa dadka ay aqoonsiga ka doonayaan, oo ka baqsan inay cawaaqib xumo hor keh ka dhalato markay cabireen caqliga beelaha soomaalida.
  14. turkigu wuxuu qaaradaha ugasoo gudbay inuu mandiqada carabta kharibo Wuxuu qaaradaha usoo maray inuu inuu xukumo baabul-mandab iyo badda cas ilaa badweynta hindiya. Somaaliya wuxuu ka samaystay saldhig aad u wayn. Ordagaan awoowgiis wuxuu aha qaraansina ama burcad-badeed wuxuuna joogi jiray badaha soomaaliya Turkey wuxuu doonayaa inuu ka xukumo mandiqadda carabta soomaaliya oo badeedu ka buuxo batrool iyo meesha ay ku taal oo muhiin u ah aduunkoo dhan Waxaas oo dhaqaale ah waxaa bixinaya doqomada Qatar. Okay su'aashu waxay Carabtu xagee jirtay intaasoo sano oo aan ka mid ahayn? Ma turkigaa indho u ah? Gurigyahooda cadaalad iyo doorasho xor ah maka sameeyeen? Waa khalad inay wakhti waa baryay candhuuftooda ku saxdaan. Carabtu waxay xoogga saaraysaa sidii ay midawga yurub xukuumadda soomaaliya uga hor keeni lahayd waa sida ay joornaaladu qoreen waana fidno socota.
  15. Maakhir Aragtidayda SSC farmaajo waxba uguma baahna haba yaraatee. Meesha waxa kuwada hadlaya oo aduunku ku dhex jiro waa beelo soomaaliyeed ayaguna waa ka mid, balse markaad beel kale dhabarkeeda istaagto cidna ku arki mayso. SSC, horay hasoo is taagto ugu yaraan haka xorowdo inaan beel kale dhulkooda ugu talin,cid ka tegi kartaa ama xaqiri kartaa ma jiri karto. Waxay leeyihiin taariikh,magac,dhul balaaran dhaqaale in masiirkooda la waydiiyo nin gabiley ka yimid farmaajo ma samayn.
  16. Independent? Geeska afrika iyo gobolkoo dhan suurta gal ka noqon mayso qarnigaan iyo kan soo socda. Snm waxaa kaliya oo laga rabaa inay kala saarto marqaanka iyo xaqiiqda. Eritrea oo nus qarni si dhab ah usoo halgamaysay, aqoonsigeedii waxba lagama faa'iidin malaayiin baa sii dhintay ama sii barakacay. Reer galbeedku dooni mayaan in soomaaliya iyo geeska afrika sidii tusbax furtay dhulka laga aruuriyo mar kale. SSC iyo waxaa soo raacay intii xag-jirka snm dulmisay.
  17. Nimankan fanaan iyo gabyaa wariye ka baqaya beeshu caalamku waxay markhaati ka noqonaysaa inaan lasii dayn karin.
  18. Yuusuf garaad Waa dubulamaasi qabiilayste ah ilaa yaraanteenii waan naqaanay inuu dab afuuf yahay. Islaantii dagaaladii sokeeye hargaysa ugu dhimatay iyo tii adeerkiis caydiid bateriga ku dilay maxaa farqi ah oo u dhaxeeya? Midna taaladeedu ilmay iga keentay midna madaxaygaba kuma jirto caqli gal ma'ahan. Cinwaanku waa hiilo caadifadaysan. Wuxuu qorayna waa wax kale oo aan waafaqsanayn cinwaankiisa. Waxaa la rabay inuu dhaho Soomaaliya maxay ku falaysaa midnimo? Waa dhexdhexaad boogahoo dhan dhayi kara markaad rabto inaad qiiq isku qariso. Faysal rooble wuxuu farmaajo ku nacay dhiibistii qalbi-dhagax laakiin cid garanaysa ma jirto wuxuu siyaad barre ku nacay. Aragtidayda waxaan is leeyahay waa labo arimood. Midda koowaad Cilmaanigu inta badan istaagay ku xaajoodaan way iska sanifaan dadka. soomaalidu waxay tiraahdaa koobkuu ka dhex arkay. Midda kale oo macquulkaana waxaa weeyaan Sida la sheegay ninmankan waa laandheere waa 8milyan, mana qabo in dhamaantood oday caraba oo miskiina uu kaligiis dhalay. Dadbaan ka maqlay abtir-ahaan waa snm dhalan rogmay alahu-aclam.
  19. Suldaan. Haday self funded yihiin oo 2 milyan oo dollar soo xareeyaan bishii, maxay uga baahan yihiin in beel lamida la habawdo oo dadkooda ka fogayso? Mise waxaad leedahay in loo taliyo mooyee canshuur ayaga kaligood iskama qaadi karaan? Maxaa diiday inay kula noolaadaan garoowe self funded oo la wada ogyahay inay wax ku leeyihiin? Wax qarsoon ma'ahan in snm xuduud loo diray dad badana damiirkoodii ka iibsatay. Ogowna waligaa inta snm madaxa ka taabatay kaliya ma'ahan reer ssc. Dhanka siyaasada wax wayn bay u tahay snm xuduudkaan joognaa ssc la'aanteed warqad dhinac jeexan bay jabuuti la imaan lahayd maanta waligayna waan ogaa cawaaqibkeeda. Waxba kama qabo inaad meelaha qaar iga gar leedahay.
  20. Maakhir Farmaajo inuu wax dhaqaajiyo waa ka daacad gudaha iyo dibadda labadaba wuu ka iibiyay, muhiimaduna waa intaas aragtidayda. Snm waa dhaqaale doon intiisa badana dhaqaalahaas waxay ku laaluushaan gobolada SSC. Hadii jabhad si dhaba ugasoo horjeeda ka kacdo goboladaas miiska wadahadalada waxay lasoo fariisan lahaayeen labo ama hal warqad kaliya lagumana wareereen. Waa shaqo ay puntland dayacday waana ceeb in hadaladooda loo dhagaysto sidii gabar masayrtay. Waxaad ogaataa waraaqaha ay hadda wataan waa xuduudkii ingiriiska waa waraaqo badan oo aysan ahayn inay miiska keenaan. Nimankan kasoo jeeda ssc oo garab socda snm ayagu waa hunguri, loomana qariyo inay anfac kula joogaan ayagoo ag taagan bay u sheegaan. Ma oga cawaaqibka ay leedahay arrinta ay ku dhex jiraan. Mulaca caruurtu way ku ciyaartaa asagana waa u qur-gooyo waa dalkii awoowe usuu dhintay waxa ay ku cayaarayaan. Su'aashaada aragtidayda. Farmaajo mudo kordhinta waxaa uga fiican doorasho sida mucaaradku doonayo ku dhacda siday doonto ha noqoto. Sababtuna waxay tahay mucaaradku waa qabiil soocan oo qabyaalad ku hadlaya, sidaa daraadeed waa fursad aysan kula tartami karin. Khaladka farmaajo. Farmaajo khaladkiisa ugu wayn waxaa weeye inuusan qabiilka ka wada tagin oo uu qaato inta dastuurku ogolyahay. Ma yaqaano qabiilada iyo dhaqamadooda waa ciyaal banaadirkii hore. Tusaale. Puntland intay asaga iska celinaysay bay sii dayacantay nin la hubana looma dhiibin sanadkaan. Reer puntland waxay jecel yihiin cid madaxa ka dhunkanta oo ku dhaha boqorow xagee reerka u rarnaa? way kuu godlanayaan waana intay sugayaan cashada ayagaa bixinaya adoon ogayn.
  21. Koonfurta, wax midnimo ka yar lama imaan karto taas waa la ogaa. Snm'na hanala raali geliyo intaanan fariisan waxaan ahayn waligood lama imaan Qaybta wax wada qaybsigu yaa ugu roon lakiin ma soo saari karaan passport labo calan ku sawiran yahay oo labada shacab ku dhoofaan? Intaysan aasin wada-hadalka waxay la dar-daarmaan gudiga kala taga oo ay ka codsadaan inay soo qufaan dhawr sano ka dib. Habartaas luuqada ingiriiska ku hadlaysa yaa u talisa ragaa meesha maraya dhamaantood, been idiin sheegi maayee mid wax kala goyn kara meesha ma imaan waligoodna kama dhalan. Waa dhaqan ingriis in habar laga dambeeyo aduunkoo dhan bayna kasoo taliyeen.
  22. Cadaymaha aan hayo dhamaantood waa faqash sources. You won't believe me.
  23. Garoowe oo uu ka qodbaynayo bay snm 30km u jiraan, af-hayeena wuu u noqday shalay markii federaalku daawada geeyay buuhoodle iyo badhan. Xuduudka uu xog ogaalka u yahay xagee ku yaal? Af hayeenka baarlamaanku wuxuu ka cod xildhibaanada inaysan wax su'aala waydiin madaxwenaha oo dhidid badan ka muuqdo darteed
  24. My dear do you read Somali language? The best sources is truth and will not make you happy. If you see someone his father died that war, before you wipe his tears. ask him, did his fother killed someone? Sure he will say no. because nobody likes to be son of the killer we are all innocent. Civil war no winners or losers but snm must stop crying as soon as they can The tutsi are leaders of the nation today and move on, they don't separated their country. Do you know the reasons? Because they have a real history not the one you looking for.