gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Haa walaale waa sidaad u sheegtay qosolka kaliya ka reeb. Ciidanku asagaa iska bur buray waxayna ku kala biireen qabiiladoodii intii dagaalada sokeeye ku dhimatay mooyee, wixii soo haray ayagoon guno hawl-gab qaadan oo duqoobay bay meel kasta ku noolyihiin warayso. Ma jirto ciidan iyo maxaabiis snm gacantooda galay intaan ogahay Wixii dhicidii xamar ka dambaysay magacyada mujaahidiintu way bateen xoriyadiina way dhalatay dadkuna ayagoo fadhiya bay wax badan qoreen waa intaas casharka beenta ah oo caruurta loo dhigo.
  2. Cimrigu waa waxa kaliya oo markuu siyaado is dhima. Snm waxaa badbaadin kara dhalinyaro maskax cusub wadata. Saleebaan-gaal, adna iyo muuse biixi waxba u keeni maayaan waana shir tacab khasaara. Khudbadooda dhagaysta markuu shirku dhamaado hadii alle idmo. Waxay oran doonaan si gaara yaan beesha caalamka u qaabilnay waxbaana kala socon doona, sodonka sano ee soo socda. Cadaawad aan shacabkoodu qabin bay gaalada ka iibinayaan waa macruuf la wada ogyahay. Tan caasumada kuma qancayaan aragtidayda. Hogaanka sare ee qowmiyadoo dhana, kalsoonideeda waa in la baraa wakhti aad u dheer bay u baahantahay. Waa laga yaabaa in yar oo isku habara inay cod iyo qof ku doortaan oo qudheedii dulum looga kala tagay. Warkayga markaan soo koobo sawirka ay gaalka la galaan yaa uga muhiimsan walaalahood soomaaliyeed.
  3. Xaaji Qaybtii 26,aad 21,aad 54,aad 60,aad Wa qaybihii ciidanka soomaaliya ugu qaybsanaa gobolada 60aad waa koonfurta 21aad waa gobolada dhexe 54 aad waa gobalada bari 26 aad waa waqooyi Qaybta ciidanku waa sadex gaas oo laysku daray. Gaaskuna waa sadex guuto Qaybtu waxay noqon kartaa ilaa dhawr iyo toban kun. Waqooyigu waxba kama duwanayn qaybaha kale marka laga reebo difaaca cirka oo aad loo xoojiyay dagaaladii Ethiopia iyo ayadoo ahayd caasimadii 2aad ee soomaliya. Laakiin markay snm doonayso inay na barto mujaahidiintooda bir-jeexaa bay wax wayn ka dhigaan Q26aad. Ciidaankaas sidaa u haybaysnaa wuxuu lahaa sirdoon ciidan oo aad u xoog badan. Wuxuu kaloo lahaa policemilatery edaabtiisa iyo dhaqankiisa ilaaliya. Dagaaladii koonfurtu waxay saamaysay ciidamadii oo dhan meel kasta ha joogeen Waxay kala raaceen qabiiladoodii iyo goboladoodii Waligaa ma maqashay xero ciidan oo snm la wareegtay askartiina maxbuus u noqdeen? Ma dhicin ayagoo hubkooda wata bay hor mareen. Arrinta kaliya oo snm ku caqli badnayd waxay ahayd hunguri kama gelin hubka iyo ciidanka ka guuraya Sababtoo ah haday la dagaalami lahaayeen maanta mujaahid la waraysto hargaysa ma joogeen ugu yaraan waa isku dhamaan lahaayeen. Hadaad caruur tihiin iska dhaafa dagaalada iyo cuqdada oo naftiina diintiina iyo dalkiina anfaca. Hadaad dad waa wayn tihiina ciyaalka cuqdada hanaga barina oo ilaahay ka baqa.
  4. Faa'iido nooguma jirto khaas ahaan iyo gaar ahaan inaan taariikh snm caruurta u qurxisay ku haraadno. Labo midkood snm taariikh haka dhigato waa talo nin wayn. Waa nala laayay, oo waa kuwaas lafaheenii, ilaahay xagiisa unbaan ka noolahay inta naga hartay. Waan guulaysanay oo kuwaas lafihii faqashta waana iska xoraynay. Labadaas wixii kasoo hara waa lagu wareerayaa meel loo raacana lama yaqaan. Waligeed ciidan snm leedahay iyo urur ciidamadii soomaaliya ah meel la yaqaan isagama hor imaan. Waydiiya mujaahid aan qayilin. Dhuumaalaysi iyo qoraxdu ha dhacdo buu ahaa dagaalka snm ilaa koonfurta dhacday. Snm waxay xasuuqday is dhex yaacii labo qaxooti, wayna imaan maalin lagala xisaabtamo insha-allah. Qaxootigii degenaa boorame agteeda oo oromo musliimiina ahaa, ayagoo ku raali gelinaya master'kooda mingiste iyo rajiimkii Ethiopia. Iyo qaxootigii somali galbeed oo walaalkeen suldaan janjawiid ugu yeeray. Waa lafahaas waxa ilaa iyo maanta banaanka yaala si ay aqoonsiga uga qayb qaataan.
  5. My dear. No need evidence.Spreading hate and false information omong the people worse than atomic bombs. Am not denying civilian casualties but when you send bullet from your window don't blame kitchen fire to anyone.
  6. Siyad barre never ordered civilian massacre, but there was street war and human shield in the city.he was a patriot wise leader protecting his country any kind of enemy either from locals cowards or outsiders.
  7. gooni

    Ufayn Puntland

    Maakhir Waan kugu raacsanahay 100% dadku markuu wax isku dayo ma khasaaro ugu yaraan khibrad bay helaan. Bacaad celintii shalaanbood ilaa maanta waa la dugsadaa geedka tiinka dhegtiisa yaa bacaad laga dhex taagay, waa wax aad u sahlan aadna u faa'iido badan. Reer barigu dad jilicsan ma'ahan waa xalaal quudato hadaad doonayso inaad dulmiga aduunyada taal ka fogaato buurahaas iska fuul, laakiin geed ha isku tiirin dad baa leh oo xabag ka gurta. Mushkilada maamulka puntland yaa dadka been u sheegay waxay is leeyihiin maamul dekad dhisaya tuubo ma alaxami waayin. Intuu farmaajo joogo tuubo lama alxami karo miyuu leeyahay adeer deni?
  8. Don't believe all what you hear.learn the history, which is not very far. The snm history is not good as they tell you.please go home and ask both sides what happened. Waraabe siyaad barre isma aqoon sida uu maanta u hadlana uma hadli karin taas waan hubaa. Dimuquraadiyadu looguma talo galin soomaalida dhaqankeena iyo diinteena ma waafaqsana Shuuciyadu diinteena ma waafaqsana laakiin dhaqankeena way waafaqsantahay waana in lakala baqo. Hadii aad doonaysaan inaad hadalkayga beenisaan ama rumaysaan is waydii labo su'aalood. Wixii siyaad barre ka horeeyay see ahayd soomaalidu intii ka dambeeyayna sidee noqdeen? Nin kastoo markuu siyaad barre dhintay ka dib kuu sheega siyaad barre waan la murmay iyo sidaas yaan kuu iri been buu kuu sheegay. Ninka intaas awooda asagoo hadlin yuu siyaad baŕre dhintay allaha u naxariisto. Maantana dadkii uu ilaalin jiray baa afka furtay oo laga harsan la'yahay.
  9. Walaalayaal sii faafiya arrintaas si dadka soomaaliya leh u baraarugaan. Walaalkiin Mudane Faysal Rooble. Dadka soomaaliya leh oo uu aqoonyahanku la hadlayo xagay joogaan? Ma soomaalida jubaland baa? Ma hir-shabeelaa? Ma kuwa puntland baa? Ma snm baa? Ma reer muqdishaa? Ma Onlf baa? Su'aalahaas wuxuu nooga jawaabi lahaa aqoonyahanku markuu asagu wadaniyad leeyahay ama ugu yaraan uu halgankii meel noogu sheego. Laakiin hadda wuxuu la hadlayo waa sheekh shariif iyo CC shakuur, ayagaana looga fadhiyaa inay dhulka iyo badda soomaaliyeed noo ilaaliyaan.
  10. Biyuhu waa nolosha qudheeda maamul tuubo alxami waayay, yaan wax wayn laga sugin, isku tashada ilaahayna tawakala reer ufayn.
  11. Mushkilada meeshay ka jirto ma garan karaan. Intaysan CID usoo dirin may is waydiiyaan gabdhuhu maxay xamar ka doonayaan? 200km oo ragii ka tahriibay intii soo hartayna qaad seexiyay, dhaqaale jirin, gabdhuhu ma miiskay dhunkanayaan? Muqdisho gayaan iyo dal baa kajira, haday ka buraanburaan iyo haday ka heesaan aqoonsi soo dhaw fogayn mayso.
  12. Nimankuna shareeco iyo sharci midna ma yaqaanaan. Shareecadu kan dambiga galay kan arkay bay ka hor xukuntaa, macnaha kan sii faafiya hadii ceebu ku jirto. Ciyaalku markay waalidka u baahan yihiin waa markii caqligoodu is badelayo ama teenager'ka ay yihiin. Qof kastaana xasuus gaara bay ku leedahay noloshiisa intuu nool yahay. Ceebta kaliya oo aniga ii muuqata waa kornaylka kaamarada u dhiiba.
  13. Muxuu yahay meeqaamku?! Ilaa iyo hadda wax noo fasira ma hayno si sax ah. Aragtidayda meeqaamka waxay ula jeedaan markaan dhagaystay in badan. Qofkii ku dhashay xarar dheere kii ku dhashay ceel-garas iyo haduu ku dhasho jawiil, kii ku dhasha matabaan. xamar isagaa iska leh, waana inuu helaa xaqiisii qabiilnimo oo dastuurka waafaqsan labada gole la mariyaa madaxweynuhuna saxiixaa. Meeqaamka ay doonayayaan waa sidaas garashadayda. Waa hagaag, anigu waxaan ku dhashay gobol, aabahayna wuxuu ku dhashay xamar. Waxaan isku guri ku dhalanay nin iga xiga muqdisho oo xaquuq qabiilnimo si dastuuri ah ku helay. Sidee xaqaas labo muwaadin caasimadoodii ugu kala yeelan karaan? Muqdisho markii iigu dambaysay waxay ahayd 13 degmo waa wakhti aad u fog waxaan daris la ahaa dad soomaaliyeed oo kala duwan guryaha ay degenaayeen ijaar ma ahayn ayagaa dhistay. Waligay madaxayga ma gelin reer baad marti ugu tahay. Muqdisho hadii reer yeeshay oo waabari, hodan iyo boondheere laga dhex doono gudoomiye usc ku abtirsada haduu doono hobyo haku dhasho caasimad ma noqon karto. Hadii xaafad walba degaan iyo wax qabad ay qofka ku doorataan qabiilna dhinac iska dhigaan tartamaan waa caasimad. Waa tan ugu fiican lagana yaabee aqlibiyada ugu badan inay yeelan lahaayeen wixii 90kii ka dambeeyay ayagoo jahli hadalka aamus ku badelaya. Hadii sanetoro qabyaalad iyo sad bursi ama "baad" lagu siiyo sida farmaajo codsaday, waligood waxay ahaanayaan isbaaro miinaysan meelna la gaari maayo. Waxaan dhagaystay dad ay ku sheegeen aqoonyahan, waxaan dhagaystay oday dhaqameed, waxaan dhagaystay culumo aragtidayda dad soo dhaw ma'ahan. Aqoonyahanku waa inuu yaqaan xisaabta ugu yaraan ku dar iyo ka jar dadka isu yimaada waxaa faa'iidada badan keena dadka yimid magaalo waa tan laga helo qabiil kasta asgoo xor ah la dooran karo waxna dooran karo dhisto kuna ilmo dhalo. Culimadu waa inay taqaano in la adeeco alle iyo rasuul iyo awlu-amri dadkana caqiidadooda hagaajiyaan Oday dhaqameed waa inuu kala saaraa fikirkiisa gaarka ah iyo kan beeshu hoos kasoo dhistay. Intaasu markay saxmaan waa la saxmayaa. Hadii kale dhul banaan ha la raadiyo oo cusub ha lagu dego 4.5 si loo helo caasumad loo wada dhan yahay.
  14. Dadku markay mansab la yaqaan soo qabteen yaa la aqoon karaa. Dadkii la yaqaanay oo taariikhda fiican waqooyiga ku lahaa waa ka dhinteen alaha u naxariisto dhamaantood. Kuwaan qoraxdu hayso yaa iminka hor taagan taariikh iyo xigmadna loogu imaan maayo. Faysal waraabe haduu shaqo fiican hayn jiray asagaa laga maqli lahaa.
  15. Ninkaan hadalkiisa iyo madixiisu way kala hor maraan Soo ninkii lahaa inta saxaafada isugu yeeray muse biixi yaan maanta u tagay hooyadayna wuu caayay anigana waa isoo dhirbaaxay. Waa ku xumahay inuusan ogayn miisaanka taladuu bixiyo ay leedahay. Allaha caafiyo.
  16. Dadka degan hadii loo daayo aaway caasimadii dalka oo dadka ka dhaxaysay? Gaalnimo iyo caqlimo xumo haysku darsan. Ma waxaad doonaysaa in UUNSI caasumad kasta naloogu dirsado xataa tii aan u dhalanay?
  17. Cadaalad afrika kama jirto hadii xoog iyo fawdo lagu raadiyo wax kasii fool-xun yaa loo tagaa. Maamul xun maamul la'aan buu dhaamaa.
  18. Walaal reer miyigu markii xalaashoodu ka lunto sida geella, ariga, lo'da, iwm. ma taqaan siday u baadi goobaan? Waxay fiiriyaan dhulka iyo cirka labadaba. Hagaag dhulka waa la gartay oo waxay ka eegaan raad, maxay cirka ka eegaan? Cirka waxay ka eegaan "haad" ama gorgor iska daba wareega oo samada fog laga arko, meesha uu ku dhacayo ama ku degayo yaa la beegsadaa waxaad ugu tagaysaa xalaashii intii ka fiigtay ama ka hartay. Qabiil iyo qabyaaladaysi way isaga kaana qasmeen, waxaan maanta kor taaganahay waa "raq" waxa soo haray in yar oo neef tuuraysa oo aad u daallan. DNA, waa la joojiyay marka laga reebo arimo kooban dhibkiisa yaa aad u badan qoysas badan baa ku dumay. Aragtidayda waxaa ila fiican is xulafaysiga DNA'gu waa nasii qasayaa. Afartan sano niman isku saxan ahaa oo qayb isku raacay, waa amaano isku raagtay oo dhigmaysa inay is leeyihiin, xaqiiqdiina waan is wada nahay.
  19. Walaale suldaan. Qabiilku wax xun ma'ahan hadii dad caqiido iyo caqli leh isticmaalaan. Waan kugu raacsanahay in reer waqooyigu ay ku yarayd wax is daba marintu markii loo fiiriyo koonfurta. Mawduucu halkaa ma'ahan. Reer jabuuti iyo duriyadu isku jufo ma'ahan. Reer boorame iyo duriyaduna isku jufo ma'ahan. Hablaha buraanburaya iyo duriyadu shaqo iskuma leh Biyo maal iyo duriyaddu isma lahan. Dadkaan waxaa laysugu daray xulafaysi siyaasadeed, doorashooyinkii kacaanka ka horeeyay, laakiin dhalasho ahaan isma galaan. Intaa miyaad igu diidantahay? Waaba ka fac wayn yihiin soomaalida kale sida taariikhda iyo marxafka noo taal. Wiilka ina haashim ah oo duriya loo bixiyay ma dhalan markay ayagu jireen waa qabiilo guun ah oo soo jireena, beel yar oo shalay labisatay abtikooda meelna isagama soo dhacaan. Hadii la samaynayo taariikh dhalasho oo cusub waxaa fiican inaan soomaalida qaar laga tagin, qaybna laga qaadan wali dad badan baa jira .5 ku dulman.
  20. Magacaan beeshe dhexe yaa lagu badiyay asal ahaan berigii ina cigaal wasiirka koowaad iyo musuq maasuqa laysku dooran jiray. Jabuuti ilaa qoryeelay ilaa saylac burco ilaa gabiley maroodi jeex ilaa boorame ilaa maashaa-alaah. Balse xaqiiqdu sidaa ma'ahan waa khariidad siyaasadeed oo aad u wanaagsan dhaqanka soomaalida beelaha yar looma ogola inay goonidooda u istaagaan ama waxay ka dhigaan .5 waa dhaqan hore oo jaahilaydii kasoo jeeda. Faa'iidada meeshaan ku jirta waxay tahay beel yar oo aan iskeed u istaagi karin yaa meel ay ku istaagto loo helay tii lagu darayna macnawi ahaan waa sii hagaagaysaa. Social mediaha yaan waxaan ku arkay in badan jiil dhalin yaro ah oo qabyaaladdu madax martay oo sax ahaan u aaminay beelihii lagu daray sida beesha dhexe iyo usc. Aragtidayda waa arin lagu farxo runtii maalin waxaa imaan doonta kuligeen aan isku darsami doono.
  21. Madaxdaan, mudane farmaajo yaa na baray waxayna si fiican nooga iibiyeen kartidooda ayagoo madax banaan. Waa arrin wanaagsan inay xoriyadooda ku meel maraan dalkooda iyo dadkoodana horay usii wadaan.
  22. Muqdisho waa isbaaradii igu dambaysay wax walbana wakhti ay dhamaadaan bay leeyihiin. Anagaa marti naloo yahay iyo thuma walaahi waxay ka dhalatay dagaaladii sokeeye. Berigii hore dameer aan daba gelis lahayn kuma socon karin muqdisho, amarkana xasan abshir oo garoowe ku dhashay baa iska lahaa, taa macnaheedu waxaa weeye soomaaliya yaa caasimadeeda lahayd. Lahaanshaha ay sheegayaan waxay ula jeedaan markii dadkii soomaliyeed oo dhan qaxeen oo usc' isku dishay, xaafaduhu waxay noqdeen dhufays ay ku kala gabadaan. Macnaha ninka hobyo ka yimid hawl-wadaag asaga iska leh maanta oo waa dhufayskii aabihiis ku dhintay Ninka ceel-dheer oo galgaduud ka tirsana, kaaraan asagaa iska leh oo waxaa ku yaal dhufayskii cali mahdi qoday. Dayniile beel baa iska leh waana degomo cusub oo xeryihii military'ga laga bililaqaystay. Kaxda waligay ma maqal waxaa la ii sheegay inay xoosh kasii dambayso, ayadana beel lahjada somali galbeed ku hadlaysa yaa wax laga waydiinayaa. Qaymihii xamar lahayd dhulkay geliyeen bi-macnaa kalima. Si kastaba Muqdisho meeqaam m'oryaan lagu abaal mariyo ma istaahisho waa magaalo madax soomaaliyeed. Hadii dad la abaal marinayo dadkii guryahooda laga dhacay ha loo soo celiyo, kuwii laga dumiyayna ha loo dhiso, balse ninkii wax dhacay oo wax dumiyay ha la abaal mariyo waa arrin caqliga kasoo noqonaysa. Ha la waydiiyo imaamka iyo aqoonyahanka usc maxaa laydinku abaal mariyaa oo aad wadanka iyo muqdisho u qabateen?
  23. 4.5, waa waxaan la qaadan karin, doorasho shacabna kuma imaan. dastuurna wali soomaali ma yeelan. Sidaa daraadeed nimanka puntland ku matala federaalka waa sharci daro, aan masiirka reer puntland wax shaqo ah ku lahayn.!! Arintaasu waxay iila muuqataa aragtidayda, inuu ula jeedo nadaamkii puntland iyo federaalka horay uga dhexeeyay waa burburay dhamaantiis. Wixii hadda ka dambeeyana waxaa laygu imaanayaa jabhad cusub oo gacan saar la leh snm. Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray tacsi uu u diray muuse suudi asagoo uga tacsiyeeyay wiilashii gololey ku dhintay allaha u naxariisto dhamaantood shakina geliyay cidda ka dambaysay. Macnahiisoo dhan markii lasoo koobo waa mar labaad aan siyaad barre iska xorayno anagoo inteenii ah oo isku duuban.
  24. Shaki kuma jiro inay snm 5km horay u sii soconayso markastoo khilaaf dhex galo nadaamka puntlad. Mida maxaad ka oran lahayd snm iyo ssc. Waxaa ila fool-xun inaan arko nin darwiish ah oo soomaaliya cadaw ku sheegaya, aamus yar ka dibna snm ka sugaya inay u sacabiso,biyuhu markay dhuunta mar waayaan waa laguu yaabaa. Hablaha quruxdoodu waa nabad iyo guri-samo been yaan lagu dhaarin tuutahana halaga bixiyo.