Nabad_dadaye

Nomads
  • Content Count

    318
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nabad_dadaye

  1. DIINTA Diinta islaamka wexey karaameysay bini aadamka oo idil , wexeyna dadka ku hagtaa wadada saxan balsen bini aadamka ayaa ka weecdo oo raaco hamigiisa Allah wuxuu quraanka ku sheegay ch3 v 64 (waxaad tidhaahdaa nabiyoo ehlu kitaabka ukaalaya kalimada (odhaahda) aan usiman nahay anaga iyo idinkaba oo ah ineynan caabudin Eeba mooyaan aanan waxna la wadaajin ,oonan ka yeelen qaarkeen qaarka kale eebayaal hadey jeedsadaan waxaad utidhaahdaa marag noqda inaan muslimiin nahay '') .Eeba aayad kale wuxuu ku leeyahay suuratul baqara v 256( qasab ma ahan diinta galideeda ) . islaamka wuxuu xoriyad usiiyay inuu qof walba caabudo wuxu rabo ,lakin muslimiinta waxa laga rabo eey tahay iney u cadeeyaan dadka xaqa eeysanna ku lahey wax xoog ah ama qor qabasho ah . islaamka ma ogolo in laga beensheego oo barabagaando laga suubiyo kutub kale , balse la cadeeya un kutubtii hore wixii ku qornaa iyo waxa lagu soo kordhiyay kuwaas oo ka hor imaanaya kuwa kale eey aamin san yihiin .
  2. Music= xalaal 100%. life is short whit out music life is boring. music existed from the time humans start to walk on this planet. walaal maxaa daliil ah ood heysaa ee baneyneyso music mise nafteena yididiiladeeda ayaan raacnaa . walaal dafka sida qabow loo tumayo ayaa banaan lakin music waalan ee labaatanka aalad leysla tumayo waa xaraam sida culimo badan ka maqlay mana arkin qof dhahayo music oo idil waa xalaal . heestana qeybta hadalka waa un laba midkood hadey ereyada fiican yihiin waa xalaal hadii ereyada ey yihiin kuwa xun ama aflagaado ah waa xaraam .
  3. @burahadeer walaal arinta gabadha waa wax yar marka loo eego qof muslim ah dhiigiisa in la daadiyo , dunidan oo la rogo ayaa ka fudud in qof muslim ah xaq daro lagu dilo , diinta weey cadeeysay wexeyna kala leedahay muhimid , hadii meel lagu laaynayo muslimiin eyna jiraan waxyaala kaloo macsi ah ,waa inaan horta ku hormarnaa sidaan dilka uga hadli lahayn ,laakiin taasi ma ahan inaan ka aamusno dadka xumaanta rabo iney faafiyaan. dilka wuxuu kamid yahay 7 danbi ee ugu waaweyn ,in ciqaabtiisa adagtahayna waxa ka arkeysaa aaayada quraanka fiiri ch 4 v93 . dilka qof muslim oo labaneystana waa danbi ciqaabtiisa dunida laguugu soo dadajinayo iskaba daa tii aakhiree. wax yaalahan eey alshabaab suubinayaa sida dilka , xitaa hadii qaarkood eey niyad fiican ku suubinayaan wexey ka hor imaaneysaa wisdomka islaamka loo soo dajiyay ilaa hada dagaalka iyo dilka wuu socdaa waqti eey dadka gaajo u dhimanayaan , iney mas'uuliyad qof xukun lagu riday qaadaan iska daayee dadkii caadiga ahaa ayey cunto u heynin . laakiin waxaa nasiib xuma ah qof muslimna uu aqbali karin in dadka qaar eey isku xiraan qaladka qaar muslimiin ah iyo diinta islaamka ,kuwaas oo uga faaideysanaya xumaanta eey dadkaas suubinayaan si eey udacaayadeeyaan islaamka . qof taageersan dilka qof muslim ah lagu dilo xaq daro inuu ka hadlo mahaboono gabar muslimad ah oon cowrada sidii larabay u u asturin , qofkaan xaqnimada islaamka aaminsaneyna waaba qalad inuu wax diinta islaamka ku suubsan uu ka doodo .
  4. waa yaab in dadkii shalay diidanaa eey maanta ogolaadeen gargaarka bini aadanimo , waxaase muhiim waqtiga uu ku soo beegmay go'aankaan . waxaase laga yaabaa in arinku uu laxiriiro qodobadan soo socoto midkood :_ 1: in dadkii lalaayay ee sida fazuul iyo yarkii la dhintay iyo madax kaloo waaweyn oo la laayay ee ka mas'uul ahaayeen diidmada . 2: in uu jiro khilaafaad dhaxdooda ah ,ooy qaar daruuro ka dhigeen in loo furo wado dadka kaalma gaarsiin karo shacabka ,qaarna eey diidan yihiin 3: in isbadalo iyo dib isugu laabasho eey suubiyeen kadib dhimashadii usaama bin laden AUN . 4: iney dareemeen in uu shacabkii nacay taageeradiisiina aad u yaraatay maadaama eey ka celiyeen dadkii wax ukeeni lahaa ayagana eysan heynin awood eey ugu gargaaraan ,so wexey rabaan in taageerada shacabka dib u helaan . qodobadaan oo dhan waa macquul , Ellah ayaana og waxa saxda ah .
  5. walaalayaal waxaan u jecleystay inaan cinwaankaan bilaabo waa inaan arkay in islaamka loo tiirinayo waxyaala uusan shaqa ku lahayn lagana dhagayo diin dil,dhac, gacma goyn , aanan dumarka xuquuq siinan , shaqaalaha xuquuqdooda ku tunta . wey jiraan waxyaalo ka dhaco dad musliin ah lakin eysan ahayn wax diinta ku raacsan tahay . qodobada uu islaamka kusoo koobo xuquuqda aadanaha waa 1: diinta 2: nafta 3: caqliga 4: maalka 5 : sharafka iyo hadey jiraan kuwa kale walaalaha ayaa ku daraya.
  6. alshabab hadey qalad gasho ma matasho umada muslim ka dhan , waana qalad in diinta dhaqangaliskeeda loo fahmo iney tahay gacmo jaritaan ,dhagax ku dilid ayadoon lasoo habeynin wixii ugu muhiimsanaa ee larabay in la qabto . ugowna in waxa dhacaya eey yihiin wax eey diinteene noo sheegtay 1430 kahor eey noo sheeg sababtana noola sheegay , rasuulka swc wuxuu yiri xadiith macnahiisa uu ahaa ( hadaadan wanaaga is amrin xumaantana iska reebin waxaa laidinku ibtalaynayaa madax xunxun oo idin dhibta markaas ayaad gacma kor utaageysaan laakiinse la idinkama aqbalayo ilaa aad diintiina usoo laabataan ) . arinkana ma ahan in diinta lagu gabanayo si qofka loo aamusiiyo laakin waa in wixii xaq ah la sheego . mida kale waa maxay doorka aan ku leenahay bulshada si aan diinteena u fidino ,xumaantana isaga reebno , dhiboo dhanna wuxuu ka yimaadaa dulmigeena iyo xumaan falideena . waana ka xumahay hadaan hadalka dheereeyay . walal burahadeer aan dareemaya inaad ka xuntahay dhibka ka dhacayo umadeena dhaxdeena laakin maxaa nala haboon inaan wax ugu qabano.
  7. burahadeer;732256 wrote: will these people let rest of us have discussion without injecting religion everywhere;seriously it seems they organised to shut down whateva they don't like. Quran says thieves must be amputated & adulturous stoned,but who follows(may be saudia),but who else?Had somalis done being muslim 700yrs(with exception of less than 10% of country controlled by shabab for couple yrs now);answer is NO.Do they do in indonesia,malaysia,gulf states,jordan,pakistan,iraq,syria,lebanon,egypt,libya,algeria,tunisia,turkey etc.Answer is NO.Do they have liquor stores,bars in all these countries.Answer is YES.Do muslims do same crimes otha faiths commit.Answer is YES.Does good # of muslims drink/smoke/date.Answer is yes. Does all these sins forbidden/haram in Islam?answer Yes.Then why muslims have always been doing??? That's is the way it's been thru millenia & is going to be thru millenia... .Religion is not absolute.There are certain verses people refuse to accept...like amputation/death by stoning. Ask urslv why somalis refuse to accept for 700yrs & don't tell me u only know it.Why all these countries mentioned don't carry out???Again people don't take wat they can't swallow...yes they see it barbaric & yes it's in the Quran?any answer for that...no you don't have it.The only thing you tell me is all these gov'ts are corrup thru 1000s of yrs & that u r implementing now,ofc with force.Now look urslv in the mirror & don't lie to urslv....people r going to live their own lives & no one can dictate. One more question? Why all 4 countries with islamic extremism non arab(iran,pakistan,afganistan,somalia) .Proofing to ur masters!!!!!! Take that to your head & sleep tight. walaal hadey su'aashaasi madaxa ku wareerisay jawaabteeda wey fududahay , islamku waa diin dhameystiran qofkana inuu raaco ayaa naftiisa dunidiisa iyo aakhiradiisaba u fiican ,mana jirto wax layiraahdo waxaan diidayaa qeyb ka tirsan diinta waxaana qaadanayaa qeyb fiiri ch2 v 85 , xukunka qofka diido aayad ka mid ah quraanka ee yiraahdo ma aqoonsanina wax shaki ku jira ma ahan . hana umaleynin dhibka hada dhacaya inuu waligiis jiray 300 sano ee ugu horeysay imisa qof ayaa dhagac lagu dilay imisaana la gacan laga gooyay xitaa ma gaarayaan labaatameeyo . waxad sheegtay ee dhibaatooyin waa sax balse taas ma wexey baneyneysaa diinta wexey sheegtay ,waa maya , hadey 30milyan oo muslim eey qamro cabto ma xalaalbey noqoneysaa waa maya , gaalada badanaa su'aalaha noocaan oo kale ayey dadka ku wareeriyaan si qofka uu u yiraahdo diintaan waa diin dil iyo gacma goyn waxaas oo idilna diinta barri bey ka tahay . markaan saa leeyahay kama wado aniga kaligey baa fahamsan balse qofkastoo diinta islaamka wax ka yaqaano wuxuu ku leeyahay waxaasi waa qalad . su'aasha maxey 4 wadan een carabta ahayn argagaxiso kadhigay ? marka koowaad noo sheeg waxa aad ula jeedo extremism , ciraaq , xamaas , xizbulaah ayagana maxaad k leedahay . walaal aan xaqiiqda ka hadalno ee yaanan propagandada dadka qaar u qaadan iney sax tahay .
  8. @Aaliyyah walaal aad baad umahadsantahay dhan fiican ayaad ka fiirisay lakin waxa aan ka hadlayo ma ahan walaasheen waa si guud inaan isu dhowrno , bini aadam weeye weyna qaldami kartaa towbadana wey furan tahay , gabadhuse qoraalkeeda un baan aragnay ee ma naqaano ,gabdha badan oo muslimaad ahna wey aqrisanayaan thread kan so ma fiicno inaan wixii qalad ah ee leysu qarinayo aan ka qabano dadka xumaanta faafinayo , wixii kalana aan ugu hanbalyeyso . muraayadana xumaanta si hoose ayey kuugu shegeysaa waa sax waa sida ugu fiican , waana tan aan suubineyno maadaama aan muslimiin nahay waxa naga qaldan hoos ayaan isugu sheegeynaa , qarintaasna waa inaanan ku ceebeyneynin balse aan rabno inaan isa saxno , dhaxdeena hoos hoos maadaama eey uu waajib na saaran yahay. waadna ku mahadsantahay fikirkaaga fiican walaal .
  9. alshabab hadeysan taageero ka helin wadama kale miyay intaan soo gaari lahaayeen mar horaa daaqada laga saari lahaa . wadamada IGAD markuu xanuunka gaaray ayey leeyihin Eritrea cunaqabateen hala saaro , mahadey ogaanayaan in hubka ugu badan ee soomaliya gala uu kayimaado eritrea iyo xabashida , in laga qabto wadanka waaye kuwaasi .
  10. The way this lady chooses to dress is none of your business. It is something between her and the one who created her. So stop talking badly of her based on the way she chose to dress. how haram music is, and that one should listen to the quran walaal waad mahadsantahay hadaad walaalahaga xumaanta ka reebeysid , qab labiska gabadha waxa looga hadlayo mahan in xumaanteeda lasoo bandhigo ( aniga fikirkeyga) lakin wa jeceyl loo qabo walaasheen si dadaalkeeda usii hor mariso eeyna ugu shaqeyso mihnadeeda sidey ummada wax ugu qaban lahayd , runtii aad baan ugu baahan nahay gabdho dhanka media ku can baxay ,si eeysan gaalada u oran muslimka dumarkuu celceliyaa xuriyad malahan , cilmaga kama qeyb qaataan taas oo gabigeda been ah , lakin waa inaan ogaanaa intaan mihnadeena ku jirno inaan eheyn sidii qof deysana ah haduu qofka cilmi u lahayn inta fahamsan waa iney baraarujisaa , muslimiintana wexey isu yihiin sida muraayada ,sow markaad muraayad hor istaagtid isma saxdid waxa kaa qaldan hadaba wixi qalad ah waa inaan iska saxnaa , fikirkaada ku saabsan music waan kuugu hambalyeynayaa walaal . in is wanaajino un baan taaganahay ,ee qalad ha ii fahmin .
  11. Everything forbidden under Islam....do wat you have to do.This strictness is last 20yrs since rise of fundamentalism walaal islamku wa hab nololeed leh amaro, reebeysana xumaan , qof kastoo muslim ah waxaa laga rabaa in uu waaniyo walaalki taasna ma ahan naceyb , xaasid waa qofki kugu arko xumaan ee kugu fiirsada ,sababtana wa in maalinta aakhiro uu dacweyn doono walaalka aan xumaanta ka celin , walaashen ma dheheyno dharka noocas xiro ama group noocaas ku biir lakin waxaan isu dardaarmeynaa un wanaaga . diinta qof walbo iyo naftiisa wadankana dadkuu ka dhaxeeyaa waa waxa lagu yaqaano secularism iyo dadka aan ogoleen in la raaco kutubta Alla soo dajiyay .taas wexey keeni kartaa in la yiraahdo , homosexual ayagey u taalaa , qamriya cabta ayagey u taalaa , oo marka aaway waxaan aaminsaneyn iyo diita na faraeysay inan wanaaga is farno xumaantana iska reebno , xasuusintana wexey anfacdaa qofka muslimka . mathalan hadaad aragto walaalkaa oo wata boorsa lacag ah uu kusoo guuleystay kuna socdo wado eey tuugo fadhida sow uma hableyneysid marka hora tan xigtana sow ugama digeysid inuu wadaas maro , hadaadan u sheegin ma xaasidkiisa ayaad tahay mise xoriyada socodka ayaad dhowrtay.
  12. waalidkana waxaa fiican inuusan ilmaha ka hor istaagin wexey rabaan laakin tusiyo wadada saxda ee diinta islaamka qabto , waxa ubanaan iyo waxaan ubanaaneyn diinta iney tahay way of life eeysan ahayn shey masaajida un ku eg ,inaad journalist noqoto diinta wey baneyneysaa lakin axkaamta kalee faaidada u ah noloshaada waa inaad ka fikirtaa . gabdho dhanka saxaafada ah waa loo baahan yahay maadama bulshado eyan eheyn rag un kaliya .
  13. faduma nuur runtii dadaal badan bey suubisay weyna ku guuleysatay iney biladaas hesho ,lakin sida hadalkeeda ka muuqdo hadaanan laga qorin ,wuxuu cadeynayaa ineysan aqoon weyn u laheyn diinteeda islaamka ,maadaama eey ka dhigeyso ( arinta maxramka ama adeecida waalidka wax dhaqan ah ) eeysan ahayn wax diinta ku jiro eebana u dajiyay si loo dhowro maslaxada bini aadamka , tusaale ahaan safarka eey soomaliya ku gashay eey alshabab wareysiga kula yeelatay waa halis maadaama aadan ogeyn waxa aad kala kulmeyso dadkaas qaar sidoodaba ciyaal suuq ah ayaa ku jiro kufsi iyo dhacba ey ugeysan kareen lakin Illaah ayaa un ka badbaadiyay , waalidkeeda kama waramin waana gabar taasna waa arin sideeda udhib badan , lakin towbada wey wey furan tahay cowradeeda iney dhowrato waxyaalaha diinta ka hor imaanayana iney iska dhaafto ayaa wanaagsan .
  14. alshabab reer burco,xamar kismaayo,pakistaani meeshuu rabo hakasoo jeedo waa un alshabab . waxaase doqonima ah hadii dadkaas eey rabeen iney isaga baxaan soomaaliya oo wadama kale galayaan hubkiina gadi rabeen wax loo dilaba ma jirin , iney alshabaab isaga bixi rabaan baa laga yaabaa . hadiiisa la dhaho qofkii alshabab ahaan jiray oo dhan waan jarjareynaa wax ka baxaya alshabab majirayaan wana fikir laga fiican yahay . alshabab dhalinta hadey qaldeen waa in loo fududeyaa sidey uga bixi lahaayeen ee ma ahan in lagu celiyo goobtooda .
  15. ciidanka mareykanka sidey ku ******** meesha inuu saldhig alshabab ku yaalo waxaan filaa qaar alshabab iney ka tirsan yihiin matalaayo ayaa la shaqeynaya Mareykanka . waa isla qaabkii lagu dilay xaashi ceyrow . lakin mareykan hadii la dhaho duqey alshabab shicibkeey dhameynayaa maadaama cadaawad kale eey qabaan . alshabab xamarna wey ku jilceen madaxdoodiina waa ka dhamaadeen xerooyinkoodina waalaburburinayaaye halkey galidoonaan . dadkoona iney dhinac ka raacaan wax u dhaama runtii malahan hadii kale daaadka baaa qaadi doooono.
  16. aad bey u fiican tahay in la canaanto madaxda dowlada iyo wax qabad xumadooda , dowlada iney horumar gaari weydana waxaa u sabab ah in madaxda lagu soo doortay hab beeleed eeysanna eheyn yaa wax yaqaan ama u qalma jagadan , baarlamaanka inta uqalanta kursigey hayaan ma gaarayaan 30% , waxaas oo xumaan ah ayadooy jirto un waa lasameyn karaa hadii laisku dayo , taasna waa hadii PM cusub uu shaqa si fiican u guto .
  17. ethiopia iney xuriyada saxaafada eeysan ka jiran waa wax la ogyahaye maxaa labada cadaan meesha geeyay ayagaaba waalan waa hadii uu warka sax yahay. ONLF ayaan 15 ka dilnay waa dacaayad lasuuq geeynayo , imisaa shacab ah oon wax galabsan ayey dowlada xabashida dishaa kuwaas mamaqalnee maxan ka aqrisaneynaa beenteeda .
  18. waa wax laga xumaado arinkaas , lakin maanan fahmin ujeedada loo dilayo . laascaanood ma waxaa ka jira burcad hubeysan aaway ciidankii wadanka , tan kale maamada waa qof jaga sara heysee aaway ciidankii ilaalin lahaa , somaliland dadyowga oo kale waa iney amnigooda sugtaa .
  19. lectures noocaan oo kale walaal waa muhiim ee hadad hesho soo geli walaal
  20. Alxamdu Lilaah , ee qalbiga walaalkeen ku hanuuniyay islaanimada , gaaladu waxa eey u baahan yihiin in daaha looga qaado waxa uu yahay islaamku , maadaama media uu dadab dhigay dadkii iyo diinta islaamka , maalin walba marak dood diineed la qabto waxaad arkeysaa ayagoo diinta islaamka soo galayo . walaahi hadaan u dhabar adeegno sidaan diinteena islaamka dadka u gaarsiinlahayn , dad badan oo qarka saaran ayaan hanuunkooda sabab unoqon lahayn . gaalada badan kooda waxaa mugdi badan uga jira waxa eey aaminsanyihiin ,su'aalo badan ayey qabaan eeynan jawaabtiisa ka helin kitaabkooda meesha kaliya ee jawaabahooda oo dhameystiran iyo waxkastooy qabaan sharxaya waa diinteena islaamka .
  21. subxaanalah waa arin laga naxo in aan iftoono cilmi la'aan teeda kale ma ta'wiilkaaga baad wax ku gaalaysiisay mise daliilkaagu waa sheekh hebel baa yiri mase ogtahay in gaalnimo ku xukumida ay u xilsaaranyihiin dadka layiraahdo ahlu xali walcaqdi. waad mahadsantahay walaal abdiwahid , towbadana Allaha nagu wada duwo , su'aashan aan soo weydiiyay ee kor ku xusan runtaa jawaabteeda wexey muhiim u tahay walaalo badan oo SOL ku jira , ilaa iyo hadana mahelin jawaab .
  22. Waa talaabo fiican oo soomalida u roon , waxey u egtahay in farmaajo uu jeexay wado fiican iyo in wax qabadka uu keenayo taageerada shacabka . horeyna waa loo arkay waxqabad la,aanta iyo corruptionka meesha uu ka bixiyay intii hore iyo sidey shacabka unaceyn , biilka hadii sidan uu ku sii socdo ,dad badan ayaa is qoraya ciidanka oo qutul yoon u raadsan doona taasoo xoojineysa awooda ciidanka dalka , kaas oo awood u yeelan doona inuu ilaaliyo amniga bulshada . taasna waxaa ka dhalan kara laba arimood 1: in alshabaab gabigooda meesha laga saaro . 2: in alshabab ogaado in dowlada eeysan ahayn mid jilcan oo ku tiirsan Amisom so wax looga baahan yahay amisom baanan jireynin alshabaab wax eey ku marmarsiyootana waa la waayayaa shacabka hada gaalo haka baxdo wadan kadib ayaan wada hadleynaa la leeeyahay wax loo sheego ma jireyso . so ama shacabkey dhan ka raacayaan ama dhulkaa lagu jiidi oo washamsi baa lagu qaadi sidii hogaamiye kooxeedyadiiba lagu sameeyay.
  23. qiyaano qaran maanan galin oo maxey tahay qiyaanada ,meysan ahayn in wixii laysku ogaa oo laga baxo , sow tii farmaajo iyo sh shariif eey diideen shirkii nairobi ee qeyba badan kasoo qeyb galeen ,mexeysa tahay farqiga u dhaxeeya kii nairobi iyo kan kampala , kii nairobi baaba dhaamaye ,hadiisa qaanuunka dalka aad ka weecato eed abaarto wixii hamigaada uu kuu sheegay sow ma ahan qayaano qaran mexeysa tahay jagada sh shariif hadiiba askari xun oo ugandes ah u caga jugleynayo PM ,kasoo shacabka taageerada ugu badneyd ka helay . halkeesa lagu arkay afhayeen baarlamaan oo latartamaya madaxweyne dal . waaba yaab ,meeshu waa leyska cayaarayaa , qoom kalana indhahey usoo xirteen oo labada kaley toogan rabaan cajiiiiiiiiiiiiiiiiib!!!!!!
  24. nuune waa runtaa walaal arinkaas mar horaa madaxa lagu socodsiiyay , meeshana wax baarlamaan la yiraahdo oo shaqeeya ma jirto xitaa ayagii baa qiranaya in hadalkooda uusan qiima lahayn ee sakiin go,aanka gaaro . kalfadhiyada baarlamaankana malahan waqti go'an oo la furo ama la xiro waqtiguu sakin doona ayaa lafuraa waqtiguu rabana wuu xiraa . hadey soomaalida xidaa wexey dhoodhoobteen eey raaci lahaayeen dhibba muusan dhaceen , mashaqaduse waa waxaan doona baan suubin .