Nabad_dadaye

Nomads
  • Content Count

    318
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nabad_dadaye

  1. rasuulkeena muxamed (Pbuh) wuxuu heshiis la galay yuhuud ,marka arinta taagan waxaa la rabaa in lagu xaliyo sida ku haboon , hadii Amisom oo joogto TFG lala hadlo ma danbibaa ii sheeg . walaal iiga jawaab su'aashan . caqliyan keebaa fudud ooy dadka u arkaan xalka ugu dhaw ma in lawada hadlo oo la heshiiyo kadibna meesha laga saaro ,mise in dagaalka sii socdo ilaa Amisom xoog looga saaro ? waxaan filayaa mida fudud iney cadda hay hadii umadan muslimka loo daneeynayo .
  2. Haday AMISOM baxdo, gaaladuna wadanka ka faaruqdoo, talada soomaalida ku soo noqoto dadka wadanka iska lahee muslimiinta ah. Walaahay waan hubaa Shabaab maynan ka soo horjeesan lahayn. Maalin kasta idaacadaha labo shay bay ku soo celceliyaan "AMISOM inay baxdo, iyo in dadka gaalada keenay ay yihiin Gaalo! walaal jawaabteeda horaan kuu siiyay kor ayaan kusoo xusay , shacabka wexey rabaan hadii labaxayo in shabab iyo amisom dhamaan eey faraha ka qaadaan . Alshababna ma ahan urur soomaliyeed oo xuriyada wadanka u dagaalamaya waa urur caalami ah oo rabo fikirkiisa inuu meel maro xitaa hadey shacabkoo dhan kasoo horjeestaan sidaan ayeey u dagaalamayaan , mathalan maghribal carabi shacabka aljeeriya wey kasoo horjeedaan Alqaeda iyo fikirkeeda lakin dhag jalaq uma siiyaan oo qaraxyada ayey wadaan kumana xirno in ajnabi uu kuu joogo iyo in kale ,alshabab waxey rabaan iney dagaalamaan ilaa eey ayaga usoo haraan meesha , ahlu sunna gaalnimey ku xukmeen , TFG iyo wexey isku fikir yihiina gaalnimey ku xukmeen inta kalana yaan war laga dhageysan bey dheheen . hadaba sidee loola tacaamulaa dadkan . culimada muslimiinta dunidana fikirkan inu qaldan yahay ayeey isku raaceen xitaa kuwa soomaaliya waad aragtay ineey sh shibile iyo umal marwalba aflagaadeyaan , hey'atu culamaa ul muslimiin eey ka diideen naseexada wax walbooy suubiyaana uwexey u arkaan tawaabitka diinta iney tahay.
  3. Mida labaad, marka ugu horaysuu Shariif maxaakiimta daba maray, soo khiyaano uu ka galay ummadda muslimiinta ah maynan ahayn? Hadii aynu dhahno Maxaakiimtu dawlad bay ahaayeen, maxaa asaga kaliya ka saxay, oo dadkii safka kula jiray ee uu qaar soo tababaray maanta ka dhigay "khawaarij"? sheekh sharif bixitaankii uu ku aaday asmara fikirkeyga ilama qaldano maxaa yeelay wexey keentay in uu bixitaanka xabashada uu fududeeyay , dagaalba ha jiree lakin waqti dheer ayey qadan lahayd hadaan dhahno dagaal ayaan ku saareynaa waa taad ogeydeen in kaaraha xabashida uu magaalada wareegayay wax istaajiyana la waayay. mida kale mujaahidiintii shalay ma aqaano waxa loogu koobayo alshabab , sh shariif iyo intii ugu waaweyneyd maxaakimta wexey ku jiraan dowlada 250 pm ee sharif uu ku soo daray wexey ahaayeen dadkii taageersanaa ee lacag ama af ku dagaali jiray. mas'alada culimada aniga ma maqal shibile ama umal oo dowladan sharif gaaleysiinaya , waxa eey dhahaan waa inuusan meesha jihaad ka jirin ,axkaamta diintana eeysan cid walba sidey rabto utadhbiiqin karin iyo in arintu fitna tahay maadaama labada dhinacba eey musllimiin yihiin . farqiga u dhaxeeya ethiopia iyo Amisom waa in kuwan danbe eeysan kusoo galin wadanka qaab dagaal iyo aargudsi sidii xabashida ,wexey u yimaadeen amni sugid goobo kooban oo wadanka ka tirsan lakin xabashida wexey dagaal joogta ah ku heysay shacab ka oo marwalba eey wadooyinka ku laaynjirtay (waxaan ka wadaa inta aanan hubeysneyn ) .
  4. rasuulkeena muxamed (Pbuh) wuxuu heshiis la galay yuhuud ,marka arinta taagan waxaa la rabaa in lagu xaliyo sida ku haboon , hadii Amisom oo joogto TFG lala hadlo ma danbibaa ii sheeg . calanka waa shicaar tusayo qofka aad tahay , alshabab waxa eey calanka u qaateen ma rasuulka ku dayashaa un ,rasuulka kan sucuudigaba noociisa wuu qaatay laakin waa cadeyn iney ka tirsan yihin al-qaeda oo dunida gaalada iyo muslimkaba kasoo horjeedan , anaga basicgii baan la'nahay ,miyaanan noolaan karin anagoo Alqaeda taageerin ,in la taageerana ma waajib baa . hadad qalbigaada ka taageereyso adey kuu taalaa lakin in faraha laga qaado hadii wadan ku badbaadayo maxey u diidayaan .
  5. walaal miskiin anoo kuu ixtiraamaya fikirkaada lakin waxaan filayaa in dhabta saas ka duwan tahay ,Amisom waa gaalo kuuma diidani , dan nooma wadana waa macquul laakin waxaa dhab ah iney kaa celineyso inaad disho walaalkaa dowlada ku jira , mida kale in gaalo wadanka soo gasho maxaa keenay ma dowladaa iska rabto mise lafaheeda ayeey ku badbaadinee . example hadii walaalkaa uu rabo inuu ku dilo dhiigaadana baneysanayo xalkalana aadan heynin inuu kula hadlana uu rabin miyaadan qof ku taageerto raadsaneynin , ninkii shalay idili rabay hada iska *** qofka ku ilaalinayo sideen ku aaminaa waa aan ku dilee garabkaada baneey . taas fikir makula tahay . in soomaaliya la badbaadiyo hadaad rabto maad wada hadalka aqbashid yaakuu diidan inaad la hadsho walaalkaa ( lakin waan ka xumahay walaaltinimaba alshabab ma ogola murtad ayeyba ku shabadeeyeen) , sidee loola dhaqmayaa dadkaas .
  6. war gaalada xitaa wey suubiyaan ayagoo bible wato , lakin islaantani hadey God xasuusatay waa qeyr qaarbaa wax xun ku qeylin lahaaye. xitaa hadey waalantahay lakin wali ereyo fiican eey xasuusan tahay waa OK .
  7. maxaabiista wexey dareemaan cariiri ,xuriyad la,aan , iney meesha laga saaro waa waxa eey ugu jecel yihiin , hadal macaan iyo jiif fiicanna mahelaan , kalama dooran karaan qolka lagu xirayo inuu nadiif noqdo ama dagan yahay. laakin guurka waa opposite ,sidee hadaba laysla meel dhigayaa guur iyo xabsi . soomalida wexey tiraahdaa guur waa samir ,waa lays dagaalayaa oo carab iyo ilkaba wey is qaniinaaye . haduu uu samirka kaa dhamaado wanaagna jirin xalbey leedahay waa inaad wanaag kukala tagtaan .
  8. marka hore raadso qof naftaada ku qanacsantahay ,aadna isla jaan qaadi kartaan ,kadib salaatul istakhaara u tuko rabina u bari ,hadii eey qeyr ku tahay waa kuu fududaanee hadii kale Rabi ayaa kaa leexin . lakin marka koowadba hadaad ku barato meel xun calaaqadiinana horana macsi ka buuxdo guurkiina munkar miiran laga dhigay ,halkeed barako iyo reynreyn ka sugeysaa. guurka wanaagsan runtii waa jano aduun oo kale , ka fiirsi ayuu ubaahan yahay intaadan galin , ninkana haduu mas'uul noqdo gabadha si fiican ula dhaqmo training fiican siiyo wadadaas ayeey waligeed ku socon waa hadaad adiga ugu horeysid ( gabarnimo ku guursatid).
  9. shacabka hadeey dhan kaa maraan waligaa ma guuleysaneysid ,alshabaabna waa ilmaha /waalidiinta/walaalaha ,hadaba cid walba hadey ilmaheeda cesheto yaa dagaalamaya islaan walbo ninkeeda waniso . waa ogahay in arinka uu dhib badan yahay lakin waxaan loo dhibtoon mirahiisa lama gaaro.
  10. soomaali maalin un bey heshiin oo nimceysan , waxaanse u baahannahay dad hogaamiya yaal ah oo soomaalinimada daacad ka tahay diyaarna u ah iney u dhintaan ,hadii la helo dad noocaas ah shacabka wey wada raacayaan, soomalida wey bislaatay wax hogaan fiican u noqdo ayeey weysan tahay mooyee . soomaalida dibada joogto hadey banaanbax abaabulaan waxaa ku dayanaya wadamada kale sidaana waxaa ku balaabaya abaabul bulshadeed muqdisho ayey deetana ka bilaaban halqabsigana waa ( shacabka wexey rabaan in maamulka dowlada la hagaajiyo dastuurkana uu noqdo midka kala saara hey'adaha dalka) , iyo(alshabab danaha wadanka ayaa ka muhiimsan danta ururka )hadii dowlada musuqmaasuqa joojiso shacabkeedana daacad u noqoto inta lacag la'aan eey u geysan iney meela kale ku biiraan wey iska soo laabanayaan .
  11. Alshabab badanaa wexey ku marmarsiyoodaan Amison ha baxdo , lakin sidee lagu aamini karaa hadalkooda , Amisom wexey iclaamisay in 3 bilood gudahooda wadanka isaga bexeyso hadii nabad la helo , alshabab na waxey rabaan in Amisom baxdo inta hartayna eey kala ceyriyaan taasina wax ka dhageysanaya malahan . soomalida alshabab ku jirtana dhibka ma ahan ,hadey alshabab burburto nin walba cidiisa ayaa difaaceysa cali dheere cidiisa ayuu galayaa abuu mansuur beydhabo ayuu kasoo jeedsanaa lakin ninka ka yimid USA(alamriki) , Philipin iyo ajnabiga kale halkuu aadayaa intuusa ka baxayaa sow meesha laguma qabanayo , meeshaa weeye mesha eey xaajada ka qurunsantahay . anaguse ma qof muslim ah badbaadintiisa ayaa nooga fiican badbaadinta malaayiin muslimiin ah . yaanse hormarinaa ma boqolaal muslim ah mise malaayiin muslin jawaabta waa dhankiina.
  12. shacabka hami fiican ayeey heleen markii Alshabaab lagu bilaabay in goobahoodii laga qabsado ,dowladnimaana usoo iftiintay , diyaar ayeeyna u yihiin in eey wax walba ku taageeraan ciidanka si amniga magaalada muqdisho loo sugo ,kadibna gobolada . waa taas waxa eey shacabka soomalida oo dhan u taageersan yihiin raisul wazaare farmaajo . qofkii kasoo horjeesta rabitaanka shacabkana daadka ayaa qaadaye walee.
  13. somalida wadaninimadii ayaa kusoo laabanaysa , nabadooda iney ka muhiimsantahay taageerida qabqablayaal ayaa u cadaatay . dadka dagaal aan dhamaanin wey kasoo daaleen ,nabad ayeey rabaan . lakin waxa aan is weydiinayaa waa sharif sakin yaa dabada ka riixaya maadama uu san lahayn aqoon heerkan gaarsiinkartee . ( birruux biddam nufdiika yaa farmaajo) ( birruux biddam nufdiika yaa farmaajo) ( birruux biddam nufdiika yaa farmaajo)
  14. OdaySomali;726202 wrote: Calaacal oohin iyo baroor are not needed sxb. Many of the things you listed do happen in Somalia. the topic is development. soomaliya dad dhulkooda iney ka bursatay uma diidano iney soo laabtaan ,dhibkeena waa qabiil un ,lakin israel waa naceyb jinsi iyo diin somaliya masaajidada dadka ku tukanaya cimrigooda ma xadido sida israeleey masjidul aqsaa ku suubiso . somalida ma heystaan walaal sida uncle sam oo kala oo dhibkaada dhibkiisu uu yahay ,bal inaan burburno ayuu utaagan yahay . developmentiga aad rabtana sidaas ayaa lagu gaaraa. wadama kaloon sidaa suubin la imaaw sida Japan , singapoor , china , malaysia , German . xor baad utahay inaad israel buunbuuniso oodna noo qurxiso lakin waan ka dharagsanahay horumarkeeda iyo waxyaalaha u fududeeyay heerkaas.
  15. somalilander rabo in lacaayo somaliland taas waa yaab . xaaji xunjuf somaliland nimadaada shaki ayaa ka jiro maadaama wixii lagu aflagaadeyn lahaay aad soo bandhigeyso . madama umada somaliyeed eey necebtahay xabashi injirleey.
  16. laba shariif maxey ku ,maagayaan ninkan howsha adag ka qabtay alshabab mise waxaa larabaa in dowlada la burburiyo , alshabab na soo xogeysto . walaahi soomali ineysan wax caqli ah ku harin hadey raisul wazaaraha ridaan . ooy mid cusub soo saaran lakin barasha horteed ha i nicin ayey somali tiraahdaa aan aragno waxa eey shekadan ku dhamaato aniga ma filaayo in 2 sharif eey tuurayaan farmaajo.
  17. gooni;726026 wrote: Guurku waa daawo xididada dareenka u fura si firfircoon Inta kale hadaad ka dareento wadnahaaga wax qabow markaad aragto isku day inaad iska hubsato oodan markiiba go'aan ku gaarin inaad xuurto goyso. Imaanka ugu hor mari ,ku dooro dhawrsanaanta iyo amaana dhawrka asluubta iyo xishoodka waa xagga inanta. walaal waa sax hadii intaa sokeeya laga helo sow ma ahan wanaag fowqal wanaag ma ahan .
  18. Aaliyyah;726306 wrote: jacphar, I don't think qabiil should be an issue. As long as you both believe in somaliwayn. Of course if someone believes in division it wouldn't work!..salaam kkk walaal ina adeer iyo shisheeye un aan taagnaano hadii kale siyaasad ayuu thread ku isu badalayaa mana lasoo af jari karo.
  19. waa sax qofkii gaalnimo cad la yimaado ama diida xukun Illahey oo yiraahdo keena ka fiican ,in lagu gaaloobaya , galeysiinta dadkana waxa ku haboon culimada . diinta islaamka waa diin nidaam ma ahan isku dhaxyaac qof walba meel kasoo qeyliyo ,meela loo noqdana waa noola sheegay ,Rabi wuxuu quraanka ku leeyahay ( hadey uceliyaan rasuulka ama dadka cilmiga u leh oo ka mid ah ,waxaa ogaan lahaa kuwa lasoo baxa ee kamid ah ) ch 4 v 83 . diinta wexey qabtaa in culimada rabaaniyiinta loo daayo arimaha ku saabsan diinta, en leyska xukminin adoon cilmi dheer ama tafaasiil ka bixin karin , mana arag culimo su,aasheyda ka jawaabeyso marka inaan weydiiyo walaalaha igu dhaama weye , ee sidey niyadeyda jeceshahay ma ahan .
  20. jawaab iqanciso hadaan helo waa alxamdulilaah waa sida fiican .lakin hadii hamigeyga iyo rabitaankeyga kasoo horjeedo sida islaamka qabo ,waan ka tagaya sidaan jeclahay ,diinta sidey qabta ayaan qaadanayaa . gaaleysiin oo kaliya walaal diinta ma ahan , in qofka gaal ayaad tahay ama noqoneysaa qofka lagula boodo culimada wey diiday ,mana fududo arinkaas , rasuulka scw wuxuu yiri ( inuu ku hanuuno gacantaada hal qof ayaa ka wanaagsan inaad hanato aduunyado iyo waxa dhax yaalo) ,lakin hadad tiraahdo qofka diintaada waad ka bexeysaa bas inuu arbitarka yahay gaal , waa arin weynigeeda leh .
  21. hadaad rabto inaad gaarto horumarka eey israel gaartay waa inaad shacab leydaa , maalkooda dhacdaa gabdhahooda kufsataa , guryahooda dumisaa , dadka dhulkooda ka burisaa una diidaa iney soo noqdaan , maalintaad rabto aad weerartaa ,goobahooda cibaadada aad ku xukuntaa , da'daad rabto aad masaajida u xadidaa iney ku tuktaan inta kalana aad ka celisaa , dhulkooda aad xoog ku dhisataa . kadibna aad heshaa dowlad xoog badan oo ku gadaal taagan kuna ilaaliso ,qofkii indha kulul kugu fiiriyana u guudiso , difaacaadana ka dhigato wax waajib ku ah . sidaas weeye wadada ugu fudud ee horumarka israel oo kale lagu gaaraa hadii kale iska fadhiiso . Israel; a fantastic case study for development? inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicun .
  22. genius pauper.;725569 wrote: allow ninaan wax ogeyn hacadaabin. horaa looyidhi, ''guur sokeeye magalo'' ina adeer miyaad igu racsan tahay mise kulama qumana .
  23. dowlad adag oon helno wexey dowlada badan ka fududeyn lahayd dhibka qaxootiga soomaaliyeed iyo cabsida eey ka qabaan alshabab iney ugu soo dhuuntaan qaxootigaas ,waxaa kaloo istaagi lahaa burcad badeeda , xitaa inta dibada joogto oo mar walbo isha gaarka lagu hayo naftana loo keenay ayaa iska soo laaban lahaa dunida wey naga nasanlahayd anagana waan ka nasan lahayn . cilmiga iyo hantida eey dibada kala soo laabtaan ayaaba wadanka dagdag ku dhisi lahaa. lacag badan ayaan ka qadi lahay dadka isticmaalo badeena iyo hawadeena , qofka soomaaligana dunida ixtiraam buu ka yeelan lahaa .