Nabad_dadaye

Nomads
  • Content Count

    318
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nabad_dadaye

  1. somali dowlad adag wey u baahan tahay si burcada badeeda loo istaajiyo , lakin maxaa abuuray burcad badeeda ma lis weydiiyay , bada soomaaliyeed waxaa lagu shubaa qashinka nuclear ka dowlada ugu badan ee ku shubtana waa US , ciidamada badan ayaa meesha joogo ma waxaa laistaajin waayay dooman yaryar oo qoryo fudud wata jawaabta waa maya waxa uu mareykanka u fadhiyo badweynta hindiya waa inuu qashinka nuclear isaga shubo malayga badana xaalufiyo inta uusan dhibka nuclearka ku faafin . somali 20 sanoo soo socoto iney dabar go'i dooonto ayaan umalaynayaa .
  2. soomalina horey ugu maahmaahday ijiid aan kujiido waa gacma daalis . shacabka dowlad iyo kala danbeyn bey rabaan weyna daalanyihiin marka dad nasiyo ayeey rabaan ee dagaal iska soconaya wax rabo majirto , madaxda xorta ah waa iney fahmaan nabada wadanka iney wax walba ka horeyso .
  3. waa sax dadkoo dhan ineysan madax noqon karin lakin hada wexey joogtaa meel qaraar , in wadanka la badbaadiyo iyo in wadankan dhiban ee sakaraatka ah nafta lagaba saaro , dowlada maalmahan shaqooyin adag ayeey fagaaraha dagaalka ka wadaa horumar balaaran bey suubisay ,alshabaab na awoodoodii wey sii dhamaaneysaa marka ma ahan in fursad lasiiyo alshabaab .kala jabka dowlada wexey fududeyneysaa in alshabab dib usoo kabsado.
  4. hadey ismari waayaan , dowlada uganda waa iney ku cadaadisaa heshiis ama ciidankeeda iney kala bexeyso usheegtaa maadaama eysan wanaag rabin . hadey ciidanka amison laga bixiyo wadanka ,dowlada awood eey shabab isaga celiso malahan wexey keneysaa in wadanka uu shabaab qabsado , hadey arinkaas dhacdana 2 sharif wexey noqon doonaan dad dunada bananka iyo gudaha laga lacnado , madama greedy nimadooda wadanka ku burburay . labadaas go'aan ayaa hada meesha yaalo ,2sharif ayey u taalaa iney kala doortaan ( malabna sibir lamid ma'ahan)
  5. wey cadahay in laba shariifba jagada madaxweyna nimada rabaan ,labadoodaba xaq ayeey u leeyihiin lakin mid walbo wuxuu rabaa in tiisa looyeelo sharcigana laga boodo . sharif xasan runtii isaga ayaa murankan keeney isagoo og in doorashada baarlamaanka eey ka hor dheceyso mida madaxtinimada ayuu waqti ku darsaday .dhibkana halkaas buu ka bilowday ,lakin danta soomaliya ayaa ka weyn jago meel laga qabto , maadama eey martay xil ziyaadsigii baarlamaanka sheikh sharif waxaa fiican inuu danta wadanka ka hor mariyo tiisa wuxuuna arinkaas ku helayaa bilad weyn maadama uu soomaali uturay.wadankiina badbaadiyay.
  6. nuune;724965 wrote: You are putting into action the famous Somali maahmaah: "Waxaad taqaano guurso, waxaad taqaano ha kuu dhalaanee" . Marriage frictions & instability starts when close families ay is guursadaan, I will say, marry even outside the human race, explore our close allies, the inter-galactic extraterrestrial beings. somalida markey maahmaheyso badana xikmad weyn ayaa ku jirto ''waxaad taqaano guurso waxaad taqano ayeey kuu dhalo '' aniga waan aaminsanahay fikirkaas . isku dhac haduu yimaado reerka wey kala furayaan lamaanaha oo meherka xitaa isqabqabsi kama dhacayo ,lakin mida shisheeye waxaa laga yaabaa iney nafta kuu keento car ifurna ku tiraahdo . waxaan xasuustaa nin iyo xaaskiisa is laayay gabadha ayaa wax ku dhufatay markaas ayuu isna dharbaaxi la riday farahii ayaa ku sawirway gabadhii . wax fiican muusan suuban lakin wexey keentay in reerihii gabadha eey soo duleyn yiraahdeen gabadha dhaqideeda ayaad leedahay dhiigeeda ma lihid markaas beey ninkii bud kala daaleen ilaa uu xubin qaadi waayo , dhibkaas ma waxaa ka xun laba maalin oo lisa salaami waayo kadibna xaalka sidiisi kusoo laabto . xitaa qarashka arooska laba dhinac ayaa wada bixinaaya waa iyana faaido dheeri ah ee haka maqnaan
  7. haduu dhib yimaado ,sida saxda ah waa ehelka inuu ka fadhiisto hadaad heshiin waaydaan ,badanaana ehelka waa isku dhan xalka saas buuna ku dhamaadaa . dumar qabiil malahan ,inteey reer kala badin lahayd hadey reerkeeda badiso ayadoon naceyb reer kale jirin yaaka fiican . buraanburka arooska xitaa marka 2reer kala yihiin badanaa waa leysku dhacaa .marka dhan buraanburka amanta looga badiyo ayeey caay bilaabaan ilaa aan aragnay dagaala badan oo dhacay waqtigaas . sokeeyaha dabcan waa qaraabadaada kugu sokeeyo ilaa 6 awoow aad kala tirsataan ama ka hooseeya.
  8. dhamaan dadka fikirka dhiibtay wey mahadsan yihiin anigo ixtiraamaya fikirkooda xorta ah , lakin sheekada aan 2 ukala qaado 1: hadii heshiis la yahay 2: hadii dhib yimaado hadii heshiis layahay runtii reerkoo dhan baa farxad ku wada jira ,laba dhinac wey is ixtiraamayaan madama labo calaaqo eey ka dhaxeyso waxaa ka dhaceysa "Boowe weesada aan kuu sii diyaariyo" "Baaye wacad allaandan ii keceyn, anaa doonanaya" "Boowe ma anoo joogaad kacdaa?" "Baaye ma adaan ku adeejiyaa?" "Boowe!" "Baaye!" "Boowe!" "Baaye!" yaaba ka fiican taas jawi jaceyl aanba laheli karin waaye
  9. aniga hadaan iska bilaabo waxaan dooran lahaa guurka sokeeye , maxaa yeelay cida ayaa is jeclaaneyso ,familka ayaa badanaya , faragalin banaanka ah ma dhaceyso , hadaad is dishaan si hoose ayaa lagu dhameynayaa uma baahno in fadhi lasuubiyo . maadaama aad isku dhiigtihiina aad baad isaga naxeysaan . xitaa hadii dhib dhaco ,dhanka walaaltinimada ayaa kabeyso dhankii kale . gabadha shisheeye waxan uga tagay ,mahan xuman lakin ma lahan naxariista dhanka walaaltinimo ,iyo waaya aragnimo aan arkay sida isku dhac sababay dagaal weyn lana kala saftay .
  10. guurka oo ah waxa isu keno shisheeyaha kana dhigo sokeeye , ama sokeeye isu sii dhaweeyo ayey dadka ku kala duwan yihiin . dadka qaar wexey doortaan 1: guurka sokeeye 2: guurka shisheeye . keebaad dooran laheyd , maxaadse kan kale uga tagtay discussion waa dhankiina .
  11. jazaakalaahu qeyr yaa akhii title ka iyo wacdiga si dhab ah ayey isu leeyihiin ,kuwii ku waana qaata allaha naga dhigo.
  12. Ascw , walaalaha ayagoo mahadahsan waxaan rabaa in xoogaa la turxaan bixiyo arin iyadana kubada ku saabsan . badanaa marka wax la hor marinayo waxaa lagu dayadaa dadka arinkaas meel sare ka gaaray ,sida diinta marka la baranayo ama cibaadada waa in lagu dayadaa rasuulkeena suuban iyo asxaabtiisa , dhanka cilmiga bulshada ibnu khalduun . dhanka ciyaaraha hadii qof muslim ah uu iska dhigdhigo sida laacib kalo gaal ah , aan dhahno messi or xavi hab ciyaareedkooda , kama wado shaqsiyadooda iyo wexey aamin sanyihiin lakin qaab ciyaareedka ,arinkaas masoo galeysaa xadiithkii nabigeena ( man tashabbaha bi qowmin fahuwa minhu) . jawaabtiinu waa muhiim .
  13. Allaha unaxariisto eheladey ka geeriyoodeena sabar iyo iimaan allaha ka siiyo ''Innaalillahi wa innaa ileyhi raajicuun ''
  14. horta ma american baa mise waa wadan kale kolba waa dub cadyahaye ,
  15. waad aragtay qaxootiyada soomaliyeed ee africa daadsan iskaba daa kuwa Europe iyo USA ,muzanbiig ayaan Qaxooti ku nahay ,tanzaaniya sidoo kale maxaa hadaba haray ,xabashidan qurunka ah een dariska nahay ayaan xitaa qaxooti ku nahay , sharafteed ka hadleysaa . waxaan hada mareynaa marka la maqlo soomaali inaad tahay in calaamad su'aal lagu saaro , dadkii dunida ayaanba ka takooranahay . garoonka wax la wareegay ma jirto .
  16. Garoomada africa badanaa waxaa dhisa dad shisheeye marka wax lagu eedo ma jiraan dowlada . ninkii dhulkaada kuu dhisana waa loo mahad celiyaa haduu dana kala watana waa lagu dangaaraa dabadeedna waa leyska ceyriyaa . They have already taken away the dignity of Somalia and the Somali people, Now the airport, I wonder what else next? sharafka halkuu noo yiilay walaal sow taan isleyneynay ilaa 1991 , sow tan qabiilba qabiilkuu ka xoogbadnaa burburin jiray . sharaf soomaaliyeed goormaa u danbeysay airport kubad lagu cayaarayay 7 sano ka hor baad ka hadleysaaye .
  17. Al-Miskiin;722822 wrote: Laba daraf baa maanta muslimiinta ku jira, daraf wax kastay fududaysteen, oo waxayba taagan yihiin qofku in uusanba sinaba ku gaaloobi karin, ilaaa uu afka ka dhaho "WAAN GAALOBAY", kuwo kalena, shay kastoo qofku ku dhaco gaalnimay ku xukumaan. Labadaas darafba way qaldanyihiin. Qolada dambe waa kuwa Jamaa3atu takfiir loo yaqaan, waana ragg marnaba aan caadi ahayn. Allah sharkooda ummadda ha ka qabto. waa runtaa walaal diinta islaamku waa diin wasad(dhexdhexaad) ah mana ogolo xadgudubka(israaf) iyo fududeysi dhulka la gaaro(tasriif) , sida aayada Rabi eey tilmaameyso ch2 v143 . sharta takfiirtana Allaha naga qabto iyo sifooyinkooda xunxun . Kubbadda cagta baad ka sheekaynaysaa xataa feedh baa la ciyaari karaa ee ninyahow isa soo diyaari. kkk walaal feerka waa qatar sida kubadoo kale ma ahan ,wadnaha in lagu istaajiyo baaba laga yaabaa ,marka taa kuma jiri .
  18. sheekooyinka jiniga qofkii rabo muqayiliinta ayaa la warsadaa , ku shaxaari ah ayaa habeen 4saac wuxuu arkay labo gabdho oo darjiin fadhiyo (reer xamar) oo sheekeysanaya ,duqa hami ayaa galay ku qabso ayuu is yiri wuu utagay sheeko ayuu la camirtay , gabdhihii mid ka tirsan ayaa xariif iska aheyd ,qoftii kale ayeey uga tagtay waan idiin soo laabana bey ku tiri , odaga cabaar markuu qoftii hartay lashekeystay ayuu wuxuu xasuustay galabkii markuu soo marayay halkan iney qashinba ahayd markaas buu faranduleeyay oo cagaha wax ka dayay , isaga miyaaba habeen danbe gabdho meeel fadhiyaba ku leexday mustaqiimka ayu noqday . sheekadan waxaa ii sheegay ku aan waa saaxiibo ahayn ,laakinse wuu qayili jiray inanku.
  19. akhlaaq daroo dhanba mareykanka ayeey isugu tagtay , dadkii bini aadamnimada inteey ka tageen ayey xayawaanaatka u gudbeen .
  20. xukunka Alle in la dabaqo waa waxaan rabno laakiin waa in laraacaa wadada saxda ah ee diinta na amartay , qofna marka laxukumayo waa in maxkamad cadaalad ka jirto lakeeno shuhada lagu kalsoonaankarana meesha eey yimaadaan , sayiduna cali ayaa laga diiday in caruurtiisa eey umarqaati kacaan markii maxkamada eey yimaadeen , ayadoo laga baqayo in ladhoho aabahood ayeey u eexdeen , cadaalada waa taas ee ma ahan in qof layska qabto maxkamad ayaa lasaaray wuuna aqbalay layiraahdo lana dilo .
  21. masidaan cadeyn la'aanta leysku dilayo ayaad uduceyneysaa war rabigaaga ka baq oo kala garo dadka . amison xumaan wey geysataa shacabna wey ku dhintaan lakin anagii muslimiinta ahayn ee inaan nafta bini aadamka ilaalino nala amray ilaa xaqeeda in lagu fuliyo maahee maa saan suubineyno , meeshan ayadoy fowda ka jirto miyaa banaan xukunkan cadeynta loo heynin i la fuliyo.
  22. cali gab imaam hadii ma'muumiinta eeysan rabin imaamnimadiisa, ma tujin karaa ?. amiirkaada yaa doortay aan ka eheyn inta indhaha xiratay ?. amiirkaada haduusan dadka soo dhax gali karin xitaa alshababka kale iska qarinayo ,naftiisa sow kama jeclo inta uu maalin walbo dagaalka udirayo ?. xamar siduu uburburay hada waligiis ma uburburay ?.
  23. al-maskiin aad ayaad umahadsantahay walaal , arinka aan ka naxay waa gaaleysiinta ,maadaama walaala badan oo muslim ah aan ku arkay ayagoo masaajidka lasoo galayo funaanada ciyaartoyda , arinkaas ayaan is weydiiyay . lakin waxaa yaab leh walaalaha qaar wax walbo eey gaalnimada kula boodayaan , albitraha haduu gaal yahay gaal ayaad noqoneysaa , gaalo hadaad kubad lacayaarto waad gaaloobeysaa , maxkamad gaal hadaad tagto waad gaaloobeysaa . yacni waxaad umalaysaa in gaaleysiinta qof muslimah in eey u sahlantahay , dhibaatada ugu badan ee jamaacatu takfiir heysato ayaa ah arinkaas . waana fikir halis ah cawaaqibtiisana xuntahay.
  24. ciidamada TFG hadii xaafadan eey qabsnayaan dadka nabad eey heli waayaan walee shacabka ayaa loogu soo dhuumanayaa oo square one ayaa lagu soo laabanayaa