Nabad_dadaye

Nomads
  • Content Count

    318
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nabad_dadaye

  1. Alle danbi dhaaf ha kaa dhigo ficilkaadan wanaagsan walaal Ramadaan kariim
  2. waa qoraal aad u wacan laakin inoo soo badi walaal waanu kaa faaiidnay intaniye
  3. balse ii cadeeya siduu islaamku u beeniyay arinkaas seynis ahaan waa fikir macquul ah adoo aaminsan in uu arinkaas uu yahay mid been ah . tusaala ahan nabi ibrahim ayaa Alle weydiiyay in uu tuso siduu wax Rabbi u uumo ,Eebaa weydiiyay nabigiisa '' miyaadan i aaminin '' markaas ayuu nabi ibraahim yiri '' inaanan ku aaminin iska daaye waan ku aaminay laakin waxaa rabooday in qalbigeyga ku xasilo''. sidaa oo kale waa macquul inaad baarto arinkaas . hadii uu bani aadamku ka yimid daanyeer noocaan ka imaanay wali ma hadlaane maxaan u hadalnaa maxaase u diiday daanyeerkaas inuu hadlo . su'aasha raaceysa arinkaas waa hadalka siduu qofka ku bartaa ,maxey se dadka aanan wax haba yaraatee maqlin maxeysan u hadal ?
  4. waa yaab'' cimrigaa raago geeldhalaayaas ku tusaa'' waa maahmaah reer xamarka ey isticmaalaan markey wax layaable arkaan . waxaa jiro wax la yiraahdo waan aaminsanahaye ii sharax sababta keentay arinkaas . dadkaa in uusan daayeer is badaly aheyn waxaa sheegaya quraanka axaadiithta nabiga , marka hadaad muslim tahay ood aaminsantahay Alle iyo kitaabkiisa iyo rasuulkiisa umaba baahnid jawaab dheer .hadaad diido adigoo muslim ah inuu Alle ku abuuray ama bini aadamku uu Alle abuuray siduu xayawaankuba u abuuray waxaad toos uga soo horjeedsnaeynaa hadalka Alle nunkii hadalka Alle diidana inuu gaal yahay labo muslim ah isma warsaneyso. mida maxey muslimiinta udabaqi la'yihiin diinta islaamka ,gacan goyntana eey saudi iyo alshabab u sameeyaan . ogoow in gacan goynta eey tahay meelaha hoose ee diinta. diintana waxaa ugu koreeya inaad aaminto tiirarka islaamka iyo kuwa iimaanka . gacanta inaad gooyi weyso ma ahan inaad diiday in xukunka gacan goynta uu ka tirsan yahay diinta . hadaad xukunka diido inuu jiro diiniyan ood aayadaa ka tirto quraanka dee waad gaaloowday balse hadaad aaminsan tahay in xukunka jiro lakin asbaaba kale dib loogu dhigay ma gaaloobeysid.
  5. muslimiinta caalamka maanta waxaa horyaala laba arimood oo kala daran . mid waa inaad dowlada kasoo horjeedsato ood qaadhacdo ayadoo sabab uga dhigayo in eey macaasi fara badan qaarkoodna lagu gaaloobaya eey dowladu sameyneyso. taana waxey sababeysaa in mudaaharaad dagaalo lagala hor tago dowlada . mida kale waa inaad dowlada waxey kastooy keento aad raacdo aadanna ka hor imaan sababtana eey tahay dowlad xun dowlad la'aan bey dhaantaa . labada dhinacna marka diiniyan laga eego ma fiicno . hadaba ma jirtaa meel u dhaxeysa labadaas xaalo ooy shacabka qaadan karaan . tusaala ahaan libya ama qadaafi raac iyo xasuuqiisa ama mucaaradka raac oo dowladii burbur haku dhaco . walaalayaal ra'yigiina waa muhiim .
  6. maasha Allah runtii walaalaha soomaaliyeed ee galbeed ka wey dadaalayaan in kastooy awoodooda gaarsiisneen qaab global ah balse runtii wixii tabar ah ee geysan karaan wey isku dayayaan , inta walaalahood dhibaateysan wax u diray qeyr Allaha u badalo . sadaqana maal ma nusqaamiso siduu nabigeenu noo sheegay . (sadaqo ma yareyso hanti .....)
  7. wallaahi waxaad ka arkeysaan tv waa caana dhan marka aad goobta dhax istaagto iyo inta xooshadaha ku jiraan een rabin in camera laga duubo . tv markaad ka arkeyso waad calool xumaan ,balse hadaad kor tagtay runti waad ooyi , cunta kaama dageyso ,hurdada xitaa wey kaa tageysaa dhibka yaala meesha owgiis . hey'adaha qaramada midoobay runtii waxa eey afka ka sheegayaan iyo waxa ey qabanayaan aad beey ukala fogyihiin ,wey jiraan kuwa si fiican wax u qabta balse kuligood ma wada ahan . gargaar ka eey geeyaanna waa midaan waxba utareynin dadka nafaqa darada heyso ,wexey keenaan ,bur ,saliid , haruur(galeey). qof nafaadii ka dhamaatay muxey u tareysaa cunta qalalan . kheyr Allaha siiyo walaalaha muslimiinta ee carab iyo cajamba leh ee u soo gurmaday walaalahood kuwaas oo ukeenay ,caano ,timir iyo waxyaalo kaloo nafaqada soo celiya . waxa kaloo meesha ku yar oo aadka loogu baahan yahay waa dhaqaatiir daweysa dadkan iyo dawooyin ku filan . cuduro ayaa meehs ka dilaacay duruufaha aawadood .
  8. waa war wanaagsan waayadan danbe aad bey ujilceen wax jukeeya ayey waayeen mooyee , abaarahan ayaa joojiyay wax walba mooyee kuwaas in farmaajo lagu daayo ayaa fiicnaan lahayd aminkaan waaba lanadiifin lahaa ayaan qabaa . nafaqa daro ciidankoodana wey heysaa oo ilmihii yaryaraa ee u dagaalamani jiray kana yimid gobolada sida baay ,bakool ,shabeelada hoose waxey la tacaalayaan sidii qaraabadooda eey wax un ugu qban lahaayeen qaarkood weyba lasoo qaxeen oo alshabaabnimada wey ka baxeen , qof wax yar oo iimaan ah uu ku jiro ma suura galeyso inuu biil iska qaato reerahiisana waalidiintiisana eey gaajo u baqtiyaan .
  9. waxaani waligood baa lagu yaqiinay , aaway xuquuqda dadkii la laayay ,aaway caradoodii ,inta ugu badan een aragno waa ayagoo ubaxyo wato ,tacsi gaagaabeey ayey hayaan , dadkastoo la laayo hadii marmarsiiyo loo suubiyo , waxey tageysaa in qaar badan oo xag jir ah ey sidaan oo kale suubiyaan si eey usoo shaac baxaan ,koleyba qiil lagu difaaco looma weynahayee . islaam naceeb aad ufara badan ayey maalmahan kuwa xagjirka wadaan maadaama eeysan dinta islaamka waxba ka ogeyn ayey sidaa u dhaqmayaan balse hadey diinta islaamka ka maada ahaan u baran lahaayeen waxaanoo kale ma suubiyeen . muslimiintana marwalboo la cadaadiyo ama naceeyb loo muujiyo iimaan ayeeyba ka qaadaan oo xitaa kuwii dhunsanaa wadada saxan ayey qaadayaan. Allah wuxu suuratu towba ku leeyahay ''waxey dooni gaaladu iney ku dumiyaan nuurka Eebe afkooda Eebana wuu diidi dhameystirka nuurka mooyee haba nacaan gaaladuye'' ch 9 v 32
  10. asalaamu caleykum walaalaha dhamaan . walaal nuur runtii waxaad tahay nin mudo dheer usoo taagnaa inuu walaalihiis fikrado fiican la wadaago , balse walaal waxaa jira dadaalo guracan oo eey wadaan qaar ka tirsan SOL mem ayagoo afkaar aanan diinta sal ku lahayn ama diinta dadka u xumeynaya faafinaya . marka waan ubaahan nahay walaal sidaada oo kale ah oo maqaalooyin fiican soo diyaariya . runtii SOL waa web aad u weyn ilaa dad gaaraya 6-9kun ayaa ku taxan , waana meel u baahan in juhdi adag lagu bixiyo si qeybta islaamka eey u noqoto qeyb shidan oo qof walboo soo gala webkan uu ka faaideysto .
  11. ramadhaan mubaarak ,aan kawada faaideysano bishan barakeysan , ducadana haloo badiyo in Alle soomali dhibka ka qaado . wanaaga aan badino ,sadaqada hala badiyo ,isku daya inaad afurisaan walaalkaa/walaashaa aan haysan waxey/wuxuu ku afurto/afuro. kuweena suuqa galay aan u duceyno inuu eeba soo hanuuniyo .
  12. muslimiinta meesha ku geeriyooden Allaha u naxariisto . ninka wuxuu ahaaba waxaan sugeynaa sidey u xukumaan ,kolba dil toogasho wadankaas kama jirtee .
  13. qofka bini aadamnimo eey ku danbeyso iskaba daaye qof muslim ah ma dhahayo shacab xaalkoodu sidan yahay yaan loo gargaarin
  14. ciidamada noocaan oo kale waa in laga saaraa ciidanka , ciqaab adag la mariyaa , xitaa guutooyinka eey ka tirsan yahiin madaxdeeda waa in lasoo qabtaa oo lala xisaabtamaa . waxa maalmahan ka dhax dhacaya ciidanka dhaxdiisa waa waxan suura gal ahayn .
  15. Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo isku rasaaseeyay degmada Waabari Muqdisho : (Sh. M. Network) Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa galabta waxa ay is rasaaseyn ku dhxmartay degmada Waabari ee gobolka Banaadir taasi oo geysatay qasaaro dhimasha ah. Galinkii dambe ee maanta ayaa is rasaaseyn u dhaxeysay ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxa ay ka dhacday nawaaxiga xeradii Afasiyooni ee degmada Waabari ee gobolka Banaadir sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen goobjoogayaal halkaasi ku sugnaa. Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa halka ay is rasaaseyntu ka dhacday oo la hadlay Idacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in is rasaaseynta ay ka bilaabatay markii hore labo askari oo ka tirsan dowladda ay lakala safteen dhalinyaro ku murmay kubad ay ku ciyaarayeen Afasiyooni kuwaasi markii dambe gurmad ka kala helay askar kale taasi oo uu sheegay goobjoogaha inay keentay in halkaasi ay ku geeriyoodaan 2-Askari oo ka mid ahaa ciidamadii dagaalamay. Intaasi kadib ayaa waxaa la sheegay in uu joogsaday iska horimaadka u dhaxeeyay ciidamada ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo sida uu ku joogsaday aan la ogeyn, iydoo arintaasi ay saameyn ku yeelatay mudo kooban isku socodkii gaadiidka iyo dadka ee wadada hormarta Afsiyooni ee magaalada Muqdisho. Israsaaseynta galabta ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhaxmartay Nawaaxiga xeradii Afasiyooni ee degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay qeyb ka tahay isku dhacyada inta badan ciidamada dowladda ku dhxmara magaalada Muqdisho kuwaasi oo geysta qasaarooyin isgu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaara dhinacyada dagaalama iyo dadka aryidka ah.
  16. walaahi waa yaab shacabkii dhan waxa dhibayo alshabab oo noloshii xitaa u diidan ,dhanna waxaa ka heysta nidaam xumo ka jira ciidanka dowlada . shacabkii meel eey u cararaan malahan ,qaar abaaro ayaa baabi'inaya qaar Alshabab ayaa usoo tafa xeydanaya si uu bisha ramadaan usii xasuuqo ,qaarna ciidama aanba dishibiliin qabin ayaa naftooda ku cayaaraya , hadaba shacabka yaa uroon . Allow u gargaar shacabkan wax unaxariista waayay.
  17. Muqdisho : (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta rasaas qasaaro geysatay waxa ay ku fureen dad barakacayaal ah oo ku jira xero ku taala duleedka degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir. Inta la xaqiijiyay 1-ruux oo ka mid ahaa dadka barakacayaasha ah ee ku jira xerada Badbaado ee duleedka degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayaa ku geeriyooday halka mid kalana uu ku dhaawacmay kadib markii maanta ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay rasaas ku fureen barakacayaasha xeradaasi. Rasaasta qasaaraha sababtay ee lagu furay dadka barakacayaasha ah ayaa ka dambeysay kadib markii qaar ka mid ah barakacayaasha ay ku xoomeen raashin gar-gaar oo loo qeybinayay sida Idaacadda Shabelle uu u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo intaasi ku daray in qofkii ku dhaawacmay rasaasta loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad. Barakacayaasha ku jira Xerada lagu magacaabo Badbaado ee ku taala duleedka degmada Dharkeenlay oo dib u dajin ay u sameysay dowladda KMG ayaa dhaawaan xaalado abaareed uga soo barakacay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya
  18. waa yaab warkaan war qof maskaxdiisa fadhido uu ku hadlo ma ahan , alshabaab miyeey waasheen mise warka waa been oo waa laga been sheegayaa . shey marki la mamnuucayo sabab baa loo mamnuucaa lakin sabab cunto xalaal ah loo mamnuuca maba jirto . ee fadlan naga soo hubiya ,hadey xaqiiq noqoto ,maana koobiyaa loo wada dirayaa oo wey ku dhufteen . sambuusa hadii la diiday canjeero(canjeelo) ayaa ku xigta , digir iyo bariis AKA canba ceyn yaa kusii xiga , soor baa ku xigta natiijada ugu danbeysana waa DHIMASHO GUUD . lakin warka iga soo hubiya
  19. intaas diinta ugama tagin ee wey ilaalisay xuquuqda waxa eey dadka hanteen , waa ladiiday in lagu xadgudbo waxa uu qofka shaqeystay ee uu dhididkiisa cilmigiisa iyo waaya aragnimadiisa ku keensaday, rasuulka SWC wuxuu yiri'' siiya midka la soo ijaarta xaqiisa inta uusan engagin dhididkiisa'' yacnii qofka yaanan mushaarkiisa dib looga dhigin , si xuquuqda shaqaalaha loo dhowro ayaa diintu xadka gacan goynta u jideysay si aanan loogu xad gudbin xoolada dadka , balse diinta wey sii xadidoo inta lagu goynayo iyo waqtiyada lagoynayo , hadey abaaro jiraan ama dhib u geysay inuu qofka wax xado xukunkii waa ka dhacay , waa la diiday lacagta dulmiga ah ee ribada, dadka lagu dhaco , ribadaas oosababtay aafo lacageed oo dunidii oo idil saameysay ( financial crises ) iyo wixii ku dhacay shirkadihii waa weynaa sida AIG ee suuqa ka baxday .
  20. MAALKA( HANTIDA) ASALAAMU CALEYKUM diinta islaamka waa nimco xitaa waxey nabareysaa sidaan u isticmaali lahayn hantida wadooyinkaan ku keeni lahayn meeshaan ku bixin lahayn . '' hantidu Alla leh anaguna adoomadiisa ayaan nahay '' sidaa darteed waxaa muhiim ah inaan barano wax yaalaha ku saabsan hantida xasuusnaadana xadiithka rasuulka ee dhahay ( qofku jana ma galo ilaa laga weydiiyo afar .. waxaa ka mid ahayd maalkiisa meeshuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyay ) sidaa daraadeed islaamka wuxuu naga xarimay inaan wado xaaraam ah ku keeno hantida wuu diiday musuqmaasuqa , ka ganacsiga waxyaalaha xaaraamka ah . waxaa kaloo diinta islaamka eey noo jideeysay sidaan u isticmaali lahayn lacagta ka dib markaan wado xalaal ah ku keeno ,waa ladiday in lacagta waxyaalo aan micna lahayn loo isticmaalo , allah wuuu quraanka ku sheegay suuratu nisaa ayad micnaheedu ahaa ( qofka safiiha ah inaan lacagtiisa loo dhiibin ee loo maamulo si uusan ugu cayaarin ) . kadib diinta waxey dadka ku dhiiri galisay iney shaqeystaan waxaa tusaalo loogu dhigay ( sida nabi daauud , nabi yuusuf ,nabi muuse ) qisooyinkaas oo dhan waxaa ku jira boorin ah in aan shaqada xalaasha laga xishoon ,tuugsigana waa la ceebeeyay . cumar bin khadhaab wuxuu yiri waxaan la yaabaa wiil dhalin yara ah iyo awoodiisa markaas ayaan weydiiya miyuu shaqeeyaa hadi maya la yiraahdo waan ka niyad jabaa. cuntana waxaa ugu qiima badan midaad gacantaada ku keensaday , labada gacan mida wax bixisaa qeyr badan .waxaas oo idil wexey na tuseeysaa inaan shaqeysano wado xalaalna ku keensano
  21. CAQLIGA(MAANKA) ASALAAMU CALEYKUM caqliga waa heybad uu aAllah u qaas yeelay bani aadamka kagana fadilay noolaha intiisa kale , hadii qofka uusan caqli lahayn waxa uu dheer yahay xoolaha ayaa iskaba yar. sidaa darteed ayeey diinta islaamku u ilaalisay ,una diiday in lagu cayaaro , qofka waalan waa laga dhaafay danbiyada uu gala maadaama ey maskaxdiisa sidii la rabay u shaqeyneynin . islaamka wuxxu mamnuucay wax kastoo maanka doorinaayo sida khamriga , iyo inta soo raacdo ee maandooriyayaasha ah . waxaa kaluu islaamka diiday in caqliga dadka kale lagu cayaaro sida in wax yaalo qaldan looga dhigo wax sax ah wixii xumaana looga dhigo wax fiican . xumaanta oo dadka loo qurxiyo waa nooc ka tirsan duminta caqliga dadka . dhanka kale islaamku wuxuu na faray inaanan dadka been usheegin si aan u lumino , inaan daraagiska dadka ka celino ,cuqubo adagna waa loo balan qaday dadka xumaantaas suubiyo . wax kastoo caqliga nadiifka ah ka hor imaanayo islaamka wuu reebay. wuxuuna amray inaan wax barano dadkana wax barno , si loo sara qaado maankeena . caqligana waa hibo Alla siiyay qofka , loomana ogola in lagu cayaaro . balse dadka qaar ayaa usoo dhardhigtay in dadka xumaan lagu shubo , malaayiin wesite iyo TV channel oo kuligood xumaan ah ayaa la furay bas in dadka maskaxdooda lagu cayaro ayadoo lagu qarinaayo xuriyad hadalka . malaayin kalana waxaa loo furay in dadka islaamka lagu diro oo kaliya . islamphopia iyo waxa lamid ah . fiiri diinteena sidey u tahay naxariis waa naloo diiday inaan dadka been usheegno si aan waxaan rabno uga dhaadhicino , waa nalaga celiyay inaan xumaanta faafino , waa nalaga reebay drugs ka kiisa yar iyo kiisa weyn ,waxaa nala amray inaan xaqa sheegno si naxariis ahna u sheegno si qalbiga qofka isagoo ku qanacsan kana fikiray uu islaamka u soo galo , diinta waxaa kalooy noo suubisay meel aan ulaabano (kitaabka iyo sunnada ) si aanan diinteena naloogu soo gaban ama diintii si qalad ah noolaga faaiideysannin .
  22. hadaba diinta islaamka ee sidaa u dhowreyso nafta iyo sharafkeeda ayey kuwa jaahil ka ah ama xaasidnimadooda xaqa ka qarisay ku eedeynayaan diinta iney tahay diin dil ku saleysan , badanaana wexey is dhax geliyaan muslimiinta qaar khaladaadkooda markaas ayey diinti shabad uga dhigayaan , wey jiraan xarakaatka ka jira wadamada islaamka ee galaya dilal , qaasatan dil qof muslim ah Eebe weyne wuxuu leeyahay ( qofkii dila qof mu'min ah si kas ahna u dilo abaalkiisu waa cadaabta jahannamo wuuna ku waarayaa )) bal fiiri Eebe siduu usii dhowray nafta qofka muslim ka ah maxaa yeelay dilkiisa waa ka tilaabsasho amarka Alle ,goyn walaaltinimadii islaamka , agoonteyn ilma muslim ah. sidaa darteed ayey ciqaabtu u adkaatay , qaladaadka muslimiinta qaarkood barri bey ka tahay diintu . Allaha agtiisa waxaa fudud burburinta kacbada marka loo Eego adoonkiisa toosan oo la dilo , ma qofka mu'minka bas ayaa daran oo kuwa kale waa la dili karaa jawaabtu waa maya naftu waa naf , ma muslimiinta un baa la dhaafayaa oo gaalada waa la laynayaa jawaabta waa maya , dumarka gaalada, caruurtooda, waa xaaraam in ladilo hadeysan ayaga hubeysneyn eeyna kusoo weerarin . bal is barbardhiga yaa xuquuqda nafta siiyay ma islaamka mise bini aadamka wexey isku raaceen ee UN dukumiintiyadooda lagu qoaray , qofkastoo caqli leh wuu fahmi karaa haduu aqriyo Diinta islamka aqriyana kan qaramada midoobey . xitaa waqtiga jihaadka diintu wey sugtay qawaaniin bey u dajisay xadgudubyada bey ka rebtay , jihaadka weerarka wuxuu ahaa si loo badbaadiyo qolo dhiban xuriyadooda, si loo siiyo qof dulman in dulmiga laga qaado .dagaalka difaacana wuxuu ahaa si loo badbaadiyo nafta xuriyada laga qaaday lagana badbaadiyo dadka in la fasahaadiyo ,xumaanna la baro .labada dhinacna waa xoriyad u dagaalamid .
  23. NAFTA ( bini aadam iyo xoolaba) Nafta waa shey qaali ahaa waa hibo Eebe ayaana dhowray ,islamka wuu ilaaliyay in nafta lagu cayaaro ama dhib loogeysto sidaa darteed ayuu eeba reebay wax kastoo nafta dhibayo ama caafimadkeeda wax u geysanayo , wuxuu kaloo reebay in nafta laga gooyo qof si dulmi ah xitaa waa la reebay in xayawaan la dilo ayadoon faaida laga heleyn ama aadan iska difaaceyn ,waa xaaraam in aad eey ama ari aad iska dishaa. nafta bini aadamka waa xurmey san tahay lama ogolo gaal muslim in dulmi lagu dilo. sidaa darteed ayeey diinta ciqaab adag u suubisay qofkii xurmadaas ku xad gudbo , waa ciqaab adag lakin waxey ka badbaanineysaa dadka dulmiga ,mathalan hadii layiraahdo qofkii wax dilo 7 ama 14sano halagu xugumo natiijada maxey noqoneysaa . taasi waxaa practicle noogu cadeeyay dilaayaasha wadamada galbeedka , in ka badan 50% dadka horey wax u dilay wexey markale galeen dil kale . meeshan waxaad ka dhadhamineysaa sidu uu islaamku u yahay mid u fiican bini aadamka waqti kasta eey joogaan .allah wuxuu yiri ( waxaa idinku sugnaatay qisaasta nolol dadka wax garadka ohow waxaadna mudantihiin inaad dhowrsataan) ch 2 v 179 . gaal lama dili karo haduusan ahyn mid dagaal kugula jiro ama suubinayo axkaamta eey diinta ku ciqaabeyso dadka xad gudbayaasha sida dilida qofkaloomuslim ah. si nafta bini aadamka loo ilaaliyo ayey diinta islaamka u diiday in la isticmaalo drug , in leys daldalo , in xubin jirka kutaal oo fiican leyska jaro micna la,aan. zinada madama eey cuduro nafta usoo jiideyso, iyo wada kasta oo qofka naftiisa waxyeeleyn kara .
  24. diinta islaamka waa diin xuriyada aaminaada dhowrto , balse qofkii rabo inuu dad wadadooda ka dhumayo ee qarabo diinta islaamka wey ka joojisaa maxaa yeelay wuxuu qaldayaa qof saxan , waxase mahad dhen eey usgnaatay Allah ee ku cadeeyay kitaabkiibkiisa quraanka wax walbo oo maslaxad u ah dadka , qofkastoo bini aadam ah inuu karaameysan yahay ayuu islaamka qirayaa . mana ahan inaad tirahdo qofkaan aan muslimkaahayn ee wadanka kula dagan waan dilayaa madama uu gaal yahay . wixii ziyaada ah ee ku saabsan mowduucan walaalaha wuu u furan yahay tan xigtana waxaan uga hadli doonaa qodobka labaad ee xuquuqda nafta iyo waxa la xiriiro
  25. si xuriyada diinta loo ilaaliyo ayuu quraanka u diiday in la dudumiyo goobaha eey gaaladu wax ku caabudaan sida kaniisadaha oo kale , wuuna diiday in la aflagaadeeyo wexey aaminsan yihiin Alle wuxuu yiri ( ha caayina kuwa Alla wax la wadaajiyo ,markaas ooy caayan Allah ayagoon cilmi ulahayn ) . lakin dacaayada fara badan ayaa laga faafiyay islaamka iyo inuu yahay diin ku socoto seyf ,taasna iney been tahay waxa hada dhacaya ayaa cadeynayo . tusaale , qaraxii 11/9 ee mareykan lagu weeraray ayuu mareykanku bilaabay inuu aar guto ,qaar ayaga ka mid ahna diinta islaamka si xun usuureeyeen lakiin waxaa yaab noqotay dadkii dhibka saa u weyn loo geystay in eey diinta islaamka kusoo hoobteen kadib markey raadiyeen waxa uu yahay islaamka .hadaba mareykanka yaa awood diinta kusoo galin kara jawaabta waa cadahay inuusan islaamka seyf ku faafin ee uu xuriyad caqiidada isaga un laga helo. diinta qofka uu aamin san yahay kama istaajinin in uu xuquuq fara badan ka helo dhanka muslimiinta ,sida xaqa dariska ,agoonka , daciifka , ninka martida ah , dumarka,cadaalada waxaasoo idil xuquuqdooda wuu dhowray wexey rabaan ha aaminsanaadaan. diinta islaamka ma ahan diin qofka looga faaideysto daciifnimadiisa sida adigoo aragto qof dhibaateysan ee aad tiraahdo anaa ku quudinayo gurina kusiinayee ma islaameysaa ,arinkaas diinta islaamka wey kasoo horjeedaa ,qofkana waa inuu ku qanacsan yahay diinta ee qalbi saafi ah kusoo galaa .halka diimaha qaar eey qofka ka faaideystaan dhibkiisa lacag eey u balanqaadaan si uu uga baxo diintiisa ,qofna markuu gaajeysan yahay xoriyad ma qabo ka faaideysigiisana wexey kaso hor jeedaa xuriyada aaminaadka