Nabad_dadaye

Nomads
  • Content Count

    318
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nabad_dadaye

  1. dimuqraadiyada waa nidaam ku saleysan in shacabka is maamulo , dadka laga tira badan yahayna xaqooda lasiiyo ( qoowmu luud .iwm) ,dadka dhankey isku raacaana la raaco . taasna waa xaqiiqo oo homosexuality group awood bey USA ku leeyihiin xaqna wey leeyihiin . mathalan hadey dadka isku racaan in khamriga loo baneeyo , sow xaq uma lahan iney helaan arinkaas hadii kale waxaad kasoo horjeedaa xaqooda , gays hadeey urur udooda suubsadaan sow xaq uma lahan iney dowlada soo galaan , gabdhaha hadey yiraahdaan waxaan kusoconeynaa daba gaab iyo garan sow xaq uma lahan iney suubiyaan . hadii intaas oo idil laga soo horjeesto sow xuquuqda dadka qaar laguma tuman . waa dimuqraadiyada dhabta eey wadamada qaar dunida uyeerinayaan . waxaa jira farqi u dhaxeeya xuriyada iyo dimuqraadiyada ,walaalkeen boondheera wuxuu sheegaya waa xuriyad xadidan ,balse dimuqraadiyada sidaa ma ahan hadaad aaminsantahay in shacabka is doortaan qofkey raali ka noqdaan doortan wixii diinta kasoo horjeedana aananba wada hadal lagalen taasi waa waxey diinta na amreyso marka maxaan dimuqraadiyad ugu bixineynaa maan dhahno islamic sharia , hadii magaca uu dadka qaar la weyn yahay iney ku dhaganaadaan dhib ma lahan ,muhimada waa waxa dhulka lagu dhaqayo , dimuqraadiyad ku magacow laakin wax eey diinta islaamka qabin meesha ha keenin , magacna micno weyn ma keenayo . hadaad tiraahdo qofkii muslim ah ee nacay gaalo dhax dagan ha isaga baxo , maxaa lagu suubinayaa muslimiinta dhaladka ah ayagana mala qaxinaa . waa sax inaad nabad kula noolaato dadka aad dhax joogto ,akhlaaq fiicana aad kula dhaqanto muslim iyo non-muslim ba laaakin taas mahan inaad qalbiga ka jeclaato sababtoo ah hadii aad jeclaato (qalbiga) ,aadna lasoo jirto , muslimiinta qaldan aad ayaga ka xigsato arinkaaga qatar buu noqonayaa .muslimka qaldan sax qaladkiisa sheeg balse ogow inuu isaga walaalkaa yahay ,walaalkaa qaldan . dadka muslimka neceb ayaan waxaan marwalbo ku arkaa ayagoo mar walba markii islaam iyo diimaha laga hadlo eey wadama muslim ah qaladaadkooda lasoo boodayaan ooyna ka dhigayaan sidii islaamkoo qaldamay marka arinkaas loogama baahno walaalaha muslimiinta ah . hadii qof umaleeyo inaan ugafay haka raali noqdo ,shaqsi ma abaarayo fikirka ayaan ka hadlayaa maadaama ramadaan lagu jiro .
  2. baarakalaahu fiika walaal nur waxaad i xasuusisay xadiiskii nabiga '' unaxariista kuwa dhulka jooga waxaa idin naxariisan kuwa cirka jooga '' sadiis micnihiisu saa ahaa .
  3. mahadsanid walaal gooni walaal qofka muslimka ah waxaa waajib ku ah inuu raaco wadada diintu leedahay ee aanan ku qayaasanin arimaha maskaxdeena .maadaama diinta eey ka sugnaatay Rabbi ,isagaana og maslaxada dadka oo cilmi badana ah , hadalka rasuulkana waa sida waxyiga sida aayada Alle ku xusan ch 53 v 3-4 . sidey nala tahay ma soconeyso ,siduu eebe jideeyay rasuulkiisa suubiyay ayaan raaceeynaa , diyada gabadha iney 50% tan raga tahay rasuulkaa inoo sheegay marka waxaan leenahay waan maqalnay waana adheecnay amarka rasuulka . si guud ayuuna xukunka udhacayaa oo qof ama tiro yar darteeda wax isuma badalaan , dunidan dadka diimahey rabaan ha aaminsanaadaan ,waxaa laga wada siman yahay in aabaha uu qaabilsan yahay inuu ubadkiisa iyo xaaskiisa wixii dhaqaala raadin ah uu madaxa saarto .
  4. qabyaalada waa cudur , iney qalad tahayna soomaaliyoo dhan baa og . balse muslim oo kaliya ma ahan yurub iyo mareykanka xitaa waqtigan wey ka jirtaa anagu dagaalka un baa inoo dheer ee qabyaalada meel walbo wey taalaa afrika, aasiya . soomaalina waa 100% muslim . Allaha deysto
  5. Qoorgooye = meningitis waxaa kaloo loo yaqaanaa maskax garaad
  6. Ramadaan kariim dhamaan walaalaha muslimiinta. xijaabka gabdhaha laguma qasbo ee waxaa la baraa qaabkey isu asturi lahayd ,jirkeedana u *****li lahayd si marka eey weynaato dhaqankeeda uu uga mid noqdo ,waalidkana tabarkaasi uma suubinayo kaliya inuu dhaqan baree wuxuu doonayaa inuu ka mid noqdo kuwa rasuulka uu yiri janadaad galaysaan hadaad 2 gabdhood aad dhashay aad tarabiyeyso wanaajisana ilaa eey guur ka gaaraan , arinta wa cibaado hadee si kale loo dhigo. hadaad timaado xuquuq bini aadamnimo Aaliyyah,ayaa kuu cadeysay qeyr Allaha siiyee . I have nothing to say except Alderman got his news from a reliable source called CNN walaahi ishaad ka riday wararkan oo kale waxaa laga helaa CNN ,iyo wixii la halmaalo .
  7. mareykan xitaa haduu soomaali wax u diro waa inaan ka shakinaa sababta ,maadaama dhib iyo hoog ma ahane uusan wanaagba uheynin shacabka . isagaa shalay Ethiopia qarashka ugu badan eey soomali ku weerarta bixinayay , waana kii diiday in goobaha alshabab eey hey'ada gargaarka tagaan .
  8. waa su'aal aad u wanaagsan , laakiin inta aan xikmada hore u galin waxaa xusuusin mudan hadalka Alle ee ''وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْراً أَنْ يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ وَمَنْ يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلالاً مُبِيناً (الأحزاب:36) '' micnaheedana waa '' umka haboona nin mu'min ah ama haweeney mu'minad ah marka Eebe iyo Rasuulkiisa wax xukmiyaan in eey khiyaar u yeeshaan amarkooda ruuxiisa caasiya Eebe iyo rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid cad'' aydoo aayada aan aan reeceyno waa ineysan wax shaki ah naga galin cadaalad nimada islaamka . tan koowaad waxaa culimadana isku raacsantahay in waxa gabadhu eey 50% ka qaadaneyso uu yahay diyada ee uusan ahayn qisaaska , ninka haduu dilo naag si kas ah waa loo dilayaa balse hadii ninku uu dilo haweeneyda si qalad ah oo eey noqoto in diya laga qado markaas weeye marka uu 50% diyada raga eey qaadaneyso . xikmada arinkaas : mas'uuliyada haweeneyda waxaa dusha laga saaray raga , markeey dhalatay ilaa dhimashada , markeey yartahay waxaa masuul ka ah aabaheeda , marka la guursado waxaa ka masuul ah ninkeeda , waxaa ziyaado ah ooy sii qaadaneysaa maharkeeda markeey weynaato waxaa mas'uuliyadaas sii dhameystirayo caruurteeda . marka haweenka wax kastooy u baahdeen waxaa dusha laga saaray raga . maadaama diyada eey tahay gudid dhibka soo gaaray cida ee dhaqaale ayey noqotay in dumarka eey ka yaraadaan tan raga maadaama raga dhibka ugu badan eey qaadaan ,xitaa dadyoowga dunida waxaa leysku raacsan yahay in cida waayitaanka aabe uu ka dhib badan yahay kan hooyo sidaa darteed ayeey cadaalada waxa eey tahay in qofka dhibka badan gaarsiinayo dhaqaalaha cida loogu badalo dhaqaale badan . arinkan waa un gudid dhaqaale ee ma ahan gudid naf go'day .
  9. fitna : sida mufasiriinta ku fasireen ayaada waa gaalnimo(shirki) , balse gaalnimadu waa fitno lagu suubiyo qofka wuxuu aaminsan yahay iyo iimaanka marka labada ra'yi ee walaal miskiin iyo boondheere waa isku meeshii . laakin maadaama eey aayada ku soo dagtay dhacdadii saxaabada ku suubiyeen ma ahan in daliilka aayada uu noqonayo gaalnima bas . qaacidada fiqiga waxeey leedahay '' alcibratu bicumuumi lafdi ,laa bikhusuusi-sabab '' hadaba hadii ayaadu eey eedeysay in qofka laga fidneeyo iimaankiisa ,ee uusan helin amaan uu ku caabudo rabigiisa ,sidaas oo kale waa la diiday in dadka amnigooda laga fidneeyo oo qalaaaso lagu kiciyo , si amnigooda nololeed loo carqala geliyo . baaritaan aan waday maalmahan ayaan waxaan soo helay in arinka sadaxaad ee u dhaxeeyo in dowlada lala dagaalama ama iyo sideeda loo daba fadhiyo waa in aanan cadaalad suubinaa ee aanan qofna u eexan , cadaaladana waxey leedahay in qof walba danbigiisa lagu qaado , maslaxadahana midba mida ka weyn la qaato hadii eey is qabtaan . wadamada qaar waxaa xalka ugu dhaw ee xaqa ah uu ku jiraa iney is difaacaan sida falastiin oo kale maadaama cadowga ka soo horjeeda uu yahay mid joogta ah oo waligiis inuu heysto rabo ,dhulkoodana maalin walba ka boobaya oo sii dhisanayo. wadamada qaar sida soomaaliya waxaa dan ugu jirta in dagaalka lajoojiyo maadaama eeysan jirin cadow dhulka nugu heysto oo doonaya inuu naga qaato dalka , ama cadow xoog ku joogo wadanka oo shacabkoo dhan eey kasoo horjeedaan ama badan kooda eey kasoo hor jeedaan una arkaan gumeyste wadanka naga qaadan rabo , uuna joogo hal gobol ,magaca uu ku joogana eey tahay nabad ilaaliye . in kastoo dadka soomaaliyeed dhamaantood isku raacsan yihiin in hadii heshiis la helo oo dowladu amnigeeda sugi karto la helo in amisom eey dhaqso isaga baxeyso ,hadii kale eey isu badaleyso israel kale taasoo keeneysa in shacabka dhan eey la dagaalaman, faaido weyn inaanan lagu qabin na waa la wada og yahay . balse wadada ugu fududu ee lagaga hortagi karo dhibaatooyin sii daba dheeraado waa in la heshiisiiyaa . kasoo qaad hadii la yiraahdo waa inaan la dagaalanaa dowladan , dowladii wax kastooy isku difaaci karto suubiso ,shacabka badankiisana uu ka noqdo daawadayaal aanan dhana la jirin imisa sano ayuu soconayaa dagaalka ,ugu danbeytiina dhibka yuu udanbeyn sow shacabka ma ahan . dadka loo cararaya in nabadi ku noolaadaan sow shacabka ma ahan , maxaa uroon shacabka waa amni iyo kala danbeyn , dagaalse soomali ma nabadeyn karaa . jawaabta waxaan filaa waa maya . hadiise dowlada dagaalka laga daayo oo hal quwad leysla noqdo , Amisom maxaa u yaalo waa waxba wey iska laabaneysaa , maadaama dadka eey muslimiin yihiin 100% , dastuurka eey u codeynayaan wuxuu noqonayaa shareecada islaamka . hadafka xarakooyinka islaamiga ee dalalka muslimiinta sow ma ahan in shareecada islaamka leysku dhaqo ,wadankana laga saaro gaalada . hadaba wadadan oo fudud waxaan ku helaynaa hadaan soomaali nahay in aan heshiino , muslimiinta 100% wexey u codeyn shareecada , Amisom wey ka laaban . fidnada gaaleysiinta waxaa sababo fidnada amni darada mararka qaar sida ku dacday soomali ku gaaloowday qaxootiyaha kenya .lacag la,aan iyo amni daro darteed ayaa shacabkii u gaaloobayaan dunida dacaladeeda ,soo fidna waxaa noogu filan amni darada keentay gaalnimada .
  10. boondheere iyo almiskiin dhamaan walaalayaal waad ku mahadsantihiin ra'yigiina . wey fiicnaan lahayd inaan noqono sida malaysia , runtii dalkaas waa midkaan ku faano hadaad nahay dadyowga muslimiinta marka laga eego dhanka dhaqaalaha iyo hurumarka , qowmiyada malaayo la yiraahdana runtii waa dad mutadayiniin ah. maleysia wey ka fursad fiicantahay wadama badan oo muslimka iyo gaalo is dhax dagan yihiin maxaa dhacay si fudud ayaa diinta lagu gaarsiin karaa dadka aygoo cadaawad ku heynin . sucuudiga runtii dhibaato maka jirto , culumadooda badankoodna hadaad fiirido waa dad dhaxdhaxaad ah sida max,ed alcureyfi , cabdalla maslax ,muftiga dalka ee reer allsheekh , kuligood wey diideen in dowlada la burburiyo , culumadii soomaaliyeed ee sucuudiga wax kusoo bartayna wey ka gaabsadeen arinka sida sheekh umal iyo shibile , iyo inta kale badnkood aan dhaho 95% culimadii sucuudiga kusoo baratay weey diideen in dowladaha muslimka la burburiyo xiligan hada la taagan yahay. weyna fiicnaan laheyd in culimada mas'aladan eey muxaadarooyin nooga sameeyaan maadaama eey tahay arin aad muhiim u ah dhamaan muslimiinta ,qaasatan dalka soomaliya . soomalida qaar ayaa gaaray iney dhahaan war israelba hana qabsatee cid un mey inoo harto , markeey arkeen in dagaal aanu xalkeeni karin , wey jiraan marar ka qaar iyo waqtiyo qaar uu dadka dagaalku lagama maarmaan ku noqonayo balse xaaladan ku jirno hada nabada ayaa lagama maarmaan nagu ah.
  11. family planning suubiya faqriga iyo gaajadaad ka baxeysaan !!!!!!!!!!!!!!!!!!!. soomaaliya cida baddan oo labo ama hal dhalay ayey abaaruhu ku dhaceen ayagana ma suubiya ayaan leenahay . maltes theory walee dad badan oo aaminsan ayaan arkaa . ma ogtahay reer galbeedkii family planning bilaabay ayaa hada dadka lacag ku siiyo ilmaha si loo dhalo . dunidada musiibo rabbaani wey ka dhacdaa sida dhulgariirka ,volcanada ,gaajada ,daadadka waxaas oo idil waa musiibo rabaani ah qof istaajin karana malahan , bal fiiri falastiin soomaalida wey ka dhalma badan yihiin ayagoo gaajo laga sheegayo ma maqashay . mar walboo dhalida eey badato waxaa bato waxsoo saarka iyo hurumarka , dunida mar walbuu dadkeeda soo bato horumarkeeda wuu lasocdaa , ilmaha dhalanaya irzaaqadiisa oo qoran ayuu dunidan imaanayaa , hal koob cabitaan oo dheeri ah ma cabayo , cunto aanan u qorneyna ma cunayo ,waxa aad cuneyso waa inaad aamintaa iney tahay wax Alle kuu qadaray marka uurka hooyo aad ku jirtay sida xadiithka arbaciinu nawawi ku qoran . balse wax kuugu qasbayaa ma jiraan inaad 10 ,3,8 aad dhasho , balse waxaa xaraam ah inaad tiraahdo family planning ayaan suubsanayaa sababto ah irzaaqad uma hayo , oo adigan irzaaqadaada ma qof gacantii bey ku jirtaaa. waase laguu ogol yahay inaad ilmaha sanadaha u dhaxeeyo aad kala fogeysato sida fiican waa in ilmaha la nuujiyaa 2sano sida aayada albakhra v 233 eey noosheegeyso . laakiin tan ma ahan inaad tirahdo 2 cunug bas inta kale qarash uma hayo ,xaaraamnimada arinkaas Alle wuxuu quraankiisa kusoo celceliyay '' ch 25 v 68 , ch 17 v 31 .
  12. Allaha u naxariisto ,daalim baa dilee janada Allaha ka waraabiyo danbigeedana Alla ha u dhaafo.
  13. runtii waa arin culus waana xaalka naheysto hada, dagaalna in aanan waxba lagu sixi karin waan aragnaa , tusaale waxaa ah ciraaq ,afkhaanistaan ,soomaalidana ayagaaba usoo joogay oo loogama sheekeynayo in dagaal wax saxo iyo in kale . hadaan ku daro fikirkeyga waxey ila tahay in aslan dagaalka la joojiyo , wada hadal lala galo madaxda , heshiis na lala gaaro ,heshiiska qodobadiis qaar haba qaraaraadeene . taasna waxaan tusaala usoo qaadanayaa heshiiskii xudeybiya ee nabiga uu lagalay reer makka ,runtii qodobada heshiiskaa qaar ku tirsanaa hadii qof anaga naga tirsan loo bandhigi lahaa wuu diidi lahaa sida qodobkii ahaa '' in qofkii muslim ah ee kasoo carara Makka ee Madiina yimaado lagu soo celiyo Makkah balse kii madiina ka tagaa uusan celis lahayn'' qodobkaa asxaabta waa weyn qaarkood ayaala amakaagay illaa sayidunna Cumar uu yiri rasuul Allow miyaadan ahayn rasuul xaq oo eebe kusoo dirin ,miyaanan wadada saxda aah kutaagneeyn maxaan duliga u qaadaneynaa . waatey asxabta badankood eeyhoog u arkeen ilaa eey kayara madax adeegeen iney xiiraan madaxooda . arinka fiiri qaraarkiisa iyo in asxaabtii nabbiga sidaas uga gubtaan go'aankaas ,waa arin culus soo maaha . balse natiijadii maxey noqotay in diinta islaamka soo galaan in ka badan dadkii soo islaamay 19sanoo ee ka horeeysay heshiishkaas . marka waa inaan ka tanaazulnaa waxyaala qaar dhib weynba hanagu noqdaan . xumaantoo dhanna mar lamawada sixi karo balse wexey ubaahan tahay in tartiib tartiib loo saxo ,hadaan dhahno halmaraan wada saxeynaa wuu wada qaldamayaa . culimadana waa iney noqdaan kuwa xaqa utaagan iyo difaaca shacabka ,madaxda unaseexeeyaan ,xumaanta uga digaan si xikmadeysan ,dulmiga eey ka hadlaan, sheegaana sida lagu sixi karo , shacabka in diinta laga dhiso ,amniga loo sugo ,dhanka caafimaadka laga xaliyo , masaajida culimada eey duruusta kabixinteeda badiyaan , marka shacabka diinta ka dhismo ,xitaa in ciidamada xerooyinkooda lagu baro diinta. madaxda hadeey sii wadaan dulmiga iyo hanti boobka waa iney culimada shacabka hor kacdaa, oo madaxdaasi meesha laga tuuraa .dagaalkana uu noqdaa ogaanka u danbeeya . balse hadaan dowladii ka baxno oon dagaal la istaagno ,ayagana eey dhankooda is giijiyaan sow dadkii iyo duunyadii ma burbureyso oo maku dhaceysoo wixii soomaali ku dhacay 21 sano , liibiyana hada eey kusii socoto, yamen sidoo kale .
  14. laakiin waxaa jira daliilo fara badan oo iyagana diidaya in dowlada laga boxo oo dagaal ama mucaarado lagu kiciyo waxaana ka mid ah . ibnu teymiyah wuxuu yiri '' in la adeeco madaxda waa waajib ayadoo lagu raacayo maadaama uu Alle amray in la adeeco,qofkii adeeco madaxda isagoo raacayo amarka Alle ajarkiisu Alla agtiisuu ahaaday , laakin qofkeen adeeceynin inuu lacag ama jago ka helo mooyee hadeey siiyaan adeeco hadeey u diidaana ka horyimaado ninkaa Aakhiro waxba kuma lahan ''.مجموع الفتاوى (35 / 16) ibnu cabaas waxaa uu rasuulka kasoo wariyay inuu yiri''qofkii amiirkiisa naco ha u sabro ,ninkii ka baxaa amiirkiisa taago wuxuu dhintay dhimasho jaahilaya ah'' bukhari iyo muslimba wey wariyeen. sheekh ibnu baaz wuxuu yiri '' madaxda naseexeyntooda waa iney noqotaan si usluub fiican ku dheehan tahay ,mana ahan in ceebahooda lasoo bandhigo,ama minbarada laga dhaliilo,laakiin nasiixado waa wax walbo oo kheyrka sugaya , xumaantana tirtiraya lakin wada fiican ku sameynaya , iyo jid uu Eebe ka raali yahay '' fataawaa ibnu baaz (7 / 306). sidoo kale qowlka fiqiga ee ah '' fasahaadkoo laga taga waxey ka horeysaa wanaagoo lasuubiyaa '' . hadaba hadii ka hortaga madaxda eey keeneyso in dhiig badani ku daato waa in laga tagaa .
  15. miskiin walaal waad ku mahadsantahay ra'yigaada ah in dagaalka un xal keeni karo, sidoo kale walaal boondheere ra'yigiisa wuu ku mahadsanyahay . arinkan oo ah mid ubaahan raadin dheer iyo fikir deep ah , waxaan isku dayay inaan baaro waxa eey diinta ka qabto arinkaan ,balse waxaan la kulmay 2 go'aan oo kala fog mid walbana daliishiisa wato . mid wuu taageeray in laga horyimaado oo lala dagaalamo , daliilyadiisana waxaa kamid ah : in asxaabta qaar ka mid ah eey ka horyimaadeen amiirkii , sida xuseen bin bali , iyo cabdullaahi bin Zubeyr eey uga hor yimaadeen Yaziid bin macaawiya oo xiligaas madax aha ,sidoo kale Xasan albasrii iyo culimadii kale waxey ka hor yimaadeen Xajaaj bin yuusuf . sidoo kale diinta inuu qof galo laguma qasbi karo Alle wuxuu yiri ''(لاَ إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَد تَّبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ)[البقرة : 256]'' laakiin cadaalada wuu amray((إِنَّ اللّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ )[النحل : 90]'' (وَأُمِرْتُ لِأَعْدِلَ بَيْنَكُمُ اللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمْ لَنَا أَعْمَالُنَا وَلَكُمْ أَعْمَالُكُمْ لَا حُجَّةَ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ اللَّهُ يَجْمَعُ بَيْنَنَا وَإِلَيْهِ الْمَصِيرُ [الشورى : 15]، marka sidee loogu qasbayaa dadka iney dulmiga ku jiraan . Alle wuxuu yiri ( يا أيها الذين آمنوا أطيعوا الله وأطيعوا الرسول وأولي الأمر منكم) ,Alle wuxuu la xiriiriyay adeecidiisa iyo adeecida rasuulka tan waaliga(madaxa) ,balse daadaca rasuulka iyo tan Alle waxey ku saleysan tahay dinta ,hadaba hadii madaxda eeysan ku socon shareecada islaamka xaq uma lahan in la adeeco . iyo daliilo badan oon halkaan kusoo koobi karin .
  16. 8: isla sanad ki 3 aad rasuulka wuxuu guursaday Zeynab bint Khuzeymah bint Xaarith oo kumagac dheereed hooyada masaakiinta. 9:sanadkii 5aad waxaa Alle soo dajiyay aayadahii qur'aanka ee ceeb tirayay hooyadeen caaisha AHRN ayada , kadib markii cabdulaahi ibnu ubey ibnu salool uu fidiyay in caaisha zineysatay . sheekadan been abuurka wexey dhacday bishi shacbaan ,marka eey asxaabta iyo rasuulkaba eey kasoo laabteen dagaalkii lala galay reer banii musdhaliqa , arinka wuu socday ilaa bisha ramadaan ,markaas ayuu soo dageen aayadihii beenta daaha ka qaday caaisha bari yeelay. 10:sanadkii 8aad waxaa dhacay furashadii Makkah ,rasuulka waxaa la tilmaamaa inuu Madiina ka soo baxay bisha ramadaan markey ahayd 10 , Makkana wuu gaaray 19 bisha ramadaan . 11:sanadkii 9aad waxaa rasuulka u yimid reer banii thaqiif ayagoo cadeeynaya iney islaameen .
  17. Runtii xag jirnimo ma haboona oo diiniyan ayaaba laga fiican yahay maadaama diinta ee tahay diin dhaxdhaxaad ,inkastoo arinta xagjirnimada qofba si u yaqaano balse waa dhib inaan iska hoos fadhino madax aan dalka,diinta ,iyo dadkaba wax u heynin , balse jagadooda un ilaashanayo , jidna u yihiin dadka shisheeye ee dhibaateynaya ummada . wadamada qaar ee muslimka ah waxaa dhacday mar in dadkii lagu qasbo iney afuraan maalin ramadaan , qaarbaa cilmaaniya sheegtay oon lagu soo qaadi karin shareecada islaamka ,ma ahan iney yihiin gaalo balso jago jaceyl iyo iney kursigaas ku sii raago ayey wadama gaalo u raali galinayaan . hadaanan is badal la helinna shacabka wuu sii duloobaa , iimaanka shacabkana wuu yaraanaa qaar badan oo gaaloobayna waa la arkayaa . dhanka kale waa burburin iyo dhiiga muslimiinta oo wabiyo noqda ayadana suura gal ma ahan . bal aan isku deyno inaan raadino xal sadaxaad . midnimadii shacabka waxaa hor istaagaya madax kursi u dirir ah oon kala jecleen inta dhimatay ee shacab ah .
  18. si jirka uu tabartiisa u soo laabto waxaa sunna ah in timir lagu afuro 3ama 5 ,tira isdheer un , dabadeed afur aan saa u cusleen waa inaan is barnaa , dabadeed salaadaha soo xaadirnaa , salaada ka dib hadaad soo yara gaajootay in cunna ah hadaad hesho iska cun balse ha iska badan madaama cuntadoo lala jiifto marka la dhargo ka dib eysan fiicneyn caafimaad ahan .
  19. ramadaanka dadka kharkood waxey u badaleen bil cunto ,maalintii oo dhan buu soomayaa afurkii markii lagaaro ayuu laba saxan oo cunta ah ka tuurayaa , dabadeedna salaadii ma aadi karo maadaama uu naqas u baahan yahay , caloosha inta ugu fiican ee la geliyo waa 1/3 , balse hadaan ku wadno ee labadii qeyb ood ee hawada iyo biyaha aan buuxino waxaa fidsamaya xuubka yar ee caloosha ku wareegsan kadibna wuxuu riixayaa kor iyo sanbabadii markaas baad arkeysaa qofkiyoo hawada raadsanaya ama aanan xitaa hadli karin . qof saa afurkii u cunay miyuu taraawiix aadi karaa ,jawaabta waa maya , 3ama4 saac kadib dadbaa casha hadana cuna ,dabadeedna soo jeeda ilaa xili danbe ,suxuurta usoo toosa kadibna inta eey is yiraahdan indha guduudsada ayey salaadii subax ka tagtaa . walaalayaal xikmada soonka saa ma ahan caafimaad ahaana waa halis , waana arin eey suubiyan reereaha soomaaliyeed badanaa.
  20. 1: soo dajinta Quraanka kariimka bisha ramadaan waa bishii Eebe kusoo dajiyay nabigeena NNKH Quraanka kariim eeyna bilaabatay dacwada. waxey aheyd maalin isniin ah bishana eey tahay 21 ramadan. Alle wuxuu yiri شهر رمضان الذي أنزل فيه القرآن }[ البقرة /185] , xadiithka uu wariyay muslim (1162 ). 2:dhimashadii Abuu dhaalib(nabiga adeerkiisa ). sanadkii tobanaad ,soobixinta nabiga dabadeed .sadaxsano kahor hijrada Nabiga NNKH 3:geerida hooyada mu'miniinta Khadiija binti khuweylid AHRN waana isla sanadkii 10 ee abuu dhalib uu geeriyooday . 4: sanadkii koowaad ee hijrada (tagidii suubanaha uu tagay madiina ) waxa la diray sariyadii ( ciidan soo indha indheeya xaaladaha)uu xamza bin Abuu Dhalib AHRN uu hogaaminayay ee la oran jiray sirriyatu seyful baxri . 5:17 Ram sanadka 2aad ee hijrada waxaa dhacday ,dhacdadii weyneyd ee dagaalkii Badar halkaas ooy ku baqtiyeen 70 madaxyaweyntii gaalada qureysheed ah uuna ku jiray Abu jahal(camar bin hasham),iyo ummayah bin khalaf , caas bin hasham bin muqiira(cumar bin khadhab AHRN) . meysan anficin laata iyo cuza (magacyo sanamo eey Qureysi caabudi jirtay). 6:2H waxaa kaloo geeriyootay Ruqiyah gabadhadhii nabi muxamad NNKH ,xaaskii Sayidunaa cusmaan bin cafaan AHRN. 7: sanadkii 3 aad qaasatan 15 ayaa Faadumo binti muxamad NNKH waxa eey dhashay Xasan bin cali bin abii dhaalib AHRNDH. Erey bixin NNKH :Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha Ahaato. AHRN : Alle haka raali noqdo AHRNDH: Alle haka raali noqdo dhamaantood .
  21. waana bisdhii lasoo dajiyay Quraan kariimka ,waa bishii malakul jibriil rasuulka u imaan jiray si qoraanka eey isula aqriyaan . waana bil aad u barakeysan . walaalaha muslimiinta dhmaan waxaan leeyahay ramadaan kariim
  22. Netanyahu's greeting for the month of Ramadan Netanyahu's greeting for the month of Ramadan . noociisa oo kale inuu bisha ramadaan xitaa ku dhawaaqo xaq uma lahan . maalin walbo wuxuu xasuuqaa muslimiinta falastiin . malcuunka . inshaa Allah Qudus wey xoroobeysaa yuhuud ha ogolaato ama ha diido . obama iyo clinton dhibca ayey muslimiinta uga raadsanayaan balse wanaag inuusan u oolin wey ogyihiin . Allow qudus xoreey , dhaawacoodana bogsii ,shuhadadoodana janadii fardowso ka waraabi , guuldarada daalimiintana soo dadaji .
  23. ramadaankan waxaan eeba ka baryeynaa inuu nooga dhigo mid aan ku reysano , naxariistiisana eey dushena noqoto .
  24. Faa’iidooyinka Bisha Ramadaan u leedahay Caafimaad keena( Benefits and Health tips for Ramadan) iyo khuburada caafimaadka waxayka kayidhaahdeen Soonka (health experts). waxaa la’ogaaday inuu soonku jirkeena sunta(toxin) ka sifeeyo,lana soodaayo dheecaano(hormones) layidhaa endorphins oo u fiican jirka, maskaxda, emotion ka , stress ka, qofka ka ilaaliya walwalka faraha badan, iyo faa’iidooyinkale oo badan. Marka hore waxaan mahad gaara u celinayaa Allah sumxaanuhuu watacaala, ina siiyay bishan khayrka badan leh, ee watadata danbi dhaaf, Allah kacabsi,qani’nimo, naxariis, oo ay dhamaan dadka muslimiinta ahi ay wada dareemayaan same feeling iyaga oo dunida caalamka kajooga meelo kaladuwan oo aytahay bishani mucjiso Allah(SWT) , halka non-muslim ka ahna ay ka somaan iyaga oo faa’iidooyin caafimaad karaadinayaa oo aanan waliba wax abaal marin ah laga sinayn(Ramadan is a period of fasting, reflection, devotion, generosity and sacrifice observed by Muslims around the world. While major holidays of other faiths have largely become commercialized events, Ramadan retains its intense spiritual meaning.) oo runtii quraankeena kariimka ah iyo Rasuulkuba (peace be upon him) ay inoo sheegaan faaiidooyinkeeda badan een lasoo koobi karin. hadaba waxaan isku dayayaa inaan soo koobo faa’iidooyinka caafimaadka ay inoo leedahay bishan Ramadaan iyo khuburada caafimaadka waxyaabaha ayka yidhaahdeen Soonka . Faaiidooyinka Soonka maxayka yidhaahdeen Doctors ku .waxay hoos u dhigta baruuta jirkaaga(reduces your cholesterol level) oo ay baruurtu keento xanuuno farabadan, sida dhiigkarka, macaanka(diabetes),faaliska(stroke and paralysis), wadno xanuun, .soonku wuxuu ufiican yahay halbowlayaasha dhiiga uuqaada vital-organs ka jeerkeena ee ay kamid yihiin maskaxda iyo wadnaha, kalyaha, beerka(liver) waayo qofku marka uu inbadan soo manaado waxaa dhiiga kuyaraada waxyaabixii qashinka ee dhiiga soo raacayay, iyo waliba baruurtii markaasi xididada or blood vessels ka jirkeenu dhiiga siifiican ayay uqadaan. .soonku aad waxaa uu ugu fiican yahay dadka aadka u cayilan(over-weight) ama baruurta badanleh. .smoking, sigaar cabida uu qofku caadaystay or some other bad habits qofku waxaa suro gala inuu iska daayo maadama uu malintii oodhan qofku soomanyahay oo shaygii uu qabanjiray markasta sida sigaar cabistii maalintii iloobo jirkiisuna laqabsado, halkaasina sigaarka iskaga daayo .maxayka yidhaahdeen bisha Ramadaan Health experts .doctors ka caalamku hada waxay ogaa deen soonku inuu u leeyahay faa iidooyin badan oo ay kamidatahay, xanuunada aan daawada loo hayn, uuna ufiican yahay soonku .waxaa aad muhiim ah inuu soonku qofku miisaanka karido taasi oo hoos udhigta inuu qufku ay kudhacaan, dhiigkar, macaan, depression.ayay yidhaahdeen health experts . Sunta(toxin)Sanadkii oodhan jirkeena ururiyo ayaa uu jirkeena kasiifeeyaa soonku (“A detoxification process also occurs, because any toxins stored in the body’s fat are dissolved and removed from the body,”) sumxaan waa faa’ iidooyinka ugu wayn ee hada dadka aan muslim ka ahayn ********, oo khasabku noqotay inay somaan once in a year. sumxaan, balfaaiidadaan fiire walaal. .waxaa kaloo la oogaaday beerku waa meesha dheefshiida baruurta jirkeena (fat metabilism) inuu bisha soon nasto. maadaama ayqofka inta badan anan cunta badan cunayn. .Hormones ama dheecaano layidhaahdo endorphins ayaa jirkeenu soo daayaa oo dhiiga laraaciyaa , hadaba dheecanadan oo qofka firircooni gaaliya, inuu fikiro, farxad badana ku abuura, uuna fiican maskaxda qofka, halka ay gaalada ama non-muslim ka ah si ay happy iyo farxad iyo maskax sifiican u shaqaysta aykaraadiyaan Alcohol, drugs, sucide oo qofka naftiisa halis galisa ama ay istic malaan hormone kan oo lasameeyay oo ah synthetic endorphins sii uu u helo farxad oo murugadu uga ba’do ayna yidhaahdaan endorphins makes you happy. bal ufiirso sxb isaguna waa uu ibsanayaa adiguna adiga oo ajar laguu qoraayo ayaad waliba helaysaa hormones oo ah natural . sxb u fiirso nimcadaan Allah. kana faa’iidayso. khuburada caafimaadka ee aduunka ayaa hadalkoodii sidan ayaa uu dhignaa markay ogaadheen dheecanadan inaa lasoo daayo qofku marka uu soomanyahay (“After a few days of the fast, higher levels of certain hormones appear in the blood (endorphins), making you more alert and giving an overall feeling of general mental wellbeing.” .Soonku waxaa uu isku dheeli tiraa cuntada iyo biyaha (A balanced food and fluid intake is important between fasts) . beerkeenu(liver) waxaa uu soo saara sonkor ama glucose yar oo qofka kufilan inata uu soomanyahay taasi oo ka ilaalisa inay inagu badato glucoseku markaasi soonku waxaa uu ka’hortagaa xanuunka macaanka ah (diabetes) maadaama glucose level kii uu hoos udhigaayo. .Fasting has been found to be an effective treatment for psychological and emotional disorders .Dheefshiidka jirkeena soonku waa ufiican yahay, enzymes ka cuntada dheefshiida ayaa siifaan u shaqeeya .hadaba khuburada caalamku waxay ******** inuu soonku khatarta xanuunadan hoos udhigo soon ku ee ay kamid yihiin kuwan hooskuqoran including those of the digestive systems, chronic stomachache, inflammation of the colon, liver diseases, indigestion, and conditions such as obesity, arteriosclerosis, high blood pressure, asthma, diphtheria and many other diseases. faaiidooyinkaasi iyo kuwo kale ayaa uu leeyahay soonku markaasi iskuday inaad kafaa’iidaysato.Through increased charity, Muslims develop feelings of generosity and good-will toward others.our prophet muhammed(peace be upon him) once said, “A man’s wealth is never diminished by charity. nabigeenu nabadgalyo iyo naxariisi ha ahaato waxaa u yidhi qofka qani’nimadu kama naaqusto sadaqadu markaasi soonku qofka sadaqada inuu labaxo , uuna dereemo walaalkiisa kale inuu gaajoonaayo ayaa uu ogaadaa bishan soon , qofkuna waxaa uu labaxaa sadaqo badan.