Nabad_dadaye

Nomads
  • Content Count

    318
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nabad_dadaye

  1. shaqo wacan , howsha ha cabo madaxweynaha , xamarna si fiican ha u nadiifiyo amnigeedana sidii laga rabay haku soo celiyo balse si xamar amnigeeda loo ilaliyo waxaa fiican in magaalada laga fogeeya alshabab oo ugu yaraan 30 kilo mitir eey magaalada ka fogaadaan si amniga iyo kaladambeynta eey si fiican usocoto . shaqa wacan .
  2. waa run dadyowga wadamada hada kacdoonada ka suubiyay wadamada carabta waxa eey rabaan xuriyad iyo us badal lagu sameeyo hey'adaha wadanka ,balse waa bilow fiican maadaama diinta fidinteeda iyo shacabka ku dhagitaankiisa diinta uu fudud yahay waqtiga aad xuriyada heysato . khilaafada in la gaarana waxa eey ubaahan tahay tartiib tartiib ee ma ahan hal mar ayaan shey walba badaleynaa , maadaama muslimiin badan oo shaki laga giliyay caqiiqadooda ,ama fikirka cilmaaniga lagu shubay ood layaabeyso waxa uu aaminsan yahay sababo laxiriira aqoon yari dhanka diinta islaamka ah ,ayaa la rabaa in loo cadeeyo waxa ka qaldan iyo beenta laga dhaadhiciyay . taasna wexey u baahan tahay jawi xuriyad leh , khilaafadana waa shey uu Nabiga NNKH inoo sheegay iney imaaneyso ka dib xili muslimiinta eey kaligiis taliyayaal eey dhibeen , xadiithkas wuxuu sheegayana waa xaq , laakiin ma hadaa mise wali waqti ayaa dhiman Allahu aclam laakiin qofka mu'minka wa inuu rumeeyaa in eey dhici doonto khilaafada eeyna tahay taan wada sugeyno . manhajka sucuudiga waan aragnay oo ka biloow sagaashameeyadii ilaa hada, iskuulada soomaali ku yaala waxaa u badnaa ikhwaanul muslimiin kadibna waxaa kusoo xigay alitaxaad , ka horna culimadeenii ahlu sunna wal jamaaca .kuwooda cilma leh waxey ka qaadan jireen sucuudiga ,mana arag wax qaldan ama meel eey ku qoran tahay qofka haduu warkaaga diido ama fikirkaad ka hor yimaado dil sida eey hada Al-Qaeda suubiso. in sheekh hal fikir uu leyahay la qaato ayadoo inta kale ee warka ula jeedadiisa fasireyso la dhaafo lagana dhigo inuu qaldanaa sheekha ilama haboono , ibnu teymiyah mabda'iisa xur mada dhiiga islaamka qofka aqriyo ma dhahayo sheekhaas ayaa dhiig daadinta ujideeyay . shekh dhahay dadka hadey ku mucaaradaan hala dilo , gaal meel walboo lagu arko hala dilo inuusan jiran waa lawada ogyahay , waana bini aadam khalad na wuu ka dhici karaa ,laakiin sharafkooda in lagu xad gudbaa lana eedeeyaa waa halis diin ahaan . barnaamijka ey wadato Al-Qaeda waa baraamij ka dhashay qaab nololeed eey ujoogeen , ee ma ahan baraamij cabir diineed ku socdo , waan xanaaqay maadaama muslimiin la leynayo ana gaal oo idil waan laaynayaa ,kii muslim ah ee lasocod gaal lagu na arko waa ladilayaa ,waa iska fikir qof aanan shaqa ku lahayn diinta iyo culimada islaamka . dhalibaan iyo Al-Qaeda gaaladii ayaa leh wey ku kala duwan yihin waxa eey tiigsnayaan ,in kastoo qaababkooda dagaal uu isku mid yahay . alqaeda waxey dagaal kula jirtaa inta fikrkeeda kasoo horjeeda muslim iyo gaalba , Talibaanse waxey taagan tahay wadanka iiga bax hadii kale wada kastoo xalaal ama xaaraamba waan kuugu bixinayaa . Alshabab ma taagno xaaladooda gaalo wadanka haka baxdo ,balse waa inaan afrika islaam ka dhigno ,xuduudahana eey yihiin been macnaha wax celiyo malahan , wax fiqi ku khilaafi karaa majirto , balse haduu ahaan lahaa urur u dagaalama soomaliya sidii kuwii gobanima doonka ahaa taageero wey heli lahayeen balse hada ayagaaba dadkii loo dagaalami lahaa cadow ku eh wax yaalo eysan qabin diintana ku dhaqma. dhanka barashada cilmiga anagaa ka mudan dadyoowga diimaha kala aaminsan maadaama aayada ugu horeysay ee quraanka kariimka eey tahay (Iqra) , inaan dhan walbo aan cilmiga ku hormarno ayeey aheyd anagoo ubaraneyno inaan ku fidino diintan xaniifka ah , hadaad cilmiga fiisigis ka baro dadka u acedeey sida eey facts cilmiga iyo aayada eey isu waafaqayaan and so n so , fursada kaloon heysano waa in Eebe uu naga ajar siinayo hadaan ubaranno inaan ugu adeegno diinta iyo umada ,taasooy diimaha kale ka jirin , inaan waxbaran weynana waa ceyb dhankeena ah , hadaan shaqadeena gudan weynana in kuwa naga fiican nalagu badali doono Eebaa Quraanka noogu sheegay .
  3. balse falalka alqaeda oo dad badan nacsiinaya iney diinta islaamka galaan , iyo dagaalka dhan walbo ka imaaya ee reer galbeedku ku beegsanayaan dadka muslimiinta marmarsiinyo kasta oo lagu dhibaateynayana uga faaideysanayo tasoo ayadana sababeysa in dadkii diinta usoo laabtaan fahmaan in waxa lagu liibaanaya eey tahay in la raaco wadadii rasuulka .ayaa dadka islaamku hada hor taalo . hadii dhinacyada diinta si khaladka u fahmay la iska dheereeyo , aanan noqonin kuwa siyaasad dad shisheeya kuwa ku shaqeeya , waxaan filaa khilaafada in eey soo dagdageyso.
  4. runtii waxa jira labo sheey oo laysku qaso ,tasoo kala ah dadka diinta ku dhagan ee ku adadag waxa diintu sheegtay ,iyo ururo hadafkoodu uusan cadeyn arbushaad iyo dhibaatooyinkale lagu bartay . waxaa nasiib dara ah in cabsi laga qabo dad loo badalo wax badan oo diinta eey baneysay ,tusaale ,manhajka sucuudiga waxa laga badalay waa un arimihii ku saabsanaa jihaadka iyo sida qofka muslimka uu diinta ugu dhagnaan lahaa ,manhajkaasi waxaa soomaaliya keenay ururka ikhwaanul muslimiin , kaasoo runtii lagu faaiiday ,haleysku qarxiyo masjid ama hala dilo qof aanan danbi lahayn kuma eeysan qorneyn ,laakin waxaa uu lahaa baab (chapter) ka hadlayo jihaadka iyo siduu uyahay kurus baarka diinta ,isagoo soo guurinayay aayado quran ah iyo axaadiith nabiga . balsecadaadis dhanka reer galbeedka ayaa lagu qasbay sucuudiga inuu ka tiro manhajkiisa wixii ku saabsanaa jihaadka . waana ceb weyn in shey ka tirsan diintaada dano dad kale aad u tirtirto . diinta islaamka meel eey ku leedahay haleys qarxiyo oo suuqyada ama masaajida ama qof gaal ah oon dagaal ku jirin hala dilo majirto . wax yaalaha alqaeda eey suubineyso ama ururada falalka aan diinta shaqada ku lahayn waa wax uqaas ah , mowduuca jihadkana waa arin diineed . wada alqaedana inaan khilaafada lagu gaareynin muslimiinta badankood ayaa qaba , balse waxaa soo muqda ifafaalo farxad leh ,iney soo dhawaatay khlaafadi islaamka , maadaama kaligiistaliyayaashii laga tuurayo , galbeedkuna dhaqaala burbur uu ku socdo , dadka diinta ku dhaqankeeda usoo laabanayo oosii badanaya , dad badan oo so islaamayo ayagoo ku qancay diintan iney xaq tahay . tirada muslimiinta dunida oo lafilayo in 2030 eey gaarto 2billion ama in ka badan .
  5. '' radiitu billaahi rabban ,wabil-islaami diinan ,wabimuxammadin sallallaahu wassallama caleyhi nabiyan warasuulaa''(3 mar) qofkii yiraahdo nabigeena wuxuu inoo sheegay in uu Alle ka raali noqonayo . qofkii Nabigeena ku saliyo(duceeyo) hal mar ,Alle ayaa ku salliyo(duceeyo) toban jeer . imisaan ku sallin karnaa eebe 100 * 10 =1000 waaw yaa ka fudud kana ajar badan.
  6. mango smooth waa lasoo waaayay ,gaxwo iyo moos dhan ,is qabooji, xalwadana waa soo socotaa . juuni dhangaloo ah waa lasoo wadaa .(kaftan). soo dhawoo walaal .
  7. ganacsi wadamada eey is dhafsadaan waxey fursad u tahay dadyowga soomaaliyeed , hadii uganda eey inoo soo dhoofin karto cuntooyin ama alaab ka raqiisan kuwa aan hada ka helayno wadamada kale waa ok , laakinse hadey keenayaan badeeco ka qaalisan tan hada eeyno heysano , wey cada cada hay ineysan soconeynin . laakin badeeco noocee ah ayeey uganda u baahan tahay iney soomaali usoo dhoofido ma muus beey inoo keeneysaa . hadii dowlada eey qabsato shabellada hoose iyo shabeelada dhaxe , soomaaliya dhaqaalaheeda si xawaara leh ayuu kor ugu soo kacayaa , afgooye ,balcad ,jowhar ,marko , buulo , baraawe , garoonka no 50 , garoonka baladoogle ,dakada weyn ee ceel macaan . goobahaas dhan waa goobo istaraatiiji u ah ganacsiga iyo national security labadaba . intaasoo idilna waxey ka tirsan yihiin labadaas gobol ee shabeelooyinka .
  8. alqaeda oo lagu bartay iney fursad dahabi u tahay meelaha amnigooda uu xun yahay ,sida soomaali ,yaman ,afqaanistan ,ciraaq . inkastoo wadama badan amni daradooda la abuuray laakin waxey fursad u tahay alqaeda iney isku balaariso si dagaalkeeda uusan ugu koobnaan hal meel .wadan kastoo alqaeda gashana ,gaaloo dhan mareykanba ha hor boodee waxey isku dayayaan iney fara galin toos ama dadban uga suubiyaan .taasoosecurity wadanka faraha kasii bixineysa .
  9. shey walbu wuxuu leeyahay meel uu ka bilowdo , kurus baar (meesha ugu sareyso ) ,iyo soo hoobasho ,sida cimriga bini aadamkaba yahay . waxaa xasuus mudan xadiithkii nabiga ee lahaa , (( Nabinimo ayaa jireyso , waa la kor yeelayaa , khilaafaa jireyso waa lakoryeelayaa , madax caasi ah ( diinta si fiican ugu dhaqmeynin) ayaa jireyso ,waa lakoryeelayaa , madax kaligood taliyayaal ah ayaa imanaya ,intuu Alla dooney joogayaa ,waa la koryeelayaa ,khilaafo sidii xiligii rasuulka ayaa imaaneyso )) .xadiithka micnihiisa ayaa saa ahaa . markaad fiiriso sida eey wax usocdaan waxaad moodaa in khilaafadii eey soo dhawaatay oo laga gudbi rabo xiliga kaligiis taliyaha uu dhulka muslimka xukumo . laakin dhanka kale markaad fiirido waxaad is leedahay si uusan arinkaan ku guuleysan ayaa dadaal adag loo marayaa , gaal aanan rabin iyo muslim si dadban ugu adeegaya gaalada rabana iney burburaan . tusaale , yaman waxa hor istaagan dunida kale iney tageeran ama muhimad lasiiyo arinkooda waa cabsida laga qabo alqaeda iyo fikirkeeda yaala yeman . taas oo sababi karto in xitaa hadii labixiyo saalax uu dhici doono dagaal u dhaxeeya shacabka iyo alqaeda ,sida alshabab iyo dowlada TFG soomaliya .
  10. sanadkan bilowgiisii ayey dadka reer tuunis eey bilaabaan iney ka banaanbaxaan arin ku saabsan nolol xumada wadanka taalo ,ayadoo arinkaas uu sii kiciyay kadib markuu wiil is gubay duruuf xumo darteed ,waxaa la eryay madaxweynihii zeynul caabidiin ,waxaa xigay in la eryo kii masar , kadibna waxaa wada kacay ,yaman ,liibiya ,siiriya ,baxreyn .balse arinkii baxreyn waxaa u gurmada wadamada ku midoobay gacanka carbeed waana la qaboojiyay . arintaan ayaa si kala duwan looga hadlay ,qaar dhahaya waa soo ifbixii iyo xoroobidii umadda muslimka qaasatan kuwa carabta iyo qabsashada shacabka hogaankiisa ,balse ilaa iyo hada wadamadii ku guuleystay iney madaxdooda tuuraan ,kuma eysan guuleysan iney dowlad cusub sameystaan , liibiya ayaa waxey suubsatay ,dowlad badali karto tii qadaafi , in yarbaana u dhiman . waxaa kaloo xusid mudan in meesha eey ka baxeyn madaxdii ilaalin jirtay israel iyo danaheeda sida xusni mubaarak , yuhuudana eey waayeen labadii saaxiib ee ugu weynaa wadamada islaamka waa turkey ,iyo masar kadib markey turkey sheegatay iney calaaqadaheedi dublumaasi eey kala laabatay israel ,masarna eey shacabkii burburiyeen safaaradii ee israel . dowlada aad utira badanna eey hordhac u aqoonsadeen dowlada falastiin .taasoo USA/israel walaacineysa . ayadoo hadii eey yaman iyo siiriya ku guuleystaan in eey ka tuuraan meesha madaxdan kaligood taliyayaasha ah , eey dhiirai galin doonto wadama kale iney kacdoon shacab suubiyaan ( soomaali Alla haku daro kuwa kacdoon ku suubiya inta amnigeeda diidan), sow uma muuqata in wadamadii islaamka eey raja fiican leeyihiin hadii calaaqooyin fiicanna la suubiyo eey fududaan doonto in muslimiinta eey noqdaan quwad dunida laga tix galiyo xaqeedana aanan lagu tuman karin ? ama waa burburkii eey wadamada islaamku burburi lahaayeen ,eeyna sii xaqiiqowdo xadiithkii nabigeena PBUH ,ee (( waxaa la idinkala dafi doonaa sidii cunta xeereada ku jirto loo kala dafo)) micnaha xadiithka . xoroobidii aqsa sow uma muuqata iney soo dhawaatay ? Alla run hanooga dhigee..
  11. subxanallah (3 mar) walxamdulillaah(3mar) Allaahu akbar(3mar). subxaanallaahi wabixamdihi , cadada khalqihi ,waridaa nafsihi ,wazinata carshihi, wa midaada kalimaatihi accuudu bikalimaatillaahi taammaati min sharri maa khalaq (3mar)
  12. game ka soomaaliya ka socdo waxaa gacanta ku haya dad aan soomaali ahayn , soomaalida dhanka loo jeediyo ayey isaga jeedsadaan . hogaamiya kooxeedyadii hore shacabka wey naceen balse waxaa is weydiin mudan yaa taageerayay oo hubka ukeeni jiray . maxkamadihii markey qabsadeen xamar iyo agagaarkeeda sowma fiicneyn in lala heshiiyo maadaama ninkii ugu sareeyay iyo kuwa tira badan oo madax ka ahaa eey hada TFG ka tirsan yihiin , maxaa loo burburiyay barnaamijkoodii , bal aan isweydiino . mareykanka wuu ka war qabay in alshabab iyo inta eey isku fikirka yihiin eey maxaakimta ku jireen , burburintaana iney ka dhalaneyso waxyaala sidaan oo kale wuu sugayay mareykanka . ethiopia ayey usoo hubeysay ayadoo la ogyahay sida ey soomalida u nacebtahay amxaarta ,taasna wexey dhiiri galisay in dad badan ey shabab ku biiraan . laakin waxaa yaableh muxuu mareykanku ubuunbuuniyay alshabab ,iney taageera helaana uu u fududeeyay kadib markuu xabashi gala yiri wadanka . shalayna hogaamiya kooxeedyadana xabashi ayaa taageereysaye . . waanka niyad jabnay TFG ayey hadana la imaadeen ,oo hogaamiya kooxeed ayey soo celin rabaan . hogaamiye kooxeed ayey taageereen ,shacabkaa iska qabtay , alshabab iney xoogeystaan ayey fududeeyeen , TFG ayey soo taageereen dhanka kale waa leyska horkeenay ,si fiicanna meey u taageerin dowlada , dowlada in hogaamiye lagu celiyo ayey soo wadaan ,so koobaabin inaan ku warwareegano ayaa larabay oo sidii kubada loogu cayaro soomaliya waana dhacday . goormaan ka bixi doodaa sidaan aan hada nahay maxaana markii hore noo sabababy inaan sidaa noqono , waa suaal taagan?
  13. dhibka dhan walbuu ka yimid ilaa eey noqotay in jiritaan soomaaliya uu qatar ku jiro . dhan waa dagaalaha sokeeye ee wadanka 21 aafeeyay , dhiiga muslimka oo xaqdaro loo daadiday . hey'ado dadka ka dhigay ineysan wax beeran .marwalboy dadka wax beertaan eey isdhahaan waa lagaaray xiligaad guran lahayd waxaa lakeeni jiray macaawino eey hey'adaha samafalka isku sheego keeni jireen .qofkii wax beeray markeey 2,3 mar ku baaraan wuxuu beertay wuu iska daafay oo macaawino ayuu iska sugay . reer galbeed iyo alqaacida is bursaneyso ayaa dhibkii kusii darsaday ,alshabab waxey ka shakiyeen hey'adihii gargaarka weyna u diideen iney galaan ama wax ugeeyaan dadkii dhibaateysnaa ayagana wax eey ku taageeraan meysan helin . mareykan wuu diiday in dhanka alshabab wax la geeyo si eeysan wax u helin ,dhibka u badan wuxuu ka dhacayaa dhanka eey alshabab heystaan . dowladoon tabar sidaa u heynin ,iyo ayadoo xitaa ciidankeeda ka celin weyday in eey boobaan macaawinadii . dowladahii carabta oo aad uga gaabiyay . intaas markii laysku daro waxaa cadaaneyso in cuqubo eey galabsadeen qaar naga tirsan ciqaabteedii eey nagu wada dagtay . cadow sidaan nala rabayna dhulka nala sii galay oo diyaariyay wax walba oo sidaan abuuri karo . xerooyin aan wax fiican ka jirinna dadkoo dhan ayaa loo soo qixi si dalka uu faaruq u ahaado . waxaan leeyahay Alle hanoo gargaaro .
  14. badanaa qof markuu wanaaga isku dayo ,dadbaa dhan kale u weeciya ama isku daya in fikirka la leexiyo. reer walba wuxuu sameystay maamul goboleed qaar shaqeeya iyo qaar magac u yaal ah badankoodna waa un qurba joog ,qabiil dabada ku haya , hadey ka waayaan meel sidey rabeen looma dhama ayeey la soo istaagaan . suura gal matahay in cidwalba oo sheegatay maamul gobol ama degmo in la invite gareeyo kadibna ayadoo madax ah eey goobta soo fariisato? bal suureyso cid walboo madax sheegatay oo meesha fadhido . ma shirbaa kaa. beel walbana yaa qancin karo . reer tanag hadaan nahay nalama wicin ,reer sariir hadaan nahay nalama wicin taasi xal makeeneysaa ? hadaan waxwalbo cilad u raadino maxalbaa lagaarayaa ? shirka inta isugu imaatay hadey xal gaaraan waxa haray oo lala xaajoodu un waa kuwa kooban oo cid walba leyskuma daalin doono . nabada iyo wanaageedana waxaa dareemi karo qofka ku dhax jiray dhibka arkayna waxey tahay nabada laakiin qof SOL ka aqriyay wararka ama TV ka daawaday dacdooyinkii u danbeeyay inuu isaga caweeyo sheekada waa wax iska caadi ah.
  15. boondheere walaal waxaad si qalad u fahamtay qoraalkeyga . in ummada muslimka eey doorato hogaankeeda wey banaantahay , horeyna waxaad u tiri mareykanka ma ogolo in state inuu ka go'o dalka intiisa kale uu cod u qaado , so ummada muslimka ah waa xaaraam iney tiraahdo ma u codeynaa inaan tukano ,shareecada islaamka laysku xukumo , in salaadaha la tukado. intaas oo idil waa macluumu diini bi daruura . qaacida kaloo fiqi ayaa jirta oo leh '' ad-daruuratu tubiixul maxduuraat'' yacni wixii dantu qasabto wey banaan yihiin ,balse waa in lasuubiyaa in ku kooban baahidiisa . sida hadii dowlad daalimad ah eey tiraahdo masaajida laguma tukan karo ,guriga ayaa leysaga tukanaa maadaama eey dantu keentay . in madaxda umada ladoortana dimuqraadiyad laguma baran ee waa mabda' diinta islaamka ku saleysan in amiirka la mubaayaceeyo. haduu magaca wahaabiyada dadka qaar dhibayo ,diintu ma ahan wahaabiyee ,diintaada ilaasho ,iyo wixii kitaabka Alle iyo sunada nabigeena suuban waafaqsan .
  16. intaa iyo inka badan ayaa turkey laga sugayay ,laakiinse hadey intaan suubiyeen shaqa fiican ayeey qabteen , ninkaan qudus aqoon iyo meesha eey muslimiinta ka taagantahay wuxuu doono ha yiraahdo . inshaa Allah masjidka aqsa wuu xoroobayaa , waana arin muslimiinta dunida oodhan eey sugayaan , weyna dhaceysaa sida aan u aaminsannahay inaan dhimaneyno oo kale ayaan u aaminsannahay in Qudus laga xureyndoono israel . farxadaasna waxaa ku damaashaadi doono inta Alla rumeysay . wadamada kalee muslimiinta ah waa iney ku waana qaataan wixii ku dhacay turkey , iyo dunida cadaaladeeda sidey u egtahay .
  17. irzaaqada Alla meel xun nagama galiyo .
  18. waa arin aad u fiican in magaalada muqdisho lagu qabto shir heerkiisu sidaa usareeyo ,madax badanna eey isku aaminaan in caasimada soomaaliya eey ka dagaan ,waa arin lagu farxo .
  19. Nabigu (CSW) waa uu dhaqaaqay markii u maqlay hadalkii Muhaajirinta iyo Asaarta illahaay raali haka ahadee, Nabigu (CSW) waxa uu yidhi SOCDA OO BISHAARAYSTA WAXA AAD MOODA IN AAN ARKAYO KUWII QOOMKA UGU DAGAAL YAHANSANAA, Nabigu (CSW) waa uu soo dhaqaaqay isagoo ay la socdaan ciidamadii illaahay ilaa ay soo degeen meel u dhow biyaha badar, Xabaab binu mudar ayaa yidhi Rasuulkii illaahayow bal ka waran meeshan aad na dejisay ma meel illaahay dega nayidhibaa horana u dhaafi mayno dibna loogama noqon maaye mise waa meel farsamo iyo xeel dagaal loo degay, Nabigu (CSW) waxa uu yidhi waa rayi xeel dagaal ah, Xabaab binu mudar ayaa yidhi Rasuulkii illaahayow meeshu maaha meel la dego meesha inaga kiciya oo aynu degno halka biyaha ugu dhow ka dibna aanu aasno ceelasha kale mid mooyane kaas oo aanu inagu cabayno iyaguna habiya waayane arinkaa Rasuulku wuu ku raacay waana la guuray. Habeenkii markii la gaadhay waxa bilaabmatay naxariistii Illaahay oo waxaa da’ay roob, roob kaas oo dhincii gaalada aad ugu da’ay oo qooyey dhulkiina, kuna riday gaaladii Caajis iyo in ay soo dhaafi kari wayeen halkaa, dhinicii muslimiintana waxa uu ugu da’ay si naxariis ah oo Illaahay ka daahiryay xumaantii iyo wiswiskii sheydanka iyagoo quluubtooduna adkaatay, illaahay (SW) isagoo arinkaa ka hadaya waxa uu yidhi "Markii la idinku soo dejiyay lulo si nabad gelyo ah, samadana roob la idinka soo dejiyay la idinku daahirinayo iyadoo la idinka gaxaynayo xumaanta shaydaanka, quluubtiina oo la isku xidhayo iyo lugihiina oo dhulka lagu sugayo”. Muslimiintu Rasuulka (CSW) waxay ay u dhiseen cariish yar oo aan ka fogayn goobta dagaalka weliba meel taag saaran, Nabiga (CSW) ayaa ka degay taagii casiirsh ku saarna wuxuuna simay safafkii asxaabta waxana uu u dhaqaaqay goobtii dagaalka wuxuuna guda gelay in uu gacantiisa ku tilmaamo dagaalkii galada iyo halkii ay ka dagaalamayeen wuxuuna lahaa kaasi waa dagaal yahankii habel markaas ayuu ku beegayay mid kasta goobtii dagaalka uu ka geli lahaa, Nabigu (CSW) waxa uu eegay asxaabtiisi iyo qureysh waxana uu yidhi Nabigu (CSW) (Illaahayow tani waa qureysh waxay u timi halkan faan iyo istus, istuskooguna waa mid ay ku beenayaan rasuulkaaga oo ay iska hortaagayaan xaqaaga, illaayahow na sii nasarkii aad noo balan qaaday, illaahayow nagu abaali wixii aad noo balan qaaday, illaahayow anigu waan ku kalsoonahay balankaagi, illaahayow hadii aad kooxdaan aad halaagto maanta meesha dib laguuma caabudayo, muslimiintuna waxay gargaar ka dalbadeen rabigooga, illaahayna waa uu ka aqbalay) illaahay waxa uu yidhi “xus nabi maxamadow markuu illaahay u waxyooday malaa’igta, anigu waan idinku lamaanahay, markaas ayuu illaahay sugay kuwii muuminta ahaa, waxana aan ku ridi doona qalbiyadooda kuwii galaaday argagax, qoorta ka gooya, gooya xubin kasto oo jidkooga ka mid ah, maxaa yeelay waxay caasiyeen illaahay iyo rasuulkiisi, qofka caasiya illaahay iyo rasuulkiisa waxa uu iska leeyahay qofkaasi ciqaab daran, dhadhansiiyo kuwa galadu waxay leeyihiin cadaab iyo naar. [suuratu alfaal 12-14] Intaa ka dib markii ay kulmeyn labadii ciidan dagaalkiina aad u kululaaday war muhuna sida roobka noqdeen Nabiga (CSW) uu ku jiray cariishkii waxana la fadhiyay abu bokor, sacad binu macaad iyagoo ilaalinaya Nabigu (CSW) kamuu tagin in uu rabigii u dhowaaqo isagoo waydiisanaya gargaar iyo kalmo, Nabigu (CSW) waxa uu soo baxay isagoo leh “GAASHAN BUURTA WAA LA JABIN DHABARKANA WAY JEEDIN DOONAN” waxana uu ku boorinayay asxaabtiisa dagaalka wuxuuna yidhi Nabigu (CSW) (Waxa aan ku dhaartay ilaahii nafta maxamed gacantiisa ku jirto maanta nin dagaalami maayo isagoo samirsan ayaa la dili oo doonaya ajarkii illaahay, dhabarkana jeedinayn, haduu jiro illaahay janada ayuu geliyaa) Waxa istaagay Cumeer binu xamaam al ansaari gacantiisa oo ay ku jiraan timir uu cunayay wuxuuna yidhi Rasuulkii ilaahayow janada baladhkeedu waa inta ay cirka iyo dhulku isku jiraan Nabigu (CSW) ayaa ku yidhi HAA asxaabigii ayaa hadana yidhi BAKH BAKH aniga iyo janada waxa inoo dhaxeeya intay kuwaasi I dilayaayo sow maaha, alla miyaan noolanayaa inta aan cunayo timirta waa nolo dheer dabadeedna timirtii ayuu tuuray dagaalkiina hore ayuu ka galay, waana uu dagalamay ilaa la dilay illaahay raali ha ka noqdee. Nabigii Illaahay waxa uu qaaday xatoomo ciida ama quruurux ah wuxuuna ku daadiyay cadowgiisa cadowgiisi waxayna ka geleen indhihii muu jirin mid cadowka ka mid ihi ilaa indhihiisa ciidi ka buuxsatay waxayna ku mashquuleen ciidi indhahooga ku jirtay waana ayaad ka mid ah ayada illaahay (SW), dhamaan galadii waa la jabiyay waxayna sii jeediyeen dhabarkoogi muslimiintina way daba geleen iyagoo la dagalamaya soona qafalanaya, Galada waxa laga dilay 70, 70 kalena waa laga qafaashay. Intii la laayay waxa ku jiray 24 madaxdii ah oo uu ka mid ahaa Abu jahal, Washiiba binu rabiica iyo walaakii cutba iyo inankiisi waliiid binu cutba, Saxeexa bukhaari waxa ku sugan C/laahi binu mascuud (RC) waxa laga soo wariyay in uu Nabigii (CSW) uu qaabilay kabcada isga oo habaarayna kufartaa waxana uu yidhi (Illaahay waxa aan markhaati uga dhigayaa in aan arkay iyagoo la laayey oo cadceedu badeshay maalin ay aad u kululeyd). Sidoo kale Abu dalxa waxa uu soo warinayaa in uu Nabigii (CSW) illaahay amray maalintii badar in ay dilaan 24 ah madaxdii qureysh oo ahaa qureyshi kuwii xum xumaa, marka ay wadadii cidi soo marto way joojinayeen mudo sadex habeen ah oo ay ku sugnayeen halkaa, maalintii sadexaadna Nabigu (CSW) waxa uu fuulay Hashiishi waana uu dhaqaaqay asxaabtii kalena way soo raacday, Nabigu (CSW) waxa uu ugu yeedhayay magacyadoodi iyo abayaashood wuxuna lahaa miyaanad ku faraxsanayn in aad adeecdaan rasuulkii illaahay. Dhab ahaantii waxanu helnay wixii illaahay noo yaboohay oo dhab ah idinku ma hesheen wixii illaahay idinku yaboohay oo dhab ah, cumar ayaa waxa uu yidhi Nabi Allow maxaad kala hadlaysaa qolfoof aanu nafi ku jirin? Nabiga (CSW) ayaa ku yidhi Ilaahi nafta Nabi maxamed gacantiisa ku jirta ayaan ku dhaartee idinku kama maqli ogidin iyaga waxa aan ku leeyahay, kuwii dagaalka lagu soo qafaashay Nabigu waxa uu kala tashaday asxaabtiisi, Cumar binu khadaab (RC) waxa uu ku yidhi Nabiga (CSW) waxa suura gel inoo ah in aan madax ka wada jarno qofkii caqli leh oo dhan, hebel waxa uga jeeda mid isaga u dhow qoortiisana an ka jaro kuwaasi waa madaxdii galada iyo madaxwayntoodi, Abu bokor sidiiq (RC) waxa uu yidhi waa ilmaadeeradayo iyo tolkeen waxana aan soo jeedi lahaa in laga qaato fidyada si aanu u helno awood aanu galada iska celino Illaahayna kuwan ku soo hadeeyo islaanimada, Nabigu (CSW) waxa uu qaatay fidyadii lacagta ugu faraha badan uu ka qaadayay waxay ahayd 4000 DH lacagta ugu yarna waxay ahayd 1000 DH, waxa ka mid ahaa mid uu dilay Nabigu (CSW) dhib uu dhibay muslimiinta dartii, waxa ka mid ahaa mid aan laga qaadi fidyo maslaxa darteed, waxa ka mid ahaa mid la iska sii dayay si uu caruurta wax u baro. Kani wax uu ahaa dagaalkii badar waxa guulaystay muslimiinta oo wax yar ahaa waxayna ka guulaysteen mushrikiintii oo aad u faro badnaa illaahay (SW) ayaa yidhi “Kooxi waxay u dagalamaysay dar illaahay kooxda kale kaafiriin ayay ahaayeen waxayna isku arkayeen in ay ku libilaabmayaan xaga aragtida, illaahay waxa uu ku xoojiyaa guushiisa cidii uu doono, taas waxa ku sugan cibro dadka wax garadka ah” [alcumraan-13] waxa guulaysatay intii yareed ee ku taagnay diinta illaahay una dagalamaysay in ay kalmada illaahay sarayso diinta illaahayna difaacaysay, Illaahay ayaa u hiiliyay koreeye. Dadka muslimiiinta ahow u kaca diintiina si aad uga guulaysataan cadowgiina ku sabran dagaalka kuna sabra gaadhka illaahay, illaahayna ka baqa waad liibani doontaane, Illaahayow muslimiinta u gargaar naga yeel kuwa u gargaara diintaada iyo dacwadaada nagusug xaqaaga iyo dacwadaada ilaa inta aanu kula kulmayno, N.N.K.H Nabigeene iyo ehelkiisi iyo asxaabtii oo dhan ha ahaato
  20. 17 Ramadaan Iyo Dagaalkii Badar Illaahay ayaa mahleh illaaha awooda wayn iska leh ee boqorka ah, illaahay kama qarsoona waxyarna, illaahay aragiisa kama qarsoona ilma qabtina, illaaha u saaxiibka ah waynida, illaaha iska leh xukunka cidkasta oo wax xukunta waana ka ugu xukunka fiican illaahay, waxa aan u mahadnaqayaa illaahay mahadnaq aan la soo koobi karayn, illaahay waxa aan waydiisanayaa in uu igu kaalmeeyo kuwa samirka badan leh, waxa qirayaa illaahay mooyane illaah kale jirin wax cibaadadiisa lala wadaajiyaana ma jirto hore iyo danbeba, waxa aan qirayaa maxamed in uu yahay adoonkiisi iyo rasuulkiisi uu ka dhex doortay umada oo dhan kuna gargaaray maalintii badar malaa’igta illaahay samada kaga soo dejiyay N.N.K.H iyo ehelkiisiba iyo asxaabtiisi iyo cida raacday xaqa ilaa maalinta qiyaamaha Maanta oo bisha ramadaan ay tahay 17 waxay ku beegan tahay maalintii uu dhacay dagaalkii badar, markaa maanta waxanu ku soo qaadan doona dagaalkii badar madama aanu ku jirno bishii ramadaan. Bishan ramadaan ee barakaysan waa bishii illaahay u gargaaray muslimiinta dagaalkii waynaa ee badar oo ay ka guulaysteen cadowgii mishrikiinta ahaa, sidaa darteed waxa maalintan lagu magacaaba (YOOMUL FURQAAN) maalintii kala saarida xaqa iyo baadilka ee loo gargaaray Rasuulka (CSW) iyo muumininta lana halaagay kufaarta iyo mishrikiinta, waxay ay ahayd bil ramadaan Sanadkii 8aad ee hijriyada. Sababta dagaalkan keentayna waxay ahayd, Nabiga (CSW) ayaa ogaaday in Abu sufyaan oo ka yimi shaam oo hogaaminayana safar qurayshi lahayd in uu soo jeedo dhinaca maka Nabigu (CSW) waxa uu u yeedhay asxaabtiisi waxanu uu amray in ay baxaan oo ay qabtaan safarka iyo awrta, sababtoo ah Qureeyshi way la dagaalamaysay Rasuulka (CSW) iyo asxaabtiisiba wax heshiish ihina umuu dhaxayn, Qureeyshi waxay guryahoogi ay ka soo saareen Nabiga (CSW) iyo asxaabtiisi waxayna dhaceen hantidii iyo maalkii islaamka waxayna ka hor yimaadeen dacwadii xaqa ahayd ee ay wadeen, markaa xaq ayay ahayd in Nabiga (CSW) iyo asxaabtiisu ay jidgooyn u galaan safarka iyo hantida quraysheed. Nabiga (CSW) ayaa soo baxay isagoo la socdaan Sadex boqol iyo dhowr iyo toban asxaabi iyo 2 faras iyo 70 awr oo ay wateen muhaajiriintu inta kale waxay ahaaayeen ansaar manay dooneyn in ay dagaalamaan ee waxay doonayeen in ay awrta uun ay kaxaysataan laakiin illaahay ayaa ku kulmiyay iyaga iyo cadowgoogi meel aanay ka filayn wuxuu illaahay xukumaana waa wax dhacaya, Abu sufyaan ayaa ogaaday in jidka ciidan ay ku soo jiraan ciidankaas oo uu wato Rasuulki (CSW) qayla dhaan ayuu u dirtay qureeysh si gurmad loogu soo diro safarka wuuna ka beedhay dariiqi muctaad oo waxa uu raacay xeebta bada cirifkeeda waana uu nabad gelay. Qoladii qureysheed markii uu u yimi qayla doonkii waxa isku soo baxay odayaashi iyo ashraaftoodii waxana la diyaariyay ciidan gaadhaya ilaa 1000 nin oo wata ilaa boqol faras ilaa 700 awr waxa kaloo la socday dumar heesayay waxna tumayay, Abu sufyaan markii uu ogaaday in ay soo baxday qureeyshi wuxuu u diray fariin uu u sheegayo in uu nabad gelay waxana uu u sheegay in ay iska noqdaan laakiin arinkaa way diideen, Abu jahal waxa uu yidhi ma noqonayo ilaa aynu gaadhno badar oo aynu daganaano sadex maalmood oo aanu geela ku qalano waxna ku cuno khamrigana ku cabno oo ay carabina maqasho in aanan cidina anaga wax nayeeli karin. Rasuulkii illaahay (CSW) markii uu ogaaday in ay qureeyshi soo baxday waxa uu u yeedhay asxaabtiisi waana uu la tashaday wuxuuna ku yidhi illaahay waxa uu balan qaaday labada qolaba ama awrta ama ciidanka, waxa kacay Maqdaad binu aswad waxa uu ka mid ahaa muhaajiriin waxa uu ku yidhina Rasuulkii illaahayow ku soco wixii illaahay ku amray illaahaybaan ku dhaartee ku odhan mayno waxa ay Nabi Muuse (CS) ku yidhaadeen reer binu israa’ “Socda adiga iyo rabigaa soo dagaalama anagu halkan ayaan sii fadhiyeynaye” [suuratu-maa’id 24] Laakiin waxa aanu ka dagaalami doona midigtaada iyo bidixdaada iyo hortaada iyo dhabarkaaga, waxa kaloo kacay Sacad Binu macaad oo ahaa odaygii reer aws wuxuna ahaa ansaar waxana uu yidhi rasuulkii illaahayow waxa laga yaaba in aad ka baqayso in ansaari xaq u arkaan in marka ay gurigooga joogan ay ku gargaaraan, waxa aan ansaarta leeyahay halkii Nabigu (CSW) uu inoo diro waa in aanu galnaa Rasuulkii ilaahayow xadhiga cidii aad doonto gaadhsii cidii aad doontana ka goo maal kayaga waxaad doonto ka qaado cidaad doontana sii waxa aad naga qaadato ayaanu ka jecelahay wixii aad nooga tagto amar kasta oo aad doontana na amar, amarkaaga waanu qaadanaynaa waana raacaynaa, illaahaybaan ku dhaartee hadii aad nala socoto ilaa aad gaadhayso Barki iyo Qamdaan waanu kula soconaynaa, hadii aad noo soo bandhigto badaa in aad gasho waan kula manquuranaynaa anaguna ma karaahiyaysanayno in aan beri la kulano cadowga, anagu waanu adkaysanaynaa dagaalka marka cadowga la kulmana si dhab ah ayaanu u dagaalamaynaa waxana laga yaaba in illaahay nagala kulmiyo waxa ay indhahaagu ku qabowsadaan.
  21. walaal boondheere ma jiro wax la yiraahdo your version of islam ,diintana malahan versions diinta waa hal kitaabkana waa hal . aniga kumaan oran vote oo dhan waa qalad balse waxaan ku iri shareecada ma isku xukunnaa mise taas ayaa qalad ah . balse intaan kale sida traffic low,xuduudaha ,qaab nololeedka kale , waa caadi in qawaaniin loo dagsado . balse ayagana waa ineysan tacaaliimta islaamka kasoo horjeedsanin . madaxweynaha umada in loo codeeyo oo si xor ah loo doorto qofkooda ugu haboon waa shey diinta eey ogoshahay ,daliilna waxaa u ah doorashadii asxaabta eey doorteen abuu bakar , balse waxaan diidanahay shacabka hala dhaxdhigo shareeca ma qaadanaa mise , zaka ma bixinaa mise ,yacni wax yaalaha loo yaqaana '' macluumu diini bi daruura'' . arinta aad kusoo celcelisay ee madaxda afkhanistan sida sh mullah m Omar , ma wuxuu wajigiisa duubnaa waqtiguu madaxweynaha ahaa , mise inaad camera hortagto waa waajib ? . waqtiguu maamulayay diinta sideey ku ahayd afkhanistaan ? ,dagaalka intaan lagu qaadin ka hor iyo hada xaalada sideey tahay ? , kaligiis taliyana muu ahaa mise arinka shuura ayuu ku socday mise borobagaandada raqiiska ah ee reer galbeed ka ayaad aamintay , wey jiraan qalaad tira badan iney dhaceen . dhalibaan ma alqaeda ayaa loogu marmarsooday mise meel laga qabtaa la la'aa markeedi horaba . sorry hadaan threadka meelkale u weeciyay . siday diinta uga tirsantahay in lakala qorto axdiyada balamada ayey in shareecada islaamka laysku xukumo uga irsan tahay diinta , diintana inaan qeyb aqbalno qeyb madiidi karno . hadaad ka wado duruufta hada lagu jiro gaaladuna eey ka xoogbadan yihiin muslimiinta dhan walbo (dhaqaale ,military, technology .i.w.m) ,waa inaan dowlad dimuqraadiya suubsanaa maadaama dimuqraadiyada la qurqurxi eey xoriyada diinta ugu dhaw dahay ,daruuro darteedna aan sida usuubino , hergalinta arimahana islaamka halagu dabaqo ,waa fikir iska macquul ah waqti kooban.
  22. S: asc wr wb shikhow waxaan ku waydiinayaa casarka marka la gaaro hadaan qaweesto sonka miyaa iga jawayaa iyo hadaan cadeesto duhuradi teeda kale salaada hadii laygu adamo anigo afkayga rashiinka ku jira saxanka ma dhamaysan karaa ilaa aadaanka ka dhamanaya J: WCWRB Waan kaagudoomay salaantaada qiimiga leh kadib suaalahaada kakooban 3da suaalood mida 1aad Maya Makaa Jabayo Wax dhibaata ahna malahan oo waad qubeysan kartaaa, ama suaashaada 2aad Ee cadeyga Haa waad cadeysan kartaa waqti kasta qaasatan suno ayeyba noqoneysaa inaad cadeysato salad weliba markad geli rabto ramadaanka iyo waqti kabaxsanba. Amaa suaashaada 3xaad Aadaanka hadii aad ujeedid aadaanka hore (waayo waxan ognahay salaada subax marki laga reebo aqinka iney labo aadaan leedahay) haa waad cuni kartaa illaa aadaanka labaad laga gaarayo ee salaada dhalashadeeda ah. Hadiise aad ujeedid aadaanka labaad ee salaadii ay dhalatay iyo aqinka inta udhaxeyso jawaabtu waa maya. Illaa in adiga oo cunayo cuntadii afka kula jiro aadaankii kugu dhacay markaas wixii aad cabeysay ama cuneysay uun baad dhameysaneysaa soonkaaguna wax uma dhimayo. Wallahu aclam. S: Asc . Su’aasha ugu horeysa ee aan weydiinayo waxa ay tahay qof sooman cunto uu karinaayo ma dhadhamin karaa isagoo aan laqin, carabka iyo dhamxanaga ma ku dhadhamin karaa kadibna ma iska tufi karaa. Su’aasha kale ee aan weydiinayo sheekha waxa ay tahay sida loo tukado salaada istaqaarada. Wax badan kama aqaano salaadaasi. sida salaada caadiga ah ayaan u tukadaa. fadlan adigoo raali ah sheekh ma i tilmaami karaa waxa ay salaadaha kale dheer tahay. Allaha ajar kaa siiyo adiga iyo bahda Webka howsha aad Ramadaanka noo heysaan. J: wcswrb , suaashaada koowaad ee cunto dhadhamintaa haa carabka iyo dhanxanaga waa lagugu dhadhami karaa adigoo isla markaana iska tufayo iskana illaali iney gudaha kuu gudubto. Amaa suaashaada 2aad Ee salaada istaqaarada sideebaa loo tukadaa, waxaad utukaneysaa 2bo rakcadood oo sunno caadi ah oo waxaad rabto quraanka aad ku aqrineysid, Kadib marki aad dhameysatid waad duceysaneysaa oo waxad kuduceysaneysaa ducada looyaqaano ducaa salatul istaqaarah oo aad kaheli kartid kitaabka xisnul muslimka. Lakaalmeyso dadka ducadaas garanayo ee aad kutuhmeyso. Wallahu Aclam S: ascw hadii nin sooman xaaskiisa uu labaashaalo darenkisuna kaco waxna uusan sameyn waxna eeysan ka imaan soonkiisa kawaran? Asc. J: WCWRB wax dhib ah malahan soonkaaga waad sii wadaneysaa, FG: ayadoo kubanaantahay inaad xaaskaaga labaashaasheysid haddane dhinaca kale waxad ilaalineysaa in aad ugalmootid xaaskaaga amaba aay kaayimaadaan biyihii (Shahwada). Wallahu Aclam. S: asc , hadii aniga oo jinaabo qabo oo aan qabaysan waagu iigu baryo oo marka qoraxdu soo baxdo ka bacdi aan ka mayrto soonka ma ii jiraa mise´? J: wcswrb Haa waad qabeysan kartaa soonkaagana wax uma dhimeyso. Lakin waxan kugu nasteexeyn lahaa in aad ilaalisid salaada waqtigeeda waayo suaashada waxa kamuuqdo dayac aad dayacday salaadii subax illaa aay qoraxdii kugu soo baxdo arintaasina waa halis hadii aadan wax cudur daar ah uhaaysan. Wallahu Aclam.
  23. maashaa Allah walaal boondheere hadaad imaatay meesha la rabay . hadeey ogoshahay dimuqraadiyada in basic dastuurka wadamada islaamku uu noqdo diinta islaamka ,waaba sidi larabay . diinta islaamka waxey leedahay shareecada islaamka vote lama galiyo sidaa darteed otomaatik waa inaan u qaadanaa shareecada islaamka maadaama eey diintu leedahay amarkeyga yaanan war la gelinin. arinta wax ka qaadashada imaamyada waxuu imaamu shaafici iyo kuwa kalaba eey yiraahdeen '' haduu xadiithku saxmo (sax yahay) waa madhabteyda , mana jirto meel uu imaamu shaafici ama imaamu bukhaari iyo muslimba eey ku yiraahdeen kuweena bas aya saxan . qofka heysto madhabta imaamu shaafici ( waxan ka hadlayaa arimaha fiqiga ) ,maadaama mahaadibta eey ka waramaan fiqiga , qasab ma ahan inuu madhabta imaamu axmed ama maaliki qaato ,wey jiraan aqwaal meelaha qaar looga xoog badanayo imaamu shaafici , ( imaamu shaafici fiqigiisu wuxuu ku dhisan yahay xadiithka nabiga ee ka tag wixii ku shaki galiyo aadna waxaanan ku shaki galin ) ,sidaa darteed ayaad arkeysaa inuu meelaha qaar ku adag yahay . isku soo wada duub madaahibta ma ahan diin ee waa culimo aruursay arimaha fiqiga ku saabsan ,mana dhimi karno sharafta mid ka mid ah ayagaana iska keen jeclaa AUWN , sucuudiga qofkii ka yimaado ee madhabta imaamu ahmed heysto in lagu tilmaamo brainwashed waa arin laga fiican yahay ,sidaad shaafici u heysato ayuu u heystaa wax layiraahdo qeybtaan shaaficiyo ayey u xiran tahay ama maalikiyana ma jirto , madhabtaad ku qanacsantahay inaad raacdo wax diidayo diiniyan ma jirto . madhab ayaa qaldana waa danbi weyn . boondhere maadaama shaafiya aad heysato soomaalida badankoodna eey shaaficiyo yihiin , ma ahan in dadka xanbaliyada( wahaabiya sidaad ula jedo) eey brainwashed yihiin .taas na waxaa kuu cadeeynaya wadaadada ugu waaweyn ee soomaaliya hada joogaan waxey wax kasoo barteen sucuudiga ama culimo sucuudiga ka imaatay ayey wax ka aqristeen .
  24. yurub soo tan leh intaas oo boqortooyo maa dadka loo furo si eey u noqdaan boqoro hadey rabto yeysan awood badan yeelanine , dimuqraadiyada markii la rabo lagu dhaqmo marka kala ladiidayo waa maxay ,Xamaas shacabka falastiin ayaa doortay cod buuxdoow ku doortay ,lakiin maxaa loo aqoonsan waayay ooba looga dhagay argagaxiso ,? maxaa xuriyada hadalka dadka qaar loogu ogal yahay dadka qaarna loogu diidaa ? mide kale wadankee dimuqraadiyadiisa lagu daysadaa ? maadaama shareecada dad lagu daysado iyo nidaam la raaco oo cad eey leedahay , wado hadii la raaca aanan lagu qasaareynin oo huban eey leedahay sow ma haboona in dadka muslimiinta eey diinta raacaan . wixii diinta khilaafsan kama hadlayo waa baab gooni ah.