Nabad_dadaye

Nomads
  • Content Count

    318
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nabad_dadaye

  1. maro walba xijaab ma ahan xijaabka waa maro qofka jirkiisa wadaqarin karta misana aan jirkeeda ku dhaganeeyn oo xubnaheeda sawireynin aana qafiif ahayn taasoo laga arki karo banaanka waxa gudaha ku jira . maradaan intaasi lahayn waa iska mara caadi ah ee xijaab buuxa m ahan . mida kale waa suura gal in laga soo xaday , maxaa yeelay sawir walboo FB saaran muhiim ma ahan inuu mid kaada yahay . waxaase xumaanta la wadaagayo qofka sawirkaa intuu FB kasoo qado meel SNET oo kale keeno ka dibna yiraahda seed u aragtaan . walaalka bilaabay threadkan qof jecel ma jirto sawir walaashiis ama waalidkiisa oo si xun usawiran in meel la keeno , muslimiintana waa walaalo ee dadka xumaan ha u horseedin , xumaanta fidinteedana qatar weyn ayey leedahay . miskiinta Alle ha u danbi dhaafo hana soo hanuuniyo ,
  2. these fanatics and fundamental teachings,many Arab countries were forced to revisit the method of Islamic teachings in their schools where hatred towards others and oppression of women is part of their Islamic teaching curriculum, ma iisheegi kartaa buugaagta carabiga ee iskuulada lagu dhigo ee naceeb dadka kale qore , iyo dumarka oo xaqooda la duudsiyo , soo raadi buugaagta soomaaliya laga dhigi jiray waa sucuudi iyo imaaraat waxa laga bixiyayna waa aayadihii jihaadka ee kitaabka Alle ku yiilay , taasi miyaad farxad u aragtaa in diinta qeyb ka tirsan lagugu qasbo inaad ka saarto buugaagta. They want to keep Somalia down, our people down, so no oil company dares to enter the country and develop our potential. they will give us everything bad about their culture, such as fundamentalism, while, they allow women in Qatar to play near naked in 'beach volleyball' cadeyn dhab ah maxaad heysaa in carabta eysan rabin in soomaaliya shidaal yeelato , mise quraafaadkii hore ee shidaalkaa ayaa dhanka soomaaliya u hooraya ayaad wali aaminsantahay , misana waligaa ma maqashay hey'ad shidaal ayey carabta istaajiyeen ? dumarka in la qaawiyo ayey ogolaadeen ma waxaad ka wadaa somalida xijaabkeey geeyeen ayagana wey is qaawiyeen ? yaab yaabkiisa .
  3. walaalaha muslimiinta waad salaamantihiin . runtii lama yaabo dadka qaar ,kuwaa oo ka hadlaya soomaaliya dhaqankeeda ama diinta islaamka ayagoon waxba ka aqoon . luqada hadaan ku hormaro : luqad in labarto waa sunno , luqad la bartana waxaa ugu wanaagsan luqada carabiga .hadii aadan saa u ogeyn dib isugu laabo . mayal adkaan : runtii reer galbeedku waxey ku guuleysteen in soomaali badan eey ku shubaan waxey ayaga aamin sanyihiin qaar aan somali ahayn iyo soomali lamaskax badalay oo rabo in eey fikir reer galbeed ku shubaan dadkana waa badan yihiin . war diintaada inad ku dhagnaato ma mayal adkaan baa , in jihaadka iyo wixii ku saabsan lagu baro iyo dhibka gaaladu u maleegto islaamka inaad ogaato ma mayal adeeg baa , inuu gaal kaa raali noqoneynin ilaa aad fikirkiisa raacdo inaad ogaato ma neceeb baa . laga yaabo dadka qaar in eey diintu saa o aqoonin . balse waa inaad ogaataa xaqiiqada ma ahan wax laguugu shubay inaad la imaato . somaliya hubka ugu badan waxaa soo galin jiray wadamada dariska , yaa arinkaas ku taageerayay ma carab baa , qabyaaladu soomaalida wey ku weyn tahay marka qabiil laga adkaado halkuu hubka udoonan jiray ma wadan carabaa . (somali ma carabaa , ma afkikaan baa ,mise waa dad carab iyo afrika iska dhal ahbaa , culimada badan kooda waxey isku raaceen in somali carab iyo africaan is guursaday eey ka imaadeen marka dhaqamadooda qar ka tirsan yeelano maxaa diidaya ee diinta waafaqsaneyn ) . war hadeysan carab ahaan lahayn somali ma diin baa soo gaari lahayd , ganacsigii kala dhaxeeyay somalida dhulka daganeyd ayaa sababay inaan muslim ahaano iyo alle mahadiis . yaase ku yiri dhaqanka xun qaado so adiga ma dooran kooda fiican maad qaadatid . runtii dadka qaar waxey jecel yihiin in eey carabta caayaan ujeedadase ma ahan in carab la caayo ee waa iney arimaha diinta soo fara gishtaan oo islaamka caayaan , qof walboo carab caay ku bilaabo dhamaadkii wuxuu ku soo gaba gabeynayaa wax yaalo uu diinta wax kaga sheegayo , madama dad badani eey aamin san yihiin in islaamnimada iyo carab nimada eey isku xiran yihiin . dad xun wey ka buuxaan carabta , madaxdooda badan koodna waa qashin reer galbeed ayey wax ka dhageystaan taasi waa caddahay oo lama diidayo , balse dhibka soomaliya heysat kama imaanin carab kow soomaalida ayuu ka yimid labo dowladaha dariska oo uu reer galbeed isticmaalayo . Manhajka iskuulada soomaaliya wuxuu u batay mid carabi ah ka dib markii la waayay dowladii dhaxe , taasne waxey soomaalida in badan ka caawisay iney fahmaan dadka eey yihiin . galbeedka waxbarasho tayo leh wey taalaa balse waxey la'dahay qiimaha iyo dhaqanka suuban , sanad walbo waxaa africa la geeyaa dhalinyaro fara badan oo dhaqan toosin u baahan , wadamada carabta maa laga keeno kuwa sidaas oo kale ah ,isna weydii somalida halkeey dhaqan xumada kusoo bartaan? , waala tarxiilaa somalida yaa waxaas ka dambeeya ma shacabka carabtaa mise dowladahan qashin ka ah ee carabaha ka jiro ,yaase dowladahaas iney meesha saarnaadaan kaa ku caawiya waa reer galbeed , tusaale ahaana waxaa kuugu filin xusni mubaarak , mise dowladaha carabta waxaad loo yaqaanaa ku gacanka .
  4. hadey alshabaab awoodaan iney wadamadan iska celiyaan ha iska celiyaano ,yey dadkey shalay laayn jireen u calaacalin . muxu godane dadka ubeer laxaowsanayaa amarada lagu dilay ardadii yaa bixiyay sow isaga ma aheen . hadaad haa tiraahdo qof ardadii dilayo odayaasha aan dhaafin biri anigana ima dhaafayo sow ma ahan . hadaad tiraahdo isaga ma ahayn waxey tusinee in alshabaab ey yihiin dad aanan isku meel usocon qaar eey wadanka jecelyihiin balse badankooda eey wadanka burburin u joogaan . maslaxadna shacabka uguma jiro arinkaas . in eey jilcen tuugmadooda ayaadba ka garaneysaa . gado faraha wey ka baxday , jubada hoose kenyaa shaqa ka heyso , hiiraan hadii baladweyne la qabsaday inta kalana maba difaacan doonaan . goobtii muhiimka ahaydba wey isaga carareen . banaadir qaraxya mooye wax kala mahayaan , jubada dhaxe shabellada hoose ,bay iyo bakool yaa usoo haray . dadka meeshaa daganna waa dad beeraley iyo xoola dhaqato ah ( ari iyo lo') waana dad aan dhibka rabin in mudo yar loogala wareegana waa wax fudud . waxaa tusaala ah dagaalooyinkii gobaladaas ka dhacay xiliyadii lasoo dhaafay ma jirto dagaal raagy oo goboladaas ka dhacay meeshaas ninka xoog badan ayaa si fudud ku qabsada . moraal ahaan shabaabka wey u dhinteen , saanada dhankeedana gabaabsi bey ka tahay ,taageerada shacabkana wey waayeen . waxa u haray waa dhalintii strong password yada eey ku xirteen ayaa wali meesha soo taagan oo xamaasadooda wali kacsan tahay weysa iska damee.
  5. sawirka koowaad gabadha waxey u egtahay qof maskaxda looga jiro . waxaanoo kale soomaliya kama soconaaayaan duqa ugu horeeya ayaaba madaxa ka jaraya inta eysan kuwa kale soo gaarin . dhibkan waxa keenay waa in media mareykanka ee aflaamta xunxun faafisa eey aad ubadan tahay waxaana loo qurxiyay in naago isu tagay ey khatar tahay markaas ayuu cudurkaas ku dhacay . dhaqankii soomaaliyeed ee saliimka ahaa diinta islaamka iyo wax walboo qofka wanaag u horseeda lahaa ayey ka fogaatay . xaaskeeyga sidey iiga tagi kartaa ayaan wax udilaa waaali waa dhaaftay taas . hada 17 sano hadii lagu xukumo ayadoo waayeel ah ayey kasoo baxee ,may be iney xabsiga kusoo hanuunta ayaa laga yaabaa . Alla hasoo hanuuniyo gabadha maba fiyoobee.
  6. dadka ayagoo walaala ah ayaa hadana kala sokeeyan oo isa sii xiga , taasna waxa inoo sheegaya quraanka ,Eba weyne waxa uu Quranka karimka ku xusay suurat xujuraat aayada 13 (( dadow waxaa idinka abuuray lab iyo dhadig ,waxaana idinka yeelay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan ,ruuxase ugu sharaf badan Alle agtiisa waa kan idinku dhowrsanaanta badan )) sidoo kale ch 50 v 10 (( mu'miniinta waa walaalo )) . sidaa darteed walaalnimada waa qeyba badan tahay mid waa dhalyo , midna waa caqiido , midna waa bini aadanimo . mid walbana qaab loola dhaqmo ayaa jira . walaaltinimada ugu sareysana waa tan caqiiqada oo hadii walaalkaa kula dhashay hadaad kala caqiido tihiin waxaa kaaga dhaw walaal aad kala wadan tihiin balse aad isku caqiida tihiin . gaalka haduu ku nabad galinayo kuna soo dhaweynayo isagoon caqiidada faraha la galeyn inaad u tagto ood la dagto waa caadi , as long as you can openly practice your faith . balse hadii walaalkaagii muslimka ahaa uu ku dhaqmanayo waxyaalo diinta islaamka ka fog . ee uu ku dhibayo waa inaad isaga tagtaa ee aad raadsataa meel nabadi taalo . sida adiga iyo walaalkaa hadaad is qilaaftaan aadna is fahmi weydaan waad isaga tageysaa balse walaaltinimadiina ma go'eyso si kastaba aad ugu xanaaqsanaatide , dhibaata hadey ku dhacdana waad usoo gurmaneysaa . islaamkana waa sidaa oo kale . wadad iyo sheikh waxaa lagu noqdaa waa inaad raacdo diinta waxa eey sheegeyso , wixii xaq ah ka qaado haduu qalad ka dhaco wey dadaaleen ajarna wey helayaan balse wajibkugu ma ahan inaan qalad bini aadam ku raacdo . walaaltinimada biniaadan nimo waxey ku kooban tahay si fiican isula dhaqan , is ixtiraam ,cadaalad usuubin , balse tan caqiidada waa mid ku dheehan jaceyl naxariis , naf isu hurid ,dhiboo dhan isla qeybsi yacni sida uuba nabiga ku tilmaamay( in muslimiinta yihiin sida hal jir oo kale0 hadey fartu ku xanuunta jirkoo dhan baa ku xanuuno . ) sidaa darteed xanuunka qof kala hayo ama dhibkiisa wuu ku dhibayaa laakin lamid ma ahan midka aad jirkaaga ka dareemeysid hadey meel ku xanuunto .
  7. runtii waa su'aal mudan nin lays weydiiyo . iskaba dhaaf in eey hadala noocaas soo qaadaan wax ku saabsan ethiopia maba soo sheeg qaadaan bas mar ayaan jabinay un ayey bilad ahaan u wataan . afeefad hore lahaaw ama adkeysi dambe ayey soomaali tiri , ayagaa la kari waayay ee inta calaacalka iska dhaafaan wax ha iska celiyaan hadii dhiiga ethiopianka uu qaali agtooda ka yahay kan soomalina raqiis u yahay hadaa la ogaan .
  8. runtii soomalida qaar madax adag wey qabaan iyo hadalka oo qeylo lagu daro , midaana ma ahan soomalida gudaha un xitaa kuwa ku nool ama ku dhashay qurbaha qaarkood sidaa bey u dhaqmaan . sababtana waa kow inaan diinta aanan ku dhaqmin ee islaanimadu afka un naga saaran tahay . hadaan sidii larabay diinta ugu dhaqmi lahayn waxyaala badan oo naga qaldan ayaan sixi lahayn .iyo in cilmigii dunida aanan si fiican u daalacan , dhibaatooyinka dagaalna waaba uga sii dareen . (war dee shaah ii keen ,si dhaqsi ah ). waa qaabka soomalida eey maqaaxiyaha wax u dalbadaan ,kabaryeeriyadana kama xanaaqaan ee waxey dhahaan ( okay wax kale miyaan kuusoo raaciyaa ) waa iska caadi . xumaana mahan . hadalada dadka qaar eey qalad u arkaan ayaa kuwa kalana eey cadi u tahay .( MOTH FU )USA caadi ayey u tahay . masaajidada wey ka dhici kartaa oo dadka waa bini aadam balse waa dhif dhif , oo hada wax ladhihi karo ma aha masaajidada waa buuq miiran ee uma socdo. ogow soomalida dhaxdeeda wax uma arkaan sidey isula hadlaan ,balse marka eey dadyow kale la hadlayaan waxey badanaa fasiraan luqadooda markaas ayey qofka weydiiyaan su'aasha . taas oo qofka kale layaab ku noqoneysa . tusaala ayaan ku siinayaa wadanka tanzaaniya marka uu qof wax ku weydiisanayo wuxuu yiraahdaa (( waxaan kaa baryayaa in aan kaa baryo waxaas)) wuxuu rabaa inuu ku yiraahdo (( waxaan rabaa sheygaas )) , qof soomaali ah inaad hadalkaa ku tiraahdo wuu cajabsanayaa . mida kale soomalida marka eey rabto iney qaladaadkooda sheegto maxaa carabta loogu rugrugtaa ? mise wixii xunba xaawaa leh ayey ka mareysaa?. reer baadiyuhu waxaa la oran karaa badaa xitaa shucuubta dunada kale in eey madax adag yihiin , kuwa wadanka joogo ee aan reer magaalka ah waxaa la dhihi karaa tacliim fiican ma helin . balse kuwa qurbaha jooga ee wax bartay magaalana joogo maxaa helay ?
  9. calaacalka waxa ka keenayo waa in tabartii ka dhamaatay , meel eey wax ka qabtaan ayey la'yihiin . shacabka inuu soo nacay ayey arkeen . beentooda in lala fahmeey garteen . wiilasha is qarxin jiray ee nafta huri jiray aaway , marka balad weyne la qabsanayay maxey nafta meesha udhigi waayeen . janada meeshaas ayeyba ka dhaweyde kkkkkkk . horta waa ayaga ethiopia ka baqee maxaa dhacay ? , kenya waa ayaga maalin walba qaraxbaan ka suubinaa yiraahdo ,mey ethiopia sidaa ku dhahaan ?
  10. godane hada miyuu ogaaday in shacabka la'aantiisa eey guul gaari karin , mise shalay xaalada sidaan uma kululeen . somaalida aad bey unecebtahay xabashida waana istaahilaan qurunka in la necbaado , taasna waxaa cadeynaya dagaalkii hore ee amxarta lagu jabiyay ,waana la yaabaa dadka qaar markey dhahaan xabashida waxaa jibiyay alshabab . xabashi waxaa jabiyay soomalida kuwa dibada iyo kuwa gudaha oo isla jira ,lacagaha ugu badanaa ee dagaaladaasi eey ku socdeen waxaa laga soo diri jiray waa USA ,Europe ,ganacsatada gudaha . wax suaal ubaahanna ma ahan . soomalida waxey hogaamiya kooxeedyada ku naceen waxey ahayd in eey lasoo taagnaayeen meeshaan kataliyo sidaan rabaan ka suubsanayaa qof ka hadli karana maba jira waana the same caqliyada eey alshabab ku socoto , shacab bey laayn jireen ,jid gooyooyin ayey lahaayen , the same alshabab dadkii bey laayeen waxaa kasii daran qiil ayeyba sii suubsadeen . suureyso hadii hada shacabka alshabab taageeraan oo xabashida iyo amisom ba jabiyaan , maxa shicibka iska badalayo ,sow cadow shalay ku dilayay wadada umasii qaaxin awood buuxdana maad siinin ,maadaama alshabab fikirkooda uu sinaba isu badalin . aqyaarta hala taageero dhaheysa waxaan weydiinaa ma alshabaab ayaa is badali rabo oo shacabka fahmi doono, dilkana joojin doono ( xaqbaa lagu dilaa ha igula soo boodin ), alshabab ku dali rabo iyo amxaaro ku dili rabto makala mac yihiin . dilka eey ugeysteen ardadii ,waalidiintii, culimadii, danleydii qiilkey ku dileen wali wey haystaan sooma cadeyneyso in eey mar kale suubiyaan in eey caadi u tahay .
  11. Knight of Wisdom;753751 wrote: So, Religion in general has become a "social taboo"? lol Since when? Both, Adam's creation, Hawa's creation and Isa (Jesus) creation can't be proven. What do you think of that? qofka muslimka ah uma baahno inuu waxbadan isku wareeriyo jawaabta su'aashan , Eebana wuxuu Quraankiisa ku leeyahay '' haduu Eeba doono inuu abuuro wuxuu dhahaa noqo ,wixiina wey noqdaan'' . abuurista nabi ciise (caleyhis-salaam) , ee aabo la'aanta waa mucjiso , abuurista Adamna waa mucjiso , abuurista xaawana waa mucjiso , mucjisana waa wax uu science cadeyn karin , sida nabi ciise uu udaaweyn jiray qof baras qabo isagoon dhaqtar ahayn , sida nabi muuse markuu ku dhuftay bada ushiisa eyna labo kala noqotay , sida nabi muxamed isagoo ummi ah uu oga hadlay waxyaalo dhici doono sanado ka dib , sida yaa la hor furan doonaa roma iyo qusdhandhiiniya (turkiya ) , rasuulkana uu yiri qusdhandhiiniya , waxaana la furtay magaaladaas 800 oo sano kadib nabiga dhimashadiisa . waxaasoo idil laguma cadeyn karo seynis ahaan balse inaad aaminto waxaa kuu fududeynayo waxyaalaha kale een mucjisada ahayn ee saynisku uu cadeeyay . nabi ciise wuxuu yiri aniga wax ma awoodo balse aabahey(almighty God) ayaa wax walbo awoodo .
  12. alshabab wax yaalahey suubineyso iney qalad yihiin oo xitaa bini aadanimada ka baxsan tahay soomalida badankooda wey isku raacsan tahay gudaha iyo dibada , balse dadka qaar in wadanka eey soo galaan ciidamada shisheeye iney fiicneyn ayey aaminsanyihiin , aniga guud ahaan in wadankeeena lagu soo xadgudbo waan necbahay , balse su'aashu waa hadii qolo halis ku ah wadankaaga amnigiisa eey kasoo duuleyso wadan aan nidaam lahayn iyo dowlad xoog badan , mar walbana qalalaase ka suubineyso guda wadanka maxaa lagu suubin . afduubkaan ka hor alshabab dilal badan ayey ka geysatay NFD ,magaalada mandheera layiraahdo ayey madax ku dishay ciidamada kenyan ah ayey afduubatay ,wixii la afduubtoo dhanna waxa loo qaaday dhanka eey maamulaan , maxey dowlada kenya suubinaysaa si amnigeeda usugto ma waxey sugeysaa ilaa TFG eey soomaaliyoo dhan qabsato . bal wakaas Ethiopia ama Uganda ha isku dayaan iney wabiga Nile biyahiisa hoos udhigaan ,muda gaaban ayey masar ku weerareysaa maadaama ilahii dhaqaale laga taabtay , kenya dalxiisayaasha eey wax ka heli jirtay ayaa laga taabtay , cadaankii eey ku nooleed ayaa argagax la galiyay , amnigii wadankeedaa lagu xadgudbay maxey ka fiirsataa oo u haray . xitaa iney kenya wadankeena soo gasho alshabab ayaa ka masuul ah , kenya waligeed sooma haweysateen in ey dhul soomaali soo gasho xitaa dadka jubada hoose iyo gado dagan qeylo kama yeereyso maadaama yaa shabaab hal mar idinka leexiyo eey ka mareyso . hadad diido kenya micnaha waa inaad diido amisom maadaama kuligood eey u joogaan sidii loo bixin lahaa ALshabab ,
  13. hadaad ka wado qoomiyaduu kasoo jeedo waa somaali ,jinsiyaduu haystana waa kenya . haduu meeshuu dagan yahay udoodana caqliga madiidayo. mise soomaali waxaad utaqaanaa inta dagan jamhuuriyada soomaaliya un . soomaalida kenya dagan wax weyn ayey qabteen maadaama eey wadankaas ka noqdeen wasiiro iyo baarlamaan . dhibka intuu kadhacay ee dowlada kenya ka xanaaqday waa inta muslimka dago . alshabab maxaa muslimiinta ku diray ,
  14. 100 km dagaalna ma dhicin ilaa afmadow waa faaruq intey galeen kuwii mise dharkey iska tuureen oo shacabkey dhan ka raaceen .
  15. xiligii hogaamiye kooxeedyada dhibkoodoo dhan wuxuu ahaa gudaha dalka ,dibadaha waa loo garaabi jiray oo dad wadankooda lagu dhibay ayaa loo tixgalin jiray balse hada gudihii waa dab banaankii kaba daran waaba leyska ilaaliyaa soomaalida baasaboorkaad rabto wado . alshabab waa cudur daawo u baahan .
  16. alshabab walee waxbaa ku dhacay xaqii ardada ayaa a soo baxay , dhanka kenya waa laga soo galay shabellada hoose mardhaw ayaa lagu qaadi rabaa dagaal mana ahan sidii muqdisho oo sar lagu gabanaayo bil gudaheed ayaa lagu kala baxaa . jubada hoose hadii laga qabsado , sh/ hoosana lagu daro intey aadayaan . Ethiopia ayadaa wadanka soo gashay weyna ku jiri jirtay qaab xoog ah , laakin kenya intee qaxooti ah ayey heysaa markaas ayey qaxootigii eey kenyaatiga ka qeylinaayeen ayey afduub ka bilaabeen si qaxootiga wax loogu diido ,maadama arinkaas amni daro uu dhabar jab ku noqonayo kuwa samafalka eeyna kajoogsanyaan . alshabab qaxooti in wax lasiiyo marabaan , arday iney waxbarato marabaan , kuwii dugaha ku dhibaateysnaa in wax loo qabto ma rabaan , amniga soomaalida dibadaha ayey qariben . somalina masoo marin dad noocaan oo kale cimrigeeda laakin dhamaadkoodi wuu bilowday
  17. waa yaab ma barnaamijkoodii ayeey ku bilaabeen ayagana si eey u arkaan dhibkiisa ,mise dadkii caruurtooda ama waalidkooda eey ku dileen qaraxii eey ku faaneen ayaa aargudsi wada ? ''nin dab ku gubtay ayaa danbaskiisa ka cararo ''
  18. Faahfaahin ka soo Baxaysa Qarax Xalay ka Dhacay Saldhiga Al-Shabaab ee KM-13 Faahfaahin ayaa saaka ka soo baxaysa qarax xalay abaare 9:30 fiidnimo ka dhacay saldhig kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka KM-13 (Tareedishe) ee duleedka magaalada Muqdisho. Ugu yaraan mid ka mid ah ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday labo kalana ay ku dhaawacmeen qaraxa oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan deegaanada duleedka Muqdisho. Goob jooge xalay telefoon kula soo xiriiray Shabakada Raxanreeb ayaa sheegay in qaraxa ka dib la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada Al-Shabaab ee ku sugan saldhiga KM-13 oo ah goob Al-Shabaab ku xiraan dadka ay soo qabsadaan, isla markaana lacagaha ay ka qaataan ganacsatada ku urursadaan. Qaraxa xalay habeenimadii ka dhacay KM-13 ayaa la sheegay inuu ahaa bambo nooca gacanta ah, mana cadda in bambada ay wateen ciidamada Al-Shabaab ee joogay saldhiga iyo in lagu soo tuuray. Saraakiisha Al-Shabaab kama hadlin qaraxan xalay ka dhacay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho.
  19. Muqdisho (RBC) Warar goor dhow naga soo gaarey deegaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax weyn laga maqlay deegaankaasi. Qof degan deegaankaasi oo Telefoon kula soo xiriiray xafiiska Raxanreeb ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay saldhig ay ciidamada Al-Shabaab ku leeyihiin meel u dhow xaruntii hore ee DBG oo fariisin u ah maleeshiyada Al-Shabaab abaare 9:30 fiidnimo waqtiga Muqdisho caawa. Goobta uu qaraxa ka dhacay waa meel ay Al-Shabaab ku qaataan lacagaha Zakada ay ku magacaabeen ee ay ka qaataan ganacsatada iyo gaadiidka. Qofkaasi oo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin wuxuu noo sheegay in qaraxa ka dib uu maqlay rasaas fara badan oo meesha ka dhacday, hase yeeshee uusan garan karin waxa ay tahay rasaastaasi. Waxaana adag in dadka ay bannaanka u baxaan sida uu sheegay qofkaasi. Deegaanka KM-13 oo ka mid ah deegaanada ay dadku u barakeceen ee duleedka Muqdisho waxay fariisin u tahay maleeshiyaadka Al-Shabaab, mana cadda waxa uu yahay qaraxan caawa laga maqlay deegaankaasi.
  20. Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka danbeeyeen Al-Shabaab in uu yahay kii ugu danbeeyay oo ay ku baabi’ilaaheen Al-Shabaab. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay Al-Shabaab in dhacdadii 4 bishaan ka dhacday magaalada Muqdisho in ay tahay tii ay ku baabi’ilahaayeen. “Dhalinyaradii ay laayeen hooyooyinkii ay caruurta ka laayeen waalidiintii ay ka dhigeen caruur la’aan dhalinyaradii ay ka dhigeen walaal la’aan, waa ay baabi’idoonaan ilaa hay idinkaas”sidaa waxaa yiri madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya. “weelka shabaab wuxuu buuxsamay waxaana ka buuxsamay xumaan iyo dulmi, waa buuxsamay dulmidanbana ma qaadi karyo, waajibkana wuxuu saaranyahay shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed’ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in la ciqaabi doobno dadkii ka danbeeyay qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay sheegteen Al-Shabaab. Madxweynaha Soomaaliya wuxuu ku sii daray hadalkiisa in qaraxaasi lagu baabiyay shacabka Soomaaliyeed uu ahaa mid ka fog diinta islaamka.
  21. horta in baraamijkan eey dad soomali ahayn eey lug ku leeyihiin wey cadahay ,oo wadama badan ayeyna faaido ugu jirin soomaaliya laakin taageerada gudaha eey ka helayaan ayaan ka badan , hadaan dhahno dakada kismaayo aya dhaqaala kasoo galaa ,su'aasha meesha imaaneyso waa maxey maraakiibtaan fara badan ee NATO ee bada buuxiyay eey ka qabanaan meesha . hadaan dhahno kenya ayaa taageerto ,sidey macquul ku tahay dad marwalba iney qaraxyo ka geysanayaan gudaha kenya sheegaya in dowlada kenya taagerto , maxeyse usoo sheeg qaadin Ethiopia iyo iney weerari doonaan ayadoo cadaawada naga dhaxeyso saqiirkuba uu ogyahay . Ereteria waa suura gal maadaama eey dagaalka kala dhaxeeyo ethiopia eey rabto in uu soomaali lagu qorsheeyo . ganacsiga soomaaliya waxaa xudun u ah suuqa bakaara hada waxaa gacanta ku hayo TFG suura galna ma ahan in dhaqaala eey laba maalin ku dagaalami karaan eey ka helaan ganacsatada degmooyinka kale . mida iigu macquulsan waa in uu mareykanka u fududeeyo wadooyinka dhaqaalaha usoo maro ,si eey u helaan marmarsiiyo ah in soomaali ka halis badan tahay afqhanistan maadama alqaedada afqhanistan ey daciiftay si ciidamada wadankaas soomaaliya loogu wareejiyo dagaalkana meesha kasii socdo.
  22. waa su'aal wanaagsan hadii jawaab loo heli lahaana alshabab barnaamijkeeda wuu dhamaan lahaa .
  23. wax eey Alla ka yaqaanaan baaba yar , maskax eey wax kukala gartaana maba qabaan ,wixii loo dhiibo un bey qaataan .