Nabad_dadaye

Nomads
  • Content Count

    318
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nabad_dadaye

  1. If you want sharia,that's what Shabab stands for.I don't think anyone with his right mind can stand interference from gov't on how they live their life. alshabab waxa eey suubinayaan yaa ku yiri waa sharia low , dhibka heysto dad badan waxey tahay waxeysan aqoon u lahaun diinta islaamka iyo sida shareecada tahay ,markaas ayey ku leyihiin waa xun tahay , tusaale waxey usoo qaadanayaan gabar eey alshabab dhagax ku dileen markaas ayey daliil waxa eey uga dhiganayaan in sharia low qaldan tahay , ma baarayaan diinta islaamka waxa eey ka qabto xadkas iyo shuruudaha loo dajiyay iyo xikmada ku jirto ,goormaase la fulin karaa yaase fulin karo , haduu qofka intaas ogaado kuma eedeyn lahayn shareecada qalad uu qof galay . I believe Muslims can live in a secular system as well as they can in a Shari'ah system, but the opposite is not true. hadaanba helayno shari'ah system maxaan secular u aadeynaa , soomaaliya oo dadkeeda dhamaan uu muslim yahay (inta dhax joogta wadanka ) , ma iney gaaloobaan ayaad usheegeysaa ood inoo qurqurxineysaa ,maadaama secularism uu yahay in la diido diinta Alle lana yiraahdo kuma haboono in shacab lagu maamulo taasoo ah gaalnimo .
  2. inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun . intii dhimatay allah unaxariisto inta dhaawacana alla ha bogsiiyo , cadaawada alshabab eey kaga soo horjeedaan in soomaaliya nabad noqoto wey sii cadaatay , qofkey shaki uga jirtow maanta xaqiiqso in alshabab eey ujoogaan iney sii lugooyaan dadka .wax horumar ahna uma ogola . ficilkoodii ayey sidisii usameeyeen . ujeedadana waa in la waayo qof soomaali ah oo dugsi sare dhaafa ama xitaa aqoon uu eheladiisa ugu yaraan ku anfaco uu helo . ma rabaan in jahliga laga boxo ,oo wax la barto ,xaqana iyo xaq daradana lakala garto , waxey rabaan in dadku jaahiliin iska ahaadaan si eey waxa eey rabaan uga dhaadhiciyaan , wacyiga waxbarashada mar walbuu sii kordho waxaa yaraado qofka in uu qaato fikir been abuur ku saabsan . cadeyntana waa tanaa wareysi lala yeeshay ninkii isku qarxiyay muslimiinta aanan danbiga galabsan (bashaar cabdulaahi nuur ) http://somalimemo.net/codad/Istishhaadi%201.mp3 bal si fiican u dhageyso daqiiqadaha u danbeeya iyo cilmi yaradi uu qabo dhanka diinta iyo waxa dunida ka dhacaayo . noocaan ayey rabaan alshabab
  3. Allaha u naxariisto inta dhimatay ee xaq darada lagu dilay , janadii fardowsana Rabbi haka waraabiyo . runtii waa dhacdo aad u foolxun ,balse waxaa ugu yaabka badan waa in uu qof ku faanayo in uu dilay arday muslimiin ah , dadkii hor marin lahaa wadanka biri , hadana la taagan gaalo iyo murtadiin ayaan dilnay waakan warkooda . Afhayeenka Xarakada al shabaab almujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa ka hadlay weerarkii ay ku halaagsameen Mushrikiintii iyo Murtadiintii ku sugnaa goobtii qaraxii Istishhaadiga ahaa ka dhacay, somali midnimo waakuwee murtadiinta ama gaalada meesha ku dhimatay ,sow wuxuu tilmaamayo ma ahan ardadii meesha ku dhamaatay iyo shicibkii kale .. qofka naxariis yar ama islaanimo ku jirto maba ku dhiiran karo inuu yiraahdo arinkaasi iyo kuwa lamidka ah waa saxan yihiin . qof waalan ama xaasid neceb soomali bini aadanimana eeysan ku jirin ayaa ogol waxaan oo kale
  4. shareecada ayaa kuu sheegeysa kuguna toosineysa sidaad u noolaan laheyd kuna bareyso wadada saxda ah kadibna qofka xoriyad siineyso si uu ku doorto wadada saxda ah ama meeshuu rabo , wada kasta iyo natiijadeedana waalaguu kala cadeeyay . hadaad secular qaadaneyso ood Eebe ku caasineyso waqti ayaad heysataa waad iska noolaaneysaa natiijadaadana waad haysataa . wax iska hor imaad ahna diinta malahan . hadii qof uu suubsado company sharciyana u dagsado ma suuroobeysaa in adigoo shaqaala ka ah shirkadaasi aad diido inaad raacdo shuruucda shirkada ama aad tiraahdo shuruucdan ayaan aniga suubsaday waana ku dhaqmayaa kii shirkadana waan diiday ? inaad shirkadaas sii joogto suurtaa gal matahay ? .
  5. xaafadaha eey soomalida ka dagaan landan waa xaafadaha ugu nadaafada xun , maxaa ku dhacay soomaalida ? mise nadaafada ayaa dhibto ?
  6. ''Qofkii raaca wadoisagoo raadinayo cilmi (diineed) Alle wuxuu usahlaa wadada janada'' . xadithka nabiga balanta Allana waa xaq hadan nahay kuwa daacad ah . dhabna naga tahay raadinta cilmiga .
  7. jiif ku dirir ayey mareysaa hada fadhi waa laga tagay .
  8. shareecada islaamka ayaa xifdisay xuriyada qofka ee nolosha iyo wada noolaanshaha , Alle wuxuu leeyahay quraanka '' qofkii dila qof kale ayadoo qisaas ahayn ama dhul fasahaadin udila wuxuu lamid yahay isagoo dilay dunidoo dhan qofkii nooleeya qofna wuxuu la mid yahay inuu dunida han nooleeyay ''micnaha aaayada wax kastoo sharafka qofka naftiisa , caafimaadkiisa ,maalkiisa wax udhimaya walo isagaba ha ahaatee diinta wey diiday xukuna adag ayeyna kasoo saartay . wax kastoo maslaxada qofka ku jirto diinta ayaa kuu sheegtay . walaalaha secular ayaa soomaali ufiican dhahaya . diinta islaamka maxaad ka taqaanaan maxeyna tahay meesha aad leedihin waxey kasoo horjeedaa nolosha ,misana aqriseen diinta islaamka ood xaqiiqsateen waxa aad sheegeysa iney sax yihiin iyo inkale .
  9. wax kastuu ahaaba Allahii abuuray ayaa oofsaday xiligiisi dunida loogu tala galayna waa uu dhamaaday marka USA ha disho ama kaneeco ha disho wuu dhiman lahaa iliguu dhintay ,dhimashadana waa xaq . marka laga soo tago wararka aan ka helayno media ah ,ninkaas meeshii loogu tala galay wuu gaaray , maaadaama uu muslim nimo ku dhintay janada waa loo rajeynayaa laakin xiliga .Allahu aclam . wax kastuu sheegay sida in ladilo mareykan ka meel walboo ku aragto ama waxyaala kale jawaabteedi dhanka Alle wuu ka helay .
  10. secular ayaa ka fiican sharia low inuu qof gaal ah yiraahdo waa caadi lalamana yaabayo . hadii adigoo muslim ogna in hadaad tiraahdo secular ayaa fiican oo sharia low waa laga fiican eey gaalnimo ku gaarsiineyso ,waxaad usii wadaa ayaaba is yar , balse hadad warersantahay oo cilmi yari ku heyso baro diintaada adigaa ogaan doona in Allahii ku uumay uu cilmi badan yahay sidaad unoolaan lahayd dastuur ah wuu kuu soo dajiyay , dastuurka Alle dajiyayna lamid ma ahan midka eey adoomadiisa dajiyeen . hadad muslim tahay baro diintaada xaqiiqda waad ogan doontaaye . qofka muslim iska dhigayana laftirkiisa ha aqriyo waxa diinta islaamka sheegeyso ee yuu isku qufulin waxa dadka diinamaha kasoo horjeeda eey faafiyaan .
  11. turkey abaal weyn ayey runta ugashay soomaaliya , qofka rabo inuu wadan dumay dhiso waxaa uu suubiyaa waa inuu hoos kasoo dhiso shacabka , turkey waxbarashadeeda aad ayey u sareysaa ,qofkii fursad uhelana waa qof nasiib leh . dhalin yaro badan ayaa runtii qoryaha iska dhigi doona markey arkaan facoodii oo dhaqaatiir , injineero , dhaqaalayahano wada noqday , ilma badan oo eey alshabab qalbiga ka xadeen ayaa hada waxey heystaan fursad iney waxbarashadoodii kulaabtaan fursadahaana ka faaideystaan . shaqadaan oo kale waxaa isku dayay wasiirkii waxbarasha ee marxuum cadow , ee shaamoo lagu qarxiyay , marxuumkaas intuusan geeriyoon wuxuu scholarship u helay arday kun ku dhaw mudo 2 sano ah isagoo ukala diray Yaman,sudan iyo pakistaan , arinkaas oo dartiina loo dilay . alshabab hada ma awoodo iney turkey colaad la gasho maadaama eey xeryaha shabeelada hoose eey taageeraan walaalaha turkey . walaalaha masar iyo sudan ee iyana siiyay deeqa wax barasho wey madahsanyihiin , mustaqbal nuuraaya ayaa usoo muuqda bulshada soomaaliyeed
  12. alshabab wax awooda oo u haray maba jiraan aan ka ahayn iney qaraxya suubiyaan , 2 amisom ayaa dhaawacmay 15 shacab ahna wey ku dhinteen sidaas ayey rabaan , balse waqti dheer ma qadan doonto iney sii wadaan . c.wali sidaan inuu suubiyo layaab ma ahan , fikir qof qaatayna dadkoo dhan ma wada saameynayo . waagii ayaa ku baryay markii warbaahinta reer galbeedku eey ka dhigteen dhacdadaas qodobada warka ugu doorkaroonaa , waana tan uu hada inkirayo inuu suubiyay walow eey cadahay in marka uu suubinayay maskaxdiisu ineysan fadhinin ee uu arkay un madaxya weyntii oo dhaqaaqday isna wuu kadaba dhaqaaqay . ayaan xirsi iyo asagana farqi weyn ayaa u dhaxeeyo , habartaa cajuuzada ah ee baadariyada ah iyo nin naftu qabay leyslama barbardhigi karo . wali c.wali karaamada kama wada buubin ,balse ayaan markaad eegto sawirkeeda ayaadba lacnad Eebe iney saaran tahay dareemeysaa.
  13. waa iska caadi in arday reer somaliland ah eey passport soomali weyn ku baxaan , mana ahan markii ugu horeysay ee ardadu eey ku tagaan kii hore ee soomaaliya . Turkiya kama suurowdo iney aqbalaan pass somaliland waqti eey sudan iyo egypt ku qaadanayaan ki soomaali . shir weynaha qaramada midoobe ee 2012 waa iney somaliland codsataa in xubin buuxda laga siiyo UN , sidii maxamuud cabaas uu suubiyay midkii barya hore la qabtay . somaliyana codka diidmada qayaxan (veto ) ma heysato , chance weyn ayey heystaan ayaan filayaa jamhuuriyada somaliland . reer koonfur ka wareejiya walaalahiin idinka un bey idin sheegaan iney dowlad yihiine . dunida kale kama qorta warkaase.
  14. maasha Allah walaa , markuu stress iqabto hadaan aqriyo Quraanka waxaan dareemaa inaan ciriirigii ka dhaxbaxay sidii dharka oo kale , Alla macaan badanaa markaad Quraanka aqrineyso hadana aad fahmeyso micnihiisa .
  15. ''cimrigaa raagay geel dhalaayo ayuu ku tusaa '' waan yaabaye idinna ma yaabteen . Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ku dhawaaqay hadal dad badani ka yaabiyey ka dib markii uu ka istaagay masjid ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Muumin oo ka tirsan qeybta Al-Shabaab u qaabilsan faafinta fatwooyinka ayaa xilli uu ka istaagay masjid ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay ku nool yihiin dad badan oo barakayacaal ah ayaa sheegay in diinta ay ka baxayso cid kasta oo u guurta dhulka ay maamusho DKMG kana guurta deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab. “Waa in la fahmaa waxyaabaha diinta looga bixi karo, qofkii u guura dhul GAALO joogto oo diintaada si fiican ugu dhaqmi Karin way gaalowday!” ayuu yiri C/qaadir Muumin oo si qiireysan uga dhex istaagay masjidka oo dad fara badan ay ku soo tukadeen. Wuxuu intaa ku daray in qoyskii damca inuu ka guuro deegaanada ay heystaan Al-Shabaab uu yahay mid diidan ku dhaqanka Shareecada ayna bannaan tahay in la dilo, waa siduu hadalkiisa u dhigay C/qaadir Muumin. Hadalka sarkaalkan ayaa u muuqday mid dabajooga ka dib markii dadkii hore u ga barakacay magaalada Muqdisho ay bilaabeen inay guryahooda ku soo laabtaan taasoo ka dambeysay xaalada deganaansho ee dib ugu soo laabatay degmooyinka caasimada ee ay bishii Ramadaan baneeyeen maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab. Waxaana tan iyo bishii Ramadaan sii kordhayey tirada qoysaska soo laabanaya. Qoysas fara badan oo ku faraxsan isbedelka dhanka amniga ee ka jira Muqdisho ayaa beryahan dambe bilaabay inay ka soo hayaamaan deegaanada Ceelasha Biyaha, Suuqa Xoolaha iyo Lafoole iyagoo dib ugu soo laabanaya guryahooda oo ay saddex sano ka badan ka maqnaayeen. Dadka soo laabanaya ayaa si qarsoodi ah oo teelteel ah uga soo guura deegaanada ay joogaan Al-Shabaab waxaana maalin walba la arkaa qoysas baabuurta yar yar ku soo guuraya iyagoo carruurtooda wata. Hase yeeshee hanjanabaadan uu maanta jeediyey C/qaadir Muumin oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ayaa dad badan ku abuuray walaac iyo in hadalkiisa uu ku dhiirigelin karo maleeshiyaadka Al-Shabaab inay dadka si fudud u dilaan, waxaana maanta la arkayey dad badan oo masaajidka ka soo baxay iyagoo afka qaloocinaya lana fajacsan hadalka uu jeediyey C/qaadir Muumin. raxanreeb.com
  16. ninka xumaantaas geystay runtii ma matalo soomaaliya naftissa ayuu matalaa , meeshaan oo kalana waxaa looga baahnaa farmaajo ninkaas ayaa wadani ahaa waxaan oo kala oo sharafta soomaaliya hoos udhigaya ma uusan suubiyeen , waxa loo badalayna waa inuu ahaa nin wadankiisa jecel . inta ayar ee udhiman ha iska dhameysto midkaan ,mardanbuusan imaan doonine , marka xigta mudaaharaad xoriyad doon ah ayaa lagu qaadi donaa inta soomaali xalkeeda iyo horumarkeeda kasoo horjeeda , sida Alshabab iyo xitaa TFG kuwa aan danaha soomaaliya rabin .
  17. waa wax laga xumaado in madax ka socota soomaaliya eey isaga baxdo shirka xiligii uu axmed najaad uu jeedinayay qudbada ,xitaa sucuudiga oo Iran dunida ugu neceb ma uusan bixin , soomaaliya oo eey macaawino tira badan ka helay Iran iney kaligeed wadamada islaamka ka istaagto isagana baxdo sabab la'aan waaceeb weyn oo usoo hooyatay shacabka soomaaliya . madaxdii shirkaa ka qeyb galay waxey mudan yihiin in gabigooda laga ceyriyo shaqada ,lana baaro sababta eey uga bexeen shirka iyo in eey lacag ku qaateen arinkaas . qofka arinka soomaaliya yaqaanana yaab weyn kuma noqoneyso in madax ka socoto dal 21 dagaal iyo dhibaatooyin sokeeye eey ka jireen eey go'aankaan qataan ,waadna dareemi kartaa dadka markeey 21 gadaal usocdeen oo hada mudo yar horey loo soo leexiyay in waxaanoo kale eey suubiyaan .balse dowlada waa iney arinkaan oo kale een loo dul qaadan karin talaabo cad ka qaadaa mudanayaasha suubiya arinkaan . laga yaabo inaan saxaafda loosoo bandhigin balse inshaa Allah sanadka soo socdo ayaan ka ogaan doonaa in wax laga qabtay iyo in kale . waana wax laga xumaado in Iran oo reer galbeed wax ka sheegayo aan shirka uga tagno , waxaan filaa inta tagtay ayaa fikir mareykan jeceyl ka buuxay .
  18. ''Nimaan wax ogeyn Alla ma cadaaabo'' ayey soomali tiraahdaa ,oo maxaad alshabaab ka taqaanaa , ma in caruurta bambooyinka loo dhiibaa inoo fiican , ma in qofkii ladoona la dilaa , xuduud bilaa cadeyn la fuliyaa , dilka qofka fikirka kugu qilaafsan la baneystaa , ma sidaa ayaa inoo fiican . si eey dantooda u ilaashadaan iyo jiritaankooda dadka ogol in la baaba'o miyaa inoo roon . adiga hadaad la taagan tahay shabaab ayaa idiin fiican oodna taageersan tahay fikir ahaan dadkana ugu yeereysid iney alshabab taageeraan waa maxay farqiga u dhaxeeya adiga iyo kan ilmaha yar bombada usoo dhiibay ee yiri isa soo qarxi , ama intuu yimaado xaafad la dagan yahay hoobiya ka tuuro ka dibna intuu qorigiisa laalaabto isaga cararaya meesha si loo duqeeyo ,sidaada oo kale ayuu fikirkaasi aamin san yahay . dadka noocaadoo kale ee aanan waxba kala socon waxa dhulka ka dhacaya eey taagan alshabab taageera waa kuwa lacagaha usoo diro ururkan si eey dadka ulaayaan . ciidanka u badan alshabab iney ubadan yihiin dad ka yimid 4 gobol waa fact , ( soomaaliyoo dhan baana wada daga , sidaad doonto adiga ufasiro), sababta looga faaideystay in shaqadan loo dhibana waan kuu sheegay . Palastiin qof walboo iimaan leh wuu taageeraa , qofka falastiiniga ah iyo kan dibada ka joogaba waxey kawada siman yihiin in Qudus la xoreeyo , ninkii awoodo inuu lacag udiro falstiin si Qudus iyo dhulka barakeysan loo xoreeya ajar buu helayaa ,maadaama dagaalka uu ka dhaxeeyo gaal iyo muslim .waad tageersan tahay oo lamid baad tahay in lagu dhahana waa sharaf . laakin alshabab waxey xasuuqaan waa shacab kaloo muslim ah wax eey kala siman yihiin falastiin maba jiraan .
  19. sheekha wuxuu yiri gabdhaha ssc halaga guursado waan fikir macquul ah soomaalidana colaada ku joojin jirtay laakin in loo badalo hala bililiqeystuu ka wadaa xaq ma ahan . wax lagu dhaliilana kama arko qalbigiisana rabi un baa og . keerkoonfur waxaa idinka xaq badan in kuwa agtiina ky gaajoonaya ,haduu yiri .ma qaldana haduu ka wado xaqa kan dhibaateysan ee kugugu dhaw ayaa ka mudan ku dhibaateysan oo kaa fog , inuu si kale ka wadayna magaran karo . balse midan xitaa lama oran karo waa cadaawad uu u qabo reer koonfur , balse hadeey jiraan cadeeymo xoogan oo sheekha la korheeda bal noo soo bandhiga . qofka qabyaaladu dagan tahan mar walba wey kasoo muuqataaye , bal si aan ufahanno inoo soo bandhiga inta ka horeysana , yaanan lagu fogaan wadaadada
  20. Tartamada Quraanka waxaa loo Qabtaa in caruurta lagu dhiira galiyo sideey u xifdin lahaayeen Quraanka ,lacagna waa loogu daraa si cunug walbo u ka maseyro ficiis saas ayeeyna caruurta ujeclaanayaan iney quraanka xifdiyaan , balse waxaad moodaa in larabo in caruurta Quraanka laga celiyo , waalid rabaa majirto in ilmihiisa bambaanooyin la siiyo si uu walaalkiisa kale ama soomaali kale ugu qarxiyo ( muxuuu ku suubinayaa bilada bambada ah ma guriguu dhiganaa waa maya ) waxa loo siiyay waa inuu dad ku qarxiyaa . markii hore dadka waaweyn ayey labari jiray sida ey isu qarxiyaan balse hada xitaa ilmihii dugsiyada ayey barayaan waana arin lagu rabo in lagu xiro ama lagala cararo caruurtii dugsiyada , waa istaraatiijiyad sheydaani ah laguna doonayo in barashada Qur'aanka looga soo horjeedsado . waxa eey wataan alshabaab in badan oo katirsan waxey u adeegaan sidii islaamka uu usii burburi lahaa soomaaliya ha gartaan ama cilmi yari ha ugeyso .
  21. Jiiroow Bakaal;747083 wrote: Qajaca ahayd??? Hiiraan Jubbada Hoose Jubbada Dhaxe Bay Bakool Gedo///Bardheere (inta kale waxaa heysta Ethiopians ********** Shabeelaha Dhexe Shabeelaha Hose Galgaduud ______________________ Benaadir oo AMISOM IYO JAREER EY KUGU HAYAAN --maxa kaloo heysaa bal inta ey TFG ka taliso soo qor. Reer Somalilandna Bani aadm kuma arkaan marka dad aan ku rabin ha isku dhejin ee dhulkaaga NADIIFSO MISNA IIMAANSO begging time is OVER Gedo waxaad leedahay Ethiopian ayaa kuu hayo Muqdishana Amisom,bal yaa adiga (alshabab ) kugu haya meesha , warshado hub ah ma lehid , afarta cadaanka ee rabo in soomaali sidaa sii ahaato oo eey ku gabadaan ayaa hubka lacagta aad ku gadato ku siiya , dhaqaalaha dibada kaaga yimaado in aan laga war heynin miyaad umaleysaa waxa laguugu fasaxayo waa in aad sii burburtaa (fikir daba gadisan) ,dad rafaadsan in lacag darteed aad uga faaideysato miyaad umaleyneysaa iney saxan tahay . dadka shabeelooyinka dagan in alshabab laga xoreeyo ayey qorshaha aheyd balse abaaraha dartii ayaa dib loogu dhigay ,waana tan dadkii gobalada aad sheegeyso joogay eey xamar naf kasoo raadsadeen ,yaase jooga gobolada aad leedahay alshabab ayaa ka taliso .
  22. banaadir boqolkiiba 95% waxaa heysta TFG , halka hiiraana lagula dagaalamo . 5 gobol ayey si fiican uheystaan , waana meelaha ugu daran ee abaartu ku habsatay , abaartanna meeysan eheyn wax hal mar bilowday balse mudooyinkaan danbaba waxaa laga deyrinayay xaalada bini aadamnimo ee sii liidaneysa , ayadoo shaqa la,aan baahsan iyo waxbarashada oo aad u liidatay goboladaasi eey i fududeysay iney alshabab ka helaan dhalinyaro badan oo naftooda xitaa uhuraya sideey noloshooda iyo tan reerkooda umaareyn lahaayeen . taasina waxaa cadeyn kuugu fulan muqdisho ciidanka ujoogay alshabab badankooda waxaa laga keenay gobolada Baay , Bakool iyo sh.hoose halka dadkii horey udaganaa muqdisho eey qaar ucararaan dhankaa iyo kenya ,ethiopia iyo xitaa Uganda qaar badanna eey south africa u irzaaqad doontaa ,inna liibiya aaday ,inta hartay waxey ahaayeen kuwa naftooda u baqaya aanan helin wax eey wadanka isaga baxaan ,. 100 qof ee muqdisho jooga 85% waa dad banaanka ka yimid ama qaxootinimo ha ahaato ama sikale . 5 gobol ee dadkiisu abaarahu saameeyeen oo xitaa dad ka jooga eey aad uyar yihiin ayey joogaan .
  23. ogow caayda wadaada iney halis tahay hadaadan heynin cadeyn cad oo sheegeysa inuu arinkaa ku dhawaaqay . sheekh siiro waa wadaad lagu bartay inuu diinta faafiyo ,waxaad sheegeysaana cadeyn malahan bal inoo keen cadeyn aan ku qanci karno inuu sheekhu necebyahay reer koonfur ama uu ******** yahay , hadal qof walba wuu alifan karaa laakin cadeyn muuqata sita maqal/muuqaal keena . abtigiis : sh.umal waa nin waalin ,xumaanta si hoosa usheega ayaad leedahay cadeyn ma inoo keeni kartaa . siiro ,umal wadaadkee xiga ee caydiisa labilaabi rabaa , culumada afka halaga boxo ,hadii dana kala la leeyahayna waa gooni.
  24. war kuwii noolaa ayaa aflagaado ku baxsan weysane ma waxaa lagu darayaa kuwii aasnaa!!!!
  25. taliyaha guutadaas waa in la maxkamadeeyaa , AK47 ama m16 ,ayey gabadhu qaadi kartaa laakin qorigan weyn inuu u dhiibo waa qalad . marka xigta gabdho wada gaandhari ah ayaa la arki doonaa . nuuni hadey garoob tahay ood ogtahay maad isku qabatid ,qofta wey dhalaaleysaaye , duruufta dagaalka hadey ka nasato dhalo ayey kusoo bixi laheyde. F.G iskana ilaali inaad la murantaa waa geesiyad ,feedh bey kaa badin ilaa uu mowdku kaa adeego .