Sign in to follow this  
A_Khadar

Dedicated Thread for KH2 @ Taleex Daily Updates

Recommended Posts

Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Gudoomiyaha Shirweynaha SSC Khaatumo II Halyey Dr Cali Ciise Cabdi oo Ka warbixiyey Qorshaha Shirka Khaatumo 2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

ShirWeynaha SSC Khaatumo II oo Maalinta Beri ah Galaya Wajigii 2aad iyo Shacabka Ku Sugan Taleex oo Soo dhaweeyey Habsamida uu Shirku u Soconayo+VIDEO

 

Waxaa Si wayn usoo Dhaweeyey Shirka Wada Tashiga Beelaha SSC oo Wajigiisii 1aad maanta la soo xidhay shacabka Deeganadda SSC ee ku sugan taleex,waxa ayna shacabka ssc si wayn ugu faraxsanyihin sida wanaagsan ee shirku u soconayo waxa ayna sheegeen mar aanu maanta Waraysiyo ka qaaadnay qaabka wanaagsan ee shirku u soconayo waxaa kale oo jira Qaar kamid ah qurba joogta deeganada ssc oo iyagu ku sugan taleex ayaa si wayn ula dhacsan qaabka shirku u socdo oo haatan ay Goob Joog ka yihiin Dadwayne aad u faro badan oo kasoo kala kicitimay Daafaha Caalamka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Was wondering about the tree as well, is it really that old, Khadar? Pretty awesome.

 

Just watched the dhalinyaro video from a couple of days ago. Really impressed by the Taleex youth group - thought the answers were brilliant (dhibaatadu waa: talo xumo, solutionka has to be: wada tasho), completely agree.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Laba Isim Oo Ka Hadlay Xoraynta Laascaanood Oo La Aflagaadeeyay (Cod)

Garaad Abshir Saalax iyo Boqor Cabdilaahi Cali Axmed oo ahaa labada isim ee kulankii shalay (07-01-2012) soo hadal qaaday xoraynta Laascaanood ayaa labadiiba si badheeh ah waxaa loogu qaaday duulaan iyadoo Boqor Cabdilaahi hadalkiiba laga joojiyay.

 

Kulankii shalay ka dhacay madasha shirka Khaatumo 2 ee Taleex oo ay isku yimaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa laga oo jeediyay khudbada kala duwan.

 

Dadkii ka hadlay kulankaasi ayaa u badanaan ka hadalka maamul la sameeyo xiligan iyadoo uu Cabdikariim Jaamac oo aan waligii arag gobolada Waqooyiga Soomaaliya ee ay SSC ka mid yihiin sheegay in ay doonayaan in shirka ay ka soo baxdo maamul ay caalamka wax kaga helaan.

 

Laba isim oo miisaan ku leh bulshada *********** oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankaasi ayaa buuq iyo qaylo iyo hadalo aflagaado ah lagu sameeyay markii ay ka hadleen in *********** maanta u baahan yahay in uu iska kiciyo cadwga caasimadiisa haysta ee doonaya in ay Soomaali ka go’aan.

 

Garaad Abshir Saalax ayaa ku dheeraaday in aysan jirin wax uu *********** isku hayo, Garaadku waxaa uuka sheekeeyay habkii ay us ameeyeen hogaankii xoraynta iyo midnimada loo igmaday iyo sida aan hadafkaasi loo fulin.

 

Waxaa kaloo uu Garaadku ka hadlay in dhibaatada *********** dhibaatada haysata ay tahay hayasashada dhulkoodii la haysto.

 

Garaadka oo aan soo hadal qaadin in xiligan dawlad la dhiso balse carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay dhulka la haysto la xoreeyo oo cadwga laga kiciyo ayaa waxaa buuq ku furay nin lagu magacaabo Cali Maraykan oo ay iksu reer yihiin Cali Khaliif Galaydh balse uu gaashaanka u daruuray garaadku.

 

Sidoo kale markasta oo uu ku si dheeraado erayada ka dhanka ah maamulka la baxay Somaliland ayaa waxa soo dhinac istaaga ninka xidhiidhanaya mikirafoonka oo garadaka ku odanayey soo gaabi hadalka ninkaasi oo ah afhayeenka kooxda G6 ee Taleex bal taariikhdisa dhaw halkan ka daawo.

 

Khudabdii qiimaha badnayd ee Garaad Abshir dhamaystiran halkan ka roggo ama hoos ka toos uga dhagayso.

 

 

 

Sidoo kale Boqor Cabdilaahi Axmed Cali oo isna ka hadlay xoraynta Laascaanood ayaa waxa alagu furay qaylo iyo aflagaado taaso meel ku dhac ku ah dhaqanka Soomaaliyeed.

 

Boqorka ayaa waxaa uu sheegay in nimanka haysta Laascaanood ay isku duuban yihiin oo beesha ********* u wada dhan yihiin aan laga maarmaynin in maamulka Puntland haddii ayuu yiri la doonayo soo celinta ilaa Lebi Gaatamo.

 

Khudbadii Boqor Cabdilaahi halkan ka roggo ama hoos toos uga dhagayso.

 

 

http://taleex.net/2012/01/08/laba-isim-oo-ka-hadlay-xoraynta-laascaanood-oo-buuq-iyo-aflagaado-lagu-furay-dhagayso

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Good stuff are happening there.. I just listening today's speech which I just posted above, and the first Caqil spoke and his speech moved me.. Allow somali isu soo celi..

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;771464 wrote:
Blue - Thanks for your warm greetings.. I was around but offline for couple of weeks when I was out of town.. Thanks again the wishes KH2 to succeed.

What are the main topics being discussed I need a lil update in English as I haven't understood everything what's been said in Somali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Bluelicious;771797 wrote:
What are the main topics being discussed I need a lil update in English as I haven't understood everything what's been said in Somali.

Lol @ blue, I didn't know you're Alliyah's league, Say Walaahi..Just teasing you guys.

 

So far, last three days were opening speeches and collecting opinions from the speakers and some side meetings for specific groups such as women, youth, and Isims to collect current issues of SSC and suggestions.

Now the second phase of the conference is started where only selected representatives from home and Diaspora will meet and discuss the issues thoroughly.

 

To sum it up, the theme of the conference boils down to three questions:

1. Do SSC have issues?

2. What are they?

3. What are the solutions to come over?

 

 

Hope that helps..

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Taleex,(lasanod Online)- Waxaa saaka 10 kii subaxnimo shir uga furmay madasha shirka Khaatumo2 ergooyinkii gudaha iyo qurbaha.

 

 

Ergooyinkan oo ka kala yimid deegaamada SSC iyo qurbaha ayy saak si rasmi u billaabay doodihii shirka khaatumo2.

 

Ergooyinka oo ka kooban rag iyo haween u dhashay gobollada SSC ayaa maanta gudagalay ka talo bixinta ayaaha deegaanak SSC.

 

Waxaa si adag loo adkeeyey amaanka madasha shirka, iyadoo loo loo ogolaaday oo qudha ergooyinka sita kaadhka aqonsiga oo qudha.

 

Maalmihii hore wuxuu shirku u furaa shacabka oo dhan, maanta laga bilaabo taasi waxaad mooda inay dhamaatay oo ergooyinka oo keliya geliyaan madasha.

 

Guud ahaan magaalada taleex waxaa soo buux dhaafiyey dad badan oo aan ku jirin ergooyinka, laakiin iagu doortay inay goobjoog ka haadaan shirkan taariikhiiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan qaban nimaan qaadan jirin looma qooq taga'e

 

ama waa tii abwaankiiye,

 

Rag tashaday cirkay toli karaan taaka labadeede'e

 

Khaatumo 2 could be a game changer with respect to the falsity and delusions in dismembering Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Gabay

 

1. Dadka madasha tegayow farriin tebiya oo geeya

2. Tixda gabayga Xaruntii Taleex hawga tiriyeene

3. Eebbe nimuu caqliga taam ka dhigay tala gal yay seegin

4. Shirka taawilaadeed dhammaan dunidu taageertay

5. Waa toobaddiyo khayrka iyo talo wanaaggeede

6. Tahliwaa ha noqonnina Taleex waa tub magac weyn dheh

7. Warku soo tallowyoo arlada laysu tibixsii dheh

8. Toomaha Nugaaleed xul iyo taagag iyo hawd dheh

9. Turug waliba Soomaliweyn waa tix geliyeen dheh

10. Waa gacal turxaan bixiye iyo toodimiyo guul dheh

11. Tayiisada Shirshooroo tashaday taqa galkiisii dheh

12. Khaatumadii waydiin timee taa ha la ogaadoo

13. Tawxiidka waxa lagu furiyo tiirka Nebigiiye (SCW)

14. Tusmada culumidayo kama maqniyo tiir garaaddalahe

15. Tacliin niman bartiyo waxa horkici odayo toolmoone

16. Tiriiggii darwiishkaa ka bixi turuq nugaaleed dheh

17. Taalladii qarniga aan la tegin waa la tuursamaye

18. Taariikhi dibu eegid bay taam ku noqotaa dheh

19. Afartaa tilmaan guud miyaan arar ku tuuntuunshey

20. Ma tammilay shirkii towbadeed toobiyaha qaadye

21. Tu’ kaloon ka daba geynayana waan u taagnahaye

22. Toddobaatan boqol oo darwiish Torog ha fuuleen dheh

23. Wiilashii tummaatida yiqiin cadow ha toogteen dheh

24. Tafiirtii Siciid haw baxeen tuurkii Karammaan dheh

25. Laascaanood ha taabeen xaqbaa lagu tanaadaa dheh

26. Tarabtarab ha laayeen waxaan qaran ku toosnayn dheh

27. Tunbiciidle meeshuu ku go’ay calan ha taageen dheh

28. Wakiillada Tigreegiyo wuxuu Tulushle afynfaadshey

29. Taya bururka beeshiyo dulliga tuurta laga saaray

30. Heeryada ha tuureen Horgale lagu taxaabaayoo

31. Ha tisqaado aayaha Taleex waa tub magac weyn dheh

32. Ha taraaro taysaha onkoday taniyo Buuhoodle

33. Ummad waliba tiir lehe talada haw tukubiyeenee

34. Afartaana tooggada murtida tawlihii gabay dheh

35. Tayasiirta Eebbiyo tiraab laygu taawilay dheh

36. Tu’ kaloon ka daba geynayana waan u taagnahaye

37. Afxumada Togdheer iyo ka timi tookha laga keenay

38. Tunka qabad Hargeysi u tallami tuurinbaan sudhida

39. Tamar yaraha talax tegey balaan tuduc yar gaadhsiiyo

40. Takartii Maroodiga cuntee dhiigga kaga tiiftay

41. Waxa ay tanaawalu arbaha turuqdo dheeggiisa

42. Maruunbay tifilig ugu dhacdaa tiigta jeeniga dheh

43. Tagtada iyo tawaawicii horaan tahan xasuustaa dheh

44. Taag darane goortaad ahayd weer haddaad tolatay

45. Toddob yarahu goortuu ku helay teer ma dhigan weydey

46. Kolkii lagu tahluukaynayoo talada aad seegto

47. Gardarraad u tamar yeelataa taransi mooddaaye

48. Goortii taarku kula ciirayana talala’ay weeyee

49. Taleex baan ku soo duulaynaa waydinkeer tebine dheh

50. Tawtawda hanjabaaddiyo afkaa belada soo tuuri

51. La arkee inaad toosisaan aar tabaadiya dheh

52. Afartaa tallowshaye digniin ha ugu toosnaato

53. Tirsi boqola oday toobad gabay waa tar soo baxaye

54. Tu’ kaloon ka daba geynayana waan u taagnahaye

55. Shir kastoo tol wada yeesho oo talada loo waabo

56. Kolley turunturriyo waa mutaa rag isku tiigaal dheh

57. Tafaraaruq waa ba’an yehee taa ha la ogaadoo

58. Raggu libin tirsiga uma tartamo ways temmediyaay dheh

59. Xagla Toosiyiyo, Cali Galaydh ha is takooreene

60. Saddex haloo tanaasulo ku xidhan baa tilmaan mudan dheh

61. Mid weeyoo dalkiinnii ragbaa taabay hawl yari dheh

62. Midna waa cadaawaha tashoon aad dhex tolantaan dheh

63. Midda kalena maatadatan tuban ugu tudhaaleeya

64. Hadday taawillaatoo maruun laysku tahanbaabo

65. Shirshooraha tabtii lagu yiqiin yaanu taabicin dheh

66. Maammulkii la taagaba arlada Tuute haw sidin dheh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^Wow. High technical skill is manifest.

 

An excellent poem -- language is so lyrical and the poem exceptionally crafted in a technical sense. Tone is measured and message in particular is noble. A Khadar poets name please.

 

35. Tayasiirta Eebbiyo tiraab laygu taawilay dheh

36. Tu’ kaloon ka daba geynayana waan u taagnahaye

37. Afxumada Togdheer iyo ka timi tookha laga keenay

38. Tunka qabad Hargeysi u tallami tuurinbaan sudhida

39. Tamar yaraha talax tegey balaan tuduc yar gaadhsiiyo

40. Takartii Maroodiga cuntee dhiigga kaga tiiftay

41. Waxa ay tanaawalu arbaha turuqdo dheeggiisa

42. Maruunbay tifilig ugu dhacdaa tiigta jeeniga dheh

43. Tagtada iyo tawaawicii horaan tahan xasuustaa dheh

44. Taag darane goortaad ahayd weer haddaad tolatay

45. Toddob yarahu goortuu ku helay teer ma dhigan weydey

46. Kolkii lagu tahluukaynayoo talada aad seegto

47. Gardarraad u tamar yeelataa taransi mooddaaye

48. Goortii taarku kula ciirayana talala’ay weeyee

49. Taleex baan ku soo duulaynaa waydinkeer tebine dheh

50. Tawtawda hanjabaaddiyo afkaa belada soo tuuri

51. La arkee inaad toosisaan aar tabaadiya dheh

52. Afartaa tallowshaye digniin ha ugu toosnaato

 

Beware :) a la Libaax seexday bau niman salaaxdeene fable.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this