Sign in to follow this  
A_Khadar

Dedicated Thread for KH2 @ Taleex Daily Updates

Recommended Posts

Liibaan   

BooramaOnline.com

 

Daawo Muuqaalada Qurxoon Shirwaynaha Khaatumo Two Ee Beelaha SSC Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Degaanka Taleex

Taleex-(BNO) Waxaa maalintii shalay ahayd galay wajigii Sadexaad Shirkii Wada Tashiga Beelaha SSC ee Khaatumo 2 waxaana Shirweynihan Khaatumo 2 ka soo qayb galay dad aad u tiro badan oo isugu jiray Ergooyinka Shirka, Isimadda Deeganadda Sool, Sanaag iyo Cayn, & Kooxda G6 & Qurba Joogta deegaanada SSC.

 

Ugu horeyn shirkan ayaa waxaa lagu furay Aayadaha Quraanka Kariinka iyo Axaadiis, intaas kadib waxaa halkaas ka hadlay Isimada Deegaanada SSC oo kamid ahaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Saleebaan Buraale iyo Garaad Abshir Saalax waxa ayna dhamaantood ka hadleen ah’miyada shirka Khaatumo 2 u leeyahay Shacabka Deeganadda SSC waxa ayna ku dheeraadeen in hada la gaadhay xiligii ay midoobi lahaayeen aqoonyahanadda, madax dhaqameedyada iyo Siyaasiyiinta Goboladda Sool Sanaag iyo Cayn, dhamaantood ayaa waxa ay Shirkan ka Rajaynayaan mid midho dhal iyo guul.

 

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Dowlada Somalia Mr.C/kariin Xasan Jaamac oo kamid ahaa ergada ka qeyb galaysay shirka Khaatumo 2 ayaa ku eedeeyey Punntland iyo Somaliland ay lunsadeen deeqihii ay beesha caalamka ugu talagashay deegaanada SSC waxaana uu ku booriyey ergada in hada wixii ka danbeeya loo baahan yahay Midnimada SSC iyo wax la qeybsida bulshada Soomaaliyeed.

 

Waxaana Madashan Soo afmeeray Eng:Maxamed Buraale oo kamid ah Kooxda G6, isla markaana ka warbixiyey in Shirkani uu yahay mid Wada Tashi isla markaana waxa uu sheegay in Loo baahanyahay Isu samir iyo Tanaasul dheeraad ah, shirkana waxa uu kusoo dhamaaday Jawi Wanaagsan oo farxadi ku dheehantahay.

 

BOORAME ONLINE

 

Shirka-Khaatumo-1.jpg

Shirka-Khaatumo-2.jpg

Shirka-Khaatumo-3.jpg

Shirka-Khaatumo-4.jpg

 

Shirka-Khaatumo-6.jpg

Shirka-Khaatumo-9.jpg

Shirka-Khaatumo-7.jpg

Shirka-Khaatumo-5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Taleex oo La ciir Ciiraysa Shacab aad u Faro badan oo Daafaha Caalamka Iskaga Yimi+SAWIRO

 

Magaalada Taleex ayaa Haatan la Ciir Ciiraysa dadwayne aad u faro badan kuwaasi oo iskaga Kala Yimi Daafaha Caalamka iyo Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.waxaa haatan Degmada taariikhiga ah ee Taleex ku sugan Dadwayne aad u kala Gedisan kuwaasi oo intooda badan Taleex u yimi inay ka qayb qaataan Damaashaadka Shirka Khaatumo 2 iyo Aragtida Goobaha Taariikhiga ah ee ay u horeeyaan Xaruumihii Daraawiishta,

 

Inta badan Dadka ku sugan taleex ayaa ah Shacabka Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn kuwaasi oo intooda badan ay u yimaadeen in ay la socdaan Xaalka shirka ayaa hadana waxaa jira In Marka aad Maraysa Gudaha Magaalada Taleex ay indhahaagu qabanayaan dadkii abid ugu tiradda badnaa ee Taleex Yimaada iyadooHal ( 1)-Qarni ka hor ay taleex sidan oo kale u camireen Ciidamadii Daraawiishta ee Gumaysi ka cararka ahaa,waxaa Haatan Taleex ku sugan Shacabkii Reer SSC oo Iyaguna Danahooda kaga Arinsanaya Halkii ay Qarni ka hor Ku sugnaayeen Awoowayaashoodii u Jihaaday Xoraynta Diinta iyo Dalka.

 

Maalinba maalinka ka danbaysa waxaa soo badanaya Dadka soo gaadhaya Taleex kuwaasi oo ka imaanaya magaalooyinka laascaanood,Xudun,Yagoori,Buuhoodle iyo Tuulooyinka Hoostada Sool,Sanaag iyo Cayn waxaa sidoo kale iyana aan meesha ka maqnayn Qurba joogta Deeganadda SSC oo iyana kusoo Qulqulaya Taleex.

 

Warbaahinta Caalamiga ah ee Realtaleex ayaa u Kuur gashay Dadka Haatan Taleex ku sugan iyo Meelaha ay ka kala yimaaden inta badan waxaa ay indhahagu qabanayaan Qurba Joog Maqsuud ku ah inay Si nabad ah ku Yimaadaan Xaruunta Taariikhda Dheer ee taleex isla markaana ay kaga qayb galaan Shirka Wada Tashiga beelaha SSC ee haatan ka soconaya Taleex Sida aad Sawirkan Hoose ku aragtaan Waa Qaar kamid ah Haweenka u Dhashay Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn oo markaasi baabuurta Raaxada Wata oo ku Sugan taleex isla markaana ku qanacsan Heerka ay taleex taagantahay Xiligan oo ay ku suganyihiin Inta badan Shacabka Gobolada Sool sanaag iyo Cayn.

 

Hadaba Akhristow tan iyo wixii ka danbeeyey markii Gogosha Wada Tashiga SSC la dhigay Taleex waxaa si xawli ah u soconayey Dhismayaasha iyo Kor u soo qaadida Bilicda Degmada Taleex waxaa haatan aad aragtay Muuqaalka Dhisme Guri Cusub oo haatan Soconaya waxa uuna Aqalkani kamid yahay Guryaha Haatan La hana qaaday Shirka Khaatumo 2,waxa uuna kamid yahay Guryo badan oo dhismahooda Farta laga jaray kuwaasi oo qayb ka ah Guryaha Bilicsan ee Taleex Hada Laga Yagleelay.

 

Dhinaca Kale waxaa Magaalada Soo Buux dhaafiyey Gaadiidka Xaragada kuwaasi oo ay wataan Ergooyinka Shirka Khaatumo 2, mararka qaar marka aad marayso Suuqyada Taleex waxaa isu kaa sawiraya Muuqal kale oo ka gedisan Taleex oo aad mararka qaar is dhahayso Halkan aad Joogta ma aha Taleex ee Waa Magaalo Kale Qiyaastiina waxaa Taleex 24 Saac Soo gala gaadiid kor u dhaafay 10,kuwaasi oo kasoo ka kala imaanaya Goboladda SSC qaybeheeda kala duwan,

 

DSC03929.jpg

16.jpg

92.jpg

102.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

xag.jpg

President Sulieman Ahmed XaglaToosiye, SSC STATE OF SOMALIA

 

52.jpg

Vice-President Colonel Ali Sabarey , SSC STATE OF SOMALIA

 

 

41.jpg

33.jpg

 

113.jpg

24.jpg

62.jpg

73.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Shirweynihii SSC Khaatumo II, oo Maalintii Afaraad Galay

 

Waxaa maanta mar kale la iskugu yimi Wajiga 1aad ee shirka wada tashiga beelaha ssc ee khaatumo2,waxaana kasoo qayb galay madasha shirka ergooyinkii shirka ka qayb gali lahaa,cuqaasha deegaanada ssc,wax garad iyo kooxaha G6-ka, G15 iyo culim awdiinka goboladda ssc, waxaana madashan kasoo qayb galay fanaaniin iyago Heeso Loogu talo galay shirka Khaatumo 2 halkaasi kusoo bandhigay.

 

Madashan ayaa ahayd qaybtii ugu danbeysey ee shirka wada tashiga beelaha ssc dhinaca is turxaanbixinta iyo dhagaysiga qudbadaha kasoo qayb galayaasha.

 

gudoomiyaha gudiga G6 Dr Cali Ciise cabdi ayaa Sheegay in shirka wada tashiga Beelaha SSC uu yahay mid la dhagaysanayey Fikirka shacabka iyo ka cuqaasha iyo siyaasiyiintaba waxaana uu sheegay in Maalinta Beri ah hadii rabi idmo la geli doono wajigii 2aad ee shirka oo ah mid ka duwan sidii hore,waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in ay wajiga labaad ay kasoo qayb galayaan oo kaliya Ergooyinka kala duwan ee ka kala yimi Qurbaha iyo Gudaha SSC,waxa uuna sheegay shirka Qorshihiisa laga soo saarayo Fikiradii kala duwanaa ee laga dhagaystey kasoo qayb galayaashii iyo weliba kulamadii ay gooni goonida u galeen ururadda haweenka iyo ururadda dhalinyaradda.

 

waxaa iyaguna madashan ka hadlay qaar kamid ah hogaanka ssc waxa ayna ka warameen wax qabadkii iyo halgankii hubaysnaa ee ay galeen waxa ayna ku adkaysteen in ay taageersanyihiin wixii kasoo baxa shirka wada tashiga khaatumo 2 waxa ayna sheegeen in ay guul u tahay in ay shacabka ssc iyo siyaasiyiintooduba ay iskugu yimaadaan taleex.

 

 

waxaa aad mooda in shirka khaatumo 2 uu ka duwanyahay shirarkii ay hore beeshu u qabsanjirtay waxaana markii ugu horeysey lagu arkay madasha Kana hadlay caaqil u hadlayey Beesha Gabooye oo kamid ah Beelaha La Haybsooco ee Ku nool gudaha Deeganadda SSC oo lagu magacaabo Caaqil Ismaaciil Xiri shabeele oo ah caaqilka Guud ee Beelaha Gabooya ee gobolka cayn,waxa uuna sheegay in ay farxad u tahay in shirka khaatumo 2 lagu casuumo beesha Gabooye isla markaana haatan shirku uu yahay mid loo simanyahay Madax iyo Minjaba, waxa uuna sheegay in uu ahaa Shaqsigii ku dhaartay Deegaanka Kalshaale in Beelwaynta *********** Dagi Jirtay Qarni ka hore.

 

Geestooda waxaa iyana madasha ka hadlay Qurba Joogta deeganadda SSC waxaana u hadashay Marwo lagu magaacabo Aasiya oo ku dheeraatay Saamaynta burburku u gaystey Beelwaynta SSC waxa ayna ku dheeratay in loo baahanyahay isku duubni iyo midnimo ka hana qaaday Xaruunta Taariikhda Dheer ee Taleex,waxa ayna sheegtay in hada ay Goobta joogaan Cuqaal iyo ergooyin Arag ahaan Qurux badan balse loo baahanyahay in Qalbigooduna uu saas u qurux badnaado.

waxaa haatan shirku yahay mid jawi wanaag iyo farxad ku socda waxaana geestooda jira Fanaaniin isugu jira Heesaayo iyo Gabayaa,waxa ayna intooduba madasha kusoo bandhigeen Heeso iyo Gabayo Soo jiita Quluubta Shacabkii Goobta Joogay.

 

waxaa Dadka meesha ka hadlayey kamid ahaa oo Qudbad dheer soo jeediyey siyaasi u dhashay gobolka cayn oo la soo shaqeeyey maamulka somaliland waxa uuna sheegay in uu haatan wadadii wanaagsanayd ku suu noqday waxa uuna cafis waydiistey shacabka Reer SSC,waaana laga aqbalay waxa uuna raga kale ee calooshooda u shaqaystayaasha ah ugu Baaqay in ay kasoo baxaan Wadada Qaloocan ee ay ku jiraan waxa uuna sheegay in uu ku faraxsanyahay midwoga haatan ka mu

 

201.jpg

181.jpg

161.jpg

122.jpg

 

 

 

 

 

91.jpg

71.jpg

63.jpg

51.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Ace of Spadez;771587 wrote:
Nice Pictures, I'm wondering how long that tree has been there. It looks really old.
:)
Good thing the charcoal exporters did not get to it.

Ace, that tree is there way before Darawiish era.. It's known Gol Khatumo tree where Darawish gov used have there conferences/meetings under..

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Greats pics.. Thanks Liibaan.. I will update today's insha'alah..

 

Oodweyne, Awoowe, I would not be surprised if p/landers hope that after this conference, the Tol will head to Garowe but sadly your project is completely irrelevent and no references what so ever in that conference.

 

This gathering is totally different because the ssc is negotiating within itself. No more other third parties. It's all about g6, SSC, SNUM etc. That is something..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this