Sign in to follow this  
A_Khadar

Dedicated Thread for KH2 @ Taleex Daily Updates

Recommended Posts

A_Khadar;772138 wrote:
Lol @ blue, I didn't know you're Alliyah's league, Say Walaahi..Just teasing you guys.

 

So far, last three days were opening speeches and collecting opinions from the speakers and some side meetings for specific groups such as women, youth, and Isims to collect current issues of SSC and suggestions.

Now the second phase of the conference is started where only selected representatives from home and Diaspora will meet and discuss the issues thoroughly.

 

To sum it up, the theme of the conference boils down to three questions:

1. Do SSC have issues?

2. What are they?

3. What are the solutions to come over?

 

 

Hope that helps..

Lol you know me my somali aint too great it's average. Great thanks for summing it up your the best. I bet there are more people who are in the same situation as me and need a summary in english. So i'm not the only one benefiting from your english summary. Now i'm up to date and understand the missing pieces :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Including the history of Taleex..

 

 

Ergooyinka.JPGTALEEX VS. TORONTO: Radio Xargaga iyo Radio Ogaal

Monday, January 09, 2012 - 06:09 AM

 

Waa barnaamij gaar ah oo ka baxay idaacad ku taal magaalada Toronto iyo Xargaga Online oo Microphoneka la dhexqaaday Shacabkii ka soo qaybgalay shirwaynaha Kh2.

 

 

Waxaan halkan aan ku eegaynaa argtida shacabka ku kala dhaqan magaalooyinka Taleex iyo Toronto oo ka warramaya ra'yigooda ku aadan Shirka Khaatumo 2.

 

 

 

Wariyaha Xargaga Online ayaa inoo daadihin doona waraysiga reer Taleex halka Wariyaha wayn ee Xassan Karate uu inoo daadihinayo waraysiyada Radio Ogaal oo ku yaal Magaalada Toronto ee Wadanka Canada.

 

 

 

Halkan ka dhegeyo radio ogaal iyo Barnaamijkii Taleex (be patient, it will talke little long to connect)...

 

XOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Shirkii Khaatumo2 oo Galay Qaybtii Sadexaad

Monday, January 09, 2012 - 07:38 PM

 

Shirkii Khaatumo2 oo maanta galay kalfadhigii ugu horeeyey ee ay yeeshaan ergooyinku iyadoo albaabadu u xidhan yihiin guud ahaana saxaafadii dibada ka joogto..

 

 

 

Halkan ka dhegeyso barnaamij gaar ah oo Xargaga Online idiinka soo diyaarisay maanta iyo Taleex.

 

 

 

Qaar ka mid ah dadweynaha ku sugan magaalada taariikhiga ah ee Taleex oo ka dhiibanaya ra'yigooda.

 

 

Halkan ka dhegeyso maanta iyo Taleex. (real audio)

Ku dhegeyso windows media audio

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Indeed, dar ilaaladan aan duljoogo maxay dad isku keentay.. Amazing history!

 

saado cali & shuushow bax

 

Shuushow bax shuushow bax

Xaqiibaa baa shaal huwayday

Waa Shacabkii istaagay

Shirqoolkii wuu burburay

Sharkuna wuu suulay ee

Shuushow bax shuushow bax

 

Shinbirayahow heesa iyo

Ninkii wata sheeko kale

Shiisheeya xambaarsan

Anaga nama sheegan karee

Shuushow bax shuushow bax

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

breaking%20news.jpg

 

 

Ergooyinkii Shirka Khaatumo2 Oo Maanta U Codeeyey In Degaanka SSC Loo Sameeyo Maamul Goboleed-

Lasanod Online. Tuesday, January 10, 2012

 

 

Warsaxaafadeed:- Ergooyinka shirka Khaatumo2 ayaa maanta ka dooday ajendihii shirka khaatumo2.

 

 

Waxaa saaka hawlahoodii kasii watay madasha shirka dhamaan ergooyinkii gudaha iyo qurbaha.

 

Dood dheer iyo falanqayn kadib waxaa ergooyinku u cadeeyeen oo laysla qaatay go'aamo aad muhiim ugu ah aayaha deegaamada SSC.

 

Ergooyinku waxay fadhigii saaka ugu codeeyeen in degaamada SSC loo sameeyo maamul goboleed u gaara ah oo masuul ka noqda aayaha deegaanada shacabak soomaaliyeed ee ku nool gobollada SSC.

 

Go'aankan iyo qaar kale oo muhiim ah waxaa losoo bandhigayaa shirweynaha maalinta berri.

Maanta waxaa madasha shirka ee berdaha Khaatumo ka muuqda dabaal deg iyo rayrayn, iyadoo jidadak magaalda Taleex ay dhexmarayaan baabuur tiro badan oo ruxayey calanka Soomaaliya.

 

 

______________________________________________

 

 

75-300x225.jpg

 

Ergooyinka Shacabka SSC waxey si Aqlabiyad leh u Ansixyeen in Maamul-Goboleed Buuxa ay u Samaystaan Deegaanka SSC.

 

Horafadhi

 

 

Shirweynihii Khaatumo2 ayaa waxaa maanta lagu gaadhay Go’aamo cul culus, waxaa maanta xaadir ku ahaa shirweynaha Khaatumo2 Ergo gaadhaysa 345, Qodobo fara abdan oo ay ka mid tahay Nabadeynta, Mideynta iyo maamul u sameynta ayaa lagu lafa gurey shirka maanta, waxaana ergadu si aqlabiyad leh u ansixyeen in maamul Goboleed buuxa ay samaystaan dadka ku dhaqan deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn, ayadoo lagu soo darayo maamulka dadka la dega ee aan ayagu ka soo jeedin Beesha Dhulbahantaha.

 

Waxana qodobada la isku raacay ka mid ah in si cadaalad ah loo qaybsado maamulka, isla markaana uu noqdo maamul axdi adag oo dhibida loo aastay, Codka ayaa aha agacan taag, waxaana loo qaybiyey cidii diidaysa in maamul asameeyo oo laga codsay inay gacanta taagaan, ciodii ka Aamusaysa iyo weliba qofkii ama cidii doonaysa in la sameeyo maamul buuxa, gebi ahaan waxaa la wayey qof diida ama ka aamusa, waxayna guud ahana ergadii 345 xubnood ahayd ansixiyeen inay doonayaa maamul goboleed buuxa, oo Golayaashiisa, Garsoorka, Sharci dejinta iyo Fulinta ka kooban.

 

 

 

Maalinimada berri ah ayaa lagu wadaa in shirku soo bandhigo qodobada la isku raacya, isla markaana la magacaabo gudiyo Dastuur iyo weliba kuwo kale oo dhanka Horumarinta iyo Nabadeynta ku saabsan.

 

Horufadhi.com News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Congratulations to ALL SSC People Everywhere (Inside SSC Somalia, and abroad)

 

Hambalyo iyo Bogaadin Dhamaan Shacabka SSC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

January 10, 2011: Historical Day for SSC People & All Somali Unionists

Daawo Ku Dhawaaqidii Maamul-Goboleedka SSC

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Warsaxaafadeed:- Ergooyinka shirka Khaatumo2 ayaa maanta ka dooday ajendihii shirka khaatumo2.

 

 

Waxaa saaka hawlahoodii kasii watay madasha shirka dhamaan ergooyinkii gudaha iyo qurbaha.

 

Dood dheer iyo falanqayn kadib waxaa ergooyinku u cadeeyeen oo laysla qaatay go'aamo aad muhiim ugu ah aayaha deegaamada SSC.

 

Ergooyinku waxay fadhigii saaka ugu codeeyeen in degaamada SSC loo sameeyo maamul goboleed u gaara ah oo masuul ka noqda aayaha deegaanada shacabak soomaaliyeed ee ku nool gobollada SSC.

 

Go'aankan iyo qaar kale oo muhiim ah waxaa losoo bandhigayaa shirweynaha maalinta berri.

 

Maanta waxaa madasha shirka ee berdaha Khaatumo ka muuqda dabaal deg iyo rayrayn, iyadoo jidadak magaalda Taleex ay dhexmarayaan baabuur tiro badan oo ruxayey calanka Soomaaliya.

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ we waited for this so long, alhamdulilah ilaaahay baa mahad leh. Guul iyo horumar...

 

SSC way hanaqaaday horumar bay gaadhay hantu midnimadii gacantay ku haysaa mahad waa ta eebe soo hooyay guushe

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Shirkii “Khaatumo 2″ oo Maanta Lagu Go’aamiyey Dhismaha Maamul Goboleed Ka Arimin Doona Deegaanada SSC

 

Taleex (RBC) Ergooyinka ka qeybgalaya shirka wadatashiga beelaha SSC ee “Khaatumo 2″ ayaa maanta go’aamiyey in maamul goboleed ka arimiya deegaanada SSC la yagleelo, sida uu Raxanreeb u sheegay afhayeenka guddiga qabanqaabada shirka ee G6 Aadam Shuuriye.

 

Ergada ayaa si cod buuxa isugu raacay mabda’ ahaan muhimada uu yeelan karo maamul goboleed Soomaaliyeed oo u adeega danaha dadka reer SSC oo ka kooban Sool, Sanaag iyo Ceyn.

 

“Ergadu waxay si buuxda, iyadoon qofna diidin isku raaceen sameyn maamul deegaanada SSC yeeshaan” ayuu yiri Aadam Shuuriye.

 

Magaca maamulkan, xuduudahiisa iyo halka ay noneyso xaruntiisa ayaa la sheegay in maalmaha soo socda laga arinsan doono, Waxaana lagu wadaa in tobanka maalmood ee soo socda la soo saaro faahfaahin dheeraad ah oo la xiriira siyaasada iyo habka uu u shaqeynayo maamulkan maanta laga go’aamiyey shirka Taleex.

 

Maxay noqoneysaa xaalada Laascaanood?

 

Waxaan afhayeenka shirka weydiinay waxa shirweynaha Taleex ka yeelayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo hadda uu ka taliyo maamulka Somaliland.

 

“Laascaanood waa sax waa magaalo ka tirsan deegaanka SSC waxaana arinteeda ay u taalla dadka ka qeybgalaya shirka Taleex inay iyaga go’aamiyaan” ayuu yiri Aadam Shuuriye.

 

Wuxuu afhayeenku intaa ku daray in shirka Taleex aan dagaal looga dhawaaqeyn balse ay filayaan inay nabad kula noolaadaan maamulada deriska la ah.

 

Mustabalka maamulkii SSC

 

Aadam Shuuriye oo aan weydiinay halka uu ku dambeyn doono maamulkii SSC ee xaruntiisu ahayd Buuhoodle ee uu madaxweynaha ka ahaa Suleymaan Xaglatoosiye ayaa sheegay in maamulkaasi uu soo dadaalay uuna wax badan u qabtay dadka reer SSC hase yeeshee go’aan rasmi ah lagasoo saari doono maalmaha soo socda.

 

Wuxuu sheegay in xubnihii maamulkii SSC uu filayo inay raacaan maamul goboleedka cusub ee loo sameynayo deegaanada SSC.

 

Baaq ku Socda Puntland iyo Somaliland

 

Afhayeenka guddiga qabanqaabada shirka “Khaatumo 2″ ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Somaliland inay filaan nabad iyo walaaltinimo laakiin ay ogaadaan in dadka reer SSC masiirkooda ka tashadeen.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

"Maanta, Maanta Waa Maalin Weyne Maanta, Maanta waa Maalinta Weyn ee SSC"

 

Maanta..maanta waa maalin weyne maanta....waa maalin aad iyo aad iigu weyn...Maanta, Maalinta Weyn ee SS

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

KHaatumo.jpg

 

somalia_flag.jpg

 

ssc_somalia.jpg

 

SSC%20cartoon1.jpg

 

timthumb.php?src=http%3A%2F%2Fwww.midnim

 

timthumb.php?src=%2Fimages%2Fsep10%2Fs2-

 

ssc_usa_demo2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaca maamulkan, xuduudahiisa iyo halka ay noqoneyso xaruntiisa ayaa la sheegay in maalmaha soo socda laga arinsan doono, Waxaana lagu wadaa in tobanka maalmood ee soo socda la soo saaro faahfaahin dheeraad ah oo la xiriira siyaasada iyo habka uu u shaqeynayo maamulkan maanta laga go’aamiyey shirka Taleex.

 

Did not see the official communique yet.

 

However, let me go on a limp on this and say the declaration was expected. But the most important parameters still remain to be defined. Borders of the new admin. The seat of its executive. The status of Laasanod. Strategies to deal with the two elephants in the room (Puntland, & Somaliland). Relationship with TFG. All these are yet to be defined.

 

Keep us updated plz...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin Don't you think this announcement was rushed, the decleration should've been the last thing, but our ssc comrades are said to be people of JIDBO or kind of SUUFIS, they are very emotional ppl. I think this still could be disrupted by some Garaads who are feeling humiliated like Garaad Saleebaan who will not support this idea.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this