Sign in to follow this  
A_Khadar

Dedicated Thread for KH2 @ Taleex Daily Updates

Recommended Posts

A_Khadar   

Taleex,(lasanod Online)- Waxaa saaka markay saacadu xilliga Taleex 10 kii subaxnimo si rasmi ah uga furmay madasha shirka ee Khaatumo..

 

 

hshirweynihii SSC ee Khaatumo2.

 

Shirkan waxaa lagu firay aayado quraan ah iyo duco, kadib waxaa shirka si rasmi ah u furay Garaad maxamuud Mashqare oo ka hadlay magaca garaadkii dhigay gogosha ee garaad Salebaan Maxamed oo isagu xaalad caafimaad uga baaqday furitaanka shirka.

 

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa dhamaan isimada kale ee SSC oo aan midna ka maqanayn.

Waxaa shirkan khudabdo kasoo jeediyey isimo, waxgarad iyo odayaal, waxaan ka mid ahaa Dr. cali Khaliif gallaydh oo ugu horeyn tacsi u jeediyey mashaqadii ka dhacday Taleex, kadibna ka warbixiyey ujeedada shirka loo qabtay iyo in la iska dhaafo dacaayadaha n mbeen abuurka ah ee la sheegayo inay wax qarsoon G6 wataan..

 

Dr. Cali Khaliif wuxuu ku nuuxnuuxsaday inaysan jirin meel ay dadak u wadaan iyo wax u qarsoon midna, laakiin ay rabaan in nabad laga tashado oo beesho danaheeda iyadu ka tashato cdna yan u daba fadhiisan mustaqbalkeeda.

 

Waxaa kaloo madasha ka hadlay Caaqil Xasan Askar oo ku hadlay magaca cuqaasaha.Dhalinyarada golaha suugaanta gobolka Sool ayaa iyana heeso iyo madadaalo kasoo jeediyey xafladda.

 

Waxaa iyana halkaas buraanbur iyo guubaabo kasoo jeediyey Canbaro walanwal iyo Indhaqdeeq Abyan oo dadweynihii joogay xafaldu aad uga helaan buraanburkii ay hlkaas kasoo jeediyeen.

 

Gudoomiyaha gudida fulinta Dr. Cali Ciise Cabdi yaa isna ka hadlkay xafalda oo si qotadheer uga warbixuye dhibta haysata deegaanka SSC iyo sida loogu baahanyahay in lagaga baxo talo midaysan.

Isagoo ka codsaday dadweynaha shirka fadhiyey inay kasoo fekeraan sidii xal rasmi ah loogu helilaatalada beesha. Qof walbana wixii talo dib ka keeno.

 

Madasha Berdaha Khaatumo2 waxaa soo buuxdhaafiyey ergooyin iyo dadweyne tiro badan oo ka socday bulshada ku nool magaalada taleex, waxaana wejiyadooda ka muuqatay farxad badan.

 

Dr. Ali Isse Abdi

P1010183.jpg

Dr. Ali Khalif Galaydh

P1010169.jpg

 

Grand Garad Jama

P1010188.jpg

P1010180.jpg

 

P1010179.jpg

Gudoomiyaha G15 from Diaspora

P1010178.jpg

Youth

P1010177.jpg

Ergooyinka

P1010173.jpg

 

P1010172.jpg

G15

P1010171.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Shirka Khaatumo2 Oo Furmay , Hogaankii SSC Iyo Isimada Oo Banaanka Ka Jooga (Dhagayso)

Shirka Khaatumo2 ayaa saaka si rasmi ah loogu dareeray iyadoo hoolka shirka loo ogaaaladay oo kaliya inta ay ergo ahaan u soo xusheen kooxda la baxayday G6 ee laba Cali.

 

Dhamaan qabaailka beelaah *********** ayaa si weyn uga soo horjeestay habka saaka lagu furay shirka marka iyadoo aan xal loo helin khilaafka magaalada Taleex iyo kan xulida ergooyinka.

 

Waxaa hada aan shirka ka qayb galin hogaankii SSC Saleebaan Ciise Axmed iyo dhaaman golaha Khusuusida Sidoo kale isimada beesha Dhulbahanate marka laga reebo garaad Jaamac Garaad Cali ayaan ka qayb galin.

 

Gudoomiyaha golaha Khusuusida SSC oo aan khadka taleefaanka kula xidhiidhnay ayaa xaqiijiyay in hogaankii uu banaanka ka yahay shir.

 

Shir ay xaklay ku yeesheen magaalada Taleex laba Cali iyo qurbajooga la fikirka ah ayaa wazxaa ay go’aan ku gaadheen in ay aroornimada maanta si awood ah shirka ku furtaaan maadama ayey yiraahdeen uu waqtigu ku yar yahay oo aysan in muddo ah sii joogi karin Taleex taaso muujinaysa in ay ku dhawaaqi rabaan go’aamo ay jaabka ku sidaan Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise Cabdi.

 

Maxamed Cabdi Ciise Faahiye oo ah gudoomiyah golaha khusuusida Ssc ayaa sheegay in shan ka mid ah isimada beeshu ay la kulmeen garaad Jaamac garaad Cali oo shirka u furay kooda G6 waxaana ay ka dalbeen in shirka aan lagu deg degin furidiisa inta arimaha taagan xal loo helayo hase ahaate waxaa uu garaadku ku adkaystay in shirku furmay hadalaas oo sii xoojinaya khilaafka jira.

 

Halkan ka roggo ama hoos toos uga dhagayso waraysiga gudoomiyah golaha Khusuusida SSC aan la yeelanay.

 

 

 

Dhinaca kale bahdsa Saxaafada Soomaaliyeed ee ku sugan madasha shirka ayaa saaka gadood sameeysay iyagoo ku doodaya in aysan meeshu maamul lahayn oo ay saxaafdau la dahay cid ay si rasmi ah uga warqaadato.

 

Waxa aay sidoo kale ka cabanayeen iyadoo aysan jirin wax qaabilaad ah oo loo sameeyay ama dejin taasin ay kaliftay in qaar badan maanta dib ugu laabtaan goobihii ay ka yimaadeen.

 

 

 

Wararka u dameeyay ee shirka Khaatumo 2 kala soco Taleex Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Saalax;770628 wrote:
Shirka Khaatumo2 Oo Furmay , Hogaankii SSC Iyo Isimada Oo Banaanka Ka Jooga (Dhagayso)

Shirka Khaatumo2 ayaa saaka si rasmi ah loogu dareeray iyadoo hoolka shirka loo ogaaaladay oo kaliya inta ay ergo ahaan u soo xusheen kooxda la baxayday G6 ee laba Cali.

 

Dhamaan qabaailka beelaah *********** ayaa si weyn uga soo horjeestay habka saaka lagu furay shirka marka iyadoo aan xal loo helin khilaafka magaalada Taleex iyo kan xulida ergooyinka.

 

Waxaa hada aan shirka ka qayb galin hogaankii SSC Saleebaan Ciise Axmed iyo dhaaman golaha Khusuusida Sidoo kale isimada beesha Dhulbahanate marka laga reebo garaad Jaamac Garaad Cali ayaan ka qayb galin.

 

Wararka u dameeyay ee shirka Khaatumo 2 kala soco Taleex Media.

Lol@Taleex.. At least before you post this, why don't you check the images I posted.. You can NOT help your mere sickness for seek any reason to fail this.. check these images below and let me know which is missing...

 

P1010150.jpg

 

P1010149.jpg

 

P1010148.jpg

 

P1010147.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mashallah i have never seen a big conference like this with so many ergoyin inshallah wax kheyr badan ba ka so bixi doona the conference was opened officially today after salaatu duhur.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Khaatumo2 Taleex: Warsaxaafadeed:Furitaankii Shirka, Maalintii 1aad

 

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 05/01/2012, si rasmi ah u furmay Shirweynihii Deegaanada Sool ,Sanaag iyo Cayn ee Khaatumo2. Shirweynahan oo ahaa wejigii labaad ayaa waxaa si rasmi ah loogu furay Aayadaha Qu’raanka Kareemka ah, kaasoo uu akhriyey Sheekh Axmed Nuur, waxaa sidoo kale Wacdi iyo waano diini ah halkaas ka soo jeediyey Sheekh Cumar Sheekh Cusmaan.

 

Waxaa halkaas hadal soo dhaweyn ah ka jeediyey Chief Caaqil Axmed Askar oo magaca deegaanka ku hadlayey kaasoo soo dhaweyn iyo Boogaadin u direy ka soo qayb galayaasha shirka iyo Marti sharafta. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Garaad Maxamuud Cusmaan Warsame (mashqare),isagoo u mahadceliyey Ergooyinka iyo martida shirweynaha Khaatumo2.

 

Waxaa qudbad muhiim ah, halkaas ka jeediyey Dr: Cali Khaliif Galaydh oo kamid ah Gudiga fulinta (G-6), oo u mahadceliyeyey kooxda G-15 oo iyagu ahaa kuwii kormeeray deegaano farabadan oo ka tirsan deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn,Pro: Cali Khaliif Galaydh, oo ka warbixiyey ujeedada iyo baahida shirka loo qabtay. Pro: Galaydh ayaa sheegay in ay isku xilqaameen in dadka taladooda la mideeyo, Pro: Galaydh wuxuu hoosta ka xariiqay in shirkani uu yahay mid Soomaali weyn oo dhan dan u leh, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in talada Soomaliyeed aysan dadka SSC aysan cidna marti uga ahayn.

 

‘’’ Umadda Soomaaliyeed waxay ogtahay in beelaha Deegaanada SSC ay ka midaysan yihiin midnimada Soomaaliya” iyo umadda Soomaaliyeed midnimadeedu marnaba ayna gor gortan galayn’’’’’ ayuu yidhi Pro: Cali Khaliif Galaydh.

 

Dr: Cali Ciise Cabdi oo ah Gudoomiyaha shirgudoonka shirka Khaatumo2 ee Taleex, ayaa hadal qiimo badan ka jeediyey madasha , asagoo sheegay in ay doonayaan in ay cidkasta nabad kula noolaadaan ayaguna dhexdooda nabad helaan.’’’ Beeshu waxay doonaysaa in wax aan ayada ka go’in oo aysan raali ka ahayn aan Dhegaha loogu riddin’’’’’.

 

‘’’’’. Waxaan dadka dhegahooda ka batay in beeshani aysan midoobi Karin, waxaa marag ma doonto ah in qurbajoogtii ay midowday, intii kale ee guduhuna halkan ku dhamaan doonto, isla markaana dib danbe aan la isweydiin talada *********** meesha ay ka go’do,

 

isla markaana qof meel kale ama cid kale u adeegaya aan talada dalkan iyo dadkan ka go’in’’’’’’’’’’.

 

Talo la’aantu maanta waxay ka muuqataa Caafimaad la’aan, horumar la’aan, Waxbarasho la’aan iyo adeegyo la’aan. Sidoo kale waxaa kelmed soojeediyey Boqor Abdullaahi Axmed Cali, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay shirka iyo qaabka loo soo Agaasimey.

 

Gelinkii hore ee maanta waxaa shirka soo Xidhay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, oo halkaas ka jeediyey hadal dulucdiisu ahaa dhiirigelin, talo gelyo iyo Guubaabo. Garaadka ayaa sheegay in maanta Madaxdhaqameed ahaan ay diyaar u yihiin inay waxa shacabkoodu go’aansado u Gudoomiyaan, asagoo sidoo kale u mahadceliyey bulshada reer Taleex, ee gogosha dhigay.

 

Garaadka ayaa duco ku soo xidhay shirka, asagoo guul u rajeyey.

 

Xafiiska saxaafada iyo xidhiidhka

 

Khaatumo2 Ee Taleex,

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

A_Khadar;770623 wrote:
" frameborder="0" allowfullscreen>

Great interview.. This is not just conference for SSC but entire Somali peninsula.. Allow khayr ku dhamee..

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Daawo Sidii Uu U Furmay Shirweynaha Khaatumo2 Ee Maanta 05-01-2012

Taleex(Allssc): Shirweynaha Khaatumo2 Oo maanta si habsami leh uga furmay magaalada Taariikhiga ah ee Taleex ayaa Ergada SSC ay aad u buuxdhaafisay, waxaana ay dhamaan soo wada gaashay ergadii loogu talagay inay ka qayb qaataan Shirweynaha Khaatumo2 waxana sidoo kale Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex soo buux dhaafiyay Shacabka SSC , Bulsho weyn Somaliyeed oo jecel Midnimada Soomaaliyeed, iyo warbaahinta Somalia, waxnaa dhamaan laga Dhursugayaa inuu Shirkan kasoo baxo Hadaf mida iyo Horusocod.

 

shir11-1024x685.jpg

shir2-1024x685.jpg

shir3-1024x685.jpg

shir4-1024x685.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Will do. But please promise you keep on updating -- daily that is. Many thanks. MMA fadlan lock it so it stays up top.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

I don't see no Xaglatoosiye or SSC rebel leaders in the pictures so it's correct.

Waxaa hada aan shirka ka qayb galin hogaankii SSC Saleebaan Ciise Axmed.

http://taleex.net/2012/01/05/shirka-khaatumo2-oo-taleex-ka-furmay-iyo-hogaankii-ssc-iyo-isimada-oo-banaanka-ka-jooga-dhagayso

 

A_Khadar;770632 wrote:
Lol@Taleex.. At least before you post this, why don't you check the images I posted.. You can NOT help your mere sickness for seek any reason to fail this.. check these images below and let me know which is missing...

 

P1010150.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this