Sign in to follow this  
A_Khadar

Dedicated Thread for KH2 @ Taleex Daily Updates

Recommended Posts

Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Mudaharaado Waawayn oo Ka Socda Laas Caanood Ayaa Lagu Taageeray Maamulka Cusub ee Khaatumo ee Deeganada SSC

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Taleex,(lasanod Online)- Waxaa saaka soo buuxdhaafiyey madasha shirka ee Berdaha Khaatumo ergooyinkii iyo daweyne tiro badan oo u yimid..

 

 

inay ka qaybgaataan shirka maanta oo la filayo in lagu dhawaaqo golaha sare ee maamulka Khaatumo.

 

Golaha sare ee maamulka oo ka koobnaan doona seddex golha madaxtooyada iyo lix wasiir.

 

Waxa kaloo maanta la ansixinayaa qaabkii ama distoorkii ay ku shaqan doonaan madaxda maamulka Khaatumo.

 

Shacabka saaka fadhiya madasha shirka waxaa wejiyadooda ka muuqda farxad.

 

Lasanod online waxay idiinsoo gudbin doontaa magacayada maamulka Khaatumo marka lagu dhawaaqo

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Taleex,(lasanod Online)- Waxaa hadda lagaga dhawaaqay Berdaha Khaatumo ee Magaalada Taleex, xubnaha hogaanka u qabanaya maamulka Khaatumo-

 

 

xubnahan ayaa la sheegay inay xilka haynayaan muddo gaadhaysa 18 bilood, si looga baxo xaalada adag ee lagu jiro. iyadoo hadda loo dhaariyey xilkii qaar kamid ah.

 

Waxaa si ku meel gaadh ah loogu doortay magaalada Taariikhiga ah Taleex inay noqoto Caasimadda maamulka Khaatumo.

 

Waxaa iyana lagu dhawaaqay in Golaha Wakiiladu ka koobnaan doono 47 xubnood oo 9 ka mid ah loo qoondeeyey inay noqdaan Hablaha Khaatumo.

 

Magacayada Golaha madaxtooyada ayaa kala ah:

 

- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

 

- Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel)

 

- Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe)- (Dib baa laga dhaarinayaa)

 

 

 

Magacayada Golaha Wasiirada:

 

1. Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalimiga iyo Jaaliyadaha

 

2. Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka

 

3. Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

 

4. Cabdikariim Faarax Dhaaye- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga

 

5. Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada

 

6. Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Dabaaldegyo waa weyn ayaa ka soconaya Magaalooyinka maamulka Khaatumo State, kuwaasoo ay ka mid yihiin Laascaanood, Buuhoodle, Widhwidh iyo Boocame. Dabaaldegyadan ayaa waxaa lagu soo dhaweynayaa Madaxda cusub ee lagu dhaariyey magaalada Taleex ee taariikhiga ah.

 

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa xabado ku faray Maleeshiyaadka SNM ee magaalada joogaa, waxaana maanta soo gaadhay Habro fara badan oo ah kuwa la qidhaabta SNM oo cagaha ku jiitaan.

 

Buuhoodle waxaa isugu soo baxay boqolaal qof oo taageraya maamulka cusub, kuwaasoo hadalo soo dhaweyn ah ku qaylinaya. Magaalada Widhwidhna shacabka halkaas ku dhaqan ayaa aad u soo dhaweynaya madaxda cusub.

 

Boocame ayaa waxaa ka soconaya sidoo kale dabaal deg , kaasoo ay ku hambalyeynayaa maamulka cusub.

 

Damaashaad.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Tiradda Golaha Baarlamaanka Maamulka Khaatumo State of Somalia oo lagu dhawaaqay

Golaha Baarlamaanka Khaatumo State of Somalia ayaa la filayaa in maalmahan soo socda la soo xulo waxaana xiligan ay ku soo baxayaan qaabka qabiilka, tiradda Golaha Wakiiladda ayaa lagu sheegay 47 xubnood kuwaas oo kala noqonaya sidan

 

1. 27 waxa ay imaanayaa Saddex Meeleedkii D-block ( Gudaha)

 

2. 9 waxa ay ka imaanaya Saddex Meeleedkii D-block ( Jaaliyadaha)

 

3. 6 waa hablaha Khaatumo ( 3 gudaha iyo 3 dibadda)

 

4. 3 beesha Fiqishini

 

5. 2 beesha Gabooye

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Wasiir Ku xigeenadii Maamulka Khaatumo oo la Magacaabay

khaatumostate.jpg

Taleex,(lasanod Online)- Waxaa saaka geedka Khaatumo ee magaalada Taleex lagaga dhawaaqay wasiir ku xigeenada maamulka Khaatumo.

 

 

Waxaana xilalkan loo magacaabay, qaar kamid ahna madasaha lagu dhaariyey:

 

Xasan Cali jaaamac- Wasaaraada xirirka debedda

Farduus Maxamed Mire- Wasaaradda Xiriirka Debedda

Jamac Xasan Khaliif- Wasaaradda Amniga

Ibraahim Guure- Wasaaradda horumarinta iyo khayraadka dabiiciga

Xasan Muuse Cawl- Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Abdifatah Cisman Dhalac- Wasaaradda Arrimaha Bulshada

Asia Xasan Jaamac- Wasaaradda arrimaha Bulshada

 

 

Wasaaradda Maaliyadda: Dib baa lagasoo magacaabayaa

 

Chief of cabnet:

Mukhatar Ibrahim Xabashi

 

 

Afhayeenka Maamulka Khaatumo:

Omar Jaamac Saleebaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this