Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Originally posted by Xudeedi:

Mr.Somalia, miskiin dhabar-macaan baa tahay. Your celebrating for a victory that you did not earn. No officer from the SSDF constituency was leading the war. If your clan has the might to burn anything as you are entertaining here on SOL, then you would have done it long time ago.

 

Abdi-Jamaal the deputy security minister of the SSDF administration and only commander who is in Galgala today is Atam's cousin. The men who took town were his men from Maraje, Western Bari.

 

Keep entertaining yourself, but the war just began. This will spill over places farther than western Bari.

^ :D

 

 

blah blah blah blah excellent example of the hasty generalization and the logical fallacy you've been concocting of late against your Puntland kinfolk... blah blah.

 

Your hatred of your Puntland kinfolk is well established, but I believe that should NEVER be allowed to excuse your ignorance in here...

 

Marka ha cataabin, adeer! Ceyda tolkaana haku talax-tegin!

 

Bal aan ku su'aalo: Hadaad tiri, nimanka ATAM karbaashey waa ilma-adeeradiis, maxaa 'ssdf' ku heesataa? :D Maxaase aragtida kaa qaaday ey ilma adeertaa arkeyn?-- Iyagoo u arkay cadowga Puntland raba iney burburiyaan inuusan xal u ahayn iyaga? :cool:

 

Teeda kalena, adigu sii fiican baad walaahi iskugu dhex yaacdey-- waayo marna waxaad leedahay,"No officer from the SSDF constituency was leading the war", marna waxaad ku calaacaltaa P.I.S baa kheyraadkeena nagu soo weeraraysa; Marka, dhankee baanu kuu raacnaa? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Jacaylbaro:

War Degdeg ah! Beerihii Galgala oo Dab la qabad Siiyey!

 

 

Ciidamadii Dawlad Puntland oo galay Galgala, kagadaal markii ciidamadii hore uga dagaalamayey ay dib ugurasho xeelad dagaal kaga bexeen degmadaasi. Ilaa iyo shalayto waxaa ku sugnaa halkaasi ciidan ka tirsan Dawlada Puntland.Hadaba oday ku sugan degamada Galgala oo xidhiidh nala soo sameeyey kana mid ah guurtida iyo cuqaasha deegaanka ayaa noo xaqiijiyey in dab laqabad siiyey beerihii magaalada oo dhan.

 

Dabkani la qabadsiiyey beeraha ayaa waxaa ka danbeeyey cidankii maamul goboleedka Puntland, taasi oo ay sabab uga dhigeen sida odaygu noo xaqiijiyey in la rabo magaalada in laga raro shacabka waa sida uu warka u dhigaye, sidoo kale waxa la rabaa ayuu in Galgala ay noqoto Saldhig ciidan oo aan la rabin in shacab ka agdhowaado.

 

Arintani ayaa waxa ay dhabarjab ku tahay kudhowaad 20.000 oo qof oo ku nool deegaankaasi noloshooduna ku tiirsanayd dalaga beeraha ay fashaan ilaa mudo dhowr qarni ah.shalayto ayaa odayashu ka codsadeen dawlad goboleedkaasi in ay dadka lasoo gaadhaan gar gaarn balse waxaa cajaa’ib noqotay intii ay ku noolaayeen in cidamadu ay xalay saqdi dhexe dab qabadsiiyeen.

 

waxaa ku khasaarooobay qiimo gaadhaya malaayiin dollarka maraykanka ah iyo kharash aad ubadan oo ka galay dadkaasi iyo nolol xumo soo foodsaarta dadkaasi ku nool deegaanka.

 

Puntland ayaa qorshaynaysa agaasime beeleedka khayraadka ay u doorteen in uu maanta booqdo magaalada Galgala. Ciise Dhoolowaa oo ah nin kii dabada ka riixayay dagaalkii Galgala. Arintani oo ku tusinaysa arxan darada loo hayo Shacabka deeganadaasi oo sideed bilood cunaqabayn Saarnayd.iyo in aan wax dan ah laga lahayn hadii ay dhamaadaan iyo hadii kaleba balse ujeedku uu yahay Macdanta iyo kharashdoonka maamulkaasi oo keliya.

I give it the benifit of the doubt, you forgot to add the source...

Share this post


Link to post
Share on other sites

GalGala:- Dagaal Dib uga Curtay Maanta

 

Dagaal Culus oo u dhexeeyay Maleeshiyaadka Maamulka Faroole iyo kuwa Sheekh Maxamed Saciid Atam ayaa goordhaw kusoo gaba gaboobay duleedka degmada Galgala.

 

Wararka nagasoo gaaraya degmada Galgala ayaa xaqiijinaya in dagaal culus uu maanta barqadii dhacay, sida ay sheegeen saraakiil katirsan ciidamada Deegaanka ee uu Horkacayo Sheekh Atam dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xoogagu weerar ku qaadeen Saldhig ay Maleeshiyaadka Faroole ku lahaayeen duleedka Galgala.

 

Inta la ogyahay 5 Maleeshiyaad ah ayaa laga dilay Maamulka Faroole 5 kalane dhaawac ayaa soo gaaray waxaana weli la maqlayaa Hugunka Rasaas xoogan oo ay labada dhinac is dhaafsanayaan.

 

Xoogaga deegaanka ayaala sheegay in ay meel Tog ah ku go’doomiyeen Maleeshiyaadka Faroole oo masaafa dhan 4 KM dhanka Galgala u baxay, waxay sheegayaan in Maleeshiyada Faroole ay Madaafiicda BM-ka ku garaaceen Tuulada (Madarshoon) oo ku dhaw magaalada Galgala.

 

Sheekh Atam ayaa shalay sheegay in ay ku hareeraysanyihiin Galgala islamarkaana ay gacanta ku dhigi doonaan Hubka ay wataan Maleeshiyada Ashahaadda ladirirka ah ee uu wato Cabdi Raxmaan Faroole.

 

Warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegaya in deegaanka Loo YaqaanXamur oo 15-KM u Jirta Magaalada GalGala uu Haatan Dagaalku Madaxa la sii Galayo waxa Tafaasiil ah oo dheeraad ah Lagama hayo Colaada Deegaankaasi ka Curatay.

 

Colaadan ayaa Curtay Maalin ka dib Markii Ciidamada PL Gudaha u Galeen Degmada GalGala halkaasi oo ay Xeelaad Dagaal oo Dahsoon uga guureen Ciidamada Daacada u ah Sheekh Maxamed Said Atam, Hase ahaatee Atam oo VOA-da la hadlay Dagaalka Looga qabsaday Gal Gala ka dib ayaa sheegay inay Xeelaad Dagaal Uga Guureen deegaankaasi ayna sii wadayaan Difaaca Deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo Gaadhi la Gubay Dagaalkii Galabta

 

Kadib markii ay kadaba tageen ciidamad Puntland Ciidamda Deegaanka Galbeedka bari ayaa waxaan ogaanay in ay halkaasi uu jab wayn kaagaaray.

Masuul Xil weyn kahaya Puntland oo lahadlay saxaafada codsadayna in aan magaciisa la sheegin ayaa afbuuxa waxa uu noogu sheegay in ciidamada Puntland ay ku jabeen halkaasi

Kadib markii ay masuulka ay u shegeen kuwa safka hore jooga in gaari laga gubay sadexna laga dhaawacay.

 

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Atam oo Ciidankiisu ay wali ku Jiraan Goob aan Saas uga Fogayn GalGala oo ay Gudaha ugu Jiraan Ciidamada PL

 

Wararka ayaa sheegaya inuu Dagaalku wali socdo, oo aan Faah Faahin dheeraad ah Laga Helayn

Share this post


Link to post
Share on other sites

WARARKII UGU DAMBEEYEY EE DAGAALADA GALGALA OO WELI SOCDA

 

 

Deegaanka Buurolayda ah ee Gobolka Bari gaar ahaana Buurolayda Galgala ayaa maal mahan waxaa si xiriir ah uga socday dagaallo u dhexeeya Ciidamada Dawladda Puntland iyo Ciidamo kale oo uu hoggaaminaayo Shiikh Maxamed Siciid Attam.

 

Dagaalka ayaa si goos goos ah uga socday Deegaanka Buuraha iyadoo uu maalin kasta halkaasi uu ka dhaco kooxaha uu dagaalku u dhexeeya ayaa ku wada sugan Buuraha waxaana ay sheegaayaan wararkii ugu dambeeyey ee maanta halkaasi laga helaayey in dagaaladu ay dhaceen habeenimadii xalay iyo saaka waa berigii iyadoo aan xog suggan laga hayn khasaaraha ay gaysteen dagaaladaasi maadaama ay meeshu tahay Buuro aan wax war ah laga heli karin.

 

Marka laga soo tago dagaalkii shalay Ciidamada Puntland ku qabsadeen Deegaanka Madarshoon dagaallo kale ayaa waxa ay ka dhaceen isla Deegaanada Buuraha iyadoo dagaalka ugu xooggan uu ka dhacay Deegaanka Xamur ee isla Buuraha Galgala waxaana ay wararku sheegaayaan in Ciidamada Puntland ay Deegaanka Xamur saaka kala wareegeen kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Deegaankaasi ayaa waxa uu noqonaayaa Deegaankii afraad ee ay Ciidamada Puntland kala wareegaan kooxaha dagaalka la galay ee kusugan Buuraha Galgala.

 

Dhinaca khasaaraha ay gaysteen dagaalada ka socda Buuraha Galgala ayaa waxaa kasoo baxaayaa wararka kala duwan oo is khilaafsan hase yeeshee Cusbataalka guud ee Magaalada Bossaso ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey maydka hal askari iyo dhaawaca 3 kale oo dinaca Puntland iyadoo aan wax war ah laga hayn khasaaraha gaaray dhinacyada kale ee dagaalka la galay Ciidamada Puntland.

 

Isgaarsiinta Deegaanku uu dagaalku ka socdo ayaa aad u liidata waxaana adag sida loo heli karo warar sugan iyadoo mararka qaar ay isgaarsiintu gebi ahaanba istaagto taasina waxa ay adkaysay helitaanka wararka dagaalka iyo waxa kasoo kordha.

 

Saraakiisha Dawladda Puntland oo aan xiriirro kala samaynay dagaalka weli sii socda iyo u jeedada ay ka leeyihiin ayaa waxa ay noo sheegeen in dagaalku socon doono ilaa ay Buuraha Galgala ka saaraan sida ay sheegaan waxa ay ugu yeereen xarakada Al shabaab oo sida ay sheegeen isku urursatay Buuraha Galgala.

 

Sikastaba xaaladaha Buuraha Galgala ayaa waxa ay yihiin kuwo siweyn u cakiran Masuuliyiinta Dawladda Puntland horay ayaa waxa ay u sheegeen in uu dagaalku socon doono ilaa ay gaaraan yoolasha iyo u jeedooyinka ay ka leeyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Atam oo Dib ula wareegay GalGala

 

Dagaal Qadhaaq oo wali ka socda GalGala iyo Agagaarkeeda ayaa sheekh Maxamed Siciid Atam Dib Ugula wareegay Degmada GalGala ee ay Horay Gudaha ugu Galeen Malayshiyaadka Faroole,warka aanu Helayno ayaa ah Mid sheegaya in Sheekhu uu weerar Culus ku soo qaaday Saaka Waa Barigii Afar Jiho oo ah Magaalada GalGala Taasina ay Dhabada u xaadhay in GalGala ay Gudaha u Galaan Ciidamada Deegaanka Galbeeka Bari.

 

Ilo Wareed kale ayaa sheegaya in Toga Sugure oo ay Horay Dib uga Durkeen Ciidamada Deegaanka Sheekh Atam ay Saaka ku soo waa Bariisteen Ciidamo Cusub oo la sheegay inay ahaayeen Gurmad dhanka Bari Sheekha uga Yimi

 

Dagaalka ayaa wali ka socda Toga Sugure iyo Afka Hore ee Degmada Galgala.waxana walaac xun laga Muujiyay Bad Baada Ciidamadii PL ee Gudaha GalGala Ku Jiray kuwaasi oo Go’doon Adag ku Jira.

 

Lama Sheegin wali Khasaare Laakiin Warar Hor dhac ah ayaa sheegaya inuu Dagaalku Socdo wali Xukuumada PL ay Gurmad Ka Dalbatay Ciidmaada Ku Sugan Xadka Gobolka Mudug.

 

Sheekh Maxamed Siciid iyo Ciidanka ayaa dadka Siyaasada Lafa Guraa sheegayaa ama Arimaha Daagaalada ku xeel dheeri, inuu Sheekhu Sameeyay Is Taraatiijiyad Cusub oo dhanka Dagaalka Madaaba ay Dib ula wareegeen Saldhigii Hore ee Dhanka Bari Xigay.

 

 

Galgala News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

A game of cat and jiir, they want inney Ramadan uu daan dadka nafta iisku keenan with never ending exchange of the town.

 

May Allah keep the people safe and away from this pointless battle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Originally posted by Jacaylbaro:

[QB] Sheekh Atam oo Dib ula wareegay GalGala

 

:D:D something that will never happen. haba ka yaabin.

 

 

Haddii dagaalku af uun yahay Qolada "maakhir" la baxday baa soomaali ugu adkaan lahayd :D:D

Tolow Magaca Maakhir maxay ku jeclaysteen, qaybo badan oo xeebaha soomaaliya ah baa la oran jiraye.

 

Iska daa Wax qurux badan bay moodeene

sorry the deeds are loader than words.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ISBITAALKA GUUD EE MAGAALADDA BOOSAASO OO LA KEENAY 25 QOF OO KUSOO DHAAWACMAY DAGAALADA GALGALA IYO 14 QOF OO MEYD AH

 

 

Buuralayda galgala ayaa maan ta waxaa markii 3xaad ku dagaalamay kooxda shiikh Maxamed Siciid Atam iyo Ciidamada Maamulka Puntland,Waxaana dagaalkani uu ahaa mid kii ugu qasaaraha badnaa Dhanka Maamulka dagaalada dhexmarayey beryihii dame kooxada Atam iyo Maamulka PL.

 

Shiikh Atam oo Si caadi ah maanta uga sheegay guusha uu dagaalkan ka gaadhey Mediayaha ayaa daaha ka qaaday in dagaalkii maanta aysan Xariiq ka soo gaadhin kooxdiisa isla markaasina ay jab iyo Halaag ka dhexleen ciidamaad Dowlada Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa aan aqoon u lahayn buuralayda degaanka galgala.

 

Shiikha ayaa sheegay inay dhaawaca iyo dhimashada Bosaso cisbitaalkeeda la soo gaadhsiiyey ay ka dabantahay qasaaraha dowlada la soo gaadhsiiyey iyadoo uu sheegay intaasina sii raaciyey inay xitaa Gadiid gaaraya ilaa 3Gaari ay dabka sareen Ciidamada Shiikha Mayalka adag ee Maxamuud Siciid Atam.

 

Dhinaca kalena dadka Bosaso la keenay oo dhaawac iyo dhimasho ayaa Maydkooda iminka lugu aasayaa qabuuraha Magaalada Bosaso Halka dhaawac farabadan oo gaaraya 25ruux dhaawocoodu yaalo Cisbitalka guud ee Magaalada Bosaso .

 

Wasiirka Amniga ayaa ku calaacalay inay ka xunyihiin dhaawaca iyo dhimashada soo gaadhey isagoo hadalkiisa ay ku jirtey qaabcarole oo uga xumaaday sida maanta loogaga Awooda Roonaday dulaankii ay ciidamada PSTa(Ashahaado LA DIRIRKA) iyo kuwa maamulka Puntland ay soo qadeen.

 

 

Laasqoray.NET

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sayid Maxamed Atam oo Guul Sheegtay Dagaalkii Maanta

 

Dagaalada ka soconaya deegaanada galbeedka gobolka Bari ayaa waxaa ay shalay galeen waji kale oo ka duwan kii hore, isla markaana la is la galay deegaanada buuralayda ah oo keymaha leh, ee dhanka Madaro, iyadoo uu dagaalka ka socdey isla deegaanadii uu ka bilowdey ee Sugure oo karin ah.

 

Dagaalka ayaa wuxuu hal mar ka wada qarxay laba deegaan, mid waa deegaanka laamiga ku dhow ee Sugure halkaasoo aysan wax weerar ah markii hore ka filaneyn ciidamada Puntland oo laga dhabar jabiyey. Ciidamada Puntland ayaa 1 gaari halkaasi looga qabsadey, 1 gaarina looga gubey (gaari ka mid ah kuwii ilaalada M. kuxigeenka PL), gaari kalena bohol kala dhacay cararkii ay cararayeen. Ciidamadan ayaa waxaa hogaaminayay Maxamed Ismaaciil Cagaweyne oo ay walaalayihiin Jaamac Ismaaciil oo ah ninkii ay PIS tu Boosaaso ku dishey kadib markii ay maxbuus ahaan usoo qabteen isagoo nool. Qasaaraha dagaalkii Sugure ayaa ahaa 8 oo Puntland laga diley, iyo 22 laga dhaawacay, sidoo kalena ay 3 kamid ah saaka iyo xalay isbitaalka ku dhinteen.

 

Dagaalka labaad ayaa ahaa mid loo galay ciidamada Puntland deegaanada Xamuro iyo Madaro oo Galgala ka xiga dhanka buuralayda Calmadow oo ah meel u dhow tuulada Madarshoon, ayaa waxaa la sheegay in ciidankaasi watey 12 gaari oo tiknika ah, iyagoo la sheegay in gabi ahaanba la waayey, qaar meesha ku go’ay iyo qaar la go’doomiyey.

 

Ciidamadan go’doomey ayaa waxay u badnaayeen ciidamada Ashahaada la dirirka iyo kuwa calooshood u shaqeystayaal ah oo deegaanka ka soo jeeda. Dagaaladan dhacay ayaa waxaa la sheegay in ciidamada Puntland looga qabtey maxaabiis dhan 5 nin, iyadoo aan wali la shaacin magacyadooda. Dagaalka lagu hayo galgala ayaa ah mid aan shacabkeeda waxba loola harin, guryo la burburiyo iyo beero lagubo.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa isla xalay u waramey idaacadaha afka shahaada la dirirka isla markaana isagoo careysan weerarey dadka reer Dhahareedka oo uu sheegay dagaaladii dhabar jabinta in dhahar laga soo abaabuley, isagoo doonaya in Dhahar uu dagaalka geeyo. Maleeshiyada uu keeney madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa laga keeney deegaanada Sool, kuwaasoo shalay intooda badan dagaalka isaga baxay kadib markii ay fahmeen in dagaal diin uusan ahayn.

 

Waxaase la yaableh in dadka reer Dhahareed ay yihiin dad hurda, isla markaana aan wali kicin, waxaaase hubaal ah in hadii shacabka dhahar ay u gurmadaan walaalahood galbeed bari in ay guuleysanlahaayeen dagaalkana uu ka socon lahaa Garoowe. Sh. Maxamed Siciid ayaa amaan u soo jeediyey magaalada Maraje ee taal deegaanka galbeed bari oo gurmad keentey iyadoo ah magaalada kaliya walaalohood u gurmatey xag ciidan.

 

Dhan kale Sheekh Maxamed Siciid oo La Hadlay Idaacadaha Gudaha Bosaaso ayaa sheegay inaan wax khasaare ah soo Gaadhin Dagaalkii ay la Galeen Malayshiyaadka Farool, isaga oo dhanka kale Hanjabaad u diray Maamulka PL Waxana uu wacad ku Maray inay Dagaalka wadayaan ilaa inta Naftooda ka Hadhay waa sida uu Hadalka u dhigay.

 

Guud ahaan PL ayaa Gashay Jawi Degenaansho La’aan ah Mana Jiraan wax waan waan ah oo Lakala dhex dhigay Ciidmaada Ilaalinta Shidaalka Galbeedka Bari uu Hogaamiyo Al-Sayid Maxamed Siciid Atam iyo kuwa PL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro your gleening at this unforunate events is noticed - becareful what you wish for the others - especially when it effects you too.

 

 

:rolleyes: @ Sayid Maxamed Atam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this