Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Originally posted by Che -Guevara:

But it's about Erigavo and who owns that ghost town
:D

Maakhiris who own Galgala, is this a question of Admin loyalty or a fallacious grudge against us?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: (Sh. M. Network) Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dagaalo geystay qasaare isugu jira dhimasho dhaawac kuwaasi oo maanta ka dhacay Tuulada Galgala ee gobolka Bari iyadoo maamulka Puntland uu guulo ka sheegtay dagaaladaasi.

 

Dagaaladaan oo bilaawday waabarigii horay ee saaka ayaa waxaa ay ka qarxeen nawaaxiga togga loo yaqaan Sugurre oo mudooyinkii u danbeeyay ay ku sugnaayeen ciidamo daacad u ah Maxamed Saciid Atam, kawaasi oo dagaal kula jira ciidamad Puntland.

 

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnayeen Ciidamada uu hogaamiyo Max’ed saciid Atam, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal culus oo qaatay in ka badan 5 sacadood.

 

Dad goob joogayaal ayaa ku waramaya in dagaalka la isku adeegsaday hub cul culus oo ay ka mid yihiin madaafiicda ka dhacda qoriga Pm-ka kuwaasi oo dhawaqooda laga maqlayay Magaalada Boosaaso ee Xatunta gobolka bari, waxaana dagaaladu marka ay qarxeen ay ku faafeen deegaano kale oo ku dhow dhow buurta Galgala.

 

Ciidamada dagaalka ku jirey ee Puntland ayaa waxaa hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo wasiirka amniga dowlad goboleedka Puntland Janaraal Yuusuf Axmed Kheyr kuwaasi oo la filayo in saacadaha soo aadan ay saxaafada la hadlaan islamarkaana ay ka warbixiyaan dagaalada.

 

Saciid Cabdi Faarax oo looyaqaan Tuutaweyne oo ah taliyaha Ciidamada Darawiishta Puntland oo la hadlay warbaahinta Garoowe, ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi ciidamada amaanka ee Puntland ay ku gacan sareeyeen, isagoo sheegay inay bur buriyeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada Max’ed Saciid Atam.

 

Waxaa uu sheegay in dagaalkaani uu yimid kadib markii la tashiyo ay sameeyeen Masuuliyiinta Puntland kuwaasi oo uu tilmaamay inay garwaaqsadeen inay la dagaalamaan ciidamada Max’ed Saciid Atam, isagoo intaasi ku daray in dagaalka ay uga geeriyoodeen sedax askari islamarkaana ay uga dhaawacmeen 7 kale, waxaana uu sheegay in dhinacii ay la dagaalameen ay ka dileen ilaa 15 dagaalyahan islamarkaana ay la wareegeen goobihii ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Atam sida uu hadalka u dhigey.

 

Majiro wax war ah oo ka soo baxay hogaamiyaha dagaalka kula jira Maamulka Puntland oo ku aadan ka hadalka dagaalka Maant iyo sheegashada Maamulka Puntland oo ah inay guulo ka gaareen dagaalkii maanta ka dhacay Puntland.

 

Dadka goobjoogayaasha ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 10 ruux oo dhamaantood ay sheegeen inay ahaayeen dhinacyadii dagaalamay, waxana ku dhaawacmay in ka badan 20 kale kuwaasi oo qaarka mid ah dhaawacooda la geeyay isbitaalka Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

 

Dagaalada ayaa waxaa ay saameeyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqii ka jiray Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana maanta yaraa isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga ee Magaalada Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SSDF,SNM,MAAKHARI,AWDAl and SSC. Bahal higlo afqadhmuun kuma kala tagto waxana iskuma biiriso. Dad muslim ah baa dhintay waa arin laga naxo runtii Waxa kala qaybinta ku faraxsan,dhiiga islaamka iyo walaalaha iyo qaraabada isku diray waa ethopian prime minister waa ninka kaliya ee ku qoslaya dhacdada maanta. Markaa Somali caqliyar qabiil bay u dhalanaysaa u dhimanaysaa naarta ku galaysaa.98% dadka soo gala qaybta siyaasada waxay difaacayaan qabiil. Waa fahmay ka lagu soo duulay haduu dhibsado oo sheego wixii uu tabanayo waxaan layaabanahay ka duulaya ee leh waxabaan salaxayaa anigaa amaanka sugaya inagaa xaqa ku taagan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo Dib ugurasho samaysay Dagaalkii Karin!

 

 

Kagadaal maanta gelinkii danbe goor ay tahay casar gaabkii markii dayankii iyo danaagoyinkii rasaastu kala joogsadeen,togii lasyku horfadhiyayna ay ciidamadii Dawlada Puntland ee dagaalka soo qaaday wax talaabo ah oo horumar ah ka gaadhi waayeen,iyadoo dagaal laysku jilbo laabtay uu kadhacay toga Subure ee karin oo ciidanka dawladu saaka dagaalka ku qaadeen, halka ciidanka ilaalada deegaanka oo hore halkaasi difaac adag uga xidhay ay soo gaadhsiiyeen khasaare baahsan dawlada.

 

markii gabalku dhacay qoraxduna godkeedii gashay ayaa intii ka hadhay ciidamadii saaka ku hoobtay dagaalka ay dib ugurasho sameeyeen iyado oo aanay cadayn sababtu oo laga yaabo in ay tahay xeelad dagaal halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan meesh ay joogeen ciidankaasi oo aan ahayn meel difaac leh sidaasina ay ka cabsadeen in caawa ay miraan ciidanka ilaalada deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.

 

dagaalkii saaka oo saraakiil badani ku geeriyoodeen oo kamid ah kooxda PIS ama shahaado la dirirka ayaa dawladu ay ka gaabsatay in ay wax war ah ka bixiso iyadoo la sheegay in dhaawacii kooxdaasi loo qaaday wadanka Itoobiya oo diyaarado lagaga daadgureeyey magaalada garoowe iyo Boosaaso.saraakiisha ilaa hada lahubo in ay ka geeriyoodeen PISta ayaa gaadhay 13 sarkaal.

 

Dagaalkan ayaa waxaa dib ugasoo baxay C/samad cali oo ahaa ninkii hoygiisa ay Soomaliland la wareegtay isago oo Boosaaso caawa kusugan ka gadaal markii uu kusoo fashilmay dagaalkii saaka.

 

In dawladu dagaalkii kujabtay waxa ay cadaatay saaka markii isla sagaalkii subaxnimoba ay dhowr Umbalance iyo baabuur gaashaamani magaalada boosaas keeneen mayd iyo dhaawacyo kala duwan taasi oo ka turjumaysa judhii u horaysay ee dagaalka in fooda lays daray banaankana usoo baxday dhaawaca soo gaadhey dawlada iyo ciidankeeda iyadoo cusbitaaaladii maanta gelin kii danbe ay buuxdhaafeen dhaawacyada qaybtoodna lagu dawaynayay farmasiyada iyo cusbitaalo yar yar oo dhakhaatiiri fadhiisato.

 

 

galgalanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Amniga ee Puntland oo ka hadlay Dagaalada Galgala kasocda

 

 

Boosaaso:(Allpuntland)- Wasiirka Wasaarada Amniga ee dawlada Puntland Jen,Yuusuf Axmed Khayr oo kamid ahaa Tiro Wasiiro ah oo maanta ka qeybgashay Dagaalkii cuslaa ee saaka ka bilowday Deegaano kamid ah gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegey in Dagaalkii saaka ay Ciidankiisu Hor’umar weyn kasameeyeen.

 

Jen,Yuusuf Axmed Kheyr wuxuu sheegey in Ciidanka Puntland ay gaareen intabadan Ujeedooyinkii ugu muhiimsanaa ee ay Dagaalkan u qaadeen,waxaana uu sidoo kale sheegey inaysan weli Maxaabiis nool gacanta kusoo dhigin balse ay in kabadan 20-Nin oo Qaarkood Saraakiil yihiin goobta ku dileen.

 

Wasiirka Amniga ee Puntland wuxuu carabka ku dhuftay in Ciidanka Amaanka ee gobolka Mudug ay gacanta kusoo dhigeen gaari ay saarnaayeen koox dad ah oo uu sheegey inay ugu shakisanyihiin inuu yahay Gurmad u socday goobta,Dagaalka balse wax faahfaahin ah oo dheeri ah Wasiirku kama bixin gaarigan ay ciidanku qabteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaana uu sidoo kale sheegey inaysan weli Maxaabiis nool gacanta kusoo dhigin balse ay in kabadan 20-Nin oo Qaarkood Saraakiil yihiin goobta ku dileen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this