Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

SHEEKH MAXAMED SICIID ATTAM OO KULAALAYA DEGMADA GALGALA ISLAMARKANA LAGA YAABO IN UU QABSADO MAALMAHAN

 

Wararka ka imanaya Deeganada ku dhow Magaaladda Galgala ayaa Waxay sheegayan in Saaka uu ka dhacay dagaal duleedka Magaaladda Galgala oo ay fooda isku dareen Ciidamada Ilaalada deegaan ee hogaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam iyo Ciidamada Faroole iyo kuwa PIS-ta ee huwanta ah Waxaana Wararku sheegayan in halkaas lagaga gubay Gaadhi Tikniko ah Kooxda PISta oo ay ku dhinteen Afar Askari islamarkana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad Lix Askari.

 

Waxaa Maanta dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Galgala oo ay indhawaalba isku hor fadhiyeen Ciidamada Xaqu dirirka ee Ilaalada deeganka iyo kuwo Soo duulay ee Maamulka Faroole Waxaana lagu soo waramaya in Gaadhi tikniko ah laga gubay Kooxda Asha-haado la dirirk ah oo ay ku dhinteen Afar Askari Waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaadhay Lix Askari waxaana loola cararay isbitaalka guud ee Magaaladda Boosaaso

 

Ciidamada Ilaalada degaanka ee uu gadhwadeenka ka yahay Sheekh Maxamed Siciid Attam ayaa lagu soo waramaya in ay haatan ku laalayaan Hareeraha Degmada Galgala ee Gobolka Bari oo islamarkaana ay qabsan doonaan maalmahan fooda inagu soo haya kadib dagaalka uu halkaas Maanta kula galay Ciidamada Maamulka Faroole oo kaashaneya Kooxaha Sirdoonka Mareykanka ee looyaqaan PIS, yadoo ay Maanta.

 

Dadka qaar baa is weydiinaya goorm ayuu dagaalkani dhacay oo la yaaban balse waxaa xusid mudan in Warbaahinta Puntland Afka laga xidhay oo aysan baahin karin Wararka ka dhanka ah Sheekh Maxamed Siciid Attam yadoo loogu goodiyay hadii ay faafiyaan wararkaas in Xadhig iyo Ganaax Lacageed la dul dhigi doona Waxaana Muuqata in ay aqbaleen Warbaahinta Puntland Hanjabada uga timi Maamulka Faroole.

 

Waxaa Sidoo kale Xusid Mudan in ay Go'aan Mideysan ka qaateen Warbaahinta Deeganada Maakhir Dagaalada Ka socda Buuraha Galgala ee Gobolka Bari Waxayna si toosa isu garab taageen dagaalka uu Iclaamiyay Sheekh Maxamed Siciid yadooba la odhan karo Saxaafada Reer Maakhir Waxay markan qaateen doorkii looga baahna.

 

 

Laasqoray.Net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaalada GalGala iyo Ilka Jiir oo Ku sii jeeda

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay bilaabeen ciidamada Puntland ee ku sugnaa togga Sugure iyo tuulada Galgala in ay dib uga soo gurteen si tartiib tartiib ah, inta ay kala soo baxayaan ciidamadooda ku sugan deegaanka Galgala oo in dhowaalahan uu dagaal kaga dhexeeyey Ciidamada Sheekh Maxamed Siciid ATam.

 

Dadka socotada ah ee wada laamiga ah saaka soo maray ayaa sheegaya in lagu arkay geedaha Canjeelka ah ee tuulada Galgala ciidamo si raxanraxan ah u soconaya oo degaya geedaha hoostooda.

 

Ka soo bixitaanka ciidamada Daraawiishta ee deegaanka Galgala ayaa loo tirinayaa in ay ka danbeysay kadib markii ay ku dayoobeen ciidamada Puntland weerarada gaadmada ah ee lala beegsanayo gaadiidka dagaalka iyo ciidamadooda oo dhimasho iyo dhawac intaba ka dhaxlay.

 

Weerarada gaadmada ah ee Maxamed ATam uu ku hayo ciidamada Puntland ayaa 24 saac ee ugu danbeeyey waxaa lala beegsaday 2 gaari oo nooca tiknikada ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana qaraxii shalay ku dhintay Hal Askeri, qaar kalena waa ku dhaawacmeen.

 

Waxaa sidoo kale weerar Miino saaka lagu qaaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo Punltnad ah ayaa dhaawac ka soo gaaray 8 isugu jira ciidamada Daraawiishta iyo kuwa PIS-ta, waxaana dhaawacyada la soo dhigay isbitaalka magaalada Boosaaso, halkaasoo lagu daaweynayo.

 

Warar dheeraad ahina waxay sheegayaa in Gen Ilka Jiir uu Magaalada Bosaaso Cutub Ciidamo ah kala baxay isaga oo ku sii Jeeda Galgala, idaacadaha gudaha oo la xidhiidhay ayuu u sheegay in ay Haatan ku sii Jeedaan Galgala isla markaana wuxuu Walaac ka Muujiyay xaalada GalGala oo Meel sal dhigayn wayday.

 

Gen Ilka Jiir ayaa Qiray in GalGala Habeenkii xalay ahaa ay Saacado Kooban kala wareegeen Garabkii Maxamed Atam in kastoo uu Cara baabay inay ay mar danbe Dib uga riixeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidama uu wato Gen. Ilka Jiir oo sii galay magaalada Galgala, iyo warar sheegaya in Ciidama Atam ay dib uga baxeen

 

Galgala: Kadib markii ay ciidamada PIS tu lagala wareegay magaalada Galgala ayaa waxaa kasoo baxay magaalada Boosaaso ciidama badan oo uu wato Gen. Ilka Jiir ayaa waxay gaareen Galgala iyagoo aan khadka telefoonka la beegsaney ayuu wuxuu noo sheegay Genenku in ay magaalada sii galayaan, haseyeeshee ay xalay dagaalo ku qabsadeen maqribkii shalay kooxda Sh. Atam.

 

Genenka ayaa inoo sheegay in aysan hada wax dagaal ah jirin oo socda magaalada gudaheeda, ay qolodii Atam aysan haatan joogin Galgala ay ciidamada Puntland ku suganyihiin. General Ilka jiir ayaa sheegay in ay doonayaan wada hadal lagu soo dhameeyo, maadaama ay howshan noqotey mid aad u jiidanta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar si Hoose aanu ku helay ayaa sheegaya in Ilaa 389 ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa shalay ka soo gadooday fariisimadii ay ku lahaayeen togga Sugure ilaa duleedka magaalada Galgala, kuwaasoo ka cabanaya daryeel xumo, qarxyo miino, dhimasho, dhaawac iyo daawo la’aan soo food saartay mudadii bisha ku dhoweyd ee ee ay dagaalka kula jireen ciidamada wadaadka lagu magacaabo Maxamed Siciid Atam.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa shalay u kicitimay deegaanka Galgala iyo fariisimada ciidamada, waxayna xooga saareen siday dib ugu celin lahaayeen ciidamada gadoodka muujiyey, wadahaal uga furmay geedaha Canjeelka ah ee ku yaal tuulada Karin Madaxweynaha iyo ciidamada gadooday ayaa wadahadal mudo 5 saacadood soconayey uu halkaas ku dhex maray, sarkaal u hadlay ciidamada ayaa muujiyey in dhibaatooyin badan ay qabaan ciidamadu, taasoo sababtay in aysan sii wadi doonin dagaal ka dhan ah wax uu ugu yeeray Falaagada buuraha ku dhuumaaleysaneysa.

 

Waxay kaloo ciidamadu sheegeen in uu aad u yar yahay mushaharka la siiyo oo Askerigiiba uu bishii qaato lacag ka yar 60 Doolar, iyadoo ciidamada Sheekh Atamna ay yihiin kuwa Qadiyada Difaaca deegaanka iyo Ilaalada Khayraadka ay Ka midaysanyihiin taasina ay Keentay inay u Sahasho in Wakhtigasta Dagaal lagu soo qaado Ciidamada PL.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo ciidamada la hadlay wuxuu u sheegay hadalo baraarujin ah oo wadaniyada taabanaya, wuxuuna u balan qaaday in cabashadooda uu u gudbin doono Madaxweynaha si deg deg ahna wax looga qaban doono, iminkana loo baahan yahay in ay dib ugu noqdaan jiidihii ay ka soo ruunqaansadeen.

 

Sii Haya taliyahaee ciidamada Daraawiishta Col. Siciid Dheere ayaa isaguna ciidamada khudbad taabaneysa arrimaha diinta iyo wadaniyada u akhriyey, wuxuuna u ballan qaaday in uu wax la qabayo ciidamada, la seexanayo, dhufeyska kula jirayo, waxa ay cunaan la cunayo, si wada jir ahna ay isu kaashan doonaan.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isaguna hadal uu u jeediyey ciidamada wuxuu ugu sheegay in dagaalku uu iminka bilow yahay, nimankii ka soo horjeedeyna ay ku xoogeysteen buuraleyda iyo toga Sugure, khubaro sar sare iyo taakuleyna ay uga timid dhinaca Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya, loona baahan yahay in hilfaha loo qaado lagana tirtiro geyigeena wax uu ugu yeeray Argagixiso Kalkaalka Galgala ku dhuumanaya.

 

Xalay waxay aheyd habeen ay dhufeyska ku baryeen Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Saraakiisha ciidamada Puntland, iyadoo si adag loo ilaalinayey amaankooda, waxayna ku beegmeen xili ay magaalada Galgala ka qaxeen dadkii ku noolaa oo ay haaweyneyso, waxa keliya ee ishu qabaneysana ay ahaayeen ciidamo tuuteysan kuwaasoo gabaad ka dhiganayey beeraha timirka oo xiligan la ciiraya mirihii oo bislaaday.

 

Col. C/samad Cali Shire oo ah Madaxweyne Ku xigeeenka Puntland oo xalay u waramay idaacada SBC wuxuu qiray in dagaalkii tooska ahaa ay u bedeleen mid gaadmo ah kooxda ka soo horjeeda ciidamada dowladda, wuxuu kaloo caddeeyey mar kale in aan wax waraysi ah laga qaadi karin Sheekh Maxamed Siciid Atam, isagoo ku tilmaamay Argagixiso, wuxuu kaloo waxba kama jiraan ka dhigay in ciidamo ka tirssan Puntland ay u goosteen dhinaca ka soo horjeeda.

 

Booqashada Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa ku soo beegmay xili uu soo rogaal celiyey dagaaladii u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Sheekh ATam oo markan ku dagaalamaya xeeladaha dhuumaaleysiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Waryaa JB, thanks awoowe. I found all the updates in your topic - right here. I admire your dedication sxb. It would be honoured with a plack over Maakhir's future ministry of propaganda and marin-habaabinta with a note that reads - 'To he who kept vigil over crying oldmen of PL' :D

 

Seriously though, Galgala well ma socotay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

I expected from the Faanfaan group that the issue is over ,,, it looks like it is taking a new phase now.

 

It i easy to start a war but Faroole doesn't know it is hard to stop it .... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

JB, keep posting your articles with the majority having no source or even title!

 

We know whenever you do that, it's because the source doesn't exist or is not reliable!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ JB Adeer keep up the good work. Keep hope alive, this thread is useful in many ways. One it shows you care. :D

But Attam ain't done Jack in 3 weeks, a man on the run has no time to Organise things.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

My and everyone else's posts always have the source and title with a link. You want to hide yours!

 

We know you do this because it is unreliable (I.e. a site that never writes positive stuff with the bad) and sometimes your news is made up.

 

Start providing a source please!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Its about Puntland so it concerns me.

 

Is it that difficult for you to simply provide a source? Posting a couple paragraphs is weird.

 

Why don't you want to, can you answer that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this